Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,177
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dacwad Nooceedu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Loo Gudbiyay Maxkamadda Sare Iyo Magdhaw Loo Dalbay Muwaadin Muddo 3 Bilood Ah Ku Xidhnaa Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Afgooye ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ay ka socdaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay mid lagu baadi goobayo kooxo shalay dil ka geystay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi. Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada ammaanku ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha Afgooye ka dhacayay falal amaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab. The post Howlgallo ballaaran Oo saaka ka socda M/ Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Canada)-Cimraan Faraax oo 20-jir ah waxa uu maalintii Khamiista ee la soo dhaafay u geeriyooday dhaawacyo bishan 21-dii ka soo gaartay Toogasho ka dhacday magaalladda Toronto ee dalkaasi. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Toronto ayaa lagu sheegay in Marxuumkaasi uu u geeriyodoay dhaawaca, iyadoo 2 kale oo da’doodu kala ahayd 19-jir iyo 50-jir si xun loogu dhawaacay Toogashadaasi, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Toronto. Boliska waxa hadal ah kama soo saarin Dembiilaha geystay Toogashadaasi, mana kala cadda in la qabtay iyo inuu baxsaday. Muwaadinka Soomaaliga ee lagu dilay Toronto waxay ka dhigaysaa qofkii 96-aad ee sannadkan lagu dilo Toronto. Source
  4. Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Waxaa Saaka dagan xaaladda deegaanka Kaxanddhaale ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu shalay halkaasi ka dhacay dagaal xoogan. Dagaalkan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu u dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 10 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan. Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya deegaankaasi ayaa ku warramaya in xaaladdu ay tahay mid dagan, islamarkaana ay socdaal dadaallo Nabadeed. Nabadoon Suldaan Cabdikariin oo ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud, si dhowna ula socday xiisadaasi ayaa Shabelle uga warbixiyay xaaladdu sida ay tahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Soofa-1.mp3 The post Xaaladda deegaanka Kaxandhaale Oo dagan appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Baydho)-Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin horay u dilay Sheekh Caan ka ahaa deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed. Ninkaas oo lagu Magacaabo Maxamed Aadan Cali Booroow ayaa Maxkamada horay waxa ay ku riday xukun dil toogasho ah,kaas oo lagu eedeeyay in 15/6/2017 uu Magalada Baydabo Masaajid dhexdiisa ku dilay Sheekh Caan ahaa oo lagu Magacaabi jiray Sheekh Madeer Madgaab Caliyow. Fagaaro ku yaalla Magalada Baydhabo ayaa saakay Ninkaasi lagu toogtay kaas oo Maxkamadu sheegtay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,waxaana Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalaba sida Xasan Cali nuur Shuute. Source
  6. (SLT-Afghanistan)-Dowladda Mareykanka ayaa ku warramaysa inay horumnar ka sameysay dadaallada ay ku ciribtirayso kooxda Daacish ee Afghanistan, ayada oo xaqiijisay in afhayeenkii kooxdaas lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyey. Sarkaal milatari oo Mareykan ah ayaa khamiistii sheegay in Sultan Aziz Azam axaddii lagu dilay gobolka Nangarhar. Sarkaal kale oo ka tirsan Daacish ayaa sidoo kale lagu dilay duqaynta. Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa goor sii horeysay u sheegay VOA in Azam iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa la dilay. Afhayeenka ayaa sheegay in Azam uu mas’uul ka ahaa inuu kooxda Daacish u qoro dagaalyahannada fuliya weerarada miisaanka culus ee ka dhanka ah shacabka. Warka ku saabsan dilka Azam ayaa yimid ayada oo warbixin uu soo saaray Pentagon-ka lagu sheegay in Daacish ay gobolka Nangarhar kula kulmeen khasaare nafeed, mid hoggaan iyo mid dhuleed. Source
