Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,180
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Imaam Cumar Abshir oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dadaallada looga hortagayo colaad Beeleedyada ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale Imaamka ayaa u digay dadka wararka qaldan ku baahinaya baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay sii hurinayaan colaadaasi. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato, kana hortagto xiisadahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-ismaaciil.mp3 The post Imaam Cumar Macalin Oo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi howlgal wada jir ah ay ka fuliyayciidamada dowladda [...] Source
  3. Somali commandos backed by American special forces carried out a joint operation against Al-Shabaab in the main the militant-held town of Jilib in Middle Jubba region. According to the reports, the covert raid was targeted a training camp belonging to Al-Shabaab in the downtown Jilib. There was no immediate confirmation of the casualty. The commander of the 43rd division of the Somali army, General Ali Mohamed Mohamud [Bogmadow] told local media that Danab and US forces inflicted losses on the militants. Mohamud added that at least 30 Al-Shabaab members, including 4 middle-level commanders were killed during the operation in Jilib district, south of Somalia. In addition, the commander stated that Foreign jihadists identified as Aweys Abu Hamza from Syria, Hassan Al Qayadi [Abu Yahya] from Libya are among the dead. Al Shabaab has been using the camp to train potential bombers and orchestrate the suicide attacks in the country. Al Shabaab, however has not yet commented on the Somali military claims. The post US-backed Somali troops raid Al Shabaab camp in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay. 170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaana diiday 1 xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay. Dhinaca kale Waxaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka socda kulanka 32-aad ee golaha shacabka. Ajendaha kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Aqrinta saddexaad sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale U codeynta qoondaha miisaaniyadda dowladda 2019. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug C/qaadir Xuseen Nuur Dirir ayaa xilikii kala wareegay gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif . Gudoomiyaha xilka [...] Source
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Imaam Cumar Abshir oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dadaallada nabadeed ee looga hortagayo colaad Beeleedyada ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale Imaamka ayaa uga digay bulshada Soomaaliyeed in warar ay ku baahinayaan baraha bulshada ee Internet-ka oo uu tilmaamay in ay sii hurinayaan colaadahaasi. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato, kana hortago xiisadahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-ismaaciil.mp3 The post Imaam Cumar Macalin Oo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Degaanada Puntland waxaa siweyn looga diyaar garoobayaa doorashadda madaxtinimada Puntland oo ay ka harsan mudo asbuuc ah, kumanaan qof oo xiisaynaaya doorashada ayaa soo gaaray caasimada Garowe, dadka kusoo qul-qulaaya magaalada ayaa u badan taageerayaasha musharixiinta oo doonaaya inay taageeradooda ku bari-taaraan musharaxa ay taageersan yihiin. Liiska xildhibaanada cusub Waxaa saacadaha fooda ina kusoo haya la filaayaa inay guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanku soo saaraan liiska 66-da xildhibaan ee kamid noqday baarlamaanka cusub ee Dawlada Puntland 2019-2023. Sida ay xaqiijinayaan wararka ay helayso PUNTLAND POST guddiga ayaa ku jira diyaar-garowgoodii ugu dambeeyey ee shaacin xubnaha