-
Content Count
207,160 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxmed Axmed Cabdi Oongooye waxa uu ahaa nin bartay cilmiga Diiniga ah iyo kan maadiga, isagoo dadaal badan ku bixinayay faafinta Diinta Islaamka iyo baridda shacabka Soomaaliyeed cilmiga maadiga ah si ay ula tartamaan bulshooyinka kale ee caalamka ka hor inta aysan dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab dilin 24kii bishan December ee 2018-ka. Xiliga la dilayay Marxuumka waxa uu muddo afar sano ah ku noolaa Degmada Deyniile halkaasi oo uu ka soo shaqo tegi jiray, waxaana uu ka soo baxay gurigiisa isaga oo ku sii jeeday guri uu ku xareysan jiray gaari uu laaha, markii uu albaabka tegay oo uu gar garaacay gabar yar ayaa ku dhahday yaa waaye, kolkaasi ayuu dhahay Maxamed waaye ee iga fur, sug ayay tiri furaha ayaan soo qaadayaa, markii ay furaha u doontay si ay albaabka uga furto, ayaa labo arxan laawayaal oo hubeysan waxa ay ka soo baxeen luuq meesha ka dhawaa, dubarbadiiba madaxa ayay kaga dhufteen dhowr xabadood. Oongooye waxa uu ahaa 30 jir ku dhashay deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose sanadku markuu ahaa 1988-kii. Xasan Cabdiraxmaan Xuseen oo ay qaraabo dhaw ahaayeen Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa inoo sheegay in marxuumka isaga oo lix jir ah ay qosykiisa ula soo guureen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Xamar Jadiid oo uu ka bilaabay barashada Cilmiga Diiniga. Burburkii dalka kadib Maxamed iyo Qoyskiisa waxa ay ka mid noqdeen dadkii Soomaaliyeed ee maciin baday Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya ee Dhadhaab, gaar ahaan xerada Xagar Dheer, halkaasi oo uu marxuumka ka bilaabay Waxbarashada maadiga ah, isaga oo ku qaatay Dusiga Hoose, Dhexe iyo Sare. Maxamed waxa uu ka mid noqday ardaydii ka qalin jebisay dugsiga sare ee Xarada Qaxootiga Xagar dheer ee kaalimaha hore ka galay waxbarashada, intaas kadib waxa uu deeq waxbarasho ka helay dowladda Kenya, taasi oo uu ku muteystay dadaalkiisa waxbarasho ee dugsiga oo uu ka mid ahaa ardaydii ugu horeysay ee kaalimaha hore ka galay. Allaha u naxariistee Maxamed Jaamacadda Jome Kenyatta ayuu ka bartay kuliyadda horumarinta Cilmiga bulshada oo uu ka qaatay heerka koowaad ee Jaamacadda, waxaana uu noloshiisa waxbarasho ku soo qaatay dalka Kenya. Sanadkii 2014-ka ayuu Maxamed dalka dib ugu soo laabtay isaga oo muddo ka maqnaa, waxaana uu ku biiray Jaamacadda Horn of Africa oo uu ka bartay Kuliyadda Maamulka iyo Maareynta, intii uu ku guda jiray waxbarashada, maamulka Jaamacadda oo arkay kartida iyo dadaalkiisa dheeriga ah Maxamed waxa ay u shaqaaleysiiyeen in uu noqdo isku xiraha Barnaamijka Jaamacadda Horn of Africa iyo Jaamacadda UNICAF ee faraceeda weyn oo ku taalo Jaziiradda Cyprus. Oongooye waxa uu macalin ka ahaa Jaamacadaha kale ee magaalada Muqdisho ku yaalo iyo weliba Jaamacaddii uu wax ka bartay ee Horn of Africa, isaga oo ka mid ahaa macalimiinta loogu jecelyahay Jaamacadda. Maxamed Allaha u naxariiste sanadkii 2015-kii bishii 12 tobnaad waxa uu ka mid noqday shaqaalaha Rayidka ee dowladda, Madaxda Wasaaradda Awqaafta ayaa Maxamed u mgacabaay in uu noqdo Agaasimaha Xiriirka iyo Kormeerka Hay’adaha Islaamka ee Wasaaradda. Marxuumka xiliga la shaqaaleysiiyay ilaa iyo hadda waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Soomaaliya, waxaana bishii todobaad ee sanadkan loo badalay Agaasimaha Waaxda Cilmi Baarista iyo Tirikoobka. Maxamed waxa uu ahaa shaqi ku wanaagsanaa Diinta, waxaana uu ahaa Daaci Diinta faafiya, oo aad looga yaqaan bulsada, waayo waxa uu ahaa mutacalim xagga Diinta iyo mutacalim maadiga si fiican u yaqaan. Xasan Cabdiraxmaan Xuseen mar uu ka hadlayay shaqsiyada Marxuumka iyo sifooyinka uu leeyahay, waxa uu tilmaamay in Maxamed uu ahaa nin Ahlu Diin ah oo Alle aaminsan, ogna in uu dhimanayo waqtigiisa oo aan saacad loogu dareynin, waxaana uu ahaa nin aftahan ah, dadkana si fudud wax ku fahamsiiya, nin diinta Islaamka faafiya, nin ku wanaagsan jiheynta bulshada, nin hodan ku ah qancinta shacabka, waxa uuna ahaa shaqsi lafdhabar u ah bulshada uu ka baxay. Waxa uu ahaa nin ka baxay bulshada oo aan la iloobi karin taariikhdiisa iyo doorka uu ku lahaa barbaarinta dhallinta. Allaha u naxariista marxuumka waxaa ku jirtay in uu bulshada si wnaagsan u samata bixiyo, isagoo dadka si mutudawacnimo ah u bari jiray cilmiga Diiniga iyo kan maadiga, isla markaana xoogiisa iyo aqoontiisa ku sadaqeysa shacabkiisa. Marxuum Maxmed Axmed Cabdi Oongooye waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo saddex carruur ah. W/D: Maxamed Macalin Xasan
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ah in gaadiidka aan buuxinin sharciga Gaadiidka dhulka marnaba ka shaqeyn doonin magaalada Muqdisho. Wasaaradda gaadiidka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay mashruuc cusub oo loogu gogol xaarayo Tijaabada badqabka gaadiidka, waxaana la sheegay in la doonayo ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in gaadiid walbaa uu mari doono tijaabada Mashruucaan, waxaana gaadiidka dadka wada laga dalbaday inay sharciga u hogaansamaan. “Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka. Wasiirka Gaadiidka ayaa sheegay in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay kor u qaadidda aqoontooda si ay u ilaaliyaan nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.
