Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa) Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qaranka ayaa fariin u diray Maamulka Puntland . Hoos ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Ka Tirsan KULMIYE Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Fashilyey-na Siro Badan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Bulxanow Maya ! Asalaamu Calaykum Qadiyada Shacbiga iyo Xornimada Jamhuuriyada Somaliland maaha Qadiyad cid kastaa u cumaamadan karto, maaha Qadiyad fudud oo cidii aanay khusayn lagala hadli karo, maaha Qadiyad la weydayn karo oo hoos looga dhigi karo halka ay taagan tahay iyo Qiimaha ay ugu fadhido Ummada reer Somaliland. Qadiyada Somaliland marka laga hadlayo waa Nafta iyo Nolosha iyo jiritaanka Muwaadinka Somaliland, waxa ay tahay oo ay taagan tahay ma jirtid iyo waan jiraa, waan Noolahay oo inaan Noolaado ayaan rabaa iyo ma jirtid mana noolaanaysid. Somaliland iyo Soomaalia waxay isku hayaan waa ma jiraysid iyo waan jirayaa, waa arrin doodisteeda iyo ku dagaalankeeduba ay u taallo Xukuumada Somaliland ee Shacabku u doortay, Golayaasha Sharci Dejintuna ay u igmadeen Xukuumada oo kaliya oo aan cid kale aanay dhex-carari karin. Dunida laguma arag Taariikhda Diplomaasiyada ee soo jireenka ahna laguma maqal laba dawladood oo is haya oo Colaadi ay u dhaxayso oo la yidhi Dadkoodu ama Dadweynahoodu ha wada hadlaan. Xukuumadaha oo kaliya ayaa wada hadla. Tusaale dhow haddii aynu soo qaadano Maraykan iyo Waqooyiga Kuuriya ama Eritrea iyo Itoobiya ama Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya Shacbigooda looma diro oo lama yidhaahdo ordoo soo dooda ama soo wada hadla. Xukuumadaha oo keliya ayaa wada hadla oo ama heshiiya ama aan heshiin. Qadiyada Somaliland waa mid ka sii culus oo ay Dawlada Soomaaliya geystay Xasuuq iyo Burbur baaxad weyn oo boqolaal kun oo reer Somaliland ahi u dhinteen una dhaawacmeen oo ay u burbureen Magaalooyin la soo dhisayay boqolaal Sanadood. Qadiyada Somaliland ee ku fadhida Culayska intaas leeg maaha Qadiyad la khafiifin karo oo miisaankeeda hoos loo dhigi karo oo ay dad is cumaamaday oo aan cidina aanay diran ay kolba matxafyo kaga sheekayn karaan ama kala hadli karaan dad aan ahayn kuwa mudan in lagala hadlo. Cadawga Somaliland waxa uu doonayaa inuu Qadiyada Somaliland ka dhigo mid local ah oo Soomaalinimo iyo si hoose loogu dhamayn karo oo laga dhigi karo khilaaf yar oo Soomaali dhex yaala oo la mid ah ka u dhexeeya Jubaland iyo Muqdisho ama Farmaajo iyo Maamul goboleedadiisa, waana Siyaasada ay Dawlada Soomaaliya dabada ay ka riixayso iyaga oo adeegsanaya Dawlado liddi ku ah Somaliland oo durba bilaabay inay Maal-galiyaan mashaariic ay ku tilmaamaan is dhexgalka bulshada oo dhalinyarada reer Somaliland lagu khaldayo. Qaranimada Somaliland maaha mid cid loo baryayo, mana aha mid baryo lagu helay ee waa Qadiyad ay u dhinteen boqolaal kun oo geesi, imikana ay diyaar u yihiin inay u dhintaan haddii loo baahdo. In Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-hadlaan oo si siman oo talantaalli ah danahooda uga wadahadlaan waa mid labada dhinacba dan u ah. Laakiin haddii ay Soomaaliya ka warwareegto waa wax iyada u xun oo kollayba ay ku qasban tahay inay Somaliland miis la fadhiisto ha dhawaato ama ha dheeraatee. Dr Bulxan oo ah Aqoonyahan aan Sharaf iyo Qadarinba u hayo kuma raacsani inuu qaato oo uu keligii Xambaarto Qadiyada Somaliland oo ay Dadweynaha reer Somaliland u Xil saarteen Xukuumada Somaliland oo kaliya. Waxay ahayd bishii May ee Sanadkii 2017 markii uu Dr Bulxan uu damcay inuu Muqdisho tago oo uu kaga qaybgalo doodo tan Jabuuti U eekaa, laakiin Xukuumada Somaliland ee wakhtigaasi jirtay ay ka joojisay. Ugu danbayn waxaan Xukuumada Somaliland usoo Jeedinayaa inaanay cidna ka ogolaan inay is cumaamadaan oo ay yidhaahdaan Qadiyada Somaliland ayaanu reer Soomaaliya kala hadlaynaa, hadii kale waxaa dhici doonta in Golaha Salaadiinta iyo Culimada iyo ururrada haweenku ay iyaguna tegi doonaan Muqdisho iyo Meelo kale oo ay odhan doonaan Soomaaliya ayaanu la soo hadlaynaa. Somaliland ha Guulaysto Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
