Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,167
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Kutlada Badbaado Qaran ee xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa si xooggan ugu hor-yimid shanti garsoore ee cusbaa ee uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay maxkamadda sare ee dalka. Kudlada Badbaado Qaran waa dallad ay ku mideysanyihiin xildhibaano iyo madaxda fulinta ee xisbiyada Nabada, Ileys, Wadajir, UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan weli xisbiyo ka mid ahayn Qoraal ay soo saareen ayay xildhibaanada ku sheegeen “in garsoorayaashan iyo kuwii ka horreeyayba ay yihiin sharci darro, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy” Waxay sidoo kale sheegeen in magacaabista Guddoomiyaha hadda jooga Maxkamada Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaa darteedna uusan laheyn awood sharci oo uu ku soo jeedin karo magacaabis garsoorayaal isaga la darajo ah Qoraalka ayaa lagu yiri “magacaabistan waxay ka hor imanaysaa in tartan furan loo galo shaqooyinka oo dhan, waxaanay iska indho tiraysaa in haweenka kaalin laga siiyo garsoorka sida ku cad mabaadii’da dastuurka” Xildhibaanada ayaa soo jeediyey shanta qodob ee hoos ku xusan. 1 – Waxaannu ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu dhowro dastuurka iyo sareynta sharciga dalkana ku hoggaamiyo hab waafaqsan sharuucda dalka; 2 – Waxaannu ugu boorineynaa garsoorayaasha lagu magacaabay hab baal marsan sharciga inay iska casilaan xilalkan sharcidarrada loo maray, ogaadaanna in lagula xisaabtami doono waxii ay geystaan; 3 – Waxaannu ka digaynaa khataraha ka dhalan kara in garsoorayaal aan lagu magacaabin hab sharci ah ay qaadaan dacwooyin keeni kara ciqaabo dil, hanti kala qaadasho, ganaax iyo xabsi; 4 – Waxaan ugu baaqaynaa golayaasha barlamaanka in ay kula xisaabtamaan Madaxweynaha iyo xukuumadda oo ka baaqatay dhismaha Golaha Adeega Garsoorka badalkeediina ka dhigtay magacaabista shakhsiyaad lagu soo xulay si shaciga baal marsan; iyo 5 – In Guddiga Adeega Garsoorka oo sameyntiisu u dabrantay xukuumada lagu soo dhiso sida ugu dhakhsaha badan si ay taasi gacan uga geysato samaynta garsoor madaxbanaan. Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Maanta la kulmay Wasiirka wasaaradda maaliyadda mudane, Dr; C/raxmaan Ducaale Bayle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane, Maxamuud Xayir iyo mas’uuliyiin kale. Guddiga iyo Madaxda Wasaaradda ayaa ka wada hadlay dardar gelinta miisaaniyadda Dowladda 2019 iyo ka faa’ iideysiga waqtiga kooban ee haray. Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamuud Siraaji ,ayaa sheegay in ay muhiim tahay in waqtiga haray lagu qabto arrimaha la xiriira miisaaniyadda. Sidoo kale waxa uu wasaaradda maaliyadda ka codsaday in guddigooda ay kala shaqeeyaan sida waqtiga haray golaha Shacabka loo hor-geyn lahaa miisaaniyadda Dowladda 2019 ,si dib u dhac uusan u imaan. The post Wasiir Beyle Oo la kulmay Guddiga Maaliyadda Ee BFS appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-27122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Kismaayo, 27, Dec, 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay furitaanka kulankan caadiga ah ayaa ka hadlay Arimaha Amniga iyo [...] Source
  5. Somalia gives China license to exploit its shores and put local fishermen out of business. In what appears to be a repeat of the famous biblical story of Esau selling his birthright to his younger brother, Jacob for a bowl of porridge, Somalia has sold its birthright to China; but this time, the bargain was done for much less than the worth of a bowl of porridge to a hungry man. Within a year of taking office as the president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has given fishing license to 31 Chinese fishing companies through the Chinese Overseas Fisheries Association. Under the agreement, the foreign fishing companies will have control over the Somalia waters to exploit the large presence of tuna and tuna-like species in its coastal waters. It is disheartening that this is coming at a time when local fishermen in the country are competing with foreign vessels whose presence continues to affect the fishing stock in the region. One would have thought that the government will empower local fishermen and enact laws that will protect the interests of local fishermen and business; rather, they have further plunged the locals into crisis as they have made the exploitation official. Apart from the disadvantages this new agreement will pose to local fishermen and businesses, there is the security treat. Somalia has surrendered Africa’s largest coastline to foreigners which furthers put not just the country but the entire African continent at risk, especially security and economy wise. The heavy presence of foreign vessels along the coastline of a country which is a major entry point to a defenseless continent like Africa is indeed a thread. On its part, the government said the agreement was signed in a bid to tap into the sector, towards boosting economic growth. How it plans on boosting economic growth through an agreement with the China Overseas Fisheries Association – a group founded in 2012 to ‘promote’ East Asia’s competitive fishing edge abroad, remains a miracle waiting to happen. It is alarming how a country can sign an agreement with a group whose core value is to promote its own selfish interest while exploiting others. China will begin