Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ma aha mid uu muran ka taagan yahay in 20 sano kaddib Puntland goobjoog u ahaan doonto doorashadii ugu xiisaha, xaamasadda iyo xasaradda badneyd. Loolanka Puntland ka socda eela soo afmeeri doono 8-da Janaayo 2019, waxa uu u dhexeeyaa dhinacyo badan; Nabad iyo Nolol, kooxaha mucaaradka ah, Imaaraadka, Qadar, Maxamuud Saleebaan, Cali Saleebaan iyo MAJEERTEENKA KALE! Ha yaabin, waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin! Dhawrkii doorasho uu ugu dambeeyey ee Puntland ka dhaca waxa uu dagaalka siyaasadeed u dhexeyn jiray hoggaamiye xilka markaa ka dagaya iyo mid adag oo isna doonaya! Sidii Cabdullahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, Cadde Muuse iyo Maxamed Cabdi Xaashi, Faroole iyo Cabdiweli Gaas! Dhammaan waxa ay ahaayeen loollanno la saadaalin karo. Maxaa diiday in tartanka iyo dabacayada hadda jiro la sii odoroso natiijooyinka ka dhalan kara? Jawaabtu waa sahlan tahay – Qodobka, Nabad iyo Nolo! Imaaraad oo si walba u difaacanaya Dekadda Boosaaso, Qadar oo dooneysa in ay Imaaraadka xididada u siibto iyo Cali Saleebaan oo dagaal waqti dheer ku qaatay doonaya in ay soo gunaanadaan! Faaladaydan kooban waxaan diiradda ku saari doonaa taatikooyinka uu ciyaarayo Imaaradka iyo qorsheyaashiisa kala duwan si uu u difaacdo awoodda uu Garowe ku leeyahay. Yaa Imaaraadka doorashada ku metelaya? 1 – Cabdiweli Gaas 2 – Siciid Deni Qorsheyaasha Imaaraadka Imaaraadka ma caqli yara oo dhammaan ukumahooda hal dambiil ma isugu geyn doonaan oo waxa ay ugu yaraan la soo shirtagayaan saddex musharax iyo kuwo kale oo qarsoon. Saddexda musharax waxaa kan ugu muhiimsan u ah Cabdiweli Cali Gaas oo isagu hadda xilka haya horena ugu saxiixay qandaraaska Dekedda Boosaaso. Haddii uu ka fashilmo qorshaha kowaad ee Gaas, waxa ay ku dagaal galayaan Siciid Deni oo ay ku garab siinayaan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimqraadiyadda ee uu Xassan Shikeh Maxamuud hoggaamiyo. Siciid Deni waxa uu ka tirsan yahay ururka Damjadiid ee hadda la midoobay Daljir oo reer Aala Shiikh ah. Haddii qorshaha labaad ee Siciid Deni ku guuldareystaan waxa isna mid saddexaad u ah Asad Diyaano oo ah nin dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Cismaan Maxamuud oo caadiyan taraha ama taakadan leh sida Siciid Deni. KA WARRAN HADDII MAXAMUUD SALEEBAAN LALA GEDIYO SANADKAN? Haa, Imaaraadka ilama ah in aysan ka war qabin xiisadda iyo loolanka siyaasadeed ee qabaliga ah maadama uu Cumar Cabdirashiid ugu magacaaban yahay LA TALIYE arrimaha Soomaaliya ah. Dabcan, Cumar waa reer Puntland, taas oo jirta, meesha ka ma maqna in musharax aan ka soo jeedin sida saddexda hore beesha Maxamuud Saleebaan in uu qorshaha afraad ugu jiro. Lama oga musharraxaas balse xogo hoose ayaa sheegaya in uu jiro musharax beelaha kale ee MAJEERTEEN ka soo jeeda oo ay Imaaraadka ku tashanayaan haddii ay KA DHACDO, NO MORE MAXAMUUD SALEEBAAN! W/Q: Xuseen Muuse Guuleed Nairobi, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulan gaar ah la qaatay Mukhtaar Roobow Cali oo u xiran dowladda Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa inta badan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in xaaladda Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, islamarkaana aysan jirin wax caafimaad daro ah oo heysata. Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah xildhibaanada la kulmay Mukhtaar Roobow ayaa sheegtay in xaaladda caafimaadka ee Roobow ay tahay mid wanaagsan islamarkaana lagu hayo goob amaankeeda wanaagsan yahay. Waxay sidoo kale sheegtay in markii ay la kulmeen Muktar Roobow ay ka muuqatay wanaagsanaan iyo farxad, waxaana ay sheegtay inuu fariin ugu soo faray taageerayaashisa. “Dhamaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan shacabka koonfurgalbeed intii kawel welsanayd Mukhtar Robow waxaan idinla wadaagayaa inay ii suurowday in aan lasoo kulmo” “Caafimaadkiisa wuu fiicnaa wax dhib ahna ma qabin meel jawigeeeda deganayahay ayuu joogay oo amni ah wuxuu shacabkiisa gaar ahaan taageeeriyaashiisa nooga soo dhiibey fariin ah in uu fiicanyahay wax dhib ahna qabin oo xaalkana ladejiyo”ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Xaabsade. Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed, balse seddex maalin kahor doorashadiii Koonfur Galbeed ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kadib socdaal maalmood qaatey oo uu ku tegay dalka Kenya. Gaas, oo caasimad goboleedka Nugaal ka dhoofay wax yar kadib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxwayne 18-kii bishaan December, ayaan kala kulmin shacabka Garowe soo dhawayntii uu ka filiyay. Sida laga soo xigtay kooxda qaban-qaabada soo dhawayntiisa, Gaas waxuu qorsheeyay inuu shacabka kula hadlo Barxada Garowe, taasi oo looga bartay marka uu ka yimaado safarada dibada ah. Balse, taasi ma aysan u suurtagelin shalay, waxayna timid markii shacabka ay kala hor-tageen dibad-bax iyo buuq hareeyay guud ahaan halkii uu Madaxwaynuhu rajeynayay inuu hadal-jeedin ka sameeyo. Dadka ku mudaharaadey Gaas ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Madaxweynaha, kaasi oo ku guuldareystay inuu fuliyo balan-qaadyadii uu sameeyay markii la doortay Shan sano kahor oo ay kamid tahay doorasho qof iyo cod ah. Madaxwayne Gaas ayaa markii uu arkay in shacabku aanu u haylaneen hadal-jeedintiisa ayuu u gudbay dhinaca Madaxtooyada halkaasi oo warbaahinta kula hadlay, isagoo muujiyay damac kaga jira in dib loo doorto. Dhanka kale, Gaas ayaanan usoo bandhigin shacabka Puntland markii uu ka hadlayay Shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtey ujeedka safarkiisa Nairobi, ee mudada illaa shanta maalmood ku maqnaa. Warar ayaa sheegay inuu Madaxweynaha dhaqaale u raadsadey doorashadiisa, maadaama uu mar labaada u tartamayo kursiga uu shantii maalmood ee lasoo dhaafey ku fadhiyay, iyadoo uu ku fashilmay amniga, xorreynta deegaanada ka maqan Puntland iyo inuu dhameystiro hanaanka dimuqraadiyeynta oo uu soo billaabey maamulkii isaga ka horeeyay. Tiradii ugu badneyd oo Mushariixiin ah ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland 8-da January ee 2019, iyadoo Cabdiweli Gaas oo horey u lumiyay taageeradda iyo kalsoonida shacabka la sheegay in rajadiisa ay aad u hooseyso. Isha: Garowe Online
  4. Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wsiirkii hore ee maaliyadda dalkaas Ibrahim al-Assad u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda dalkaas. Assaf ayaa beddelaya Adel al-Jubeir, oo loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha cusub ee arrimaha dibedda. Adel al-Jubeir ayaa ahaa wasiirka kaliya ee aan ka dhalan boqortooyada ee ku jira xukuumadda Sacuudiga. Taxliiliyayaasha siyaasadda carabta ayaa rumeysan in xil ka qaadista Adel Al-Jubeir ay tahay mid uu isku furnayo Maxamed Bin Salmaan kadib khaairjintii weriye Jamal Khaashuqji. Marwan Kabalan, oo ah madaxa fallanqeynta siyaasadda ee Xarunta Cilmi-baarista ee Arab ayaa sheegay inuusan la yaabin xil ka qaadista Al-Jubeir, sabbatoo ah waxaa loo arkay nin ka haray xukunkii boqorkii geeriyooday ee Cabdalla. “Waan filaynay in mar ay ahaataba xilka laga qaado Al-Jubeir, xitaa ka hor inta aan la dilin Jamal Khaashuqji” ayuu yiri Kablan. “Hase yeeshee waxaa hadda loo adeegsaday mid la isku furtay, ayada oo la muujinayo in wixii ku dhacay Jamal uu mas’uuliyadeeda isaga leeyahay”. “Sida aan horey u