  4. Somaliland Dunida Waxay Ka Taqaana Shan Waddan Oo Kaliya: Cabdiraxmaan Cadami Dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Carbeed waxay yeesheen muhiimad iyo strategy-yad aan hore loo dhaadi jirin, xattaa wakhtigii dagaalkii qabooba ee u dhexeeyay labada quwadood ee Bariga iyo reer Galbeedka. Maxaa hadda keenay in ay dawlado badani u soo hanqal taaggan in ay meel ka fadhiistaan xeebaha Badda Cas? 1. Dawladaha khaliijka oo isbiday cudud militari oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Badda Cas iyo gacanka Cadmeed iyo in ay ka hor tagaan damaca iyo is-balaadhinta jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo meelo Bariga Dhexe ah kaga adkaatay is-bahaysiga dawladaha Carabta. 2. Iiraan maanta waxay si dadban uga talisa caasimadaha afar dal oo Carab ah (Baqdaad, Dimishiq, Bayruud iyo Sanca). Waddamada reer Galbeedku muhiimadda marin biyoodkan waxay ku baraarugeen budhcad badeeddii ka dillaacday xeebaha Soomaaliya oo khalkhaliyay isu socodkii ganacsiga iyo saldhigga Militari ee Shiinuhu ka dhistay Jamhuuriyadda Jabuuti. 3. Ruushku qudhiisu kama maqna tartanka in uu saldhig militari ka helo aagga Badda Cas, waxa jira kuwo kale oo qorshaynaya in ay galaan gal ku yeeshaan qaar ka mid ah waddamada kulaalaya Badda Cas. Haddaba waxa isha lagu haya xeebaha dhereran ee Somaliland hase ahaatee siyaasiyiinta Somaliland Dunida waxay ka yaqaanan oo ay u xidhan yihiin shan waddan oo kala ah: Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya iyo labada dal oo Carab ah (Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka), waxay u haystaan in Somaliland aanay noolaan karin ama aanay jiri Karin la’aantood. Dalalkaasi wax kasta oo ay rabaan waa loo fududeeya iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin ama aan waxba lagaga bedelan. Hal tusaale, Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera qiimihiisu uma qalmo wax ka hooseeya aqoonsiga Somaliland iyaguna xattaa qunsuliyad kuma laha Hargeysa. Somaliland mar kasta waxay la safataa Boqortooyada Sucuudiga waxba se kama faa’iido taageeradooda. Somaliland dhinaceeda inkasta oo ay u hagar baxday wanaajinta xidhiidhka labada dal (Itoobiya iyo Somaliland), Itoobiya dhankeeda wax gacan ah kamay gaysan aqoonsiga JSL haba yaraatee. U habrashada iyo raalli gelinta dalalkaa shanta ah ee kor ku xusan waxa kaga habboon waddanka yar ee Denmark, Sweden iyo xubnaha EU-da oo 75% bixiya deeqaha Somaliland ka hesho Beesha Caalamka. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda waxaan ku dhiirri gelinaya in ay dejiso siyaasad dibadeed oo furfuran oo ka turjumaysa danaha dalka. Somaliland waxay leedahay Bad dihin, Barri, Xoolo iyo Dhul beeraha ku wanaagsan, waxay leedahay shidaal & gaas iyo macdano kale sida lagu ogaaday sahamin laga sameeyay dalka oo dhan, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in aynu khayraadka ka wada faa’iidaysano iyo waliba in ay taageeri doonan qaddiyadda madax bannaanida Somaliland. Dalalka muujiyay xiisaha ay u hayaan xidhiidhka Somaliland waxa ka mid ah Ruushka, Shiinaha, Israa’iil, Iiraan iyo qaar kale oo badan. Madaxda Qarankeenu ha ogaadan in aan dalna danihiisa ku ixtiraamin amma u daba fadhiisan dalal kale oo haddana waliba aan kuu hayn wax qadarin ah. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga cusub ee maaliyadda baarlamanka Soomaaliya, oo uu xalay magacaabay guddoomiye Maxamed Mursal ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey. Kulankii maanta ayaa xubnaha guddiga waxay ku doorteen hoggaanka cusub ee guddiga. Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siraaji, halka Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ay noqotay guddoomiye ku xigeenka, ayada oo xoghayaha guddiga loo doortay Xildhibaan Aadan Cali Xasan. Saddexdan hoggaan ee cusub ee guddiga, oo dhammaantood ay keensatay xukuumadda, ayaa beddelaya saddexdii mas’uul ee guddiga laga saaray. Xubnaha guddiga laga saaray ayaa kala ah; Guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan oo loo yaqaan Cali Caliyow, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Maxamed Soomaali) iyo xoghayahii C/llaahi Maxamed Nuur. Hoggaanka cusub ee guddiga ayaa dhammaantood wada ah xubno wada taageersan xukuumadda, taasi oo xaqiijineysa in guddiga aysan qaadin tallaabo ka dhan ah xukuumadda. Tallaabadan ayaa ka dhiggan inuu baarlamanka, oo shaqadiisa ahayd sharci-dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda, uu hadda hoos tago xukuumadda, islamarkaana aan la fileyn in xukuumadda uu la xisaabtamo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. In kabadan Soddon musharax ayaa u baratamaya doorashada Puntland ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019, ma ahan xaalad ugub ah in musharixiin badan ay ku loolamaan xil-qaran, taasi waa hiddo siyaasadeed iyo hanqal taag xildoon, balse waxaa mudan in halbeeg lagu sameeyo musharixiinta iyo heerka uu gaarsiisan yahay hankooda siyaasadeed. Ololaha musharixiinta Puntland ayaa maraya meeshii ugu dambeysay, iyadoo ay ka dhiman tahay doorashada wax ka yar labo todobaad, waxaa jira musharaxiin cad-cad oo rajo weyn leh, halka kuwa kalana ay ku galayaan doorashada ku nasiibso. Marka aad joogtid Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqonaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada, taageerada Siciid Dheere ayaa kaliya lagu mataali karaa midii uu 2016 heystay Maxamed Cabdullaahi faramaajo oo markii dambe loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Soo dhoweyntii Siciid Dheere ee Garowe Taageerada Siciid Dheere ee dadweynaha waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa soo dhaweyntii toddobaadkii hore loogu sameeyay caasimada Puntland, taas oo ahayd isu soo bixii ugu weynaa ee abid ka dhaca Garowe iyo Puntland, ma ahayn soo dhaweyn dhaqaale lagu bixiyay ee waxayn ahayd mid ku timi rabitaan sida ay sheegeen dadkii ka qeyb galay. Mar uu la hadlayey musharaxa kumanaan qof oo taagnaa fagaarada Barxada ee Garowe waxuu ballan-daaday in uu waxka qaban doono hadii la doorto dhowr arrimood oo ay kamid tahay amniga, kordhinta mushaarka ciidamada, soo celinta gobolada magan iyo midnimada Soomaaliya. Musharax Siciid Dheere oo ka hadlaya fagaaraha Garowe Sidoo kale musharaxa Siciid Dheere ayaa ka hadlay isbedelka ka socda geeska Afrika, wuxuuna sheegay in Itoobiya uu kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dhaqaalaha iyo amniga, wuxuuna u muuqday musharax la socda heshiisyadii ay horey u gaareen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya ee dhanka xasiloonida iyo horumarka. Musharax Siciid Dheere oo safar qaatay dhowr todobaad ugu maqnaa Muqdisho iyo dalalka deriska ayaa kulamo la qaatay madaxda federaalka, madax ka tirsan dowladaha deriska iyo diblomaasiyiin beesha caalamka ah. Gen. Siciid Dheere oo kamid ahaa asaasayaashii Puntland, halgan dheerna u soo galay ayaa ixtiraam iyo qadarin badan ku leh shacabka, taas ayaana lagu fasiri karaa in uu kaga saameyn bato musharaxiin badan oo dhaqaale culus wata. Musharax Gen. Siciid Dheer ayaa dad badani rumeysan yihiin, haddii uu ku guuleysto madaxtinimada Puntland in uu wax badan ka qaban karo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo amniga oo walaac xoogan laga qabo hadda. Imaatinkii musharax Siciid Dheere iyo soo dhaweyntii mucjisada ahayd ee caasimada loogu sameeyay ayaa waji cusub uu yeeshay doorashada Puntland, waxaana hoos u dhac ku yimi musharaxiin markii hore loo arkayay in ay ugu cad-cad yihiin kuwa tartamaya. PUNTLAND POST The post Siciid Dheere: Musharax cad-cad, hadana la socda dabeylaha isbedelka geeska appeared first on Puntland Post.
