-
Content Count
207,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kooxaha kubbadda cagta L.L.P Jeenyo iyo Som United ayaa wada dheelay kulan ciyaareed saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho waxaana ciyaartan kasoo qeyb galay xidigihii hore kubbadda cagta iyo Kolayga ee Jeenyo. Qeybta kowaad waxaa lagu kala maray barbaro 1-1,xili labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan farsamo oo si weyn usoo jiidatay taageerayaashii ku sugnaa tarabuunka garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis. “Waan u qalanay guusha xidigahayga waxa ay soo bandhigeyn ciyaar ku dheehan weerar iyo farsamo,balse Natiijada ayaa kusoo idlaatay waa in aan sii wadnaa shaqooyinka caadiga iyo isku diyaarinta tartmada inagu soo wajahan”waxaa Goobjoog sidaas u sheegay Axmed Tahliil Cali oo layliyahay kooxda kubbadda cgata L.L.P Jeenyo. Qeybta labaad kooxda Jeenyo ayaa la wareegtay hogaanka waxayna ciyaarta isku badashay 2-1,balse dhamaadkii kulanka wiilasha Som United ayaa helay goolkii barbaraha wuxuuna kulanka kusoo idlaaday 2-2 ay ku kala baxeyn Som United iyo L.L.P Jeenyo. “Kulankii ugu adkaa aan ku ciyaarno Muqdisho waxaa la yeelanay dhigeena Jeenyo waxa ay soo bandhigeyn kubbadda cajiib ah labada dhinac waxa ay kala faa’ideyn wax badan oo horomar u ah horomarinta kubbadda cagta dalka”Maxamed Cabdiqaadir oo layliyaha Som United ayaa sidaas ugu waramay Goobjoog Sports. Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) iyo Cabdiqani Cabdullahi Hilolwe (Cabdiqani Jeenyo) oo ka mid ahaa laacibintii usoo dheelay kubbadda cagta iyo kolayga ayaa xaadir ku ahaa garoonka,iyagoo dhiiri gelin u sameeyay xidigaha ku dheelaya magaca taariikh ah ee L.L.P waxayna ciyaarta ka dib inoo sheegeyn in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashooda horormarinta naadiga Wasaaradda howlaha guud iyo guryeenta ee Jeenyo. “Anaga wuxuu ii ahaa kulan tariikh ah maadaam dhalinyarada aan ka keenay qurbaha iyo kuwa gudaha ay wada dheelaan kulan muhiim ah sidoo kale waxaan ku farax sanahay qaab ciyeed wanaagsan ay soo bandhigeyn kooxda Jeenyo oo aan aniga ka mid ahaa dadkii kusoo caan baxay dibna usoo aas aasay waxaan diyaar u ah garab istaagida magaca Qiimaha ugu leh ee Jeenyo” waxaa kulanka ka dib wariyaha ciyaaraha Goobjoog sidaas ugu waramay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ah madaxa wafdiga kooxda Som United. Kaliya iminka waxaa u haray kooxda Som United hal kulan oo qura waxayna ciyaartaas la dheelidoonaan naadiga Muqdisho City Club oo ku ciyaaray magaca caasimada ama Gobolka Banaadir horayna kooxda waxaa la oran jiray Banaadir SC Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Jeenyo Iyo Som United W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Jalalaqsi ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo boqolaal ka tirsan shacabka degmadaasi kula hadlayay goob fagaaro ah ayaa faray in ay ka shaqeeyaan Nadaafadda iyo bilic soo celinta Magaaladaasi Jalalaqsi. Mudane Maxamed Nuur Cagajoof ayaa tilmaamay in degmada Jalalaqsi ay ka hartay degmooyinka kale taasina ay ugu wacantahay wada shaqeyn la’aanta maamulka iyo shacabka degmadaasi. Sidoo kale Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku nuuxnuuxsaday in Hooyooyinka iyo Caruurta degmadaasi ay u dhimanayaan Caafimaad darro sababo la xiriira Nadaafadda darrada ka jirta degmada Jalalaqsi. Sidaas daraadeed ayuu cod dheer ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto Nadaafadda degmadaasi Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. The post Maamulka degmada Jalalaqsi oo Awaamiir dul dhigay Shacabka degmadaasi. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shalay ka hadlay howlgalka ciidamada Jubbaland ku qaadayaan Jubbada Dhexe ayaa shaaciyay in Afar sano ka hor ay sameynayeen balanqaadka ah inay xoreyn doonaan gobolka Jubbada DHexe. Madaxweynaha ayaa shaaciyay in balanqaadyadii la sameeyay afar sano ka hor aysan wali waxba ka dhaqan gelin, isaga oo sheegay in doorkii dowladda Soomaaliya iyo caalamka uu meesha ka maqan yahay. