Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,177
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug oo shir jaraa’id qabtay sabtidii ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalka ka socda agagaarka Maxaas, isaga oo soo-jeediyey in xabad $1 joogta aanu dhimman wiil 20 jir ah, lana joojiyo dirirta ay ku dhimmanayaan dadka walaalaha ah. Dhinaca kale, Xaaf waxaa uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah faro-gelin“Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, Galmudug 19-kii bilood ee ay jirtay waxaa la dagaalamayey dowladda federaalka ah, wixii aan qabanana feer iyo haraati baan ku qabaneynay, xoog iyo innaga oo lugaha iyo gacmaha nala heysto, innaga canshuurtii waa nalaka joojiyey, tii adduunka waa nalaka joojiyey, waxaa nooga sii daran maalin walba waxaa la soo diraa guddi fitno wado”. Madaxweyne Xaaf waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay wyfuud ay dowladda u direyso maamulkiisa iyada oo aan lagala tashan, wuxuuna xusay in aanay waxbo soo kordhin karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-301218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada kumaandooska ee Dowladda iyo ciidamada dowladda Mareykanka ayaa weerar qorsheysan oo ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab waxay ka fuliyeen gobolka JUbbada Dhexe. Weerarka qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab. Taliyaha guutada 43 ee ciidamada xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud “Bogmadow” ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in ciidamada DANAB oo taageero ka helaya ciidamada Mareykanka ay howlgalkaasi fuliyeen. Xarun tababar oo ku taala degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayuu sheegay in weerarka lala eegtay, waxaana uu sheegay inay ku dileen ku dhawaad 30 dagaalame oo Al Shabaab ka tirsan. Dadka weerarka lagu dilay ayuu General Bogmadow sheegay inay ku jiraan Afar sargaal oo labo kamid ah ay u dhasheen dalalka Libya iyo Syria, sida uu hadalka u dhigay. Labada ruux ee ajaaniibta ah ayuu ku sheegay in lagu kala magacaabo Aweys Abuu Xamsa oo heysta dhalashada dalka SYRIA iyo Xasan Abuu Yahya oo heysta dhalashada dalka LIBYA. Ma jiro wax war ah oo dhanka Al Shabaab ilaa iyo hadda kasoo baxay. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  4. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta oo ah axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, cod gelin-doona miisaaniyadda sanadka. Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka, sida uu sabtidii sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada. Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar aad looga hadal hayay baraha Bulshada oo la xiriira in xilka laga qaaday madaxa xukuumadda Galmudug. Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay in xilka laga qaaday madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa sidan. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay Facebook la wareejinayaan qolyaha diidan jiritaanka iyo hormarka Galmudug kaas oo ah in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu xilkii ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir. Waxa uu xafiiska Madaxweynaha Galmudug u xaqiijinaya shacabka reer Galmudug in ay waraaqda la wareejinayo Facebook been abuur tahay Dacaayadaas raqiiska ah ee qolyaha naf la caariga ahi wareejinayaana ay ku diidanyihiin Hormarka Galmudug Ma jiraan wax xil ka qaadis ah waana been abuur waxa jira qolyo isku dayaya in ay qalqal galiyaan Galmudug balse waan la xisaabtami doona dadka doonaya in ay fidnada iyo qalqalka ka dhax abuuran Galmudug mana aqbali doona in sidaa daciifka ah looga faa’iideysto in qalqal la galiyo jiritaanka iyo masiirka Reer Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  6. Akhri Oo Ka Bogo Gabaygii Loogu Hadal Haynta Badnaa Todobaadkan Ee Loo Tiriyay Madaxweyne Muuse Biixi Waxaanu Halkan Akhristayaashayada ugu soo gudbinaynaa Gabay Qoraal ah uu todobaadkii hore u tiriyay Madaxweyne Muuse Biixi Masuul Xisbiga Kulmiye ka tirsanaa oo aad ugu soo ololeeyay Wakhtigii Doorashada Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday Dabayaaqadii sanadkii hore ee 2017-Kii, Waxa uu masuulkani Madaxweynaha kula garnaqsaday Gabaygan isagoo kusoo qaatay waayihii iyo dhacdooyinkii uu kala soo kifaaxay Wakhtigii Doorashada. Cismaan Axmed Maxamed ayaa sida aanu warbixin ku helnay inmuddo ahba saluugsanaa Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo si xor ah warbaahinta uga tabiyay ku qanacsanaan la’aanta ka haysata hanaanka uu Madaxweyne Muuse Dalka ku hogaamiyo, waxaanay taasi keentay in isaga iyo laba masuul oo kale laga eryo Xisbiga Kulmiye. Waxa uu markii ay soo baxday Warqadda Lagaga caydhiyay Xisbiga uu tiriyay gabay si weyn u soo jiitay Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana uu noqday gabaydii todobaadkii hore illaa hadda loogu hadal haynta badan yahay ee loogu daawashada badan yahay, islamarkaana si weyn loogu qaadaa dhigay Baraha Bulshada. Gabaygani waxa uu ku bilaabmayaa sidan: “Tan iyo xiitaa markii uu ahaa Gaban yar oo Xuur ah, Xadhiguu maroorsho iyo nin uu Xiribo mooyaane. Isagaan Xarrago dir u lahayn Xeerna laga tuugin Oo aan awoowgii Xukumin xayn yar oo Gibil ah Ninkii aan Xariirta u goglay ee Xumaha ii quudhay Hadaan Muuse Xayraan aqaan Xil uma dhiibteen eh Xaashe ah waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday. Xafiiskii Kulmiye maalintii la isku Xayndaabay Nin waliba Xigaalkii Markuu Xarunta Soo dhoobay Isagoo Xigaal iyo Tol iyo Xididba soo waayay Oo uu raggii Cid ugu xigay Muuse ka Xanaaqay Anigaan Xisaabtamin Ninkaan Xerada Soo gooyay Ee aan Xoolahayga iyo Nafta Ee Aan Xoogba ugu deeqay Xadigaad ogaydeen Ninkaan Foodka u xambaarshay Ee aan Xaafadayda iyo Tolkay uga xuluuleeyay