Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,177
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-28122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu geeyay magaalada Ciidamadii ugu badnaa, kadib dilal badan oo bartamaha magaalada ka dhacay. Dilalkaasi ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana ciidamada la geeyay baraha laga ilaaliyo amaanka magaalada Boosaaso gaar ahaan bar Ilaalineedka Koofureed ee magaalada. Ciidamada oo wata gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inay difaacyo ka sameysteen duleedka magaalada, waxaana jirta baqdin laga qabo in ciidamada Daacish ay weeraro ka geystaan Boosaaso. Sidoo kale wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada loogu tala galay in ay ka hor tagaaan falal amni daro ee ka dhaca magaalada Boosaaso inta gudo jiro doorashada Puntland ay sugi doonaan amaanka magaalada. Guddiga amniga Boosaaso ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay adkeyn doonaan amaanka waddooyinka gala magaalada Boosaaso, inta ay socoto doorashada Puntland, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay xaqiijinta amaanka. Musharixiin badan ayaa hada waxaaay ku sugan deegaano ka tirsan Puntland, waxaana bilowga sanadka 2019 lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobollada Dalka Soomaaliya. General Daahir Aadan Cilmi, ayaa S/guuto Tawane Axmed Maxamed, u Magacaabay Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka. Abbaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa loo Magacaabay ,G/sare , C/salaam Aaden Axmed. Waxaa sidoo kale wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu Magacabay Taliyeyaasha qeybaha 27-aad 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Halkan ka aqriso wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dhammaystiran:- Source: goobjoog.com
  4. Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kooxda Macaawiisleey oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Kooxda Macaawiisleey ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay deegaanka, waxaana xubno u hadlay ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan Al Shabaab. Axmed Dhageey Xuurshow oo kamid ah saraakiisha hogaamineyso Macaawiisleey ayaa sheegay in dagaalka ay Al Shabaab kaga dileen siddeed dagaalame, waxaana uu sheegay inay hub ka furteen. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Al Shabaab oo marka hore deegaanka qabsaday ay gubeen guryo, islamarkaana ay horey u qafaasheen dad ku sugnaa magaalada. Xaalad adag ayaa ka jirta deegaanka Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana jirta xiisad colaadeed oo labada dhinac u dhaxeysa. Caasimada Online Xafiiska Sh/Dhexe Caasimada@live.com
  5. Gedo (Sh.M.Networ) – Wararka laga helayo degaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo ayaa kusoo waramaya in Al-Shabaab ay halkaasi ku xirtay ku dhowaad 10 qof. Shaqsiyaadka xabsi la dhigay waxaa kamid ah Macalin Cabdi, kaasi oo horey uga mid ahaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in xariga 10 ruux oo dhalinyaro ubadan iyo Macalin Cabdi ay salka ku hayso tuhun ku aadan inay wax ka ogaayeen weeraro dhowaan lagu beegsaday kooxda. Xariga dadkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo dhowaan ay xarakada Al-Shabaab ay beenisay inay qayb kamid ah gobolka ay ku dagaalantay kooxda Daacish. The post Kooxda Al-Shabaab oo dad ku xirtay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Xog uruurin cusub oo ay qaadey Gallup, Michelle Obama ayaa noqotay haweeneyda loogu qadarin badanyahay Mareykanka iyada meesha ka saartay Hillary Clinton oo aheyd 17-kii sano lasoo dhaafay, 2-aad waa Oprah Winfrey halka Clinton ay 3-aad gashay. Melania Trump ayaa gashay 4aad, halka boqoradda Ingiriiska Elizabeth, Angela Merkel, Ruth Bader Ginsburg, Ellen DeGeneres, Nikki Haley iyo Malala Yousafzai ay ka mid noqdeen 10-ka ugu horeeya. Dhanka ragga, Madaxweynihii hore Barack Obama ayaa noqday ruuxa loogu qadarin iyo jecelyahay Mareykanka, waa sanadkii 11-aad uu kaalintaas ku jiro, Donald Trump oo ah madaxweynaha waa 2-aad. Tan iyo 1946-dii, Gallup waxaa ay dadka ka qaataa xog uruurin, iyada oo la weydiiyo” magacaw qof ninka ama haweneyda aad ugu qadarin badantahay caalamka”? