-
Content Count
207,177 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Sh.M.Network) – Gollaha Wasiirada maamul goboleedyada Jubbaland ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn. Ugu horeyn, Madaxwayne Axmed Madoobe oo fadhiga ka hadlay wuxuu sheegay inay ku gudajiraan wajigii ugu dambeeyay ee guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Gobolka Jubada Dhexe oo ay intiisa badan haatan maamusho Shabaab ayuu Madaxwaynuhu xusay inay udiyaar-garoobayaan sidii ay gabi ahaanba ula wareegi lahaayeen. Dhinaca kale, Gollaha Wasiirada Jubbaland ayaa cod wada-ogol ah ku meel-mariyay miisaaniyada maamulkaan ee sanadka 2019-ka taas oo dhan aduun lacagee dhan 24,233,844.52 [Labaatan iyo afar Milyan labo boqol sodon iyo sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi]. Waxaa kale oo ay golahu ansixiyay xeerka ilaalinta deegaanka iyo bay’ada kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland. Ugu dambeyntii, kulanka waxay Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada kusoo bandhigtay natiijada shir ka qabsoomay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo looga hadlay ka faa’ideysiga kheyraadka dalka. The post Gollaha Wasiirada J/land oo ansixiyay miisaaniyada 2019 appeared first on Shabelle. View the full article
-
War murtiyeed maanta ay soo saareen Kutladda Badbaado Qaran ayey uga hor yimaadeen magacaabista madaxweyne Farmaajo ee garsoorayaasha cusub ee maxkamadda sare. Kutladdan oo ay ku mideysanyihiin axsaab badan ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha uu magacaabay 24 kii bishan Afar Garsoore, taasoo ay tilmaameen in tirada Garsoorayaasha ay ka dhigeyso 10 Garsoore, halka tirada sharciga ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay tahay 9 Garsoore, taasoo sharci darro ah, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka KMG ah sida lagu yiri War murtiyeedka. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in magacaabida Guddoomiyaha xilligan ee Maxkamadda Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaas darteedna uusan laheyn awood sharci ah uu ku soo jeedin karo magacaabis Garsoorayaal isaga la darajo ah. Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa maanta warqadaha Safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Ethiopia haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde. Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Ethiopia ayaa madaxweynaha Ethiopia u gudbiyay salaan uu kaga siday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale Safiirka ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweynaha Ethiopia geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ethiopia. Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa sheegay inuu ahmiyadda koowaad siin doono sidii loo wanaajin xiriirka labada Soomaaliya iyo Ethiopia. Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Ethiopia Cali Sharif Axmed ayaa maanta u gudbiyey Warqada magacaabista Madaxweynaha dalkaas Marwo Sahle-Work Zewde. Safiirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo]. Danjire Axmed ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweyne Zewde geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku dhintay magaalada Addis Ababa. Ahmiyada balaaran ayuu xusay ay leedahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana sidoo kale Safiirka uu bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa. Ugu dambeyntii, Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya. The post MD Itoobiya oo warqadaha ka gudoomay safiirka Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-27122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay maanta xukuno kala duwan ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa oo in muddo ah ku xidhnaa eedaymahaasi. Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah. Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah. Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah. Cabdiqani Madoobe xoriyadiisa ayaa dib loogu celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa Wariye Ilyaas u xaqiijiyay xukunka raggaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta magacaabay taliyeyaal ciidan oo cusub ayada qaarna xilalka laga qaaday. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa magacaabay Taliyaha iyo taliye ku xigeenka qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Wareegto kasoo baxday taliyaha ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay taliyayasha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka oo ka howlgalayay HirShabeelle, waxaana loo magacaabay talis cusub halka kuwii hayay loo wareejiyay qeybta 12-ka April. Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga ayaa waxaa loo magacaabay sarreye guuto Tawane Axmed Maxamed. Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow. Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday taliyahii qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga ana howl galeysay HirShabelle sarreeye guuto Maxamuud Koronto, waxaana xilkaas loo magacaabay Jeneraal Tareedisho.
