Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,160
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ahna senator katirsan aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, kadib [...] Source
  2. (SLT-Hargaysa) Taliye Gamaal Baaxad, oo ka soo goostay Jabhadda uu hoggaamiye Kornayl Caarre, ee fadhigeedu yahay Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Taliska millateriga Somaliland ee Hargeysa. Taliye Baaxad, oo hadlay ayaa sheegay in uu dib u soo laabtay kadib markii Xukuumadda madaxweyne Biixi, saxday khaladaad deegaamada uu ka soo jeedo ay ku samaysay Xukumuuaddii madaxweyne Siilaanyo. Source
  3. Kulan ah is barasho, soo dhaweyn iyo is xog wareysi ah oo xalay ku dhex maray magaalada Copenhagen ee Cariga Danmark Siyaasiga Somaaliyeed ee Ruuga [...] Source
  4. Two men, of foreign nationality, were arraigned separately in the Gozo Courts on Christmas morning, the police said. The two were involved in a fight in Xlendi on 30 December. A 24-year-old Nigerian resident in Zebbug, Gozo, was charged with causing a grievous injury to a 30-year-old man, breaching the peace and creating public disorder, and breaching conditions imposed by a previous court ruling. He pleaded not guilty but was refused bail. A 30-year-old man of Somalia, resident in Munxar, was charged with public disorder and breaching the peace, as well as breaching conditions imposed by a previous court ruling. He was granted bail. The prosecution was led by Inspector Bernard Charles Spiteri. The police did not give the names of the accused. The post A court in Malta released Somali national from jail on bail appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Puntlandi) Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay taageerada geeddi-socodka doorashooyinka dowlad goboleedyada, si ay horseed ugu noqdaan hiigsiga doorashooyin cod iyo [...] Source
  6. Every political move needs a plan whirling through the mainframe. The most captivating within our current political theatre is surely the battle that Kulmiye party has begun with its most senior executive members. On surface level, the battle is not much more than a claim for primacy between two war veterans-turned politicians who inherited Kulmiye party, as a birthright, and insiders who learnt lessons of how energized persons could become part of constitutive members of a political party from the mainstream. But no story-within-a-story is worth the price of admission if it is limited to the obvious. All of them, the war veterans and the insiders learnt politics in teashops. Non of them really went to college to study political literature and their idea of social responsibility is nothing more than a he-she-says ambivalence. The thing is, in all walks of life, serendipity sometimes plays the role. Imagine what positions would the two Colonels hold in Somaliland if Mujahid Lixle were alive today. Colonel Muse Biixi would not hold any position. He would be among those who always rant and raive after Mujahid Lixle. Colonel Mohamed Kahin would be those who play marbles under the trees. If distrust is about contemporary politics then democracy is about temporary delusion. Kulmiye is not a national political party. The party is really far off from being that. Kulmiye is a two-clan-led party. Besides the structural power, its own vision and mission tell its own tale. The battle has just left one remarkable point. The attention of the party is focused on the aliens. The hunt has already started. Jama Shebeel, the then Kulmiye Secretary was the first alien who kissed the dust. He was sacked and silenced by a sword hanging on his head. Abdillahi Geeljire, a former minister of fisheries and sea resources in Siilaanyo administration, became Kulmiye’s second kill. The litmus test is well