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. SOMALILAND IYO SOMALIA SODDON SANO KALA LULAN MAAYAANE GARAADKA HALA TUUJIYO OO XAL HALA KEENO LAGU KALA BAXO. ================================= Somalida gaar ahaan Somaliland iyo Somalia waxa isku dilay oo halkaa kala geeyay saw maamulka dawladnimo iyo wax isku darsigii maaha iyo jacaylkii midnimo doonka? !!! Jawaabtu aniga haa bay ila tahay sababta oo ah somali diin iskuma haysato dhaqan iskuma haysato ganacsi iskuma haysato qabaail iskuma haysato oo intaasiba waa ay ka dhexeeyaan ilaa maanta, waxii la isaga murgana nidaam lagu kala baxo ayeynu lahayn oo waxwalba lagu maareeyo , ee waxa aynu isku haysanaa siyaasad iyo dawladnimo iyo maamul , waana tii dadka kala dishay taasi. Oo waxii ka dhashay wax wada lahaanshihii iyo jacaylkii shantii soomaaliyeed ee la isla doonayey waa raad muuqda oo tilmaamaya in aan marnaba dib la isku aaminayn marka aad eegto dhaxalkii midnimada iyo dhacdooyinkii raadadkoogu qoyan yihiin. Hadii aad aaminsan tahay in reero la isku haystona la iskuma haysto oo hadaad geela reer hebel qaado in geelaaga la qaadayo waad ogtahay, hadii aad dad ka laysana in dadkaaga la laynayo waad og tahay oo dawladnimo horteed baa lagu kala hagaagi jiray taasi, laakiin dhibku waa dawladnimada iyo waxa la wada lahaa iyo waxii ka soo baxay. Ee inta caqliga laga shaqeysiiyo hadii aanay suuragalayn in shantii somaliyeed dawlad kaliya wada yeeshaan, waxa haboon in qolo waliba halkeeda iimaansato somalinimaduna kuma xidhna dalal iyo dawlado ee waa isir oo wax doorsoomaya maaha. Somalidu yaanay isku mashquuline aduunyadu waa tartan e , tartankaa haka qayb galaan oo ha dedaalaan meelkasta oo ay joogaan, hadii kale marba cid uun bay daba dhilif u ahaan doonaan aan jeclayn oo danahooga wadin. Farmaajo inta uu hoos cararayo Abby Ahmed iyo Afawerki waxa u dhaantay in uu talaabo wanaagsan oo Somaliland iyo Somalia sidii ay sifo sharciya ugu kala bixi lahaayeen ka shaqeeyo, taasi baa ka faaiido badan noocan maanta la yahay ee Somalia na aasan tahay Somaliland aanay u ogoleyn in ay dal madax banaan noqoto. Umada waa loo sharixi karaa in ay faaiido iyo wanaag leedahay Somaliland iyo Somalia oo laba qaran noqdaa oo walaalo ah , somalinimada iyo wax isku ahaantana sharaf iyo qiime mooyaane marnaba lagama yaabo in la qoomameeyo. Muhiimadu waa in caqligu shaqeeyo oo la saadaalin karo sidee xalka u dhow ee ugu dhib yar ee la iskuna garabsan karaa goobtan aynu joognana hore uga dhaqaaqi karnaa inta aynu isku muuqano ee aynaan waxba isku ogoleyn aduunyaduna way socotaa magac daradeedana waxa leh marba intii sebenka la joogo nool. Waxa aan ku talin lahaa in aynaan halkan sii fadhiyin mustaqbalka dhow ee la helo xal waara oo lagu wada niyadsan yahay, qolada madaxda ah ee reer somalia ee leh isbadelka geeska ayaanu ka qayb galaynaa , halkee ay maamulaan ee ay heshiis dawlado kale kula galayaan horta ? !!! Muhamed Dhimbiil Qaran News
