Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,177
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Puntland oo deeganadeeda ka mamnuucday in ay soo galaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, inta ay socoto doorashooyinka Puntland. Wasaaradda amniga dowladda Puntland ayaa sidoo [...] Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasaarada warfaafinta ee Somaliland ayaa la sheegay inay mushaharkii ka joojisay Cismaan Cabdilaahi Cilmi ( Heersare) oo wasaaradaas ugu shaqaynaayay farsamayaqaan baahinta tilifishanka ah, kadib markii uu safarkii uu madaxweynuu ugu baxay gobalada bariga ee dalka uu jilay qaab socodka madaxweynaha. Jilitaanka socodka madaxweynaha oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, ayaa la sheegay inuu sababay in Cismaan gudida anshaxmarinta ee wasaarada warfaafintu ay u yeedho isla markaasna ay wax ka waydiiso sababta uu ugu jeeday jilitaanka socodka madaxweyne Muuse Biixi. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Waddani ayaa go’aanka ay wasaaradu ku joojisay mushaharka farsamoyaqaankan waxay ku tilmaameen talaabo cabudhin ah. Waxaanay sheegeen in Muwaadinkani mushaharkiisii uu xaqa u lahaa ku waayay qaab socodka Madaxweynaha ee uu jilay. Farsamoyaqaan Heersare, ayaa bishan ku war helay in mushaharkiisii laga joojiyay, iyadoon la siin wax wargelin ah oo ku saabsab sababta uu mushaharkiisa ku waayay. Laakiin wuxuu Cismaan sii wataa shaqadiisii, mana jiro wax go’aan ah oo ay guddiga anshax ee waraysatay soo saartay. Masuuliyiin ka tirsan guddigan oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Source
  3. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta ka hadlay aqalka ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar, oo looga nabad-geli-doono inta ka dhiman xil heyntooda. Mursal waxaa uu sheegay in sharci badan ay qabyo yihiin“Waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo-nnimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hey’adihii dastuurka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn, go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah inaysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed, mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo, oo la qanciyo aragtiga kala duwan”. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xalka khilaafka“Xildhibaannadii tanaasulay iyo kuwii iskood isku xilqaamay ee lagu hurdada beelay, waxaan leenahay dadaalkiina waan idiinka mahadcelineynaa, mas’uuliyad idiin saaran ayey aheyd in umadda Soomaaliyeed wixii la idiin soo doortay u qabataan, sidaasi oo kale waxaa jiray siyaasiyiin iyo culimaa’udiin xikmad nala garab joogay”. Maxamed Mursal waxaa uu qirtay in shaqo badan hakad u gashay muranka “Kalfadhigan aad ee golaha shacabka, waxaa uu ahaa mid la eegayo ismariwaaga na dhex-galay hakad-geliyay habsami u socodka howlihii baarlamaanka”. Dhinaca kale, guddoomiye Mursal waxaa uu ku dooday in kalfadhigan ay qabteen shaqo ka badan 3dii kalfadhi ee ka horeysay “ Kalfadhiga waxaa uu ahaa mid ka soo wax saar badan marka la isugu geeyo 3dii kalfadhi ee ka horeysay, 3dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci, kalfadhigan waxaa la ansixiyey 4 sharci oo kala ah: Dhismaha hey’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka” Ugu dambeyntii, waxaa uu guddoomiye Mursal sheegay in 7 sharci oo kale ay mareen akhriska heerarkii kala duwan, isaga oo intaasi raaciyey in guul-darro ahaan laheyd in 31-ka bishan la gaaro iyada oo golaha xiran yahay, lana xalin khilaafka guddiga maaliyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Hay’adaha Caalamiga ah (International NGO’s) iyo kuwa Qaramada Midoobay (UN Agencies) ee hawl-galkoodu ku wajahnaa wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya) ayaa u muuqdo kuwo ugu dambayn xaqiijinaya dalabkii dawladda Soomaaliya ugu baaqday in ay xarumahooda Magaalada Nairobi u soo raraan Magaalada Muqdisho waxaana ugu dambeeyey Hay’adda Caalamiga ah ee Care International oo shalay ugu dambayn xafiiskeedii Hawl-galka Soomaaliya (Somali Mission) u rartay Magaalada Muqdisho. Hay’addan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee sannadkan oo aan dhammaan xarumahoodii u soo rara Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya waxaana hore ugu soo guuray magaaladaasi Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo IOM. Inkasta oo doodo badani ka taagnaayeen xaaladda amni, kuwa siyaasadeed iyo duruufaha dalkaasi Soomaaliya ugu dambayn dawladda beesha caalamku taageerto ee Villa Somalia ayaa u muuqata kuwo maalinba maalinta ka dambaysa xaqiijinaya arrimo badan oo ay muddo soo wadeen oo ay ka mid yihiin in hay’adihii caalamiga ahaa ee fadhigoodu ahaa dalka Kenya ay xarumahooda ka dhigtaan Magaalada Muqdisho taasi oo dhabar jab weyn ku noqon doonta Somaliland oo muddo 28 sannadood ah ka madax bannaan dalkaasi Soomaaliya hay’aduhuna nidaam gaar ah ula tacaamuli jireen si kasta oo ay deeqaha ay soo urursadaan ugu soo qaadaan Magaca Soomaaliya. Hay’adda Caalamiga ah ee CARE International ayaa noqonaysa Hay’addii saddexaad oo dorraad Khamiistii u soo guurtay Magaalada Muqdisho ka dib Amar ka soo baxay dowladda dalkaasi Soomaaliya. Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah looga furay xafiiska Hay’adda Care International ee Soomaaliya, waxaana xadhigga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo madaxda Hay’adaasi. Hay’addan ayaa xaruntoodu ahayd Nayroobi oo dalka Kenya ah. Waxa ay ku soo guurtay sida ay masuulinyiintoodu sheegeen amarkii dawladda dalkaasi ka soo saartay in hay’adaha gargaarka Soomaalida ka shaqeeyaa u soo guuraan Muqdisho sannadka cusub ee 2019 bilawgiisa iyaga oo ugu hanjabay hay’addii soo guuri wayda in aanay ka shaqayn Karin Soomaaliya. Hay’adda Care International waxay ka mid ahayd muddo dheer hay’adaha ugu wax-qabadka roon ee ka shaqeeya Arrimaha Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka, tababarada macalimiinta, bulshada Rayidka iyo horumarinta saxaafadda waxaanay ka hawl gali jireen dhammaanba Deegaamada Soomaalida. Hay’addii ay dhammaanba hay’adahaasi fuliyaan awaamiirtan xukuumadda Soomaaliya oo ay Muqdisho xarumahooda ka dhigtaan waxa ay saamayn weyn ku yeelan doontaa Somaliland, waxaanay dalka iman doonaan iyaga oo fulinaya siyaasadda wasaaradda qorshaynta ee dalkaasi Soomaaliya oo wada shaqaynta ay la leeyihiin ku salayn doona in Somaliland qayb ka tahay Soomaaliya. Dawladda Somaliland ayaan wax qorshe ah ka lahayn xaaladdan iyo kuwo badan oo la mid ah oo maamulka dalkaasi Soomaaliya kaga libin qaadanayo Somaliland. Source
  5. Turkigu wuxuu ka mid ahaa boqortooyooyinkii u horeeyey ee Soo Xukumay Dalka Somaliland waqtigii Dowladii Cusmaaniyada. Waxaanu Raadkii Dowladii Cusmaaniyadu si weyn uga Muuqdaa dhamaan Dalka Somaliland khaas ahaan Dhulka Xeebaha ku Teedsan. Arintaasi oo muujineysa in Taariikh facweyni ay ka dhaxaysay Somaliland iyo Turkiga. Waxaase lama filaan Noqotay ka dib markii Turkigu si weyn isugu balaadhiyey Geeska Africa khaas ahaan Somalia oo uu ka sameeyey Qaacidada Milatary ee ugu weyn Ee uu Dalalka Dibada ku leeyahay, isla markaana si Hagar La’aan ah uu u dhisay Somalia, Isagoo Somaliland u quudhi waayey in Xataa Sakada uu Somalia ku dhiso in uu Somaliland oo ah Dal boqolkiiba boqol Muslim ah in uu wax uga Qoondeeyo dhaqaalaha faraha badan ee uu ku bixiyo Somalida. Asagoo Xataa Tahli kari waayey in Uu Dabaqabateeyo Raadkii Xadaaradii Faca weyneyd ee Boqortooyadii hore ee Turkiga oo iminka sii Dabai go’aysa. Arrintani waxay Daaha ka rogeysaa sida foosha xun ee Turkigu ugu kala Eeexday Somaliland iyo Somalia, dhinaca Horumarka iyo Siyaasadeed. Hadaba la yaab ma ah in Turkigu iska fogeeyo Somaliland haduu u arkay in aanay Somaliland uga fulaynin Siyaasada Turkigu ka leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Carbeed oo Hirdan adag oo Siyaasadeed iyo Milatari uga dhaxeeyo Wadamada Khaliijka oo ay Somaliland Gacan Saar leeyihiin iyo Dowlada Turkiga. Waxaase la yaab leh in Turkiga oo ku Guuldareystay in uu Sakada uu bixiyo uu ugu Cadaalad falo Somalia iyo Somaliland, in uu hadana maanta isu soo sharaxo in uu ka Garnaqo arinta Masiiriga ah ee ka dhaxaysa labada Dal ee Somaliland iyo Somalia , Ayadoo waliba Umadda Reer Somaliland ogsoon yihiin Mudadii dheereyd ee uu Turkigu Gacanta ku Hayley arrintan, in uu si xun u shirqoolay Somaliland Indhaha Dunidana ka qariyey oo God dheer la galay Qadiyada Somaliland. Isla Markaana fulin kari waayey go’aankii kali ahaa ee mudadaa dheereyd ka soo baxa wada hadaladii uu hormuudka ka ahaa Turkigu ee ku saabsanaa arintii Maamulka Hawada oo Somalia markii Dambena ay ku Gacan saydhay Heshiiskii laga gaadhay arintaasi . Muumin laba Jeer God lagama wada Qaniino. Alla Mahad leh Ali Mahamed Waranade Sent from my iPhone Qaran News
  6. (SLT-Dubai)-Wargeyska The National ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay baahiyay qormo dheer oo uu kaga hadlay doorka Imaaraadka Carabta ee dalalka gobalka Geeska Afrika. Warbixinta ayuu wargeysku si shilis ugaga hadlay doorka uu Imaaraadka Carabtu kaga jiro nabadaynta gobalka Geeska Afrika iyo weliba horumarkiisa, waxaana warbixinta qayb ka ah maalgashiga ay shirkadda DP world ka samaynayso dekedda Berbera iyo saldhiga UAE ee Berbera. Warbixinta oo uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay, ayaa waxay u dhignayd sidan “Markii shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ee aduunka oo dhan maamusha dekedaha ay heshiis kula gashay Djibouti inay maamusho terminaalka konteenarada ee Dooraaleh sanadkii 2008, shirkado aad u yar ayaa maanka ku hayay inay maal gashadaan dalka yar ee ku yaal Geeska Afrika oo maanta hoy u ah saldhigyo ciidan oo ay ku leeyihiin Shiinaha, Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jabaaniiska. Waxaay ifa-faale u ahayd waa cusub oo u beryay siyaasadda arimaha debedda ee Imaaraadka Carabta oo ay geyaysiisay inuu muhiimad dhab ah ka yeesho Geeska Afrika oo dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah. Afarta dal ee ka kooban – Somaliya, Jibuuti, Eretriya iyo dalka xoogga badan balse aan badda lahayn ee Itoobiya- ayaa markaa ka ah ilaalo ganacsiga caalamiga ah. Muddo toban sanadood ah, dekeduhu waxaay qaabaynayeen is-bahaysiyada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska. Gobolka, oo mar ahaa ka ugu amaanka xun Afrika, xudunna u ahaa colaado hubaysan, waxaa u buuxsamay sanad la yaab leh oo nabad dhisid ah oo ku bilaabmay magacaabista Abiy Axmed loo magacaabay Raysal Wasaaraha Itoobiya bishii Abril, markaa joogintaanka Imaaraadka Carabtu wuxuu u muuqdaa inuu faa’iido soo celinayo. DP World hadda gacanta kuma hayso Dooraaleh. Bishii Feberwari dawladda Jibuuti waxaay keligeed dib ula wareegtay dekedii, taas oo kicisay dirir adag oo maxkamad la isku food saaray. Shirkadda dekedaha maamusha ee Dubai waxaay wacad ku martay inay isku gaynayso dhamaan wixii ay awooddo ee sharci u ogol yahay, welina murankii wuu sii xoogaysanayaa. Balse joogintaanka Geeska ee DP World kuma koobna Jibuuti oo