Haddaan Muuse Xayraan aqaan, Wax uma dhiibteen eh Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday Xadka Durugsan, Xeebtii Sanaag, xarunta laascaanood Xiis illaa Maydh ninkaan Orod u xiimaayay Xirsi iyo Samaaleba ninkaan Xawda uga gooyay Ee aan Xaasidkii Yoonis iyo Xulufadii u laayay Ninkii aan u xarimay Faysal iyo Odaygii Xiirnaaba Xisbiyadda iyo Reeraha ninkaan kala xabaal seegnay Hadaan Muuse Xayraan aqaan, Xil Uma Dhiibteen eh Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Wadaye. Sidii Baarqab Xer u dhalan ah oo Xiite lagu quudshay Oo Geelaha Xaaskiyo Nirgaha kala xaraasaaya Ama farax Xaraan ah oo inbadan xawli u ordaayay Xayaysiiska Qaylada markaan xarakadaynaayay Sidii Aar xabaabsaday ninkaan abbur ka xooraayay Hadaan Muuse Xayraan aqaan xil uma dhiibteen eh Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday. Isaga iyo Xigaalkii markuu Xukunka doonaayay Wuxuu Xeerkii noo yiil ahaa inaan Xujaynaaye Xarfo adag intay kaga qoreen Xaashidiyo Buugga Waa tay Xisbiga Maalintii nagu xumeeyeen eh Xaq waxaan u leeyahay Ninkaan uga xishoonaayay Markii aan xisaabtamay Hadduu ii cuskaday Xeerka Xisbi furanayaa iyo WADDANI kaga xeroonaaba Xalku wuxuu uyaala maanta waa Habar xabuusheed eh Xinjir bururtay Nimanbaa ka baqa dhiigga xawda leh Xabad iyo Markay Qori tagto eey xaaladu adkaato Ee ay talo xadhaadhaato yaan Xiniinyo yeeshaaye Waxan ahay Xadiid aanu Karin Xanan la qiijaaye Xaqna waxaan u leeyahay majiro nin iga xoogaaye Waligoodba xadhig laguma dayin Xaafaddaan ahaye Xamil waran Muusaw rag waa is Xiniinyo taabtaaye”. Qaran News
  7. Amb.Axmed Safiina: Masuul Dhallinyaro Ah Oo Tusaale Ugu Filan Jiilka Cusub Ee Muwaadiniinta Ah Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Waddamada Islaamka Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo hore u ahaan jiray Wakiilka Arrimaha Xajka ee Somaliland u fadhiya waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid yahay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee reer Somaliland ee firfircoon inta badan isku hawla arrimaha khuseeya Qaranka. Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) mudadii xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin talada dalka haysay waxa loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Xajka oo uu wax badan ka soo qabtay isaga oo lagu xasuusto wax-qabadkiisii la xidhiidhay Arrimaha Xajka iyo sida uu uga hawl galay wax badana ugu qabtay Xujaajta reer Somaliland ee soo gudata acmaasha xajka halkaasi oo lagu bartay sidii cajiibka ahayd ee uu uga soo hawl galay waddanka Sucuudiga. ku koobnayn muddodaasi dhinaca Arrimaha Xajka ee wax badan ka qabtay xidhiidhka Somaliland iyo boqortooyada Sucuudiga. Markii uu xilkaasi iskii uga tagay isaga oo ka mid ahaa xubno badan oo xukuumaddaasi ka tirsanaa oo saluug ay ka muujiyeen qaabkii wakhtigaasi loo maareeeyey doorashadii xisbiga KULMIYE waxa uu Axmed Aadan Dagaal (axmed Safiina) markii dambe si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Mucaaridka Somaliland ugu weyn ee WADDANI waxaanu Guddoomiyaha xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) u magacaabay Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Waddamada Islaamka isaga oo dardar galiyey arrimihii uu awalba ka shaqaynayay ee la xidhiidhay dalalka Carabta gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) kuma koobnayn wax ka qabashada xisbiga WADDANI ee uu ka tirsan yahay balse waxa uu mar walba ka shaqeeyaa sidii uu dalkiisa wax ugu qaban lahaa isaga oo axsaab mucaarad iyo xukuumadba mar walba ku garab joogsada wax kasta oo uu ka qaban karayo arrimaha horumarinta dalkiisa Somaliland waxaanu inta badan meel kasta kaga hawl galaa isaga oo ah aqoonyahan firfircoon oo qaddiyadaha dalkiisa wax badan tara. Kulamada is daba joogga ah ee uu la yeesho madaxda carabta, gaar ahaan shirarka iyo kulamada uu ka qayb galo waxa uu mar kasta ka keenaa fursado dalka waxtar ugu filan waxaanu fursad kasta oo uu soo jiido la xidhiidhaa cidda ay khusayso isaga oo aan ku koobnayn xisbigiisa WADDANI balse xukuumadda iyo muwaadiniintaba kala shaqeeya. Toddobaadadii ugu dambeeyey Ambassador waxa uu magaalada Jeddah kaga qayb galay kulan ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayay Carwo dhinaca buugaagta ah oo uu ka mid ahaa dadkii sida rasmiga ah loogu marti qaaday. Mudadii uu kulankaasi ballaadhan iyo carwadaasi buugaagta ee lagu qabtay Magaalada Jiddah uu halkaasi kula kulmay masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Amiirka Gobalka Makkah AL Mukarama ahna Lataliyaha gaarka ah ee Boqorka Sacuudi Carabiya Amiir Khaalid Al Faysal Bin Cabdi Casiis Ala-Sacuud kaasi oo isagu rasmi ahaan xadhiga uga jaray INTERNATIONAL BOOK FIAR JEDDEH. Kulankaasi waxa kasoo qayb galay koox wasiiro ah, waxana lagu soo casuumay 40 dawladood oo dunida ah iyo marti sharaf sare oo Axmed safiina kamid yahay. Sidoo kale Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) waxa uu dhawaan xukuumadda Somaliland iyo Xisbigiisa WADDANI-ba ku wareejiyey Diiwaanka Barnaamijka Al Xawkama Al Bankiya. Axmed waa nin dhallinyaro ah oo aqoon badan lehna saqaafad sarraysa kana mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ay u kala caddahay qaranimada iyo danta gaarka ahi isaga oo wakhtiga intiisa ugu badan ku qaata sidii uu qarankiisa ugu adeegi lahaa Qaran News
