Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,167
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku kulmaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kadib markii aanay wax kulan ah yeelan ku dhowaad Hal bil. Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xildhibaannada lagu horgeyn doonaa miisaaniyadda 2019 oo la doonayo iney ka doodaan. Murankii ka dhashay kala diristii guddiga miisaaniyadda ayaa sabab u noqday in shaqadii baarlamaanka ay maalmo badan hakad gasho. Dib u habeyn ayaa hadda lagu sameeyey guddigan, waxaana sidoo kale guddoon cusub doortay xubnaha guddigan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar Bam oo xalay lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Rag dhallinyaro ah ayaa la sheegay in Bambkan ay ku tureen askartan oo ku sugnaa bartamaha magaaladaasi, iyaga oo intaasi kadib halkaasi isaga baxsaday. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintey Labo ka mid ah askarta Puntland, waxaana ku dhaawacmay Saddex kale. Goob joogayaal ku sugan Boosaaso ayaa soo sheegaya in ciidamada Puntland ay saakay wadaan howlgallo ballaaran. Boosaaso waxaa kusoo badanayey muddooyinkaan dambe falalka amni darri. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Maleeshiyo hubeysan ayaa jidka u galay gaari ay la socdeen dad shacab ah, kaasi oo ka yimid sida la sheegay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Waxa ay maleeshiyadan gaariga u galeen deegaanka Dhabad, iyadoo halkaasi ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Qof goob jooge ah ayaa xaqiijiyey in halkaasi uu ku dhintey Hal qof, waxaana ku dhaawacmay Afar kale. Gaariga oo xowli ku socday ayaa markii rasaasta lagu furay la sheegay in uu rogmaday. Tani ayaa imaaneysa xilli gobolka Galgaduud ay ka jiraan aanooyin la xiriira dhanka qabiilka, iyadoo weli aan wax xal ah laga gaarin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wararka saakay oo sabti ah ka imaanaya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay tahay mid deggan. Lama soo sheegayo saakay wax dagaal ah oo halkaasi ka taagan, balse waxaa jirta hub uruursi Labada dhinac. Waxaa xilli walbo la filan karaa in mar kale dagaallo ay ka dhacaan deegaanka Kaxandhaale iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi., Mas’uuliyiin u hadashay Galmudug ayaa ugu baaqay beelahan dagaallamay iney xaaladda qaboojiyaan oo ay nabadda qaataan. In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay dagaalladii ka dhacay deeganaka Kaxandhaale iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxayna beelahan isku haystaan dhul halkaasi ku yaalla. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Taliska ciidanka Booliiska magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magaaladaasi ka mamnuucay in xilliyada habeenkii ah ay shaqeeyaan mootooyinka loo yaqaan Bajaajta. Gaashaanle Sare Ibraahim Dubadow, taliyaha saldhigga magaalada Baydhabo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wixii ka dambeeya aanay magaaladaasi ka shaqeyn karin Mooto Bajaajta sidoo kalena aan la arki karin Mootooyinka leh Labada lug. Sababta arrintaasi ayuu ku sheegay taliyaha kadib markii ay soo bateen falalka amni darri ee lagu sameynayo mootooyinkaasi. “Gaadiidkaan Bajaajta iyo Mootada Labo Lugaaleyda ah wixii ka dambeeya Salaadda maqrib magaalada kuma socon karaan, haddii la arkana mar dambe mootadaasi laguma shaqeyn karo, nimankaan nabad diidka ah iyo maandooriyeyaasha waxaa lagu adeegsadaa mootooyinkaas” ayuu yiri taliayaha. Mooto Bajaajta ayaa si weyn uga shaqeysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, hase ahaatee waxay tanu culeys ku noqon doontaa dad badan oo ku tiirsan ku shaqeysiga Mootooyinkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Berbera (Caasimada Online) – Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in DP World aysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa. Sida aan xogta ku helnay, kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo. Sultan Ahmed ayaa Muuse Biixi u sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera. Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland. Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera. Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo. Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018. Xogta Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in tan iyo markii uu yimid xafiiska, uu Abiy Ahmed diiday dhowr codsi oo uu Muuse Biixi doonayey inuu kula kulmo. Muuse Biixi ayaa la sheegay in wasiirkiisa arrimaha dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka labada ka codsaday in la tashtaan Axmed Cusmaan oo ah dhaqaalyahan reer Somaliland ah oo ka shaqeeya Bankiga Adduunka, si loo eego waxa u furan oo ay Somaliland sameyn karto. Si kastaba, Muuse Biixi ayaanay u furneyn albaabo badan oo uu go’aan ku qaadan karo, maadaama Imaaraadka uu bishii siiyo 4 milyan oo dollar oo miisaaniyaddiisa uu ku kabto, islamarkaana ay 7 milyan ku bixiyeen ololihiisa doorashada. Xaaladda ayaa la sheegay inay la socoto dowladda Muqdisho, oo ay qosol meel la fadhido. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  7. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaasi oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa lagu horgeeynayaa miisaaniyaa dowlada sanadka 2019-ka. Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Baarlamaanka horgeeynayo miisaaniyada. Xildhibanada ayaa marsiin doono aqrinta 1-aad ee miisaaniyada dowlada. Muddo kadib ayuu maanta dib u furmayaa fadhiga Baarlamaanka oo in muddo ah hagad ugu jiray qilaaf u dhaxeeyay gudoonka Baarlamaanka inkastoo hadda la xaliyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Muddo kadib kulanka Baarlamaanka oo maanta furmayo Maxaa looga hadlayaa? appeared first on Puntland Post.
  8. Maxakamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay Maxamed Aadan Cali Booroow oo horay Baydhabo qof ugu dilay Guddoomiyaha maxkamaddan, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Goobjoog u xaqiijiyey toogashada Boorow. Waxa uu guddoomiyaha sheegay in Boorow uu sanadkii hore ee 2017 masjid ku yaalla magaalada Baydhabo ku dhex diley Sheekh Madeer Mad Gaabow Caliyow. Toogashadan ayaa ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidan oo kale horey waxay dil ugu fulisay xubno ku eedeysan Al-shabaabnimo iyo sidoo kale askart ka tirsan dowladda oo dil geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Doorashada 8-da bisha Janaayo ka dhici doonta Puntland waxa ay saameyn gaara u leedahay gobolka Bari ee ah isha dhaqaalaha maamulkaas. Gobolka oo ah mid tirsanaya tacadiyo iyo xaqiraad badan ayaa sanadkan waxaa ka jira guux goosi oo waliba ay shacabka si weyn uga mideysan yihiin. Waxaa gobolka Bari ee ay xarunta u tahay magaalo dekedda leh ee Boosaaso ka jira laba TABASHO oo kale ah – 1 – Xaqiraadda reer Muduga ku hayo dadka deegaanka 2 – Cali Saleebaan oo qaba ‘Cuqdad” ah qabashada la’aanta xilka Madaxweyne Tabashada kowaad Bulshada ku dhaqan gobolka Bari waxa ay ka kooban yihiin qabiilo badan sida; Cali Saleebaan, Dishiishe, Cismaan Maxamuud, Cali Jibraa’iil, Ugaar Saleebaan iyo East Sanaag Clan. Sidaas oo ay tahay, maamulka isha dhaqaale ee gobolka, Dekedda waxaa maamulada reer Mudug taas oo ay marar badan ka gadoodeen reer Bariga. Arrintan waxa ay xoogeysatay markii uu xilka Madaxweyne qabtay Cabdiweli Cali Gaas oo ka soo jeeda gobolka Mudug isaga oo dhammaan xilalka waa weyn iyo ilaha dhaqaalaha u leexiyey beeshiisa Cumar Maxamuud. Taas iyaga oo ka duulaya, haddii uu Cabdiweli Cali Gaas soo laabto waxaan shaki ku jirin in ay goosan doonaan ama gobolka Bari ka xiri doonaan inta kale ee Puntland. Gaas oo kaliya ah ma aha musharaxa haddii uu soo boxo la kulmi doona cawaaqibkaas, Asad Diyaano ayey sidoo diidan yihiin reer Bariga. Asad walow uu reer Bari yahay, hadana waxaa la fahansan yahay in uu Gaas soo sharaxday si uu haddii uu waayo u soo saaro. Waxaa jiri kale sababo kale oo ay reer Barigu ku diidan yihiin Asad Diyaano. Tabasha Labaad Qodobka labaad ee gobolka Bari ka jari kara Puntland waa mid ka halis badan midda hore. Ma aha mid dhaqaale, ee waa mid cuqdad siyaasadeed dhabarka ku haysa. Cali Saleebaan oo ah beesha ugu badan, uguna saameynta badan gobola Bari, gobol uu dhaqaalaha Puntland ku tiirsan yahay waxa ay isu arkeen in laga go’doomiyey siyaasadda Puntland ama Majeerteeniya. 20-ka sano ee ay Puntland jirto wali siyaasi Cali Saleebaan ka soo jeeda iska daa in uu ku guuleysteen xataa kuma dhawaan xilka Madaxweyne. Sanadkan waaba sii fogaadeen oo xataa waxa ay dhabarka la galeen ururka Daacish oo uu hogaamiye ka yahay Sheekh Muumin oo Cali Saleebaan ah. Dada qaar ayaa qaba in ku biiridda iyo xoojinta Cali Saleebaan ee ururka Daacish ay tahay qiil ay ka dhiganayaan siyaasadda laga go’doomiyey. Waxaa hadda doorashada uga qeybgalaya siyaasiyiin cul culus sida; Faraax Cali Shire iyo Gallan. Haddii ay dhacdo in sanadkan siyaasi Cali Saleebaan ah soo bixi waayo, waxaa laga cabsi qabaa in gobolka Bari ka go’o Puntland inteeda kale. W/Q: Dalmar Xuseen Mire Boosaaso, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia ayaa saakay fulisay xukun dil ah. Maxkamada ayaa toogatay Maxamad Aadan Cali Booroow oo 15/6/2017 ku dilay Masjid ku yaala Baydhabo, Sh Madeer Madgaab Caliyow xilli uu Taraawiix ku jiray. Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah horay ugu riday Maxamed Aadan Booroow. Fagaaraha Maanyafuulka ee duleedka Baydhabo ayeey ka dhacday aroortii hore ee saakay falka dilka ah. Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Col Xasan Cali Nuur Shuute ayaa goobjoog ka ahaa Fagaaraha ay toogashadu ka dhacaysay saaka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah Fulisay appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenkii jimcaha markale hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xassan Sheekh uu kula kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida ay ilo wareedyo ka ag dhaw Xassan Sheekh Maxamuud ugu warrameen Caasimadda Online, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii labaad soo aaday guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Lama oga waxa uu kulankan labada siyaasi ku saabsanaa balse waxaa loo badinayaa in looga dhabeeyeey qodob ku jiray qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Facebook-giisa soo dhigay is aragii arbacadii kaddib. Cabdiraxmaan waxa uu ku sheegay qoraalkiisa in la xoojin doono xiriirka isaga iyo Xassan Sheekh oo ay badan doonaan kulamadooda. Kulamada ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu ka soo kabayo xassilooni daradii ka dhalatay mooshinkii dhawaan tiro ka mid ah xildhibaanada ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Hore waxaa u jirtay xan ahayd in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula midoobo Xassan Sheekh iyo xisbigii Daljir hal urur balse ma dhicin taas. Walow aan la hubin, hadana waxaa macquul ah in loo gogol xaarayo midow labad xisbi ah, Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo midka Cabdiraxmaan Cabdishkuur ee Wadajir ama laga hadlayo qaab kale oo ay isula jaan qaadi karaan. Cabdiraxmaan waxa uu hore la taliye ugu soo noqday Xassan Sheekh xillii uu ahaa Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ruuxii la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Sheikh Madeer Madgaab Cali. Sanadkii 2017 ruuxaasi ayaa masaajid ku dhexyaala magaalada Baydhabo ku dilay Sheikh Madeer, waxaana kadib qabtay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo maanta xukunta dilka ah lagu fuliyay. Ruuxa maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan Cali Boorow, waxaana lagu toogtay fagaaraha Maanyafuulka oo ku yaala duleedka magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuut ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha toogashada ka dhaceysay. Sheikh Madeer ayaa la dilay sanadkii 2017 xili uu salaada Taraawiixda ku jiray, waxaana ruuxa loo qabtay horey xukunka dlka loogu riday, walow maanta lagu fuliyay xukunka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimadaa@live.com
  13. Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu booqdo deegaano katirsan Koonfur Galbeed. Lafta Gareen ayaa tagaya degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa lagu wadaa sidoo kale in Madaxweyne Lafta Gareen uu booqdo deegaano kale oo katirsan Koonfur Galbeed. Deegaano badan oo ku yaaalo gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa go’doomiyay Al-Shabaaab waxaana maamulka Koonfur Galbees uu sheegay in la isku furi doono. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Lafta Gareen oo booqonayo deegaano katirsan Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia ayaa waxaa lagu soo kordhinayaa dhisme cusub oo qorshuhu yahay inuu noqdo qayb gaar u noqon doonta shirarka iyo warsiinta warbaahinta. Qaybtan oo ka kooban qolal gaar ah iyo qaaco ama hool wayn oo shirarku ka dhacaan ayaa lagu magacaabaa ”Gobdoon Conference Hall” ayaa la sheegay in dhaqse dhismihiisa loo bilaabi doono sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada. Guud ahaan Madaxtooyada Somalia ayaa u baahan dib u dhis iyo dib u naqshadayn guud, marka uu dalku yeesho dakhli ku filan in arrintaa lagu sameeyo maadaama aysan iminka la jaanqaadi karin heer caalamiga ah ee madaxtooyooyinka dunida.
