Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda. Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowqladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore. Tallaabadan oo u muuqata mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad. Khaashuqji ayaa la dilay horaantii bishii Oktoobar, xilli uu xarunta qunsuliyadda eek u taalla dalka Turkiga u tagay si uu uga helo warqado uu ku diyaarsanayay arooskiisa. Go’aanka maanta ka soo baxay boqorka Sucuudiga ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda loogu magacaabay Ibrahim al-Assaf, oo xafiiska ka baddali doona Caadil Al Jubeyr. Dilkii wariye Khaashuqji ayaa toosh ku ifiyay hab dhaqanka dowladda islaamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo horayna loo qaaday tallaabooyin ka dhan ahaa saraakiisha lagu tuhmay iney dilkaas ku lug yeesheen. Maqaal uu Jamaal Khaashuqji ku qoray wargeyska Washington Post ee fadhigiisu uu yahay dalka Mareykanka ayuu si toos ah ugu dhaliilay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga, oo lagu tilmaamo hogaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamulaya dalkaas. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay beenisay iney wax ka ogtahay dilka wariyaha, hase ahaatee waxay goor dambe qiratay iney falkaas geysteen saraakiil aan amar ku shaqeyneynin. Riyaad ayaa ku adkeysatay in dilkaas aysan wax lug ah ku lahayn qoyska boqortooyada. Caadil Al Jubeyr ayaa ahaa mas’uul caan ah oo si joogto ah u shaacin jiray hadallada dowladda Sacuudiga ee ku aaddanaa dilkii Khaashuqji, isagoo mar xitaa warbaahinta reer galbeedka ku dhaliilay sida ay dhacdadaas u tabinayeen. Mr Jubeir has been prominent in presenting Riyadh’s stance, at one point accusing the Western media of “hysteria” in its coverage of the Khashoggi case. Source
  2. (SLT-Ceerigaabo)-Ciyaartoy Caan Ka Ahaa Gobolka Sanaag Oo Xaalad Caafimaad La Ildaran, Iyo Farriin U Diray Shacabka Reer Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Muqdisho)-Itoobiya & Ereteriya La Wareegaya Ammaanka Somalia Wargeyska The Indian Ocean Newsletter, ee hoos taga shirkadda warbixinada sirta ah ee Africa Intelligence ayaa qoray in ciidamo ka socda dalalka Eritrea iyo Ethiopia ay beddeli doonaan marka ay ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya sanadka 2021. Wargeysku waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya Dr Abiy iyo Afewerki ay diyaar u yihiin in ay ciidamo u diraan Soomaaliya maaddaama aanay ciidamada Soomaaliya la wareegi Karin ammaanka. The Indian Ocean ayaa qoray in Eritrea ay durtaba 5,000 oo askari u diri doonto Soomaaliya marka ay ciidamada Amisom billaabaan bixitaankooda. “Ciidamada Eritrea waxay tagi doonaan Muqdisho, iyaga oo sugi doonaa ammaanka xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho” ayaa lagu yidhi warbixinta The Indian Ocean. Ciidamada Ethiopia ayaa iyagana la wareegi doona ammaanka qeybaha kale ee guud ahaan dalka Soomaaliya, oo hadda meelo badan oo ka mid ah ay joogaan iyaga oo qeyb ka ah ciidamada Amisom. Source
  4. (SLT-Khartoum)-Koox saxafiyiin ah ayaa ku biiray kooxaha ururada bulshada iyo shaqaalaha rayidka ee dalka Sudan ka wada shaqa joojinta ay ku taageerayaan mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda madaxweyne Cumar al-Bashiir. Shabakadda Saxafiyiinta Sudan ayaa maanta billaabay saddex maalmood oo shaqo joojin ah. Waxay noqonayaan ururki ugu danbeeyay ee ku biira ururada shaqaalaha Sudan oo iyagu shaqo joojinta ka waday dalkaasi tan iyo 19-ki bishaan December. Bannaabaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa ku billowday cabasho ay dadka uga cabanayeen qiimo kordhin ay ku sameysay dowladda sicirka rootiga iyo Shidaalka iyo Cuntada oo aad u yaraaday. Laakin marki ugu horreeysay muddo todobaad ah, maanta oo Khamiis ah dalka Sudan lagam soo sheegin wax mudaaharaad ah. Talaadadi kumanaan ruux ayaa socod ku maray waddada aada madaxtooyada si ay isugu dayaan in ay madaxweyne Al Bashir u geeyaan dhambaal ay ugu sheegeen in uu xilka ka dago. Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashir ayaa cambaareeyay dibadbaxayaasha, waxana uu ku tilmaamay Khaainul wadaniin u adeegaya danaha dalal ajnabi ah. Source