done. There is no compelling evidence other than the allegation that the exclusionists had publicly violated Kulmiye’s internal discipline by expressing political weak points of the current administration through press releases. The decision to expell these senior members from the party has just come from the two Colonels who now co-rule this country. No one else has the power to force anyone out of the party. The questions that need convincing answers are: Why official warning has not been given to these chaps? When the right to express personal opinions has become a crime? There were occasions in which party leaders violated the party’s internal discipline and ruling policies during Siilaanyo’s reign, and no one was expelled. One good example is when Abdulaziz Samaale publicly slandered Siilaanyo after being dischared from the minister of finance. The party did not take any action against him. Muse Biixi also violated the party’s discipline as he accused Siilaaanyo and his administration of failing to monitor the terrorist activities in Somaliland in 2014. No disciplinary action was taken against him. Doesn’t this mean that Kulmiye’s internal discipline is only applicable to some certain people? The expulsion is nothing more than the reality that the two Colonels are afraid of anything that might result in people seeing through their charades. To kill knowledge and know-hows is their own construct reality. We can never be sure what transpires within the recesses of the mind, let alone the heart. But one wonders if Colonel Muse Biixi and Colonel Mohamed Kahin are signalling to their young jibes and jabs to their own party and intending to clean the party from the old generation. This version would have been a good guess if the opposite is not true. Leaving all pontificating aside, faults are visible on the Colonels’ sides. Where there are human beings there are blunders and problems. Where there are problems, there can be solutions. That is why nations employ corps of advisory bodies. An advisory body knows that civilized solutions can only be found through dialogue; so the first and abiding requirement of civil behaviour is common sense. But instead of finding a calm way out of a pinprick problem, some ignorant within the Colonel’s establishment decided that the time has come to “teach” aliens, a “lesson”. The expelled aliens belong now to “renegade” nation. The veneration might possibly go to the only remaining alien who is surrounded by a gang of four whose job is to monitor every action that the laughing cow will take. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  7. Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay Sacuudiga ayaa kulamo la qaatay wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin iyo wasiirka ku xigeenka wasaaradda Xajka & Cumrada Dr. Cabdilfataax Mashaad. Mudane Sheekh Nuur waxaa uu mas’uuliyiinta Sacuudiga hordhigay sida ay ahaayeen xaaladda xujeyda Soomaalida ee sanadkii hore, waxyaabaha ka dhinnaa iyo faa’iidooyinka lagaaray. Gabagabadii kulanka, dowladaha Soomaaliya iyo boqortooyada Sacuudiga ayaa ku heshiiyay qodobo badan oo dhamaantood khuseeya arriimaha xajka, waxaa ka mid ahaa in la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadka socoda gudan-doona waajibaadka Xajka. Tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadka soosocda xajin doona waxaa lagu daray ilaa 2,200 qof taas oo ka dhigan in tirada xujaajta Soomaalida sanadkan noqonayaan 11,500 halka sanadkii hore 9,300 oo qof oo Soomaali ah ay xajiyeen . Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya XildhibaanSheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa sidoo kale sheegay in Xujaayda Soomaaliyeed loo ogolaado in Mina la giliyo iyada oo la isla gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo Soomaalida, haddey ahaan lahayd deegaannada, gaadiidka iyo cunnada Wasiirka waxaa kaloo uu shegay in lagu ballamay in la dadajiyo soo saarista viisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan intii uu Sacuudiga joogay waxaa uu la kulmay hey’ado badan oo qaabilsan arrimaha xajka sida Mu’asasada carabta oo qaabilsan adeegyada xujayda soomaalida, Hay’adda gawaarida oo qaabilsan gaadiidka xujaajta Soomaalida iyo qaar kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray ayaa waxa la sheegay in uu jiidhay gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaano dhukhaanka (Vits). Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay wararku sheegayaan in markii uu shilkani dhacay ay wateen carruur uu dhalay mas’uulkani. Wararku waxa ay intaas ku darayaan inay saddex qof ku dhaawacmeen gaadhagan uu jiidhay gaadhiga isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer. Gaadhigan ayaa waxaa lahaan jirtay Wasaaradda beeraha Somaliland waxaana hore lagu wareejiyay Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray. Source
  9. Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee Sweden oo wadanka u yimid is-dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo. Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ah madaxa wafdiga kooxda Som United ayaa u mahad celiyay dowlada yo shacabka Gobolka Banaadir sida wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen dalka markii ay ku laabtan Sweden ay bulshada la wadaagidoonaan sawirka dhabta ah ee ka jira wadanka. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa u mahad celiyay raysal wasaare Khayre sida wanaagsan uu marwalbo ugu soo qeyb gal madasho ceeynka oo kale u jeedaada ciyaartooyda qurbaha ka imaanaysa ay tahay in aan kaalin ka qaataan u ciyaarista xulka qaranka. Qaar ka mid ah wafdiga iyo xidigaha kooxda Som United ayaa inooga waramay dareenkooda ku aadan kulankii ay la qaateyn raysalwasaare Khayre,iyagoo sheegay in markii ay ku laabtaan halkee ay ka yimaadeyn ay bulshada iyo dhalinyarada kale la wadaagi doonaan sawrika dhabta ah ee Soomaaliya ka jira. Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa xiriika kubbadda cagta wasaarada ciyaaraha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa keentay guulaha isdaba jooga ee xulka qaranka gaaray sanadka 2018 iminka ay xooga saareyn in gudaha ay soo booqdaan dhalinyarada qurbajoogta si loo arko xirfadooda ciyaareed. Isku soo wada duub wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsha ah in caasimada ay marti gelisyo tartanka Som Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta waxayna arinta xiiso u yeelaysaa is dhaxgalka labada dhinac. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa tilmaamay inaanu la dhacsanayn isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay inaanu weli u muuqan heshiis dhex maray madaxda gobalka qaarkood oo saamayn ku yeelanaya dhaqaalaha. Madaxweyne Geele, oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, wuxuu ka hadlay isku furanka dhaqaale ee laga yaabo inuu gobalka ku soo kordho iyo sida ay Djibouti ula jaanqaadi karto. Ugu horayn isagoo ka hadlaya xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi “Waxaanu ahayn dadka kaliyaata ee ilaa 2008-dii labada dawladood ee jaarka ah, labada dawladood ee isku jiray ee kala baxay labada dawladood ee islaayay ee Itoobiya iyo Eratariya la yidhaahdo labadaba xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo ah oo wada shaqayn ah la lahaa anaga weeye, 2008-dii ayay wax na dhex mareen anaga iyo Eratariya inkasta oo wax na dhex mareen waxaanu u fadhinay mar walba in si nabad ah aanu ku wada hadalno waxii na dhex yaala aan ka doodi karno, wax alle qadaray weeye oo waa ay suurtoobi la’ayd ilaa imika anagu jawigaas nabadeed diyaar ayaanu u nahay waanu sheegnay