  7. (SLT-Washington)-Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka Michelle Obama ayaa waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi. Mrs Clinton, oo horay ugu tartantay madaxtinimada Mareykanka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iyo marwadii hore, ayaa kaalinta saddexaad hoos ugu dhacday codbixinta Gallup ee sanadkiiba mar la qabto, iyadoo kaalinta labaad ay soo gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey. Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad. Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976. 1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan. Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Michelle Obama – 15% Oprah Winfrey – 5% Hillary Clinton – 4% Melania Trump – 4% Queen Elizabeth II – 2% Ninka loogu qadarinta badan yahay Barack Obama – 19% Donald Trump – 13% George W Bush – 2% Pope Francis – 2% Bill Gates 1% Mrs Clinton, oo horay u soo noqotay senator xisbiga Dimuqraadiga ah iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka 2016-kiina u tartantay Aqalka Cad ayaa kaalinta koobaad ka gashay codbixintan 22 jeer oo ay ku jiraan 17 sanadood oo xiriir ah. Walow Oprah Winfrey aanay weligeed gelin kaalita koobaad haddana waxa ay kaalinta labaad soo gashay 14 jeer. Haddii Mr Obama uu kaalinta koobaad soo galo sanadka soo socda waxa uu la siman doonaa madaxweynihii hore Dwight Eisenhower kaas oo biladda ninka loogu qadarinta badan yahay ku guulaystay 12 jeer, Gallup ayaa sidaasi sheegtay. Mr Trump ayaa ilaa iyo haatan ah mid ka mid ah labada madaxweyne ee aanan biladdan ku guulaystay iyagoo xilka haya, madaxweynaha kale ayaa ahaa Gerald Ford. Gallup ayaa waxa ay sheegtay in codbixintan la qaaday intii u dhaxaysay 3-12 bisha Diseembar. Source
  8. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-291218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Xidhibaanada golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulan muhiim ah kadib markii golaha uusan shirin ku dhawaad hal bil oo qalalaaso siyaasadeed la galay. Kulanka maanta ayaa dhacaya iyadoo la dhameeyay dhamaan khilaafaadkii ka dhashay warbixin guddigii hore ee maaliyadda baarlamaanka ay soo diyaariyeen oo la horgeeyay golaha shacabka. Warbixintaasi ayaa sababtay in guddiga maaliyadda ay kala qeybsamaan, kadibna mooshin laga keenay madaxweynaha lagu kala qeybsamay, iyadoo markii dambe la xaliyay dhamaan khilaafaadkii yimid. Kulanka golaha shacabka ee maanta ayaa ku saleysan warbixin guddiga maaliyadda baarlamaanka ay horgeynayaan xildhibaanada golaha shacabka, taasi oo ah miisaaniyadda sanadka cusub ee 2019. Khabiirada dhanka dhaqaalaha ayaa ka digayaa in dib loo dhigo ansixinta miisaaniyadda sanadka 2019, maadaama ay ku jiraan mushaaraadka shaqaalo badan oo dowladda Soomaaliya ay ansixisay. Miisaaniyadda sanadka 2019 ayaa gaareysa 340 Milyan, waxaana la doonayaa xildhibaanada inay dood adag ka yeeshaan kadibna ay anixiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku kulmaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kadib markii aanay wax kulan ah yeelan ku dhowaad Hal bil. Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xildhibaannada lagu horgeyn doonaa miisaaniyadda 2019 oo la doonayo iney ka doodaan. Murankii ka dhashay kala diristii guddiga miisaaniyadda ayaa sabab u noqday in shaqadii baarlamaanka ay maalmo badan hakad gasho. Dib u habeyn ayaa hadda lagu sameeyey guddigan, waxaana sidoo kale guddoon cusub doortay xubnaha guddigan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar Bam oo xalay lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Rag dhallinyaro ah ayaa la sheegay in Bambkan ay ku tureen askartan oo ku sugnaa bartamaha magaaladaasi, iyaga oo intaasi kadib halkaasi isaga baxsaday. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintey Labo ka mid ah askarta Puntland, waxaana ku dhaawacmay Saddex kale. Goob joogayaal ku sugan Boosaaso ayaa soo sheegaya in ciidamada Puntland ay saakay wadaan howlgallo ballaaran. Boosaaso waxaa kusoo badanayey muddooyinkaan dambe falalka amni darri. