Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,933
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhowr bilood waqti hadda laga joogo ayaan qoray qormo ‘kooban’ oo aan ku muujinayey sida Dowladda Soomaaliya (tii Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan hadda ee Farmaajo) ay lacago laaluush ah u siiyaan diblomaasiyiin iyo saraakiil ajnabi ah. Hase yeeshee qaar badan oo ah Soomaalida kuwa aan wax badan la socon iyo kuwo taageero qabyaaladeysan ku duula, ayaa dood ka keenay, iyagoo wax raadraac iyo baaris sameyn. HADDA waxaa war fiican ah inay soo baxday cilmi-baaris lagu daabacay Jaamacadda Macalester ee dalka Mareykanka, taasoo uu qoray Brendon J. Cannon, laguna daabacay Joornaalka arrimaa caalamiga ee Bildhaan, cinwaankeeduna yahay “Saameynta Dowladaha Shisheete iyo Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya: Falanqeyn” “Foreign State Influence and Somalia’s 2017 Presidential Election: An Analysis” LINK: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/ DOWLADAHA LA SHEEGAY: Ethiopia, Qadar, Turkey, UK, Italy, UAE, USA. XASAN SHEEKH IYO FURSADDII UU HEYSTAY: Daraasaddan waxay xustay 6 sababood oo Xasan Sheekh Maxamuud u sahli kartay inuu markale kursiga ku soo laabto, balse aan laga faa’ideysan: 1- Mucaarad muuqda oo la hubo oo aan jirin berigaas. 2- Ololaha iyo diyaargarowga doorashada ee Xasan Sheekh oo aad u xoogganaa. 3- Adeegsiga awood xad dhaaf ah oo loo adeegsaday awoodda Dowladda oo ay ku jirtay cabsigelin iyo qasab (jujuub). 4- Taageerada dhaqaale ee Turkey siisay Xasan Sheekh; Taageero siyaasad iyo lacagba oo UK siisay Xasan Sheekh; Ethiopia oo rabtay in Xasan Sheekh soo laabto. 5- Isku dhex qasnaanta siyaasadaha dowlado badan (oo kaalin ku leh Soomaaliya) iyo awoodis la’aantooda inay keensadaan hal musharrax oo ay ku raacsan yihiin. 6- Mareykanka oo ama dhex-dhexaad ka ahaa ama aan daneyn badan u heyn arrinta Soomaaliya. SABABIHII GUUSHA FARMAAJO EE 8-DII FEBRAAYO Daraasaddan oo ka kooban 30-bog ayaa xustay qaabkii laaluushka loo siiyay xildhibaannada. Musharrax kasta oo madaxtinimmada u tartamayey wuxuu u baahnaa in ugu horrey uu helo saxiixa 20 xildhibaan, kahor intaan la aqbalin musharraxnimadiisa. Halkii xildhibaan waxaa la siiyey lacag u dhexeysa $500 illaa $1000. Markii ay soo dhowaatay doorashada waxaa codka halkii xildhibaan uu gaaray lacag u dhexeysa $50,000 – $100,000 (hadba sida ay xildhibaannada u kala saameyn badan yihiin). Xildhibaannada, inkastoo lacag fiican ay ka heleen Xasan Sheekh, haddana waxay ku dhaqmayeen siyaasad “furan” iyagoo sii raajicinayey musharixiinta kale ee lacagta badan ka heli kareen. Waana taas midda fursadda siisay Farmaajo, ayey tiri daraasadda. XASAN, FARMAAJO, FAHAD IYO QADAR Markii ugu horreysay, waxay qormadu daboolka ka qaaday isku dhicii Xasan Sheekh iyo Dowladda Qadar ee soo bilawday doorashadii 2012 ka bacdi. Xasan Sheekh wuxuu diiday soo jeedin ay wadatay Qadar, taasoo loo soo dhiibay Fahad Yaasiin, oo ahayd in Farmaajo (oo Qadar looga dhigay saaxiibkood) loo magacaabo Ra’isul wasaare Dowladdii Xasan Sheekh. Laakiin markuu Xasan Sheekh diiday inuu Farmaajo ka dhigo Ra’isul wasaarihiisa (uuna magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon) waxay Qadar goosatay inay taageerada ka jarto Xasan Sheekh. Tani waxay keentay in Fahad la siiyo maal badan, uuna ka shaqeeyo sidii Dowladdii Xasan Sheekh loogu kicin lahaa mucaarad. Fahad ayaa qortay rag kasoo carooday Xasan Sheekh, oo ay qaarkoodna isku soo dheceen sida: Xasan Cali Kheyre, Thabit Maxamed, Jamal Maxamed Xasan iyo Mustaf Dhuxulow. Fadad wuxuu ka duulayey saldhiggiisa oo ahaa Hotelka Jasiira, halkaasoo xubnaha mucaaradka uu ku quudin jiray xogta xasaasiga ah. Waxaa kaloo Jasiira ahayd goobtii laga waday ol’olaha cod iibinta ee ol’olaha Farmaajo…..Way socotaa…. Qore: Brendon J. Cannon Tarjume: Abdalle Ahmed Mumin Daabacadda oo dhan halkan u doono: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/vol18/iss1/6