  8. Xasaasi:Sababaha Maxamed Bin Salmaan ku jeclaadey Israel Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu aaminsan yahay in Israel ay meteleyso dal aan Carab ahayn oo muhiim u ah sida aragtidiisa ah in gobolka is dhexgalo, waxaa qortay jariidadda Jerusalem Post. Bin Salmaan waxa ay isaga u tahay, isaga oo dareensan xiisadda taariikh ahaan kacsan ee gobolka, in Israel muujisay iyada oo adeegsaneysa awoodeeda iyo go’aamadeeda ka dhanka ah cadawgeeda, in ay tahay saaxiib la’isku haleyn karo marka uu la tacaalayo cadawgiisa. In dalka sidaas u yar badbaado isaga oo ku dhex jira dagaal heerka xagjirnimadiisa aad u sarreeyo ee uu kala kulmo quwadaha dariska la ah waxa ay horseeday in ay Carabtu marna jeclaadaan, marna naceyb u qaadaan Israel. Bin Salmaan, oo ah mid waaqici ah, waxa uu jeclaaday ruuxiyadda dowladda Yuhuudda, waxa uuna raadinayaa qaabab uu isugu xiro awoodaas oo uu uga faa’ideysto siyaasaddiisa ku salaysan naceybka, iyo aragtida siyaasadeed ee Islamka ee gobolka. Taas waxaa dheer, in uu jiro dareen lagu jeclaaday Yuhuuda, sida uu aaminsan yahay Bin Salmaan, oo ah in dowladooda ay tahay midda kaliya ee Bariga Dhexe ee haysata rikoor ay uga guuleysato cadawgeeda xataa haddii ay ahaan lahayd adeegsiga weerarro iyo cudud Militari iyada oo aan dhag u dhigin cambaareynta caalamka. Duqeymihii ay dhawaan ka gaysatay xarumaha Iran ee dalka Suuriya iyo dagaalkii lixda cisho ayaa tusaalooyin muuqda u ah. Sida ay leedahay Jerusalem Post, aragti kale ayaa ah in xiriirka saaxiibtinimo ee Sucuudiga iyo Israel ku koray in uu sabab u yahay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu waxa uu ku guuleystay in uu bedelo sumcad xumadii uu ku lahaa caasimadaha Carabta ee uu abuurtay sagaashameeyadii, halkaas oo looga arki jiray mid aan la’isku halayn karin, khalkhal badan, kana tirsan midigta fog ee xagjirada ah, waxa uu noqday hoggaamiye la’aamini karo. Jerusalem Post aya atiri “Waxaa xaqiiqo ah in Netanyahu kasbaday xushmad weyn oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta oo uusan helin Ra’isul Wasaare kale oo Israel ah 70-kii sano ee u dambeeyey” Go’aanada adag ee uu Netanyahu ka istaagay Sunniyiinta iyo Shiicada iyo sidii uu diyaarka ugu ahaa in uu iska caabbiyo cadaadiskii Mareykanka xilligii Obama ayuu ku helay xushamadda Bin Salmaan. Dhaxal Sugaha waxa uu sidoo kale u riyaaqay is bedelka aan ku imaan Netanyahu, oo taageero u muujiyey Bin Salmaan, xilli uu qudhiisa wajahayo cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo beesha caalamka kaddib dilkii Khashoggi. Kalgaceylka uu Maxamed Bin Salmaan u qaaday Israel iyo Ra’iisul Wasaareheeda, waa dareen xooggan oo uu kaga aargoosanayo Turkiga iyo Siyaasaddiisa Islam-ka ku wajahan xilli uu doonayo in uu qaboojiyo cabsida ay Iran ku hayso Sucuudiga, taas waxa ay u muuqataa mid Bin Salmaan ku dhiirigalineysa in uu hore u sii wado oo uu sii raadiyo qaabab uu ku dhiso xiriir Qaran News
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland taliskiisa waqtigu ka dhammaaday ayaa shalay soo saaray digreeto ay xubnaha dowladda Federaal-ka ah uga mamnuuceen in ay yimaadaan Garowe iyo magaalooyinka kale ee maamulkaas inta ay ka dhaceyso doorashada bisha Janaayo la qaban doono. Tallaabadan oo ahayd mid hore loo sii saadaalin karay ayey Puntland ku tirisay xubnaha aan soo gali karin maamulkeeda oo kala ah; Wasiirada, shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha Villa Somalia. Hayeeshee, waxaa wali la ogeyn in xubnaha golaha shacabka iyo Aqalka Sare oo aan digreetada lagu xusin ku jiraan liiska la mamnuucay. Sida ay Ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, sirdoonka dowladda Imaaraadka ayaa ka dambeeyey in Cabdiweli Cali Gaas go’aankaas qaato. Imaaraadka ayaa la sheegay in ay si weyn uga hawgalayaan Puntland oo ay sirdoonkooda toddobaadyadii tagay yimaadaan. Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Imaaraadka si toos ah uga qeyb qaadanayaan doorashada iyaga oo doonaya in ay xaqiijiyeen in Cabdiweli Gaas soo laabto (Qorshahooda kowaad) ama xubanaha kale ee iyaga ku matalaya dowladda oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Siciid Deni (Qorshaha labaad). Dowladda Imaaraadka oo dagaal ba’an kula jirta dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dooneysa in ay difaacato Dekedda Boosaso oo haddii musharax ka madax bannaan soo boxo ay u badan tahay in uu kala laabto qandaraaska muddada dheer ee lagu siiyey. Sirdoonka Imaaraadka ayaa ku wargaliyey Gaas in dowladda dhexe ay dhaqdhaqaaq xooggan ka waddo Puntland si ay u soo saaraan musharax gacan saar leh. Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xili Nabad iyo Nolol lala xiriirnayo musharixinta kale ah Saadaq Eenow, Cali Xaaji Warsame, Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi oo la filayo inuu shaaciyo musharaxnimadiisa. Lama oga tallaabada ay dowladda dhexe qaadi doonto iyada oo ay jirto qodob dastuuri ah oo sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha u xilsaaran tahay doorashooyinka ka dhacaya maamul gobolleedyada. Sidoo kale, waxaan la ogeyn, in haddii ay tagaan Garowe xubanaha Golaha Wasiiradda Puntland ku metala sida; Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan, Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil iyo Wasiirka Beeraha Siciid Ciid in laga soo celin doono garoonka iyo in kale. Waxaa xusid mudan, in Gaas ku fashilmay isku daygiisii ahaa in uu is hortaago shirkii Golaha Wasiiradda Xukumadda Federal-ka ah ku qabsatay Garowe xilligaas oo uu dagaal arrintaas ku saabsan kala kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulan muhiim u ah shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kadib markii shalay la hor geeyay miisaaniyadda lagu shaqeyn doono sanadka 2019. Inkastoo Qorsheyaal badan ay horyaalaan xildhibaanada baarlamaanka haddana qodobka ugu muhiimsan ayaa ah inay maanta cod gacantaag ah ku ansixiyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019, waxaana sanadkaan ku jirta mushaaraadka shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan. Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada. Maalintii shalay xildhibaanada baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay miisaaniyadda sanadka 2019, waxaana xildhibaano badan ay soo jeediyeen in dhaqaalaha lagu daro shaqaaleysiinta sanadka 2019. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda joojisay inay shaqaalo cusub qaadato, waxaana sida xogaha aan ku heleyno la qaatay go’aan ah in mushaari laga dhigo dhamaan shaqaalaha dowladda ee hadda aan mushaaraadka qaadan. La soco go’aanka xildhibaanada ka qaataan Miisaaniyadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Qararka Maxkamadda G/Maroodi-Jeex eey Dugsiyada Nuraddin kaga mamnuucay inay Daabacaan Kutubta Manhajka waynu ixtraamaynaa Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay. · Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad. · Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage) imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo. · Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac *****) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta. · Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay . · Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso. Xasasn Cabi Yuusuf Riyadh Saudi Arabia hassan_ayousuf@hotmail.com Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa muddo kadib maanta ka hadlay xaaladda Guud ee siyaasadda maamulka Galmudug, waxaana uu markale sheegay in dhibaato badan ay ku heyso dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa ugu horeyn sheegay in muddo 19 bilood ah oo uu dhisan yahay maamulkiisa wali uu dareemayo culeesaad kaga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu xisay in waxyaabaha uu qabtay mudadaasi inuu xoog iyo maquunin uu ku qabtay. Xaaf, ayaa si cad sheegay in laga cunaqabateeyay dhaqaalihii ay ku sameysan lahaayeen ciidamo boolis ah, iyo dhaqaalihii ay ku dhisi lahaayeen hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya dadka ay doonto inay diyaarado ku geyso deegaanada maamulka Galmudug, iyadoo aan lagala tashan, wuxuuna tusaale usoo qaatay safarkii wasiiro xukuumadda ka tirsan ay ku tageen Cadaado. Madaxweyne ayaa si cad u sheegay in laga soo xerxeray meel walbaa, isaga oo ku tilmaamay inuu ka baqayo in ciidamada NISA loo diro Galmudug, islamarkaana loosoo xiro sida Mukhtaar Roobow. Wuxuu sidoo kale sheegay inay iska difaaci doonaan ciidan walbaa oo dowladda Soomaaliya ay u dirto deegaanada Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta oo sabti ah xildhibaanada Golaha Shacabka ka horjeediyay khudbad uu kaga hadlay khilaafkii dhacay iyo hakadka ku yimid howlaha Golaha. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay howlaha u qabsoomay Golaha Shacabka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafkii jiray ay saameyn badan ka dhalatay, sidoo kalena ay jiraan sharciyo badan oo weli qabyo ah. “Dalka waxaa soo maray xaalado adag oo u baahnaa in loogu gudbo si deganaan ku jirto, waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo_nimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hay’adihii garsoorka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn”. ayuu yiri guddoomiyaha. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in marka la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo qof walba taasina ay sababtay in culeys siyaasadeed oo badan uu dhaco. Waxa uu xusay in dadaal badan iyo soo jeed badan ka dib ay sababtay in la qanciyo cid walbo oo wax tabaneysay si niyad furana lagu wada shaqeeyo. “Go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah ineysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo oo la qanciyo aragtida kala duwan, culeys aad u weyn ayaa guddoonka iyo madaxda sare ee dalka ka soo gaartay sidii xal loogu gaari lahaa, waxaa suura gal ah in aragtida lagu kala duwanaado laakiin waxaa nahay dhamaanteen xildhibaanada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar weyn oo looga nabad geli doono inta ka dhiman mudada xil heynta golaha. Sidoo kale waxa uu umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu xaliyo. “Shacabka Soomaaliyeed kuwa gudaha jooga iyo qurba joogta waxa ay muujiyeen dareen saameyn nagu wada yeeshay oo ay ku dalbanaayeen inan lagu sii fogaan khilaafka, waxaan ka qaadaneynaa isfaham waaga dhacay cashar weyn oo aan ugu nabad geli doono khilaaf kale mudada xil heynta nooga dhiman baarlamaankan 10-aad”. ayuu yiri guddoomiyaha. Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu bogaadinayo doorka wanaagsan oo ay xildhibaanada ka qaateen khilaafkii dhacay iyo tanaasulka ay muujiyeen. “Markii ay timaado arrin taabaneyso maslaxada iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto, xildhibaanadii tanaasulka muujiyay iyo xildhibaanada iskooda isku xilqaamay ee nagu hurdo beelay waxaan leeyahay dadaalkiina waan idiin kaga mahad celineynaa masuuliyad idiin saaran ayay ahayd in umadda Soomaaliyeed aad u qabataan waxyaabaha la idiin soo doortay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa siyaasiyiinta iyo culima’udiinka xikmada iyo qaboojinta nala garab joogay”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Maxamed Mursal ayaa qiray in kalfadhigaan 4-aad ay qabteen shaqo ka badan 3-dii kalfadhi ee ka horeysay. “Waxaa sharaf noo wada ah inan halkaan ka qiro in kalfadhigan 4-aad aan qabanay shaqo badan oo aan isku amaaneyno marka la isugu geeyo 3-dii kalfadhi ee ka horeysay, 3-dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci oo keliya, kalfadhigan 4-aad waxaan ansixinay 4 sharci oo kala ah Dhismaha hay’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka, waxaa shaqo ku socotaa oo heerar kala duwan maraya 7 sharci”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney ansixiyaan miisaaniyadda dowladda 2019 maadaama sanadku uu dhamaad marayo. Dhammaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheega in afar xildhibaan oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka federaal-ka ah ay shalay ku