baarlamaanka cusub. Mashquulka magaaladda Mashquulka caasimada Magaalada waxaa siweyn looga darreemayaa mashquul aad u sareeya, waxaana saxmad iyo ciriiri laga dareemayaa guud ahaan wadooyinka caasimada Puntland, maadama aad moodid in gaadiidkii ka tiro batay wadooyinka magaalada, sidoo kale meheradaha, hotelada iyo goobaha lagu qaxweeyo marka aad booqatid waa adag tahay inaad meel banaan ka heshid. Amniga Garowe Waxaa siweyn loo adkeeyey amaanka caasimada Puntland, waxaana wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u qalabaysan oo isugu jira ciidamada PSF, Boolis iyo ciidamada PMPF, iyadoo baraha kantaroolada ee laga soo gallo magaalada la geeyey ciidamo dheeriya si loo xaqiijiyo dadka tirada badan ee magaalada kusoo qul-qulaaya. Ololaha doorashada. Musharixiinta ayaa wadada olole xoogan oo doorashada ah, waxaana magaalada lagu arkaayaa gaadiid lagu xiray cod-baahiye iyo muuqaal-baahiye kuwaas oo ay musharixiintu ku gudbinayaan fariintooda doorashadda, waxaa magaalada laga taagay tabeelayaal waaweyn oo ay ku dheggan yihiin sawiradda musharixiintu. Isku soo wadda duubo doorashadan ayaa u muuqata mid xiiso gooniya leh, waana waxa ugu weyn ee laga hadal hayo guud ahaan degaanada Puntland iyo degaanada kale ee Soomaalida. PUNTLAND POST The post Garowe oo la ciir-ciiraysa dadkii ugu badnaa iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiska ay Dawladda Somaliya la gashay Shirkadaha Shiinaha laga leeyahay ee ku bahoobay COFA, kaas oo ay Soomaaliya ugu saxeexday inay ka kalluumaystaan badda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, isagoo dalka dibadiisa ku sugan, ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada socdaalo uu ku marayo dalal ka mid ah Yurub, waxaanu ugu yidhi isagoo ka hadlay heshiiska dhexmaray Shirkada COFA iyo Dawladda Somaliya “Waanu ka war haynaa, oo waanu maqalnay inay Dawladda Somaliya heshiis la gashay Shirkado kaalluumaysi, laakiin heshiisyadaasi inaga inama khuseeyaan, Dawladda Somaliyana waa u nacasnimo inay Shirkado heshiis kula gasho Bad iyo Xeebo aanay ka talin, Baddeena iyo Xeebaheena inaga ayaa ALLE sokadii ka taliya, oo maamulna, dal iyo cid kale oo ku soo xad gudubtana raali kama nihin, mana yeelayno, waxaana xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira oo ilaashanaya xadka baddiisa, waxaana inoo jooga Ciidankeena Badda, oo cadaw kasta iyo cid kasta oo xad gudub inagu soo sameeysa ka difaacaya”. Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey maamulkii Hawada Somaliland ee Somaliya la wareegtay iyo Xukuumad ahaan waxaa uga qorsheysan ayaa yidhi “Horta ALLE sukadii inaga ayaa iska leh Hawadeena, Baddeena, iyo Dhulkeena, inaga ayaa ilaashanayna, maamulka Hawadeena in Somaliya laga maamulana waxaynu raali ka nahay, oo aynu ogol nahay maaha, maxaa yeelay Somaliya inooma taliso, isku dalna ma nihin, ee laba dal oo jaara ayeynu nahay, laakiin caqabadaha caalamiga ah ee dalkeena Somaliland haysta ayaa keenay in maamulka hawadeena Somaliya lagu wareejiyo, laakiin waxaynu raali ka nahay maaha, dibna weynu u soo ceshan doonaa, waxaana jira heshiiskii ahaa in laba dalba wada maamulan hawada, laakiin heshiiskaasi si cad bay Somaliya u jabisay, Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba waxaynu ku dadaalaynaa inaynu dib u soo ceshano maamulkii hawadeena, Dawladda Somaliya xaasidnimo iyo xiqdi kasta oo ay inala daba socoto waxba inagu yeeli mayso”. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa mar aanu wax ka weydiinay safarkiisa iyo socdaalka uu ku joogo Yurub ayaa yidhi “Safarkayagu waa mid ka mid ah waajibaadkayga shaqo iyo xilka aan umadda u hayo, waxaana rabnaa in wadan kasta iyo cid kastaba aynu ka dhaadhicino qadiyadeena iyo waxaynu qabsanay, qof kasta oo reer Somaliland ahna meel kasta oo uu joogo waxaa laga rabaa inuu soo bandhigo qadiyada dalkiisa iyo qarankiisaba, Caalamkana waxaanu leenahay Somaliya iyo Somaliland waa laba dal oo kala gaar ah, mana haboona inaad isku kaaya khaladaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu nahay dal dhinac walba ka dhisan, oo horumar gaadhay, waxaa qudha ee naga dhimana waa aqoonsigaas, dhan walbana waanu kaga fiican nahay Somaliya, heerka aanu marayna wali may soo gaadhin, laba dal ayaanu lixdankii ka hor kala ahaan jirnay, imikana aanu kala nahay, haddii aanu mar isku biirnay, haddana waanu kala baxnay,wadan kasta iyo cid kastaba weynu u soo bandhiayna qadiyadeena iyo qaranimadeena”. Source
  9. Xudur ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay kulan la qaaday mas’uuliyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Xudur ee xarunta G/Bakool. Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray baahiyaha kala duwan ee ay qabaan shacabka gobolkaasi. Madaxweyne Lafta Gareen oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamukiisu uu wax badan ka qaban dono dhibaatooyinka ka jira gobolka Bakool. Shalay ayey aheyd markii uu wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed ay gaareen magaalada Xudur oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi. The post Madaxweyne Lafta Gareen Oo la kulmay Waxgaradka Xudur appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Simaliland ayaa saaka xabsiga u taxaabay nin u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan qawmiyadda Oromada. Nin Oromada ah ayaa waxa lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay oo uu caayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Ninkan ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Aadan Ismaaciil, waxa aanu ka xoogsan jiray Xamaam ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa sida ay dad goobjoog ahi u xaqiijiyeen shabakadda Somalilandtoday. Aadan Ismaaciil ayaa waxa lagu xidhay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa iyada oo lagu eedaynayo in uu aflagaadeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
  11. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goor hore oo saaka ah kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Ciidamada Nabadsugida [...] Source
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa hay’adaha Garsoorka dalka ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameeyaan xaaladda Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar, gaar ahaan kuwa loo heysto deymaha Lacagaha ah. Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in ay muhiim tahay in la garab istaago dadkaasi, maadaama ay u xiran yihiin Lacago yar oo laga bixin karo. Maxaasbiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka ayaa inta badan dhibaatooyin xoogan la kulmo, kuwaas oo mararka qaar loo geysto tacadiyo ka dhan aadanaha. Wasaaradda Cadaaladda ayaa haatan wada dadaallo arrintaasi wax looga qabanayo iyo xaaladda Maxaabiista Soomaaliyeed. The post Wasiirka cadaaladda Oo baaq u diray hay’adaha Garsoorka appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT- Galmudug)-Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha maamulka Galmudug oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalka ka socda agagaarka Maxaas, isaga oo soo-jeediyey in xabad $1 joogta aanu dhimman wiil 20 jir ah, lana joojiyo dirirta ay ku dhimmanayaan dadka walaalaha ah. Dhinaca kale, Xaaf waxaa uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah faro-gelin“Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, Galmudug 19-kii bilood ee ay jirtay waxaa la dagaalamayey dowladda federaalka ah, wixii aan qabanana feer iyo haraati baan ku qabaneynay, xoog iyo innaga oo lugaha iyo gacmaha nala heysto, innaga canshuurtii waa nalaka joojiyey, tii adduunka waa nalaka joojiyey, waxaa nooga sii daran maalin walba waxaa la soo diraa guddi fitno wado”. Madaxweyne Xaaf waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay wyfuud ay dowladda u direyso maamulkiisa iyada oo aan lagala tashan, wuxuuna xusay in aanay waxbo soo kordhin karin. Source