its operation this month on a one-year agreement with an automatic renewal for an additional year. The Somalia government in its defense claims that the foreign vessels are restricted to “operate between 24 nautical miles (44 kilometers) to the seaward side of the Somali baseline and the Somali baseline in order to protect small-scale fishing operations.” How this will be implemented and how fishing 44 kilometers to the seaward side of Somalia will not affect the stock closer to shore and thereby put local fishermen out of business remains questions without answers. Another worrying issue is the fact that Somalia has completely overlooked the activities of Chinese vessels in West Africa which has resulted to a drastic reduction in fishing stock due to the opaque and unethical measures these companies employ in their day to day fishing activities. Also, the effect on local businesses continues to raise huge concerns. Has Somalia just sold her birth right; what are your thoughts? Source: Africa Exponent
  6. The State Department has urged US citizens to “exercise increased caution” whilst in Tanzania due to concerns over crime, terrorism and official actions targeting people on the basis of their gender or sexual identity. Violent crime is “common” in Tanzania, the State Department said on Wednesday, citing risks of assault, kidnapping, sexual assault and carjacking. “Terrorist groups continue plotting possible attacks in Tanzania,” the advisory also stated. It added that lesbian, gay, bisexual, transgender and intersex (LGBTI) persons have been “arrested, targeted, harassed and/or charged with unrelated offences.” “Individuals detained under suspicion of same-sex sexual conduct could be subject to forced anal examinations,” the State Department noted. Wednesday’s advisory does not cite specific incidents of crime, terrorism or abuse of LGBTI persons. In the case of violent crime, the State Department did say that “local police may lack the resources to respond effectively.” Regarding the threat of terrorism, the advisory warned that attacks may target “embassies, police stations, mosques and other places frequented by Westerners.” In the Tanzania section of its 2017 global survey of terrorism, the State Department pointed to a series of small-scale attacks in which “masked gunmen killed more than 30 police and local political officials in the Pwani region.” The perpetrators did not claim allegiance to a terrorist group, last year’s terrorism report on Tanzania added. The December 26 travel advisory concerning LGBTI persons may have come partly in response to comments in October by Dar es Salaam Governor Paul Makonda. “I have received reports that there are so many homosexuals in our city, and these homosexuals are advertising and selling their services on the internet,” Mr Makonda said in a video posted to YouTube. “Therefore, I am announcing this to every citizen of Dar es Salaam: If you know any gays … report them to me.” Tanzania is designated a “Level 2” travel destination on a 4-level scale established by the Trump administration last year. Kenya and Uganda are also listed as Level 2 countries where the US advises more than normal precautions. Somalia and South Sudan are both given Level 4 designations, which carry a “Do Not Travel” warning. Sudan receives a Level 3 classification, whereby US citizens are urged to “Reconsider Travel.” Rwanda is among the countries said to require no special precautions on the part of travelers. The post US warns on Somalia travel due to ‘crime and terror’ appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Wararka ka imaanaya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo sidoo kale deegaanno ku dhow deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed. Inkastoo aanu dagaal jirin ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay isku hub uruursanayaan Labada dhinac, iskuna horfadhiyaan halkii lagu dagaallamay. Ma jirto weli cid kala dhexgashay beelahan, waxaana laga baqayaa in mar kale dagaallo ay halkaasi ka dhacaan. Dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen ku dhowaad 20 qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay soo booqdaan Soomaaliya, tani waa digniis cusub oo badashay mid hore oo soo baxday June 15, 2012, waxaana la gaarsiiyey Level 4. Arrimaha loo cuskaday waxaa ka mid ah dilalka, argigixisada iyo burcad-badeedda. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in xaaladda amniga ee Soomaaliya aysan ahayn mid la isku haleyn karo, islamarkaana xilli walbo qataro la filan karo. “Dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dilka, dhaca, kufsiga, afduubka waa ay dhacaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland”, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka. Mar haddii Mareykanka aanu safaarad iyo saraakiil kale u joojin gudaha Soomaaliya, isla markaana xukuumadda Mareykanka aaney fulin Karin wax adeeg oo degdeg ah, nabad-galyo la’aanna ay jirto, waxaa lagula taliyey muwaadiniinta in aaney u soo safrin gudaha Soomaaliya. Farriinta wasaaradda arrrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ay qorsheynayana weeraro ka dhan ah goobaha dekadaha, hoteellada, garoomada diyaaradaha, suuqyada iyo meelaha muhiimka ah ee ay dadka ajannabiga ah isugu tagaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Noordin Haji is a man with a white goatee, a man who never smiles — at least not in public — and