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Maleeshiyo hubeysan ayaa jidka u galay gaari ay la socdeen dad shacab ah, kaasi oo ka yimid sida la sheegay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Waxa ay maleeshiyadan gaariga u galeen deegaanka Dhabad, iyadoo halkaasi ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Qof goob jooge ah ayaa xaqiijiyey in halkaasi uu ku dhintey Hal qof, waxaana ku dhaawacmay Afar kale. Gaariga oo xowli ku socday ayaa markii rasaasta lagu furay la sheegay in uu rogmaday. Tani ayaa imaaneysa xilli gobolka Galgaduud ay ka jiraan aanooyin la xiriira dhanka qabiilka, iyadoo weli aan wax xal ah laga gaarin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wararka saakay oo sabti ah ka imaanaya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay tahay mid deggan. Lama soo sheegayo saakay wax dagaal ah oo halkaasi ka taagan, balse waxaa jirta hub uruursi Labada dhinac. Waxaa xilli walbo la filan karaa in mar kale dagaallo ay ka dhacaan deegaanka Kaxandhaale iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi., Mas’uuliyiin u hadashay Galmudug ayaa ugu baaqay beelahan dagaallamay iney xaaladda qaboojiyaan oo ay nabadda qaataan. In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay dagaalladii ka dhacay deeganaka Kaxandhaale iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxayna beelahan isku haystaan dhul halkaasi ku yaalla. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Taliska ciidanka Booliiska magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magaaladaasi ka mamnuucay in xilliyada habeenkii ah ay shaqeeyaan mootooyinka loo yaqaan Bajaajta. Gaashaanle Sare Ibraahim Dubadow, taliyaha saldhigga magaalada Baydhabo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wixii ka dambeeya aanay magaaladaasi ka shaqeyn karin Mooto Bajaajta sidoo kalena aan la arki karin Mootooyinka leh Labada lug. Sababta arrintaasi ayuu ku sheegay taliyaha kadib markii ay soo bateen falalka amni darri ee lagu sameynayo mootooyinkaasi. “Gaadiidkaan Bajaajta iyo Mootada Labo Lugaaleyda ah wixii ka dambeeya Salaadda maqrib magaalada kuma socon karaan, haddii la arkana mar dambe mootadaasi laguma shaqeyn karo, nimankaan nabad diidka ah iyo maandooriyeyaasha waxaa lagu adeegsadaa mootooyinkaas” ayuu yiri taliayaha. Mooto Bajaajta ayaa si weyn uga shaqeysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, hase ahaatee waxay tanu culeys ku noqon doontaa dad badan oo ku tiirsan ku shaqeysiga Mootooyinkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Berbera (Caasimada Online) – Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in DP World aysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa. Sida aan xogta ku helnay, kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo. Sultan Ahmed ayaa Muuse Biixi u sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera. Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland. Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera. Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo. Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018. Xogta Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in tan iyo markii uu yimid xafiiska, uu Abiy Ahmed diiday dhowr codsi oo uu Muuse Biixi doonayey inuu kula kulmo. Muuse Biixi ayaa la sheegay in wasiirkiisa arrimaha dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka labada ka codsaday in la tashtaan Axmed Cusmaan oo ah dhaqaalyahan reer Somaliland ah oo ka shaqeeya Bankiga Adduunka, si loo eego waxa u furan oo ay Somaliland sameyn karto. Si kastaba, Muuse Biixi ayaanay u furneyn albaabo badan oo uu go’aan ku qaadan karo, maadaama Imaaraadka uu bishii siiyo 4 milyan oo dollar oo miisaaniyaddiisa uu ku kabto, islamarkaana ay 7 milyan ku bixiyeen ololihiisa doorashada. Xaaladda ayaa la sheegay inay la socoto dowladda Muqdisho, oo ay qosol meel la fadhido. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  16. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaasi oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa lagu horgeeynayaa miisaaniyaa dowlada sanadka 2019-ka. Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Baarlamaanka horgeeynayo miisaaniyada. Xildhibanada ayaa marsiin doono aqrinta 1-aad ee miisaaniyada dowlada. Muddo kadib ayuu maanta dib u furmayaa fadhiga Baarlamaanka oo in muddo ah hagad ugu jiray qilaaf u dhaxeeyay gudoonka Baarlamaanka inkastoo hadda la xaliyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Muddo kadib kulanka Baarlamaanka oo maanta furmayo Maxaa looga hadlayaa? appeared first on Puntland Post.