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde], ayaa baaq culus udiray siyaasiyiinta mucaaradka ah. Nuur Cadde ayaa ku tartarsiiyay siyaasiyiintaasi inaanu caqabad ku noqon dowladnimada Soomaaliya oo uu xusay inay lasoo maray halgan badan. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan dowladda dhexe sidii ay dalka ugaarsiin lahayd horumar iyo barwaaqo. Hoos ka dhageyso codka Nuur Cadde http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/DD.mp3 The post Nuur Cadde oo baaq udiray siyaasiyiinta mucaaradka appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Cadaado (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa tagay magaalada Cadaado, halkaasi oo masuuliyiin Galmudug ka tirsan ay kusoo dhaweeyeen. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayuu sheegay in seddex ujeedo oo uu tagay magaalada Cadaado, isaga oo sheegay in ujeedooyinkaasi uu gaari doono maalmaha uu ku sugan yahay magaalada Cadaado. Tan Koowaad wuxuu ku sheegay in maadaama uu kasoo jeedo deegaanka baarlamaankana ku matalo inuu dib ula kulmo waxgaradka iyo dadka deegaanka sii ay kaga wada hadlaan waxyaabaha ay wadajir u qaban karaan. Tan Labaad wuxuu ku sheegay inay tahay inuu furo Mashaariic laga hergeliyay magaalada Cadaado, kuwaasi oo qaarkood uu sheegay inuu isaga geeyay magaalada Cadaado. Arinta Seddexaad oo muhiim ah ayuu ku sheegay inay tahay xalinta arrimaha khilaafaadka madaxda Galmudug ee keenay in labo magaalo lagu kala shiro, waxaana uu sheegay in maalmaha u joogo magaalada inuu arimahaasi ka shaqeyn doono. Safarkiisa Cadaado ayaa yimid saacado uun kadib markii uu la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  10. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo badan ay kala dhex galeen maleeshiyaadkii ku dagaalamayay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ciidan oo ku sugan Galgaduud ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay ciidamo kala dhex dhigaan maleeshiyaadka labadii maalin ee ugu dambeeyay ku dagaalamayay deegaanka. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada gaaray Kaxandhaale laga kaxeeyay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, waxaana geeyay halkaasi saraakiil labada dhinac kasoo jeeda. Dagaalkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadka ku dhexmaray Kaxandhaale waxay isaga dileen ku dhawaad 20 ruux iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Deegaanka lagu dagaalamay oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo noq noqday dagaal beeleedyada, waxaana la sheegay in lagu muransan yahay dhul dhaaqsimeed. Dadka kasoo jeeda dhinacyada dagaalamaya ayaa u muuqda kuwo u tashaday inaan dhiig dambe ku daadan Kaxandhaale oo marar badan maleeshiyaadka ay ku dagaalamaayeen. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu ciidamo kala dhex-dhigay Beelihii dhowaan ku dagaalamay nawaaxiga degmada Maxaasi. Sareeye Guuto, Axmed Maxamed Calasow, taliyaha qaybta 27aad ee ciidanka xooga Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay ujeedka inay tahay inay qaboojiyaan xiisadda. Taliyaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay ku guuleysteen in aysan dib dambe usoo laaban iska hor-imaad dhex-mara Beelahaasi walaalaha ah. Dhanka kale, taliye Calasow ayaa soo dhaweeyay xilkaan oo uu dhowaan umagacaabay Taliyaha milatariga dalka, wuxuuna ALLE ka baryay inuu ufudeeyo. Beelaha ku dagaalamay degaanada ku dhow degmada Maxaas oo uu salka ku hayay isku-dhacdadooda Dhul-daaqsimeed ayaa lasoo sheegayaa inay socoto waan-waan loogu kala dab-qaadayo. Wararkii ugu dambeeyay oo ay idaacadda Shabelle ka helayso halkaasi ayaa kusoo waramaya inay xaaladu tahay haatan mid aad udegan, islamarkaana aanu jirin saan-saan colaadeed. The post Ciidamo la kala dhex-dhigay Beelo ku dagaalmay G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystaayasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbin doonaa warka Subax. Hoos rix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-28122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Ma aha mid uu muran ka