  15. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa la-taliyiihiisii hore ee gaarka ahaa Sacuudi Al-Qaxtaani waxa uu xil saaray howl-gal gaar oo ah “inuu ka shaqeeyo in dadweynaha Sacuudiga loo muuneeyo Israel”, sida ay sheegeen warbaahinta Israel iyo Mareykanka. Qoraaga Israel, Jackie Hawki ayaa warbixin uu ku qoray wargeyska Maariv ee Israel waxa u ku yiri “Qorayaasha Sacuudiga, suxufiyiinta, aqoonyahanada iyo taxliiliyayaasha ku dhow Maxamed Bin Salmaan waxaa la amray inay diiradda saaraan in warbaahinta ay ku muujiyaan wanaagga Israel” Sida warbixintan ay leedahay, Maxamed Bin Salmaan ayaa doonayey in dadweynaha Sacuudiga laga gado muuqaal wanaagsan oo Israel ku saabsan ka hor inta uusan si rasmi ah u shaac bixin xiriirka hoose ee kala dhaxeeya Israel. Wargeyska Mareykanka ee Wall Street Journal ayaa isna weriyey in Al-Qaxtaani uu wakiil ka ahaa howlgalkan yaabka leh oo loogu magac daray “Qurxinta Israel.” “Al-Qaxtaani ayaa u adeegsanayey dadka waxgalka ah ee Sacuudiga inay dadka Sacuudiga u muujiyaan damqasho ku saabsan Israel, iyo fikrado ka dhan ah Falastiiniyiinta oo laga dhigayey dad nabad-diid ah, waxaana qorshahan u muuqdaa mid lagu soo diyaariyey xafiiska Benjamin Netanyahu” ayuu qoray Wall Street Journal. Hawki waxa uu yiri “Bin Salmaan waxa uu doonayey in xiriirka uu la leeyahay Israel laga soo saaro sirta oo banaanka la keeno, balse ka hor dadka Sacuudiga maskaxdooda la beddelo. Si kastaba, qorshahan ayaa waxaa soo dhex-galay oo caqbaad ku noqday dilkii weriye Jamaal Khaashuqji”. Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa la filayaa in sanadkan 2019 uu qarsoodiga kasoo saaro islamarkaana si rasmi ah u shaaciyo xiriirka sirta ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Muxudiin Axmed waa 23 jir Maxkamad Sacudiga ku taala ku xukuntay 10-sano oo xariga, waxa uu aabihiis ku waayey qarixii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14-tii October, 2017 Qoyska wiilkan oo la soo xiriiray Wakaalada wararka SONNA ayaa ka codsaday in dawladda Soomaaliya in wiilkooda looga soo daayo xabsiga uu ku jira oo ay sheegeen in uu xabsi wakhti dheer, kuna xanuusanayo. Miski Abukar Qoryoley, waa hooyada Maxamed waxa ay sheegtay in wiilkeeda uu xiran yahay muddo ku dhaw laba sano, in taleefan ay isku maqlaan mooyee, aysan xabsiga ku booqan sababa la xiriira sharciyada deganaanshaha ay haystaan oo kala duwan awgeed. “Waxan dawladda Soomaliya ka codsanayaa in ay naga caawiso soo deynta wiilkayga oo iga xiran, aanan arki Karin, dhib ayuu qabaa, markii ay su’aalaha weydiinayeen ee la xirayey bay xubnaha taranka jug ka gaartay, taas iney ku soo kacdo buu taleefan iigu sheegaa, aabihiisna wuxuu iiga dhintay Qaraxii Zope Muqdisho”, Miski ayaa sidaa tiri. Miska ayaa intaa raacisay in wiilkeeda carruur uu dhalay oo Sacudiga ku noolaa ay Soomaaliya u soo dirtay ayna soo raacisay tarxiilka, maadaama aysan awoodin maareynta noloshooda halkaasi. “Wiilkayga wuxuu ahaa mid ku filan maareynta qoyskiisa, wuxuna sidoo kale caawin jiray aabihiis iyo ayeeyadiisa oo Xamar ku nool, balse hadda xaalka wuu nagu xun yahay waxaan noo dheer wel-wel xabsigaas dheer iyo in uu u xiran yahay denbi uusan isaga lahayn”, Ayeeyada Wiilka, Xabiibo Aadan Macalin ayaa sheegtay in wiilkan aabihiis Muxudiin Axmed Faarax ay ku