the man who everyone will watch next year as he attempts to unmask cartels and convict the masterminds. As the Director of Public Prosecutions, Mr Haji knows that the collective eye of the nation is on him. It is a bit scary for him, because he likes to keep to himself. As an intelligence officer, he was your common man on the streets, but, as the DPP, he can’t hide beneath the cloak of anonymity. Even in his new office, Mr Haji prefers to keep himself out of the way of power brokers and influence peddlers. He only socialises with his family and is careful with whom he interacts to avoid accusations of not being impartial. “I have made it clear that nobody comes to talk to me about work,” he says. “If you come to the office you’ll encounter a rigorous process before seeing me or my deputy.” When he entered office some nine months ago, the Malindi-born son of Garissa Senator Yusuf Haji brought back some zeal to an office that had lost glamour over the years, thanks to a cold-war between this office and the Directorate of Criminal Investigations. TWO PROBES It was public knowledge that the former DCI Ndegwa Muhoro and the former Director of Public Prosecutions Keriako Tobiko did not see eye-to-eye. At one point, Tobiko formed an independent multi-agency team to probe Mr Muhoro over the disputed Tatu City project and accused the DCI of ordering two probes that had come up with two recommendations. At the moment, Mr Haji seems to enjoy a close working relationship with the new DCI, Mr George Kinoti. Their collaboration has seen them take on Kenya’s corruption cartels with unheralded determination. How far the two can go remains to be seen, although Mr Haji refuses to be seen as the hope to tame runaway pilferage of public money. While Mr Kinoti thinks that the Judiciary is not giving the two offices the required support, Mr Haji is playing on the safe side, and told the Nation in an interview that “there is no friction” between his office and the Judiciary, and that they are working well with other agencies, such as the Ethics and Anti-Corruption Commission and the Directorate of Criminal Investigations. “We believe we will work hard to fight corruption in the country,” says Mr Haji. But early this month he lost a case at the High Court, where he had sought to block those charged with crimes from accessing their offices. In the case, Mr Haji wanted National Land Commission chairman Prof Muhammad Swazuri barred from getting back to his office. SERIOUS CRIMES The NLC chair had been charged in August with abuse of office for, it is alleged, using his position to facilitate Sh221 million compensations to Keibukwo Investment Limited, Dasahe Investment Limited and Olomotit Estate Limited during the construction of the Standard Gauge Railway. While the trial magistrate had released him on a cash bail of Sh3.5 million, on condition that he cannot go back to his office pending the outcome of the case, High Court judge Hedwig Ong’udi ruled that the DPP had not provided any evidence to warrant locking out Swazuri from office, arguing that that was akin to removing the chairman through the back door. This line of argument seems to be bothering the DPP, who still thinks that suspects charged with serious crimes should not be allowed to access their offices once they have been charged. Among those who have resumed office include Migori governor Okoth Obado, who was charged with the murder of his University of Rongo girlfriend Sharon Otieno. “I am frustrated that once I charge certain individuals, I can’t get them to face the law,” he says. “Some remain in office to flex their muscles, to intimidate witnesses and interfere with the investigations.” During a recent interview with a local TV station, Mr Haji also complained that high-profile individuals charged with graft and serious crimes had been allowed to resume work. “When we have individuals who have been charged and who happen to be ambassadors in foreign countries asking for bail so they can present their credentials in a foreign country, what message are we sending? The courts need to help us,” he said. LOCAL LAWYERS But it is the battle with local lawyers over his appointment of Queen’s Counsel Khawar Qureshi to prosecute the case against Deputy Chief Justice Philomena Mwilu that is his latest headache. At one point, he had to appear before the Senate’s Justice, Human Rights and Legal Affairs Committee to explain the reasons. It was not an easy session. “Are you telling us that this country does not have qualified lawyers to take up that position? That we have to go back to England for assistance?” asked Ms Susan Kihika, the Senator for Nakuru. “The appointment makes me wonder whether you have an office of prosecutors that you don’t trust. Don’t you think you need to boost the morale of your officers?” By striking at the heart of the Judiciary through a fraud case against Ms Mwilu, Mr Haji had started a fire that had all the elements of a thriller, and which attracted a galaxy of legal and political minds from the opposition Nasa alliance. Mr Haji has told those who care to listen that the Mwilu case is complicated and, as such, needs an independent person who has no political links or emotional attachment to it. The DPP hired Mr Qureshi on December 4 to pursue abuse of office, forgery and tax evasion charges against Justice Mwilu, but the DCJ has obtained temporary orders barring her