-
Content Count
207,188 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Source
-
Maqaaladani waa qurubyo ka mida 91 maqaal oo lagu magcaabo hoyga rooxaanta dhiiga jecel oo si balaadhan u iftiiminaaya dhibaatada haysata dadka Muqdisho iyo in cida Ku haysaa ay tahay hadba cidii u talinaysay 30 kaa sanno. Hurintii Maanafeesto ayaa u isbiday oo dooeatay Madaxweyne KMG ah Cali Mahdi, hase ahaatee waxaa doorashadii Cali Mahdi ka soo horjeestay Gen. Caydiid, isagoo sabab ugu dhigay dhismaha dowlad KMG in marka hore la qabto shirweyne lagana soo qeybgeliyo ururada hubeysan gaar ahaan SNM, SSDF iyo kuwo kale waxaana halkaasi ka dhashay khilaafka iyo qaran jabka maanta aan taaganahay. Qoryihii Qaranka ayaa u gacan galay shacab mudo 21 sano la af hayey, ciidamadii qalabka siday oo la kala diray dhamaan arimahaasi waxaa ka dhashay in la uur falo wixii aan Mogadishu Clan aheyn ee magaalada Muqdisho ku haray iyo dadkii kale ee awooda laheyn, godobtii xiligaasi la galay iyo wixii ka horeeyayba waa hadhacii ay inoo beereen maamulkii Siyaad Bare iyo Jabhadihii hubeysnaa oo shacabka ka filayey in ay keeni doonaan raxmad ka roon tii la riday. Kumuu ahaa Cali Mahdi? wuxuu ku dhashay tuulada Cadowuul oo ka tirsa shabeelada dhexe ee magaala madaxda Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1938. Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskoolaadkii Xamar ka jiray. Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira u aaday waxbarasho . Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu dhalinyaraa ee xubin ka noqda baarlamaanka Soomaliyeed. Kadib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shicibka aheyd ee wadanka la wareegay Xooga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waaweeyn ee wadanka soomaliyeed. Sanadahii 80’s Cali Mahdi iyo aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee markaas Maxamed Siyaad Barre. Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Maxamed Farax Caydiid kaasoo diidanaa Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi. Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000. Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenaayo . waxaa jiro waxyaabo badan oo wanaagsan oo u qabtay shacabka Lasoco qaybaha dambe Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Source
-
(SLT-Hargaysa) Xisbiga WADDANI, wuxu ka jawaabay dhaliishii uga timi Wasiir Maxamed Kaahin, waxaana uu sheegay in ay imika bilaabi doonaan Mucaaradad adag oo gil-gisha Xukuumadda. Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee WADDANI Mudane Kayse Cali Geedi oo u hadlay Xisbigaas, ayaa ugu horreyn Wasiir Maxamed Kaahin ku tilmaamay belaayo caashaq isaga carabka ku dhuftay in ay dalka ka dhigi doonaan Mudaharaado khal-khal-geliya Xukuumadda. Mudane Kayse, waxa uu Xukuumadda faray in aanay cabanin marka kuleylka Mucaaradnimo soo gaadho, Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa magaalada Hargeysa kulan ku yeeshay madaxda xisbiyadda qaran iyo xukuumadda Somaliland iyada ay kulan ka soo qayb-galeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi ismaaciil Saylici, guddoomiyaha xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Ankara ( Sh. M. Network )-Howlgal ballaaran oo Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah dalkaasi ayey ku soo qabteen 189 Muhaajiriin ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska dalkaasi. Booliska ayaa sheegay in Muhaajiriinta ay soo qabteen oo u badnaa Caruur iyo Haween ay badankood ka yimaadeen Qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in howlka ay Ciidankooda ka wadaan dalkaasi lagu soo qabanayo Muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku soo galay Turkiga. Ciidamada ilaaladda ee xeebaha ee dalkaasi ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro dad ah oo la sheegay in ay doonayeen in ay u gudbaan dhinaca dalka Giriiga. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee Turkgia ayaa lagu sheegay in Muhaajiriinta laga soo qabtay gudaha dalkaasi ay ka soo kala jeedaan dalalka Afghanistan, Palestine, Somalia, Kenya, Masar, Eritrea iyo Cameron. Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ayaa sanadkan qabtay 265,000 oo ah Muhaajiriin doonayay in ay u sii gudbaan qaar ka mid dalalka Qaaradda Yurub. The post Turkiga Oo qabtay Muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa) Wasarada warfaafinta Somaliland ayaa muddo aan cayinayn mushaharka ka joojisay Cismaan Cabdilaahi Cilmi (Heer-sare), oo hore u jilay hannaan socodka madaxweyne Biixi. Heer-Sare, ayaa ka mid ah shaqaalaha wasaarada Warfaafinta. muuqaalkana waxa uu ku dhex duubay wasaarada. Hoos ka DAAWO Source
-