oo waxaanu idhi aan arinkayaga dhamaysano way dhawdahay ayaan u malaynayaa waanu sugaynaa, taasina kama dhigna in aanu ka xunahay ama ka horjeedno ama aanu diidanahay midna maaha, salaad walba xiligeeda ayaa la tukadaaye in aan arinkanina ku dhex milmin nabad jacaylkaas iyo jawigaas wanaagsan oo aan qadiyadayadii meeshaas ku halaabin. Isku furanka dhaqaalaha iyo heshiisyadaas ma laga yaabaa inaad ku soo biirtaan? Heshiis aan ognahay oo dhaqaalaha badalaaya ama si kale u rogaaya inuu jiro anaga nalama aha, haddii aad leedahay marsooyinka sidee loogu camal falayaa anaga kaayagu waxa uu abuurmay 1926-dii ilaa maantana ama Itoobiya ha ku camal fasho ama ha ku camal fali waydee waa uu socday uun horena waa uu u scoday uun, sidii ayaanu aaminsanahay haddii ka Eratariya lagu camal falaayana ma diidno,haddii Berbera lagu camal falaayo ma diidno, haddii Kismaayo lagu camal falaayana ma diidno maxaa yeelay waa tartan iyo ganacsi shaqo wanaag iyo kalsooni uunbaa ayuunbaa lagu shaqaynayaa. Idinka iyo Eratariya wada hadal ma idiin bilaabmay? Haa waaniga ku leh, ragii farsamada ahaa wasaaradii arimaha dibada, anaga labadayada madax waanu is aragnay oo Jidda ayaan isku aragnay, wasiiradii ayaa noo hadhay inay kulmaan ( Jabuuti) ama halkan ama Asmara. Itoobiya waxa idinka dhaxeeyay xidhiidh ganacsi oo dhaw haddii heshiisyadan aad gaar ka ahaataan ma laga yaabaa in saamayn ay ku yeelato xidhiidhkiina? Waa uu iska jiraa kaasi anaga iyo Itoobiya waxaanu leenahay xidhiidh kale oo dhaqaale oo weyn iyo is dhex gal, khudbadaydiina waan ku idhi oo xadiid tareen ayaa noo dhaxeeya oo wadooyin iyo Telefoon iyo Viber Optic ayaa noo dhaxeeya,wax alle iyo waxii dhoofaya ee Itoobiya halkanbuu soo maraa, waxii ay la dagayaana halkan ayay maraan waxaanu ku heshiin weynay oo aanu ku kala tagnayna ma jirto wax cusayb u baahana ma jirto, waxay ku xidhan tahay labada shirkadood ee wada shaqaynaaya haday dhanka ascaarta isku diidaan ama meel ka roon ay helaan way iska tagayaan anaguna ma diidayno taas. Waxaad marti galiseen saldhigyo kala duwan, dhawaana Maraykanku waxa uu sheegay in uu badalaayo siyaasadii arimaha dibada si looga hortago wax ay ugu yeedheen dhaqamada dooxatada ah ee Ruushka iyo Shiinaha, saamayn intee leeg ayay idinku yeelanaysaa arintaas? Isbadal anagu siyaasada Maraykanka kama aragno oo dharaar dhawyadna waxa nala joogay kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Afrika qaabilsanaa, siyaasadooda waxii anaga nagu saabsan waa sidoodii oo si ka fiican ayay noqonaysaa ninkaas aad sheegtayse rayigiisa shaqsiga ah ayuu sheegay jawaabteedana waa uu heli doonaa, dawladaha dano ayaa dhex yaala Shiinaha iyo Maraykanka xidhiidhkeena ka fiican way yeelan karaan wayna leeyihiin way isku dhex jiraan si ay u kala baxayaana ma jirto, is riix riixoodana anaga nama quseeyo anagun waxaanu u ogolaanay midna in hawlihiisa iyo maraakiibtiisa oo 85% xoolaha badacas iyo bada Hindiya mara waa Shiine,inay waxooda sheedaas ka ilaashadaana anagu waanu u ogolaanay isdhex galka dhaqaale iyo is kaashiga dhaqaale ka sokow inaan u ogolaano inay nala joogaan kuwan kale ee Maraykankuna horeba way u sii joogeen oo 2003 way yimaadeen. Waxaad sheegtay inay si gaar ah arimhooda u kala maaraysan karaan,laakiin waxa laga yaabaa inay arimuhu is kor maraan Maraykanu waxa uu yidhaahdaa in diyaarado uu leeyahay Shiinahu uu wax la beegsado? Waa ay yidhaahdaan waanuna eegnaa oo waanu baadhnaa kuwan kalena sidaas si leeg ayay yidhaahdaan oo khaatiyaanbaanu joognaa oo waa nala dul maraa, waxaasi waa wax ay labada ciidan uun ka heshiinayaan. Xidhiidh wanaagsan ayaad leedihiin Shiinaha, labadoodiina ka dhaxeeya loolan ma laga yaabaa inaad kala doorataan oo aad dhinac isugu baydhaan? Ma kala dooranayno oo waanu la tacaali karnaa labadaba waanan la shaqayn karnaa,waxuna waa