taagan yahay in 20 sano kaddib Puntland goobjoog u ahaan doonto doorashadii ugu xiisaha, xaamasadda iyo xasaradda badneyd. Loolanka Puntland ka socda eela soo afmeeri doono 8-da Janaayo 2019, waxa uu u dhexeeyaa dhinacyo badan; Nabad iyo Nolol, kooxaha mucaaradka ah, Imaaraadka, Qadar, Maxamuud Saleebaan, Cali Saleebaan iyo MAJEERTEENKA KALE! Ha yaabin, waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin! Dhawrkii doorasho uu ugu dambeeyey ee Puntland ka dhaca waxa uu dagaalka siyaasadeed u dhexeyn jiray hoggaamiye xilka markaa ka dagaya iyo mid adag oo isna doonaya! Sidii Cabdullahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, Cadde Muuse iyo Maxamed Cabdi Xaashi, Faroole iyo Cabdiweli Gaas! Dhammaan waxa ay ahaayeen loollanno la saadaalin karo. Maxaa diiday in tartanka iyo dabacayada hadda jiro la sii odoroso natiijooyinka ka dhalan kara? Jawaabtu waa sahlan tahay – Qodobka, Nabad iyo Nolo! Imaaraad oo si walba u difaacanaya Dekadda Boosaaso, Qadar oo dooneysa in ay Imaaraadka xididada u siibto iyo Cali Saleebaan oo dagaal waqti dheer ku qaatay doonaya in ay soo gunaanadaan! Faaladaydan kooban waxaan diiradda ku saari doonaa taatikooyinka uu ciyaarayo Imaaradka iyo qorsheyaashiisa kala duwan si uu u difaacdo awoodda uu Garowe ku leeyahay. Yaa Imaaraadka doorashada ku metelaya? 1 – Cabdiweli Gaas 2 – Siciid Deni Qorsheyaasha Imaaraadka Imaaraadka ma caqli yara oo dhammaan ukumahooda hal dambiil ma isugu geyn doonaan oo waxa ay ugu yaraan la soo shirtagayaan saddex musharax iyo kuwo kale oo qarsoon. Saddexda musharax waxaa kan ugu muhiimsan u ah Cabdiweli Cali Gaas oo isagu hadda xilka haya horena ugu saxiixay qandaraaska Dekedda Boosaaso. Haddii uu ka fashilmo qorshaha kowaad ee Gaas, waxa ay ku dagaal galayaan Siciid Deni oo ay ku garab siinayaan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimqraadiyadda ee uu Xassan Shikeh Maxamuud hoggaamiyo. Siciid Deni waxa uu ka tirsan yahay ururka Damjadiid ee hadda la midoobay Daljir oo reer Aala Shiikh ah. Haddii qorshaha labaad ee Siciid Deni ku guuldareystaan waxa isna mid saddexaad u ah Asad Diyaano oo ah nin dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Cismaan Maxamuud oo caadiyan taraha ama taakadan leh sida Siciid Deni. KA WARRAN HADDII MAXAMUUD SALEEBAAN LALA GEDIYO SANADKAN? Haa, Imaaraadka ilama ah in aysan ka war qabin xiisadda iyo loolanka siyaasadeed ee qabaliga ah maadama uu Cumar Cabdirashiid ugu magacaaban yahay LA TALIYE arrimaha Soomaaliya ah. Dabcan, Cumar waa reer Puntland, taas oo jirta, meesha ka ma maqna in musharax aan ka soo jeedin sida saddexda hore beesha Maxamuud Saleebaan in uu qorshaha afraad ugu jiro. Lama oga musharraxaas balse xogo hoose ayaa sheegaya in uu jiro musharax beelaha kale ee MAJEERTEEN ka soo jeeda oo ay Imaaraadka ku tashanayaan haddii ay KA DHACDO, NO MORE MAXAMUUD SALEEBAAN! W/Q: Xuseen Muuse Guuleed Nairobi, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulan gaar ah la qaatay Mukhtaar Roobow Cali oo u xiran dowladda Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa inta badan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in xaaladda Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, islamarkaana aysan jirin wax caafimaad daro ah oo heysata. Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah xildhibaanada la kulmay Mukhtaar Roobow ayaa sheegtay in xaaladda caafimaadka ee Roobow ay tahay mid wanaagsan islamarkaana lagu hayo goob amaankeeda wanaagsan yahay. Waxay sidoo kale sheegtay in markii ay la kulmeen Muktar Roobow ay ka muuqatay wanaagsanaan iyo farxad, waxaana ay sheegtay inuu fariin ugu soo faray taageerayaashisa. “Dhamaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan shacabka koonfurgalbeed intii kawel welsanayd Mukhtar Robow waxaan idinla wadaagayaa inay ii suurowday in aan lasoo kulmo” “Caafimaadkiisa wuu fiicnaa wax dhib ahna ma qabin meel jawigeeeda deganayahay ayuu joogay oo amni ah wuxuu shacabkiisa gaar ahaan taageeeriyaashiisa nooga soo dhiibey fariin ah in uu fiicanyahay wax dhib ahna qabin oo xaalkana ladejiyo”ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Xaabsade. Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed, balse seddex maalin kahor doorashadiii Koonfur Galbeed ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kadib socdaal maalmood qaatey oo uu ku tegay dalka Kenya. Gaas, oo caasimad goboleedka Nugaal ka dhoofay wax yar kadib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxwayne 18-kii bishaan December, ayaan kala kulmin shacabka Garowe soo dhawayntii uu ka filiyay. Sida laga soo xigtay kooxda qaban-qaabada soo dhawayntiisa, Gaas waxuu qorsheeyay inuu shacabka kula hadlo Barxada Garowe, taasi oo looga bartay marka uu ka yimaado safarada dibada ah. Balse, taasi ma aysan u suurtagelin shalay, waxayna timid markii shacabka ay kala hor-tageen dibad-bax iyo buuq hareeyay guud ahaan halkii uu Madaxwaynuhu rajeynayay inuu hadal-jeedin ka sameeyo. Dadka ku mudaharaadey Gaas ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Madaxweynaha, kaasi oo ku guuldareystay inuu fuliyo balan-qaadyadii uu sameeyay markii la doortay Shan sano kahor oo ay kamid tahay doorasho qof iyo cod ah. Madaxwayne Gaas ayaa markii uu arkay in shacabku aanu u haylaneen hadal-jeedintiisa ayuu u gudbay dhinaca Madaxtooyada halkaasi oo warbaahinta kula hadlay, isagoo muujiyay damac kaga jira in dib loo doorto. Dhanka kale, Gaas ayaanan usoo bandhigin shacabka Puntland markii uu ka hadlayay Shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtey ujeedka safarkiisa Nairobi, ee mudada illaa shanta maalmood ku maqnaa. Warar ayaa sheegay inuu Madaxweynaha dhaqaale u raadsadey doorashadiisa, maadaama uu mar labaada u tartamayo kursiga uu shantii maalmood ee lasoo dhaafey ku fadhiyay, iyadoo uu ku fashilmay amniga, xorreynta deegaanada ka maqan Puntland iyo inuu dhameystiro hanaanka dimuqraadiyeynta oo uu soo billaabey maamulkii isaga ka horeeyay. Tiradii ugu badneyd oo Mushariixiin ah ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland 8-da January ee 2019, iyadoo Cabdiweli Gaas oo horey u lumiyay taageeradda iyo kalsoonida shacabka la sheegay in rajadiisa ay aad u hooseyso. Isha: Garowe Online
  16. Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wsiirkii hore ee maaliyadda dalkaas Ibrahim al-Assad u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda dalkaas. Assaf ayaa beddelaya Adel al-Jubeir, oo loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha cusub ee arrimaha dibedda. Adel al-Jubeir ayaa ahaa wasiirka kaliya ee aan ka dhalan boqortooyada ee ku jira xukuumadda Sacuudiga. Taxliiliyayaasha siyaasadda carabta ayaa rumeysan in xil ka qaadista Adel Al-Jubeir ay tahay mid uu isku furnayo Maxamed Bin Salmaan kadib khaairjintii weriye Jamal Khaashuqji. Marwan Kabalan, oo ah madaxa fallanqeynta siyaasadda ee Xarunta Cilmi-baarista ee Arab ayaa sheegay inuusan la yaabin xil ka qaadista Al-Jubeir, sabbatoo ah waxaa loo arkay nin ka haray xukunkii boqorkii geeriyooday ee Cabdalla. “Waan filaynay in mar ay ahaataba xilka laga qaado Al-Jubeir, xitaa ka hor inta aan la dilin Jamal Khaashuqji” ayuu yiri Kablan. “Hase yeeshee waxaa hadda loo adeegsaday mid la isku furtay, ayada oo la muujinayo in wixii ku dhacay Jamal uu mas’uuliyadeeda isaga leeyahay”. “Sida aan horey u sheegay Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu doonayey qof uu dusha u saaro mas’uuliyadda dilka weriye Jamal Khaashuqji, mana jiro qof ka sarreeya Adel oo sidaas lagu sameeyo” ayuu yiri. “Sababtoo ah qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu dilay weriye Jamaal Khaashuqji waxay hoos imaneysay Adel Al-Jubeir” ayuu sii raaciyey. Ka sokow xil ka qaadista lagu sameeyey, haddana in Adel Al-Jubeir laga dhigo wasiiru dowle isaga oo mar ahaa wasiirka ugu sarreeya wasiirada, ayaa waxaa dadka qaar u arkaan bah-dil lagu sameeyey. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa muujisay digniin ku aaddan dagaal cusub oo dhinaca badda ah oo dhex-mara ayada iyo dowladda Soomaaliya horaanta sannadka cusub ee 2019, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha siisay ruqsado kalluumaysi. Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay shirkado laga leeyahay dalka shiinaha oo ku bahoobay magaca COFA siisay ruqsado kalluumaysi oo ay ugu fasaxday inay badda ka kalluumaystaan. Shirkadaha dalladan ku bahoobay oo wata maraakiib kalluumaysi oo hubaysan ayaa tiradooda lagu sheegay 33 shirkadood. Sida ka muuqata heshiiskan, waxa ay dawladda Soomaaliya shirkadahan Shiinaha laga leeyahay u sheegatay inay maamusho oo ay masuul ka tahay guud ahaan xuduudka badda Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto. Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa ka jawaabay ruqsadahaas ay Soomaaliya bixisay, waxaanu sheegay inaanay ahayn kuwo khuseeya biyaha Somaliland maadaama oo ay Somaliland ka madaxbanaantahay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay, waxaanu shirkadaha Shiinaha uga digay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland. Shirkadaha Shiinaha ee ruqsadda la siiyey ayaa loo ogolaaday inay hub iyo ciidan ilaaliya wadan karaan. Somaliland ayaa sheegtay inay leedahay ciidan badda ah oo ilaaliyaha xeebaha Somaliland, kuwaas oo Somaliland ka badbaadiyay budhcad badeeda looga caagay xeebaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  18. Waxaa hadda dhaqanka Soomaalida, gaar ahaanna kan siyaasiyiinta, ku soo kordhay mid cusub oo laga soo minguuriyay dhaqamo shisheeye sidii isqarxintaba loo soo minguuriyay. Waxaa noo soo dusay nooc ka mid ah beenta balse aafadeeda lagu halaagmayo. Beentan cusub ee dhaqangashay waa iyada oo uu siyaasigu meel fagaare ah ka yiraahdo hadal been ah oo iska cad. Siyaasiga beentan faafinayo ujeedkiisu ma ahan in la aamino. Qorshihiisu waa mid salka ku hayo abuuridda jahwareer iyo tuhun si uu u kala dhantaallo midnimada iyo wadajirka dowladda iyo shacabka. Imaam Bukhaari oo doon ku safrayo baa 1000 dirham uu watay waxaa sheegtay tuug. Tuuggii af buuxuu ku qeyliyay in lacag 1000 dirham ah laga xaday. Imaam Bukhari (rc) waa nin garasho fogaaye wuxuu lacagtii ku tuuray badda. Wuxuu Imaamku yiri, “Dadka doonta ila saarnaa waan ku oran karay lacagtaan anigaa leh, oo wuxuu tuuggu ogaa inaan 1000 dirham watay. Waxaanse ka baqay in qaar kale uu tuhun galo.” Calaashaan hadduu tuhun yimaadana Xaddiisyadii uu soo werinayay ayaa sidoo kale la tuhmi lahaa saxiixnimadooda. Tuhun. Waa aafooyinka waaweyn ee ka dhasho been-abuurka. Waa midduu ka cabsaday Imaam Bukhaari in loo daciifiyo Xaddiisyadii uu u soo uruuriyay sida daacadnimada iyo hawl-karnimada aheyd. Wuuna ku baraarugsanaa in shacabka ay qaar dagmi karaan, oo ay tuuggaas hadalkiisa rumeysan kareen – ama ugu yaraan uu shacabkaas geli karay tuhun iyo tashwiish. Markii la qorayo sheeko-faneedda, wuxuu qoraagu isticmaalaa aalado sida timo-jaruhuba uu u isticmaalo makiinad, makhas iyo shanlooyin kala duwan. Aaladaha qoraaga uu ku dhiso sheekada waxaa ka mid ah wax la yiraahdo “believability” – ama suurtagalnimada qisada/ficilka sheekada. Waa macquul/suurtagal haddii uu qoraagu qoro: “Hooyadii iyo caruurteeda oo gaajeysan ayaa qof u keenay jab rooti ah – jabkiina waxay u kala jebisay labadeeda