sheegay Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu doonayey qof uu dusha u saaro mas’uuliyadda dilka weriye Jamal Khaashuqji, mana jiro qof ka sarreeya Adel oo sidaas lagu sameeyo” ayuu yiri. “Sababtoo ah qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu dilay weriye Jamaal Khaashuqji waxay hoos imaneysay Adel Al-Jubeir” ayuu sii raaciyey. Ka sokow xil ka qaadista lagu sameeyey, haddana in Adel Al-Jubeir laga dhigo wasiiru dowle isaga oo mar ahaa wasiirka ugu sarreeya wasiirada, ayaa waxaa dadka qaar u arkaan bah-dil lagu sameeyey. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa muujisay digniin ku aaddan dagaal cusub oo dhinaca badda ah oo dhex-mara ayada iyo dowladda Soomaaliya horaanta sannadka cusub ee 2019, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha siisay ruqsado kalluumaysi. Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay shirkado laga leeyahay dalka shiinaha oo ku bahoobay magaca COFA siisay ruqsado kalluumaysi oo ay ugu fasaxday inay badda ka kalluumaystaan. Shirkadaha dalladan ku bahoobay oo wata maraakiib kalluumaysi oo hubaysan ayaa tiradooda lagu sheegay 33 shirkadood. Sida ka muuqata heshiiskan, waxa ay dawladda Soomaaliya shirkadahan Shiinaha laga leeyahay u sheegatay inay maamusho oo ay masuul ka tahay guud ahaan xuduudka badda Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto. Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa ka jawaabay ruqsadahaas ay Soomaaliya bixisay, waxaanu sheegay inaanay ahayn kuwo khuseeya biyaha Somaliland maadaama oo ay Somaliland ka madaxbanaantahay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay, waxaanu shirkadaha Shiinaha uga digay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland. Shirkadaha Shiinaha ee ruqsadda la siiyey ayaa loo ogolaaday inay hub iyo ciidan ilaaliya wadan karaan. Somaliland ayaa sheegtay inay leedahay ciidan badda ah oo ilaaliyaha xeebaha Somaliland, kuwaas oo Somaliland ka badbaadiyay budhcad badeeda looga caagay xeebaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  6. Waxaa hadda dhaqanka Soomaalida, gaar ahaanna kan siyaasiyiinta, ku soo kordhay mid cusub oo laga soo minguuriyay dhaqamo shisheeye sidii isqarxintaba loo soo minguuriyay. Waxaa noo soo dusay nooc ka mid ah beenta balse aafadeeda lagu halaagmayo. Beentan cusub ee dhaqangashay waa iyada oo uu siyaasigu meel fagaare ah ka yiraahdo hadal been ah oo iska cad. Siyaasiga beentan faafinayo ujeedkiisu ma ahan in la aamino. Qorshihiisu waa mid salka ku hayo abuuridda jahwareer iyo tuhun si uu u kala dhantaallo midnimada iyo wadajirka dowladda iyo shacabka. Imaam Bukhaari oo doon ku safrayo baa 1000 dirham uu watay waxaa sheegtay tuug. Tuuggii af buuxuu ku qeyliyay in lacag 1000 dirham ah laga xaday. Imaam Bukhari (rc) waa nin garasho fogaaye wuxuu lacagtii ku tuuray badda. Wuxuu Imaamku yiri, “Dadka doonta ila saarnaa waan ku oran karay lacagtaan anigaa leh, oo wuxuu tuuggu ogaa inaan 1000 dirham watay. Waxaanse ka baqay in qaar kale uu tuhun galo.” Calaashaan hadduu tuhun yimaadana Xaddiisyadii uu soo werinayay ayaa sidoo kale la tuhmi lahaa saxiixnimadooda. Tuhun. Waa aafooyinka waaweyn ee ka dhasho been-abuurka. Waa midduu ka cabsaday Imaam Bukhaari in loo daciifiyo Xaddiisyadii uu u soo uruuriyay sida daacadnimada iyo hawl-karnimada aheyd. Wuuna ku baraarugsanaa in shacabka ay qaar dagmi karaan, oo ay tuuggaas hadalkiisa rumeysan kareen – ama ugu yaraan uu shacabkaas geli karay tuhun iyo tashwiish. Markii la qorayo sheeko-faneedda, wuxuu qoraagu isticmaalaa aalado sida timo-jaruhuba uu u isticmaalo makiinad, makhas iyo shanlooyin kala duwan. Aaladaha qoraaga uu ku dhiso sheekada waxaa ka mid ah wax la yiraahdo “believability” – ama suurtagalnimada qisada/ficilka sheekada. Waa macquul/suurtagal haddii uu qoraagu qoro: “Hooyadii iyo caruurteeda oo gaajeysan ayaa qof u keenay jab rooti ah – jabkiina waxay u kala jebisay labadeeda caruur.” Suurtagalse ma ahan oo akhristuhu ma aqbalayo haddii uu qoraagu qoro: “Hooyadii iyo caruurteeda oo gaajeysan ayaa qof u keenay jab rooti ah – isla markiina ilmaheeda oo arkaya ayay hooyadu rootigii afka ku boobtay oo liqday.” Akhristuhu wuxuu garowsan in dabeecadaha hooyadu aysan aheyn inay nafteeda ka hormariso ilmaheeda. Arrinkan suurtagalnimada ah aan ku dabbaqno waaqaceenna – iyo qaasatan eedeynta ay siyaasiyiintu ku hayaan dowladda. Waxaa fagaaraha lala yimid eedeyn ay ka mid tahay dowladdu ma aysan qaban hawlihii loo igmaday sidaa darteedna way fashilantay. Siyaasigu wuu og yahay inuu been sheegayo – wuuna og yahay in aan la aaminayn hadalkaas beenta ah. Xasuusnow qasadkiisu ma ahan been macquul ah sheeg; qasadku waa abuurista tuhun iyo fawdo. Su’aashu waxay tahay, arrinkan suurtagalnimada inay eedahaas macquul yihiin (believability) yaa u xilsaaran inuu kala shaandheeyo? Waa adiga. Haa, waa adiga Soomaaliga ah. Halkii ay shacabku rumeysan lahaayeen eedeynta lagu saleeyay mooshinka, waxaa caafimaad ah in loo kuurgalo hawlaha ay dowladdu qabato ka dibna la barbar dhigo hadallada siyaasiga. U fiirso, haddii qof Muslim ah iimaankiisa lagu garto ficillada ay ka midka yihiin shanta salaad, soonka, Xajka, iyo sadaqada, dowladda waxqabadkeedana maxaa lagu garan karaa? Haddii dhallinyaro maxaabiis ahaa oo laga soo daayay xabsiyada adduunka aysan waxqabad aheyn; haddii miisaaniyadda Soomaaliya oo kor u kacday aysan waxqabad aheyn; haddii ciidankii qaranka oo mushaar loo qoray aysan waxqabad aheyn; haddii la sameeyay guddi qaran oo dalka u diyaarsho doorasho sannadka 2020 aysan waxqabad aheyn; haddii hawadii Soomaaliya oo Xamar laga maamulo aysan waxqabad aheyn; haddii in IMF iyo bangiyada caalamka ah ay dowladda u qireen daah-furnaan maaliyadeed aysan waxqabad aheyn; haddii soo celinta safaarradihii dunida iyo sare u qaadidda haykalka dowladnimo aysan waxqabad aheyn, maxaa waxqabad ah Soomaaliyow? Dhanka kale u rog. Siyaasiga eedeynta iyo mooshinka wado, maxaa waxqabad ah ayuu ku faani karaa? Horta waxqabad ha noo dambeeyee weligiis kulan ma la qaatay gobolkii ama degmadii uu matalayay? Weligiis ma dhageystay tabashadooda? Himiladooda? Miyayse ku filan tahay inuu yiraahdo waxqabad waxaan idinkaga dhigay inaan dowladda mooshin ka keeno? Haddiise waxqabad uu yahay ficil (waxqabad = ficil), suurtagal (believable) ma tahay in dowlad waxqabadkeedu muuqdo uu siyaasi aan waxqabadkiisu muuqan ku eedeeyo waxqabad la’aan? Jawaabta adiga Soomaaliga ah ayaan kuu daayay. Ogowna Kitaabka Furqaanka ah ayaa ina farayo in la iska hubiyo hadallada qofkii kuu keeno war cusub – sida beenta cad ee sidii hubka loogu adeegsanayo curyaaminta dalka iyo dowladda. Murti Soomaaliyeed baa aheyd “Beeni raad ma leh.” Tu kale oo Hindi ahna waxay tiraah: “Si loo qariyo hal been ah, waa in la sheego kun been.” Kun been buu siyaasigu masraxan la yimid. Sideedaba adiga shacabka ah waa maxay kaalintaadu? Maxaad ugu qanacday in sidii kalluunkii lagu jillaabaysto? Soo xil kuma saarna? Soo ma aheyn madaxweyne John F. Kennedy qofkii yiri: “Su’aashaadu yaysan noqon muxuu waddankayga ii qaban karaa ee isweyddii waxaad waddankaaga u qaban kartid”? Haddii ay shacab ahaan kaaga dhegtay dowladdu wax ma qaban, kaalintaadu ma intaas ayaad uga qoondeysay dalkii Soomaaliya? Haddii aysan shacabka waddanka wax u qabaneyn, dowladda ma keligeed ayaa ku wada filan hawlaha baaxadda weyn ee horyaallo dal ka soo kabanayo burbur iyo baaba’? Dhabse (believable) ma ahaa eedeynta lagu saleeyay mooshinkii uu soo dhoodhoobay siyaasi aan qudhiisu waxba qaban – beentana ku beerlaxawsado shacabka? Wabillaahi towfiiq, Qalinkii Cabdullaahi Janno Email: Abdullahi.janno@gmail.com Wardheernews.com