fashilmeen safar ay ugu socdeen magalaada Garowe. Xildhibaanada oo ka mid ah kuwa laga soo doorto Puntland ayuu ujeedkoodu ahaa in ay ka qeybgalaan doorashada bisha Janaayo 8-deeda Puntland ka dhaceysa. Hase ahaatee, sida ay noo xaqiijiiyeen ilo ku dhow, afar xildhibaan oo golaha shacaka ka tirsan, safarkaas ayaa hadda baaqday, kadib markii ay ku dhacday qabtii uu soo rogay Gaas. Xildhibaanadan waxaa sameeyey sida muuqata go’aankii ay Puntland soo saartay shalay ee ahaa in cid dowladda ka socota aysan imaan karin Garoowe inta doorshada ay socoto. Walow aan qoraalka lagu xusin in xildhibaanada laga mamnuucay tegidda Puntland, hadana waxaa la dareemi karay in ay qeyb ka yihiin maadama Wasiirada iyo shaqaalaha rayidka ah la magacaabay. Ma cadda wali sida ay dowladda uga falcelin doonto go’aanka Puntland iyo tallaabada ay qaadi doonto. Dastuuriyan, Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa dowladda Federal-ka u qaabilsan doorashooyinka maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe. Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe. Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe. Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka. Ku dhawaad 30 dagaalame iyo 4 hogaamiye oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow General Bogmadow ayaa Tilmaamay in hogaamiyeyaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo sarkaal oo Ajaanib ah Magacyada saraakiisha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka iyo dalka ay kasoo jeedaan ayaa kala ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya , Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya) ayaa heesta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya Al-shabaab Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Al-shabaabka fuliya isqarxinta. Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in saldhigga la duqeyay uu ka mid ahaa Goob ay Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu aaminsan yahay in Israel ay meteleyso dal aan Carab ahayn oo muhiim u ah sida aragtidiisa ah in gobolka is dhexgalo, waxaa qortay jariidadda Jerusalem Post. Bin Salmaan waxa ay isaga u tahay, isaga oo dareensan xiisadda taariikh ahaan kacsan ee gobolka, in Israel muujisay iyada oo adeegsaneysa awoodeeda iyo go’aamadeeda ka dhanka ah cadawgeeda, in ay tahay saaxiib la’isku haleyn karo marka uu la tacaalayo cadawgiisa. In dalka sidaas u yar badbaado isaga oo ku dhex jira dagaal heerka xagjirnimadiisa aad u sarreeyo ee uu kala kulmo quwadaha dariska la ah waxa ay horseeday in ay Carabtu marna jeclaadaan, marna naceyb u qaadaan Israel. Bin Salmaan, oo ah mid waaqici ah, waxa uu jeclaaday ruuxiyadda dowladda Yuhuudda, waxa uuna raadinayaa qaabab uu isugu xiro awoodaas oo uu uga faa’ideysto siyaasaddiisa ku salaysan naceybka, iyo aragtida siyaasadeed ee Islamka ee gobolka. Taas waxaa dheer, in uu jiro dareen lagu jeclaaday Yuhuuda, sida uu aaminsan yahay Bin Salmaan, oo ah in dowladooda ay tahay midda kaliya ee Bariga Dhexe ee haysata rikoor ay uga guuleysato cadawgeeda xataa haddii ay ahaan lahayd adeegsiga weerarro iyo cudud Militari iyada oo aan dhag u dhigin cambaareynta caalamka. Duqeymihii ay dhawaan ka gaysatay xarumaha Iran ee dalka Suuriya iyo dagaalkii lixda cisho ayaa tusaalooyin muuqda u ah. Sida ay leedahay Jerusalem Post, aragti kale ayaa ah in xiriirka saaxiibtinimo ee Sucuudiga iyo Israel ku koray in uu sabab u yahay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu waxa uu ku guuleystay in uu bedelo sumcad xumadii uu ku lahaa caasimadaha Carabta ee uu abuurtay sagaashameeyadii, halkaas oo looga arki jiray mid aan la’isku halayn karin, khalkhal badan, kana tirsan midigta fog ee xagjirada ah, waxa uu noqday hoggaamiye la’aamini karo. Jerusalem Post aya atiri “Waxaa xaqiiqo ah in Netanyahu kasbaday xushmad weyn oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta oo uusan helin Ra’isul Wasaare kale oo Israel ah 70-kii sano ee u dambeeyey” Go’aanada adag ee uu Netanyahu ka istaagay Sunniyiinta iyo Shiicada iyo sidii uu diyaarka ugu ahaa in uu iska caabbiyo cadaadiskii Mareykanka xilligii Obama ayuu ku helay xushamadda Bin Salmaan. Dhaxal Sugaha waxa uu sidoo kale u riyaaqay is bedelka aan ku imaan Netanyahu, oo taageero u muujiyey Bin Salmaan, xilli uu qudhiisa wajahayo cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo beesha caalamka kaddib dilkii Khashoggi. Kalgaceylka uu Maxamed Bin Salmaan u qaaday Israel iyo Ra’iisul Wasaareheeda, waa dareen xooggan oo uu kaga aargoosanayo Turkiga iyo Siyaasaddiisa Islam-ka ku wajahan xilli uu doonayo in uu qaboojiyo cabsida ay Iran ku hayso Sucuudiga, taas waxa ay u muuqataa mid Bin Salmaan ku dhiirigalineysa in uu hore u sii wado oo uu sii raadiyo qaabab uu ku dhiso xiriir dhaw uu la yeesho dowladda Yuhuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira casimada@live.com
  17. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Galle oo wariyaasha kula hadlay Dhuusamareeb aya ka hadlay dagaalada ka dhacaya deegaano katirsan Gobolka Gal-Gaduud. Madaxweyne Xaaf ayaa muujiyay sida uga xunyihiin dagaalkaasi waxaana uu ku baaqay in dagaalkaasi la joojiyo. Xaaf ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay in ay dagaalkaasi ay hurineeyso islamarkaasina faragalin ay ku hayaan Gal-Mudug. ”Faragalinta DF nagu heyso awgeed waxaan ka baqeynaa in sidii Mukhtaar Rooboow qoorta nala so qabto,Laakiin ha ogaato halkan ma ahan Meeshii ay Ciidan usoo diri lahayd,faragalinta hadaysan naga deyn sidii Al-shabaab ayaan ula dagaalameynaa” ayuu yiri madaxweyne Xaaf Waxaa sii xoogeeyaanaya qilaafka u dhaxeeyo Gal-Mudug iyo dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xaaf “waxaan ka baqeeynaa in sidii Rooboow qoorta nala soo qabto oo nala xiro” appeared first on Puntland Post.