  2. Farmaajo Oo Abiy Axmed Weydiistay Inuu Hargeysa U Kaxeeyo Cajiib. Arrin Cajiib ah, waxaa la yidhi in uu Raisal Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, oo beryahan daa’dihinayey, Maxamed Cabdillahi Farmaajo, oo marna Nairobi u kaxee, marna Qaahira u kaxee, ku jiray, ayuu Farmaajo ka dalbaday in Hargeysa loo kaxeeyo! Cajiib. Farmaajo hadduu doonayo in uu Hargeysa yimaado, yaanu ku soo dabo dhuuman Dr. Abiy. Waa inuu aqbalo jiritaanka Somaliland, waa inuu aqoonsado Somaliland, waa inuu caddeeyo wuxuu ka yidhi xasuuqii ka dhacay Somaliland, ee ay geysatay dawladda adeerkii horboodi jiray. Waa inuu sida ragga, markuu intaas oo dhan ka soo baxo, uu codsi u diro shacabka iyo dawladda Somaliland. Waxaad moodaa in uu “abwaankii” ku mirqaamay, Garoowe, ee yidh ” Sadaatba Tel-Aviv buu ka degay” Saaqid. Masar iyo dalka Yuhuudu haysato waxaa yihiin laba dal oo madaxbanaan. Markaa runtuu sheegay, oo Somaliand iyo Soomaaliya, waa laba dal oo jaar ah oo madaxbanaan. Intuu dollarkii la siiyey la tagay buu “abwaanku” yidhi ” Ama tiirka ee geeya, ama taajka i saara”. Saxiib, cidna taaj kuma saaraso, tiirkana raggii u qalmay, aakhiraa lagula xisaabtamayaa, ee waxba ha soo lug go’in. Waxaad moodaa in uu Farmaajo midhidhkaa run mooday. Saaxiib, marka hore sida Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dadka cod ka hel. Doorasho xor iyo xalaal gal. Dawlad ku sheegu ha dhaafto Villa Soomaaliya, askartan ajnabi ee aad ku dabo dhuumanasaan iska eri, been abuuraka Somaliland iska daa. Weligaa ma gaadhi gaashaaman iyo askarta AMISON baad ku dabo dhuuman, mise, Ra’iisal Wasaare dal kale baa sida carruurta ku daa’dihin. Cajiib. Markay Somaliland leedahay wax allaale wax aan wadahadal la galno Soomaaliya ma joggaan, hadduu Farmaajo tusaale ka yahay, waxbaa ka jira. Waa Bilaahi Towfiiq Qaran News
  3. The Ministry of Foreign Affairs strongly condemns the terrorist explosion which occurred in the vicinity of the Presidential Palace in capital Mogadishu of the Federal Republic Somali killing and injuring a number of people. The Ministry expressed its heartfelt condolences to the families of the victims and wishes the injured in this terrorist act speedy recovery. It also affirmed the solidarity of the Kingdom of Bahrain with the Federal Republic of Somalia against violence, extremism and terrorism of all forms. Four people were killed and nine wounded when a car bomb exploded near a restaurant in central Mogadishu yesterday, police said, as the Al-Shabaab jihadist group claimed responsibility. The blast “was caused by a car loaded with explosives, we perceive that it was parked near a restaurant along the road,” Somali police official Ibrahim Mohamed said. The restaurant was near a security checkpoint in the Somali capital, not far from the presidential palace. The road in which the blast occurred houses eateries and tea shops. “The explosion was very heavy, and we could see the smoke and dust overwhelmed the whole area, it was a car bomb,” said witness Ibrahim Farey. Another, Aisha Hassan, said several vehicles were destroyed and buildings damaged. Al-Shabaab said it had planted the bomb, claiming in a statement that its “fighters targeted one of the checkpoints of the palace apostates.” The nationalist, Islamist group, linked to Al-Qaeda, is fighting an armed insurrection in Somalia against what it sees as heretic and foreign influence. The Shabaab were chased out of Mogadishu in 2011 by the 22,000-strong African Union mission AMISOM, and have had to abandon most of their strongholds. But they still control vast rural areas and remain the key threat to peace in Somalia. President Mohamed Abdullahi Mohamed, elected in February 2017, has declared a state of war against the group. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka dhacay Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan guri ku yaalla meel ku dhaw wadada Warshadaha halka loo yaqaano EVECO. Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa sababay inay argagax dareemaan shacabka reer Muqdisho oo isku diyaarinayay xilliga hurdada. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhex dhacay guri lagu diyaarinayay. Ciidamada ammaanka oo durba ku baxay falkan ayaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan laba nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka guriga degan. Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa tagay halkaasi, si ay u soo qaadaan hadii ay jiraan dad ku waxyeeloobay Qaraxan. Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan oo laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir. Khamiistii ina dhaaftay oo ugu dambeysay Mintidiinta Al Shabaab ayaa gaari qarax lagu soo raray ku weeraray mid ka mid ah baraha Kontorool ee Madaxtooyada Somaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Somali national forces on Thursday killed a senior al-Shabab militant in an operation conducted in Beledweyne town in Somalia’s central region of Hiran, officials said on Thursday evening. Farah Ali Wasuge, commander of unit five, section 27 told the journalists that an offensive launched by Somali national forces in Beledweyne killed a senior al-Shabab official who was the mastermind of explosions in the town. “Our forces shot the official as he was preparing explosives in a road, and escaped with bullet wounds to a house in Howl-wadag village in Beledweyne. He later died in an exchange of gunfire with the security forces,” the commander said. He noted that the troops stormed into the house and found weapons and many explosive materials, arresting the militant’s wife who denied that she was aware of the weapons and the explosives that her husband kept in his special room in the house. Somali national forces backed by African Union Mission in Somalia have intensified the operations on al-Qaida affiliated group in central and southern Somalia, conducting major operations to drive the militants out of those regions. Al-Shabab was ousted from the capital Mogadishu in August 2011, but the terror group is still in control of several areas in southern Somalia and capable of conducting attacks. View the full article
  6. Waxaa maanta Deegaanka celiyo oo ka tirsan Degmada Daroor gobolka Jarar ee Dawlad Degaan Somaalida Ethiopia lagu qabtay xaflad lagusoo bandhigay dhacdo ku cusub Deeganka, [...] Source
  7. Madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019? Waxaan jecelahay in aan maqaalkan ku iftiimiyo kagana jawaabo su’aalsha kor ku xusan ee aan u doortay inaan ku cabiro miisaanna ku saaro bal inuu Madaxwayne Biixi leeyahay karti iyo ragganimo uu si hufan ugu qaban doono Doorashooyinka is-barkan ee Wakiiladda iyo Deegaanka. Waxay mar kale ka baaqdeen xiligoodii labadan doorasho taasi oo ku beegnayd bishan March. Sidii caadada iska ahayd marka uu madaxwayne gudan kari wayo xilkiidsa qaran ayuu Muuse na maciin ka reaadiyay Golaha Guurtida oo iyaguba dhaxal iyo wax la mida ku fadhiya aqalka Guurtida. Goorma ayaa inoogu danbaysay guurti xula? Maye ragii magaca la baxay ee Sh.Ibraahim hormoodka ka haa Cabdillahi Sh. Cali Jawhar ka daba gee waxaan la hilmaami karin Sh.Axmed Furre iyo Goodaad iyo intii la midka ahayd intooda dhimatay naxariis ayaanu eebbe ugu baryayaa intooda noolna cisso iyo sharaf inay ku noolaadaan iyadoo aanan iloobi karin inay iyagu bud dhig u ahaayeen