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo cusub oo la doonayo inay Al Shabaab ka xoreeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana shacabka Jubbaland ay isku tashadeen. Madaxweynaha Jubbaland ayaa yiri “Waxaa in badan ka sugeynay dowladda, AMISOM iyo Beesha Caalamka in dagaalkan aanu sii daba dheeraan, afar sano ayaa la lahaa Jubadda Dhexe ayaa la xoreynayaa, illaa iyo hadana waxay noqotay hadal la sheego oo aan sal iyo raad toona laheyn”. Axmed Madoobe ayaa sheegay in marka hore howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ay iyaga bilaabi doonaan islamarkaana kadib dowladda iyo AMISOM ay raaci doonaan, marka dadka deegaanka ay isku tashadaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa muuqata in wali ay adag tahay in ciidamada Jubbaland la wareegaan deegaanada Jubbada Dhexe oo Al Shabaab ku xoogan yihiin, maadaama ay u baahan yihiin dhaqaalo dhaqaale, Mid hub iyo mid caafimaad. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka Puntland lagu dilay xalay, iyadoo kooxo hubeysan ay ka dambeeyeen dilkiisa. Askariga ayaa la sheegay in lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, kooxda dilka geysatay oo ahaa bastooladley ka baxsadeen goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa howlgalo lagu baadigoobayo kooxdii dilka geysatay ka wada xaafadaha Boosaaso, inkastoo aysan weli suuragelin in gacanta lagu soo dhigo. Magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay dilal kala duwan, waxaa dilka ugu badan loo geysanayay ganacsato. Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya C/weli Gaas ayaa lagu dhaliilay in aysan waxba ka qaban amniga magaalada Boosaaso oo ah halka kaliya ee magaalooyinka Puntland dilalka ugu badan ay ka dhacayeen. Source
-
Boosaaso ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa saaka howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen magaaladaasi Boosaaso Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulkaas. Falal Amniga liddi ku ah ayaa muddooyinkii dambe ku sii kordhayay Magaalada Boosaaso xilli maamulka Puntland had iyo goor ku celceliyo in uu soo afjarayo dhibaatooyinkaasi. Buuraleyda Galgala ayaa waxaa ku xoogan dagaalamayaal ka kala tirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyaan falalka dilalka ah ee ka dhaca Magaalada Boosaaso. The post Howlgallo ballaaran oo saaka laga sameeyay Magaalada Boosaaso. appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaadhsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo. Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo. Dad xogogaal ah ayaa sheegay in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska. Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso. Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhowaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya. Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doono doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Koowaad Source
-
Maxaas ( Sh.M.Network):-Nabadoon Cismaan Cumar Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda mid ka mid ah beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ayaa sheegay in Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan ay ka qeyb qaateen dagaalkaasi. Mar aan wax ka weydiinay Nabadoon Jimcaale waxa uu ku cadeynayo eedeymihiisa ka dhanka ah maamulka Hirshabelle ayuu hoosta ka xariiqay in ay indhahooda ku arkeen Meydadka Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan oo qeyb ka ahaa dagaalka halkaas ka dhacay. Waxaa indhawaanahaan xiisad beeleed dad badan ay ku dhinteen ka aloosneed deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle gaar ahaan Nawaaxiga degmada Maxaas. Dagaalkaan ayaa salka ku haya is qab qabsi la xiriira dhul daaqsin ku yaalla deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. The post Waxgarad ku eedeeyay Maamulka Hirshabelle in ay ku lug leeyihiin Colaad Beeleedka ka aloosan Degmada Maxaas. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jaamac Maxamed Aadan waa 12 sano jir, Labadiisa waalid horay ayey u geeriyoodeen, Nolasha caruurta la dhalatay oo Lix ka kooban ayuu shaqadaan ka biili jiray. Hada isaguna waa dhaawac, waxa uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhowaan ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho. Waxaa qoyskii uu gacanta ku hayey soo wajahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah sida cunto la’aan, iyaga oo la waxa ay Hal waqti xitaa quutaan. Dhaawaca Jaamac waxa uu walaac ku abuuray carruurta la dhalatay oo usoo jiray nolol maalmeedkooda, reerkuna ma hayaan cid kale oo u shaqeysa. Halkaan hoose ka daawo: Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Maodobe) ayaa sheegay in dhowr mar oo uu si kulul uga hadlay in lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sida uu sheegay daba-dheeraaday. Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in waxbadan dowladda Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka ay mudo Afar Sano ka badan ka sugayeen in Jubbooyinka la xureeyo, hayeeshee taasi ay dhicin. Isaga oo la hadlayay Ciidamo lagu diyaariyay deegaanka Cabdalla Biroole ayuu sheegay in dowladda Federaalka iyo AMISOM aysan daacad ka heyn dagaalka,hayeeshee Maamulka Jubbaland uu isku tashanayo si uu u qaado dagaal deegaanada Shabaab ay ka joogana Jubbooyinka ay uga saarayaan. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhowr mar oo hore sidaan silamid ah waxa uu ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee taasi ay weli meesheeda taagan tahay,isla markaana uusan jirin howlgal la qaaday. Source
-
Kismaayo ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islam ( Axmed Madoobe) oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi Jubbaland. Mudane Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkooda ay gacanta ugu soo dhigi doonaan goobaha ay ka arrimiyaan Al Shabaab ee deegaanada Maamulka Jubbaland. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in deeganaada ay Bartilmaameedka uga dhigan doonaan Howlgalkooda ay ugu horreyso Caasimadda maamulkaasi ee degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe. Al Shabaab ayaa ku sugan degmooyin dhowr ah oo hoostaga maamulka Jubbaland , waxaana maamulkaasi ku celceliyaa in ay qaadi doonaan howlgallo ay ku soo ceshanayaan degmooyinkaasi. The post Axmed Madoobe oo wacad ku maray in ay qaadayaan Howlgal ay ku dabar jarayaan Al Shabaab. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beello walaalo ah oo ku dhaqan gobolka Gedo ayaa waxay ka heshiiyeen khilaaf muddo soo jiitamayey kaasi oo salka ku hayey qodista ceel biyood riig ah. Khilaafka u dhaxeeyay Beelahan oo soo jiitamayey ilaa Afar bil ayaa waxa uu salka ku hayey lahaanshaha Ceel biyood riig oo laga qodayey Dhul oomane ah oo ku yaalla nawaaxiga tuulada Kurtun oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya dhinaca Gobolka Gedo iyo dhul daaqsimeed. Aden Nuur oo ka mid ah Odoyaasha tuulada Kurtun ee laga qodayo Ceelka ayaa Goobjoog waxaa uu u sheegay in ceelkan Riigga ah in ahmiyad ballaaran uu u leeyahay Nolosha dadka iyo duunyada,. Dadka degan tuuladaasi oo u badan xoolo dhaqato ayuu sheegay in ay gaarayaan ilaa 300 oo qoys,kuwaasi oo aanan haysanin Biyo ku filan oo nadiif ah. Ceelkan ayaa waxaa ka faa’idyesan doona dhammaan dadka ku dhaqan Tuuladan iyo sidoo kale tuulooyinka kale ee ku dhow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Australia)-Kumannaan gini ayaa tabruc ahaan loogu aruuriyay qoysaska ay kasoo kala jeedaan lamaane u dhashay dlaka Ingiriiska oo dalka Australia ku dhintay, iyagoo dhimashadoodana ay u dhaxeeyeen saacado kooban. Jason Francis, oo 29 jir ah, oo horay ugu ciyaari jiray koox kubadda cagta ah oo ka dhisan magaalada Market Drayton ayaa geeriyooday ka dib markii uu gaari ku jiiray meel u dhow hoygiisa uu la wadaagayay haweeney ay isjeclaayeen oo lagu magacaabo Alice Robinson. Ms