-
Content Count
207,203 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Ciraaq)-Wasiiraddii Tacliinta ee Dowladda Iraq, Shayma Khaliil Al-hayali ayaa is-casishay, maalmo kadib markii ay Mudanayaasha Barlamaanka ansixiyeen magacaabisteeda.. Is-casilaadeeda ayaa timid, kadib, markii warar dhinaca Sirdoonka sheegeen inuu Walaalkeeda oo lagu magacaabo Layth Khaliil Al-hayali ahaa Hoggaamiyihii Kooxda Daacish ee magaalladda Mosul muddadii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2016-kii. Sirdoonka waxay kaloo sheegeen in 2 wiil oo uu dhalay Layth Khaliil Al-hayali lagu dilay dagaalkii Kooxda Daacish looga saaray magaalladda Mosul sannadkii 2016-kii. Dhinaca kale, Wasiiraddii Tacliinta ee Dowladda Iraq ee is-casishay, Shayma Khaliil Al-hayali ayaa la sheegay inay Ra’isul-wasaare Caadil Cabdul Mahdi u gudbisay qoraalkii ay isku casishay. Wasiiradda oo ka tirsan Isbahaysiga Al-Binna ee taageersan Dowladda Iiraan waxay sheegtay in Walaalkeeda lagu khasbay inuu la shaqeeyo Kooxda Daacish, looguna hanjabay in la dili doono. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Markii ay Eritrea xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday tallaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda. Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig badeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah. Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yiri “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo badeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”. Maxaa kalifay tallaabadan? Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay. Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aysan isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii horey loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato. Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxiixatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taala. Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso. Waxaa jira qad tareen oo isku xira labada dal kaas oo dhan 759 km, kaas oo sahlay in badeecooyinka iskaga kala gooshaan labada dhinac. Balse Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaala. Wabiga adduunka ugu dheer oo soo cimri gaabanaya Seddax arrimood oo ku saabsan go’aankii baarlamaanka ee Qalbi Dhagax Midawga Afrika oo ergo xaqiiqo raadis ah u diraya xadka Jabuuti iyo Eritrea “Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan weyso waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yiri Roba. Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan. Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000. In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan. Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo waliba maamulka jamhuuriyada iskeed gooni isu taagga ugu dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga. Dib uga fiirsashada Eritrea Mr Abiy waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xitaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo. Balse si kasta oo uu u hagaago xiriirka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale. Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda. Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo. Mr Birhanemeskel ayaa yiri “Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay”. Mr Abiy ayaa isbadello badan keenay tan iyo markii uu xilka qaaday, abuuridda dib u heshiisiinta qowmiyadaha dago gudaha dalka. Dowladdiisa waxa ay soo afjartay xaaladdii degdega ee ka jirta dalka. Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan? Timothy Walker oo ka tirsan mac-hadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah.. Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aysan lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolk Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go’antahay in ay dhisato ciidamo badan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga Soomaaliya. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culosow “Cabdi Madoobe” waxaana lagu dilay xaafad ku taala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday halka uu dilka ka dhacay, waxaana wararka ay sheegayaan in labo kamid ah ilaaladiisa ay ka maqnayeen Cabdi Madoobe markii la dilayay. Cabdi Madoobe, ayaa mar isku soo sharaxay guddoomiyaha degmada Waaberi, waxaana uu caan ka ahaa xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, iyadoo dadkii dilka geystay aanan la ogaan ilaa iyo hadda. Maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in ciidamo ka baxay saldhiga degmada ay wadaan baaritaanka la xiriira sida dilka uu u dhacay. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow ayaa saaka lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Kooxo hubeysan ayaa Sarkaalka ku dilay xaafad ku dhow Saldhiga Booliska degmada Waaberi, iyadoo ka baxsaday goobta. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ay ku guuldareysteen inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay. Sarkaalkan ayaa horay uga qeyb qaatay howlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee Muqdisho qeybo ka mid ah looga saaray. Sawirro uu horay lagu daabacay barta Facebook ayaa muujinayay inuu mar ka mid ahaa dad u tartamayay xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi, isagoo olole u galay sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa. Source