nabadda aynu ku naaloonayno maanta oo ah ta kaliya ee la inagu majeerto. taasi oo aan wax badan aanay ku darin kuwa inoo sheegta Siyaasiyiintu marka laga reebo Madaxwayne Cigaal oo isna bud dhig u ahaa Astaamaha Qaran ee ay manta sarsariigayaan kuwii ka danbeeyay sida Madaxwane Siilaanyo oo ku kashifmay inuu qabto u qabto Doorashooyinkii Dawladaha Hoose si hufan oo dhiig ku daatay. Hadaba madaxweynaha maanta ee Biixi waxa uu ku guuldaraystay inuu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Dawladaha hoose ee u qoondaysnaa march sanadkan ka dibna u qaylo dhaan u dirsaday Golaha Guurtida oo aan kor ku soo xusay kuwa ay yihiin, waxa kaliya ee ay ka adagyihiin waa kordhin, iska fadhi iyo magacii iyo haybaddii uu golahaasi lahaa oo ay meesha ka saareen kalsoonida Shacabku ku qabaana ay aad u yartahay. Aan soo ururiyo hadalka ee Madaxwayne Biixi oo aad moodo inuu wakhtigii kaga lumay xidhida dad wax tiriyay sida Ina Abees iyo Wargays loo laabo albaabada sida Foore oo aan ku raacsanahay ra`yigoodii ahaa inaan loo baahnayn Maanta Madaxtooyo cusub ee haddii uu karti iyo dadaal isku hubo Madaxwayne Biixi in looga baahan yahay wax qabad ka balaadhan Guri Madaxtooyo oo laga yagleelo albeedka Hargaysa sida: shaqo abuur taasi oo ay 75% dhalinyarada Somaaliland aanay wax camala haysan, caafimaadka oo la kobciyo, biyo nadiifa oo dalka loo soo saaro iyo dabcan aqoonsi buuxa oo ay Somaliland hanato.. Haddaba waxaan is waydiinayaa Madaxwayne Biixi oo ku guuldaraystay inuu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka muddo dhan 15 bilood laga soo bilaabo bishii December ee 2017 oo uu Kursiga halabsady ilaa March 2018 oo isku gayn noqonaysa 15 Bilood. Mudo intaa ka yar oo ku siman ilaa 10 Bilood ma ku suurto galinkaraa arinkan. Waxa kaliya ee ilaa hadda la maqlay waa inay isku soo dhamaadeen Guddidii Komishinka oo qaar ka midi ahi kaga maqnaayeen dalka dibaddiisa iyadoo uu jid dheeri sugayo. Aan ku soo noqdo inaan ka jawaabo Su’aasha udub dhexaadka u ahayd Maqaal oo ahayd madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019? taasinoo jawaabtaydu tahay maya, sababaha aan kor ku xusay ayaana keenaya. Haddaba iswaydiinta xiisaha lihi waxay tahay dalku xaalad caynkee ah ayuu gali haddii ay noqoto in ay markale baaqdaan doorashooyinku, Ma Golaha Dhaxaltooyadda waa Guurtida e` ayaa sidoodii ugu dhufan doona Shaanbadda Caagga ah ee Kordhinta mise si kale ayaa loo maarayn. Allow si kastoo ay noqotaba waxaan kaa baryayaa inaanad nagu ciqaabin oo aanay dalkayaga Somaliland ka soo gaadhin waxyeelo ay sababeen siyaasiyiin ku sheeg Xilkooddii gudan waayay, ha noqdeen kuwa Kuraasta ku fadhiya ee ah Dawlad ama mid muraacid ah oo aan wax talo ah ku dhaamin oo ay kaga dhagtay uun waa in doorashadda xilligeeddii la qabtaa taasi oo uu u arko inay tahay halka kaliya ee uu ka halabsan karo fuulitaanksa Kuraasta. Qore:Cabdi Muhumed Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyey safar la qorsheeyey in maalinta berri ee sabtida ah uu ku tago magaalada Kismaayo, sida xafiiskiisa uu u xaqiijiyey Caasimada Online. Kheyre ayaa la sheegay inuu safarkiisa u baajiyey tacsida iyo ka qeyb-galka aas qaran oo berri Muqdisho loogu sameynayo wasiirkii dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai. Safarka Kheyre ee Kismaayo ayaa hadda la qorsheeyey inuu dhaco maalinta axadda ah. Kheyre ayaa Kismaayo u tagaya wada-hadallo dowladda ay la yeelaneyso Axmed Madoobe oo wararku ay sheegayaan in la filayo in labada dhinac ay isku afgartaan kuna heshiiyaan kadib khilaaf mudddo soo jiray. Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo la dhigay kadib markii uu xanuun deg deg ah oo dhinaca wadnaha ah kusoo booday. Xoosh Jabriil ayaa maal-mihii dhowaa u joogay magaalada Dubai inuu ka qeyb-galo arooska gabadhiisa, sida ay xubno ka tirsan dowladda federaalka u xaqiijiyeen Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Akhriso: Qaar Kamida Haweenkii Islaamka Ee Taariikhda Dunida Wax Kusoo Kordhiyay Haweenka Islaamku waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed ee nolosha bulshadooda. Haddaba Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya. waxaana ka mid ahaa haween noqday hormoodka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka,Caafimaadka, Beeraha Falasafadda,Xiddigiska iyo Farshaxanka. Maanta oo ku beegan 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso balse qoraalkeennan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka soo maray ee taariikhda dunidan aynu joogno raadka kaga tagay si loogu daydo:- LABANA OF CORDOBA: Waxa ay noolayd qarnigii 10aad waxaana ay kufiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka Joometeriga iyo Aljebrada Waxaana ay qarnigii 10aad noqotay xoghayihii gaarka ahaa ee dawladdii Ummaawiyiinta u fadhiyay dalka Isbaanishka , xilkaas weynna waxa u igmaday Khaliifkii xilligaas maamulayay dawladdii Islaamiga ahayd ee Ummaawiyiinta kaasi oo ahaa Khaliif Al-Xakam-kiilabaad. FATIMA AL-FIHRI: Waxa ay qarnigii 8aad kudhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tunisia waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Fatima waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record). MARIAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xiddigiska waana gabadha hindistay ama ikhtiraacday waxa loo yaqaanno (Astrolabes) kaasi oo ah qalab si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah ama xiddigiyayaasha ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Mariam ayaa xilliga ay ikhtiraacday qalabkan Astrolabes-ka waxa ay ku sugnayd Magaalada Aleppo ee dalka Syria taasi oo hadda ku taalla waqooyiga dalkaas, Mariam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Aleppo oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-ʻIjliyy al-Asturlabi. AMINA ZARA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada (military strategy) waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan. Ugu dambayntii waxa habboon in haweenka Islaamku ay ku daydaan haweenkii Islaamka ee bulshadooda,diintooda iyo naftoodaba wax taray sida kuwa aynu kasoo hadalnay iskana dhaafaan khiyaaliga reer galbeedka ee hanka gabadhaba kusoo koobay inay u noolaato sida ninka oo kale. W/Q: Muxiyadin Maxmamud Xusen Email: Masxaf44@gmail.com Qaran News
  10. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran diyaariya. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-08032019.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) ayaa soo dhoweeyey “dedaalka loogu jiro in xal loo helo khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.” Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD, oo u muuqda inuu jawaab u yahay safarkii madaxweyne Farmaajo ee Kenya, ayaa lagu sheegay in xisbiga uu soo dhaweynayo dib usoo celinta xiriirkii labada dal. UPD ayaa ugu baaqay xukuumada in ay ka foojignaato tallaabo kasta ama heshiis kasta oo xagal daacin kara dedaalka sharci ee ay Soomaaliya ugu jirto in ay illaashato sugnaanshaha xuduudaha iyo khayraadka dalka. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaduba in ay si joogto ah uga warbixiyaan dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ay qaybta ka ka yihiin si la mid ah sida dhigooda Kenya iyo Ethiopia ay xogta u la wadaagaan dadweynahooda. “Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in wargelinta dadweynuhu wax weyn ka tari karto yareynta iyo saarista shakiga laga qabo in Soomaaliya wax ku weydo dedaalada siyaasadeed ee socda iyo sida loo maareyay gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay” ayaa lagu yiri qoraalka.