  18. Somaliland needs National Economic Reform before it is too late According to economic growth rules, whenever a government experiences an economic system collapse or a prolonged economic crisis, an immediate economic reform strategy is to be introduced. At this economic state that Somaliland is within, we need a well designed National Economic Reform; which sets an economic policy, and the direction for economic growth. An economic reform which identifies strategies, decisions, programs, and projects to improve the economy; that covers the best systems for setting levels of taxation, government budgetary policy, money circulation management, labour market, local production booming, alternatives to increase country export capacity, and many other areas of government economic interventions to reach prosperity and rapid economic growth. Our country was described as the fourth-world country dying for poverty and unemployment rate, with zero economic development and lack of international cooperation In terms of its economy. As we know, the livestock plays as the key driver where over 50% of our population were living in the rural area as nomads, depending directly on livestock and livestock products for their livelihoods; and other certain percent of the urban people depends indirectly on livestock trade processes. As we know, about 60% of the livestock in Somaliland died during the last 5 years because of the recurrent droughts Somaliland faced in those years. These natural phenomena caused thousands of families of the nomad people loss their herds completely; gathering in unrecognized IDP camps around the villages and towns of Somaliland. Other thousands of nomad families are still in the rural areas with very few heads remained for them; not enough to sustain their survival. It is likely that other droughts may come in the future to a level that the remaining less than 40% of the livestock will be driven out by the droughts; and livestock is the only item Somaliland exports to the outside world, and it is the most important hard currency source of income for the country. In that sector we need future-oriented strategic design principles that Its foundations lie in the analysis of external and internal trends and data, which enables to make the right decisions that can overcome these threatening phenomena to destroy our only export item–the livestock Approximately half of the government’s annual budget is often spent in salaries, in the different security and law enforcement departments to maintain law and order in the country, and some minor acceptable administrative expenses. But the remaining half of the government’s budget is often prepared as a purely technical assemblage opening for corruption and a large-scale theft of public owned money. The institution responsible for preparing the Government National Budget together with the authorizing and approving institutions make it easy for their officers to steal the poor people’s paid taxes, through very lax, very general, non-specific and so much lump sum budget allocations. That lump-sum budget based techniques leaves a great deal of discretion to the institutions’ authorized officers for expenditure; and causes very high percentage of frauds, thefts, corruption, personal own purchases, and many other wasteful use of the government budget draining millions of dollars every year. Along with the above mentioned problems, the government’s failure to fight against inflation becomes another setback and a socioeconomic problem to the government’s budgeted revenue. This intentional inflation epidemic, which is deliberately nurtured by the government and some few rich people; affected the livelihoods of the common people particularly the poor population in the rural and urban; causing thousands of families to become penny less not affording to feed their children . The sharp decrease of the country’s livestock quantity, Saudi Arabia’s import ban imposed on the livestock from Somaliland, the misappropriation of the foreign donors provided funds, the very high percentage of fraud, theft and corruption within the government revenue and budget spending mechanism, and the problems of the hyperinflation, together affected the economic perspective of the country causing the state’s economy to collapse; diminished the income earnings of most of the community; and hardened the living conditions of the people. The unrecognized status is also preventing the country from dealing and interacting with the international community, international monetary institutions and foreign investment arrangements. According to all these realities on the ground, every healthy minded citizen who knows something about the monetary policy which concerns the management of demand and supply of money in circulation, and the fiscal policy which deals with the taxing & revenue collecting systems and the government spending actions; understands that it is time to set a broad national economic reform for Somaliland to save the lives of the common people, to make the misery index of the people go down from this below the belt level, to create employment opportunities for the young somalilanders to realize their potentials, so they do not go out of the country to be humiliated, to save the lives of hundreds of thousands in the IDP camps with nothing to live on, and to make the country’s economy grow gradually. Economic reforms are being undertaken and preceded almost throughout the developing world today. It is argued that the economic reforms are guided by standard rules dictated by the international monetary organizations like IMF and the World Bank. But with my little knowledge concerning an economic reform, I believe their PFM model is an unrealistic portrayal to most developing countries including our country. While it is important to attain and maintain fiscal discipline that their model holds; but every country has its own approach according to its circumstances, emphasizing not to prolong the process and to yield the desired results. The main objective of the economic reform we need is to improve the economy and social well-being of our people; and the goals that it seeks to accomplish are: To maintain a sound economic policy to enjoy with stable prices and money exchange rate To encourage investment and job creation to increase employment rate To introduce a better mechanism for the allocation and distribution of the national budget and national income resources, To improve and empower the national productivity in the agricultural and industrial sectors, To restructure the ways our rural population manage their livestock, introducing a better way of dairy farming which is more secure, much productive and more profitable To set the guidelines and implement the worldwide growing movement known as “Local Food” which is a policy empowering the farmers to grow and produce much local food selective expansion commodities and encouraging the consumers to buy the locally produced food items To come up with a policy designed to make use of the demographic dynamics of the country which are favourable to create much economy derived from the country’s geostrategic location And lastly to reduce the poverty level of the people and accelerate the country’s economic growth. An economic reform developed by a country comprises policies directed to achieve improvements in economic efficiency, either in individual sectors of the economy or by reforming economy-wide policies. I believe Somaliland has the chance to make this national economic reform possible; if the government is ready to begin this reform to itself by selecting and appointing the right person for the right responsibility. The interrelated economy and finance sectors need qualified professionals with 20/30 years experience, independent with their decisions, empowered with the availability of the resources needed and the government implementation of their strategic plans. It is the president who has the authority to select well experienced finance managers and economists and delegate them to the finance institutions. These can analyze and study all economic and finance standing problems; they can set and produce a multidimensional national economic reform framework; they can amend all undesirable procedures and make all adjustments and inclusions appropriate to achieve the desired economic reform we need. \Adam Ali Younis E-mail: aayonis@hotmail.com Qaran News
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-291218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Mudulood ugu jira labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo waxgarad kale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo quseeya beesha iyo dowladda federaalka. Siyaasiyiinta Mudulood ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: Cali Mahdi Maxamed, Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), Cali Ugaas Cbadulle, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Yuusuf Xuseen Jimcaale, Cadde Gaabow iyadoo xildhibaannada ay ka mid ahaayeen: Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Senator Muuse Suudi Yalaxow, xildhibaan Maxamuud Abukaato iyo xubno kale. Xubnihii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda uu dalku ku socdo iminka ay tahay keli-talisnimo, taasoo halis gelin karta dowladnimada dib loo dhisayo ee Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey inay qaateen go’aano halis ah iyo inay awood u adeegsadeen dowlad Goboleedyada iyo mucaaradka kasoo horjeeda. Xubnaha Mudulood ayaa sheegay inay ka digayaan ujeedka Farmaajo iyo Kheyre oo ay sheegeen inuu yahay inay talada sii heystaan. Waxaa dhinaca odayaasha u hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka sheegay inay xaaladda dalka ka tashan doonaan, lana kulmi doonaan madaxda dowladda, wixii kasoo baxana ay dib ugu soo celin doonaan shirka iyo Beesha Mudulood si ay go’aan uga qaataan. Waxa uu kulanka ku dhammaaday iyadoo la isku afgartay in xaaladda dalku ku socdo iyo siyaasadda hoggaanka dowladda Federaalka ay u baahan tahay in degdeg wax looga qabto.