prosecution until a High Court petition she filed challenging the move is determined. NATIONAL INTELLIGENCE Mr Haji has also gone to court to have senators James Orengo and Okong’o Omogeni barred from defending the DCJ since they have been participating in Senate committee proceedings over the same. A man whose background is with national intelligence, Mr Haji believes that the country has the capacity to conclude graft cases within months, just like election cases. “If we have decided that graft is a national issue that needs to be tackled, I think we need more resources to make sure graft cases are expeditiously dealt with, both by the ODPP and the Judiciary,” he says. And this is a conversation he intends to have with the Judiciary in the coming year “to see how best we can expedite the graft cases in the shortest time possible”. Mr Haji knows that he can only be successful by working close with the Judiciary, and told the Nationonce again that he was not fighting the office of Chief Justice David Maraga. “One thing that I want to make clear is that we all have to protect the independence of the Judiciary, and to us, as prosecutors, that is very important,” he says. But will Noordin Haji manage to rescue the country from graft cartels the way he was rescued from Westgate after Al-Shabaab guerrillas invaded the Nairobi mall in 2013, killing 67 people and injuring many? He was trying to help Somalia out of the crisis by collecting information on Jubaland when the raiders struck. He alerted security agencies of the attack and hid inside a washroom until he was rescued. Additional reporting by Phillip Muyanga and Fadhili Frederick for Daily Nation
  10. Russia warned the U.S. against any effort to influence the royal succession in Saudi Arabia, offering its support to embattled Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman, who’s under continuing pressure over the killing of a government critic. President Vladimir Putin’s envoy to the Middle East said Prince Mohammed has every right to inherit the throne when the ailing 82-year-old King Salman dies. “Of course we are against interference. The Saudi people and leadership must decide such questions themselves,” Mikhail Bogdanov, who is also deputy foreign minister, said in an interview in Moscow on Tuesday. “The King made a decision and I can’t even imagine on what grounds someone in America will interfere in such an issue and think about who should rule Saudi Arabia, now or in the future. This is a Saudi matter.” Senior U.S. lawmakers have blamed the crown prince the murder of columnist Jamal Khashoggi in Turkey, a conclusion they said was backed by the Central Intelligence Agency. The Saudi government has repeatedly denied the prince’s involvement and said he was killed by government agents in a botched plan to force his return home. Russia says it accepts the Saudi account. Russia has built increasingly close ties to Saudi Arabia since King Salman appointed Prince Mohammed as his heir, turning the 33-year-old into the oil-rich kingdom’s de facto ruler. The two countries have cooperated in limiting oil production to support prices under the OPEC+ arrangement and Putin is scheduled to visit Saudi Arabia next year. Last month at the G-20 summit in Argentina, Putin and Prince Mohammed greeted each other with broad grins and a high five handshake even as the Saudi crown prince faced a chilly reception from other leaders in the wake of the Khashoggi killing. After the only surviving full brother of King Salman, Prince Ahmed, returned to Saudi Arabia from London in late October, speculation emerged that disgruntled members of the Saudi royal family might seek to install Ahmed, the crown prince’s uncle, instead of him as king. Prince Mohammed has steadily amassed more power since he became the heir to the throne in 2017, sidelining his rivals. Senior U.S. officials indicated they might back Prince Ahmed as king, Reuters reported last month, citing unidentified people close to the Saudi court. While President Donald Trump has sought to emphasize the importance of the U.S. alliance with Saudi Arabia, prominent senators have come out against the crown prince, with one, Republican Lindsey Graham, describing him as “crazy” and “dangerous.” Asked if Prince Mohammed has the right to succeed his father, Bogdanov said: “Of course. It’s all been decided, it’s all absolutely clear. We are in contact with the Saudis and we don’t see any particular concerns about this.” Source: Bloomberg
  11. Iraqi political and militia leaders condemned US President Donald Trump’s surprise visit to US troops in Iraq yesterday as a violation of Iraq’s sovereignty, and lawmakers said a meeting between Trump and Iraqi Prime Minister Adel Abdul Mahdi was canceled due to a disagreement over venue. Sabah Al Saadi, the leader of the Islah parliamentary bloc, called for an emergency session of parliament “to discuss this blatant violation of Iraq’s sovereignty and to stop these aggressive actions by Trump who should know his limits: The US occupation of Iraq is over.” The Bina bloc, Islah’s rival in parliament, also objected to Trump’s trip to Iraq. Trump’s visit is a flagrant and clear violation of diplomatic norms and shows his disdain and hostility in his dealings with the Iraqi government, said a statement from Bina. The prime minister’s office said in a statement that US authorities had informed Iraq’s leadership