-
(SLT- Bangladesh)-Ra’iisalwasaaraha dalka Bangladesh Sheekh Hasina ayaa mar saddexaad loo doorto xilkaasi ka dib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaasi. Xisbiga Sheekh Hasina ayaa helay 281 ka mid ah 350 kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi, waana kuraas ka badan tii uu helay doorashadii tan ka horreysay. Mucaaradka dalkaasi ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay doorashada “khiyaaliga ah” ee ay hareeyeen rabshado, handadaad iyo eedeymo ah in lagu shubtay doorashadaasi. Mucaaradka ayaa baarlamaanka ka helay toddobo kursi oo kaliya, waxa ayna codsadeen in doorashadu lagu celiyo. “Waxaan ugu baaqeynaa guddiga doorashooyinka in si deg deg ah uu laalo natiijadan khiyaaliga ahi,” ayuu yiri Kamaal Xuseen oo ah hoggaamiyaha mucaaradka. “Waxaan dalbaneynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorasho cusub oo ay maamuleyso dowlad dhexdhexaad ah.” Guddiga doorashooyinka Bangladesh ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay meelo badan oo dalkaasi ah ay ka soo gaareen eedeymo ah in doorashada lagu shubtay, arrintaa oo uu sheegay in baaritaan uu ku sameyn doono. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka. Maxaa lagu dhaliilay doorashadani? Xisbiga ra’iisalwasaare Sheekh Hasina ee Awami League ayaa dalkaasi Bangladesh soo xukumayay tan iyo sandkii 2009, balse mid ka mid ah xisbiyada ugu waaweyn mucaaradka ayaa ku eedeeyay in goobaha qaar ee codbixinta uu xisbigaasi keensaday sanaadiiq ay ka buuxaan waraaqaha codbixinta oo been abuur ah. Afhayeen u hadlay xisbiga BNP ayaa sheegay in wax isdabamarin weyn ay hareysay 221 ka mid ah kuraasta 300 ah ee lagu tartamayay. Waxyar uun ka hor inta aysan furmin goobaha codbixinta ayaa weriye ka tirsan BBC-da waxa uu goob ka mid ah goobaha codbixinta ee magaalada Chittagon ku arkay sanaadiiq kuwa codbixinta ah oo laga soo buuxiyay waraaqaha codeynta oo horey loo soo saxay. Sarkaalkii mas’uulka uga ahaa goobtaasi guddiga doorashooyinka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintaasi. Wakiilada xisbiga haya talada dalkaasi oo kaliya ayaa ku sugnaa goobtaasi iyo goobo kale oo badan oo ku yaal magaaladaasi oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi. Ugu yaraan 47 ka tirsan musharrixiinta xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa isaga baxay tartanka, ka hor inta aysan soo xirmin goobaha codbixinta, waxa ayna sheegeen in doorashadu ay hareeyeen handadaad iyo ku shubasho. Kooxaha kormeerayaasha ahi iyo mucaaradkuba waxa ay isku raaceen in doorashadaasi aysan u dhicin si caddaalad ah, balse xisbiga haya talada dalka ayaa eedeymahaasi ku gacan seyray, waxa uuna ku eedeeyay mucaaradku in ay faafinayaan warar been abuur ah. Sheekh Hasina ayaa jimcihii la soo dhaafay BBC-du u sheegtay: “Dhan waxa ay jeedinayaan eedeymo. Dhanka kalena, waxa ay weerarayaan shaqaalaha iyo madaxda xisbigayaga. Taasi ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee ka jirta dalkayaga.” Maxay doorashadani u tahay muhiim? Bangladesh waa dal dadkiisu u badan yihiin Muslimiin, waxaana dalkaasi ku nool dad lagu qiyaasay in ka badan 160 milyan oo qof. Dalkaasi ayaa wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbadalka cimilada, kacdoonka mintidiinta islaamiga ahi, saboolnima baahsan iyo musuqmaasuq. Bangladesh waxaa sidoo kale ku soo qaxay boqolaal kun oo qof oo ka tirsan muslimiinta qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya, ee ka soo qaxay dalka deriska ah ee Myanmar. Rabshado ayaa hareeyay ololihii doorashadan, waxaana marar badan ay isku dhacyo dhex mareen taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka. Dowladda ayaa sidoo kale wadday hawlgallo cabburin ah oo ka dhan ah dadka mucaaradka ku ah, waxaana dadka dhaliila siyaasadda dowladda ay sheegayaan in xukuumaddu ay noqotay mid kalitalis ah. Yaa ku tartamayay doorashadani? Khaleda Zia oo muddo dheer loolan adag kula jirtay Sheekh Hasina ayaa billowgii sanadkan xabsi la dhigay, waxaana laga mamnuucay in ay doorashadani u tartanto sababo la xiriira musuqmaasuq balse waxa ay dhankeeda ku adkeysanaysaa in eedeymahaasi ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed. Haatanna waxaa mucaaradka majaraha u haya Kamaal Xuseen oo xulufo la ahaa Sheekh Hasina. Hase yeeshee Kamaal oo 81 jir ah isla markaana ka mid ahaa garyaqaanadii wax ka qoray dastuurka dalkaasi, isuma uusan soo sharixin hoggaanka dalkaasi. Xisbiga BNP ayaa qaadacay doorashadii sanadkii 2014-kii, waxaana doorashadii shalay dalkaasi ka dhacday ay noqoneysaa tii ugu horreysay oo ay ka qeybqaataan dhammaan xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ahi tobankii sano ee la soo dhaafay. Source
