Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,177
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Galinsoor ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Galinsoor ee G/Galgaduud. Wasiir Sabriye iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi ayaa ka bilaabay kulamo lagu xalinayo colaada ka taagan deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Kulamadan ayaa waxa ka qeyb galaya Odayaasha labada Beelood ee ku dagaalamaya qeybo ka mid ah G/Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay wafdi ka kooban labada gole u dirtay xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday gobolkaasi. The post Wasiirka arrimaha gudaha Oo kulamo ka bilaabay Galinsoor appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Matabaan (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Weerarka lagu dilayGuddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere), ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Maxaas iyo magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kale u dhintay saddex askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka tegay degmada Maxaas, waxaana uu kusii jeeday magaalada Baladweyne, hase yeeshee rag hubeysan ayaa la sheegay inay ka rasaaseeyeen gaarigii uu watay, islamarkaana dilka kadib ay qaateen gaarigii iyo hubkii uu watay. Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, hase yeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleed ay dileen. Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) ayaa sida la sheegay ku howlanaa xalinta dagaal beeleedyada kasoo cusbonaaday tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, Waxaana la sheegay inaysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa. Kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo. Sultan Ahmed ayaa sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera. Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland. Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera. Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo. Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018. Source: Booramanews Source
  4. The newly elected president of Southwest State, Abdiaziz Lafta Gareen has held talks with local authorities and elders in Hudur on the first day of his two-day visit to Hudur district. The president who was elected on 19th December in Baidoa city following an election said his trip is based on the assessment of the current situation in Bakol region. The security of the town has been extremely tightened by the regional forces backed Eithiopian soldiers to prevent possoble Al-Shabaab attacks. Southwest president is expected to be innaguarted in Baidoa in the coming days and top central government leaders are likley to attend the event, according to the sources. The post Southwest State president holds talks with local authorities in Hudur appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Endefo ( Sh. M. Network )-Xiisan dagaal u dhexeysa Qowmiyadaha Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu soo warramayaa in maantaa y ka taagan tahay Xadka ay wadaagan maamulada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Ethiopia. Xiisadani oo soo bilaabatay 25-kii bishani, sida ay warisay warbaahinta Ethiopia ayaa waxa ay ka taagan tahay deegaan Endefo, kaas oo xiriiriya Xadka labadaasi maamul. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay ku dagaalameen Booliska Maamulka Canfarta iyo Rag hubeysan oo ka tirsan Qowmiayadda Soomaalida. Waxaana la sheegay in dhimashadu ay mareyso illa18 Qof iyo dhaawacuna intaasi uu ka badan yahay. Ciidamo ka tirstan Booliska federaalka ee Ethiopia ayaa loo daad gureeyay, si ay uga hortagaan xiisadaasi. Arrintani ayaa imaaneysa, xilli Qowmiyadda Soomaalida Ethiopia ay wajahaysay xiisad kale oo kala dhaxeysa Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi. The post Xiisad u dhexeysa Soomaalida Canfarta Oo ka taagan Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/Muqdisho oo aan la dhex qaadnay cod baahiyaha Radio Shabelle, si aan wax uga weydiino dareenkooda ku aadan dowladdii ugu horreysay oo u istaagtay in ay soo deyso Maxaasbiis Soomaaliyeed oo ku xirneyd dalalka Caalamka, sida Shiishalis, Hindiya, Liibiya , Itoobiya iyo wadama kale. Ugu horreyn shacabkan ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay dhinaca horumarka u qaaday dowladda feredaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul waaaraha in kiisaska nuucan oo kale ah ay dib u eegis ku sameeyaan, maadaama ay sheegeen in dambiyo been abuur ah lagu soo oogo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalalka caalamka. Waxaana ay tilmaameen in sidoo kale loo baahanyahay in marka la keeno dhalinyaradaasi lagu wareejiyo Ehelladooda, halka lagu sii xiri lahaa gudaha dalka. Dhinaca kale Axlaan Tahliil oo Sayigeeda uu ka mid yahay dhalinyaro laga keenay Shiishalis, balse haatan ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar ayaa baaq u dirtay dowladda. Axlaan ayaa ka dalbatay madaxda Qaranka in la soo daayo Sayigeeda oo in muddo ah ku dhibaateysnaa dalka dibaddiisa. DFS ayaa horay dalka u keentay dhalinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalal ka mid ah caalamka, tallaabadaas oo ay shacabku ku bogaadiyeen madaxda dalka. The post Shacabka Muqdisho Oo bogaadiyay horumarka DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargaysa)Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay dawlada madaxweyne Muuse Biixi ay tabayso mucaarad la xisaabtama. Maxamed Kaahin ayaa sidan ka sheegay shir weynaha saxaafada oo ay soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta ee Somaliland waxaanu ugu horayntii ka hadlay saxaafada iyo waxyaabaha ay u qabato bulshadeeda ay u adeegto “Saxaafadu waxa ay ka mid tahay ururada ama haayadaha ka dhex farcama nidaamka dawliga ah iyo shuruucdiisa, waxa aynu ka war qabnaa oo aan la dafirayn saxaafada Somaliland ama saxaafada caalamkaba ha ahaatee inay yihiin laf dhabar bulshada dhexdeeda ka shaqaysa oo waxyaabo badan bulshooyinka u qabata hadday tahay warbaahinta oo ay wararkooda qaranka gaadhsiiyaan iyo arimaha bulshada inay qayb weyn ka qaataan, waxaynu ka qar qabnaa nidaamyadaasi marka sidaas u degan yihiin, waxa is weyndiin leh saxaafadu ma mid dawlad gooni ah iyadu ahbaa, ma mid aan iyada iyo qarankeedu wada shaqaynbaa, guddoomiyaha Solja waa kii halkan ka hadlay warbixin fiican waa bixiyay laakiin waxa uu u hadlay iyada oo ay saxaafadu tahay qolo yar oo dawlad ah oo saxaafad la yidhaahdo oo qaranka Somaliland aanay meelna iskaga xidhmin.” Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in xukuumadoodu ay tabayso mucaarad “Dawlad aan mucaaradba lahayn dawlad maaha mararka qaarkood dawladani mucaarad ayay tabaysaa. Ujeedada aynu ka leenahay saxaafadeenu ma in ay fidiso qabyaaladaa mise inay ka hortagto qabyaalada oo aanay fidin,miyaynu isku dafiraynaa in ay maalin walba saxaafada ka soo baxdo haddaanu reer hebel nahay sidaas iyo sidaas hadaan la yeelin tan lagu wada noolaan maayo.” Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019. 174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019. Waa markii ugu horreysay ee qaabkan lagu ansixiyo sharci. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar. Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Kooxo hubaysan ayaa saaka badhtamaha magaalada Qardho ku weeraray Kornayl Siciid Caarre, oo hoggaamiyaha Jabhad fadhigeedu yahay Puntland oo Somaliland ka soo horjeeda. Kooxda ayaa ka xaystay gaadhigii gaar ka ahaa ee kornayl Siciid Cawil Caarre. Wariyaha HCTV , ayaa sheegaysa in hadda ay socdaan waan waan Odayaasha deeganku wadaan oo la doonayo in kooxda lagaga soo celiyo Gaadhiga. Illaa hadda ma cadda sababta ay kooxdani u dhaceen Gaadhiga kornayl Siciid Cawil Caarre, balse wararka soo gaadhaya Shabakadda Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdan weerarka gaystay ay daba socoto weeraro hore oo ay gaysteen dad ay isku deegaan yihiin Kornayl Caarre oo la sheegay inay hore gaadhi u dhaceen, Source
  10. Mid kamid Musharixiinta u tartamaya Doorashada ayaa yiri ” Waa nasiib daro soo korortay in Xukuumadii Federaalka ay noqoto Shar Albaabada lagasoo xirto, waan hubaa [...] Source
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka. Illaa 147 Mudane oo ka tirsan BFS ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda 2019-ka. Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay. 170 Xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaana diiday hal Xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka. 171 Xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday labo Mudane, Xildhibaan ka aamusayna ma jiro. Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga difaaca ee BFS Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. The post Golaha Shacabka Oo meel mariyay Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Xildhibaan Daahir Amiin Jeeso oo kamid ah mudane yaash Baarlamaanka Soomalaiya ayaa sheegay in xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya qaar kood ay la,yihiin dhaqaale ay [...] Source
  13. The Members of Somali parliament have unanimously voted to approve the proposed 2019 budget which is estimated $340 million during Saturday’s meeting in Mogadishu. Today’s meeting which was chaired by the speaker of the house, Mohamed Sheikh Mursal Abdulrahman also discussed other businesses awaiting the assembly including approval of seven bills of the draft constitution. Speaker Mursal urged members to attend the final approval of the budget session that is scheduled on 31st December to beat deadline following day-long debate by the parliamentarians. More than USD 340 Million budget tabled by the ministry of finance via the finance committee for next year plan is expected to be unanimously approved on Monday. The discussion of the budget comes at a time when the embattled house finance committee has been reshuffled in an effort to end divisions within its membership, that was the root cause to the delayed sessions. Mohamud Siraji, the younger brother of the late Minister for Public Works and Reconstruction, Abass Abdullahi Sheikh Siraji was since elected as the chairperson of the powerful finance committee. The new chair and his team met the finance minister, Abdulrahman Dualeh Beyleh on Thursday to discuss the way forward on the budget. The post Somali parliament unanimously approves 2019 budget appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-30122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoob], ayaa Maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha ciidamada Jubbaland, halkaasoo uu kula hadlay ciidammo gaar ah oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Axmed Madoobe, ayaa ciidamada iyo sarakiisha uu xarumahaas kula kulmay ku booriyay inay laba-laaban dadaalkooda iyo u diyaar-garowgood ku aadan hawl-gallada socda ee la isugu furayo magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Al-shabaab ay awood ahaan aad u liidato oo aysan hor-istaagi karin ciidanka hawl-gallada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dar-dar leh loo wado. Dhanka kale, Wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka wali ku jira gacanta Al-shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xorriyada looso celin lahaa, ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn. Ciidamadan isugu jira ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa loo diyaariyay inay dagaal la galaan xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe oo ka mid ah deegaannada ay Jubbaland ka taliso. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Jubbaland ay ku dhawaaqaan inay dagaal la galayaan xoogagga Al-shabaab ee weli gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo haatan sheegay inay beegsanayaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay inay la Dagaallamaan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  16. Murashixiinta madaxtinimada Puntland ayaa goor dhowayd oo ay shir ku yeesheen Garowe, waxay soo saareen 4 qodob oo taabanaya masiirka doorashada Puntland. Murashixiintu waxay si [...] Source
  17. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa meel mariyay miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sanadka 2019-ka. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod wado ogol ah ku ansixiyay miisaaniyada dowlada mana jirin cid diiday ama ka aamustay. 174 Xildhibaan ayaa u codeeyay in la ansixiyo miisaaniyada dowlada. Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in ansax ay tahay miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo meel mariyay miisaaniyada Dowlada appeared first on Puntland Post.