keliya. Shirkaddu waxaay maamushaa dekedda istiraajiyad ahaan muhiimka ah ee Berbera oo ka tirsan Somaliland ta goosatay, taas oo ay rajaynayso inay noqon doonto albaab wayn oo laga galo ganacsiga bariga iyo badhtamaha Afrika. Meel ka sii durugsan halkaas, DP World waxay ka dhisaysaa Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo xarumo balaadhan oo saad (logistics). Sidoo kele, Imaaraadku wuxuu heshiis dhinaca beeraha ah la galay Uganda halka uu mid amniga ah la galay Eritriya. Sanadkan, Abu Dhabi waxaay u balan qaaday 11 bilyan oo Dirhan (2.99 Bilyan oo Doolar) dawladda Abiy Axmed. Sidoo kale Imaaraadku wuxuu dhex-dhexaadiyay heshiis guul ah oo dhexmaray Abiy iyo dhigiisa Eritriya, Isaias Afwerki, taas oo lagu dhameeyey dagaal 20 jir ah oo ka dhex jiray labada dal, tan oo kicisay mawjad nabadayn ah oo Geeska dhex qaady. Waxaay ahayd diyaarad Imaaraadku leeyahay tii gaysay weftiga Eritriya magaaladda Addis Ababa si ay wada hadalka uga qayb qaataan. Warbixin ay soo saartay Kooxda Xiisadaha Caalamiga ah bishii November waxaay ahayd mid amaan ah. Waxay sheegtay: “Imaaraadka iyo Sucuudigu waxay gaysteen taageero muhiim ah oo diblomaasiyadeed iyo maaliyadeed si looga gacan siiyo Eritriya iyo Itoobiya inay qaadaan talaabooyinka kowaad si ay dib ugu wada xidhiidhaan tan oo faa’iido u noqon karta xasiloonida guud ee Geeska.’ Caqligu wuxuu ina siinayaa maalgashiga maantu, berri ayuu faa’iido dhalaa. Itoobiya oo shacabkeedu yahay boqol milyan oo da’yar oo hal abuur ganacsi leh, waxaay durba qaaday dib u curasho dhaqaale oo uu hogaaminayo Abiy. Addis Ababa waxaay ku leedahay 19% saami ah dekedda Berbera, halka maalgelinta DP World ee $100 ka milyan ee dhaqalaha marinka isku xidha Berbera iyo magaalada Wajaale ee Itoobiya ay ay marag u tahay saamaynta Imaaraadku ku leeyahay dhaqaalaha gobolka. Maalgelinta balaadhan ee Geeska Afrika lagu sameeyey waxay wadataa halganka loogu jiro sidii loo ilaalin lahaa. Tan iyo sanadkii 2014, Imaaraadka Carabtu wuxuu lacag gelinayay Ciidanka Puntland ee Ilaalinta Badda kaas oo qabtay shaqo badan oo lagula tacaalayo budh-cad badeedka oo ay mar Somaliya isku magac ahaayeen. Si la mid ah, Imaaraadku wuxuu maamulaa saldhig ciidan oo ku yaal Assab, Eritriya, dhaqsona wuxuu mid la mid ah ka furi doonaa Somaliland, meel ku dhow dekedda Berbera ee ay maamusho DP World. Kadib markii jabhadda Xuutiyiintu ay afgenbiyeen madaxwaynihi Yeman Mansur Hadi oo ay qabsadeen caasimaddi Sanca, Imaaraadku wuxuu ku biiray is-bahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo si loo soo celiyo dalwadda la afgenbiyay. Iyada oo joogta Geeska Afrika oo 25 kiiloomitir keliya u jira marinka Mab al Mandeb, Imaaraadku wuxuu awood u yeeshay inuu qaabeeyo xidhiidhkiisa istiraajiyadeed iyo kaabayaal ee uu la leeyahay gobolka. Maanta ciidamada Imaaraadku waxaay joogaan saldhigiisa ku yaal Ereteriya halka ciidamada amniga gobolka ee uu taageero Imaaraadku ay ilaalinayaan badda xilli lagu jiro isku dayo Xuutiyiintu doonayaan inay bar-tilmaameedsadaan maraakiibta. Haseyeeshee, Abu Dhabi kuma aha keli xoojinta saamaynta lagu leeyahay gobolka, taas oo raad ku yeelanaysa wadamada gobolka ku yaal ee aadka u nugul. Faro gelin la mid ah oo ka timi wadamo kale sida Qadar iyo Turkiga ayaa sanadka dhex talaabiyay Somaliya xiisadda ka socota Gacanka [Carbeed]. Dawladda dhexe oo aan awood u lahayn inay gacan ka siiso goboladeeda badan halganka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa keentay in goboladeedii maalgelin iyo taageero ka raadsadeen debedda. Halka Imaaraadku uu maanta la leeyahay xidhiidh adag gobolka is-maamula ee Puntland iyo Somaliland, xidhiidhka ka dhexeeya Abu Dhabi iyo Muqdishu wuu xumaaday. Bilawgii bishii Abril, ciidamada Somaliya waxaay qabsadeen diyaaraad Imaaraadku leeyahay oo joogtay gegida diyaaradaha ee Muqdisho oo wada lacag dhan 35 milay Dirhan oo loo waday Ciidanka Puntland ee Ilaalinta Badda. Maalmo yar kadib, Qadar waxay saraakiisha maamulka gobolka Muqdisho ku wareejisay 30 bas iyo 2 wiish, taas oo sii shidaalisay eedaha ah in dawladda Somaliya laga maamulo Qadar iyo Turkiga oo is-bahaysi la leh, kuna leh caasimadda Somaliya saldhiga ciidan oo aad u wayn. “Taasi arin iska timi ma ahayn,” waxa sidaas u sheegay The National xiligaas Rashiid Cabdi, agaasimaha barnmaajika Geeska Afrika ee Kooxda Xiisadaha Caalamiga ah.” Source
  7. Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda ee uu waddo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Dr. Maxamed Biixi Yoonis, oo Djibouti ugu waramay weriye Cali-seenyo oo ka tirsan Saab TV, waxa uu ka hadlay shir uu Djibouti kaga qayb galay oo uu machadka Heritage qabtay, waxaanu ugu horayn yidhi “Fursada aanu helnay dadkayaga maanta halkan Isugu yimi waxaanu aad iyo aad u falanqaynay maxaa inooga soo bixi kara hadaynu nahay dadka afsoomaaliga ku hadla, waxaan qabaa hadaan nahay dadka Afsoomaaliga ku hadla gaar ahaan Somaliland iyo Jabuuti iyo Somaliyaba waxa alle ku maansheeyay bado, waxaana dadka inoo imanaaya ay u imanayaan muhiimada ay leedahay bogcada alle inagu beeray taas oo ay u arkaan dantooda ama xag dhaqaale ama dhan nabadgalyo ama horumar iyo khayraadka dalkeena yaala oo ay duruufaha badan ee ku xeeran Iiraan ama Shiinaha iyo Midowga Yurub iyo guud ganacsiga caalamka guud ahaan Maraakiibta ganacsiga oo halkan mara iyo dagaalada ka socda Yaman iyo wax lamid ah inay u arkeen in maanta inay u arkeen bogcadani inay tahay mid aad iyo aad u muhiim ah. Inaga laftigeenana ay inala gudboontahay in waxii aynu