Robinson, oo la sheegay iney “aad ugu qalbi jabtay” geerida lamaaneheeda ayaa goor dambe la helay iyadoo meyd ah. Lacag kor u dhaafeysa 31,000 oo doolarka Australia ah una dhiganta £17,259 oo gini ayaa qoysaska lamaanahan loogu aruuriyay maalmo yar gudahood. Mr Francis ayaa habeenimadii Sabtida ahayd saaxiibadiis la aaday garoon lagu dheelo ciyaarta loo yaqaanno Rugby-ga, ka hor inta uusan markii dambe Taxi u soo qaadanin gurigiisa. Booliska ka howl gala galbeedka Australia ayaa sheegay in gaari uu kaxeynayay nin 18 jir ah uu jiiray qof waddada lugeynayay. Saraakiisha ayaa xaqiijiyay iney sidoo kale wadaan baaritaanno la xiriira dhimashada qof dumar ah, ayna dhawaan soo saari doonaan natiijada. Sam Diamond, oo ah madaxweynaha kooxda dheesha kubadda rugby-ga oo uu mar dhow ku biiray Mr Francis ayaa sheegay in lamaanahaasi ay ahaayeen dad aad u dhaqan wanaagsan. “Waxay wanaagooda ku soo jiiteen quluubta kooxdeenna oo idil”, ayuu yidhi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Macaawiisleey oo ah koox isku abaabushay dagaal ka dhan ah Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay shacabka Soomaaliyeed codsi usoo diray. Kooxdaan oo ka carootay hab dhaqanka Al Shabaab ayaa ka bilaabay Shabeelaha Dhexe dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxaana ay marar badan ku wada dagaalameen deegaano hoostaga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sarkaal u hadlay kooxdaan oo ku sugan deegaanka BuurDacar ee degmada Aadanyabaal ayaa sheegay inay bilaabayaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay dagaalkaasi dhinac ka noqdaan. Sidoo kale Waxaa Maamul gobaleedyada, dowlada dhexe iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay caawiyaan dadka shacabka ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, isagoona sheegay in deegaano hor leh ay ka saari doonaan. Xubnaha Macaawiisleey hogaaminaya ayaa sheegay inay dagaalkooda bilaabeen kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka AL Shabaab ay u geystaan dadka shacabka ah. Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay taageero siin doonaan kooxda Macaawiisleey maadaama ay la dagaalamayaan Al Shabaab, balse Al Shabaab ayaa dhawaan gaadmo ku dilay hogaamiyii Kooxda isku keenay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in weli maamulka Galmudug aysan ka wada fariisan sidii loo dhammeyn lahaa dagaallada ka socda xadka goballada Hiiraan iyo Galgaduud Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudomiyaha guddigan ayaa sheegay in muddo Shan maalin ah ay ku sugnaayeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan si dhiggooda Galmudug ay kala hadlaan joojinta colaadahaas balse uma aysan suuragalin. Waxa uu sheegay in mas’uuliyiin Galmudug ah oo ay qadka taleefanka kula xiriireen ay ugu dambeyn Taleefannada ka dansadeen. Waxa uu sheegay in beesha dhanka Hiiraan degta ay ogoshahay waan waanta, hase ahaatee beesha kasoo jeedda Galmudug ayuu tilmaamay inaanay jirin maamul ama mas’uul matala, gaar ahaan garabka Dhuusamareeb ee Galmudug. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Galmudug iney kaalin ka qaataan nabadda islamarkaana ay yimaadaan degmada Maxaas si xal loo gaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-271218.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Raychelle Omamo iyo taliyaha ciidamada Kenya General Samson Mwathethe oo booqasho kedis ah ku tegey qaar ka mid ah saldhigyada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay ciidamadaas inay yihiin gaashaan adag oo ilaalinaya shacabka Kenya. Omamo iyo Gen Mwathethe ayaa booqday illaa saldhig Milatari oo ku yaal deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland maalin kahor ayaa waxa ay ku amaaneen ugana mahadceliyeen ciidamada Kenya sida ay uga go’an tahay inuu noqdo ammaan dalka Kenya. “Waxaan idinkaga mahadcelineynaa geesinimadiina,waxaan idiin sheegayaa in in dhammaan shacabka Kenya ay idinku hanweyn yihiin oo ay idinku faanayaan. Waxaad si adag