-
(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ee dalka Afqanistan ayaa sheegtay in aysan wadahadalo toos ah la yeelan doonin dowladda Afqanistan marka wareega labaad ee wadahadalada nabada ay ka billaabmaan dalka Sacuudiga. Hasa yeeshee sargaal sare oo ka tirsan wakiilada Taliban ayaa sheegay in saraakiisha mareykanka ay kula kulmi doonaan magaalada Jiddah ee boqortooyada Sacuudiga. Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka. Diidmada Taliban ay diideen in ay la kumaan dowladda Afqanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay in ergo uu u diri doona kulanka Taliban. Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taliban diideen ina y la kulmaan dowladda Afqanistan. Madaxwayne Khani ayaa horey ugu baaqay kooxda Taliban in ay xabbadda joojiyaan oo ay wadaxaajood la galaan dowladda Afqanistan. Dagaalyahanada Taliban ayaa gacanta ku haya qaybo ka mid ah gobolada dalka Afqanistaan. Waxa ay goobaha ay dowladda ka taliso ka gaystaan weeraro ay dad badan ku dhintaan. Source
-
(SLT-Qaahira)-Booliiska dalka Masar ayaa dilay tiro mintidiin ah ka dib weerar ay ciidamada ammaanka ku qaadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen,waxaa sidaasi sheegtay wasaarada arrimaha gudaha ee Masar. Weerarka ayaa waxaa lagu dilay “40 argagixiso ah ” oo ku sugnaa goobta lagu magacaabo Giza oo ku taalla waqooyiga lama dagaanka Sinai,sida lagu sheegay bayaan ay wasaarada soo saartay. Booliiska dalka Masar ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen aalado laga sameeyo bambaanooyiinka. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in kooxdan mintidka ah ay qorshaynayeen in weeraro xiriir ah ka gaystaan goobaha loo dalxiis tago,kaniisdaha iyo ciidamada ammaanka. Weerarka ciidamada ammaanka ee masar ayaa yimid ka dib markii gaari Bas ah oo siday dad dalxiisayaal ah jimcihii bam waddada loo dhigay uu ku qarxay magaalada Giza. Ma jiro ilaa imika koox sheegtay masuuliyadda weerarkaasi oo ay ku dhinteen 3 qof oo u dhalatay dalka Vietnam. Balse kooxaha mintidiinta ah ayaa horey u bartilmaameedsaday dad dalxiisayaal ah. Dalxiiska ayaa ka mid ah ila dhaqaalaha ballaaran uu ka soo galo dalka Masar. Sanadkii 2010 ayaa waxaa dalkaasi booqasho ku tagay in ka badan 14 milyan oo qof,balse tiradaasi ayaa hoos u dhacday ka dib kacdoonkii dalalka carabta. Sanadkii 2017 waxaa masar booqatay 8.3 milyan oo qof, sida uu qoray wargayska the Financial Times. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Wargeyska JOSUN ILBO ee ka soo baxa dalka Koonfurta Kuurya waxa uu saakayto oo Isniin ah qoray inuu Kim Jong Un qoraal u diray Madaxweyne Trump, kana codsaday Kulankaasi. Warqadda Kim Jong u diray Trump ayaa la sheegay in la sii marsiiyey gacan kale oo aan la shaacinin, sida uu Wargeyskaasi ka soo xigtay ilo Diplomaasiyadeed oo aan la carabaabin. Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mraaykanka iyo Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Koonfurta Kuurta ee Siyool midnaba kama hadlin wararka sheegaya inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga qoraal u diray Donald Trump. Labada Hoggaamiye waxay Kulankoodii ugu horreeyey ku yeesheen dalka Singabuur bishii June ee sannadkan, iyagoo ku heshiiyey in laga shaqeeyo sidii ay Waqooyiga Kuurya u burburin lahaayeen Hubkooda Nukliyeerka. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal BFS Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa Tacsi ka diray Geeridii ku timid Allaha unaxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo ku magac dheeraa (Korneyl Ruush) Senator Qeybdiid ayaa sheegay in Marxuumka uu howlo badan u soo qabtay dalka, islamarkaana uu ka mid ahaa Guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maanta Marxuumka Aas Qaran loogu sameyn doono gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Allaha u naxriistee Xildhibaan Korneyl Ruush ayaa haatan ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad iyo sidoo kale Baarlamaankii 9-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya. The post Qeybdiid Oo ka