of the president’s visit ahead of time. The statement said the Iraqi prime minister and US president talked by telephone due to a “disagreement over how to conduct the meeting.” Iraqi lawmakers told Reuters that the pair had disagreed over where their planned meeting should take place: Trump had asked to meet at the Ain Al Asad military base, an offer which Abdul Mahdi declined. Falih Khazali, a former militia leader turned politician allied with Bina, accused the United States of wanting to increase its presence in Iraq. “The American leadership was defeated in Iraq and wants to return again under any pretext, and this is what we will never allow,” he said. Bina said Trump’s visit “places many question marks on the nature of the US military presence and its real objectives, and what these objectives could pose to the security of Iraq.” Trump made his first trip to a conflict zone nearly two years into his presidency arriving in Iraq yesterday with first lady Melania Trump and speaking to troops in the Ain Al Asad military base. Source: Middle East Monitor
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre 17 Deseember 2018 ayaa waxaa loogu magacaabay Cabdi Aadan Hoosow wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska kaddib markii uu iska casilay wasiirkii hore. Cabdi Aadan Hoosow kuma cusba siyaasadda oo wuxuu hore u soo qabtay xilal sare oo dowladeed, waana aqoonyahan heysta Double Masters, iyo Bachelor dhinaca culuumta bulshada, siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ka heysta Glasgow, Scotland, UK. Hoosow wuxuu ku dhashay degmada Waaaberi ee magaalada Muqdisho 1970-meeyadii, wuxuu ku soo tacliinta hoose ku qaatay magaalada Baydhabo asagoo ka qalin jebiyay dugsigii sare ee Masaarida Sheekh Aweys ee Baydhabo dabayaaqadii 1990-kii. Wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ka shaqo bilowday hey’adihii samafalka sida CRS, MSF iyo UN ee horraantii 1992 yimid Baydhabo iyo nawaaxigeeda si ay ugu gargaaraan bulshada ay ku habsatay macluushii 1992, wuxuuna ka shaqaynayay howshaas illaa dhammaadkii 90-aadkii. Hoosow wuxuu u guuray magaalada Galsgow, Scotland, UK halkaas oo uu kaga qalin jebiyay Jaamacadda Glasgow, oo uu ka qaatay labada shahaaddo sare ee Masters mid dhanka culuumta siyaasadda iyo bulshada ah, iyo mid dhanka xiriirka caalamiga, wuxuu sidoo kale isla jaamacaddaas ka qaatay shahaadda heerka koowaad ee Bachelor ee culuumta siyaasadda. Hoosow wuxuu dalka ku soo noqday sannadkii 2012, asagoo ahaa la taliye diyaarintii dastuurka. Sannadkii 2013, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Baay oo uu hayay muddo saddex sanadood ah. Hoosow wuxuu horumar ballaarin ku soo kordhiyay gobolka Baay iyo magaalada Baydhabo illaa laga hirgeliyo maamulka Koonfur Galbeed. Ka hor inta aan Dec 17, 2018 loo magacaabin wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ka horna wuxuu ahaa la taliye ka tirsan hey’adda Qaramada Midoobay qeybta macluumaadka. Dadka yaqaanna waxay ku sifeeyaan in uu yahay qof furfuran, howl kar ah, waana markii ugu horeysay ee uu xil wasaaradeed qabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteed uga digtay in ay u safraan meelo kamaid ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in laga cabsi qabo ay ka dhacaan inta lagu guda jiro sanadka cusub weeraro argagixiso. War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ay qorsheynayaan weeraro ka dhaca goobaha dekadaha, hoteellada, garoomada diyaaradaha, suuqyada iyo meelaha muhiimka ah ee ay dadka ajnabiga ah isugu tagaan. Sidoo kale digniinta ayaa lagu sheeay in Soomaaliya ay wali tahay meel halis ah, qatar dhinac kasta ahna ka jirto sidoo kalena ku badanyihiin dambiyada dilka, afduubka iyo kuwa kale. Fariinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in goobaha halista ee laga digayo ay kamid tahay magaalada Muqdisho iyo deegaano kamid ah Puntland iyo Somaliland oo la sheegay inay suura galtahay inay ka dhacaan jidgooyada sharci darrada ah sida afduubka. Maraykanka ayaa inta badan marka uu dhalanayo sanadka cusub digniin dhanka amniga ah ka soo saara Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo digniin ka soo saaray Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa sameysatay ciidamo cusub oo loogu magacdaray ciidamada “Wanaagsan” kuwaasi oo masuuliyadooda tahay inay ilaaliyaan masuuliyiinta Ethiopia oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha dalkaasi Dr Abiy Axmed, sida ay baahisay wakaalada wararka Ethiopia. Ciidamadaan oo noqon doona kooxda difaaca qaranka ayaa tababar loo bilaabay lix bilood ka hor, si ay u difaacaan masuuliyiinta sare ee dalka Ethiopia iyo qoyskooda, sida lagu sheegay qoraalka Wakaalada Wararka FANA. Sameynta ciidamadan ayaa ka dhalatay weerarkii bishii June ka dhacay magaalada Addis Ababa, weerarkaasi oo labo ruux ay ku geeriyoodeen, xili ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu dad badan kula hadlayay fagaare ku yaala Addis Ababa. Waxaana khabiirada dhanka amaanka ay aaminsan yihiin in weerarkaasi lala damacsanaa ra’iisul wasaaraha, laakiin isaga waxyeelo kama aysan soo gaarin. Kadib markii Abiy Axmed uu qabtay xilka, wuxuu helay taageerada dadweynaha, isaga oo dhankiisa balanqaaday inuu isbadal ku sameyn doono dowladda uuna dhisi doono dowlad midnimo qaran. Wuxuu xabsiyadda kasii daayay kumanaan xernaa, waxaana uu heshiis la galay Eritrea oo muddo sanado ah ay dagaalsanaayeen. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  15. Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda maaliyadda Puntland, Dr. Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland marka la gaaro doorashada soo socota ee 2019. Dr. Cabdi Qowdhan oo lasoo shaqeeyay xukuumadii hore ee Puntland, ayaa musharaxnimadiisa uga dhawaaqay xaflad balaaran oo uu ku qabtay magaalada Garowe, taasoo ay kasoo qeyb galeen, siyaasiyiin, qaar kamid ah Isimada Puntland iyo marti sharaf kale oo badan. Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa musharax Cabdi Qowdhan ku ammaanay inuu yahay siyaasi kamid ah aas aasayaashii Puntland illaa iyo waqtigaana u taagan difaaca iyo midnimada Puntland. Waxaa kale oo uu ku ammaanay markii uu wasaaradda maaliyadda madaxdeeda kamid ahaa inay salka udhigeen dhaqaalaha Puntland iyo sicirka sarifka. Cumar Faraweyne waxa uu sheegay, maanta oo dhaqaalaha Puntland iyo sarifkuba meel xun marayo, inuu kalsooni weyn ku qabo in Cabdi Qowdhan haddii uu ku guulaysto xilka madaxweyne ku xigeenka uu wax badan ka qabandoono arrimahaas, isagoo kaashanaya madaxweynihiisa. Wasiirkii hore ee warfaafinta iyo qoshaynta Puntland, Eng, Maxamuud Ceydiid Dirir, oo ay soo wada shaqeeyaan musharaxa, ayaa ku sifeeyay inuu yahay nin dowladnimada iyo maamulka yaqaana oo haddii uu ku guulaystana ay Puntlad ka toosidoonto meesha ay marayso. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Isimadii kale ee xaflada ka hadlay, ayaa taageere umuujiyay musharaxa uguna duceeyay inuu xilkaas ku guulaysto, waxay isku raaceen inuu yahay siyaasi firfircoon, karti leh islamarkaana uqalma in xilkaan lagu abaalmariyo wanaagii uu Puntland ka sameeyay awgii. Musharax Cabdi Qowdhan oo ugu dambayn hadal kooban jeediyay, ayaa sheegay tilmaamay waxqabadkiisa oo dhan inay ugu filan tahay inuu kamid ahaa aas aasayaashii Puntland ee waqtiga badan uhuray in Puntland dhismato, taasoo ka muhiimsan in xil laga doonto. Musharaxa ayaa sheegay barnaamijkiisa siyaasadeed inuu horgayndoono barlamaanka Puntland. isagoo u mahad celiyay Isimada Puntland ee xilkaan ugu duceeyay inuu ku guulaysto. PUNTLAND POST The post Dr Cabdi Qawdhan oo ku dhawaaqay musharrax madaxweyne ku xigeenka Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. The Inter-Governmental Authority on the Development (IGAD) has pledged to work with the Federal government and support the ongoing regional election process. In a statement, IGAD said it followed closely the developments in the Horn of the African nation and the regional electoral process that will lead to one man one vote by 2020. The bloc warmly welcomed the commitment of the Federal Government of Somalia to hold a universal, fair and free election in 2020 to ensure inclusive politics at the core of its reform agenda towards Federalization as expressed through the Political Roadmap of Somalia. IGAD encouraged the process aimed at democratizing Somalia to consolidate good governance and wide participation of citizens to exercise their democratic and citizenry rights. It pledged that it will continue its commitment to support the Federal Government and people of Somalia at this critical time for unity of purpose and sustainable peace and stability in the Country. “In this process, IGAD will remain committed to supporting the Federal Government of Somalia in accelerating the political decision- making process necessary to build consensus and national unity,” the statement reads in part. The Bloc commended the multi-dimensional progress saying the development enjoyed through the endeavour of the Federal Government and the Somali people and the region at large cannot easily be taken for granted. The statement stressed that the role of AMISOM and the Troops and the Police of the Contributing Countries have been essential to Somalia’s peace and stability. The post IGAD Pledges to support for Somalia’s electoral process appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa goor dhow kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee golaha Shacabka oo shalay doortay Gudoomiye, Gudoomiye kuxigeen iyo Xoghaye Guud. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kulan deg deg ah la qaatay Guddiga si looga wada hadlo miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka oo ay ka dhiman tahay maalmo Kooban. “Waxaan la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyadda BFS oo aan ka wada hadalnay qaabkii aan uga wada shaqeyn laheyn howlaha culus ee ina horyaala. Waasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yiri Wasiir Beyle. 30-ka Bishaan ayuu amray Guddoomiyaha baarlamaanka in la horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo ka dib uu u saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya. Dhammaan shaqooyinka dowladda Soomaaliya ayaa hakad geli doona haddii aan miisaaniyadda la ansixin ka hor 31-ka December, waxaana baarlamanka uu haystaa kaliya afar maalmood si loo ansixiyo miisaaniyadda.