caruur.” Suurtagalse ma ahan oo akhristuhu ma aqbalayo haddii uu qoraagu qoro: “Hooyadii iyo caruurteeda oo gaajeysan ayaa qof u keenay jab rooti ah – isla markiina ilmaheeda oo arkaya ayay hooyadu rootigii afka ku boobtay oo liqday.” Akhristuhu wuxuu garowsan in dabeecadaha hooyadu aysan aheyn inay nafteeda ka hormariso ilmaheeda. Arrinkan suurtagalnimada ah aan ku dabbaqno waaqaceenna – iyo qaasatan eedeynta ay siyaasiyiintu ku hayaan dowladda. Waxaa fagaaraha lala yimid eedeyn ay ka mid tahay dowladdu ma aysan qaban hawlihii loo igmaday sidaa darteedna way fashilantay. Siyaasigu wuu og yahay inuu been sheegayo – wuuna og yahay in aan la aaminayn hadalkaas beenta ah. Xasuusnow qasadkiisu ma ahan been macquul ah sheeg; qasadku waa abuurista tuhun iyo fawdo. Su’aashu waxay tahay, arrinkan suurtagalnimada inay eedahaas macquul yihiin (believability) yaa u xilsaaran inuu kala shaandheeyo? Waa adiga. Haa, waa adiga Soomaaliga ah. Halkii ay shacabku rumeysan lahaayeen eedeynta lagu saleeyay mooshinka, waxaa caafimaad ah in loo kuurgalo hawlaha ay dowladdu qabato ka dibna la barbar dhigo hadallada siyaasiga. U fiirso, haddii qof Muslim ah iimaankiisa lagu garto ficillada ay ka midka yihiin shanta salaad, soonka, Xajka, iyo sadaqada, dowladda waxqabadkeedana maxaa lagu garan karaa? Haddii dhallinyaro maxaabiis ahaa oo laga soo daayay xabsiyada adduunka aysan waxqabad aheyn; haddii miisaaniyadda Soomaaliya oo kor u kacday aysan waxqabad aheyn; haddii ciidankii qaranka oo mushaar loo qoray aysan waxqabad aheyn; haddii la sameeyay guddi qaran oo dalka u diyaarsho doorasho sannadka 2020 aysan waxqabad aheyn; haddii hawadii Soomaaliya oo Xamar laga maamulo aysan waxqabad aheyn; haddii in IMF iyo bangiyada caalamka ah ay dowladda u qireen daah-furnaan maaliyadeed aysan waxqabad aheyn; haddii soo celinta safaarradihii dunida iyo sare u qaadidda haykalka dowladnimo aysan waxqabad aheyn, maxaa waxqabad ah Soomaaliyow? Dhanka kale u rog. Siyaasiga eedeynta iyo mooshinka wado, maxaa waxqabad ah ayuu ku faani karaa? Horta waxqabad ha noo dambeeyee weligiis kulan ma la qaatay gobolkii ama degmadii uu matalayay? Weligiis ma dhageystay tabashadooda? Himiladooda? Miyayse ku filan tahay inuu yiraahdo waxqabad waxaan idinkaga dhigay inaan dowladda mooshin ka keeno? Haddiise waxqabad uu yahay ficil (waxqabad = ficil), suurtagal (believable) ma tahay in dowlad waxqabadkeedu muuqdo uu siyaasi aan waxqabadkiisu muuqan ku eedeeyo waxqabad la’aan? Jawaabta adiga Soomaaliga ah ayaan kuu daayay. Ogowna Kitaabka Furqaanka ah ayaa ina farayo in la iska hubiyo hadallada qofkii kuu keeno war cusub – sida beenta cad ee sidii hubka loogu adeegsanayo curyaaminta dalka iyo dowladda. Murti Soomaaliyeed baa aheyd “Beeni raad ma leh.” Tu kale oo Hindi ahna waxay tiraah: “Si loo qariyo hal been ah, waa in la sheego kun been.” Kun been buu siyaasigu masraxan la yimid. Sideedaba adiga shacabka ah waa maxay kaalintaadu? Maxaad ugu qanacday in sidii kalluunkii lagu jillaabaysto? Soo xil kuma saarna? Soo ma aheyn madaxweyne John F. Kennedy qofkii yiri: “Su’aashaadu yaysan noqon muxuu waddankayga ii qaban karaa ee isweyddii waxaad waddankaaga u qaban kartid”? Haddii ay shacab ahaan kaaga dhegtay dowladdu wax ma qaban, kaalintaadu ma intaas ayaad uga qoondeysay dalkii Soomaaliya? Haddii aysan shacabka waddanka wax u qabaneyn, dowladda ma keligeed ayaa ku wada filan hawlaha baaxadda weyn ee horyaallo dal ka soo kabanayo burbur iyo baaba’? Dhabse (believable) ma ahaa eedeynta lagu saleeyay mooshinkii uu soo dhoodhoobay siyaasi aan qudhiisu waxba qaban – beentana ku beerlaxawsado shacabka? Wabillaahi towfiiq, Qalinkii Cabdullaahi Janno Email: Abdullahi.janno@gmail.com Wardheernews.com