gancsi oo arimo kale oo siyaasadeed kuma jiraan iyagu markay laba boqol iyo saddex boqol oo bilyan is dhaafsanayaan waxan yar halkan yaala wax macno leh maaha. Waxa kale oo ka jira gobalka hirdan kale oo Carabta ah haba u badnaadeen Qatar iyo Turkiga oo meel ah iyo Sucuudiga iyo Imaaraadka oo meel ah wal wal intee leeg ayuu idinku hayaa Jabuuti ahaan? Umada Carabtu markay is dhibaataysaba anaguna dhibaatadaas waanu la qabaynaa, oo markaad Camp David ka soo bilowdaba kol kolbuu gariirku imanayaa oo madaxa laysku dhufanayaa hadana waa laga heshiinayaa, xataa haddii samadaas xuduudii kale kolkaasba aad galayso halka lagu kala tagaayo anigu ma garanaayo, wax tagay yaynaan ka hadlin ee waxa socda aynu ka hadalno. Mucaaradka Jabuuti ee dalka inay ku soo noqdaan? Way iska yimaadaan oo way noqdaan oo way yimaadaan oo way laabtaan,cid u diidaa ma jirto ku ay maxkamadi haysato mooyaane. Saxaafada Jabuuti waa mid qudha oo dawladu ay leedahay? Dee midaa wanaagsan. Waxa jirta fikrad ah in aanay mucaaradku xor u ahayn inay fikirkooda ku cabiraan dalka gudahiisa cadaadisna ay ka cabanayaan? Dee haydin tusaan idinka meesha loogu diidayo inay jariirad qoraan oo ay idaacad ka hadlaan oo waxay doonaana ay ka hadlaan, wax aanu angu u diidnayna ma jiraan sharcina uma diidayo laakiin waxaan doonayo maahan sidaan u doonayo maahan si kale ma jirto isaga ayaan dimuqraadi ahayn. Waxaad ka qaybqaadatay halkankii gobanimo doonka Jabuuti, dalka mudo labaatan sano ku dhawbaad madaxweyne ka ahayd saddex doorashana waad ku guulaysatay, doorashadan miyaad soconaysaa? Wakhtigeeda ayaan ka jawaabi doonaa. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa markii ugu horeysay baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degmada Maxaas inay joojiyaan dagaalada islamarkaana laga fakaraa qorshe kale oo horumar lagu gaari karo. Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”. Xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inay dadaalka ugu badan ku bixiyaan sidii dagaalada loo dhameyn lahaa. “Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”. Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad ka hadlay xummaanka colaadda isaga oo yiri “Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya”. Dagaalada ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimashada 15 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu joojiyo xiisadda dagaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa mid ka mid ah macalimiinta jaamacadda Hargeysa, wuxuu u magacaabay garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya. Cabdiqaadir Idiris Ciise, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ahaa macalin ka tirsan jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan qaybta sharciga, waxaanu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ka tirsanaa jaamacadda Hargeysa oo uu Farmaajo u magacaabo xil. Mr Idiris ayaa shahaadada labaad wuxuu ku soo diyaariyay sharciga oo uu ku soo bartay dalka Sudan, waxaanu magaalada Muqdisho u socdaalay dhawaan. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Warbaahinta dalka ku boorriyey in ay raacaan xeerarka dalka u yaalla, isla markaana ay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda. Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay shalay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaanu u qornaa sidan:- “Waxa maalmahan aad loo hadal hayey wax ka bedelka tacriifadda Warbaahinta ku waajibtay oo Saxaafadda iyo siyaasiyiinta qaarkood si gurracan u sifeeyeen, iyaga oo bulshada uga dhigay culays Xukuumaddu saarayso Warbaahinta. Haddaba, iyada oo Wasaaradda Warfaafintu ka duulaysa muhiimadda ay qaranka u leedahay saxaafaddu waxay u caddeynaysaa bulshada Somaliland in aanay haba yaratee jirin culays ay xukuumadu saarayso hay’daha Warbaahinta, balse ay waajib tahay in Warbaahintu noqoto cashuur bixiye rasmiya oo la mid ah ganacsatada iyo muwaadiniinta kala duwan ee cashuur bixiyayaasha ah. Waxaynu og nahay in warbaahintu ka mid tahay hay’daha ganacsi iyo wax soo saar ee dalka, sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay u hagar bixi lahayd bixinta cashuuraha ku waajibay, maadaama oo 27-kii sanno ee la soo dhaafay aanay warbaahintu wax cashuura bixin. Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa looga baahan yahay in ay aamminsanaato in bixinta cashuuruhu yihiin waajib dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta, derajo kasta oo uu leeyahay iyo shaqo kasta oo uu hayaba, waxa habboon in aanay Saxaafadda dalku iska dhigin qaar ka hooseeya jeeb ahaan ganacstada yar-yar iyo wadhatada ka xoogsata suuqyada magaalooyinka dalka oo si hagar la’aan ah qarankooda ugu hura cashuuraha ku waajibay, iyada oo qaarkood ay masaariiftooda kala soo baxaan ganacsi aad uga yar lacagta ay Warbaahintu ka qaado dadka ay u baahinayaan wararka, barnaamijyada iyo xayeysiiska hal mar baxaya. Waxa, haddaba, la gaadhay xilligii ay Saxaafadda dalku dareemi lahayd in cashuuruhu yihiin mishiinka lagu wado adeegyada bulshada iyo sugidda xuduudaha dalka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan u hagar-baxa cashuuraha ku waajibay ganacsigooda. Si kastaba ha ahaatee, tacriifada cashuureed ee Warbaahinta ku waajibtay ee ku jirta miisaaniyad sannadeedka qaranka 2019ka, waxay noqonaysaa lacagta diwaangelinta (Registration Fee) ee Hay’adaha Warbaahinta cusub ee dalka laga furayo oo hal mar laga qaadi doono iyo cashuurta liisanka sannadlaha ah ee ganacsiga. Sidaa awgeed, waxaan mulkiilayaasha warbaahinta ku boorrinayaa in ay noqdaan cashuur bixiye wanaagsan oo qaranka wax ku leh, una hoggaansan nidaamka iyo qawaaniinta dalka.” Source
  14. Inkasta oo guddiga miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda lagu daray xubnaha kala ah Saalim Caliyow Ibrow, Sagal Biixi iyo Aden Xasan, lagana saaray kuwii la dhahay lama shaqeyn karno, isla markaana la faray miisaaniyadda 2019-ka la horkeeno golaha shacabka 30/12/2018 si loogu codeeyo, hadana waxaa jira caqabado keeni kara in hey’adaha dowliga ah ee dowladda federaalka ah ay wajahaan “Shutdown”. Maalinta la ballimayey ee 30-ka waxaa sanadkan 2018-ka ka dhimman 2 maalin oo shaqo oo axadda 30-ka iyo Isniin 31-ka bisha, waxaa xusid mudan in miisaaniyadda la qeybiyey oo keliya, oo aaney marin hab-raacii saxda ahaa ee looga doodi ahaa, ama akhrintii 1aad ilaa 3aad, waxaana la rabaa in si jajuub ah lagu ansixiyo. Xukuumadda federaalka ah waxaa ay sidoo kale meesha ka saartay in la diidi karo miisaaniyadda 2019-ka, in lagu celin karo, oo wax ka badal ama soo-jeedin kale lagu dari karo, iyada oo rabto in sida ay tahay miisaaniyadda loo qaato, iyada oo sharci-dejiyaasha ku cabsiineysa ka cararka “Shutdown”. Maxaa Loola Jeedaa Shutdown?! Haddii golaha shacabka uu anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2019-ka amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”, waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa. Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto. Xal Ma Jiraa? Haddii kahor 31-da bishan aan la ansixin miisaaniyadda 2019-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2018-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2019-ka. Tallaabka uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ku faray guddiga in 31-ka bisha ay miisaaniyadda hor keenaan golaha si loo ansixiyo, waa mid looga badbaadi karo in hey’adaha dowliga ah wajahaan “Shutdown”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Bolivia)-Haweeney u dhalatay dalka Argentine oo ay 1980-yadii qabsadeen dadka dadka tahriibiya ayaa waxa ay la midowday qoyskeeda kaddib markii ay howlgal wadajir ah fuliyeen