ka faaidaysan karno ee ah danteena iyo dhaqaalaheena, laakiin waxaad la socotaa in dadkii shirkan isugu yimi ay la socdaan in Somaliland iyo Somaliya laf dhabar wax alle iyo waxa ka dhacaaya Geeska Afrika iyo dhibaatada ka dhex taagan labada dal iyo nabadgalyo darada ka jirta Xamar in aan wax badan inoo suurto galayn. Arinkan laga hadlaayo ee la leeyahay is kaashiga ganacisga waa mid fiican cid diidaysaa ma jirto hasa yeeshee sida ay maanta Soomaali tahay wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa, wadamadan aynu jeerka nahay ee Itoobiya iyo Eratariya wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa waa iska laab la kac, waana dano aanay siyaasadi ka madhnayn, waxaan aaminsanahay in Somaliland iyo Somaliya aan arintooda la xalin in aanay wax badan ka qabsoomayn Geeska Afrika. Waxa jira heshiisyo uu raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya la galay Eratariya iyo Somaliya, ma u hirgalayaan haddii uu jiro khilaafkii Jabuuti iyo Eratariya? Waxaan qabaa saddexdan wadan ee isku tagay haddii ay taladoodu tahay saddexdeena ayaa wax wada qabsanayna waxbadan oo ka soo baxayaa in aanay jirin ayaa aniga ii muuqata, Jabuutina waa dad Soomaaliyeed waa dadkeenii oo waa kuwo waxtar badan u gaystay gaar ahaan Soomaaliya, walina aanay dhamaan nabadayntii Eratariya iyo Jabuuti oo xuduudo laysku hayo, haddii Somaliland iyo Jabuuti talada lagu dari waayo wax ka soconayaa runtii ma jirto, waxay noqonaysaa warqad qalin lagu saxeexay, shuruucdoodii ma dajisna oo wadano isku dheeli tiran maaha oo maanta wax wada gali kara. Imika Somaliland iyo Itoobiya haddii aynu ka soo qaadno waynu leenahay ganacsi laakiin maaha mid isku dheeli tiran inta badan inaga ayaa qaadkoodu inoo yimaadaa 700 oo malyuun oo doolar ayaa lagu tilmaamaa inay sanadkii Itoobiya inooga tagto, waxa ka yimaada sibidh iyo qudrad,maanta wax aan sheegi karno oo xageena ka tagaa ma jirto dabcana Somaliland waa rin u yaala in dib laysu eego oo aynu ku dadaalno sidii laysugu dheeli tiri lahaa, Jabuuti waa kadinka ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho, waana laga yaabaa hadii ay heshiiyeen Eratariya in ay Itoobiya badaha Eratariya isticmaali karto iyaga laftigooduna ay u arkaan in aanay beedkooda meel kaliya ku wada ridin meelo badan wax ka qabsadaan, waanad arkaysaa inay Berbera laftigeeda ay doonayaan inay wax ka qabsadaan oo ay saami ku darsadeen, ilaa imika Jabuuti ayay isticmaalayaan mudaanay jiraysaa,markaas Somaliland iyo Jabuutiba aad iyo aad ayay Itoobiya ugu baahantahay, Somaliland waxaan aaminsanahay inay tahay dal aan indhaa laga qarsan karin. Waxa ugu weyn ee shirkii ka soo baxay ee inaga iyo Somaliyaba guusha inoo ah in dadkii isugu yimi ee shanta gobal ay arkeen in Somaliland ay tahay muhiim, wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana laysku afgartay in dhaso loo bilaabo oo laysku wada raaco,madaxweyne Ismaacil Cumar Geelana waxaanu leenahay inaad arinkaas gacan ka siisyo. Barigii hore wada hadalada Somaliya ayaa dooni jirtay Siilaanyo ka hor ,maanta dhinicii kale ayay noqotay oo Somaliland ayaa doonaysa maxaa isbadalay? Waligayo waanu jeclayn in wada hadal lagu dhameeyo, waanad ogtahay aduunka dadka xurgufi ka dhaxayso ama doonaya inay kala tagaan ama wada joogaan wada hadal ayay ku dhameeyaan,waad la socotaa anigu waxana ahaa wasiirkii hogaaminayay wada hadalada waxaanu u arkaynay in aanay dhanka Xamar ka run ahayn,run ahaantiina wax waaweyn oo midho dhal ah kamay soo bixin. Somaliya hadaanay doonayna wada hadalo wax aanu u riixnaa ma jirto laakiin waxaanu aaminsanahay in ay wax iskaga kaaya xidhan yihiin oo wada hadalada aynu ku wada gaadhi karno xal. Intii uu raysal wasaaraha cusubi Itoobiya yimi maxaa iska badalay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya? Dadka qaar waxay u fasirayaan in Abiy Axmed uu doonayo in dawlada Somaliya midnimadeeda la ilaalinaayo laakiin anigu ma qabo aduunkuna waa dano Itoobiyana dan weyn ayay ku qabtaa Somaliland kaadhadh badan oo ay ciyaari kartaa way jiraan, Somaliland way ku dadaalaysaa cilaaqaad wanaagsan horena cilaaqaad wanaagsan ayaanu la lahayn dawlada Itoobiya imikana aanu la leenahay, waxaan qabaa in goor ay noqotaba ay Somaliland iyo Itoobiya ay isku iman doonaan oo ay ka wada hadli doonana danaha ka dhaxeeya waad ogtahay oo dekedii ayay xiisaynayaan oo lacag badan oo Somaliland ka timaadaana waxay tagtaa Itoobiya, waxaan filayaa inay danteeda eegayso oo aanay Somaliland ahayn wadan sidaas lagu ilaabi karo. Doorashooyinkan dib u dhacay siyaasiyan maxay ku keeni kartaa Somaliland? Somaliland waxay ku caano maashay oo lagu yaqaanay inay doorasho samayso,doorashooyinka aynu samaynayna waxay inoo keeneen karaamo iyo sharaf waxa nasiib daro ah in baarlamaankeenii uu maanta maraayo dhawr iyo toban sanadood caqabado badan oo maanta haystaana way jiraan ama saami qaybsi ama komishanka dabcan dib u dhac kasta oo inagu yimaadaa waa uu ina wiiqayaa, waa in dhakhso loo qabto doorashooyinka oo casharkaas aynu caalamka tusnay in aynaan lumin arinkuna noqon mindi mindi ku taag ee xal la raadiyo waara oo ka dhaxeeya dawlada iyo asxaabta. Source Geeska Africa Qaran News