  21. (SLT-Hargaysa) Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo qaban qaabiyay shir wayne Saxaafadda uu u qabtay ayaa Sheegay Inay hadda Kadib Saxaafadda iyo Dawladdu dhinac u wada jeedi doonaan. Hoos ka DAAWO Source
  22. (SLT-Hargaysa) Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiir ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ayaa duray Safiirka Turkigu u xilsaaray wadahadaldii Somaliland Iyo Soomaliya. Waraysi uu siiyay Telefeeshinka Bulsho Tv ayuu arrintaas kaga hadlay. Hoos ka DAAWO Source
  23. Yaasiin Axmed Goox (Digfeer), wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka SoomaaliGalbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad. Bilawgii hore ee noloshiisa, wuxuu u soo wareegay gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ku noolaa ilaa taabbo galkiisii, waxaa soo koriyey adeerkii Goox Qarboosh oo ka tirsanaa Ciidamada sidoo kalena dhalay Fannaankii Maxamuud Goox Qarboosh. Bilawgii sanadkii1970-kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna, sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed. Axmed Iidow Abtiile (Axmed Nuur Jaangoo) oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta magacooda aad loo hadal hayo kuna caanbaxay heesta Daljir ee uu halabuuray Abwaan Xasan Xaaji C/laahi (Xasan-Ganey) iyo Axmed Yaasiin Digfeer oo qiyaas ahaan 25 jir ah balse aanay bulshadu aqoon badan u lahayn waxay kow ka ahaayen asaaska kooxda Horseed ee Xoogga Dalka oo ka dhalatay isku darka kooxihii Booliska iyo kubadda cagta. Sanadkii 1973, wuxuu ahaa markii koowaad Yaasiin Axmed Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii ‘Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad’ ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud. Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) oo ka tirsanaa Idaacadda Raadyaw Muqdisho muddana ku noolaa Hargeysa oo loo xushay xayeysiinta Hoteelada Curubo iyo Jubba ayaa markii uu riwaayaddan oo ay ku jirtay heesta ‘Digfeer Aawadaa Galay’ ama ay dadka qaarkood u yaqaanaan ‘Dayaxiyo Cadceedaa, Dorraad Layga Yeedhay’; wuxuu Maxamed Warsame ku naanaysay Yaasiin Axmed Goox magaca Digfeer ee heesta ku jiray. Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) wuxuu ku dhintay dagaaladdii Sokeeye ee Soomaaliya. Digfeer oo muddo kooban ku noqday nin fanka Soomaalida dhexdiisa caan ka ah sidoo kalena noqday macallimiinta kooxdiisa Horseed, waxyaabaha la aamisanyahay in suugaantiisa ay soo shaac saartay waxa ka mid ah ilaa afar heesood oo uu u dhiibay Abwaan Nuur Jiis oo madax ka ahaa Maxakamada Gobolka Hiiraan, heesahaas oo uu Abwaanku kaga cabanayey haweenay uu qabay. Heesahaas waxaa ka mid ah: Heesta Sagal oo markii hore ahayd Sahra xaaji Xalwaay. Saaxiib miyaan nahay, iyo heesta Rugta saxada wacanee Baladweyn salkeedaa Rabbi kugu sameeyee Sawjadii naftaydaay, Sahraay waan ku sugayeey Qisadan Abwaan Nuur oo bilaabmatay 1973 in muddo ahna socotay ayuu Abwaan Nuur Jiis waxa uu saluugay fariimahan uu dirayo iyo falcelinta ka imanaysa oo aanu midho dhal u arkin, waxaanay taasi sababtay in Abwaanku uu Buula-Xaawo ku xidhxidho qaar fannaaniin kooxda Horseed ka tirsan oo uu Digfeer-na ku jiro. Muddo ka dib Abwaan Nuur wuxuu u soo wareegay Muqdisho halkaasi ayay Digfeer wakhti ku sii wada qaateen, inkasta oo la sheego inaanay xilligaasi Haweenayda iyo Abwaan Nuur lamaane ahayn balse weli waxa aad u xooganaa jacaylkii uu u qabay. Digfeer oo u sheekeeyey saaxiibkiisii rumaad ee Aadan Cabdi (Aadan Goobbe) oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Horseed oo anigana sidoo kale ii sii sheekeeyey, ayuu Digfeer ku yidhi “Mushkiladaha I haysta waxaa ka mid ah, in hees kasta oo aan qaado, dadku waxay leeyihiin waxay ku saabsantahay arintii Nuur iyo marwadiisa, aniga xattaa kuwa igu saabsan dadku waxay moodayaan uun in aan Nuur ka hadlaayo”. Balse dhinaca kale, Digfeer laftiisa waxa soo foodsaaray jacayl xooggan oo markii dambena uu u gardhiganayo xaaskiisii waana ka mid ah marka uu ku heesayo “Ma Markaad Gaajootaada, Garabba Maalin Dubataa” arrintaasi oo ku saabsanayd dood uu ka qabay qaab daranka qoyskiisa. Isla Ayaamihii fanka ee Digfeer, Habeen ku jiray sannadkii1981 iyada oo Muqdisho la joogo waxa goob ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Hoboladii Horseed ugu yimi nin dhallinyaro ah oo ka soo safray Galgaduud, Badhtamaha Soomaaliya, ninkan wuxuu ka cabanayey gabadh ku ballan furtay oo ay jacayl wadaag ahaayen isla markaana barbaarta facooda