  7. Senator Cabdiraxmaan Faroole Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud (Faroole) madaxweynihii hore ee Puntland, hadana ah Senator ka tirsan aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Cabdiraxmaan faroole oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in uu u yimid doorashada Puntland, wuxuuna soo dhaweeyay musharaxiinta faraha badan ee tartamaya, isagoo sheegay uu maalmaha soo socda ka hadli doono arrimaha doorashada. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan madaxtinimada Puntland, sidoo kale ka hadlay federaalka iyo abaaraha ka jira dalka. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee faroole PUNTLAND POST The post Faroole oo yimi Garowe, kana hadlay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda, iyo xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda kula kulmay wasiirka wasaarada Maryan Aways, agaasimha oo xog ka siisay hannaanka ay u socdaan howlaha wasaaradda iyo shaqooyinka uga qabsoomay qorshayaashii laga doonanay in wasaaraddu ku guulsaysato sannadkaan dhammaadka ah. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqday xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed halkaas oo kulan uu kula qaatay taliyada booliiska dalka, General Bashiir Cabdi Maxamed iyo ku-xigeennadiisa oo ay ka wada hadleen dar-dar gelinta hannaanka adkaynta amniga dalka guud ahaan gaar ahaan caasimadda. Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda ee isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla. The post RW Khayre Oo kormeeray W/ Dekadaha iyo Taliska Booliska appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Qandala ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa ku warramayay in saacadihii la soo dhaafay dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish oo ku xoogan Buuraleyda gobolka Bari. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Daacish ay ku leeyihiin agagaarka degmada Qandala ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo muddo saacado ah qaatay. Xiriiro aan la sameynay saraakiil ka tirsan kuwa Puntland ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, inkastoo dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. The post Puntland iyo Daacish Oo ku dagaalamay gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdsiho (Caasimada Online) – Inkasta oo guddiga miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda lagu daray xubnaha kala ah Saalim Caliyow Ibrow, Sagal Biixi iyo Aden Xasan, lagana saaray kuwii la dhahay lama shaqeyn karno, isla markaana la faray miisaaniyadda 2019-ka la horkeeno golaha shacabka 30/12/2018 si loogu codeeyo, hadana waxaa jira caqabado keeni kara in hey’adaha dowliga ah ee dowladda federaalka ah ay wajahaan “Shutdown”. Maalinta la ballimayey ee 30-ka waxaa sanadkan 2018-ka ka dhimman 2 maalin oo shaqo oo axadda 30-ka iyo Isniin 31-ka bisha, waxaa xusid mudan in miisaaniyadda la qeybiyey oo keliya, oo aaney marin hab-raacii saxda ahaa ee looga doodi ahaa, ama akhrintii 1aad ilaa 3aad, waxaana la rabaa in si jajuub ah lagu ansixiyo. Xukuumadda federaalka ah waxaa ay sidoo kale meesha ka saartay in la diidi karo miisaaniyadda 2019-ka, in lagu celin karo, oo wax ka badal ama soo-jeedin kale lagu dari karo, iyada oo rabto in sida ay tahay miisaaniyadda loo qaato, iyada oo sharci-dejiyaasha ku cabsiineysa ka cararka “Shutdown”. Maxaa Loola Jeedaa Shutdown?! Haddii golaha shacabka uu anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2019-ka amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”, waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa. Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto. Xal Ma Jiraa? Haddii kahor 31-da bishan aan la ansixin miisaaniyadda 2019-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2018-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2019-ka. Tallaabka uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ku faray guddiga in 31-ka bisha ay miisaaniyadda hor keenaan golaha si loo ansixiyo, waa mid looga badbaadi karo in hey’adaha dowliga ah wajahaan “Shutdown”. Caasimada Online Xafiiska Muqdsiho caasimada@live.com
  11. Gudoomiyaha Gobolka Garda Fuu Maxamuud Axamed Cayna oo maanta waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu ka hadahlay qorshaha dhismaha wadada Lafa-goray oo [...] Source