  7. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo marwada koowaad ee dalkaas Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safreen “xilli dambe oo ka mid ahaa habeenkii loo dabaaldegaayay munaasabadda Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahad celiyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, sida uu shaaciyay Aqalka Cad. Mar ay suxufiyiinta nooca uu safarkiisa ahaa iyo inuu walaacay ayuu Mr Trump ka sheekeeyay waxa uu kala kulmay duulimaadkii uu ku tagay Ciraaq, wuxuuna ku tilmaamay kii ugu yaabka badnaa abid. “Haa waan walaacay waxaana u walaacay xaaladda kooxda madaxweynaha, waliba ugu horreyn aniga nafteyda uma baqin waxaan u walaacsanaa marwada koowaad”. Wuxuu sidoo kale sheegay iney xaalad adag kala kulmeen diyaaradda. “Arrin aan waligey horay u arkin ayaan kala kulmay diyaaraddii aan ku tagay Ciraaq. Waxay ahayd diyaarad mugdi ah, dhammaan daaqadeheeda la daboolay, bannaankana aan wax nal ah ka daareynin”. “Waxaan raacay diyaarado fara badan oo nooc walba iy cabir walba leh, waligeyna ma arkin waxaan oo kale”. Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq. Safarkan ayaa yimid maalma uun ka dib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis, kaas oo xilkiisa ka tagay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka. Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay. Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah. Maxaa dhacay intii ay socotay booqashada Trump? Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga. Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego. Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay. Trump muxuu sheegay? Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen. “Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.” Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters. Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish. “Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.” Xigasho: BBC Somali
  8. Deegaanada Tuli-Guuleed iyo Mooyaaale oo dhowaan ay ka dheci jireen colaadii u dhexaysay Soomaalida iyo Oramada ayaa lagusoo waramayaa iney ka jiraan Abaaro xoogan iyadoo [...] Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-27122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Wararka ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi ayaa sheegaya in ay Ciidamada Amaanka ee Puntland ay baadigoob ugu jiraan dhow shaqsi oo looga shakisan yahay iney lacago [...] Source
  11. Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa lagu yir “Daabacaadeedii 21-ka December (No 1488), Indian Ocean Newsletter waxa uu qoray ‘In madaxda Ethiopia iyo Eritrea ay dhiggooda Soomaaliya u muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin inay beddelaan ciidamada Amisom marka ay dalka ka baxaan 2021…Eritrea waxa ay qorsheeyneysaa inay 5,000 askari oo tegaya Soomaaliya ay dirto bisha Fabraayo’” Wasaaradda ayaa kadib ku jawaabtay “Tani waa been qayaxan” Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa sidoo kale tiri “Tani ahan markii ugu horreysay ee Indian Ocean Newsletter ay baahiso been iyo taxliil wareed aan sal lahayn oo ku saabsan dhacdooyinka gobolka. Xaqiiqdii tani waaba astaanta ay ku caan baxday” “Damaca Indian Ocean Newsletter ee ah inay akhbaar been ah faafiso kuma guuleysan doono ujeedkeeda, waxaana uu burburin doonaa oo kaliya sumcaddeeda. Waxaan ug baaqaynaa Indian Ocean Newsletter inay xushmeyso akhristayaasheeda iskana joojiso baahinta wararka beenta ah” Warbixinta Indian Ocean Newsletter ay ka qortay in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah ay beddelayaan Amisom, oo saaka ay soo dabaacday Caasimada Online iyo jawaabtii dowladda Soomaaliya, halkan ka aqriso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Garowe (Puntlandi) Musharaxa madaxweynaha dowladda Puntland Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan uu kusoo bandhigayay barnaamijkiisa siyaasadeed haddii uu ku guulaysto [...] Source