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha dalka Itoobiya Mss Sahle-Work Zewde ayaa maanta qaabishay safiir ay dawlada Eritrea u soo magacawday safaarada ay 20 sanadood ka dib ka furatay magaalada Addis Ababa. Safiirka dalka Eritrea u fadhiyi doona dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Semere Russom ayaa hore uga soo shaqeeyey wadamada Maraykanka Iyo Canada oo uu safiir uga ahaa dalkiisa. Magacaabida safiirkan cusub ee Eritrea u soo dirtay Itoobiya ayaa ka dambaysay ka dib markii ay hogaamiyeyaasha labada wadan ay bishii July ee sanadkan sii dhamaanaya ku gaadheen Asmara, heshiiskaas oo ahaa mid nabadeed isla markaana dib loogu soo celiyey xidhiidhkii u dhaxeeyey labada dal. Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayaa hore safiirkeeda Eritrea u magacawday Redwan Hussein. Sidoo kale wadamada Somalia , Egypt , Tunisia iyo Thailand ayaa hore safiiro cusub ugu soo magacaabay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu qaabilay xarunta madaxtooyada ee dalkaasi. Source
-
(SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda. Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowqladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore. Tallaabadan oo u muuqata mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad. Khaashuqji ayaa la dilay horaantii bishii Oktoobar, xilli uu xarunta qunsuliyadda eek u taalla dalka Turkiga u tagay si uu uga helo warqado uu ku diyaarsanayay arooskiisa. Go’aanka maanta ka soo baxay boqorka Sucuudiga ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda loogu magacaabay Ibrahim al-Assaf, oo xafiiska ka baddali doona Caadil Al Jubeyr. Dilkii wariye Khaashuqji ayaa toosh ku ifiyay hab dhaqanka dowladda islaamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo horayna loo qaaday tallaabooyin ka dhan ahaa saraakiisha lagu tuhmay iney dilkaas ku lug yeesheen. Maqaal uu Jamaal Khaashuqji ku qoray wargeyska Washington Post ee fadhigiisu uu yahay dalka Mareykanka ayuu si toos ah ugu dhaliilay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga, oo lagu tilmaamo hogaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamulaya dalkaas. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay beenisay iney wax ka ogtahay dilka wariyaha, hase ahaatee waxay goor dambe qiratay iney falkaas geysteen saraakiil aan amar ku shaqeyneynin. Riyaad ayaa ku adkeysatay in dilkaas aysan wax lug ah ku lahayn qoyska boqortooyada. Caadil Al Jubeyr ayaa ahaa mas’uul caan ah oo si joogto ah u shaacin jiray hadallada dowladda Sacuudiga ee ku aaddanaa dilkii Khaashuqji, isagoo mar xitaa warbaahinta reer galbeedka ku dhaliilay sida ay dhacdadaas u tabinayeen. Mr Jubeir has been prominent in presenting Riyadh’s stance, at one point accusing the Western media of “hysteria” in its coverage of the Khashoggi case. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Itoobiya & Ereteriya La Wareegaya Ammaanka Somalia Wargeyska The Indian Ocean Newsletter, ee hoos taga shirkadda warbixinada sirta ah ee Africa Intelligence ayaa qoray in ciidamo ka socda dalalka Eritrea iyo Ethiopia ay beddeli doonaan marka ay ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya sanadka 2021. Wargeysku waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya Dr Abiy iyo Afewerki ay diyaar u yihiin in ay ciidamo u diraan Soomaaliya maaddaama aanay ciidamada Soomaaliya la wareegi Karin ammaanka. The Indian Ocean ayaa qoray in Eritrea ay durtaba 5,000 oo askari u diri doonto Soomaaliya marka ay ciidamada Amisom billaabaan bixitaankooda. “Ciidamada Eritrea waxay tagi doonaan Muqdisho, iyaga oo sugi doonaa ammaanka xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho” ayaa lagu yidhi warbixinta The Indian Ocean. Ciidamada Ethiopia ayaa iyagana la wareegi doona ammaanka qeybaha kale ee guud ahaan dalka Soomaaliya, oo hadda meelo badan oo ka mid ah ay joogaan iyaga oo qeyb ka ah ciidamada Amisom. Source