ahi ay isku ogaayeen. Ninkii markuu sheekeeyey wuxuu xusay in gabadhaasi ay nin kale ka raacayso oo markaasi isaga ka dhaqaale roon. Abwaan Aadan Cabdi Axmed (Aadan Garaash) oo dadka badankoodu ku garan karaan gabaygii ‘Toosi Luquntaada’ ayaa u alifay heesta Burji iyo Nasiiblaay oo ay ereyadeeda ka midyihiin: • Waxaan baaq u dirayaa • Tacsi ugu bun dubayaa • Jacaylkeeni barigii • Barbaartii wax ka ogayd • Ee Gelinsoor bankiisiyo • Baadiyihiisa laga helo • Beel guba inaad tahay • Iyo beeni raad ma leh! • Na dhex marin bariidadu • Ilayn waan is baranee! Heestii ayuu Digfeer qaaday, waxaa laxanka wada saaray C/qaadir Leyloon, Aadan Goobbe iyo Yaasiin Axmed Digfeer oo dhammaan ka wada tirsanaa kooxda Horseed. Heestan mar dambe isna waxa qaaday C/qaadir Jubba. Mar kale 1982, Digfeer iyo kooxdiisii Horseed oo Hargeysa geeyey riwaayaddii ‘Wakhti Iyo Waalli Jacayl’ oo uu alifay Abwaan Bashiir Salaad, wuxuu ka warhelay inay Hargeysa timi xaaskiisii oo uu sidoo kale uu ka dhexeeyo jacayl xooggani balse khilaaf ku kala maqnaa . Digfeer wuxuu codsaday in la fasaxo isaga oo sheeganaya inuu xanuusanayo balse waxa ka diiday taliyihii kooxda inkasta oo ay fasaxeen dhammaan hoboladii kale duwanaa ee ku jiray Horseed safarkana ka mid ahaa. Digfeer oo cabiraya fasaxa loo diiday, isaga oo la hadlaaya taliyihiisii, wuxuu ku heesay ‘Anna waa lay sitaa , Adna waa kuu subax wanaagsan, Wakhtiguse mooyi si uu noqon’. Digfeer, heeso badan ayuu noloshiisa ku cabiray waxaana ka mid ahayd heesta ‘Haddii Geel La Kala Dhaco’ oo uu kaga hadlaayey mar uu gabadh uu calmaday weydiistay qoyskooda balse hayb ahaan loogu diiday. Wuxuu si farshaxannimo leh ugu doodayaa in haddii dadka dhib kasta dhexmarto in laga wada xaajoodo oo arrinta gar lagu dhammeeyo, balse isaga tiisa gef laga galay haddiiba loo diiday inuu ka gardhigto gabadha uu caashaqay ee loo diiday. Xiliyadaasi Fanka Soomaaliyeed, muddo dhawr sanno ahba gudahooda waxa la samayn jiray qiimayn ku saabsan tayadiisa, waxaana qiimayntaasi samayn jirayn uun fannaaniinta dhexooda. Sannadkii 1983 waxa la abaabulay qiimayn ku saabsan fannaanka ugu wacan heesaha calaacalka ah (Cataw) luuq ahaan iyo laxan ahaanba, labadiiba waxa lagu maamuusay Yaasiin Axmed Digfeer. Mar kale sannadkii 1983 debaal-deg aroos oo loo samaynayey Col. Axmed Cumar Jees isla markaana uu hab-maamuuskeeda lahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad oo si gaar ah ay saaxiib u ahaayeen walaalkii Maxamed Cumar Jees, waxa la isugu yeedhay intii u mudnayd shantii kooxood ee Waaberi, Onkod, Halgan , Heegan iyo Horseed. Xafladdii waxa furay Aabihii fanka Soomaalida, C/laahi Maxamed Maxamuud (Qarshe) oo qaaday heestii ‘Dhalintii Waddankaan Nahay’ ka dibna, safbaa la mariyey qof kastaana wuxuu qaadayey hees kabankana wuu dhiibayey, waxaana goobta yaallay ilaa afar kaban oo la soo xulay. Waxay soo gaadhay Yaasiin Digfeer, waxa uu qaaday heestii ‘Kaalay Kaalay Kol Ii Imo’, dadkii goobta joogay oo ka badnaa 300 oo qof way diideen in Digfeer Kabanka wareejiyo, sidii ayaanu saddex heesood oo kale ku qaaday. Waxyaabaha gaarka u ahaa Yaasiin Digfeer waxa ka mid ahaa in uu kaalinta koowaad kaga jiray Billadda Tumista Heesaha Fudud (Saambo/Jaas) waxaana la sheegaa inaanu jirin qof sidiisa u tumay inta la ogyahay Fanka Soomaaliyeed. Markii ay soo baxeen heesaha ku jiray riwaayaddii ‘Dab Jacayl Kari Waa’ sanadkii 1974 ee Abwaan Xasan Ganey ee aadka loola dhacay laxamadii uu heesahaasi saaray Axmed Nuur Jaangoo, ka dib Jaangoo wuxuu noqday nin aad loogu tixgeliyo laxan samaynta, balse waxaa xusid mudan Jaangoo laxan muu samayn jirin Digfeer oo la jooga ixtiraam aawadeed. Burburkii Soomaaliya ka dib, Digfeer waxa uu inta badan ku noolaa magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti. Digfeer waxa uu magaalada Hargeysa ku geeriyooday sanadkii 2002-dii. Alle ha u naxariisto WQ: Cumar Cali Xasan – Seerbiya Muqdisho, Soomaaliya 29.12.2018 Source
  24. Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay. · Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad. · Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage) imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo. · Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac *****) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta. · Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay . · Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso. Xasasn Cabi Yuusuf Riyadh Saudi Arabia hassan_ayousuf@hotmail.com Source