  13. Duqa degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdi Samad ayaa maanta waxa uu kormeer shaqo uu ku tagay Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee Xera dayax . Duqa [...] Source
  14. Kismaayo (Sh.M.Network) – Gollaha Wasiirada maamul goboleedyada Jubbaland ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn. Ugu horeyn, Madaxwayne Axmed Madoobe oo fadhiga ka hadlay wuxuu sheegay inay ku gudajiraan wajigii ugu dambeeyay ee guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Gobolka Jubada Dhexe oo ay intiisa badan haatan maamusho Shabaab ayuu Madaxwaynuhu xusay inay udiyaar-garoobayaan sidii ay gabi ahaanba ula wareegi lahaayeen. Dhinaca kale, Gollaha Wasiirada Jubbaland ayaa cod wada-ogol ah ku meel-mariyay miisaaniyada maamulkaan ee sanadka 2019-ka taas oo dhan aduun lacagee dhan 24,233,844.52 [Labaatan iyo afar Milyan labo boqol sodon iyo sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi]. Waxaa kale oo ay golahu ansixiyay xeerka ilaalinta deegaanka iyo bay’ada kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland. Ugu dambeyntii, kulanka waxay Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada kusoo bandhigtay natiijada shir ka qabsoomay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo looga hadlay ka faa’ideysiga kheyraadka dalka. The post Gollaha Wasiirada J/land oo ansixiyay miisaaniyada 2019 appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska ee dowladda Puntland ayaa manaada Bosaaso waxa ay ku daah furtay kulan lagu dhiiri galinayay haweenka in ay qayb weyn [...] Source
  16. War murtiyeed maanta ay soo saareen Kutladda Badbaado Qaran ayey uga hor yimaadeen magacaabista madaxweyne Farmaajo ee garsoorayaasha cusub ee maxkamadda sare. Kutladdan oo ay ku mideysanyihiin axsaab badan ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha uu magacaabay 24 kii bishan Afar Garsoore, taasoo ay tilmaameen in tirada Garsoorayaasha ay ka dhigeyso 10 Garsoore, halka tirada sharciga ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay tahay 9 Garsoore, taasoo sharci darro ah, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka KMG ah sida lagu yiri War murtiyeedka. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in magacaabida Guddoomiyaha xilligan ee Maxkamadda Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaas darteedna uusan laheyn awood sharci ah uu ku soo jeedin karo magacaabis Garsoorayaal isaga la darajo ah. Akhriso: Source: goobjoog.com
  17. Addis Ababa (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa maanta warqadaha Safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Ethiopia haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde. Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Ethiopia ayaa madaxweynaha Ethiopia u gudbiyay salaan uu kaga siday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale Safiirka ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweynaha Ethiopia geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ethiopia. Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa sheegay inuu ahmiyadda koowaad siin doono sidii loo wanaajin xiriirka labada Soomaaliya iyo Ethiopia. Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland C/Wali Cali Gaas ahna Musharaxa Madaxweyne Puntland 2019 ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Putland . Madaxweynaha [...] Source