  19. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo marwada koowaad ee dalkaas Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safreen “xilli dambe oo ka mid ahaa habeenkii loo dabaaldegaayay munaasabadda Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahad celiyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, sida uu shaaciyay Aqalka Cad. Mar ay suxufiyiinta nooca uu safarkiisa ahaa iyo inuu walaacay ayuu Mr Trump ka sheekeeyay waxa uu kala kulmay duulimaadkii uu ku tagay Ciraaq, wuxuuna ku tilmaamay kii ugu yaabka badnaa abid. “Haa waan walaacay waxaana u walaacay xaaladda kooxda madaxweynaha, waliba ugu horreyn aniga nafteyda uma baqin waxaan u walaacsanaa marwada koowaad”. Wuxuu sidoo kale sheegay iney xaalad adag kala kulmeen diyaaradda. “Arrin aan waligey horay u arkin ayaan kala kulmay diyaaraddii aan ku tagay Ciraaq. Waxay ahayd diyaarad mugdi ah, dhammaan daaqadeheeda la daboolay, bannaankana aan wax nal ah ka daareynin”. “Waxaan raacay diyaarado fara badan oo nooc walba iy cabir walba leh, waligeyna ma arkin waxaan oo kale”. Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq. Safarkan ayaa yimid maalma uun ka dib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis, kaas oo xilkiisa ka tagay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka. Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay. Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah. Maxaa dhacay intii ay socotay booqashada Trump? Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga. Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego. Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay. Trump muxuu sheegay? Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen. “Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.” Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters. Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish. “Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.” Xigasho: BBC Somali
  20. Deegaanada Tuli-Guuleed iyo Mooyaaale oo dhowaan ay ka dheci jireen colaadii u dhexaysay Soomaalida iyo Oramada ayaa lagusoo waramayaa iney ka jiraan Abaaro xoogan iyadoo [...] Source
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-27122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Wararka ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi ayaa sheegaya in ay Ciidamada Amaanka ee Puntland ay baadigoob ugu jiraan dhow shaqsi oo looga shakisan yahay iney lacago [...] Source
  23. Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa lagu yir “Daabacaadeedii 21-ka December (No 1488), Indian Ocean Newsletter waxa uu qoray ‘In madaxda Ethiopia iyo Eritrea ay dhiggooda Soomaaliya u muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin inay beddelaan ciidamada Amisom marka ay dalka ka baxaan 2021…Eritrea waxa ay qorsheeyneysaa inay 5,000 askari oo tegaya Soomaaliya ay dirto bisha Fabraayo’” Wasaaradda ayaa kadib ku jawaabtay “Tani waa been qayaxan” Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa sidoo kale tiri “Tani ahan markii ugu horreysay ee Indian Ocean Newsletter ay baahiso been iyo taxliil wareed aan sal lahayn oo ku saabsan dhacdooyinka gobolka. Xaqiiqdii tani waaba astaanta ay ku caan baxday” “Damaca Indian Ocean Newsletter ee ah inay akhbaar been ah faafiso kuma guuleysan doono ujeedkeeda, waxaana uu burburin doonaa oo kaliya sumcaddeeda. Waxaan ug baaqaynaa Indian Ocean Newsletter inay xushmeyso akhristayaasheeda iskana joojiso baahinta wararka beenta ah” Warbixinta Indian Ocean Newsletter ay ka qortay in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah ay beddelayaan Amisom, oo saaka ay soo dabaacday Caasimada Online iyo jawaabtii dowladda Soomaaliya, halkan ka aqriso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com