-
Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 6’aad Shaqo abuurka iyo shaqo la’aantu marna waa fursad marna waa caqabad dalka dhib ku ah, Maalmihii u dambeeyay waxaan aad u qaadaa dhigayay in dhallinyaraddu shaqo helaan ama shaqo abuuraan, dalkeenna marka laga hadlayo waxa buuxa fursaddo badan oo shaqo lagu abuuri karo iyo fursado badan oo aynaan wali dareemin se loo baahan yahay. Haddii la doonnayo in dhallintu shaqo hesho waa in qorshe balaadhan oo dhinacwalba ah laga yeesho, xukuumadda uu hoggaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku dhex jira dheemantii dhallinta iyo aqoonyahanka u hiiliyay, waanna Masuulka kaliya ee maanta hankii iyo higsigii dhallinyaradda Soo nooleeyay wax aan u aqoonsadday Sharmaarke Geelle inuu yahay masuulkii Kartida iyo caddaaladda xukuumadda Maanta , inbadan waxaan maqlayay Shaqooyinka dawladda waa la qaybsadaa, in badan waxaan maqlayay cid gaara ayaa kooto ku haysata haddaba ilaa maalintii uu sharmaarke Geelle la wareegay hay’adda shaqaalaha waxa isbeddelay hankii loo qabay in imtixaan iyo aqoon lagu hello shaqo tusaale 09.12.2018 waxay ahayd maalin ka mida maalmihii Hay’adda shaqaaluhu tartan galisay 50 kaalmood oo goboladda dalka imtixaan loo gallayay, anigu waxaan ku sugnaa Berbera, waxaanan maqlay in imtixaankaas la galayo oo codsiyaddii la furay ayaa waxa codisgaas xaraystay aniga iyo Xaaskayga Fahiima , anagoo doonnayna in aanu caddaaladda hay’adda shaqaalaha markhaati ka noqono, waxa imtixaanka u tartamayay 264 qof, 10.12.2018, waxa kale oo ay noqotay mucjiso kale oo gobolka saaxil dheeraa goboladda in lamaane is qabaa ku soo baxaan imtixaankii hay’ada shaqaalaha , taas waxaan uga socdaa marka in Hay’ada shaqaalaha soomaaliland ay tahay hay’adda caddaaladda iyo qalinka u hagar baxday. Sidoo kale taasi waxay ku tusaysaa in fursaddo badan oo aad heli lahaydeen aad fikir kale ka qaadateen oo aad wax kale is aamin siiseen, muhiimaddaan uga socdaa waa in aad kalsooni u yeelataan waxkasta oo aad rabtaan in aad ku guulleysataan. Shaqo kasta oo aad aragtaana aad soo taabataan gunta iyo xaqiiqda, xattaa haddii aad caddaalad dareemi waydid toos u waydii masuulka meesha haysta si aad xaqiiqda u ogaatid. Dalka fursaddo badan ayaa yaalla haddii aad diyaar u tihiin waxaan idinla wadaagayaa hal fursad shaqo oo aad abuuran kartaan haddii aad iskaashataan idinkoo kooxo ah iyo idinkoo midh midh ah:- Barnaamijka Adeeg Fikir shaqo abuur oo aan u hayo dhallinyaradda diyaarka u ah inay shaqo abuurtaan. magaca barnaamijku waa : “Adeeg” Barnaamijka ADEEG waxaan hayaa isagoo dhammaystiran oo ilaa fulintiisii wata se iimay suuro galin inaan fuliyo, se waxaan u hibbaynayaa cidkasta oo diyaar u ah innay ka faa’ideysato. Barnaamijka Adeeg waa barnaamij loogu adeegyo gurikasta iyo cidkasta oo u baahan in suuqa wax looga soo iibiyo gaar ahaan Saddexda wakhti ee cuntadda, waa adeeg laga soo adeegayo Sariibadda iyo suuqyadda waaweyn ee magaalooyinka subaxkasta iyadoo loo adeegayo guryaha u baahan si halkay degan yihiin loogu geeyo adeegyadda saribadeed ee joogtadda ah. haddii aad tahay hooyo aan awoodin innay gurigeeda ka baxdo ama ay suuqa aado adeegan ayaa ku caawinaya. adeegani wuxuu daboolayaa baahida suuqa ee subaxkasta loo dhaadhacayo taas oo la sammaynayo kooxo “Teamam” subaxkasta suuqa kaaga soo iibiya alaabta aad ubaahan tahay oo leh tayada aad rabtid iyo wakhtiga aad doonnaysid kaliya waxa lagaa qaadayaa Xoogaa yar oo adeeg ah. Subaxkasta waxa xaafadaha magaaladda u kala gooshaya tagaasi yar-yar oo sida adeegyadda Guryaha ee loo baahnaa hadday adeeg qaddo ah tahay, hadday adeeg cunto ama raashin tahay intaba iyaga ayaa kuu qabanaya kaliya waxa kaa xiga innaad dalbatid. Adeeg waa shirkad yeelanaysa xafiis iyo shaqaale Hablo u badan oo subixii ka soo adeegaya suuqa, iyagoo sita dalabkii macmiilka. tani waxay bad-baadinaysaa wakhtigii suuqa kaaga bixi lahaa, qiimihii oo noqonaya mid fadhiya, cidhiidhigii suuqa, tagsigii ku hambsaaminayay oo aad mid gaara kuu adeegayo, lugtii iyo qayladdi suuqa intaba waad kaga maarmaysaa, sidoo kale kalahaadii iyo haddii aad shaqaale tahay werwerkii kaa haystay Adeega guriga intaba waad ka nasan doontaa. barnaamijkan oo leh Business Plankii llagu fulinayay waa layga helayaa, kaliya dhallinyaradda Hablaha ah ee shaqo abuurka u baahan ayaan ugu tallo galay si ay shaqo iyo camal uga dhigtaan. waanna baahi taagan oo subaxkasta loo baahan yahay, xafiiskuna waa xafiis furan wakhtikasta oo loo baahdo. Waxa jira fikiro fara badan oo aynu haysano kuwaas oo aynaan awood ama wakhti midna u haynin waxaan, soo jeedin lahaa in dhallinyaradda loogu deeqo si ay uga faa’ideystaan. Ciddii si gaara fikir ugu baahan waan ka caawinayaa insha Allah. La soco qaybta 7’aad Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Article: 330 Tell: – 063-4400319 Berbera. Qaran News