aad u horistaagteen oo aad la dagaalanteen oo aad ka difaacdaan halista dhulkeena hooyo,”ayay tiri CS Omamo said. Sidoo kale taliyaha ciidamada Kenya Gen Mwathethe ayaa salaan kadib ciidamada Kenya ee ay saldhigyadooda ku booqdeen u sheegay ugaga mahadceliyay askarta inay xaqiijiyeen ammaanka shacabkooda si ay nolol maalmeedkooda u qabsadaan. Ciidamo ka socda dalka Kenya ayaa ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM hase yeeshee ujeedada ay u joogaan dalka Soomaaliya ayaa ah mid ay ku doonayaan inay ugaga hortagaan weerarada ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ka geysanayeen gudaha dalka Kenya. Source
-
(SLT-Ciraaq)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safrene “xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahadceliyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay. Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq. Safarkan ayaa yimid maalma un kaddib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis kaas oo xilkiisa ka tegay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka. Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay. Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah. Maxaa dhacay intii ay socotay booqashada Trump? Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga. Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego. Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay. Trump muxuu sheegay? Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen. “Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.” Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters. Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish. “Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa muddo seddex maalin ah u qabtay guddiga maaliyadda Baarlamaanka oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay. Mahad Cawad, ayaa guddiga maaliyadda shaaciyay in laga doonayo in muddo seddex maalin ah ay kusoo diyaariyaan miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2019, iyaga oo laga doonayo inay baarlamaanka ku horgeeyaan muddadaasi kooban. Guddigan oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ay doorteen guddoomiye iyo ku xigeen, maadaama horey looga reebay seddex xildhibaan oo guddiga xilal ka hayay. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in muddadaasi ay ku yar tahay guddiga maaliyadda maadaama laga doonayo inay diyaariyaan miisaaniyad qaran oo sanad dhan lagu shaqeyn doono. Muddada loo qabtay guddiga maaliyadda ayaa ku eg maalinta Axadda soo socoto oo taariiqda ay ku beegan tahay 30 December. Xildhibaan C/risaaq Jindi oo ka mid ah baarlamaanka ayaa sheegaya in dowladda ay macquul tahay inay ku shaqeyso miisaaniyadda sanadkii 2018, sidii dhacday sanadkii lasoo dhaafay, maadaama guddiga aysan heysan waqti dheer oo shaqo badan ay ku qaban karaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaarsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo. Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo. Dad xogogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska. Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso. Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhowaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya. Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doono doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Janaayo. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Somaliland ayaa sheegtay in madaxweynaha Puntland uu abaabulayo maleeshiyaad weeraro iyo ismiidaamin ka geysta deegaanada Somalilad, sida uu shaaciyay wasiirka Difaaca Somaliland. Wasiirka Difaaca Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada Puntland maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen falal ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan amaanka deegaanada Somaliland. Wasiirka, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas inuu abaabulay maleeshiyaad loogu talo galay inay wax u dhimaan amaanka ka jira deegaanada Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool. Waxaa ugu baaqay waxgaradka kunool degaanada maamulka Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatada ay Puntland ka waddo gobolka Sool, hadii kale ay qaadi doonaan tilaabada ku haboon. Marka laga yimaado eedeynta Wasiirka difaaca Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlayo eedeymaha cusub ee ka yimid Somaliland. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