booliska dalalka Argentine iyo Bolivia. Halka ay ku sugneyd haweeneydaasi oo haatan 45 jir ah ayaanan la ogayn ilaa bilowgii sanadkan markaas oo boolisku ay heleen xog ah in haweeneydu ay ku sugan tahay magaalada Bermejo ee koonfurta dalka Bolivia. Booliska ayaa markaa kaddib waxa ay soo ogaadeen guriga gabadhaasi lagu hayay kaddibna waxa ay soo daayeen iyada iyo wiil ay dhashay oo 9 jir ah. Waxaa markaa kaddib la shaaciyay magacyada hooyada iyo wiilka la soo badbaadiyay. Bayaan la shaaciyay 25 bishan Diseembar, ayaa booliska Argentine waxa uu ku sheegay in haweeneyda loo ogolaaday inay qoyskeeda dib ula midowdo kuwaas oo ku nool deegaanka Mar del Plata. Gabadhaas iyo wiilkeeda ayaa waxaa la soo daayay bilowgii bishan. Bayaanka ayaanan lagu sheegin xog intaas dheer oo ku saabsan cidda mas’uulka ka aheyd afduubka gabadhaasi ku dhawaad 32 sanadood ka hor. Source
  16. Waxa anu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin Sida Ugu Fudud Eed Gabowga Iskaga Ilaalin Karto ee daawasho wanaagsan Source
  17. Buulo-burte ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo-bute C/casiis Cabdullahi (Duurow) oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax ka qaban doono amniga degmadaasi. Guddoomiye Doorow ayaa wacad ku maray in uu go’doonka ka saari doono degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan Buulo-burte in ay kala shaqeeyaan sugida amniga iyo horumarka degmadaasi. Shalay ayey aheyd markii uu si rasmi ah guddoomiye C/casiis Cabdullahi Cabdi (Duurow) xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore ee Buulo-burte Cabdi Daahir Guure (Karoore). The post C/casiis Duurow “Wax badan ayaan ka qabanayaa amniga Buulo-burte” appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Khartoum)-Ha’yadda Amnesty International waxay sheegtay inay hayso warar lagu kalsoonaan karo oo sheegayo in laamaha ammaanka waddanka Suudaan ay toogteen 37 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo rabshada wata oo dalkaasi ka qaraxay toddobaadkii lasoo dhaafay. Ururada shaqaalaha Suudaan waxay sheegeen in maanta ay dibadbaxyo ka dhigi doonaan agagaarka aqalka madaxtooyada ee ku yaalla magaalada Khartuum iyagoona codsanaya inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir oo dalkaasi ka talinayay ku dhawaad 30 sanno ee ugu dambeeysay. Source
  19. (SLT-Dhmishiq)-Dhawaaqa qarax ayaa laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dhimishiq, militariga Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen goob hubka lagu keyddiyo oo ku taalla magaalada Dhimishiq. Saraakiil ka tirsan militariga Suuriya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in gantaallada lala beegsaday bakhaarka hubka isla markaasna saddex askari ay ku dhaawacmeen duqeynta. Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la qabtay inta badan gantaallada lagu soo ganay. Militariga waxay sidoo kale sheegeen in khaasare kale uusan jirin. Xalay warbaahinta Suuriya waxay baahiyeen muqaal muujinayay qalab heebaayay hawada Dhimish oo ay soo rideen gantaallada ciidammada Suuriya. Dhanka kale, ciidammada difaaca Israa’iil kama aysan hadlin duqeynta la sheegay inay ka gaysteen Suuriya. Markii dambe, qoraal ay barta Twitter-ka kusoo qoreen militariga Israa’iil waxay ku sheegeen in gantalladooda difaaca ay jawaab u aheyd madaafic looga soo ganay dhinaca Suuriya. Israa’iil ayaa marar badan bartilmaameedsatay saldhigyada ciidammada Iiraan iyo Xizbullah ku leeyihiin Suuriya ayna u aragto inay halis ku yihiin ammaanka dalkeeda. Waxaa dhif iyo naadir ah in Israa’iil ay qirato inay qaaday weerar kan lamid ah. Source