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Ethiopia Cali Sharif Axmed ayaa maanta u gudbiyey Warqada magacaabista Madaxweynaha dalkaas Marwo Sahle-Work Zewde. Safiirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo]. Danjire Axmed ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweyne Zewde geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku dhintay magaalada Addis Ababa. Ahmiyada balaaran ayuu xusay ay leedahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana sidoo kale Safiirka uu bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa. Ugu dambeyntii, Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya. The post MD Itoobiya oo warqadaha ka gudoomay safiirka Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Gudoomiyaha degmada Garoowe , Taliyaha qaybka gobolka Nugaal, iyo xubno ka socday maamulka Muuse Biixi ee Hargaisa ayaa maanta Laas-caanood kula kala wareegay Maxaabiis ay [...] Source
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-27122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay maanta xukuno kala duwan ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa oo in muddo ah ku xidhnaa eedaymahaasi. Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah. Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah. Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah. Cabdiqani Madoobe xoriyadiisa ayaa dib loogu celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa Wariye Ilyaas u xaqiijiyay xukunka raggaasi. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta magacaabay taliyeyaal ciidan oo cusub ayada qaarna xilalka laga qaaday. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa magacaabay Taliyaha iyo taliye ku xigeenka qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Wareegto kasoo baxday taliyaha ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay taliyayasha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka oo ka howlgalayay HirShabeelle, waxaana loo magacaabay talis cusub halka kuwii hayay loo wareejiyay qeybta 12-ka April. Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga ayaa waxaa loo magacaabay sarreye guuto Tawane Axmed Maxamed. Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow. Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday taliyahii qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga ana howl galeysay HirShabelle sarreeye guuto Maxamuud Koronto, waxaana xilkaas loo magacaabay Jeneraal Tareedisho.
  24. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha dalka Itoobiya Mss Sahle-Work Zewde ayaa maanta qaabishay safiir ay dawlada Eritrea u soo magacawday safaarada ay 20 sanadood ka dib ka furatay magaalada Addis Ababa. Safiirka dalka Eritrea u fadhiyi doona dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Semere Russom ayaa hore uga soo shaqeeyey wadamada Maraykanka Iyo Canada oo uu safiir uga ahaa dalkiisa. Magacaabida safiirkan cusub ee Eritrea u soo dirtay Itoobiya ayaa ka dambaysay ka dib markii ay hogaamiyeyaasha labada wadan ay bishii July ee sanadkan sii dhamaanaya ku gaadheen Asmara, heshiiskaas oo ahaa mid nabadeed isla markaana dib loogu soo celiyey xidhiidhkii u dhaxeeyey labada dal. Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayaa hore safiirkeeda Eritrea u magacawday Redwan Hussein. Sidoo kale wadamada Somalia , Egypt , Tunisia iyo Thailand ayaa hore safiiro cusub ugu soo magacaabay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu qaabilay xarunta madaxtooyada ee dalkaasi. Source