SOMALILAND MA KA RUN SHEEGTAY NIDAAMKA SIYAASADEED EE AY QAADATAY EE AXSAABTA/URURADA BADAN EE SIYAASADDA IYO DOORASHOOYINKA AH EE AYNU KU FAANO. !!! Qalinkii: Muhamed Dhimbiil ================================= ( Axsaabta Siyaasadda Somaliland ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa xataa Handaraaban ) !!!. Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu jiraa ilaa intii aynu dib ula noqonay madax banaanida qaranimada Somaliland 27 sanadood oo ah 1991 ilaa 2018. 11 sanadood oo ka mid ah 27 kaa sanadood waxa aynu ku soo qaadanay kacaa kuf badan, dagaalo, nabadeyn iyo dhisme qaran oo dastuur iyo shuruuc, kaladambayn leh sidii loo heli lahaa 1991 ilaa 2002. Mudadaa gudaheeda waxa aynu kaga soo gudubnay nidaamkii beelaha iyo axdiqarameedkii, ka dib markii aynu dhamaystirnay tiirarkii dawladnimada, oo aynu ku guulaysanay in aynu samaysano nabadgalyo, kala dambayn, calankii, dastuurkii, lacagtii iyo haykalkii dawladnimo. 16 sanadood ee hadhay oo ka mid ah 27 sanadood 2002 ilaa 2018, waxa aynu u guurnay nidaamka isdoorashada iyo axsaabta badan, waxaana inoo qabsoomay lix doorasho oo dadweynuhu codkooda dhiibteen marka laga reebo cod bixintii dastuurka 31 may 2001 oo ku noqoneysatodoba. Waxa inoo qabsoomay laba doorasho gole deegaan, sadex doorasho Madaxweyne iyo hal doorashada golaha wakiilada ah, halka aanay wali inoo suurto galin in aynu qabano doorashada golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland. Doorashooyinka aynu qabsanay midina wakhtigii loo cayimay in ay dhacdo kumay qabsoomin oo duruufo dad samee ah ayaa marwalba dib u riixayey oo marwalba dirqi iyo ha lagu kala badbaado marka ay soo gaadho ayaa la qabanayey. 16 sanadood ee aynu ku jirnay nidaamka axsaabta iyo is doorashada xisbiyadii siyaasadeed ee dalka soo maray UDUB, UCID,KULMIYE iyo WADANI, midna gudahiisa si xor ah loogama tartamin, meel meel yar oo hoose mooyaane sida Gudoomiye kuxigeen/Murashax Madaxweyne ku xigeen iyo Xoghaye Guud oo xisbi oo iyaduna yarba mooyaane. Waxa halkaa ka cad in aanay dhisnayn xisbiyadu oo ay iska noqdeen wax in kooban u afduuban, dushana aynu uga eeg nahay nidaam dimuqaradiya oo xisbiyada iyo dad si xor ah isku doorta ah, laakiin gudahooda hanka, himilada iyo rayiga muwaadiniinta ku jirtaa aanu ka shaqeyn. Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa Somaliland waxa aynu galnay sadex doorasho Madaxweyne oo ay ku soo baxeen sadex Madaxweyne oo qaranka soo hogaamiyey ilaa madaxweynaha maanta jooga, haddaba sadexduba markii ay xisbiga ka dhex sharaxnaayeen midna doorasho xorah kuma soo bixin, oo waa loo afduubay xisbiga iyo dadkii ku jirey. Laba ka mid ah xisbi xaakim ay ka sharaxnaayeen awgii baa awood xukuumadeed iyo dhaqaale xukuumadeed loogu xidhay in ay kaligood Murashax yihiin, halka loogu qaatay Madaxweyne dhexe oo ka sharaxnaa xisbi mucarid ah laakiin isaga laftiisa aan cidi kula tartamin. Waxa la mid ah gudoomiyayaasha axsaabta oo aan iyagana cidi kula tartamin murashaxa xisbiga, marka arinkeenu noocaa yahay miyeynu ka run sheegnay waxii aynu xisbiyada u samaysanay? Waxa tusaale nool inoo ahayd in aan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye cidi kula tartamin oo kaligii loo xidhay Madaxweynaha Maanta ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi wakhtigii shirweynihii lagu dooranayey gudoomiyaha xisbiga ee sanadkii 2014 kii . Axsaabta Siyaasadda dadkaa leh waxa ay noqon lahaayeen meelihii gudahooga dadku afkaarta iyo doodaha ku soo shiili lahaayeen si xor ah oo xalaal ah looga dhex