-
(SLT-Khartoum)-Koox saxafiyiin ah ayaa ku biiray kooxaha ururada bulshada iyo shaqaalaha rayidka ee dalka Sudan ka wada shaqa joojinta ay ku taageerayaan mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda madaxweyne Cumar al-Bashiir. Shabakadda Saxafiyiinta Sudan ayaa maanta billaabay saddex maalmood oo shaqo joojin ah. Waxay noqonayaan ururki ugu danbeeyay ee ku biira ururada shaqaalaha Sudan oo iyagu shaqo joojinta ka waday dalkaasi tan iyo 19-ki bishaan December. Bannaabaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa ku billowday cabasho ay dadka uga cabanayeen qiimo kordhin ay ku sameysay dowladda sicirka rootiga iyo Shidaalka iyo Cuntada oo aad u yaraaday. Laakin marki ugu horreeysay muddo todobaad ah, maanta oo Khamiis ah dalka Sudan lagam soo sheegin wax mudaaharaad ah. Talaadadi kumanaan ruux ayaa socod ku maray waddada aada madaxtooyada si ay isugu dayaan in ay madaxweyne Al Bashir u geeyaan dhambaal ay ugu sheegeen in uu xilka ka dago. Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashir ayaa cambaareeyay dibadbaxayaasha, waxana uu ku tilmaamay Khaainul wadaniin u adeegaya danaha dalal ajnabi ah. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax gaadhi lagu xidhay ayaa ka dhacay Xaafada kowda Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay. Gaadhiga qaraxa lagu xidhay ayaa ahaa gaadiidka yar ee loo yaqaano raaxada, waxaa ku dhaawacmay darawlkii watay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Cismaan Dheere oo ka mid ah shaqaalaha dowladda. Inta badan qaraxyada gaadiidka lagu xidho ayaa lagu bartilmaameedsadaa saraakiisha, shaqaalaha dowladda iyo wariyeyaasha, waxay ka mid yihiin hababka dadka lagu Khaarijiyo ee ka baxsan toogashada. Source
-
Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wsiirkii hore ee maaliyadda dalkaas Ibrahim al-Assad u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda dalkaas. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn ballaaran oo maanta lagu sameeyey golaha wasiirada boqortooyada, ayna ku jiraan jagooyin sare oo dhanka ammaanka qaranka ah. Isku shaandheyntan ayaa timid kadib markii Sacuudiga ay cadaadis caalami ah kala kulmeen dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Assaf ayaa beddelaya Adel al-Jubeir, oo loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha cusub ee arrimaha dibedda. Adel al-Jubeir ayaa ahaa wasiirka kaliya ee aan ka dhalan boqortooyada ee ku jira xukuumadda Sacuudiga. Boqor Salmaan ayaa sidoo kale u magacaabay amiir Abdullah bin Bandar bin Abdulaziz inuu beddelo amiir Miteb bin Abdullah, oo uu noqdo madaxa ciidamada Ilaalada qaranka, wuxuuna ku amray inuu is-beddel ku sameeyo golaha siyaasadda iyo amniga Sacuudiga. Jeneral Kalid bin Qirar al-Harbi ayaa loo magacaabay madaxa ammaanka guud, ayada Musaed al-Aiban loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dagaal cusub oo dhinaca badda ah ayaa la saadaalinayaa inuu u bilaabmi doono Somaliland iyo Soomaaliya horaanta sannadka cusub ee 2019, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha siisay ruqsado kalluumaysi. Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay shirkado laga leeyahay dalka shiinaha oo ku bahoobay magaca COFA siisay ruqsado kalluumaysi oo ay ugu fasaxday inay badda ka kalluumaystaan. Shirkadaha dalladan ku bahoobay oo wata maraakiib kalluumaysi oo hubaysan ayaa tiradooda lagu sheegay 33 shirkadood. Dawladda Soomaaliya ayaa ku bedelatay heshiiskan dayn ay ka qaadatay bangi la sheegay in laga leeyahay dalka Shiinaha oo gaadhaysa 200 oo milyan oo dollar oo lagu dhisi doono dekedda Muqdisho. Sida ka muuqata heshiiskan, waxa ay dawladda Soomaaliya shirkadahan Shiinaha laga leeyahay u sheegatay inay maamusho oo ay masuul ka tahay guud ahaan xuduudka badda ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka hor sannadkii 1991. Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa ka jawaabay ruqsadahaas ay Soomaaliya bixisay, waxaanu sheegay inaanay ahayn kuwo khuseeya biyaha Somaliland maadaama oo ay Somaliland ka madaxbanaantahay Soomaaliya, waxaanu shirkadaha Shiinaha uga digay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland. Ka sokow, hadalka Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland, lama oga in xukuumadda Somaliland u diyaar garowday suurtogalnimada xad gudub ay Soomaaliya ku soo farogeliso xeebaha Somaliland, laakiin dawladda Somaliland ayaa leh ciidan badda ah oo ilaaliyaha xeebaha Somaliland, kuwaas oo Somaliland ka badbaadiyay budhcad badeeda looga caagay xeebaha Soomaaliya. Somaliland iyo Soomaaliya oo uu hore uga dhexeeyay khilaafka dhinaca hawada iyo weliba dhulku, ayay suurtogal tahay inay isku hirdiiyaan sannadka 2019 dhinaca xuduudka biyaha ee u dhexeeya labada wadan. Source
-
Noole kasta oo dunida ku nool waxa aasaas iyo saldhig u ah taariikh iyo isir abuuritaankiisu kasoo bilowdo waana xikmad dabiici ah oo ilaahay swt ugu talo galay. Dadyoowga iyo Qoomiyadaha dunida ee qaaradaha kala durugsan ku kala nool midkasta waxa uu hanti ahaan u leeyahay sawrac iyo taariikh ay noloshoodu kasoo bilaabantay, tusaale ahaan soomaalida oo kamida qoomiyadaha ku nool qaarada afrika waxay leedahay tilmaamo iyo taariikho nololeed oo markasta la jaan-qaadayay isbadalada xadaarada nolosha iyo xidhiidhka dunida. Waa mawduuc aad u mug weyn oo aan suurto gal ahayn in qoraalkeygan aan kusoo koobo balse waxaan idinla wadaagayaa Qodob kamida ah taariikhda qoomiyada soomaalida oo ah ” Meeqaamkii ay soomaalidii hore ka mudnaayeen qoomiyadaha kale iyo qaabkii ay ula macaamili jireen ” Xaqiiqo ahaan qof kasta wuu og yahay dhaawaca weyn ee gaadhay sharaftii soomaalinimo iyo aragtidii ay umadaha kale ka aaminsanaayeen qofka soomaaliga ah xilligan aynu joogno taas oo ay sababeen dhibaatooyin la inoosoo dhoofiyay oo lagu cidhib tirayo ama lagu wiiqayo jiritaankeena umadeed, diinteena, akhlaaqdeena iyo hab-qadhanka wanaagsan ee bani-aadamnimo, Hadaba soomaalidu waayadii hore waxay ahaayeen dad qiimo leh oo dadnimadooda iyo jiritaankooda aad u ilaashada kana fikira oo odorasa danta guud iyo ilaalinta amuuraha aasaasiga ah, ganacsiga iyo xadaarada dunidana baal dahab ah ayay kaga jireen taasoo sababtay in qadarin iyo qiimayn gaar ah ay yeeshaan oo dadyoowga kale ee geeska afrika ay ka sareeyaan. Maalin aan sii fogeyn ayaanu masjid kuwada tukanay nin oday ah oo ganacsade ah oo u dhashay dalka cumaan. Markii uu na arkey ayuu na weydiiyay inaanu soomaali nahay, markii aanu u jawaabney ee u sheegnay inaanu soomaali nahay ayuu nooga waramay taariikh iyo dhacdooyin cajiib ah oo uu soomaalida kala soo kulmay waxaanu nala wadaagey inta uu ka yaqaanay habdhaqankii soomaalida maadama uu dhowr jeer hawlo ganacsi u tagay dhulalka soomaalidu degto sida uu noo sheegay. Wuxuu ii sheegay in soomaalidu ay ahaayeen dad aad u ixtiraam badan oo aad isu jecel, waxa kale oo uu soomaalidii wakhtigaas ku sifeeyay dad aamin ah oo aan khiyaamada iyo beenta aqoonin isla markaana aad u ixtiraama heshiisyada ganacsi ee ay dadyoowga kale la lahaayeen. Ugu danbeyn waxaan xasuusinayaa qof kasta oo soomali ah inuu masuul ka yahay ilaalinta sharafta iyo jiritaanka umadiisa isla markaana uu ka turjumayo ama uu astaan u yahay akhlaaqda iyo sifooyinka laga tilmaansan soomaalida oo idil. Waxa qorey khalid abdi muhumed khaalid.bulshaawi@gmail.com Makkah al mukkarammah Qaran News