  17. Maxakamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay Maxamed Aadan Cali Booroow oo horay Baydhabo qof ugu dilay Guddoomiyaha maxkamaddan, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Goobjoog u xaqiijiyey toogashada Boorow. Waxa uu guddoomiyaha sheegay in Boorow uu sanadkii hore ee 2017 masjid ku yaalla magaalada Baydhabo ku dhex diley Sheekh Madeer Mad Gaabow Caliyow. Toogashadan ayaa ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidan oo kale horey waxay dil ugu fulisay xubno ku eedeysan Al-shabaabnimo iyo sidoo kale askart ka tirsan dowladda oo dil geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Doorashada 8-da bisha Janaayo ka dhici doonta Puntland waxa ay saameyn gaara u leedahay gobolka Bari ee ah isha dhaqaalaha maamulkaas. Gobolka oo ah mid tirsanaya tacadiyo iyo xaqiraad badan ayaa sanadkan waxaa ka jira guux goosi oo waliba ay shacabka si weyn uga mideysan yihiin. Waxaa gobolka Bari ee ay xarunta u tahay magaalo dekedda leh ee Boosaaso ka jira laba TABASHO oo kale ah – 1 – Xaqiraadda reer Muduga ku hayo dadka deegaanka 2 – Cali Saleebaan oo qaba ‘Cuqdad” ah qabashada la’aanta xilka Madaxweyne Tabashada kowaad Bulshada ku dhaqan gobolka Bari waxa ay ka kooban yihiin qabiilo badan sida; Cali Saleebaan, Dishiishe, Cismaan Maxamuud, Cali Jibraa’iil, Ugaar Saleebaan iyo East Sanaag Clan. Sidaas oo ay tahay, maamulka isha dhaqaale ee gobolka, Dekedda waxaa maamulada reer Mudug taas oo ay marar badan ka gadoodeen reer Bariga. Arrintan waxa ay xoogeysatay markii uu xilka Madaxweyne qabtay Cabdiweli Cali Gaas oo ka soo jeeda gobolka Mudug isaga oo dhammaan xilalka waa weyn iyo ilaha dhaqaalaha u leexiyey beeshiisa Cumar Maxamuud. Taas iyaga oo ka duulaya, haddii uu Cabdiweli Cali Gaas soo laabto waxaan shaki ku jirin in ay goosan doonaan ama gobolka Bari ka xiri doonaan inta kale ee Puntland. Gaas oo kaliya ah ma aha musharaxa haddii uu soo boxo la kulmi doona cawaaqibkaas, Asad Diyaano ayey sidoo diidan yihiin reer Bariga. Asad walow uu reer Bari yahay, hadana waxaa la fahansan yahay in uu Gaas soo sharaxday si uu haddii uu waayo u soo saaro. Waxaa jiri kale sababo kale oo ay reer Barigu ku diidan yihiin Asad Diyaano. Tabasha Labaad Qodobka labaad ee gobolka Bari ka jari kara Puntland waa mid ka halis badan midda hore. Ma aha mid dhaqaale, ee waa mid cuqdad siyaasadeed dhabarka ku haysa. Cali Saleebaan oo ah beesha ugu badan, uguna saameynta badan gobola Bari, gobol uu dhaqaalaha Puntland ku tiirsan yahay waxa ay isu arkeen in laga go’doomiyey siyaasadda Puntland ama Majeerteeniya. 20-ka sano ee ay Puntland jirto wali siyaasi Cali Saleebaan ka soo jeeda iska daa in uu ku guuleysteen xataa kuma dhawaan xilka Madaxweyne. Sanadkan waaba sii fogaadeen oo xataa waxa ay dhabarka la galeen ururka Daacish oo uu hogaamiye ka yahay Sheekh Muumin oo Cali Saleebaan ah. Dada qaar ayaa qaba in ku biiridda iyo xoojinta Cali Saleebaan ee ururka Daacish ay tahay qiil ay ka dhiganayaan siyaasadda laga go’doomiyey. Waxaa hadda doorashada uga qeybgalaya siyaasiyiin cul culus sida; Faraax Cali Shire iyo Gallan. Haddii ay dhacdo in sanadkan siyaasi Cali Saleebaan ah soo bixi waayo, waxaa laga cabsi qabaa in gobolka Bari ka go’o Puntland inteeda kale. W/Q: Dalmar Xuseen Mire Boosaaso, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia ayaa saakay fulisay xukun dil ah. Maxkamada ayaa toogatay Maxamad Aadan Cali Booroow oo 15/6/2017 ku dilay Masjid ku yaala Baydhabo, Sh Madeer Madgaab Caliyow xilli uu Taraawiix ku jiray. Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah horay ugu riday Maxamed Aadan Booroow. Fagaaraha Maanyafuulka ee duleedka Baydhabo ayeey ka dhacday aroortii hore ee saakay falka dilka ah. Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Col Xasan Cali Nuur Shuute ayaa goobjoog ka ahaa Fagaaraha ay toogashadu ka dhacaysay saaka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah Fulisay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenkii jimcaha markale hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xassan Sheekh uu kula kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida ay ilo wareedyo ka ag dhaw Xassan Sheekh Maxamuud ugu warrameen Caasimadda Online, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii labaad soo aaday guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Lama oga waxa uu kulankan labada siyaasi ku saabsanaa balse waxaa loo badinayaa in looga dhabeeyeey qodob ku jiray qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Facebook-giisa soo dhigay is aragii arbacadii kaddib. Cabdiraxmaan waxa uu ku sheegay qoraalkiisa in la xoojin doono xiriirka isaga iyo Xassan Sheekh oo ay badan doonaan kulamadooda. Kulamada ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu ka soo kabayo xassilooni daradii ka dhalatay mooshinkii dhawaan tiro ka mid ah xildhibaanada ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Hore waxaa u jirtay xan ahayd in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula midoobo Xassan Sheekh iyo xisbigii Daljir hal urur balse ma dhicin taas. Walow aan la hubin, hadana waxaa macquul ah in loo gogol xaarayo midow labad xisbi ah, Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo midka Cabdiraxmaan Cabdishkuur ee Wadajir ama laga hadlayo qaab kale oo ay isula jaan qaadi karaan. Cabdiraxmaan waxa uu hore la taliye ugu soo noqday Xassan Sheekh xillii uu ahaa Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ruuxii la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Sheikh Madeer Madgaab Cali. Sanadkii 2017 ruuxaasi ayaa masaajid ku dhexyaala magaalada Baydhabo ku dilay Sheikh Madeer, waxaana kadib qabtay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo maanta xukunta dilka ah lagu fuliyay. Ruuxa maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan Cali Boorow, waxaana lagu toogtay fagaaraha Maanyafuulka oo ku yaala duleedka magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuut ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha toogashada ka dhaceysay. Sheikh Madeer ayaa la dilay sanadkii 2017 xili uu salaada Taraawiixda ku jiray, waxaana ruuxa loo qabtay horey xukunka dlka loogu riday, walow maanta lagu fuliyay xukunka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimadaa@live.com