  13. Haweenka Islaamku waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed ee nolosha bulshadooda. Haddaba Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya. waxaana ka mid ahaa haween noqday hormoodka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka,Caafimaadka, Beeraha Falasafadda,Xiddigiska iyo Farshaxanka. Maanta oo ku beegan 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso balse qoraalkeennan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka soo maray ee taariikhda dunidan aynu joogno raadka kaga tagay si loogu daydo:- LABANA OF CORDOBA: Waxa ay noolayd qarnigii 10aad waxaana ay kufiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka Joometeriga iyo Aljebrada Waxaana ay qarnigii 10aad noqotay xoghayihii gaarka ahaa ee dawladdii Ummaawiyiinta u fadhiyay dalka Isbaanishka , xilkaas weynna waxa u igmaday Khaliifkii xilligaas maamulayay dawladdii Islaamiga ahayd ee Ummaawiyiinta kaasi oo ahaa Khaliif Al-Xakam-kiilabaad. FATIMA AL-FIHRI: Waxa ay qarnigii 8aad kudhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tunisia waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Fatima waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record). MARIAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xiddigiska waana gabadha hindistay ama ikhtiraacday waxa loo yaqaanno (Astrolabes) kaasi oo ah qalab si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah ama xiddigiyayaasha ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Mariam ayaa xilliga ay ikhtiraacday qalabkan Astrolabes-ka waxa ay ku sugnayd Magaalada Aleppo ee dalka Syria taasi oo hadda ku taalla waqooyiga dalkaas, Mariam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Aleppo oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-ʻIjliyy al-Asturlabi. AMINA ZARA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada (military strategy) waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan. Ugu dambayntii waxa habboon in haweenka Islaamku ay ku daydaan haweenkii Islaamka ee bulshadooda,diintooda iyo naftoodaba wax taray sida kuwa aynu kasoo hadalnay iskana dhaafaan khiyaaliga reer galbeedka ee hanka gabadhaba kusoo koobay inay u noolaato sida ninka oo kale. W/Q: Muxiyadin Maxmamud Xusen Email: Masxaf44@gmail.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai. Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.” Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai. Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.” Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay. Source: goobjoog.com
  16. Six militants escaped when police raided a residential house used as a training and recruitment center for terror activities in Kwale county in coastal Kenya on Friday. Tom Odero, Kwale police commander said the militants numbering six escaped after a fierce gun battle. Odero said the militants had sneaked into the country through porous Boni Forest from Somalia before setting up the training ground in the area. “This must have been a training ground for terror-related activities for some time. We are currently pursuing them and we are sure we will get hold of them soon,” Odero told Xinhua. According to Odero, the police recovered assorted items including bomb making materials during the dawn raid conducted by anti-terror police. He said a thorough operation has been launched in the area to hunt the militants. Other items recovered include military clothes, machetes, knives, cables, fertilizer, matchboxes and black flags. Odero said the police also recovered stationary including books and notes with religious writings. Kenya is currently engaged in the fight against the militia group in southern Somalia where its soldiers under the African Union peacekeeping mission (AMISOM) have intensified fight against the insurgents. View the full article
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai. Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.” Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay. DHAMMAAD The post Madaxweyne farmaajo oo ka tacsiiyay geeridii wasiir Xoosh appeared first on Puntland Post.