  12. Malta ( Sh. M. Network )-Maxkamada ku taalla Jasiiradda Malta ayaa sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku eedeysnaa in uu dhawaacay ninkale. Xeer ilaaliye Bernard Charles ayaa sheegay ninkani Soomaaliyeed oo 30 jir ah lagu waayay dambiga ah in uu dhaawacay shaqsi kale, maxkamadduna ay amartay in la siidaayo. Booliska Malta ayaa sidoo kale eedeynta dambigaasi u jeediyay nin kale oo ka soo jeeday dalka Koonfur Africa, kaas oo la sheegay in u yahay eedeysanaha saxda ah. Maxkamaddu ma shaacin magaca Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu waayay dambiga, lana sii daayay Malta ayaa waxaa ku nool Qaxooti Soomaali, kuwaas oo inata badan Tahriib ku aara Jasiiraddaasi, kadib safaro halis ah oo ay ku muraan Badda Mediterranean. The post Malta Oo sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ee dowladda Puntland ayaa maalmahan magaalada Garoowe waxa ay ka waday kulamo lagu dar dargalinayo doorka haweenka iyo siyaasada dalka. [...] Source
  14. Bishii sagaalaad 2012 ayuu soo baxay buuga SOOYAAL, wakhtigaas usoo baxay waxaan ka mid ahaa dad tiro yar oo gorfeeyay una arkayay dhigane taariikheed horeba loogu baahnaa, walina waxaan aaminsanahay inuu yahay dhigane taariikh mug wayni ku duugan tahay oo dheeli tiray taariikhdii halka dhinac ahayd ee umada Soomaaliyeed lagu qulaamiyay. Buuga oo guud ahaan ku aroora Sayid M. Cabdalla Hasan iyo kooxdiisii daraawiisheed wakhtigaas uu soo baxay waxaa aad uga xumaaday qolooyin u dhashay Beesha Daarood oo naqdin dhaliilo ah kusoo qori jiray dagalka www.wardheernews.com sobobaha ugu badan ee ay buuga u dhaliilayeen waxay ahayd iyagoo difaacayay taariikhdii la majaro habaabiyay halka dhinacna ahayd ee laguna shubay Soomaali meel ay joogtaba wakhtigii Siyaad Bare. Sayid M Cabdale Hassan wuxu ahaa hogaamiye umadeed waxaanu lahaa dhaliilo iyo wanaag , labadiisii sifo wax waa laga qori karaa, Tognaantiisii in badan ayay qorayo Somaliyed ku talax tageen oo buunbuuiyeen, xataa ay gaadhsiin gaadheen Nabinimo. waxayse ka isko indho tireen sifiihiisii qaldanaa ee dad badan ku diidanaayeen, marka laga yimaado qoraayadii shisheeye. Buuga SOOYAAL wuxu dheelitir u noqday taariikhdii halka dhinac ahayd, waxa uu garnaqsi u noqday maatadii Sayidka iyo kooxdiisii daraawiish ay sida axmaqnimada ah u gumaaday, waxa uu garnaqsi u noqday dadkii xoolahadii inta la dhacay la xalaashaday, waxa uu garnaqsi u yahay dumarka uu sida xun ula dhaqmi jiray Sayidka iyo kooxdiisa Daraawiish, waxa uu garnaqsi u yahay bulshooyinkii Sheekh iyo shaariif lagu sheegay Gaalo-raac, dhiganuhu waxa uu soo bandhigay bulshadii Sayidka kasoo horjeeday inay jirtay sobobo ay uga soo horjeedsadeen oo ay ugu waynayd inay ka arki waayeen dhaqaan Islaam iyo mid Soomaali labadaba. ‘Muslimnimo nimaan kugu dhaqayn muuminimo khaas ah Gaal maxasta kuu dhawryadood magansataa dhaama’ Ahun Cali J. Haabiil. Taariikhdu asalkaba laba kooxood uunbay saamaysaa koox soo dhawaysa iyo koox ay la qadhaadhaato, inta badan ma dhacdo in taariikh laba dhinac wada raali galisaa, muhiimna maaha in iyadoo dhinac la tixgaliyo indhaha laga qarsado dhacdooyin run ah, waxaase muhiim ah in taariikhda jiritaankeeda la tix galiyo miisaanka qiimaynta, naqdinta, dhaliilasha ama soo dhawanaynta cabirka laga duulayaana uu ku arooro, Maxaa run ah maxaa been ah, maxaa caqliga ka fog oo male-awaala! Yaasiin Cisman Kenadiid waxaa uu buugiisa la yidhaa ”Ina Cabdille Xasan ela sue attivita lettetaria” Boga 245 aad ku qoray Gabay aad cay foolxun ah oo Sayid M. Cabdalle Hassan u tiriyay Caasha Kenadiid oo la dhalatay boqor Cismaan Kenadiid isla markana Sayidka u dhaxday; gabaygaasi waxa uu dhignaa sidan; ”Nimanyohow si daran buu qalbigu ii saddimayaaye Sirqadii uu dhalay keenadiid sawdka laga keenay Iyo silica ay tahay dhilladu waa si kala dheere Saadada intay caayi iyo subacyadii diinta Intay nimanka saalixiyada sare u keeneyso Sibiisheeda ay kala wadhwadhi sacabka may saar to Suyuceeda uri baa wadnuhu nala sureeraaye Sunnaadheeda waa lagu bakhtiyi madax sanbiilleeye Sanka waxa iga galay dooraday nagu sammuutaynne Siilkeedu saaxaha ka weyn sina qabaalleeye Waxay ugu saftaan sidii horweyn kaalin loo simaye Soddon dowlis baa lagu shubaa saacad iyo leyle Ilko suruqa bay leedihiyo foolal saawirahe Sanbab weeye ceedhin afkii suuliga ahaaye Sullankeed la naar waa waxay sabuhu dhuuqaane Waxa saarta soomaalidii saaruqa ahayde Sarkaalkiyo subeydaarradiyo sowjarkaa kuda e Maxaan siil qadhmuun kala hadlaa waaba saaniyade” Yaasiin Cismaan Kenadiid kama uu xishoon, indhana kama qarsan inuu kusoo daabaco buuugisa ”Ina Cabdille Xasan ela sue attivita lettetaria” tuduca kor ku xusan, Iyadoo gabadha gabayga lagu caayay ehelkiisa dhaw ahayd gaar ahaan edadii aabihii la dhalatay, sobobtu waxa weeyi waa