  22. Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu booqdo deegaano katirsan Koonfur Galbeed. Lafta Gareen ayaa tagaya degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa lagu wadaa sidoo kale in Madaxweyne Lafta Gareen uu booqdo deegaano kale oo katirsan Koonfur Galbeed. Deegaano badan oo ku yaaalo gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa go’doomiyay Al-Shabaaab waxaana maamulka Koonfur Galbees uu sheegay in la isku furi doono. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Lafta Gareen oo booqonayo deegaano katirsan Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia ayaa waxaa lagu soo kordhinayaa dhisme cusub oo qorshuhu yahay inuu noqdo qayb gaar u noqon doonta shirarka iyo warsiinta warbaahinta. Qaybtan oo ka kooban qolal gaar ah iyo qaaco ama hool wayn oo shirarku ka dhacaan ayaa lagu magacaabaa ”Gobdoon Conference Hall” ayaa la sheegay in dhaqse dhismihiisa loo bilaabi doono sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada. Guud ahaan Madaxtooyada Somalia ayaa u baahan dib u dhis iyo dib u naqshadayn guud, marka uu dalku yeesho dakhli ku filan in arrintaa lagu sameeyo maadaama aysan iminka la jaanqaadi karin heer caalamiga ah ee madaxtooyooyinka dunida.
  24. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa la-taliyiihiisii hore ee gaarka ahaa Sacuudi Al-Qaxtaani waxa uu xil saaray howl-gal gaar oo ah “inuu ka shaqeeyo in dadweynaha Sacuudiga loo muuneeyo Israel”, sida ay sheegeen warbaahinta Israel iyo Mareykanka. Qoraaga Israel, Jackie Hawki ayaa warbixin uu ku qoray wargeyska Maariv ee Israel waxa u ku yiri “Qorayaasha Sacuudiga, suxufiyiinta, aqoonyahanada iyo taxliiliyayaasha ku dhow Maxamed Bin Salmaan waxaa la amray inay diiradda saaraan in warbaahinta ay ku muujiyaan wanaagga Israel” Sida warbixintan ay leedahay, Maxamed Bin Salmaan ayaa doonayey in dadweynaha Sacuudiga laga gado muuqaal wanaagsan oo Israel ku saabsan ka hor inta uusan si rasmi ah u shaac bixin xiriirka hoose ee kala dhaxeeya Israel. Wargeyska Mareykanka ee Wall Street Journal ayaa isna weriyey in Al-Qaxtaani uu wakiil ka ahaa howlgalkan yaabka leh oo loogu magac daray “Qurxinta Israel.” “Al-Qaxtaani ayaa u adeegsanayey dadka waxgalka ah ee Sacuudiga inay dadka Sacuudiga u muujiyaan damqasho ku saabsan Israel, iyo fikrado ka dhan ah Falastiiniyiinta oo laga dhigayey dad nabad-diid ah, waxaana qorshahan u muuqdaa mid lagu soo diyaariyey xafiiska Benjamin Netanyahu” ayuu qoray Wall Street Journal. Hawki waxa uu yiri “Bin Salmaan waxa uu doonayey in xiriirka uu la leeyahay Israel laga soo saaro sirta oo banaanka la keeno, balse ka hor dadka Sacuudiga maskaxdooda la beddelo. Si kastaba, qorshahan ayaa waxaa soo dhex-galay oo caqbaad ku noqday dilkii weriye Jamaal Khaashuqji”. Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa la filayaa in sanadkan 2019 uu qarsoodiga kasoo saaro islamarkaana si rasmi ah u shaaciyo xiriirka sirta ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com