Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,180
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo uu shalay Garoowe ku qabtay ayuu Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole uga hadlay qodobo muhiim ah. Waxyaabaha uu Faroole ka hadlay waxaa ka mid ahaa doorshada Puntland ka dhaceysa 8-da Janaayo 2019, oo ku beegan labada toddobaad ee soo socda, xulista xubnaha baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka. Hase ahaatee, Faroole qeybaha dhexe ee shirkiisii jaraa’id waxa uu ku tuntay Cabdiweli Cali Gaas oo uu qiimeyn qodobeysan ku sameeyey waxyaabihii uu qabtay shanti sano ee uu talada Puntland hayey. Faroole waxa uu warbaahinta u soo bandhigay lana wadaagay maashiircdii uu ku wareejiyey Gaas markii uu kaga adkaaday doorashadii 2014. Mashaariicdaas oo dhammaatood heshiisyadooda la saxiixay waxaa ka mid ahaa madaarka Boosaaso, Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan. Sida uu Faroole xaqiijiyey ma jirto mashruuc kale oo weyn oo uu Gaas intii uu talada hayey meelmariyey, waxaa intaa u dheer in uu ku eedeeyey inuu musuq maasuqay dhaqaalaha kuwii hore loo saxiixay sida garoonka diyaaradaha ee Garowe. Muxuu Gaas qabtay oo uu Faroole u qiray? Faroole oo qoslaya ayaa sheegay in uu Idaacadaha ka maqlo Gaas oo ku faanaya in uu hirgaliyey barnaamijka goleyaasha deegaanka (City councils) ee lagu dhisayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan GPLG, hase ahaatee, Faroole waxa uu caddeeyey in iska daa Gaas uu mashruucaas jiray markii uu isagu Cadde Muuse (UAN) uu xilka kala wareegay. Waxaa qosol badnaa markii uu Faroole sheegay in uu Gaas fuliyey ama qabtay oo loo qirsan yahay dhisidda Suuliyo/musquliyo tuulooyinka laga dhisay! Faroole oo dhoolla caddeeynaya ayaa sheegay in shaqadaas ay islaamaha xataa ku filan yihiin! Hoos ka daawo Faroole Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  2. Sirdoonka UK oo war kasoo saaray Carmaladda Cad oo lagu ogaa Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo hadda ku jira hakad. Sidaas waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah. Danjire Dr. Olgan Bekar, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay bishan ka dhammaatay mudadiisii xil hayneed, ayaa markii uu ku noqday dalka Turkiga waxa loo magacaabay ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamac A. Maxamed, ayaa danjire Dr. Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay, waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaaliga ahi ku qoray bartiisa twitterka ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay danjire Dr. Olgan Bekar ka taageeri doonto hawsha cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee loo magacaabay. “Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyay intaas, “Wuxuu qiimo u lahaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaanan u balan qaaday taageeradayada xilkiisa ah ergayga cusub ee Turkiga ee wada hadalada Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland.” Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal magaacaabista ergaygan Turkiga. Waxase la isweydiinayaa doorka Turkigu wakhtigan ku leeyahay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay, iyadoo ay Somaliland hore u sheegtay inaanay la dhacsanayn dhexnimada Turkiga ee wada hadalada labada dhinac. Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa horaantii sannadkan intii aanay wada hadaladu burburin waxay isla garteen inay Djibouti ku yeeshaan kulan daah-furis loogu samaynayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Biixi iyo Farmaajo, ayaa sidoo kale iyadoo ay diblomaasiyiin shisheeye u kala dab qaadayeen waxay isla garteen in Switzerland martigeliso wada hadalada oo laga soo wareejiyo Turkiga. Turkiga, ayaa la sheegay inaanu jeclaysan talaabadaas lagaga wareejiyay wada hadalada, waxaanu xidhiidho la sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Lamase oga in Turkigu hadda go’aansaday inuu soo ceshado doorkii uu ku lahaa wada hadaladaas iyo inuu doorkiisii fududaynta madasha wada hadalada u bedelayo door dhexdhexaadiye. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiska ay Dawladda federaalka Soomaaliya la gashay Shirkadaha Shiinaha laga leeyahay ee ku bahoobay COFA, kaas oo ay Soomaaliya ugu saxeexday inay ka kalluumaystaan badda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa yidhi “Waanu ka war haynaa, oo waanu maqalnay inay Dawladda Soomaaliya heshiis la gashay Shirkado kaalluumaysi, laakiin heshiisyadaasi inaga inama khuseeyaan, Dawladda Soomaaliyana waa u nacasnimo inay Shirkado heshiis kula gasho Bad iyo Xeebo aanay ka talin” Waxa uu hadalkiisa ku dara “Baddeena iyo Xeebaheena inaga ayaa ALLE sokadii ka taliya, oo maamulna, dal iyo cid kale oo ku soo xad gudubtana raali kama nihin, mana yeelayno, waxaana xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira oo ilaashanaya xadka baddiisa, waxaana inoo jooga Ciidankeena Badda, oo cadaw kasta iyo cid kasta oo xad gudub inagu soo sameeysa ka difaacaya”. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu ku dambeeyey maamulkii Hawada Soomaaliya oo ay si buuxda ula wareegtay dowladda iyo Xukuumad ahaan waxaa uga qorsheysan. Faratoon ayaa yidhi “Horta ALLE sukadii inaga ayaa iska leh Hawadeena, Baddeena, iyo Dhulkeena, inaga ayaa ilaashanayna, maamulka Hawadeena in Soomaaliya laga maamulana waxaynu raali ka nahay, oo aynu ogol nahay maaha, maxaa yeelay Soomaaliya inooma taliso, isku dalna ma nihin, ee laba dal oo jaara ayeynu nahay, laakiin caqabadaha caalamiga ah ee dalkeena Somaliland haysta ayaa keenay in maamulka hawadeena Soomaaliya lagu wareejiyo, laakiin waxaynu raali ka nahay maaha, dibna weynu u soo ceshan doonaa’ “Waxaa jira heshiiskii ahaa in laba dalba wada maamulan hawada, laakiin heshiiskaasi si cad bay Somaliya u jabisay, Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba waxaynu ku dadaalaynaa inaynu dib u soo ceshano maamulkii hawadeena, Dawladda Somaliya xaasidnimo iyo xiqdi kasta oo ay inala daba socoto waxba inagu yeeli mayso”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  5. London (Caasimada Online) – Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Source: Belfastlive.co.uk
  6. Hoos ayaan ku falanqayn doonaa doorashada Puntland ee 2019-ka iyo qofka ku habboon in la doorto laakiin marka hore sheeko yar. Buur baa waa’ foolatay Waxa la yiri Buur baa waa’ foolatay. Saa waxay dhashay Jiir ama Doolli, qofba siduu u yaqaan. Dadkii way yaabeen waxayna dhaheen suuragal ma aha in adiga oo sidaa u wayn oo uurka wayn lahaa muddada shanta sano ah, annaguna aan hanka wayn kuu qabnay, aad dhasho jiir yar. Sheekadaan waa sheeko dheer oo xiiso badan, insha Allah mar kale ayaan dhamaystiri doona, laakiin sida buurtu hanka uga jabisay dadkii degaankeeda ayaa hadda dadka reer Puntland waxay aad uga wel-welsan yihiin in doorashadaanina sidii tii 2014-ka ay hanka uga jabin doonto. Xaalka Puntland hadda ku sugan tahay Waxaan ognahay sida loogu khasaaray wixii ka dhashay doorashadii 2014-ka. Puntland maanta waxay fadhidaa gebi cidla’ ah. Dhaqaalaheedii waa bur-buray, ammaankii faruhuu ka baxay, waxbarashadeedu tayo fiican ma leh, qabiil walba maduxuu iskula jiraa oo waxay isku haystaan xildhibaanadii beeshooda u fariisan lahaa baarlamanka Puntland, degaannada qaarkoodna waxa ka jira colaad ka dhex taagan qabaa’ilka wada dega. Dhanka kale, waxaa maamulka Cabdiwali Gaas hareeyay musuq-maasuq xad dhaaf ah, naas nuujis xigaalo, maamul xumo, isla xisaabtan la’aan, iyo khayraadkii badda iyo dhulka Puntland oo uu si sharci darro ah gacanta ugu galiyay dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah oo Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu isagu dullaal ka yahay, laakiin dadka deer Puntland aysan waxba ka intifaacsan. Halkan ka akhri faah-faahin ku saabsan musuq-maasuqa hareeyay xukuumadda Cabdiwali Gaas (runaway corruption, nepotism, and inefficiency) by Dr. Abdullahi Y. Muse, (Abdiwali Gaas a shameless incorrigible betrayer of his nation), (Gaas-and-the-floundered-presidency) sida ay ku qoreen website-ka Wardheernews, Osman Hassan, iyo Faisal Rooble. Ballanqaadyadii uu Madaxwayne Gaas fulin waayay Madaxwayne Cabdiwali Gaas wuxuu buriyay ballamihii uu galay dhammaadkii 2013-ka markii uu u tartamayay madaxwaynanimada. Tusaale ahaan wuxuu ballan qaaday inuu xorayn doono goballada (Sool, Sanaag, iyo Cayn) oo Somaliland ka haysato Puntland, inuu mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha gobolka kor u qaada hirgalin doono, inuu tayada waxbarashada kor u qaadi doono, inuu ammaanka sugi doono. Laakiin ballanqaadka ugu wayn ee uu ku fashilmay Madaxwayne Gaas waxuu ahaa kan uu yiri dib isuma soo sharrixi doono doorashada 2019-ka. Waraysiyo laga qaaday Madaxwaynaha sanadihii 2014 ilaa 2017-kii wuxuu isagoo kalsooni muujinaya si cad u sheegi jiray inuusan dib dambe isu so sharrixi doonin marka waqtigiisu dhamaado. Wuxuu dhihi jiray aniga ujeeddadaydu ma aha jago, ama lacag ee waxa keliya ee aan rabaa waxa weeye inaan hormariyo dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amaanka Puntland, iyo inaan dhallin yarada shaqo u abuuro, musuqana la diriro, horumariyo nidaamka dawlad wanaagga, iyo sarraynta iyo ka dambaynta sharciga. Madxwaynuhu wuxu yiri, wax kaleba yeelkoode haddii aan fulin waayo ballanta ah hal-qof-hal-cod, inaan noqon doono qof xukunkiisu fashilmay. Halkan ka dhagayso Ballamihii uu galay Madaxwayne Gaas 2014-kii laakiin uu ku fashilmay. Markii la gaaray 2018-kii ayuu bilaabay inu dhaho markii la gaaro xilliga doorasada ayaan sheegi doonaa inaan mar kale tartami doono iyo in kale. Hadda oo la gaaray xilligii doorashada, wuxuuna Madaxwayne Gaas ku dhawaaqay 18-kii December 2018 inuu dib isu soo sharraxay (Gaas oo ku dhawaaqay inuu mar kale isa sharraxayo ) iyadoo aysan jirin wax mashaariic ah oo uu sameeyay oo sababi kara in dib loo soo doorto, isla markaana aan u aaba yeelin ballamihii uu hore u qaaday oo uu fulin waayay. Waxaa is waydiin leh ma la rumaysan doonaa wax dambe oo uu sheego Madaxwayne Gaas iyo ballan dambe ee uu qaado maadaama uu ka baxay ballamihii hore oo dhan, kuwaasoo uu isagu afkiisa isku xukumay inu noqonanyo qof fashilmay haddii uu fulin waayo!!! Dambiyo waa-wayn oo Madaxwayne Gaas ka galay Puntland/Soomaaliya Boobka Khayraadka Puntland Puntland waxaa ka buuxa khayraad tiro badan oo aan wali la soo saarin kuwaasoo ay ka mid yihiin kalluun, shidaal, iyo macaadin kala duwan oo kulligood ah gancsi gal. Sidaasoo ay tahay dhaqaalaha Puntland aad ayuu u hooseeyaa, dhallinyaradii waxaa haysta shaqo la’aan baahsan, tayada nolosha dadkuna aad bay u liidataa. Sababtuna waxay tahay khayraadka Puntland waxaa si sharci darri ah u qaata dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah. Wa ayaan darro in masuuliyiinta ay ku qanacdo inay qaataan lacag yar oo markay ugu badato gaaraysa dhowr malyan oo dollar halka waddamada iyo shirkadaha shisheeyuhu ay ka la baxaan Puntland khayraad gaaraya balaayiin dollar. Maxaa laga qabtay dekaddii Boosaaso? Waxaa kale oo is waydiin leh maxaa laga faa’iday dekeddii Boosaaso ee uu ku wareejiyay Imaaraatka. Waxay ahayd in shaqada lagu bilaabo sannad gudihiis. Labo sano ku dhowaad ka dib, wax horumarin ama dhisma ah lagama qaban dekadda Boosaaso. Halka ganacsatada lagu kordhiyay canshuurihii laga qaadi jiray badeecooyinka ka soo dega dekedda. Waxaa la dhihi karaa cidda keliya oo ka faa’idday waa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda. Lunsasho hanti guud Cabdiwali Gaas aad baa loogu han waynaa markii la doortay 2014-kii waxaaana la filayay inuu noqdo hoggaamiye horumariya Puntland isagoo adeegsanaya qoonta iyo khibradda uu sheegtay inuu u leeyahay maamul wanaagga (good governance), kobcinta dhaqaalaha, uruurinta canshuuraha, iwm. Hase yeeshee, shantii sano ee uu xukunka hayay waxaa lagu eedeeyay inuu si gaar ah u lunsaday hanti badan oo dalal dibadda ah (sida Kenya, Zambia, Ethiopia, iyo UAE) uu gaystay. Gaas wuxuu soo gatay warshad lagu sameeyo lacagta Shilling Soomaaliga. Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama ayasan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekadaha Berbera iyo Muqdisho. Samaynta lacag sharci darro ah waxay keentay in sicir barar xad dhaaf ah ku yimaado badeecooyinkii yaallay suuqa, isla markaana uu qiimo jabo wayn ku yimaado Shilling Soomaaligii. Waxaa is waydiin leh sidee u dhici kartaa inuu lacag sharci darro ah daabacdo nin ku faanaya inuu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha. Dawladda ugu awood ciidan iyo dhaqaale wayn dunida maanta aan ku nool nahay wa tan Maraykanka iyadana Madaxwaynaheedu awood uma leh inuu soo gato warshad lacagta lagu sameeyo oo markii uu rabo ku daabacdo wixii lacagoo uu u baahdo. Cabdiwali Gaas wuxuu mudan yahay in maxkamad sharci la hor keeno oo uu xabsi u galo lacagta uu sida sharci darrada u samaystay iyo bur-burka dhaqaale eeka dhashay arrintaas. Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes. Ma aha in Cabdiwali Gaas lagu abaal mariyo in mar kale la soo doorto si uu u sii lunsado hanti kale, dhaqaalaha Puntland u baabi’iyo. Yaa faa’iida ku qaba in Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto? Dadka keliya ee faa’idada ku qabi kara in dib loo soo doorto Cabdiwali Gaas waa dadka hadda u shaqeeya xukuumaddiisa. Waxayse san ogayn in haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto aan wax badan iska baddali doonin dhismaha dawladdiisa. Isla waziirada, ku xigeenada, agaasimayaasha, shaqaalaha madaxtooyada, iyo madaxda ciidamada ee hadda la shaqeeya xukuumaddiisa ayay u badan tahay inay soo noqdaan. Waxa laga yaaba inuu dhowr waziir midba mid kale ku baddalo, umana badna inuu wajiyo badan oo cusub ku soo kordhin doono dhismaha dawladdiisa. Sidaa awgeed dadka u hanqal taagaya inay jago ka helaan dawladdiisa haddii dib loo soo doorto way ku hungoobi doonaan. Dhanka kale, haddii Madaxwayne cusub la soo doorto, wuxuu soo dhisi doonaa dawlad hor leh oo ay hoggaaminayaan wajiyo cusub oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Sidaa awgeed, qofkii rajo ka qaba inuu ka mid noqdo maamulka shanta sano ee soo socota waxaa u fursad wanaagsan inuu tageero murashax cusub. Yaa badbaadin kara Puntland Puntland waxa badbaadin kara qof ay ku wayntahay: Waddani aamninsan midnimada iyo horumarka Soomaaliya ka han iyo himilo wayn dan gaar ah aan rabin inuu boobo hantida guud , laaluushna qaadan khibrad u leh maamul wanaag , lehna ammaano iyo hufnaan iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda aan xigaalo iyo xidid si sharci darro ah u naas nuujin leh shakhsiyad wanaagsan, dhaqan wanaagsan, aqoon sare, iyo cadaalad. Markii aan aad u