-
Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxaan u soo jeedinayaa Saddex qodob oo horumar u ah Maamul-wanaagga iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda, waxayna kala yihiin:- Isbeddelka Xukuumadda aad hoggaamiyaha ka tahay kuma koobna Xubnaha aad Magacowdo ee kala ah, Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, balse Isbeddelku wuxuu ka bilaabmaa Shaqaalaha, Madax-qaybeedyada oo la siiyo Tababbarro iyo wacyi-gelin ah ku dhaqanka Shuruucda Hay’adaha Dawliga ah, haddaba Mudane Madaxweyne wixii ka dambeeyay markii aad Magacowday Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha guud, waxa soo ka soo if baxay isla-markiiba is qabqabsi iyo wada-shaqayn la’aan ka dhex jirtay Xukuumadihii horeba, taana waxa sabab ah masuulka ugu sarreeya Wasaaraddu iyo ku-xigeenkiisuba ma samayn karaan isbeddel, balse waxa keena Isbeddelka ku dhaqanka Sharciga Wasaaraddaas ama Hay’addaas iyo la xisaabtanka Agaasime-waaxeedyada iyo shaqaalaha, sidaasi awgeed waxaan soo jeedinayaa in isbeddelka aad hormoodka ka tahay inuu noqdo ku dhaqanka Sharciga iyo la xisaabtanka Masuuliyiinta aad Magacowday ee Hay’addaasi. Haddaba, iyadoo hadal-haynta Dadku u badan tahay in Handaraab dhaqaale ka jiro Dalka sanadkii aad hoggaamiyaha Qaranka ahayd, balse Handaraabka lagu hal-qabsadaa maaha mid ka yimid Kaantaroolidda kharashaadka iyo dakhliga Dawladda ee waa mid ku kooban Xafiiskaaga iyo Af ku xoogleyaasha siyaasadda oo meesha ka baxay, sidaasi darteed waxaan kuu soo jeedinayaa, inaad hawl-geliso Hanti-dhowrka Qaranka oo Hay’adda u xil-saaran Kaantaroolidda kharashka iyo dakhliga, taasi oo horumar iyo sharaf u ah Xukuumadda aad hoggaamiso, iyadoo Hay’adda Hanti-dhowrka Qaranka lafteedu u baahan tahay Masuul Aqoon iyo khibrad u leh Waajibaadka Hanti-dhowrka. Mudane Madaxweyne, waxa jira Hay’ado muhiim ah oo ay lagama maarmaan tahay inaad dib u eegis ku samayso xilka ay Qaranka u hayaan iyo khibradda Masuuliyiinta ku Magacaaban, sida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Baanka dhexe ee Qaranka iyo Xeer ilaalinta guud ee Qaranka. Saddexdaa Hay’adood waxay Qaranka uga masuul yihiin tiirarka ugu muhiimsan Dawladnimada, balse wakhtigan waxa ka muuqda hoggaan la’aan. Mudane Madaxweyne, Miisaaniyadda Qaranka maaha mid Odoros iyo Qiyaas uun ku xidhan, balse waa inay ahaataa mid wasaarad walba lagula xisaabtamo Bajadkeedii inay ku fulisay wixii loo qorsheeyay. Sidaasi awgeed waxaan kuu soo jeedinayaa inaad magacowdo guddi Madax-banaan oo shaqadoodu tahay daba-galka sida Wasaaraduhu u isticmaaleen Lacagtii loo dhiibay, taasi oo kaabi doonta shaqada Hanti-dhowrka Guud iyo Xisbiyaha guud ee Dawladda. Mudane Madaxweyne, Anigoo aad kuugu hambalyeynaya muddadii aad xilka haysay tix-gelinta aad siiso ka jawaabidda tabashada Shacabka Somaliland iyo Talo soo jeedinta Muwaadiniinta, waxaan rajeynayaa inaad ka midho-dhaliso qodobbadan wixii mudnaan leh ee Danta Qaranku ku jirto. Wa billaahi Towfiiq Mowliid Aadan Cumar Hargeysa/Somaliland Source
-
(SLT-Hargaysa)Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md.Maxamed Shukri Jaamac ayaa maanso kaga dareen celiyey dayaca iyo daranyada laga soo tebiyey Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, oo dhawaan walalkii Hure Walanwal Warbaahinta kusoo banydhigay xaaladiisa caafimaad. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arintaas ka hadlaaya ayaa waxa uu kaga dareen celiyey qoraalkan kooban iyo maansada la socota oo uu kaga waramay arimo badan oo xaalada Abwaanka iyo dhaxalka uu ummadda Af-soomaaliga ku hadasha uga tagay waxaanu yidhi sidan:- HADRAAWI !!! Waxaa dhawaan warbaahinta kasoo muuqday Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) walaalkii Abwaan Hurre oo reer Somaliland ogeysiinaya in Abwaan Hadraawi xaaladiisii caafimaad kasii dareyso, wax ka qabashadeeduna dhaaftay awoodii qoyska. Waxaan isweydiiyey sidey daw ku noqon kartaa in Abwaan Hadraawi xaaladiisu gaadho warbaahinta? Miyaaney dhaliil weyn ahayn? Maansadan soo socota waxay umada afka Soomaaliga ku hadasha xasuusineysaa, waxa Abwaan Hadraawi u taagan yahay iyo iney weji gabax ku tahay in culeyskiisu saaran yahay qoyskiisa. MADHAX BUU KA TAGAY RUNA!!!!! Hadii maanso iyo gabay Maamuus ku xidhan yahay, Hadii mawqif raganimo Milge iyo xus leeyahay, Hadii miiganaan iyo Mayal adagi door yahay, Hadii meeris iyo dood Madal lagala sarakaco, Keligii ismahadshiyo Maroor uu ka diig yahay, Musxul iyo gabood li’i Mildhaw iyo cabsi la’aan Lagu muujo dawgiyo Sida marinku uu yahay Manno beeninteediyo Is magaabshe lagu duro, Allaylehe mugbuu yidhi Mug la mahadsbeybuu yidhi, Mahadhooyin kala daran Masalooyin dhaxal gala Madhaxbuu ka tegey runa Inta magaca soomaal Jiro loo masalo tago. Maskax caabuq galay iyo Maan hinaase dhego tirey, Mabda’ kale nin haystiyo Masuug waa halkoodee, Mahwi laysu soo baxay Meegaar cidhiidhyoon Mudaniyo marwiyo doob Madaw iyo cadaan iyo Muslin iyo wasani iyo Mastar kiristan joogtaan, In markhaati loo furey Inuu Maxamed gudashada Maareynta hawlaha Malko looga baahnaa Miciin uu ka tari karo Maalmii qadhaadhaa Masalooyinkii dhacay Meelcad uu ka taagnaa. Hadii Maydal dheelmado Mawlihiisu oofsado Anigoon macbuudkay Midhka uu sireystiyo Maamulkiisa la ogeyn Waxa loo maleeyaa Maasha’e ferdawsiyo Meel aaney eegmiyo Milicsiga il bogatiyo Maqal aanu sugahayn Mush-mushaaxi doonoo Maali doono naxariis. Hadal waa magawgiyo Mudka iyo amaankiyo Midh horaadka qaadoo Iska meeri dhiilkee, Balse mudanayaashoow Madaxyahay xujeysani Waayahay nin magac iyo Maal lagu majeertoow, Hadhaw maalintuu baxo Dunidaba ka madax gado Miciinkiinu hadur iyo Micno li’i kusoo dhaco, Meyd u ooyidiisiyo Muuqaal lasoo tubo Meeshay tacsidu taal, I arkaay maqlaay iyo Iska maararow iyo Adna madaxa soo geli, Murugo aan qalbiga jirin War munaafaq weeyoo Macno keenimeysee, Maahir waxa u dheregsi ah Maankiisu jecel yahay Masalaha dushiisiyo Maqaamkuu ku talaxgabay Asagoo mabsuudoon Milgo-xumo tirsanahayn Mawdka uu ku sugilaa, In la maalo dhaxalkuu Mudo dheer ku foognaa Ku muteystey maag iyo Middi loo afeystiyo Mahurtada agteediyo Minankiisoo laga hiro, Mood iyo dhaqmaad iyo Mulki kaleba soo gelin, Ku dhameystey maalmii Muhashadu agtiisiyo Maqalkiisa jamatee, Anna aan mar fiirsado Miridh aan agjoogsado Midigtiisa kaabsado Mashquul lagu ahaayee Magaciisu sudhan yahay. Maxamed Shukri Jaamac Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Source
-
Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa qabatay kulan looga arrinsanyey sidii dawladda Puntland loogu samayn lahaa nidaam guud oo lagu kaydiyo xogta shaqaalaha dalwadda. Nidaamkan ayaa waxa uu ka caawinaya shaqaalaha dawladda in uu xuquuqdiisa iyo mushaarkiisaba ku qaadan karo hab Electronic ah isagoo adeegsanaya kaarkiisa ama aqoonsigiisa shaqada, sidoo kale waxa uu meesha ka saarayaa in qofka shaqaalaha ahi uu labo xarumood oo dawli ah uu mushaar kawada qaato. Sidoo kale hannaankan ayaa dawladda ka caawin ilaalinta xogta shaqaalaha waxaana uu fududayn doonaa in waxbixin sax ah marwalba laga heli karo shaqaalaha, waxaaana dawladda ka caawinaya hirgelinta barnaamijkan mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP The post Dawladda Puntland oo casriyaynaysa hannaankeeda kaydinta ama diinwaan gelinta shaqaalaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-261218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo 2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii 2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii 2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar. Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah. Sanadkii 2016 ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017 Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen hadana lacag dhan $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen lacag dhan:168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana waxaynu markhaati ka noqonay Sanadkan cusub ee soo socda ee 2019 in ay miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !! Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn “Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u fiirso sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay. Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 % marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling. Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling . Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan male awaalka ah ee 2019, Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan sida : 1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar 2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa 10 % . 3- Lacagta ka soo xaroota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, maadaama dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba 4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay. 5- Lacagaha kor loogu soo qaadayo Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey. Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey qorshaha horumarinta higsiga qaranka ee ( NDP 2) . Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
-
Toddobada bilood ka hor markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari lagu qasbay inuu is-casilo, laguna beddelay Maxamed Mursal, waxaan moodnay in baarlamanka uu u gacan galay xukuumadda. Waxaan moodnay inaysan jiri doonin hay’ad la xisaabtanta xukuumadda, oo labada hay’adood ee sharci-dejinta iyo sharci-fulinta laga maamuli doono hal xafiis. Waxaan moodnay in baarlamanka uu hoggaanka u qabtay guddoomiye aan maskax ahaan madax banaaneeyn oo ah magac u yaal lagu adeegto, wixii dan ahna lagu fushado. Waxaan moodnay in Maxamed Mursal yahay nin aan marnaba qaadan karin go’aan ka dhan ah xukuumadda, islamarkaana mar walba uu ku shaqeyn doono rabitaankeeda. Annaga oo sidaas moodnay ayaa waxaa guddiga maaliyadda ee baarlamanka kala diray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka, oo isna ah qof aan maskax ahaan madax baaneyn, kadib markii guddiga ay soo saareen warbixin banaanka keentay musuq maasuqa xukuumadda. Kadib, Mursal oo safar uu ku maqnaa kasoo laabtay, ayaa ku dhiiraday inuu guddiga dib usoo celiyo, maalmo kadibna aqbalay mooshin ka dhan ahaa madaxweyne Farmaajo. Mar qura ayaan moodnay inaan qaldannay oo Mursal usan ahayn ninkii aan moodnay inuu yahay. Waxaa na gashay rajo ah inuu xoriyaddiisa maskaxeed dib usoo helay, ciddii doontaba ha usoo celisee. Waxaan moodnay in mar kale dalka uu helay hay’ado kala duwan oo isla shaqeeya balse isla xisaabtama, islamarkaana ilaaliya nidaamka dowladeed ee saxda ah. Dhammaan shacabkii ayaa Mursal u sacabo tumay, xildhibaannada mucaaradka ayaa u riyaaqay, wuxuu noqday geesi awooda in wixii qalad ah uu diido, oo uu ka shaqeeya danta dalka. Nasiib darro farxaddaas ma raagin, waxayna kusoo idlaatay oo kaliya laba toddobaad. Mursal wuxuu dib dhiibay xoriyaddiisa maskaxeed. Wuxuu gatay sumcaddiisa, isaga mar kale ku laabtay marxaladdii uu kasoo baxsaday. Ka laabashadii mooshinka madaxweynaha, oo aan aniga ku taageeray inuu ku saxnaa, maadaama uu ahaa mooshin sharci darro ah, waxaa xigay go’aan aan la qaadan karin oo xalay kasoo baxay. Wuxuu mar kale u hoggaansamay rabitaankii xukuumadda, wuxuuna guddigii maaliyadda ee uu horey usoo celiyey ka saaray xubnhii xukuumadda u aragtay inay la xisaabtami karaan, isaga oo ku beddelay xubno wada taageersan xukuumadda, oo sidiisa oo kale aan madax banaaneyn. Waxa uu madax banaanidiisii qofeed iyo tii baarlamanka hoos geeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha. Wuxuuna hay’addii sharci-dejinta dalka ka dhigay qeyb ka mid ah hay’adda fulinta. Dhammaan wixii aan moodnay inaan ku qaldeneyn inaan aaminno ayuu Mursal noqday. Mursal waxa uu noqday ninkii aan moodnay inuu yahay. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo kulan ku qabtay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka wadatashiga oo uu soo qaban-qaabiyay Gudiga madaxabanaan ee Dib u eegista Dasuurka ayaa maanta ka dhacay Magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Shirkana wadatashiga ahaa ayaa waxa laga talagaliyay Habeenka ku dhaqan Gobolka Banaadir si ay oraahdooda ugu biiriyaan dhamaystirka Dastuurka qaybo qoraalka ah ee dalka leeyahay. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka, Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Gudoomiyaha Ururka Habeenka Qaranka Soomaaliya Ururada Habeenka iyo xubno kale ayaa kulanka ka qaybgalay. Ugu horeyn, Gudoomiye kuxigeenka Gudigga Madaxa Banaan ee Dib u eegista Dastuurka ayaa sheegtay in Habeenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah kasiinayaan qabyo tirka Dastuurka. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ayaa hoosta ka xariiqay inay ku shaqayn doonan mudada ay howshaan ku gudajiraan rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu xusay inay ubaahan yihiin Dastuur hufan. Ugu dambeyn, Gudoomiyaha Ururka Habeenka Qaranka Soomaaliya Marwo Batuulo Sheekh Gabaleyr ayaa balanqaaday in dumarka ay ka faa’ideysan doonan kaalinta wanaagsan ee la siiyay. Gudiga Madaxabanaan ee Dib u eegista Dasuurka ayaa dadaal ugu jira sida uu Bulshada inteeda kale laga tala galiyo dhamaystirka Dastuurka si dalka u-yeesho Dastuur loo dhan yahay. The post Guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo kulan ku qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-261218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Saddexdan mas’uul ayaa kala hoggaamiya saddex xisbi oo la filayo inay ka mid noqdaan kuwa ugu miisaanka culus ee doorashada Soomaaliya ka dhaceysa sanadda 2021. Xasan Sheekh ayaa haatan ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD, Xildhibaan C/Qaadir Cosoble waa hoggaamiyaha Xisbiga Ilays, ayada oo Xisbiga Wadajir uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinka ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay. Seddexda hoggaamiye ayaa isku raacay in ay si buuxda oo wadajir u wada shaqeeyaan, islamarkaana yeeshaan kulamo joogta oo wax looga qabanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
-
Dagaal u abaabulan qaab beeleed ayaa maanta ka qarxay deegaan ku dhow deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhimatay Afar qof oo haweeney ay ku jirto iyadoo ku dhowaad 10 kale ay ku dhaawacmeen. Beelahan ayaa la sheegayaa iney isku hayaan arrimo dhul la xiriira iyadoo aanay jirin weli cid kala dhaxgashay maleeshiyada dagaallameysa. Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla gobolka Mudug, xaaladuna weli waa ay kacsan tahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada guddoonka guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Guddoomiyaha cusub ee guddigan ayaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siraaji, sidoo kale, Xildhibaanad Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, halka Xog-hayaha guud-na loo doortay, Xildhibaan Aadan Cali Xasan. Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). Waxaa doorashada kaddib goobta ka hadlay, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad isagoo guddoonka cusub ee Guddiga Maaliyadda kula dardaarmay inay si deg-deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla. “Guddigan waxaa kula talinayaa inay hawlaha horyaalla oo ay ka mid tahay dib u eegista miisaaniyadda cusub ee Dowladda ay sida guu dhaqso badan uga hawl-galaan, si baarlamaanka uu cod ugu qaado,” ayuu yiri Cawad. Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddoonka Golaha Shacabka ay diyaar u yihiin inay guddoonka guddiga kala shaqeeyaan dar-dar-gelinta hawlaha culus iyo ay fulin lahaayeen hawlaha horyaalla. Ugu dambeyn, Guddigan oo horay loo sheegay in la kala diray, isla markaana kala diristooda uu khilaaf dhaliyay ayaa waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, iyadoo xubno ka mid ahaa laga saaray halka kuwo kalena lagu soo daray. PUNTLAND POST The post Guddiga Cusub ee Maaliyadda Baarlamaanka Somalia oo Maanta Doortay Guddoon Cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kaso baxaysa go’aankii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu is-beddelka ugu sameeyey guddiga maaliyadda baarlamanka ee lagu muransanaa. Mursal ayaa guddiga ka saaray xubnihii xukuumadda ay dhibsanayesay ee musuq-maasuqa ku helay, waxaana lagu beddelay xubno cusub oo ra’iisul wasaaraha uu soo xushay. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in Mursal uu go’aanka ku beddeshay in xilkiisa loo daayo, kadib markii xukuumadda ay ugu hanjabtay mooshin xil ka qaadis. Waxaa taas dheer in xilal loo magacaabo xubno isaga ku dhow iyo lacag. Dadka xilalka loogu ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah la-taliyihiisa Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka labaad ee NISA, balse shaqadaas looga eryey lunsasho mushaarka shaqaalaha. Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegay in Jaamac laga yaabo in loo magacaabo taliyaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, ama ku xigeenkeeda. Waxaa sidoo kale jira dhowr qof oo kale oo xilal qunsuliyado ama saafarado loogu ballan-qaaday Mursal, kuwaas oo ay qaraabo yihiin. Lacagta Mursal uu qaatay ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya inay tahay laba milyan oo dollar, halka qaar kalena ay sheegeen in lacagta ay gaareyso illaaa afar milyan oo dollar. Heshiiska Mursal iyo Kheyre ayaa la sheegay in la gaaray markii uu Kheyre kasoo laabtay dalka Qatar, ee uu xarunta wasaaradda waxabarshada kula kulmay Mursal, inkasta oo aysan caddeyn in lacagta ay bixisay dowladda Qatar iy in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada guddoonka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla. Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo sidii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla. Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). The post Guddiga Maaliyada Gollaha Shacab oo Gudoon cusub doortay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa) Kulan Xisbiyada iyo xukuumadda Somaliland ku dhex maray Hargeysa oo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka ayaa saaka la isku la meel dhiggay dejinta jadwalka wada-hadalka, waxaana la isla gartay in wada-hadaladdaas si deg-dag ah loogga soo saaro natiijo rasmi ah. Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxweyne xigeenka Somaliland halka ay meesha ka maqnaayeen guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka balse ay u matelaayeen xubno kale oo ka socdey Xisbiyadaasi. Hoos Ka DAAWO . Source
-
Bulxanow Maya ! Asalaamu Calaykum Qadiyada Shacbiga iyo Xornimada Jamhuuriyada Somaliland maaha Qadiyad cid kastaa u cumaamadan karto, maaha Qadiyad fudud oo cidii aanay khusayn lagala hadli karo, maaha Qadiyad la weydayn karo oo hoos looga dhigi karo halka ay taagan tahay iyo Qiimaha ay ugu fadhido Ummada reer Somaliland. Qadiyada Somaliland marka laga hadlayo waa Nafta iyo Nolosha iyo jiritaanka Muwaadinka Somaliland, waxa ay tahay oo ay taagan tahay ma jirtid iyo waan jiraa, waan Noolahay oo inaan Noolaado ayaan rabaa iyo ma jirtid mana noolaanaysid. Somaliland iyo Soomaalia waxay isku hayaan waa ma jiraysid iyo waan jirayaa, waa arrin doodisteeda iyo ku dagaalankeeduba ay u taallo Xukuumada Somaliland ee Shacabku u doortay, Golayaasha Sharci Dejintuna ay u igmadeen Xukuumada oo kaliya oo aan cid kale aanay dhex-carari karin. Dunida laguma arag Taariikhda Diplomaasiyada ee soo jireenka ahna laguma maqal laba dawladood oo is haya oo Colaadi ay u dhaxayso oo la yidhi Dadkoodu ama Dadweynahoodu ha wada hadlaan. Xukuumadaha oo kaliya ayaa wada hadla. Tusaale dhow haddii aynu soo qaadano Maraykan iyo Waqooyiga Kuuriya ama Eritrea iyo Itoobiya ama Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya Shacbigooda looma diro oo lama yidhaahdo ordoo soo dooda ama soo wada hadla. Xukuumadaha oo keliya ayaa wada hadla oo ama heshiiya ama aan heshiin. Qadiyada Somaliland waa mid ka sii culus oo ay Dawlada Soomaaliya geystay Xasuuq iyo Burbur baaxad weyn oo boqolaal kun oo reer Somaliland ahi u dhinteen una dhaawacmeen oo ay u burbureen Magaalooyin la soo dhisayay boqolaal Sanadood. Qadiyada Somaliland ee ku fadhida Culayska intaas leeg maaha Qadiyad la khafiifin karo oo miisaankeeda hoos loo dhigi karo oo ay dad is cumaamaday oo aan cidina aanay diran ay kolba matxafyo kaga sheekayn karaan ama kala hadli karaan dad aan ahayn kuwa mudan in lagala hadlo. Cadawga Somaliland waxa uu doonayaa inuu Qadiyada Somaliland ka dhigo mid local ah oo Soomaalinimo iyo si hoose loogu dhamayn karo oo laga dhigi karo khilaaf yar oo Soomaali dhex yaala oo la mid ah ka u dhexeeya Jubaland iyo Muqdisho ama Farmaajo iyo Maamul goboleedadiisa, waana Siyaasada ay Dawlada Soomaaliya dabada ay ka riixayso iyaga oo adeegsanaya Dawlado liddi ku ah Somaliland oo durba bilaabay inay Maal-galiyaan mashaariic ay ku tilmaamaan is dhexgalka bulshada oo dhalinyarada reer Somaliland lagu khaldayo. Qaranimada Somaliland maaha mid cid loo baryayo, mana aha mid baryo lagu helay ee waa Qadiyad ay u dhinteen boqolaal kun oo geesi, imikana ay diyaar u yihiin inay u dhintaan haddii loo baahdo. In Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-hadlaan oo si siman oo talantaalli ah danahooda uga wadahadlaan waa mid labada dhinacba dan u