  20. Balcad ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo Beeleed ku sugan deegaanka Bukarar ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Maleeshiyaadkaasi ay ka biyo diideen dadaallo nabadeed oo ay Ciidanku ka wadeen halkaasi. Ciidamadan oo ah kuwa Milatari ah ayaa shalay dowladda Soomaaliya waxa ay u dirtay deegaankaasi, si ay u kala dhexgalaan Beelo ku dagaalamay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Libyan)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa oo Talaadadi shalay lala beegsaday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Libyan. Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay ku dhinteen saddex qof, lala eegtay wax ay ugu yeereen dowladda riddada. Libya ayaa ku jirtay xaalad fowda ah tan iyo marki xakunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer soo xakumay dalkaasi ee Moammar Gadhafi, kaasoo la dilay sannadki 2011. Awoodda dalka ayaa waxaa ku koolamaya dowlad kumeel gaar ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay iyo jeneraal dagaal kula jira kooxaha Islaamiga ah iyo waliba maleeshiyaad hubeysan oo isugu jira kuwa argagixiso ah iyo kuwo hoos taga hogaamiye kooxeedyo. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaad kadib u dagaal dagaya 10 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay bilaabeen howlgalka la dagaalanka burcadeeda Soomaalida. Ciidamadaan oo ka socdo dalalka Yurub ayaa waxay muddo 10 sano ah la dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana howlgalkooda uu bilowday sanadkii 2008 xiligaasi oo burcad badeeda dardar ay ku ahayeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta mara biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan. Inta badan howlgalkan tobanka sana jirsaday waxaa ka qeybqaadanayay 14 dal oo qaarkood ku deeqeen Ciidan iyo Maraakiib dagaal, kuwaasi oo burcad badeeda kula dagaalamay biyaha Soomaaliya. Halka kuwo kale ay ku deeqeen Diyaaradaha Helicopterrada ah ee ka qeybqaata badbaadinta dadka la afduubto iyo in si deg deg ah loo gaarsiiyo goobo caafimaad. Waxaa hadda yaraaday weeraradii halista lahaa ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana wali maraakiibtaan ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya.
  23. Jowhar ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday Deegaanno Hoos Yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda argagaxisada Al-shabaab, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaasi, waxaana uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab. Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka. “Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli. “Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlayay ayaa sheegay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay laga shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joog The post Madaxweyne Waare Oo ka hadlay xiisadaha ka jira Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Mandera ( Sh. M. Network )-Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda ayaa ku dhaawacantay, kadib markii qarax Bambada nuuca Gacanta laga tuuro lagula eegtay meel u dhow xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo roondo ah. Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda lagu weeraray Bambadaasi, taas oo keentay in Afar ka mid ah Askartaasi uu dhaawac soo gaaro. Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in Nin asalkiisu Soomaali yahay uu geystay weerarkaasi, islamarkaana uu u baxsaday dhanka Xadka Soomaaliya. Askarta ku dhaawacantay weerarkan ayaa la sheegay in al dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Dhankale Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana war ay soo dhigeen barahooda ay ku sheegeen in ay ka dambeeyee weerarka lagu qaaday Ciidankaasi. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 2 Askari, kuna 3 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. The post Al Shabaab Oo weeraray Ciidan ka tirsan kuwa Kenya appeared first on Shabelle. View the full article