taariikh dhab ah oo meel laga maraa aanay jirin, waa gabay run ah oo caqliga caadiga ah inama siinayo inuu qofka Edadii ka been sheego. Yaasin Cisman Kenadiid edadii Casha Kenadiid waxay ahayd dhibane uu Caayay wadaad mahdi sheegtay. Qof dhibane ah dhibkii loo gaystay in la qariyo iyadoo cid kale la raali galinayaa ama laga xishoodaa waa cadaalad indho xidhan, waxaanay dhiirigalin, garab iyo gashaan u noqonaysaa dulmi falaha! Buuga SOOYAAL waxa uu ka kooban yahay 224 bog, qoraagu waxa uu ku dadaalay hubinta taariikh walba jiritaankeeda, isagoo adeegsanaya tixraacyo, tixraacyada uu qoraagu kusoo xusay buuga gudihiisu waa 120 tixraac (Referene) oo kala duwan. ”Maan rag waa muducyo afkood” Ficil kasta oo qof sameeyo dadku waxa ku lagala kulmaan dhaliil ama bogaadin, Inta badan Buug kasta oo la qorona naqdin ayaa ka daba timaad, naqdintaasi waxay ukala baxdaa mid laga garaabo iyo mid la difaaco,Buuga SOOYAAL oo ka kooban 224 waxa uu kala siman yahay buugaagta kale, naqdintiisuna way banan tahay, waxaase ceeb ah buug ka kooban 224 bog in hal bog ama laba bog oo kusoo baxay nuqulkii koowaad loo gubo waxaa ka wanaagsan in halkaas bog iyo wixii kale ee naqdintooda laga garaabi karo la saxo daabacaada danbe. ka waran iyadoo cid la raali galinayo hadii la yidhaa Taariikhdii Siyaad Bare wanaagiisa uun hala qoro hana la iska indho tiro wixii jariimad ka dhacday Somalia gaar ahaan Gobolada Somaliland? Ka waran hadii la yidhaa wixii taban ee laga qoray Siyaad Bare hala gubo? Ka waran hadii la yidhaa Al shabaab iyo wixii jariimad ay gaysteen halaga gaabsado wixii buunbuunin ahna waa laga qori karaa? Guri Barwaaqo waxa uu buuga boga 94aad ku sheegay in X. Guuleed dhoolayare uu ku xilo furay in uu tirayay gabayga lagu caayay gabdhaha Ciidagale, balse hadana xukun ku dhacay, halka ay sartu ka qudhuntayna waa halkaas in X. Guuleed Dhoolayare uu dafiray gabaygaas qoraaga laftisuna xusay! waxaa seegtay qoraaga inuu ka dhawrsado gabayga kol hadii uu diiday qofkii tiriyay madmadawna galay, Lakin dhacdo kasta run ah ka gaabsigeedu waxay fursad u tahay kuwa dulmi falaayaasha ah, sidaas darteed in taariikh ama ficil kasta oo dhacay xumaan iyo wanaag toosh lagu ifiyaa waa mahuraan. Qoraagu waxa uu buuga cutubkiisa 8aad kusoo qaatay aflagaado rag, dumar iyo reeraba ay abwaano u tiriyeen, qoraagu Gabayadaas uma soo qaadan isagoo bogaadinaya in la caayo dumar, rag,reero toona! taa badalkeeda aad buu ugu dhiidhiyay isagoo axaadiis iyo aayado soo daliishaday, waxaanu soo bandhigay xukunkii bahdilaadii ay mutaysteen Abwaanadaasi, halka Sayidku dumar caygii ku mutaystay amaaan. Sidaas darteedna marka ujeedada qoraaga laga raaco caqli fayawna lagu eego waxaaba la odhan karaa qoraagu waxa uu difaacayay dumarka, raga iyo reeraha oo lagu caayo gabayo , waxaase majaro habaabiyay dad leh dano shaqsi. Lix Sano kadib soo bixitaankii buuga naqdintan soo laba kacsalaysay waxay la kawsatay Wasiirnimada Guri barwaaqo waxaana laga dhadhansan karaa dano shaqsi, in badan oo kamid ah dadka naqdinayaana buuga ma ay akhriyin, In badan oo ka mid ah waxay akhriyeen hal bog ama laba bog oo lasoo sawiray laguna baabhiyay baraha bulshada, In badan oo ka mid ah dhaliishoodu xilka iyo shaqada wasiirnimo ee qoraaga ayay ku lamaan tahay, In badan oo ka mid ahi waxay ugu soo gabanayaan dhaliisha xukuumada. Guntii iyo gagabadii go’aanka guurtida ee amraya in la gubo buuga SOOYAAL, waxay xadidaysaa xoriyada qoraalka iyo fikirka, sidaas darteed qoraagu isagoo aan xil qaran ahayn waa inuu difaaco buugiisa iyo karamadiisaba, intase uu xilka hayo way ku adkaan doontaa inuu difaaco, waxaanu ka noqon doonaa daawade gubitaanka Buuga SOOYAAL. Mase haboona in qoraagu daawado ka noqdo dhigahana qiimaha leh ee tacabka iyo fikirku ka galay in la gubo, isaguna markhati ka noqdo sidaas darteed si uu u difaaco waxaa haboon inu iska casilo xilka wasiirnimo isagoo shaqsi ahna difaaco buuga SOOYAAL iyo sharaftiisa qoraanimoba, Xilka wasiirnimo waxaa ka wayn, kana mudan Buuga maktabad taariikh umadeed ah qarniyona jirin doona ‘ Wixii la qoraa quruumo hadhee muxu hadal qiimo leeyahay Abwaan Hadraawi’ Fu’aad Abdillahi www.qalimaal.blogspot.com Source