  8. Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa soo saaray qoraal digniin ah oo ka kooban 7 qodob oo kan ugu weyn uu yahay in wasiiradda xukuumada Soomaaliya aysan tagi karin Puntland. War-Saxaafadeed ay Guddiga amniga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga, waxaana qodobada ku jira in Madaxda Dowladda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka. C/Welli Gaas ayaa walaac xoogan ka qabo in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo badan ku bixiso Doorashada dhawaan ka dhaceysa magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. A charity rescue vessel carrying 311 mainly African migrants plucked off Libya docked in Spain on Friday, ending a traumatic journey which saw them spend Christmas at sea and several European nations denied the ship entry. The migrants cheered and applauded as the vessel docked in the port of Crinavis near the southern city of Algeciras. Proactive Open Arms, the Spanish charity which runs the Open Arms vessel carrying the migrants, feted the arrival with a “Mission accomplished” tweet. The migrants come from 19 different countries, including Somalia, Syria and the Ivory Coast. More than a third of them, 139, are minors. By early afternoon all of the migrants had disembarked from the boat and received clothes and food, as well as medical tests if required, from Red Cross officials. Women and children left the boat first. “They are in good health in general,” said Inigo Vila, who is in charge of emergencies for the Red Cross in Spain. Police will identify the migrants before moving them to shelters. The migrants were rescued on December 21 from three vessels but were denied entry by Italy and Malta. Libya, France, and Tunisia did not respond to Proactive Open Arms’ requests for permission to dock, Madrid said. On Saturday, a newborn baby and his mother were helicoptered from the boat to Malta, while 14-year-old suffering from a serious skin infection was taken to the Italian island of Lampedusa. ‘Lives in danger’ Photos and videos posted by the charity showed the rest of the rescued migrants celebrating Christmas at sea listening to music and singing. Some children wore red Santa hats as they huddled together on the small ship. “We are talking about lives in danger, of people who need help. And it is really deplorable to have to travel for eight days at sea to take them to a safe port when international rules say to go to the nearest safe port,” said Proactiva Open Arms founder Oscar Camps. Proactiva Open Arms operates in the sea between Libya and southern Europe, coming to the aid of migrants who get into difficulties during the crossing from northern Africa. This was the first time since August that Spain has allowed a charity rescue ship to dock and unload migrants in the country. The Open Arms resumed its Mediterranean patrols off the Libyan coast in late November, along with two other boats run by migrant aid groups. It suspended its missions in August, accusing governments — and hardline Italian Interior Minister Matteo Salvini by name — of “criminalizing” migrant rescue charities. Salvini has denied the groups access to Italy’s ports, accusing them of acting as a “taxi service” for migrants. Malta too has been increasingly unwilling to host rescue vessels. “Your rhetoric and your message will, like everything in this life, end,” Camps told Salvini on Twitter earlier. “But you should know that in a few decades your descendants will be ashamed of what you do and say.” Another ship still stranded The UN Refugee Agency meanwhile said Friday it was “concerned” for 32 migrants rescued by German NGO Sea Watch off the coast of Libya on December 22 and called for “their timely disembarkation at a nearby safe port”. Sea Watch’s ship was on Friday also looking for a boat carrying around 75 migrants which the Italian coastguard said was in distress off Libya, but has so far failed to find it, a spokeswoman from the charity said. The Libyan coastguard refuses to speak to Sea Watch and it was not clear if the migrants have already been rescued or if it was a false alarm, she added. More than 1,300 migrants have perished trying to reach Italy or Malta since the beginning of the year, according to the International Organization for Migration. That makes this stretch of the Mediterranean the most deadly for migrants attempting to cross to Europe. Spain meanwhile has become Europe’s main entry point for migrants this year, overtaking Greece and Italy. More than 56,000 migrants have arrived in Spain by sea this year, and 769 have died trying, according to the IOM. The post Boat with 311 migrants docks in Spain appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Maamulka Puntland ayaa goor dhow sheegay in deegaannada maamulkaasi laga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda federaalka sida wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo howlwadeennada Villa Soomaaliya inta ay socoto doorashada Puntland iyo isku diyaarinteeda. Go’aankan waxaa kaloo ku jira in mudada doorashada aan Puntland lasoo gelin karin lacag kaash ah, islamarkaana lacagtii la qabto lala wareegi doono. Qodobada hoos ka akhriso: 1 – in cid aan aheyn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland mudada doorashadu socoto. 2 – inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay iney soo galaan shaqalaha DFS Sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya. 3 – inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan Garoomada Diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gal Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa 4 – in diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo Degin Garoomada Puntland. 