  5. (SLT-Muqdisho)-Qarax gaadhi lagu xidhay ayaa ka dhacay Xaafada kowda Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay. Gaadhiga qaraxa lagu xidhay ayaa ahaa gaadiidka yar ee loo yaqaano raaxada, waxaa ku dhaawacmay darawlkii watay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Cismaan Dheere oo ka mid ah shaqaalaha dowladda. Inta badan qaraxyada gaadiidka lagu xidho ayaa lagu bartilmaameedsadaa saraakiisha, shaqaalaha dowladda iyo wariyeyaasha, waxay ka mid yihiin hababka dadka lagu Khaarijiyo ee ka baxsan toogashada. Source
  6. Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wsiirkii hore ee maaliyadda dalkaas Ibrahim al-Assad u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda dalkaas. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn ballaaran oo maanta lagu sameeyey golaha wasiirada boqortooyada, ayna ku jiraan jagooyin sare oo dhanka ammaanka qaranka ah. Isku shaandheyntan ayaa timid kadib markii Sacuudiga ay cadaadis caalami ah kala kulmeen dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Assaf ayaa beddelaya Adel al-Jubeir, oo loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha cusub ee arrimaha dibedda. Adel al-Jubeir ayaa ahaa wasiirka kaliya ee aan ka dhalan boqortooyada ee ku jira xukuumadda Sacuudiga. Boqor Salmaan ayaa sidoo kale u magacaabay amiir Abdullah bin Bandar bin Abdulaziz inuu beddelo amiir Miteb bin Abdullah, oo uu noqdo madaxa ciidamada Ilaalada qaranka, wuxuuna ku amray inuu is-beddel ku sameeyo golaha siyaasadda iyo amniga Sacuudiga. Jeneral Kalid bin Qirar al-Harbi ayaa loo magacaabay madaxa ammaanka guud, ayada Musaed al-Aiban loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdisalaan Yasiin ayaa waxaa uu ku baaqay in aan la maro habaabin nidaamka xisbiyada qaranka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Berbera) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa Sheegay In magaalooyinkii kale marka laga reebo Berbera ay u ooyayaan maayaro wax u qabta. Hoos ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Dagaal cusub oo dhinaca badda ah ayaa la saadaalinayaa inuu u bilaabmi doono Somaliland iyo Soomaaliya horaanta sannadka cusub ee 2019, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha siisay ruqsado kalluumaysi. Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay shirkado laga leeyahay dalka shiinaha oo ku bahoobay magaca COFA siisay ruqsado kalluumaysi oo ay ugu fasaxday inay badda ka kalluumaystaan. Shirkadaha dalladan ku bahoobay oo wata maraakiib kalluumaysi oo hubaysan ayaa tiradooda lagu sheegay 33 shirkadood. Dawladda Soomaaliya ayaa ku bedelatay heshiiskan dayn ay ka qaadatay bangi la sheegay in laga leeyahay dalka Shiinaha oo gaadhaysa 200 oo milyan oo dollar oo lagu dhisi doono dekedda Muqdisho. Sida ka muuqata heshiiskan, waxa ay dawladda Soomaaliya shirkadahan Shiinaha laga leeyahay u sheegatay inay maamusho oo ay masuul ka tahay guud ahaan xuduudka badda ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka hor sannadkii 1991. Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa ka jawaabay ruqsadahaas ay Soomaaliya bixisay, waxaanu sheegay inaanay ahayn kuwo khuseeya biyaha Somaliland maadaama oo ay Somaliland ka madaxbanaantahay Soomaaliya, waxaanu shirkadaha Shiinaha uga digay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland. Ka sokow, hadalka Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland, lama oga in xukuumadda Somaliland u diyaar garowday suurtogalnimada xad gudub ay Soomaaliya ku soo farogeliso xeebaha Somaliland, laakiin dawladda Somaliland ayaa leh ciidan badda ah oo ilaaliyaha xeebaha Somaliland, kuwaas oo Somaliland ka badbaadiyay budhcad badeeda looga caagay xeebaha Soomaaliya. Somaliland iyo Soomaaliya oo uu hore uga dhexeeyay khilaafka dhinaca hawada iyo weliba dhulku, ayay suurtogal tahay inay isku hirdiiyaan sannadka 2019 dhinaca xuduudka biyaha ee u dhexeeya labada wadan. Source
  10. Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland, Dr. Cabdi Ibraahim Warsame ( Cabdi Qowdhan), ayaa maantay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u [...] Source