  15. Cadaalad Xumadda Isaaqu Waa Kuwii Ka Caban Jirey Dawladihii Hore laakiin waxaad moodaa in aaney iyaga u muuqanin ama aaney arkin cadaalad xumadooda aan gabashada laheyn,waxaa tusaale ugu filan dadka dega gobolka salal oo ilaa maalintii ilaa maanta la yaaban qabyaalada iyo foolxumada Cadaalad xumada ah ee ay halkan la yimaadeen, waxaan la yaabaa markaan idaacahadooda ka maqlo badhasabka gobolka salal waa inan yar oo uu adeer u yahey oo aan masuuliyad iyo maamul midna qaadi karin,oo isaga uuni is daawanaya waxaabay ka dartey xukuumadii siilaanyo,ee iyaduna gobolka salel usoo dirtey nin siilaanyo adeer u yahey oo maamule kastam inta lagu soo qorey hadana maamulkii gobolka ahaa oo wuxuu doono sameeyay. waxaan qoraalkan usoo qorey markaan ka adkeysan waayey,sida aan dadka deegaankan waxba la isaga tirin,ee loo hor keenay inan yar mar mar baan idhaahdaa waa halkii Xildhibaan Aareeye,e waar raggu maamulka kuma fiicna ee ganacsiga ayay ku ficnaayeene,tolow ma islaamihii la lahaa iyagaa siyaasada u haya dumarkoodaa u haya ma islaanta muuse ayaa yarkan keentey ilayn ninkaa weyni inooma keeneen oo waa maamul yidhaahdeen waa todoba iyo labaatan jir aan sodon gaadhin oo waliba aad moodayso in layidfhi inoo soo shaqee oo lacag raadinya oo aan qarsaneyn hada gobolka dadbaa ku dhibaateysan oo taag daran oo kulanka iyo giriyaadka wadhan isaguna habenkiina jabuuti ayuu tagayaa aroortiina jabuuti ayuu kasoo baxayaa waa yaab oo hadana mayari. Waxaan kaloon la yaabanahi waar kii horaan ogeyne kana ma jabuuti iyo in uu eryado dadka ciisaha ah ee Qoxootiga ah ayaa loo soo direy maalinba qolo ayuu soo hor cararayaa hala gubo tuulo heblaayo,nabsi biirey ma raago oo ma beydhi yaqaano,e ninkaa jabuuti jooga ee masaakiinta ku taagsanaya iyo qoladan Isaaq ee hor cararaya ee Maalinba Inan yar noo soo diraya midna ka raagi maayo ninka futadiisu u muuqan weyday faruurtiisa ma arko habeen iyo maalin cadaalad daro ayay ka hadlayaan tooda mooyee ta ay dadka ku hayaani uma muuqato Cawaale Cali Dharaar Geerisa Somaliland Email:dharaar2@hotmail.com Source
  16. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta si rasmiga xilka ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ahaa mas’uul kala duwan, sida Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xilka kala wareegay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ahaan ku simaha Madaxeynaha C/qaadir Shariif Sheekuna Maye. 19 bishan ayey aheyd markii C/asiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) lagu doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kadib doorasho ka dhacday magaaladaasi. The post Madaxweynaha cusub Ee K/ Galbed Oo xilka la wareegay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Germany) Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye Laantiisa Jarmalka Abdirahman Hassan Ali hayste ayaa sheegay inuu iska casilay xisbiga kulmiye masuuliyadii uu uga hayay dalka jarmalka,waxaana uu tilmaamay sababta uu isku casilay ay tahay markii uu madaxwaynaha somaliland Fulin Waayay Qodobadii uu ololaha doorashadda ku soo galay. Guddoomiyaha oo warsaxaafadeed uu soo saaray oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay. Shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignaa Sidan. Iscasilaad, KU:GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE Iscasilaad. mudane gudoomiye xisbiguu waxa uu soo maray halgan dheer oo muruq iyo maalba ah, Mudane gudoomiye xisbigu waxa uu lahaa qorshe u qoran oo la galiyaay wakhti aad u badan, mudane gudoomiye xisbigu waxu uu balan-qaaday horumar, sinaan,caddalaad, Intaas iyo inkasii badanbaa been ayuu xisbigu ka sheegay balan qaadkiisina waxa uu isku badalay been iyo waxba kama jiraan, Mudane gudoomiye markaan arkaay siyaasadii arimaha dibada ee aan ku dooranay oo soo xidhantaay, markaan arkaay dhacii iyo boobkii iyo xadhigii oo sii xoogaystaay, markaan arkaay xisbigii oo noqdaay maqaxii nin kaligii u furaan oo qofkii is yidhaahda wax sax daqaada laga tuuraayo, Waxaan go,aansaday inaan iska casilo xilkii gudoomiyaha xisbiga kulmiye laantiisa jermalka iyo xubinamadii xisbigaasba, Mudane Abdirahman Hassan Ali hayste, Gudoomiyaha xisbiga kulmiye laantiisa jermalka, Source
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad siday Sarkaal ka tirsan NISA oo loo Magacaabay hoggaaminta Ciidanka NISA ee Shabeellaaha dhexe in laga soo celiyay Jowhar. Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Sarkaal waxaa magacaabay Ku simaha Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya ahna Taliye Ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin. Diyaaraddii siday taliyaha cusub ayaa markii ay ka degtay Jowhar, waxaa taliyaha cusub inuu u gudbo magaalada u diiday Ciidan Militari ah oo ku hayb ah Sarkaalka haysta Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe. Dadaalo kala duwan oo la isku dayay in Sarkaalkaasi uu u gudbo Magaalada gudaheeda ayaa ugu dambeyn suurageli wayday, waxayna taasi keentay in dib uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho Sarkaalkii dowladda u magacowday Ciidamada NISA ee Gobolka Shabellaha dhexe. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa labo bil ka hor wuxuu magacaabay Taliyaha NISA ee Shabellaha dhexe, kadib markii xilkii laga qaaday Taliyihii hore oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdulaahi Xaayow, waxaana xilkaasi loo magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Macalin Aadan. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Hirshabelle aysan ku qanacsaneyn in loo soo magacaabo Taliyaha Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe, xilli uu joogo Sarkaal Madaxweynaha Hirshabelle uu magacaabay, balse labadii bilood ee la soo dhaafay Saad & taageero uu ka waayay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa xalay wareegto dad badan ka yaabisay is-beddel ugu sameeyey guddiga maaliyadda baralamanka ee muranka uu ka dhashay. Guddiga ayaa waxaa laga saaray xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee la xisaabtamay xukuumadda Kheyre, kuna eedeeyey musuq-maasuqa, ayada oo lagu beddelay xubno cusub oo xukuumadda taageersan. Xubnaha miisaanka culus ee guddiga laga saaray ayaa kala ah; Guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan oo loo yaqaan Cali Caliyow, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Maxamed Soomaali) iyo xoghayaha C/llaahi Maxamed Nuur. Is-beddelka uu Mursal ku sameeyey Guddiga ayaa ka dambeysay cadaadis Xukuumadda waday oo ugu horeyn ku guuleysatay inay kala qeybiso xubnaha Guddiga, iyadoo dadaal badan ku bixisay in dhammaan Guddiga la kala diro. Inkasta oo qaar ka mid xubnaha guddiga ee xukuumadda diidanaa aan la beddelin, haddana ka saaritaanka guddiga ee saddexdii mas’uul ee ugu sarreeyey ayaa muujineysa in guddiga uu u gacan galay xukuumadda. Tallaabada Mursal ayaa ka dhiggan inuu baarlamanka, oo shaqadiisa ahayd sharci-dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda, uu hadda hoos tago xukuumadda, islamarkaana aan la fileyn in xukuumadda uu la xisaabtamo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dhuusomarbeeb ( Sh. M. Network )-Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxay dagaal Beeleed xoogan oo saaka ka qarxay deegaanka Kaxandhaale ee G/ Galgaduud. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Ku dhwaad 6 saacadood xiriir ah ayaa lagu soo warramayaa in uu socday dagaalka, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Intaa la xaqiijiyay illaa 5 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona goobihii lagu dagaalamay ay isku hor fadhiyaan Maleeshiyaadka labada dhinac. The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Madaxweynaha dowladda Dr Cabdiweli Cabdiweli Maxamed(Gaas) ayaa maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland,sida ay xaqiijiyeen ilo’wareedyo ku sugan Nairobi. Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo uu tegay arrimo la xiriira ol’olihiisa doorashada,balse faahfaahin intaa ka badan lagama hayo. Mudane Gaas ayaa 18-kii bishan ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland,waxaana uu bilaabay ol’ole siyaasadeed oo ku jihaysan in dib loo doorto. Dhinaca kale 24 kamid ah murashixiinta u taagan doorashada Puntland ee 2019, oo shalay shir ku yeeshay Garoowe ayaa sheegay, in ay ka midaysan yihiin,isbeddel in ay Puntland ka dhaliyan doorashada soo socota. Doorashada Puntland oo ay ka harsan yihiin maalmo kooban ayaa waxaa ku loollamayaa murashixiin gaaraya ilaa 29 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya,mudane Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo soo geba-gabeeyay safarkiisi Nairobi appeared first on Puntland Post.
  22. At least four Kenya police officers have been injured in Mandera town after unknown assailants hurled a grenade at a security checkpoint. The attack took place at 3 pm Tuesday afternoon, according to Mandera County Commissioner Kutswa Olaka. “We have so far confirmed injuries of four officers after the attackers threw a grenade at a security checkpoint,” he said. The assailant reportedly fled from the scene shortly after the attack. Kutswa said the officers are now recuperating at Mandera County referral hospital. The commissioner confirmed that investigations are currently underway said the four border patrol police officers were manning border point 4 when the attackers hurled a grenade at them. The post Four Kenyan police officers injured in a grenade attack in Mandera appeared first on Shabelle. View the full article