Galinsoor ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Galinsoor ee G/Galgaduud. Wasiir Sabriye iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi ayaa ka bilaabay kulamo lagu xalinayo colaada ka taagan deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Kulamadan ayaa waxa ka qeyb galaya Odayaasha labada Beelood ee ku dagaalamaya qeybo ka mid ah G/Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay wafdi ka kooban labada gole u dirtay xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday gobolkaasi. The post Wasiirka arrimaha gudaha Oo kulamo ka bilaabay Galinsoor appeared first on Shabelle. View the full article
-
Matabaan (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Weerarka lagu dilayGuddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere), ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Maxaas iyo magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kale u dhintay saddex askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka tegay degmada Maxaas, waxaana uu kusii jeeday magaalada Baladweyne, hase yeeshee rag hubeysan ayaa la sheegay inay ka rasaaseeyeen gaarigii uu watay, islamarkaana dilka kadib ay qaateen gaarigii iyo hubkii uu watay. Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, hase yeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleed ay dileen. Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) ayaa sida la sheegay ku howlanaa xalinta dagaal beeleedyada kasoo cusbonaaday tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, Waxaana la sheegay inaysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa. Kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo. Sultan Ahmed ayaa sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera. Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland. Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera. Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo. Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018. Source: Booramanews Source
-
The newly elected president of Southwest State, Abdiaziz Lafta Gareen has held talks with local authorities and elders in Hudur on the first day of his two-day visit to Hudur district. The president who was elected on 19th December in Baidoa city following an election said his trip is based on the assessment of the current situation in Bakol region. The security of the town has been extremely tightened by the regional forces backed Eithiopian soldiers to prevent possoble Al-Shabaab attacks. Southwest president is expected to be innaguarted in Baidoa in the coming days and top central government leaders are likley to attend the event, according to the sources. The post Southwest State president holds talks with local authorities in Hudur appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xiisad u dhexeysa Soomaalida Canfarta Oo ka taagan Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Endefo ( Sh. M. Network )-Xiisan dagaal u dhexeysa Qowmiyadaha Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu soo warramayaa in maantaa y ka taagan tahay Xadka ay wadaagan maamulada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Ethiopia. Xiisadani oo soo bilaabatay 25-kii bishani, sida ay warisay warbaahinta Ethiopia ayaa waxa ay ka taagan tahay deegaan Endefo, kaas oo xiriiriya Xadka labadaasi maamul. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay ku dagaalameen Booliska Maamulka Canfarta iyo Rag hubeysan oo ka tirsan Qowmiayadda Soomaalida. Waxaana la sheegay in dhimashadu ay mareyso illa18 Qof iyo dhaawacuna intaasi uu ka badan yahay. Ciidamo ka tirstan Booliska federaalka ee Ethiopia ayaa loo daad gureeyay, si ay uga hortagaan xiisadaasi. Arrintani ayaa imaaneysa, xilli Qowmiyadda Soomaalida Ethiopia ay wajahaysay xiisad kale oo kala dhaxeysa Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi. The post Xiisad u dhexeysa Soomaalida Canfarta Oo ka taagan Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/Muqdisho oo aan la dhex qaadnay cod baahiyaha Radio Shabelle, si aan wax uga weydiino dareenkooda ku aadan dowladdii ugu horreysay oo u istaagtay in ay soo deyso Maxaasbiis Soomaaliyeed oo ku xirneyd dalalka Caalamka, sida Shiishalis, Hindiya, Liibiya , Itoobiya iyo wadama kale. Ugu horreyn shacabkan ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay dhinaca horumarka u qaaday dowladda feredaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul waaaraha in kiisaska nuucan oo kale ah ay dib u eegis ku sameeyaan, maadaama ay sheegeen in dambiyo been abuur ah lagu soo oogo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalalka caalamka. Waxaana ay tilmaameen in sidoo kale loo baahanyahay in marka la keeno dhalinyaradaasi lagu wareejiyo Ehelladooda, halka lagu sii xiri lahaa gudaha dalka. Dhinaca kale Axlaan Tahliil oo Sayigeeda uu ka mid yahay dhalinyaro laga keenay Shiishalis, balse haatan ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar ayaa baaq u dirtay dowladda. Axlaan ayaa ka dalbatay madaxda Qaranka in la soo daayo Sayigeeda oo in muddo ah ku dhibaateysnaa dalka dibaddiisa. DFS ayaa horay dalka u keentay dhalinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalal ka mid ah