5 – si loo sugo amaanka xiliga Doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland 6 inaan wax agab Ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland. 7 inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal usan ogeyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Puntland ayaa sheegtay in ay mamnuucday inta doorashadu socota shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya sida Wasiirada, Agaasimayaasha ,Saraakiisha ciidanka iyo howl-wadeenada Madaxtooyada. War ka soo baxay Guddiga amniga doorashada uuna ku saxiixnaa wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad ayaa lagu sheegay go’aankan iyo sidoo kale go’aano kale oo la xiriira doorashada la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019. Go’aanada ka soo baxay Puntland 1 – In cid aan ahayn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland ee Garowe mudada doorashadu socoto. 2 – Inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay inay soo galaan shaqalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirada, Agaasimayaasha, Saraakiisha Ciidamada iyo howl-wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya. 3 – Inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa 4 – In diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo degin garoomada Puntland. 5 – Si loo sugo amaanka xiliga doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland 6 – Inaan wax agab ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland. 7 – Inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal uusan ogeyn. PUNTLAND POST The post Puntland oo mamnuucday shaqaalaha dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  12. Dowladda Puntland ayaa mamnuucday inta doorsshadu dhacayso in ay Puntland yimaadaan saraakiisha villa sida wasiiradda. saraakiisha ciidanka iyo howlwadeeda Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale in aan [...] Source
  13. Magaalada Bosaaso goor sii horayasay waxaa lagu dilay mid kamid aha haweenka canshuurta u uruuriya dowladda hoose ee degmada Bosaaso . Kooxo Baastoolado ku [...] Source
  14. Somali military court has executed suspected Alshabaab member who assassinated popular cleric in Baidoa last year. Mohamed Adan Ali Barrow was killed via firing squad in Baidoa, the interim administrative capital of Southwest state of Somalia on Saturday morning. He was found guilty by the martial court for manslaughtering Sheikh Mader Madgab Aliyow inside Baidoa mosque on 15th of June last year. The court said he was a member of the armed group Alshabaab. The execution was witnessed by the chair of Somali military court colonel Hassan Alinur Shuteye. Somali military court carried out trials related to terror in recent years and it has tried hundreds of suspected Alshabaab militants including senior officials to the death sentence. The human rights organizations to stop the death sentence. The post Somali military court executes alleged Al Shabab member in Baidoa appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maalmo kooban ay ka harsan tahay doorashada maamulka Puntland oo inka badan 23 Musharax ay u taagan yihiin xilka madaxweynaha Puntland. C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa kamid ah musharixiinta Tartameysa, waxaana uu ka baxay balan uu seddex jeer horey u qaaday oo ahaa inuusan markale xilka madaxweynaha isku soo sharaxi doonin. 10 Maalin kadib doorashada madaxweynaha ayaa ka dhaceysa magaalada Garowe, waxaase ka horeeya 7 Maalin kadib doorashada guddoonka baarlamaanka ee ka dhaceysa magaalada Garowe. Waxaa wali si muuqata aan loo ogeyn galaangalka dowladda Soomaaliya ay ku leedahay doorashada Puntland, si lamid ah sidii loo ogaa doorashada maamulka Koofur Galbeed ee uu kusoo baxay Lafta Gareen. Dhowr Arimood oo isbiirsaday ayaana keenaya in xiligaan aan la ogaan shaqsiga dowladda taageersan tahay, arinta Koowaad ayaa ah doorashada tirada badan ee ka dhaceyso Garowe, oo dowladda Soomaaliya aysan awoodin in dhinac walbaa dhaqaalo gooni ah aysan ku bixin. Tusaale ahaan: Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka, Ku xigeenadiisa, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhaceyso magaalada Garowe, waxaana adag in dhaqaalo badan halkaasi lagu bixiyo, iyada oo laga yaabo in doorashada madaxweynaha ama ku xigeenkiisa Dowladda xooga saarto. Waxaa horey usoo baxay in dowladda ay wadato Musharax Jibiye, kadib markii gaari xabadda aysan karin uu kala dagay magaalada Garowe, balse isaga ayaa beeniyay hadal heyntaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda heysata taageerada maamulada Hirshabelle iyo Koofur galbeed, waxaana muuqata in si hoose loo xalinayo xiriirka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya, waxaana kaliya u haray inay hesho taageerada Puntland iyo Jubbaland. C/Welli Gaas oo baqdin ka qaba dowladda Soomaaliya ayaa dhigay garoomada diyaaradaha Puntland ciidamo gaar ah oo ka hortaga dhaqaalo si toos ah garoomadaasi looga soo dajiyo. Shaqsiga kusoo baxa doorashada Puntland ayaa laga ogaan doonaa inay dowladda ku guuleysatay ka adkaashaha C/Welli Gaas iyo inkale. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan gudaha magaalada Muqdisho. Kulankan oo qeyb ka ah Kalfadhiga afaraad ee Golahaaasi ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada BFS uu hortago wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle. Xubnaha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiin doona Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka, taas oo looga fadhiyo in ay si deg deg ah ku meel mariyaan. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa hakad ku jiray kulamada Golaha Shacabka, kadib khilaaf xoogan oo hareeyay Golahaasi. The post Golaha Shacabka Oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Spain (Sh. M. Network )-Markab sida Muhaajiriin gaaraya illaa iyo 311 Qof oo Soomaali iyo Siiriyan u badan ayaa ku xirtay xeebaha dalka Spain, kadib markii laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean ee isku xirta dallka Libya iyo Yurub. Dalal dhowr ah ayaa la sheegay in ay diiden in ay aqbalaan Muhaajiriintani oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Siiriya iyo Ivory Coast. Markab gargaar oo laga leeyahay dalka Spain ayaa la sheegay in uu soo samata bixiyay Muhaajiriintaasi, kuwasi oo Badda ku safray intii lagu guda jiray Ciida Kirismaska. Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in Muuhaajiriintasi la gaarsiiyay cunto iyo dhar, islamarkaana mara koowaad Haweenka iyo Caruurta laga saarayo Markabka Maraakiibta Spain ayaa tan iyo 21 bishani soo badbaadiyay 3 Doomood oo ay saarnaayeen Tahriibayaal, kuwaasi oo ay diideen in ay qaabilaan dalalka Talyaaniga iyo Malta. The post Spain Oo badbaadisay Muhaajiriin u badan Soomaali appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Turkiga ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya arin la xiriirta wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Turkey Maxamed Cabdullaahi Jaamac, ayaa shaaciyay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa dalkaasi kula kulmay danjirihii hore ee Turkey u qaabilsanaa Soomaaliya Olgen Bekar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo wadahadalada ay u jiraan. Danjiraha ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdo wadahadalkii Somaliland, isaga oo sheegay in wadahadalka wax badan lagu dhameyn karo. Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa ka jawaabay dalabka safiirkii Turkey ee Muqdisho, waxaana uu sheegay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalka labada dhinac. Wuxuu dhankiisa Olgan Bekar uu balan qaaday inuu door weyn ka ciyaari doono wadahadalka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale dalbaday in sidii Muqdisho loogu soo dhaweeyay looso dhaweeyo safiirkii isaga badalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Xaaska Obama oo ka qaaday Hillary Clinton koobka “haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Mareykanka” Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka Michelle Obama ayaa waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi. Mrs Clinton, oo horay ugu tartantay madaxtinimada Mareykanka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iyo marwadii hore, ayaa kaalinta saddexaad hoos ugu dhacday codbixinta Gallup ee sanadkiiba mar la qabto, iyadoo kaalinta labaad ay soo gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey. Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad. Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976. 1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan. Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Michelle Obama – 15% Oprah Winfrey – 5% Hillary Clinton – 4% Melania Trump – 4% Queen Elizabeth II – 2% Ninka loogu qadarinta badan yahay Barack Obama – 19% Donald Trump – 13% George W Bush – 2% Pope Francis – 2% Bill Gates 1% Mrs Clinton, oo horay u soo noqotay senator xisbiga Dimuqraadiga ah iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka 2016-kiina u tartantay Aqalka Cad ayaa kaalinta koobaad ka gashay codbixintan 22 jeer oo ay ku jiraan 17 sanadood oo xiriir ah. Walow Oprah Winfrey aanay weligeed gelin kaalita koobaad haddana waxa ay kaalinta labaad soo gashay 14 jeer. Haddii Mr Obama uu kaalinta koobaad soo galo sanadka soo socda waxa uu la siman doonaa madaxweynihii hore Dwight Eisenhower kaas oo biladda ninka loogu qadarinta badan yahay ku guulaystay 12 jeer, Gallup ayaa sidaasi sheegtay. Mr Trump ayaa ilaa iyo haatan ah mid ka mid ah labada madaxweyne ee aanan biladdan ku guulaystay iyagoo xilka haya, madaxweynaha kale ayaa ahaa Gerald Ford. Gallup ayaa waxa ay sheegtay in codbixintan la qaaday intii u dhaxaysay 3-12 bisha Diseembar Qaran News
  20. (SLT-Hargeysa)-Dawlada Turkiga ayaa waxaa ay ergay gaar ah u magacowdey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo hada ku jira hakad sidaas waxaa wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey Ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah . Danjire Dr Olgan Bkar oo ahaa safiirkii Turkiga u qaabilsanaa Somaliya oo ay bishan ka dhamaatey mudaadiisii xil hayneed , ayaa markii uu ku noqdey dalka Turkiga waxaa loo magacaabey Ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya . Safiirka Somaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamax A. Maxamed ayaa danjire Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay , waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaliga ahi ku qoray bartiisa Twitter ka ku sheegay in dawlada Somaliya ay danjire Dr Olgan Bekar ka tageeri doonto hawsha cusub ee wada hadlaada Somaliland iyo Somaliya ee lo magacaabey “ Farxad ayey ii aheyd in Danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara” ayu yidhi isaga oo raaciyey intaas na “ waxuu qiimo u lahaa xidhiidhka Somaliya iyo Turkiga ,waxaana aan u balan qaadayaa Taageerada xilkaas ah Ergayga cusub Ee Turkiga ee wadahalada Dawlada Somaliland iyo Somaliya “ Xukumada Somaliland ayaan wali ka hadal magacaabista ergeygan Turkiga . Waxaa se lays weydiinayaa Doorka Turkigu ku leeyahay wakhtigan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo istaagay iyadoo Somaliland ay hore u sheegtay in aaney la dhacsaneen Dhex dhexaadinta Turkiga ee wada hadalada labada dal . Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii sanadkan intii aaney wada hadaladu bur burin waxaa ay isla garteen in Jabuuti ay ku yeesheen kulan taah furis loogu sameynaayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Moqdisho . Biixi iyo Farmaajo ayaa sidoo kale iyadoo ay dibloomasiyiin shisheeye ku kala dab qadayaan waxaa ay isla garteen in Switzerland marti galiso wada hadalada lagana soo wareejiyo Turkiga . Turkiga ayaa la sheegay in aanu jeclaysan Talaabada lagaga soo wareejinaayo Wada haladada waxaana uu xidhiidh la soo sameeyey Somliland iyo Somaliya , lamana se oga in Turkigu uu hada go,aansadey in uu soo ceshado doorkii uu ku lahaa wada haladaas , iyo in uu doorkiisii fudeydinta madasha wada hadalada u bedelo door dhex dhexaadin Source
  21. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay nin ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo horey dil uga geystay magaalada Baydhabo ee xarunta KGM ee Koonfur Galbeed. Marxuumka dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Boorow,kaasi oo la sheegay in Masjid ku yaalla magaaladaasi uu ku dilay Sheekh Madeer Madgaab oo ka mid ahaa culimaa’udiinka caanka ahaa ee magaaladaasi Baydhabo. Goobta xukunka dilka ah uu ka dhacay waxaa ku sugnaa guddoomiyaha Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo guddoomiyhaha maxakamadda Sare ee ciidanka Qalabka sida Liibaan Cali Yarow. Muumin Xuseen C/llaahi oo ka socda Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa ka hadlay xukunkaasi dilka ah oo maanta ay fuliyeen. “Shabaab Maxamed Aadan Cali(Boorow) 24 ina Khadiijo Macalin Maxamed ku dhashey Bokool waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeyey in isagoo ka tirsan Alshabaab uu Masjidka Sheekh Aadan War-iisha,Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,taariikhu markay ahayd 16/6/2017,dilkaasi oo ka dhacay degmadan Baydhabo,taariikhdu markay ahayd 21/6/2017 waxay maxakamaddu ku xukuntay dil toogasho,racfaan ayuu ka qaatay xukunkaasi,5/72017 Maxakamadda ciidanka qalabka sida waxaa ay markale u fariisatay dacwadiisa waxaana lagu xukumay diltoogasho ah,maadaama ay ku cadaatay in uu dil barer ah uu u geystay marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,maanta oo taariikhu ay tahay 29/12/2018 waxaa lagu fuliyay xukunsanahay xukunkii dilka ahaa,Wabilaahi Towfiiq”. Ayuu yiri Muumin Xuseen C/llaahi. The post Maxkamadda CQS Oo xukun dil ah ka fulisay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Xaaladda gobihii shalay lagu dagaalamay ayaa wali xiisad ay ka taagan tahay, waxaana dhinacyada dagaalamay lagu waramayaa inay isku horfadhiyaan Kaxandhaale. Dagaalkii ugu xooganaa ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan u dhow Kaxandhaale oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa bilaabay inay dhexdhexaadiyaan maleeshiyaadka dagaalamay oo isku qabsaday dhul daaqsimeed, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan labada dhinac. Maleeshiyaadka ayaa helay gurmaad miyiga fog kaga imaanaya, waxaana mar walbaa laga baqayaa in dagaalo ay dib kaga qarxaan deegaanka Kaxandhaale iyo deeganadii shalay lagu dagaalamay. Inka badan 25 ruux ayaa la sheegayaa inay iska dileen labada Maleeshiyaadka oo dagaalamaya ku dhawaad seddex maalin. Dhaawacyada qaar oo halis ah ayaa la geeyay Dhuusomareeb iyo xarumo kale, waxaana jira dhimasho badan oo ka dhalatay dagaaladii ugu dambeeyay ee labada maleeshiyaad dhexmaray. Madaxda Galmudug iyo xildhibaanada baarlamaanka ee deegaanadaasi kasoo jeeda ayaa dalbaday in dagaalada la joojiyo, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qaadato dadaalada nabadeed. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  23. Xog Xasaasiya:DP World oo bedeshay qorshihii dekeda Berbera+Ethiopia oo caqabad ku noqotay… Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekedda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in DP World aysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa. Sida aan xogta ku helnay,kulan uu guddoomiayahaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayam la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo. Sultan Ahmed ayaa Muuse Biixi u sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kelyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera. Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Dekeda Berbera. Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab maadabay ka gaws adegtay codsi ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda Killilka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera. Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assab ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo. Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018. Xogta Warbaahintu heshay ayaa sidoo kale sheegeysa in tan iyo markii uu yimid xafiiska Abiy Ahmed uu diiday dhowr codsi oo uu Muuse Biixi doonayey inuu kula kulmo. Muuse Biixi ayaa la sheegay in wasiirkiisa arrimaha dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka labada ka codsaday inay la tashadaann Axmed Cusmaan oo ah dhaqaalyahan reer Somaliland ah oo ka shaqeeya Bankiga Adduunka, si loo eego fursadaha u furan oo ay Somaliland sameyn karto. Si kastaba, Muuse Biixi ayaanay u furneyn albaabo badan oo uu go’aan ku qaadan karo, maadaama Imaaraadka Carabtu Bishii siiyaan 4 milyan oo dollar oo Kab miisaaniyadeed ah, islamarkaana ay 7 milyan ku bixiyeen ololihiisa doorashada. Qaran News