daraaseeyay murashixiinta hadda tar-tamaya oo dhan waxaan si kalsooni buuxda ku jirto u oran karaa, qofka keliya ee leh sifooyinkaas kor xusan oo dhan iyo kuwa kale oo badan oo iyaguna wanaagsan, inuu Cali Xaaji Warsame yahay nin si buuxda ugu qalma inuu hoggaamiyo Puntland iyo waliba Soomaaliyaba. Maxay u tar-tamayaan murashixiin badan oo og inaysan guulaysanayn? Qaar badan oo murashixiinta ka mid ah way og yihiin inaysan soo baxayn laakiin waxay rabaan inay qalqaalsadaan oo ay ka helaan dawaladda cusub jagooyin: sida waziir, ku xigeen waziir, agaasime, ama wax la mid ah. Qaar kalena waxaa tar-tanka soo geliyay Cabdiwali Gaas si uu ugu kala jabiyo awoodda qaar ka mid ah murashixiinta leh furasad fiican inay guulaystaan. Taageero ku salaysan mabda’ Badanaa taageerada dadkeenu waxay ku salaysan tahay saaxiibtinimo, qabiil, ama dan gaar ah. Laakiin anigoon la qabiil ahayn, dan gaar ahna ka lahayn taageeriddiisa, ayaan haddana waxaan ku taageerayaa murashax Cali Xaaji Warsame, fikir, ama qadiyad aan aamminsahay inaan wadaagno darteed. Qaddiyaddaas oo ah ilaalinta midnimada iyo wada jirka dalka iyo dadka Soomaaliya, dhisidda xukuumad loo dhan yahay oo aan ku salaysnayn qabiil iyo qof jeclaysi, iyo danta guud oo laga hormariyo tan gaarka ah. waxaan aamminsanahay in murashaxiinta hadda tar-tamaya uusan ku jirin mid ka daacadsan, ka waddanisan, ka ethics wanaagsan, ka khibrad shaqo wanaagsan, ka aqoon maamul wanaagsan, kana ammaano wanaagsan murashax Cali Xaaji Warsame. Cali Xaaji Warsame wuxuu waxbarashadiisa ilaa heerka kowaad ee jaamacadda (Bachelor) ka dhigtay machadkii SIDAM, ka dibna MBA ayuu ka qaatay American University in London, UK. Wuxuu maamule ka noqday dekadda Boosaaso, ka dibna wuxuu CEO ka noqday shirkadda is gaarsiinta ee Golis. Ka dib wuxuu wasiirka waxbarashada ka noqday Puntland. Dadkii la shaqeeyay waxay isku raceen inuu yahay nin leh ammaano, karti, aqoon, iyo dhaqan wanaagsan. Xiriirka Puntland iyo dawladda dhexe Dadka reer Puntland waxay rabnaa in Puntland uu madaxwayne ka noqdo qof xiriir wanaagsan la yeelan kara dawladda dhexe ee Soomaaliya waayo haddii Soomaaliya bur-burto, Puntland ma dhisnaan karto. Waxaa dadka Soomaaliyeed dhibay madaxwayne maamul goboleed oo hadba ku hanjabaya inuu xiriirk u jarayo dawladda dhexe. Asal ahaan yaa masuul ka ah doorashada madaxada xun Eedda doorashada madaxda xun waxa marka koowaad leh xildhibaanada laaluushka ku soo baxa dabadeedna doorta murashaxii lacagta ugu badan siiya, waxaa kale oo eedda qayb lixaad leh ka ah oday dhaqameedyada soo ansixiya xildhibaanadaas. Haddii xildhibaanadu ahaan lahaayeen waddaniyiin ka damqanaya bur-bur iyo dib u dhaca soo gaara Soomaaliya, codkooda laaluush kuma gateen. Waxay marag ma doonta ah in inta badan xildhibaanada Puntland ah jeebkooda waxa gala uga muhiimsan tahay horumarka waddankooda, diintooda, iyo dadkooda. Taasina waa ayaan darro ku habsatay Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland. Xalku waa in la gaaro qof-iyo-cod si laaluush ku soo bixiddu meesha uga baxdo. Gaba-gabo Gaba-gabadi waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, kanana ammaano wanaagsan is ilaalin wanaagsan. Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhanka kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland. Waxaan leenahay u hiiliya carruurtiina iyo carruuraha ay dhali doonaan. Allaha wayn waxaan waydiisanaynaa inuu Puntland madaxwayne uga dhigo kii danta dalka iyo dadka ku jirto. W/Q: Axmed Bashir Email: bashir1631@gmail.com Twitter: @bashir1631 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Somalia has a significant year ahead, with subnational elections looming and security and economic woes likely to continue. President of the Puntland region Abdiweli Mohamed Ali Gaas recently announced that he would seek reelection when voters go to polls on January 8. Many note his failures to fulfill his 2014 election promises and reports have surfaced accusing him of attempting to fix elections by sending presidential employees to constituencies and pressuring or blocking elders’ choice of representatives. The ongoing border disputes with neighboring de facto state Somaliland hit new heightsof violence in 2018, with twenty clashes reported since January. Both sides claim sovereignty over disputed regions and efforts at mediation between leaders petered outover the past year. Given the apparent reluctance on both sides to address this issue, as well as parliamentary elections in Somaliland in April, it is unlikely that 2019 will see the end of this conflict. Entrenched insurgencies by the likes of Al-Shabaab and Islamic State in Somalia will continue to spread instability. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has had limited success in reducing the presence of the terrorist organisations, particularly Al-Shabaab, which maintains its southern stronghold of Jilib and holds more territory than any point since 2010. AMISOM’s recently unveiled Concept of Operations offensivefor 2019 will be a decisive test in Somalia’s battle with its protracted insurgency and its results will lay bare AMISOM’s logistical proficiency, which has been dogged by criticisms. Mogadishu, a terminus for those fleeing the countryside, is buckling from the strain of housing the internally displaced. Malnutrition arising from a lack of food, water, shelter, and sanitation is major concern for those contemplating the city’s future. Unaddressedcorruption riddles Somalia’s public institutions, with bribes, business based on patronage, and tight monopolies appearing set to continue undermining Somalia’s economy and nurturing discontent in 2019. Source: Foreignbrief.com
  8. Doha: Qatar Charity (QC) joined the Somalia NGO Consortium and took part in the recent meeting of the consortium held in Mogadishu. The Consortium has currently 98 local and international humanitarian organisations as members. The event was attended by Somali Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management, Hamza Saeed Hamza, and the Somali Minister of Labour and Social Affairs, Saleh Ahmed Jameh. Peter de Clercq, UN Humanitarian Coordinator for Somalia, and many directors of the offices of global humanitarian agencies also attended the meeting. QC’s joining the consortium came as part of its strategic orientation to enhance its presence within the international humanitarian system and emphasize its keenness to coordinate international assistance efforts around the world in cooperation with NGOs Established in 1999. It is an effective network of non-governmental organisations, which works together to improve the coordination of international assistance. The consortium runs its local affairs in Somalia through its offices in Hargeisa, Garowe, Mogadishu and Nairobi. The consortium also works closely with the International NGO Safety Organization (INSO), as well as it is a member of important international organisations including the International Council of Voluntary Agencies (ICVA), a network of non-governmental organisations, which was founded in Geneva in 1962. Qatar Charity’s joining the Somalia NGO Consortium will provide opportunities for it to join other humanitarian alliances and to collaborate with major international organisations. This kind of coordination platform provides a more secure framework in terms of laws and operations and enhances Qatar Charity’s image within the humanitarian system. Abdul Fattah Al Moallem, programme director at QC’s office in Somalia, has participated in the recent meeting of the consortium, which was an opportunity to review the achievements of the consortium during 2018. Qatar Charity is expected to present a summary of reports on its achievements and experiences at future periodic meetings. QC’s office in Somalia participates in a number of coordination meetings of humanitarian organisations in Somalia, such as the monthly meetings of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), coordination meetings of the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), and coordination meetings organised by Somali government agencies. Qatar Charity started its work in the Republic of Somalia in 1991, in cooperation with local partners. QC’s field office was officially registered in 2007. In November 2010, the office was inaugurated to fully supervise all activities, programmes and projects implemented by Qatar Charity in Somalia. By the end of 2017, the number of beneficiaries of its projects reached 3.8 million persons. Qatar Charity joined Start Network in February 2016 as observers, and in November 2017, it was granted full membership by the Start Network Board of Directors on the basis that all membership conditions are met. The Start Network is made up of 42 aid agencies across five continents, ranging from large international organisations to national NGOs. It provides quick and effective assistance to those affected by humanitarian crisis. Source: The Peninsula
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-30122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si lama filaan ah caawa uga baxay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu xildhibaanka ku yiri “Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD)” Xildhibaanka ayaa sheegay inuu xisbiga uga baxay sababo isaga u gaar ah oo uusan shaaca ka qaadin waxa ay yihiin. “Waxaan u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan usoo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan” ayuu yiri xildhibaanka. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xildhibaanada ugu saamaynta badan baarlamanka Soomaaliya, waxaana ka bixitaankiisa xisbiga ay dhaawac xooggan ku tahay xisbigan, inkasta oo xubno kale oo saameyn leh ay weli ku jiraan. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hore wasiiru dowlaha maaliyadda uga soo noqday dowladdii Xasan Sheekh ayaa dhowaan laga saaray guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya oo uu ahaa xoghayaha guddiga, kadib markii ay soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre. Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida adag uga soo horjeeda xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Maanta ayuu si rasmi ah xaflad ka dhacday Garowe ugu shaaciyey Dr. Cali Ciise Cabdi in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland. Toddobaad kahor uun ayey soo shaac baxday hanka Dr. Cali Ciise, waxa ayna noqotay lama filaan halka ay walbahaar ku abuurtay musharixiinta 30 kor u dhaafaya ee loolanka markii hore ka dhexeeyey. Sida xogta lagu helayo, guriga uu Dr. Cali Ciise ka dagay Garowe waa mid saxmad iyo mashquul badan iyada oo ay bulshada reer Puntand dhammaan isla qireen in uu yahay shaqsiga maanta ugu habboon ee hore u sii wadi kara maamulka 21 sano jirsaday. Walow aan la saadaalin karin in Dr.Cali Ciise sanadkan ku guuleysan doono xilka Madaxweyne ee Puntland, waxaa hubaal ah in laga dhaxli doono laba qodob natiijada ka soo baxda hoolka doorasha maalinta ay taariikhdu ku suntan tahay 8-da Janaayo 2019. Haddii uu guuleysto, waxay guusha Dr. Cali Ciise Cabdi noqon doontaa waayo cusub oo u beryey Puntland, xiisaha ggaarka ah ee uu leeyahay waa mid is weydiin mudan? Ma musharixii ugu horreeyey oo xilkaas u tartama oo a soo jeeda Dhulbahantaa? Ma markii ugu horreeysaybaa in Sool clan hoggaamiyo Puntland? Jawaabaha su’aalahaas waa MAYA! Maanta oo la joogo Sool clan waxaa xilkaas ugu tartamaya saddex oo uu Dr. Cali Ciise ku jiro, su’aasha labaad – Sool clan hore Puntland xilka Madaxweyne waa uga soo qabteen – Maxamed Cabdi Xaashi ayaa muddo dhawr bilood ah xilkaas hayey xilli looga adkaaday doorashadii xigtay tiro ka yar 6 cod. Taas marka la fahmo, aan u daadago labadii qodob ee aan sheegay ee laga dhaxali doono waxa hoolka doorashada ka dhaca – Qodobka Kowaad Ka soo qaad, guusha waxa ay maalintaas raacday Dr. Cali Ciise Cabdi – waa madaxweynihii shanaad ee Puntland, maxaa xiga? Waxaa xigi doono in ay si toos ah laba shey oo hadda laga xishoodo dib u soo shaac baxayaan; Hartism iyo Puntland la wada leeyahay. Puntland waa maamul ku dhisan HARTIS ama beelaha Harti ee kooban qaabilo dhawr ah oo laga xusi karo; Majeerteen (Maxamed Harti), Sool clan (Siciid Harti), East Sanaag Clan (Maxamuud Harti) iyo Dishiishe (Axmed Harti). Hartism waxa ay meesha ka baxday 2007 wixii ka dambeeyey xilligaas oo ay Somaliland la wareegtay gacan ku haynta gobolka Sool iyo qeybo ka mid ah Sanaag. Isku dayo badan ayaa la sameeyey oo dib loogu xorreenayo Sool base waxa ay ka suuragali weysay madaxdii Majeerteen gaar ahaan Maxamuud Saleebaan ee hoggaanka isu bed bedelayey. Waxaa ka dhashay in meesha gebi’ahaanba ay meesha ka baxdo HARTISM-kii oo ay Sool clan u qaataan siyaasadda Majeerteen mid ku daneysi aan dhaafsiisneyn maadama in xilka Madaxweyne ay banneeyaan rabin, dhulkii maqnaana noqdo sheeko xariiro lala soo shirtago maalmaha ol’oleyaasha doorasho! Waxaa Iyana quustay oo la waayey sheekadii ahayd Puntland la wada leeyey. Caadiyan Puntland waxaa wada dhistay beelaha Harti ee aan meesha ku xusay iyo qyebo ka mid ah Daarood Weyne sida Leelkase, Awrtable iyo Jambeel. Xukunkii oo soo dhaafi waayey Maxamuud Saleebaan oo ah jifi ka mid ah Majeerteen waxa ay keentay iska daa Puntland ay wada leeyihiin beelaha kor ku xusan ee wada dhistay, xataa waxaa isku nacay Majeerteen dhexdiisa. Haddii Cali Ciise soo boxo, waxaa dib u istaagi doona labaddii tiir ee lagu aslay Puntland markii 1998 dhidhibada loo aasay –HARTISM iyo Puntland la wada leeyahay. Qodobka Labaad Sool clan oo midooba, taas waxa ay Iyana u gogol xaari doontaa gobolka Sool oo si sahlan oo aan dagaalba ka dhicin dib ula midooba Puntland inteeda kale. Gobolka Sool oo ah xuduntii Sool clan aadna ahmiyad ugu leh Puntand ilaa iyo 2007 waxaa gacanta ku haya Maleeshiyo beeleed ka gadooday siyaasadda HAGBADDA ah ee Puntland iyo Somaliland oo gacan saar la leh. Haddii Dr. Cali Ciise oo ah maanta shaqsiga ugu sumcadda badan beesha Sool clan noqdo Madaxweynaha Puntland waxa ay soo de dejin doonta midowga reer SSC iyo Laascaanood oo dib loo xorreeyo. W/Q: Xuseen Muuse Guuleed Nairobi, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray kaga hadlay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle. Ugu horeyntii, waxa uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ugu geeriyooday Magaaladda Muqdisho xanuun dhinaca Wadnaha ah. Sidda laga soo xigtay qoraalka, Gudoomiye Mursal ayaa Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa, ehelkiisa, golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo. “Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Guud ahaan