waysan Musiibadii sannadkii hore, curudkiisa uu Maxamed yahay isna ka xiran, waxaana codsatay in mar uun xabsiga looga soo daayo. “ Maxamed 8-kale oo carruur ah ayaa la dhalatay oo uu isaga u weynaa, aabahoodna wuu dhintay, inaan aniga wax taree, aniga u baahan daryeel, waayeel baan ahay, waxa kaliya aan fiirsanayey waxa uu ahaa carruurtan aabahood oo uu Maxamed kamid yahay”, Xabiibo ayaa sidaa tiri. Sacudiga ayaa kamida aha Dalal ay ku xarinyhiin Maxaabiis Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in dawladda Federaalka Soomaaliya ay u guntatay sii deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka India, Libya, Seychelles, Ethiopia, Kenya, iyo Tanzania oo u dambeysay. W/D: Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’
  17. (SLT-Jabuuti) Wasiirkii Hore ee arrimaha debadda Somaliland Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, Maxamed Biixi Yoonis oo waraysi siiyay Telefeeshinka SAAB TV. Hoos ka DAAWO Source
  18. The Somali army chief, Dahir Adan Elmi has appointed Gen Tawane Ahmed Mohamed and Colonel Abdisalaam Aden Ahmed as the Force Commander and Deputy Commander of 12th April Division. The two officials will replace Gen Omar Dheere and Gen Abdi Ali Jamame who were killed in IED explosion early this month. The generals were leading military operations that liberated villages along the coastal roads from al-Shabab. Dahir also reshuffled several other sections of the army ahead operations against al-Shabaab. The army commanders affected by reshuffles include those of 27th, 60th, 21st and 54th sectors of the Somali National Army. Somali army backed by troops from African Union Mission in Somalia (AMISOM) has been carrying out offensives against al-Shabaab fighters in south and central Somalia. Al-Shabaab which has been fighting to overthrow Somali government for a decade now has lost many towns in southern Somalia. The post SNA chief makes military shake-up after commanders killed appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Balidhiig) Waxgaradka iyo odayaasha Degmada Balidhiig ayaa dhaliilo xoogan u miisay Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi . Hoos ka DAAWO Source
  20. (SLT-Liverpool) Liverpool ayaa qarka u saaran inay ku garaacdo Arsenal saxeexa xiddiga garabka ka ciyaara ee Borussia Dortmund Christian Pulisic sida ay qortay jariirada The Sun. Macalinka Liverpool Jurgen Klopp ayaa doonaya in 20 jirkaan Mareykanka ah inuu ku sii xoojiyo kooxdiisa u sharaxan hanashada horyaalka bisha Janaayo. Arsenal ayaa laga soo diiday dalabkii 35ta milyan ginni ee ay u gudbisay kooxda hogaanka u heysa Bundesliga halka Chelsea sidoo kale lala xiriirinayay xiddiga Mareykanka isbuucyadii u danbeysay. Laakiin dalabkii furitaanka ee 45ta milyan ginni ee ay Liverpool gudbisay ayaa ah mid u dhow lacagta ay dalbaneyso Dortmund. Iyadoo kooxda Liverpool ay hogaamineyso horyaalka Premier League oo xilli ciyaareedka bartankiisa la marayo ayaa waxa ay ku rajo weyn tahay in dalab 50 milyan ginni ah inuu ugu filnaan doono inay ku soo xerogeliso xiddigaan marka uu suuqa kala iibsiga furmo Talaadada. Waxaana ay arintaan niyad-dhis weyn u noqon doontaa Liverpool, waxaana ay tababare Klopp siin doontaa weerar kale oo uu ilaashado seddexdiisa weeraryahan ee kala ah Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino. Milkiilayaasha reer Mareykanka ee Liverpool ayaa sidoo kale doonaya inay soo xerogeliyaan xiddiga ay isku dalka yihiin, inkastoo Klopp uu leeyahay go’aanka ugu danbeeya ee heshiisyada suuqa kala iibsiga islamarkaana ay kooxdu taageeri doonto go’aamadiisa. Pulisic ayaa waxaa sidoo kale dooneysa Bayern Munich, waxaana qandaraaskiisa Borussia Dortmund uga haray 18 bilood. Source