  14. Garoowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dareemaya culees badan oo kaga imaanaya musharaxiinta isbadal doonka ah ee ka qeyb galaya doorashada madaxtinimada Puntland. Madaxweyne Gaas oo dhowaan kusoo laabtay Garoowe ayaa la kulmay qaar ka mid isimada Puntland, kuwaa oo ay ka wada hadleen sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, looguna wada qancin lahaa natiijada. Gaas waxaa uu sheegay iney muhiim tahay iney Puntland horey usii socoto, wuxuu muujiyay inuu u baahan yahay in markale la doorto si uu uga guul gaaro arrimo badan oo meel dhexe u maraya. Arrinta uga xiisaha badan ayaa aheyd inuu Gaas u sheegay odayaasha in aan isbadal-doonku dhinac qaldan uleexin Puntland, wuxuu ku yiri odayaasha “Anigu waxaan doonaya in aan dib u shaqeeyo, laakiin hadii ay dhici weyso waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof Cabdi Faarax Siciid Juxa ka mudan inuu hogaamiyo Puntand. Wuxuu sheegay inuu yahay Juxa nin mabda’a leh, oo aad u yaqaana qiimaha Puntland ,meesha ay maanta joogtana wax weyn ku kordhin kara. Hadalkaan ayaa odayaasha qaar ku fasireen in Cabdiweli yahay muwaadin wali laxaw badan kaga jiro deegaanka, sidoo kale waxey fariintaan isimada ku qasbi kartaa iney aad u eegaan musharaxa ay garab istaagi karaan, oo xiligaan adag samata bixin kara Puntland. Puntland ayaa doorasho aadi doonta 8da bisha soo aadan ee Janaayo, waxaana adag in lagu fududaado natiijada marka laga cabir qaato tirada iyo tayada musharaxiinta u taagan kursigaas. Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
  15. Musharax madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ololihiisa doorashada ku’guda jira, ayaa booqasho salaan ah ugu tagay qaar kamid ah Isimada [...] Source
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay askarta u dhalatay Ethiopia oo lagu qabtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale. Wasiirka arimaha gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale lagu qabtay askar Ethiopian ah kuwo kalana lagu dilay dagaalada. Wuxii sheegay inay Xiriiro ay la sameeyeen taliska ciidanka Ethiopia ee ku sugan Hiiraan iyo mamulka Kililka, isaga oo sheegay inay kala hadleen ciidamada lagu qabtay dagaalka iyo kuwa lagu dilay. “Maleeshiyada gacantooda ayay ku jireen ragga ajaaniibta ah, waan kasoo wareejinay, Meydna wuu jiraa oo Ethiopia ah, Waxaan la xiriirnay safaaradaha Ethiopia, waxaan la xiriirnay Sector 4 oo ah ciidamada Ethiopia ee Hiiraan Jooga, waxaan la xiriirnay maamulka Jigjiga, waana ku wargelinay inaan heyno xitaa meydadkooda”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay dowladda Ethiopia ku wareejiyaan askarta nolosha lagu qabtay iyo hubka, isaga oo sheegay in hadda askartaasi ay ku jiraan gacanta Galmudug. “Wey Nool yihiin askarta, weyna caafimad qabaan, waan kasoo wareejinay maleeshiyaadka oo ciidamada ayaa hadda gacanta ku haya, way nala soo xiriireen waxay naga dalbadeen meydadka, waxaana u sheegnay in xitaa qalabkooda aan heyno”ayuu yiri wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  17. (SLT-Australia)-Neil Prakash oo ah Jihaad doonka aad loogu raadka joogay dalka Australia ayaa laga noqday jinsiyadda dalkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Australia Peter Dutton ayaa Prakash ku tilmaamay in uu yahay “shakhsi aad halis u ah”. Saraakiisha sirdoonka ee dalka Australia ayaa sheegay in Prakash oo ku dhashay magaalada Melbourne uu ahaa tababare ka tirsan ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka sidoo kalana uu qaban-qaabin jiray weerarrada ka dhaca dalka Australia. Haatan waxa uu ku xiran yahay dalka Turkiga halkaasi oo uu ku qaadanayo xukun xabsi oo la xiriira argagixisonimo. Bishii july, maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa gaashaanka u daruurtay codsi ahaa in Praskash uu ciqaabta dambiyada uu geesytay ku maro dalkiisa hooyo. War saxaafadeed ayuu Mr Dutton ku sheegay in Prakash uu daacish u ahaa xubin muhiim ah oo u qaabilsan Bariga Dhexe. “Haddii Mr Prakash la siin lahaa fursad waxa uu dhibaatayn lahaa amaba dili lahaa dadka reer Australia,” ayuu yiri Mr Dutton. Sanadkii 2017-kii mar uu ka soo muuqday mxkamad ku taalla Turkiga ayuu ka hor qirtay in uu ku lug lahaa weeraradii argagixiso ee ka dhacay Australia balse uusan boqolkiiba boqol mas’uul ka ahayn. Waxa uu sheegay in lagu khasbayay sameeynta muuqaallada ururka Daacsih ee been abuurka ahaa, uuna sidaa uga soo baxsaday kooxda kadib marklii uu arkay wajigooda dhabta ah. Prakash oo 27 sano jir ah ayaa waxa uu Australia ka soo tagay sanadkii 2013-kii ka hor inta uusan imaan dalka Suuriya waxaana loo bixiyay Abu Khaled al-Cambodi. Sandakii 2015-kii ayaa waxaa si khalad loo soo tabiyay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay magaalada Mosul ee dalka Ciraaq. Prakash waxa uu haystay laba jinsiyadood oo kala ah Fijian iyo Australian. Sharciga Australiana waxaa uu dhigayaa in qofka haysta laba jinsiyad lagala noqon karo haddii uu qofkaasi uu galo amaba looga shakiyo dambiyo la xiriira xagjirnimo. Prakash ayaa noqonaya shakhsigii 12-naad oo haysta laba jinsiyadood oo ay dawladda Australia kala noqoto jinsiyadda. Source
  18. (SLT-Addis Ababa)-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Abeba ayaa qoray inay xiisadi ka dhex aloosan tahay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta, kuwaasi oo isku haysta milkiyadda Deegaan lagu magacaabo Endefo ama Kebele yareey oo ku taalla xuduudka ay wadaagaan Maamul-gobaleedyadda Soomaalida iyo Cafarta. Wargeyska The Reporter waxa uu ogaaday in dagaal bishan December 25-dii ka dhacay Deegaankaasi, kaasi oo u dhexeeyey Boliska Gaarka ee Maamul-gobaleedka Cafarta iyo kooxo hubeysan oo dibadbax ka dhigayey Deegaanka Endefo ama Kebele yareey. Iska horimaadkaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay 13-qof. Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxa la sheegay inuu hoos tago Maamul-gobaleedka Cafarta,, balse waxaa deggan Qowmiyadda Ciisaha ee Soomaalida iyo dad kale oo laga tiro badan yahay. Goobjooge la hadlay Wargeyska The Reporter ayaa sheegay inuu iska horimaadku bilowday, kadib, markii ay koox bilowday inay Calanka Maamulka Cfaarta dejiyaan, kuna bedelaan Calanka Maamulka Soomaalida ee Ethiopia. Dibadbaxyaasha waxay jid-gooyo ku sameeyeen Jidka dheer ee Deegaanka Kebele Yareey ku xira Maamul-gobaleedka Tigreega. Jidkaasi oo muddo 4 saacadood xirnaa waxa kale oo uu isku xiraa dalka Jabuuti iyo Goballadda kale ee Ethiopia. Ku-xigeenka Madaxa Guddiga Beeraha ee Deegaanka Endefo, Cabsdi Buux oo la hadlay Wargeyska The Reporter ayaa sheegay in maalintii 2-aad ay dib gaadiidka ugu fureen Jidka ay Dibadbaxayaaasha ku jareen dhagxaanta. Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Difaaca iyo kuwa Boliska ee Federalka Ethiopia ayaa la geeyey Deegaankaasi, inkastoo ay weli xiisadi ka jirto. Source
  19. (SLT-Cape Town)-Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay mid ka mid ah xeebaha ugu wanaagsan ee magaalada Cape Town kaddib markii ilaalada shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka ka shaqeysa lagu eedeeyay inay dadka madowga ah amreen inay goobta isaga tagaan. Ilaalada oo ay soo kiraysteen dad halkaa deggan ayaa la sheegay inay dalxiisayaasha galinkii dambe ee Axaddii la soo dhaafay ka kaxeeyeen xeebta Clifton 4th. Dibadbaxayaasha ayaa sheegaya in dadka madowga ah ee xeebta tagayay loo beegsaday si aan cadaalad ahayn, hasayeeshee shirkadda ayaa diiday inay xeebta xirtay waxaana ay sheegtay in ay dambiga ka ilaaliso dadka deegaankaasi. Xeebaha iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan ayaa dadka u kala soocnaa xilligii midab kala sooca. Maayirka magaalada Cape Town Dan Plato ayaa sheegay in shirkadda ammaanka ka shaqeysa “aanay awood u lahayn inay dadka ku amarto inay isaga tagaan xeebta Clifton”. “Ma aynu u ogolaan doonno shirkadaha gaarka loo leeyahay inay xaddidaan galaangalnka goobaha ay dadku isugu yimaadaan,” waxa uu sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray. Kuxigeenka wasiirka booliska Bongani Mkongi ayaa waxa uu wacad ku maray “inay tallaabo adag ka qaadi doonaan shirkaddaas ammaanka ka shaqeysa”. “Xeebtu waa hantida qaranka, waa hantida dadka sidaas daraadeedna uma baahnin in halkaas ay joogaa shirkado ammaanka ka shaqeeya,” ayuu yiri. Maayir Plato ayaa sheegay in ilaaladu “ay dadka oo dhan ka dalbadeen inay meesha isaga tagaan” oo si gaar ah uma aanay bartilmaameedsan dadka madowga ah. Dibadbaxayaasha oo galabkii Jimcaha isugu soo baxay xeebta ayaa muran ka keenay hadalka ka soo yeeray shirkadda ammaanka ka shaqeysa. “Shirkadahan gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya ammaanka… ayaa dhab ahaantii loo sheegay in aanay xeebta u ogolaan dadka madowga ah ee u muuqda inay darafka magaalada ka yimaadeen,” Chumani Maxwele oo ah qof aaggaas deggan oo xuquuqda u ololeeya ayaa sidaasi u sheegay barta internetka ee News 24. Mr Maxwele, kaas oo bilaabay cabasho baraha bulshada ay ku wada xiriirto oo hal ku dheg looga dhigay #ReclaimClifton, ayaa goobjoog ka ahaa neef ido ah oo meesha lagu gowracay arrintaas oo ay dibadbaxayaasha ku sheegeen inay ku doonayaan inay xeebta uga nadiifiyaan midab kala sooca. Koox aan badnayn oo u doodda xuquuqda xoolaha ayaa arrintaasi ka hor timid. Alwyn Landman, oo ah agaasimaha guud ee shirkadda ammaanka ka shaqeysa ee PPA, kaas oo sheegay in shaqadoodu ay tahay inay dadka aaggaasi ka ilaaliyaan falal dambiyeedka, ayaa diiday in shirkaddu ay xeebta xirtay. Waxa uu u sheegay News 24 in boolisku uu aaggaasi banneeyay kaddib markii dambi halkaas lagu galay. “Qalalaase ayaa goobta ka dhacay booliskuna shaqo wanaagsan oo uu ku xakamaynayo xaaladda ayuu qabtay,” ayuu yiri. Si kastaba xaalku ha ahaadee, booliska ayaa sheegay in aanay helin wax war ah oo tilmaamaya in falal dambi ay galabkii Axadda ka dhaceen xeebtaasi. Source
  20. Musharrax Axmed Karaash ayaa booqashadiisa ka bilaabay Islaan Ciise Islaan Maxamed, isagoo la qaatay kulan isugu jiray is xog-wareysi iyo duco, mana jirin wax arrimo siyaasadeed oo uu kala hadlay Islaanka. Musharaxa waxaa kale oo uu booqday Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, isagoo halkaas ugu tagay salaan sharaf. Beeldaajaha ayaa si diiran usoo dhoweeyay musharaxa, isagoo uga mahad celiyay booqashadiisa uguna duceeyay inuu ilaaheey ku guuleeyo hamigiisa siyaasadeed. Musharaxa ayaa sidoo kale, hoygiisa ku booqday Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, iyagoo wada qaatay kulan muddo kooban socday oo daarnaa iska xog wareysi bulsho iyo salaan. Musharuxu wuxuu sidoo kale halkaas kula kulmay Isimo kale uu kamid ahaa Suldaan Bashiir Muuse Koonte. Axmed Karaash ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland, waana mid kamid ah murashixiinta kamid ahaa labadii xukuumadeed ee ugu dambeeyay. PUNTLAND POST The post Musharrax Axmed Karaash oo booqasho ugu tegay isimada Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. In ka badan ilaa Boqol qoys ayaa ka barakacay dagaallo ka dhacay Tuulada Bohol Bashiir oo ka tirsan degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kuwaasi oo lasoo sheegayo in ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Dagaalka ayaa yimid ,kadib markii Kolonyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayey wadadaasi kuna sii jeeda dhinaca magaalada Baydhabo ay jidka u galeen Al-shabaab, islamarkaana weerar culus ku qaadey. Aadan Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha Xeryaha Barakacayaasha ayaa Goobjoog u sheegay in dadka rayidka ah ee dagaalkaas ka barakacay ay tiro ahaan gaarayaan 170 qoys, balse Luuq ay soo gaareen ilaa Lixdan Qoys. Waxa uu sheegay Aadan in dadkan u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah, maadaama aanay haysan cunto iyo meel ay ku hoydaan. Sidoo kale, guddoomiyahan ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iney soo caawiyaan qoysaskan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho ( Sh. M. Netwpork )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta oo ah Axad Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka. Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka. Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada. Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa. The post G/ Shacabka Oo Cod u qaadayo Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sida kaliya ee loo heli karo xalka arrimaha amniga guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay xildhibaanka in dhallinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur loo sameeyo ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo amni sugan uu guud ahaan dalka ah. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay fadhiyaan dhallinyaro waxbaratay misane aan shaqo haysan. “Amni Darada dalka xalka loo haayo kaliya waxa uu yahay shaqaaleysiinta dhallinyarada, wadadan Makka Al-mukarrama kaligeed haddii aad marto waxa dhallinyaro fadhiya oo meelaha shaaha lagu cabo oo shaqo la’aan ah waxyaabo aad iyo aad u xanuun badan waayey, waa wax aad noo dhibay, waa xalka kaliya dalkaan amnigiisa lagu sugi karo oo ah dhallinyaradan in la jiheeyo oo shaqo abuur loo sameeyo” ayuu yiri xildhibaanka. Sanad walbo waxaa jaamacahada ku yaalla dalka kasoo qalin bedasha Kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah, misane aan helin wax shaqo ah. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaaka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho koobka dalalka bariga Africa. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in qorshahani ay ka war qabaan madaxda dalka, horaanta sanadka cusubna, Soomaaliya ay isku diyaarin doonto qabashada Tartankaasi. Sidoo kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa tilmaamtay in tallaabadani ay tahay guul u soo hoyatay bahweynta Isboortiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-mutawakil.mp3 The post Soomaaliya Oo marti galineyso Koobka dalalka Bariga Africa appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Cadale ( Sh. M. Network )-Xiisad beeleed xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Xiisada oo u dhexeyo Beelo walaalo ah ayaa waxaa la sheegay in ay ka aloosan tahay deegaano u dhow degmada Cadale ee gobolkaasi. Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdulle oo ah taliyaha guutada afaraad ee aaga degmada Cadale ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in ay jiraan xiisado halkaasi ka taagan, islamarkaana ay dhici karaan dagaallo, haddii aan laga hortagin. Cali Xaashi Cabdulle Gaashaanle Sare ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle in loo istaago wax ka qabashada colaadaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ay dagan tahay xaaladda deegaanadii lagu diriray, iyadoo ay dadaallo lagu xalinayo xiisada labada Beelood ay ka socdaan degmadaasi. Xildhibaan Cismaan C/laahi Dhoore oo ka mid ah Baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay isaga oo ku sugan degmada Maxaas in ay jiraan dad uu ku tilmaamay qas wadayaal hurinaya colaada ka taagan deegaanadaasi. Maalmihii ugu dambeeyay gobollada Sh/ Dhexe, Hiiraan, iyo Galgaduud waxaa ka taagnaa dagaal Beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. The post Xiisad beeleed xoogan Oo ka taagan duleedka Cadale appeared first on Shabelle. View the full article