caalamka, tallaabadaas oo ay shacabku ku bogaadiyeen madaxda dalka. The post Shacabka Muqdisho Oo bogaadiyay horumarka DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa)Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay dawlada madaxweyne Muuse Biixi ay tabayso mucaarad la xisaabtama. Maxamed Kaahin ayaa sidan ka sheegay shir weynaha saxaafada oo ay soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta ee Somaliland waxaanu ugu horayntii ka hadlay saxaafada iyo waxyaabaha ay u qabato bulshadeeda ay u adeegto “Saxaafadu waxa ay ka mid tahay ururada ama haayadaha ka dhex farcama nidaamka dawliga ah iyo shuruucdiisa, waxa aynu ka war qabnaa oo aan la dafirayn saxaafada Somaliland ama saxaafada caalamkaba ha ahaatee inay yihiin laf dhabar bulshada dhexdeeda ka shaqaysa oo waxyaabo badan bulshooyinka u qabata hadday tahay warbaahinta oo ay wararkooda qaranka gaadhsiiyaan iyo arimaha bulshada inay qayb weyn ka qaataan, waxaynu ka qar qabnaa nidaamyadaasi marka sidaas u degan yihiin, waxa is weyndiin leh saxaafadu ma mid dawlad gooni ah iyadu ahbaa, ma mid aan iyada iyo qarankeedu wada shaqaynbaa, guddoomiyaha Solja waa kii halkan ka hadlay warbixin fiican waa bixiyay laakiin waxa uu u hadlay iyada oo ay saxaafadu tahay qolo yar oo dawlad ah oo saxaafad la yidhaahdo oo qaranka Somaliland aanay meelna iskaga xidhmin.” Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in xukuumadoodu ay tabayso mucaarad “Dawlad aan mucaaradba lahayn dawlad maaha mararka qaarkood dawladani mucaarad ayay tabaysaa. Ujeedada aynu ka leenahay saxaafadeenu ma in ay fidiso qabyaaladaa mise inay ka hortagto qabyaalada oo aanay fidin,miyaynu isku dafiraynaa in ay maalin walba saxaafada ka soo baxdo haddaanu reer hebel nahay sidaas iyo sidaas hadaan la yeelin tan lagu wada noolaan maayo.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019. 174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019. Waa markii ugu horreysay ee qaabkan lagu ansixiyo sharci. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar. Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Kooxo hubaysan ayaa saaka badhtamaha magaalada Qardho ku weeraray Kornayl Siciid Caarre, oo hoggaamiyaha Jabhad fadhigeedu yahay Puntland oo Somaliland ka soo horjeeda. Kooxda ayaa ka xaystay gaadhigii gaar ka ahaa ee kornayl Siciid Cawil Caarre. Wariyaha HCTV , ayaa sheegaysa in hadda ay socdaan waan waan Odayaasha deeganku wadaan oo la doonayo in kooxda lagaga soo celiyo Gaadhiga. Illaa hadda ma cadda sababta ay kooxdani u dhaceen Gaadhiga kornayl Siciid Cawil Caarre, balse wararka soo gaadhaya Shabakadda Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdan weerarka gaystay ay daba socoto weeraro hore oo ay gaysteen dad ay isku deegaan yihiin Kornayl Caarre oo la sheegay inay hore gaadhi u dhaceen, Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka. Illaa 147 Mudane oo ka tirsan BFS ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda 2019-ka. Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay. 170 Xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaana diiday hal Xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka. 171 Xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday labo Mudane, Xildhibaan ka aamusayna ma jiro. Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga difaaca ee BFS Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. The post Golaha Shacabka Oo meel mariyay Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Members of Somali parliament have unanimously voted to approve the proposed 2019 budget which is estimated $340 million during Saturday’s meeting in Mogadishu. Today’s meeting which was chaired by the speaker of the house, Mohamed Sheikh Mursal Abdulrahman also discussed other businesses awaiting the assembly including approval of seven bills of the draft constitution. Speaker Mursal urged members to attend the final approval of the budget session that is scheduled on 31st December to beat deadline following day-long debate by the parliamentarians. More than USD 340 Million budget tabled by the ministry of finance via the finance committee for next year plan is expected to be unanimously approved on Monday. The discussion of the budget comes at a time when the embattled house finance committee has been reshuffled in an effort to end divisions within its membership, that was the root cause to the delayed sessions. Mohamud Siraji, the younger brother of the late Minister for Public Works and Reconstruction, Abass Abdullahi Sheikh Siraji was since elected as the chairperson of the powerful finance committee. The new chair and his team met the finance minister, Abdulrahman Dualeh Beyleh on Thursday to discuss the way forward on the budget. The post Somali parliament unanimously approves 2019 budget appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-30122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article