  18. Garowe (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay nabadoon caan ah oo maanta lagu dilay magaaladda Boosaaso. Oday dhaqameedka oo lagu magacaabayey Bashiir Muuse Koonte ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay dabley hubeysan. Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray laamaha amaanka in ay soo qabtaan raggii khaarijiyay Suldaanka. Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa tacsi loogu diray ehelada iyo asxaabta wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday. Marxuum Cabdi Xoosh Jibriil ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Dubai, halkaasoo la dhigay xalay markii uu xanuun kusoo booday. Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada qaarkood ayaa ka si lamid ah ka tacsiyeeyay dhimashada Xoosh. View the full article
  19. Baardheere (SMN) – Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay, mid kelana uu ku dhaawacmay markii rasaas lagu furay munaasabad ay kaga qaybgaleen magaaladda Baardheere ee xarunta gobolka Gedo. Munaasabada oo uj soo qaban-qaabiyay maamulka degmadda ayaa looga hadlayey sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen shacabka iyo mas’uuliyiinta oo dhowaan loosoo magacaabay degmadaasi. Illo degaanka ah ayaa u xaqiijiyay idaacadda Shabelle in labada qof ee wax ku noqotay tacshiirada la hubiyay munaasabada ay yihiin kuwa rayid ah. Weerarka ayaa la sheegay in ay geysteen maleyshiyaad ka amar qaata mas’uuliyiin ka biyo diidan xilka qaadis lagu sameeyay, oo kamid yahay Ismaaciil Sheekh Cabdi, gudoomiye ku xigeenkii hore Baardheere. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay maamulka degmada Baardheere oo hoostagta dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale dhinaca kale ee lagu eedeeyay falkaan. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in qorshaha ay ciidamadooda uga dhimayaan qaar kamid ah wadamada qaaradda uusan saameyn doonin Soomaaliya iyo Libya. Taliyaha AFRICOM, Thomas Waldhauser ayaa xusay in sanadka 2020 ay ciidamadooda ku sugan Afrika laga dhimi doono 300 askar. Mr Thomas ayaa sidoo kale tibaaxay ay sii wadi doonaan duqaymaha diyaaradeed ay ka fuliyaan dalalka Libya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku beegsadaan fariisimaha Al-Shabaab iyo Daacish. Mareykanka ayaa waxaa guud ahaan qaarada Afrika ka jooga 6,000 oo askari kuwaasoo 500 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya, isla markaana qaada howlgalada qaas ah, iyaga oo kaashanaya kuwa ciidamada xooga. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Warsaxaafadeed ay so saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee boqortooyada Bahrain ayaa si kulul loogu cambaareeyay qarax xooggan oo shalay ka dhacay naxaawiga isgoyska Xaawa Taako ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa qaraxaasi ku geeriyooday halka tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Boqortooyada Bahrain ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay halka ay caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhasaawacmay weerarkii Muqdisho. Sidoo kale, boqortooyada Bahrain ayaa balan qaaday in ay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ka taageeri doonto hormar dhanka amaanka ah,si loo helo xasilooni dhameystiran. Mas’uuliyadda weerarkii Muqdisho shalay ka dhacay waxaa sheegtay Al-shabaab oo bishii la soo dhaafay weerar qasaaro geystay ku qaaday dhismayaal ku yaalla wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii dastuurka XFS marxuum, C/raxman Xoosh Jibriil oo Maanta ku geeriyaaday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Sidoo kale ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha uxariistee Wasiirkii Dastuurka XFS. Sidoo kale, Guddoonada labada Gole ee BFS, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka Qaranka ayaa dhamaantood tacsi ka diray Geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka. Wasiirkii Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa waxaa si kedis ah u haleelay xanuun deg-deg ah, xilli uu ku sugnaa Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraat-ka Carabta, isagoo mudda yar ka dibna ku geeriyooday Isbitalka Dubai. View the full article
  23. Boosaaso (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa maanta masaajidka Mubarak ee magaalada Boosaaso ku dhex dilay Suldan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimidda caanka ah ee Puntland. Dad goobjoog ah ayaa sheegay in Suldaanka oo fadhiyay safka labaad ee masaajidka, isla markaana aqrisanayay qur’aan uu nin bistoolad ku hubeysnaa madaxa hal xabad kaga dhuftay kaddibna uu goobta ku dhintay. Xilliga uu dilka dhacay oo ahayd abaaro 12-kii duhurnimo ayay jamaacada masaajidka isu diyaarinaysay dhageysiga khudbada ka horreysa salaadda Jimcaha ee maanta. Ninka dilka geystay ayaa markiiba bam gacmeed ku tuuray ilaalo bannaanka ku sugneyd oo isku dayday in ay qabtaan, kaddibna orod kaga baxsaday goobta. Ma jirin cid wax ku noqotay bamka uu tuuray. Ciidamada amniga Boosaaso ayaa sheegay in ay ku raad joogaan qofka dilay suldaanka. Ilaahay Naxariistiisa janno ha siiyo Suldaan Bashiir Muuse Koonte \, waxaa uu ka mid ahaa isimadda sida weyn looga yaqaan Puntland, gaar ahaan gobolka bari oo uu degaan ahaan ka soo jeedo. VOA