  18. Ex Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka digay fara-gelin uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Puntland oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Mudane Cabdi Barre ayaa sheegay in xukumadda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda amniga magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafadda wardhiigle ee ay ku taallo xarunta madaxtooyada Soomaaliya,islamaarkaana wuxu sheegay in dowladdu ay ku mashquulsantahay burburinta maamulada dalka ka dhisan ee Federaalka ah. Sidoo kale Cabdi Barre ayaa sheegay in maalmaha soo socda Puntland ay ku soo wajahan yihiin siyaasiyiin laga so xawilay magaalada Muqdisho oo lo so diray in ay qalalaase ka abuuran doorashada Puntland,sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii, wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka digtoonadan fara-gelinta uu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku khal-khal gelinayso doorashada Puntland ee maalmaha yar ka harsan yihiin. PUNTLAND POST The post Ex xildhibaan Cabdi Barre oo ka digay in qalalaase laga rido doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Habeenkii uu curanayay sanadkii 1987 waxa hargaysa tiyaatar laggu qabtay xaflad googoosa oo loogu dabaal degeyay dhalashada sanadka cusub ,xafladaas oo loogu magac daray sanadka cusub iyo sadexda axmed . Sadexda axmed ee la sheegayeyna waxay ahaayeen ,axmed gacayte ,axmed mooge iyo axmed Cali cigaal ,iyo xasan aadan samatar, kuwaasoo mid waliba soo bandhigay dhawr Ka mida heesaha uu horre u qaadi jirey iyo kuwo cusuba . Habeenkaa axmed mooge ,heesaha uu qaadayay waxaa Ka mid ahayd heesta tidhaahda , ” Dad hadaa is qabataan , Ilayn waad la doodaa ? Duufaanka xoogle Waa lagga ducaystaa Shay kastoo nafta u daran Waxbaa laggula daalaa , Ogoow waxaa u digo kulul Dabci xume jacayl baa Daandaansi badanàa, Ninkuu maalintàa dago Ama uu la Helo dabar Ayaad diifta weligii Dusha aad Ka garataa . Axmed gacayte na heesaha uu habeenkaa qàadayay waxaa Ka mid ahaa, heesta ay Ku jirto , Hamigeeda adunyo Hir Ka muuqda dushayda Haab haabtaayoon Huri waayay , Ma halmaamo Haybadeedaa I hor joogta Maxaa iga haysta Ku habsaamay Intii aan u heesaayay . Halka xasan aadan Ka qàadayay, Ma hayoo Mana sugaayo Iimana maqnee Maareeyoo Sidebuu cishqigu Maskaxdiyo qalbiga Uga miirmayaa Uga miirmayaa . Hadaba waa sidaase ,. Waxaad moodaa in saaxadda siyaadda Somaliland Ku bilaabanayso sanadka cusub googoosa u eeg kaa ay soo bandhigeen fanaaniintaas isku magaca ihi ,kaasoo ay jilayaaan ,sadexda siyasi ee kasoo jeeda sadexda jufo ee ilmaadeerka ah iskuna magaca ihi , kuwaasoo Kala ah axmed cabdi dheere , cabdiraxmaan cirro iyo faysal Cali waraabe . Hadaba siyaasi waliba waxaad moodaa in siyaasadiisu u eeg tahay hees Ka mid ,heesaha fanaaniintu habeenkaa soo bandhigayeen ,sidaase isugu beeg beegsaysaan idinkaan idiin daayay . W/Q: Axmed Nuur Guruje Source
  20. Soomaalidu waxay u baahan tahay Hoggaamiye la mida Abraham Lincoln oo runtii aan ahayn falciye balse ahaa fal curiye. Abraham Lincoln sida uu u xalliyey dhibaatooyinkii la soo darsay xilligiisii waxay ku tusaysaa inuu ahaa Hoggaamiye dhalad ah ee aanu ahayn afmiishaar erayo bowsaday sida ragga qaar. Abraham Lincoln wuxuu xal ka ka gaadhay dagaalladii Koonfurta iyo Woqooyiga Maraykanka. Wuxuu meesha ka saaray in la addoonsado dadka madaw. Wuxuu ku guulaystay Midnnimada Maraykanka isagoo meesha ka saaray 13-kii gobol ee Confederate Stateska la baxay kuwaas oo rabay inay ka go’aan Maraykanka intiisa kale. Waxaanu dib u dhisay Maraykanka weyn ee macnaha kuleh adduunyada maanta. Waayo Soomaalida u baahan Abraham Lincoln? Innaga… Innagee.. Qaddiyada ugu weyn ee Soomaalida hortaallaa waa qaddiyada Soomaalilaan, qaddiyada labaadna waata deegaanka Soomaalida Itoobiya oo murankeedu aanu marnaba dami doonin inta aan xal kama danbays ah laga gaadhin. Jilayaasha siyaasadda Soomaalidu waa laba nooc midi waa midnnimo doon, siday sheegaan, midina waa goonni goosad. Kuwa goonni goosadka ahi doodahooda waxaa kamida XASUUQ. Haddaba markaad fiiriso dacwaddan iyo dooddan ma tahay mid midnnimo doonku ka garaabay, amase diidey oo beeniyey? Aniga aragtidayda lagama garaabin waxayna u badan tahay inay been u haystaan. Africa waxa ugu dhibaato xumayd Rwanda oo xasuuqii ugu xumaa ka dhacay. Laakiin Rwanda laba si ayaa looga gudbay dhibaatadaas. 1. Paul Kagame sida uu marar badan sheegay wuxuu ahaa madaxweyne xigeen ahna Wasiirka difaaca isagoo ka soo jeeda dadkii sida bahalnnimada ah loo xasuuqay ee Tutsiga. Wuxuu kaloo ahaa 1994- illaa 2000 Hoggaamiyihii ugu saamaynta badnaa ee Rwanda. Sida uu sheegayna isagaa sabab u ahaa cafiska iyo midnnimada Rwanda. Laakiin yaa la cafiyey? Lama cafiyin kuwii danbiga geystay waxa is cafiyey shacabkii dhibaatadu dhex martay. Markaana? Maxkamada Caalamiga ee danbiyada Rwanda ayaa ku xukuntay taliyihii hore ee ciidamada Rwanda Augustin Bizimungu sodon sono oo xadhig ah isagoo lagu eedeeyey qaybtii uu ku lahaa xasuuqii Rwanda ee 1994kii. Wixii danbiyada galay reero may noqonine waa la eedeeyey kadibna waa la xidhxidhay. Innagana tollaayeey…! Laakiin dacwadda Hargeysa taallaa iyo midda Rwanda way kala duwan yihiin. Hargeysa beeli may xasuuqin beel kale sida Rwanda Hutu iyo Tutsi isu xasuuqeen oo kale maaha. Xukuumad baa na laysay weeye dacwaddu. Adiga ma xukuumaddii ayaad tahay? Maya, adiga miyaa lagu haystaa? Maya, laakiin een.. een.. ninkaas la dacweynayo isku reer baannu nahay.! Ila qabo oo Maxkamad ila gee ha is difaaco eedeysnuhuye, een…een. maya looma dhawaan karo ninkaas. Haye maxaynu yeelnaa oo xal ah? Ayunu midowno oo walaalowno macal isaga ninkan ku xasuuqay laftarkiisa aynu is wada jeclaanno. Oo is cafinno. Ma ila socotaa? Bosnia raggii ku eedeysnaa Maxmamadda adduunka horteeda ayaa la soo taagey, kadibna sun bay ku hor liqeen Maxmamadda horteeda markay arkeen inaanay badbaadayn waxaa kamid ahaa. Slobodan Praljak, a commander of Croat forces during the 1990s war in Bosnia. Ceeb maaha in qof la soo eedeeyo oo Maxkmad la geeyo, oo uu isdifaaco ama lagu helo ama lagu waayo laakiin waxa ceeb ah in eedeysane reer noqdo oo loo arko in reer loo jeedo. Midnnimo doonku maxay la yimaaddeen? Ugu yaraan markaad xal raadis tahay waa inaad la timaaddo Qiraal aad qirto wixii laguu sheegto ama lagugu haysto ee markhaatiga leh. Garawshiiyo ayaa ah albaab kasta oo mudduci iyo madaacali isku hor fadhiisan karaan. Aragtida Xamar taallaa waa Soomaali waa islaysay, laakiin waayo Soomaalida islaysay? 