  21. “Waxa Aanu Helnay Xogta Dhabta Ah Ee Macalimiinta Bilaa Gunada Ah , Waxa Aanan Wasaaradda Waxbarashada Kala Hawl-Geli Doonnaa In Marba Tiro Badan La Shaqaaleeyo Si Loo Dhiirigeliyo Macalimiinta Dalka” Gud Sharmaake Geelle (SLT-Hargaysa)Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland iyo wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa si wada jira u soo bandhigay 400 oo Macalimiin ay dawladdu shaqaalaysiisay laguna daray Diwaanka shaqaalaha ee Bayroolka Miisaaniyadda, waxaana ay 400 macalin ay hore qaranka ugu shaqayn jireen dugsiyada dawladda ee waxbarashadda iyaga oo aan wax guno iyo mushahaar ah ka qaadan jirin dawladda. Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda, Guddoomiye ku xigeenka Hay’add shaqaalaha dawladda Somaliland C/kariin Maxamed Xaaji Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo saraakiil kale oo wasaaraddaasi ka tirsani ay weheliyaan, ayaa kulan ay Xarunta wasaaradda Waxbarashaddu Hargeysa ku leedahay ku qabteen, waxay ku soo bandhigeen inay dawladdu diwaanka shaqaalaha rasmiga ee mushahaar qaadashada ku dartay 400 Macalimiin aan hore uga tirsaneyn shaqaalaha dawladda wax mushahaar ama guno ahna aan qaadan jirin oo la shaqaalaysiiyey. waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Abakor Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay 400 boqol ee macalimiinta dawladdu ay shaqaalaysiisay laguna daray Liiska mushahaarka waxaanu yidhi “Runtii 400 boqol ee macalimiinta ay dawladdu shaqaalaha dalka ku dartay waxay iskugu jiraan 2 qaybood oo qaarna hay’addo ayaa wax siin jiray gaar ahaan hay’aad na la shaqeeya, qaarna bulshaddu waxay siiso mooyaane hay’ad iyo dawlada midna wax kamay qaadan jirin, marka kuwii hay’adduhu Kabka siin jireen qayb ka mida macalimiintaasi oo kuwii ay mashaariicdii ay hay’addaha kala shaqayn jireen ka dhamaadeen qaar ka mida ayaanu kala wareegnay oo dawladdu shaqaale u dawladdeed u qaadatay” Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna ka hadlay inay dawladdu wado qorshe macalimiinta dalka lagu tayeynaayo si dhinaca aqoonta ay Somaliland uga horumaraan waxa uu yidhi “Qaranka Somaliland waxa uu soo maray mar xalado badan waxaana aynu maanta soo gaadhnay mar xalad aynu mushahaarka u qoro macalimiinteena hadba intii awoodeenu inoo gaadho , waxa kale oo jirta si waxbarashaddeenu heerka aynu dooneyno ay u gaadho, waana in macalimiinta dawladda iyo kuwa gaarka ahba la tababaro iyada oo tayeynta macalimiinta dib loogu noqday loona furay machad macalimiinta tababarkooda u gaara ujeedadani aanu ka leenahaynay ahay tahay si aynu macalimiinteena u horumarino si qarankeena Somaliland u noqdo mid aqoontiisu horumarsan tahay” Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka hadlay inay guul qaranka Somaliland u tahay 400 macalimiin aan hore shaqaalae dawladdeed u ahayn lagu daray diwaanka shaqaalaha dawladda ee