ah. Laakiin haddii ay Soomaaliya ka warwareegto waa wax iyada u xun oo kollayba ay ku qasban tahay inay Somaliland miis la fadhiisto ha dhawaato ama ha dheeraatee. Dr Bulxan oo ah Aqoonyahan aan Sharaf iyo Qadarinba u hayo kuma raacsani inuu qaato oo uu keligii Xambaarto Qadiyada Somaliland oo ay Dadweynaha reer Somaliland u Xil saarteen Xukuumada Somaliland oo kaliya. Waxay ahayd bishii May ee Sanadkii 2017 markii uu Dr Bulxan uu damcay inuu Muqdisho tago oo uu kaga qaybgalo doodo tan Jabuuti U eekaa, laakiin Xukuumada Somaliland ee wakhtigaasi jirtay ay ka joojisay. Ugu danbayn waxaan Xukuumada Somaliland usoo Jeedinayaa inaanay cidna ka ogolaan inay is cumaamadaan oo ay yidhaahdaan Qadiyada Somaliland ayaanu reer Soomaaliya kala hadlaynaa, hadii kale waxaa dhici doonta in Golaha Salaadiinta iyo Culimada iyo ururrada haweenku ay iyaguna tegi doonaan Muqdisho iyo Meelo kale oo ay odhan doonaan Soomaaliya ayaanu la soo hadlaynaa. Somaliland ha Guulaysto Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
-
Somaliland Dunida Waxay Ka Taqaana Shan Waddan Oo Kaliya: Cabdiraxmaan Cadami Dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Carbeed waxay yeesheen muhiimad iyo strategy-yad aan hore loo dhaadi jirin, xattaa wakhtigii dagaalkii qabooba ee u dhexeeyay labada quwadood ee Bariga iyo reer Galbeedka. Maxaa hadda keenay in ay dawlado badani u soo hanqal taaggan in ay meel ka fadhiistaan xeebaha Badda Cas? 1. Dawladaha khaliijka oo isbiday cudud militari oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Badda Cas iyo gacanka Cadmeed iyo in ay ka hor tagaan damaca iyo is-balaadhinta jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo meelo Bariga Dhexe ah kaga adkaatay is-bahaysiga dawladaha Carabta. 2. Iiraan maanta waxay si dadban uga talisa caasimadaha afar dal oo Carab ah (Baqdaad, Dimishiq, Bayruud iyo Sanca). Waddamada reer Galbeedku muhiimadda marin biyoodkan waxay ku baraarugeen budhcad badeeddii ka dillaacday xeebaha Soomaaliya oo khalkhaliyay isu socodkii ganacsiga iyo saldhigga Militari ee Shiinuhu ka dhistay Jamhuuriyadda Jabuuti. 3. Ruushku qudhiisu kama maqna tartanka in uu saldhig militari ka helo aagga Badda Cas, waxa jira kuwo kale oo qorshaynaya in ay galaan gal ku yeeshaan qaar ka mid ah waddamada kulaalaya Badda Cas. Haddaba waxa isha lagu haya xeebaha dhereran ee Somaliland hase ahaatee siyaasiyiinta Somaliland Dunida waxay ka yaqaanan oo ay u xidhan yihiin shan waddan oo kala ah: Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya iyo labada dal oo Carab ah (Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka), waxay u haystaan in Somaliland aanay noolaan karin ama aanay jiri Karin la’aantood. Dalalkaasi wax kasta oo ay rabaan waa loo fududeeya iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin ama aan waxba lagaga bedelan. Hal tusaale, Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera qiimihiisu uma qalmo wax ka hooseeya aqoonsiga Somaliland iyaguna xattaa qunsuliyad kuma laha Hargeysa. Somaliland mar kasta waxay la safataa Boqortooyada Sucuudiga waxba se kama faa’iido taageeradooda. Somaliland dhinaceeda inkasta oo ay u hagar baxday wanaajinta xidhiidhka labada dal (Itoobiya iyo Somaliland), Itoobiya dhankeeda wax gacan ah kamay gaysan aqoonsiga JSL haba yaraatee. U habrashada iyo raalli gelinta dalalkaa shanta ah ee kor ku xusan waxa kaga habboon waddanka yar ee Denmark, Sweden iyo xubnaha EU-da oo 75% bixiya deeqaha Somaliland ka hesho Beesha Caalamka. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda waxaan ku dhiirri gelinaya in ay dejiso siyaasad dibadeed oo furfuran oo ka turjumaysa danaha dalka. Somaliland waxay leedahay Bad dihin, Barri, Xoolo iyo Dhul beeraha ku wanaagsan, waxay leedahay shidaal & gaas iyo macdano kale sida lagu ogaaday sahamin laga sameeyay dalka oo dhan, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in aynu khayraadka ka wada faa’iidaysano iyo waliba in ay taageeri doonan qaddiyadda madax bannaanida Somaliland. Dalalka muujiyay xiisaha ay u hayaan xidhiidhka Somaliland waxa ka mid ah Ruushka, Shiinaha, Israa’iil, Iiraan iyo qaar kale oo badan. Madaxda Qarankeenu ha ogaadan in aan dalna danihiisa ku ixtiraamin amma u daba fadhiisan dalal kale oo haddana waliba aan kuu hayn wax qadarin ah. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News