tartami lahaa, waxa axsaabta gudahooga ka jira ayuun baa muuqaalka siyaasada Somaliland yeelanayaa. Waxa tusaale wanaagsan oo kale inoo ah in axsaabta gudahooga aanu tartan ka dhex jirin , wakhtigii madaxweynaha Somaliland ee maanta Mudane Muuse Biixi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in murashax Madaxwayne u taagan yahay bishii Oct 2015 wakhtigaa oo maalmo ka hor loo doortay gudoomiyihii xisbiga kulmiye. Muuse Biixi waxa uu sheegay in uu la tartami doono Madaxwayne Siilaanyo oo dalku dimuqaraadi yahay , waxa lagu qaaday weerar gaadhay meel halis ah oo rabshado ka abuuray magaalada Hargeisa oo xataa sawirkiisa ayaa la mamnuucay in baabuurta lagu dhajiyo. Waxyaabahan dadka iyo dalkaba jaah wareeriyey ee marba xisbi loogu yaacayaa ama mid looga baxayaa wax aan jirin wax ay ku kala duwan yihiin aan aheyn kaabado in koobani dhigatay si ay kursiga ugu fuulaan, dadkuna layaab malaha oo waxa ay dhadhansan laayihiin macnihii xisbiyada loo aasaasay iyo noocan ay yihiin. Xildhibaanada goleyaasha qaranka ee kala duwan ee marba mooshinka la keeno kolb dhinac u yaacayaa hadii ay axsaab dhisan oo mabaa dii iyo siyaasad waxkasta ka leh ka soo baxeen noocaa maynu ahaaneen ee horumar badan iyo hore socod fikriya iyo mid dhismaha dadka iyo dalka ah ayeynu gaadhi lahayn. Markaa hadii aynaan been isku sheegayn kamaynaan run sheegin nidaamka aynu qaadanay, maynaan dhisin axsaabta siyaasada dalka, inta aynu qaabkan nahay way adag tahay in uu inoo soo baxo qofkii ugu haboonaa ee dalkan iyo dadkan hogaamin lahaa. Markaa axsaabta siyaasada laftoodaa handaraaban, oo u handaraaban gudoomiyeyaasha axsaabta oo marka ay doorshadu soo dhawaato uun dadka laga furaa si ay ugu codeeyaan horjoogayaashan aynu caqli iyo cilmi aynu iskaga kaxayno garan laanahay ee dadkiina kolba nooc u habeysanaya. Mar nidaam reereed ayaa la inoo habeynayaa si aynu wax ula doono, mar mid axsaab baa la inoo sheegaa, mar goboleysi iyo degmooyin hadba halkii dantoodu ku jirto. Nidaamkan isdoorashada ee wakhtiga loo sameeyo (mandate) waxa loo samaystay in qofba meel umada gaadhsiiyo oo la tijaabiyo hadba ka ugu barnaamij aqoon iyo garasho wanaagsan ee loo arko in uu qaranka hogaamin karo. Waxa aad moodaa in aynu waxwalba u aqbalno cabsi inaga oo is leh dawladnimada aad samaysateen ayaa idinka dumi doonta, laakiin hadii waxa aynu qaadanay aynu ku run sheegi wayno oo min kor ilaa hoos wax xalaal loogu tartamo, rayiga la isweydiiyo laga doodo laga rogrogaa jiri waayaan, oo dad badan oo han iyo himilaba leh maalinba qaybi niyad jabto, taasaa ina duminaysa oo maaha umadu in ay moral ahaan dunto. Markaa inta aynu sidan nahay ee waliba is mahadinayno wax badan korodhsan mayno, waxaaba xataa suuragal ah in doorashada dambe ee madaxweynaha hadii Alle ina gaadhsiiyo ay ku tartamaan sadexdii Murashax ee doorashadii dhaweyd tartamayey oo isla wadadaa aan sheegay uun soo mari doona inaguna aynaan haysan doorasho kale oo aynu isaga qasbanaan doono. Aragtideyda Muhamed Dhimbiil Image Get Outlook for Android Qaran News
-
Somaliland: Aadankii Hawada ee baabiiyey mashruucii Faleedyaale oo la siiyey kuwii Taleex iyo Wasiir Koore oo… Qaadwale hore Aadan Cali Ducaale (Aadanka Hawada) oo ka mid ahaa qaadwaleyaashii Dalka Ingiriiska ee markii laga joojiyey ka soo qaxay ayaa la xaqiijiyey in la siiyey Mashaariic horumarinta Biyaha oo loo qorsheeyey in laga fuliyo Degmada Taleex. Aadan ayaa Wasiiradii hore ee Biyaha si galaangal ah uga dhameystay Mashruuc hore oo loogu talo galay War laga qodayo degaanka Faleedyaale oo 100 000 dollar Maraykanka ku kacaysay, kaas oo aan waxba laga qaban dhaqaalihiisa la lunsaday. Waxaa layaab kale noqotay in Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo og rikoodhkii iyo xogtii hore ee Aadan iyo mashruucii Faleedyaale uu mar kale qalqaaliyo in Aadan gacanta loo geliyo 190 000 doolar oo canshuurtii shacabka Somaliland laga soo ururiyey ah. Taas waxaa dheer oo fajac iyo niyad jab ku riday hayadaha Samafalada iyo ururada Maxaliga ah ee ka hawl gala Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn in Wasiir Saleebaan Koore uu subaxii la jarmaado Aadan oo Wasaaradaha iyo Hayadaha ka codsado in wixii Mashaariic ah ee Degaamadaas laga qabanayo la siiyo, isagoo bixinaya damaanad qaad buuxa. Tan iyo bilowgii bishan Wasiirada Xukuumada Somaliland ayaa waxay ka baqsanaayeen isbedel la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu Golihiisa ku sameynayo, taasoo bedeshay qaabkii Wasiiradu u shaqayn jireen, iyagoo badankoodu ku jira xamaam urursi. Qaran News