eek u jira Miisaaniyadda qaranka dalka waxaanu yidhi “Waxa wax weyn oo farxada runtii in 400 macalin oo cusub oo aynu ku darayno diwaanka shaqaalaha dawladda ee Barayroolka, laakiin waxa xusid mudan inay jiraan waliba macalimiin kale oo u baahan in aynu shaqaalaysiino, laakiin 400 ee macalin ka hay’ad shaqaale ahaan waanu idinka aqbalay iyada oo 2019-kii oo aynu hada fooda la gelayno waxaanu shaqaaleyn doona tiro kale oo badan oo macalimiin ah oo aanu iyagana aanu la kaashanayno oo isla eegi doono kolba sida ay wasaaradda maaliyaddu dhaqaale u hayso, waxa aanu helnay xogta dhabta ah ee Macalimiinta bilaa gunada ah , waxa aanan wasaaradda waxbarashada kala hawl-geli doonnaa in marba tiro badan la shaqaaleeyo si loo dhiirigeliyo macalimiinta dalka” Source
  22. Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelintu waxa muuqata in aanu xogogaal u ahayn warbaahinta madaxabannaan iyo waayaheeda. Waayo ma aanu barbardhigeen wadhato suuqa wax ku iibisa oo kharashka joogtada ah ee ka baxaa ka yar yahay kharashka ka baxa TV marka la eego waxsoosaarka labada meheradood iyo kharashyada baxa. TV-yadu waxa ay bixiyaan lacago badan oo joogto ah oo mararka qaarkood xilliyada qaar kabitaan u baahda sida: Airtime qaali ah (satellite) Kiro guri oo aan sahlanayn Laydh, biyo iyo internet Lacag shaqaale oo ah (mushahaaro ama khidmad) Qalab si joogta ah dayactir ugu baahan Shiidaal iyo stationary joogto ah iwm Sidaas oo ay tahay ilaha kharashku ka soo galaa ma badna. Xayaysiis aan badnayn, la iskuna hallayn karin Wararka oo qaar lacag yar laga qaado Barnaaminyo aan badnayn oo maalgelin hela iwm. Marka aan kaashado waayo-aragnimadayda muddo aan ka soo shaqeeyey TV madaxbannaan, sida ay isku bixiyaan waa “feedh iyo harraati”. Waxa kale oo jirta in dhaqaalaha waddanku hoos u dhac weyn sameeyey muddooyinkii dambe, sicir-bararkiina uu halkiisii yahay. Taasi waxa ay keentay kalsooni-darro soo foodsaartay dhaqdhaqaaqii suuqa iyo wareeggii lacagta markii dadkii wax iibsanayey yaraadeen. Marka ay sidaas tahay, waa hubaal in aanay TV-yadu qaadi karin cashuuro xaf-dhaaf ah oo lagu soo rogo. Ma lihi yaan cashuur laga qaadin, hase yeeshee waa in cashuurta laga qaadayaa aanay ku keenin culays geyeysiiya in TV badani xidhmaan. Warbaahinta madaxabannaani uma baahna ka takhalus dadban, wax se ay u baahan tahay xeerar dhiqi kara iyo tayayn waxsoosaar. Maxamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
  23. Laba askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku dhintay bomba-gacmeed caawo lagu tuuray maqaaxi ku taalla magaalada Boosaaso,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Askari kale ayaa isna la xaqiijiyay in dhaawac ka soo gaaray qaraxa ka dhashay bombadaasi oo koox hubaysan ay ku weerareen askartan oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla barxadda magaalada Boosaaso. Kooxdii weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana ciidamada amnigu halkaasi ka wadan hawlgallo baaritaan ah. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ,hase yeeshee malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab oo ku sugan buuraleyda gobolka Bari ayaa weerarro sidaan u eg ka geysta magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Askar ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.