1991-kii ma Mogadishu Clan ayaa Daarood Muqdisho ku ugaadhsanayeybaa laga wadaa? Mise dagaalkii afar biloodka ahaa ee Abgaal iyo Habargidir ayaa loola jeedaa? Mise Hoggaamiye kooxeedyadii xaafadaha Muqdisho ka talin jiray baa laga wadaa? Waayo Soomaalida islaysay? Hargeysa labada aragtiyood ee midi tahay dawladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa na xasuuqday waan ku taageersanahay inaan laga hadhin ee lagu xisaabtamo, ceeb maaha, cuqdad maaha, cay maanha ciil-qabna maah, laakiin waa isla xisaabtan adduunyadana hore uga jiray kana jiri doona. Dadka midnnimada raadinaya diyaar uma aha illaa iyo hadda run aynu xisaabtanno. Hargeysi diyaaradihii duqeeyey beeli may wadanin, beelana laguma haysto. 47-kii qof ee Xeebta Jaziira lagu laayey beeli may dilin beelana laguma haysto. 42-kii qof ee Burco lagu dilay reer ma laynin, reerna laguma haysto. Maxaa keenaya in la oggolaan waayo in la sheego wixii dhacay? Maxaa loo ceebsanayaa haddii la xuso oo laga sheekeeyo. Maxaa loo waayey qof qudha oo aqoonyahan ah oo xataa hadduu dood ka qabo si caafimaad qabta uga hadla. Ugu danbeyn waxaan taageerayaa in la dhiso astaan kasta oo muujinaysa dagaal iyo dhib Soomaalida ku soo dhacday si loo xasuusto oo caruurteenna ay Mustaqbalkooda danbe uga feejignaadaan. Civil War Museum meel kasta adduunyada uu ka jiraa laakiin waa inuu ahaa run caddeynna wato. Anigu xalka waxaan u arkaa oo Soomaalinnimaduna ku jirtaa. Inaynu eedeysnayaasha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan oggolaanno in la maxkamadeeyo. In la abuuro isfaham dhaw oo ISAAQ iyo Daarood ah maadaama muranka siyaasiga ahi uu salka ku hayo xatiiltan hoose oo u dhexeeya beelahan. Haddii aynu eedeysnayaasha Soomaalida maxkamadeyno reerna gun noqon maayo, reerna gob noqon maayo. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi Bulay571@gmail.com Source
  21. Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo 2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii 2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii 2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar. Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah. Sanadkii 2016 ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba 13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017 Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen hadana lacag dhan $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen lacag dhan: 168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana waxaynu markhaati ka noqonay Sanadkan cusub ee soo socda ee 2019 in ay miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !! Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn ” Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u fiirso sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay. Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 % marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling . Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling . Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan male awaalka ah ee 2019, Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan sida : 1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar 2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa 10 % . 3- Lacagta ka soo xaroota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, maadaama dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba 4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay. 5- Lacagaha kor loogu soo qaadayo Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey. Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey qorshaha horumarinta higsiga qaranka ee ( NDP 2) . Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
  22. Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si adag uga digay ol’ole uu sheegay in dowladda Federaalku [...] Source
  23. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya goordhow waxaa ka dhacay qarax qasaare geeystay. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waabari ee Muqdisho. qaraxa ayaa gaarigiisa waxaa loogu xiray Cismaan Dheere oo kamid ah Agaasimaayasha Xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya. Agaasimaha ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi gaarigiisa loogu xiray. Ciidamad amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo baaritaano ka wada halka qaraxa uu ka dhacay. Faah Faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Qarax gaari lagu xiray ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay xaafadda 1-da Maajo ee degmada Waaberi, ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey sarkaal dowladda ka tirsan ayaa ku dhaawacmay, waxaana burburay qeybo ka mid ah gaariga qarxay. Wararkan oo dhameystiran kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Garowe (Puntlandi) Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada maaliyadda dowladda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay musharax u taagan xilka [...] Source