-
Yaa Ka Dambeeya Siyaasadda Burburinta Baarlamaanka, Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada Somalia? Waxaa la wada ogsoonyahay in xiligii Madaxweyne Moxamed Cabdullaahi Farmaajo ku jiray tartanka doorashada madaxweynenimada dalka uu si cad u weerarijiray una cambaaraynjiray Itoobiya iyo Kenya isaga oo sheegijiray in labadaas dal yihiin cadowga kowaad ee Somalida, ciidamadooda Somalia joogana aanay marnaba ka talinayn maslaxadda Somalia balse ay u arkaan Somalia cadowgooda oo loobahanyahay inaanu marnaba madaxa la soo kicin. Markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Somalia waxaa uu booqasho xidhiidha oo saaxiibtinimo ku kala bixiyay Itoobiya waxaanu la galay heshiisyo qarsoodi ah oo lidi ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somalia. Waxaa muuqata inuu dalka u fasaxay inay qabsadaan Itoobiya iyo Eratariya si uu xukun qabiil u dhiso looguna ilaaliyo si uu ugu kaco aargoosi qabiil iyo baabi’in taas oo isaga kala muhiimsan ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Somalia iyo sharafta dadka Somaliyeed. Waxaa suurtogal ah in ciidamada uu ka codsaday Itoobiya iyo Eratariya uu bedelkeeda ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku caadiyay Madaxweyne Farmaajo inuu burburiyo maamul goboleedyada Somalia kuna bedelo kuwo daba-dhilif u ah Farmaajo iyo Khare taas oo Itoobiya iyo Eratariya u suurtogelinaysa inay dalka Somalia si fudud u qabsadaan oo aan la iska caabbin iyo in la wiiqo difaaca iyo xoraynta dalka. Fool-xumadii ka dhacday doorashadii Koonfur Galbeed ee la qabtay Dec. 19, 2018 ayaa markhaati ka ah shirqoolada lala maaganyahay Somalia. Waxaa kale oo suurtogal ah in isla siyaasadaas loo adeegsanayo burburinta xubnaha mucaaradka ah ee Baarlamaanka Somalia, axsaabta mucaaradka ah iyo xurriyatul-qawlka si looga takhaluso dadka leh damiirka wadaninimada. Ibrahim Hassan Ibrahim Mohammed ibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
-
Paris (Caasimada Online) – Wargeyska The Indian Ocean Newsletter, ee hoos taga shirkadda warbixinada sirta ah ee Africa Intelligence ayaa qoray in ciidamo ka socda dalalka Eritrea iyo Ethiopia ay beddeli doonaan marka ay ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya sanadda 2021. Ayada oo ciidamad adowladda Soomaaliya aysan weli awoodi inay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka, ayaa wargeyska waxa uu qoray in hogaamiyayaasha Ethiopia iyo Eritrea Abiy Ahmed Ali and Issayas Afeworki ay diyaar u yihiin in ciidamadooda ay buuxiyaan booska AMISOM. Wargeyska The Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in Eritrea ay druba 5,000 oo askari u diri doonto Soomaaliya marka ay ciidamada Amisom billaabaan bixitaankooda. “Ciidamada Eritrea waxay tagi doonaan Muqdisho, ayaga oo sugi doonaa ammaanka xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixinta The Indian Ocean Newsletter. Ciidamada Ethiopia ayaa iyagana la wareegi doona ammaanka qeybaha kale ee guud ahaan dalka Soomaaliya, oo hadda meelo badan oo ka mid ah ay joogaan ayaga oo qeyb ka ah ciidamada Amisom. Xiriir ay Caasimada Online la sameysay dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay in qorshaha dowladda Soomaaliya uu yahay in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan ammaanka dalkooda, oo aysan ka war-hayn go’aan lagu gaaray ciidamo kale oo dalka yimaada. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com