  11. Noole kasta oo dunida ku nool waxa aasaas iyo saldhig u ah taariikh iyo isir abuuritaankiisu kasoo bilowdo waana xikmad dabiici ah oo ilaahay swt ugu talo galay. Dadyoowga iyo Qoomiyadaha dunida ee qaaradaha kala durugsan ku kala nool midkasta waxa uu hanti ahaan u leeyahay sawrac iyo taariikh ay noloshoodu kasoo bilaabantay, tusaale ahaan soomaalida oo kamida qoomiyadaha ku nool qaarada afrika waxay leedahay tilmaamo iyo taariikho nololeed oo markasta la jaan-qaadayay isbadalada xadaarada nolosha iyo xidhiidhka dunida. Waa mawduuc aad u mug weyn oo aan suurto gal ahayn in qoraalkeygan aan kusoo koobo balse waxaan idinla wadaagayaa Qodob kamida ah taariikhda qoomiyada soomaalida oo ah ” Meeqaamkii ay soomaalidii hore ka mudnaayeen qoomiyadaha kale iyo qaabkii ay ula macaamili jireen ” Xaqiiqo ahaan qof kasta wuu og yahay dhaawaca weyn ee gaadhay sharaftii soomaalinimo iyo aragtidii ay umadaha kale ka aaminsanaayeen qofka soomaaliga ah xilligan aynu joogno taas oo ay sababeen dhibaatooyin la inoosoo dhoofiyay oo lagu cidhib tirayo ama lagu wiiqayo jiritaankeena umadeed, diinteena, akhlaaqdeena iyo hab-qadhanka wanaagsan ee bani-aadamnimo, Hadaba soomaalidu waayadii hore waxay ahaayeen dad qiimo leh oo dadnimadooda iyo jiritaankooda aad u ilaashada kana fikira oo odorasa danta guud iyo ilaalinta amuuraha aasaasiga ah, ganacsiga iyo xadaarada dunidana baal dahab ah ayay kaga jireen taasoo sababtay in qadarin iyo qiimayn gaar ah ay yeeshaan oo dadyoowga kale ee geeska afrika ay ka sareeyaan. Maalin aan sii fogeyn ayaanu masjid kuwada tukanay nin oday ah oo ganacsade ah oo u dhashay dalka cumaan. Markii uu na arkey ayuu na weydiiyay inaanu soomaali nahay, markii aanu u jawaabney ee u sheegnay inaanu soomaali nahay ayuu nooga waramay taariikh iyo dhacdooyin cajiib ah oo uu soomaalida kala soo kulmay waxaanu nala wadaagey inta uu ka yaqaanay habdhaqankii soomaalida maadama uu dhowr jeer hawlo ganacsi u tagay dhulalka soomaalidu degto sida uu noo sheegay. Wuxuu ii sheegay in soomaalidu ay ahaayeen dad aad u ixtiraam badan oo aad isu jecel, waxa kale oo uu soomaalidii wakhtigaas ku sifeeyay dad aamin ah oo aan khiyaamada iyo beenta aqoonin isla markaana aad u ixtiraama heshiisyada ganacsi ee ay dadyoowga kale la lahaayeen. Ugu danbeyn waxaan xasuusinayaa qof kasta oo soomali ah inuu masuul ka yahay ilaalinta sharafta iyo jiritaanka umadiisa isla markaana uu ka turjumayo ama uu astaan u yahay akhlaaqda iyo sifooyinka laga tilmaansan soomaalida oo idil. Waxa qorey khalid abdi muhumed khaalid.bulshaawi@gmail.com Makkah al mukkarammah Qaran News
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiininayo ammaanka ka wada Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba. Taliyaha Ururka 35-aad Guutadda 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl; Maxamed Caraaye “Foofoo” ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howl-galkaasi uu ku wajahnaa la dagaallanka Al-Shabaab iyo sifeynta Kooxo Burcad ah oo dhibaateeya Dadka Waddada ku safraya , iyaga oo kulabisan direyska Ciidanka. Dadka Shacabka ah ee ku nool degaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba ayuu sheegay Taliyuhu in ay la leeyihiin xiriir wanaagsan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan la leennahay xiriir aad iyo aad u wanaagsan, sida aad la socoto Shacabku waxa ay ku jireen dhibaatooyin fara badan” ayuu yiri taliyuhu. Ugu dambeyn Taliye, Caraaye, ayaa xusay in ammaanka waddada uu aad u soo hagaagayo tan iyo intii ay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka billowdeen halkaasi. The post Ciidanka DFS Oo howlgallo ka wada waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safrene “xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahadceliyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay. Mr. Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq. Safarkan ayaa yimid maalma un kaddib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis kaas oo xilkiisa ka tegay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka. Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay. Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah. U.S. President Donald Trump delivers remarks to U.S. troops in an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq. REUTERS/Jonathan Ernst Donald Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga. Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego. Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay. Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen. “Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.” Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters. Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish. “Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.” U.S. President Donald Trump delivers remarks to U.S. troops in an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq. REUTERS/Jonathan Ernst U.S. President Donald Trump and First Lady Melania Trump greet military personnel at the dining facility during an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq. REUTERS/Jonathan Ernst U.S. President Donald Trump, flanked by National Security Adviser John Bolton, meets political and military leaders during an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq. REUTERS/Jonathan Ernst Qaran News
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinoo dheraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo maanta ka dhacay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari nuuca raaxada ah, kaas oo la sheegay in lagu soo xiray qaraxa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Darawalkii watay Gaariga uu ku dhaawacmay, kaas oo la sheegay in uu ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo laamaha amniga ka soo baxay oo ku saabsan qaraxaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah amniga sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Agaasime waaxeed ka tirsanaa xafiidka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa maanta qarax miino loogu xiray gaari uu watay ,xili uu marayay degmada Waabari ee gobolka [...] Source
  16. Cadale ( Sh. M. Network )-War Ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada maamulka HirShabelle ay kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Muluq oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in weerar xoogan saaka aroortii hore ay ku qaadeen fariisin Ciidamadaasi ay ku lahayeen halkaasi. Sidoo kalena ay ku dileen illee 3 Askari, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka HirShabelle oo ku aadan warkaasi. Al Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ee maamulkaasi. The post Al Shabaab Oo la wareegay deegaan ku yaalla Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  17. The Minister for Finance of the federal government of Somalia, Abdirahman Duale Beileh has today held talks with the Parliamentary Committee on Finance a day after the Lower House Speaker reshuffled the committee following months of dispute over the controversial report. In a tweeter post, the minister said he had discussed with the officials of the committee on means to enhance cooperation between the committee and his ministry. “I have today met with the parliamentary committee on Finance. We discussed ways to work on the heavy task ahead of the ministry and the committee. Both the committee and the ministry are committed to jointly work on the efforts to develop this country,” the minister said in the post. On Wednesday, the Lower House speaker Mohamed Mursal Abdirahman reshuffled the committee less than a month after the committee which was previously dissolved was reinstated. In a statement, the speaker directed the committee to submit the report on the budget to the parliament before the end of the year. “The committee and finance ministry must closely cooperate to submit 2019 budget in the chamber before the end of the year for approval.” Speaker Mursal said. Later the day, the committee elected Mohamud Siraji as the chairperson of the committee. The committee had earlier criticized the Finance Ministry and the Municipality of Mogadishu for financial irregularity, a claim both rejected. The post Finance minster meets with Parliamentary Committee on Finance appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Lafoole ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayA weerar ku bilowday qaraxyo oo Al Shabaab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Xaawo Cabdi oo ka tirsan deegaankaasi. Waxaana la sheegay in weerarka kadib dagaal toos ah labada dhinac uu ku dhexmary halkaasi. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in khasaare uu ka soo gaaray weerarkaasi Ciidanka AMISOM, inkastoo aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Welina ma jiro wax hadal oo Al Shabaab iyo AMISOM ay ka soo saareen weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dagaalyahahannada Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro gaadma ah ku qaada Ciidamada dowladda kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan halkaasi. The post Qaraxyo iyo dagaal toos ah Oo ka dhacay deegaanka Lafoole appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in degmo kamid ah degmooyinka gobolka bari oo uu kormeer kutagay uu kula soo kulmay gudoomiye [...] Source
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Kutlada Badbaado Qaran ee xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa si xooggan ugu hor-yimid shanti garsoore ee cusbaa ee uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay maxkamadda sare ee dalka. Kudlada Badbaado Qaran waa dallad ay ku mideysanyihiin xildhibaano iyo madaxda fulinta ee xisbiyada Nabada, Ileys, Wadajir, UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan weli xisbiyo ka mid ahayn Qoraal ay soo saareen ayay xildhibaanada ku sheegeen “in garsoorayaashan iyo kuwii ka horreeyayba ay yihiin sharci darro, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy” Waxay sidoo kale sheegeen in magacaabista Guddoomiyaha hadda jooga Maxkamada Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaa darteedna uusan laheyn awood sharci oo uu ku soo jeedin karo magacaabis garsoorayaal isaga la darajo ah Qoraalka ayaa lagu yiri “magacaabistan waxay ka hor imanaysaa in tartan furan loo galo shaqooyinka oo dhan, waxaanay iska indho tiraysaa in haweenka kaalin laga siiyo garsoorka sida ku cad mabaadii’da dastuurka” Xildhibaanada ayaa soo jeediyey shanta qodob ee hoos ku xusan. 1 – Waxaannu ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu dhowro dastuurka iyo sareynta sharciga dalkana ku hoggaamiyo hab waafaqsan sharuucda dalka; 2 – Waxaannu ugu boorineynaa garsoorayaasha lagu magacaabay hab baal marsan sharciga inay iska casilaan xilalkan sharcidarrada loo maray, ogaadaanna in lagula xisaabtami doono waxii ay geystaan; 3 – Waxaannu ka digaynaa khataraha ka dhalan kara in garsoorayaal aan lagu magacaabin hab sharci ah ay qaadaan dacwooyin keeni kara ciqaabo dil, hanti kala qaadasho, ganaax iyo xabsi; 4 – Waxaan ugu baaqaynaa golayaasha barlamaanka in ay kula xisaabtamaan Madaxweynaha iyo xukuumadda oo ka baaqatay dhismaha Golaha Adeega Garsoorka badalkeediina ka dhigtay magacaabista shakhsiyaad lagu soo xulay si shaciga baal marsan; iyo 5 – In Guddiga Adeega Garsoorka oo sameyntiisu u dabrantay xukuumada lagu soo dhiso sida ugu dhakhsaha badan si ay taasi gacan uga geysato samaynta garsoor madaxbanaan. Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Maanta la kulmay Wasiirka wasaaradda maaliyadda mudane, Dr; C/raxmaan Ducaale Bayle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane, Maxamuud Xayir iyo mas’uuliyiin kale. Guddiga iyo Madaxda Wasaaradda ayaa ka wada hadlay dardar gelinta miisaaniyadda Dowladda 2019 iyo ka faa’ iideysiga waqtiga kooban ee haray. Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamuud Siraaji ,ayaa sheegay in ay muhiim tahay in waqtiga haray lagu qabto arrimaha la xiriira miisaaniyadda. Sidoo kale waxa uu wasaaradda maaliyadda ka codsaday in guddigooda ay kala shaqeeyaan sida waqtiga haray golaha Shacabka loo hor-geyn lahaa miisaaniyadda Dowladda 2019 ,si dib u dhac uusan u imaan. The post Wasiir Beyle Oo la kulmay Guddiga Maaliyadda Ee BFS appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-27122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article