  18. Xuutiyiinta ka dagaalamaysa dalka Yman ayaa lagu soo waramayaa in ay dekeda magaalada Xudayda ay ku wareejiyeen dowladda Yaman,sida uu warbaahinta dalkaasi u sheegay sarkaal [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal jawaab ah soo dhigay Bartiisa Facebook kadib markii muuqaal laga sameeyay Ganacsato ay isku heyb yihiin, kuwaasi oo lagu weeraray muuqaalka. Walow aanan la ogeyn halka lagu diyaariyay muuqaalka haddana Villa Somalia ayuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan muuqaalo maalmihii ugu dambeeyay laga sameynayay xildhibaanada ka aragti duwan xukuumadda. Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:- Af-xumo nabadna kaa kaxaysay, colaadna waxba kama tarto. “Kuwa Soo sameeyey iyo kuwa maalgaliyey video-yadaan akhlaaq xumadu ka muuqato ee lagu jaa’ifaynayo isla markaana lagu bartimaameedsanayo xildhibaannada kooxda Villa Somalia ka aragtida duwan iyo kuwa ganacsatada waaweyn ee dalka qaarkood lagu magac-dilayo waxey reebi doonaan dhaqan-xumo siyaasadda dalka muddo ku sii jiri doonta” “Dadku waa ay dareemi karaan mashruucaan gurracan ujeedada ka danbeysa balse waxaa nasiib wanaag ah in la fahmi karo dulucdiisa waxa uu xambaarsan yahay oo u badan naceyb iyo cuqdad oo ah laba cudur oo qofkii ay ku dhacaan ay adag tahay In laga daweeyo” “Waxaa intaas ka sii daran haddii lacagta lagu maalgalinayo akhlaaq xumadaas ay noqoto tii dadka ka dhaxeysay ama magaca umadda lagu Soo qaaday” “Waxaan raalli-gelin u diraynaa Xildhibaanada iyo ganacsatada sharafta ee sharaftooda iyo karaamadooda meesha looga dhacay, kuwaasoo waxa ay Soo qabteen dadka yaqaana ay qirsan yihiin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019. 174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019. Wararkan oo faah-faahsan kala soco Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. In kabadan 25 qof ayaa ku dhimatay duufaantii ku dhifatay dalka Filibiin , waxaana ilaa iyo haatan la la,yahay dad farabadan oo ku hoos jira [...] Source
  22. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka. Codeyn golaha ka dhacday, 171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusay ma jiro. Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Imaam Cumar Abshir oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dadaallada looga hortagayo colaad Beeleedyada ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale Imaamka ayaa u digay dadka wararka qaldan ku baahinaya baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay sii hurinayaan colaadaasi. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato, kana hortagto xiisadahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-ismaaciil.mp3 The post Imaam Cumar Macalin Oo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi howlgal wada jir ah ay ka fuliyayciidamada dowladda [...] Source
  25. Somali commandos backed by American special forces carried out a joint operation against Al-Shabaab in the main the militant-held town of Jilib in Middle Jubba region. According to the reports, the covert raid was targeted a training camp belonging to Al-Shabaab in the downtown Jilib. There was no immediate confirmation of the casualty. The commander of the 43rd division of the Somali army, General Ali Mohamed Mohamud [Bogmadow] told local media that Danab and US forces inflicted losses on the militants. Mohamud added that at least 30 Al-Shabaab members, including 4 middle-level commanders were killed during the operation in Jilib district, south of Somalia. In addition, the commander stated that Foreign jihadists identified as Aweys Abu Hamza from Syria, Hassan Al Qayadi [Abu Yahya] from Libya are among the dead. Al Shabaab has been using the camp to train potential bombers and orchestrate the suicide attacks in the country. Al Shabaab, however has not yet commented on the Somali military claims. The post US-backed Somali troops raid Al Shabaab camp in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article