Xildhibaanada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, xildhibaanka uu ka geeriyooday,Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Allaha ha u naxriisto ,Kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo Xildhibaanka waxa uu ahaa qof wadani ah oo jecel horumarka dowladnimada Dalka,waxa uu ahaa shaqsiyadiisa qof af gaaban oo Mar walba cibaadada Alle ku dadaala,naxriis badan Alle ka cabsigana dadka ku waaniya Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo Anagana gadaashiisa nama fidneeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya. The post Gudoomiye Mursal oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Ruush appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo maanta yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka. Kulanka golaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaarha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray isla xisaabtanka iyo qiimaaynta waxyabahii sannadka dhammaadka ah u qabsoomay afarta tubood ee ay ku salaysan tahay shaqo maalmeedka Dowladda Soomaaliya. “Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.. Barnaamijka xukuumadda ee horraantii 2017 ay ansixiyeen golaha shacabka ayaa loo qaybiyay afar tubood oo kala ah siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqalaha iyo amniga iyo cadaalladda kuwaas oo yeesha shirar joogta ah oo ku salaysan isla xisaabtan ku dhisan hufnaan iyo daah-furnaan. The post Gollaha Wasiirada XFS oo ansixiyay sharci muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Ra’isilwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir gudoomiyay shir xasaasi ah oo golaha wasiirada Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Shirkaasi ayaa ku saabsanaa isla xisaabtanka golaha wasiirada wixii u qabsoomay sanadkaan dhamaadka ah iyo waxa u qorsheeysan sanadka soo socdo. Xasan Cali Kheyre Ra’isilwasaaraha Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in isla xisaabtan dhab ah uu dhaco. “Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda” ayuu yiri Kheyre Golaha wasiirada ayaa sidoo kale maanta ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka. Hoos ka Daawo Muuqaalka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo daah furay shirka isla xisaabtanka Xukuumada appeared first on Puntland Post.
  15. Gelinsoor (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo lagu qabtay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka, maanta gelinkii dambe la wareejiyay. Ciidamada Ethiopian-ka oo labo askari ahaa ayaa loo diiday in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, iyadoo odayaasha deegaanka ay isla garteen in askartaasi si nabad ah loo wareejiyo, maadaama ay bixiyeen xog ku saabsan sida ay dagaalka kusoo galeen. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada loo gacan geliyay ciidamada Liyuu boolis oo ku sugan dhulka dowlad deegaanka kadib is afgarad dhex maray odayaasha deegaanka lagu dagaalamay. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la wareejiyay hubkii ay ku dagaalamayeen ciidamada dagaalka lagu qabtay, waxaana caawa kulamo gaargaar ah ay ka socdaan deegaanka. Wasiirka arimaha gudaha ayaa doonayay in ciidamadaasi lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya si dowladda ay ugu wareejiyo dowladda Ethiopia, balse qorshahaasi waxaa ka hor yimid odayaasha dhaqanka. Deegaanka ayaa waxaa hadda ka bilowday dhexdhexaadin beelaha ku dagaalamay Kaxandhaale oo dhul daaqsimeed isku haya. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  16. Somaliland: Xeerarka Soomaaliya Sameystaan Waa Bilaa Micne. Waxaan dhawaan ku arkay shabakadaha Somaliland qoraalo qaylo dhaan ah “Hayaay, ka kacaay” iwm oo ka cabaadaya xeerar asxaabta taag daran ee Xamar yururaa ay sameysteen. Waxaan leeyahay xeerka kowaad waxa weeye: SOMALILAND IYO SOOMALIYA WAXAY AHAAYEEN LABA DAL OO MADAXBANAAN OO 1960 ISU TAG SAMEEYAY, ABUURAY DALKII LA ODHAN JIRAY JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA OO BUR-BURAY 1991. KA DIBNA SOMALILAND XORREYADEEDI LA SOO NOQOTAY. Waa kaa xeerka kowaad, wixii ka dambeeyo waa sheeko baralay. Weligaaba xeer iyo sharci sameyso, hadii aanad lahayn awood ama ogolaansho ka yimid ummada, sidee baad ku fulin kartaa? Yaana kuu fulin? Asxaabta Soomaaliya uu Farmaajo iyo colkiisu hoggaan u yihiin, waa “technocrats” aad moodid in ay weli Buffalo ku sharabayaan, “shooting the breeze”. Mala’awaal ku jira, mirqaansan. Xeerka iyo sharciga laga sameeyo, ka soo mid qaad, Mareykanka iyo ka Geeska Afrika, waxaa u dhaxeeyea faraq weyn. Mareykanka, xumaan iyo samaan, dad la soo doortay baa xeerarka dhisa, sharci sameeya, heshiisyo gala. Madaxweyne Muuse Biixi oo qaar yidhaahdaan “wuu qalafsanyahay, oo handraab iyo jeegaan buu la ordayaa” ayaa si xor iyo xalaal leh , Hal qof, Hal cod lagu doortay. Hadaba kuwan magaca Soomaaliya ku dawarsanaya, yaa doortay? Asxaabta Xamar isku maa’weelinasa waxay ku wanaagsan yihiin ” iska dhaadhicin iyo af-macaanka ajnabi”.. “Danta dadka iyo dalka, we will do our best”. Nasiib daro, shaqsiga ajnabigu odhan maayo ” Waa ayo dadka adiga ku doortay”. Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo leh dhaqan siyaasadeed oo kala duwan. Somaliland, bari Ilaa galbeed, miyi Ilaa magaalo, “beenta iyo hadalka raqiiska” aad iyo aad baynu u necebnahay. ” Waar runtu maxay tahay, ami ha I gubto ama aan ku farxee, runta ee sheeg” Midhkaas waa dabeecad ka mid ah shaqsiga Somalilnaderka ah. Asxaabta Xamar lakiin waxaad moodaa in ay dhaqanka siyaasadeed ka racaan Talyaaniga. Talyaaniga yaa ka xarago badan, oo ka “system” jecel. Wuxuu ku odhanayaa “tutto apposto”‘ musuqmaasuq iyo riwaayadna wuu ku nool yahay. Asxaabta Xamar waa asxaab isku duubta shaadhka “Soomaalinimmo”, hadhowna calooshood u shaqaystayaal diyaaradaha ku rusheeya rayidka keena. Soomaali si wanaagsan isu baratay. Oo bur-bur, halaag, bara’kac iyo xasuuq baa is baray. Ismaciil Cali Abokor baa laga hayaa, markii xabsigii Labaatan Jirow laga soo daayey ” Kacaan aan la ordayey baa la igu kufiyey” Waa kuwii uun, oo aan biyo is marin, iyo dhowr dabo-dhilif oo Somaliland ku saaqiday. Weligaaba xeer sameyso, oo magaca Somaliland ku dawarso. La is baray, yaan mar labaad la isku soo lug go’in Allaa Mahad Leh Qaran News
  17. Qararka Maxkamadda G/Maroodi-Jeex eey Dugsiyada Nuraddin kaga mamnuucay inay Daabacaan Kutubta Manhajka waynu ixtraamaynaa Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay. Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad. Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage) imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo. Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac *****) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta. Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay . · Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso. Xasasn Cabi Yuusuf Riyadh Saudi Arabia hassan_ayousuf@hotmail.com Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Alle u naxriistee waxaa magaalada Muqdisho ku dhintay Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Mudanaha oo lagu magacaabayey Axmed Mayow Cabdalle [Korneyl Ruush] ayaa ugeeryooday xanuun dhinaca wadnaha ah. Maruum Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta Berri oo Isniin ah lagu aaso magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Aaska ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. The post Xildhibaan ka tirsan BFS oo ku geeryooday Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Hiiraan (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar dhabagal ah oo ka dhacay inta udhaxeysa magaalooyinka Beled-wayne iyo Maxaas, ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa lagu dilay Gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan, Faarax Dheere, iyo saddex kamid ah ilaaladiisa, sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolka. Ma jirto illaa iyo haatan koox dhabarka saatay mas’uuliyadda weerarkaan, inkasta oo falalka noocaan ah ee laga soo wariyo bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya, looga bartay kooxda Al-Shabaab. The post Weerar jidgal ah oo ka dhacay G/Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-30122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Gelinsoor (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegau inay baaqatay munaasabad uu wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya kula wareegi lahaa laba Askari oo Itoobiyaan ah oo lagu qabtay dagaal todobaadkii hore kadhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan oo u dhexeeyey beelaha Habar-gidir iyo Mareexaan ee wada dega gobolka oo daaq iyo dhul isku hayey, ayaa qayb kamid ah ciidanka Itoobiya oo fadhiisinka ku leh meel u dhow Kaxandhaale waxa ay ka qayb galeen dagaalka. Labada Askari ee Itoobiyaanka ah midkood ayaa u sheegay dadkii la kulmay in xog been ah oo loo sheegay awgeed ay uga qaybgaleen dagaalka, waxa ay sheegeen in lagu wargeliyey in Al-Shabaab ay weerarayaan dalkooda oo dagaalka ay dhinac ka yihiin sidaas awgeedna ay u galeen dagaalka. Diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah (Helicopter) oo qaadi lahayd labada Askari ayaa dib u laabatay iyada oo aan qaadin labada Askari ee Maxbuuska ah kaddib buuq iyo ismariwaa kusaabsan wareejinta Askartan. Wasiirk Arrimaha gudaha Injineer Cabdi Maxamed Sebriye iyo Wafdi uu horkacayo ayaa ka baxay Gelinsoor isaga oo kuwajahan Cadaado. Wafdiga ayaa loo diiday in lagu wareejiyo laba askari oo ka mid ah kuwa Itoobiya oo ka qayb galay dagaalka Beelaha u dhexeeye ee ka dhacay Kaxandhaale Wararka aan kahelnay gobolka ayaa sheegaya in madaxweyne goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka biyo diiday in xukuumadda Federaalka loo dhiibo askartan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com