Tacsiyadeeyay Geeridii Korneyl Ruush appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa dhawaajiyay in Madaxweyne Gaas 5-tii Sano oo uu xilka hayay uu dib u dhigay horumarka Puntland. Sidoo kalena maamulka uu hoggaamiyo uu ku kacay Musuq-maasuq xoogan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu jaray xiriirkii Puntland kala dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoos eka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Jaamac-1-.mp3 The post Senator Faroole Oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Gaas appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa isu’ diyaarinaya in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqan lix iyo lixdanka xubnood ee Baarlamanka cusub. Guddiga oo in mudda ah ku hawllanaa xallinta kuraasta la isku’ haysto ee xubnaha doonaya Golaha wakiilada ayaa sida wararku sheegayaan soo geba-gabeeyay hawshaasi,waxaana xilligan u harsan oo keliyah in ay shaaciyaan liiska xildhibaannada cusub. Mudda todobaad ah ayaa ka harsan doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8-da Jennaayo 2019,waxaana isha lagu wada-hayaa ku dhawaaqista xildhibaannada cusub ee wax dooranaya. PUNTLAND POST The post Puntland: Liiska Golaha wakiilada cusub oo lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka wadaan guud ahaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wariyaheena Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidamada ay baarayaan guryaha ku yaalla xaafadaha degmadaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay dhallinyaro badan. Ciidamadan ayaa saakay mar qura kusoo faafay xaafadaha Afgooye, waxaana saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ay sheegeen iney raadinayaan dad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab. Ma jirto faah faahin kale oo saraakiisha ammaanka ka bixiyeen tirada dadka ay kusoo qabteen howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in la shaaciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo dooranayay deegaanada maamulkaasi. Xildhibaanada ayaa waxaa soo xulayay odayaasha deegaanka ay matalayaan, waxaana walaac laga muujiyay hanaanka lagu soo xulay kuraasta xildhibaano badan oo golaha wakiilada kamid ah. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xildhibaan, waxaana maanta marka la shaaciyo xildhibaanada kadib ay gali doonaan isku diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland. Doorashada Guddoomiyaha kadib waxaa la filayaa inay isku diyaariyaan soo xulista guddiga doorashada madaxweynaha, iyadoo kama dambeys 8 Janaayo doorashada madaxweynaha ay ka dhici doonto magaalada Garowe. Inka badan 25 Musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntland, waxaana dhamaantood ay doonayaan in midkood uu qabtaa xilka madaxweynaha, waxaa musharixiinta kamid ah C/Welli Gaas oo horey u shaaciyay inuusan isa sharaxi doonin. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Afmadow ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen agagaarka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi. Ujeedka howlgalkan ayaa lagu sheegay mid ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan gobolka Jubbada Dhexe ee K/ Soomaaliya. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha maamulka Jubbaland oo ku aadan howlgalkaasi. Shalay ayey aheyd markii howlgal cusub uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo wacad ku maray in Al Shabaab laga saarayo gobolkaasi. The post Howlgal ka dhan ah Al Shabaab Oo laga sameeyay Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dil shalay loo geystay guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Matabaan ee gobolkaasi. Gudoomiye ku xigeenka amniga gobalka Hiiraan C/raxiin Taakooy ayaa Goobjoog u sheegay in sidoo kale weerarkaas lagu dilay Labo ka mid ah ilaaladiisa, iyadoo raggii dilka geystay ay halkaa isaga baxsadeen. Waxa uu tilmaamay in dilkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana gaari ay ku saarnaayeen Afar qof, iyadoo uu badbaaday oo kaliya Hal qof. Taakooy ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka uu ahaa nin shaqo, islamarkaana ay ka xun yihiin waxa dhacay, isaga oo tilmaamay inuu ku wajahnaa magaalada B/weyne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GUDOOMIYE-XIGEEN-AMAANKA-GOBALKA-HIIRAAN-CABDRAXIN-TAAKKOOY-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-311218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo axaddii yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka. Kulanka golaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaarha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray isla xisaabtanka iyo qiimaaynta waxyabahii sannadka dhammaadka ah u qabsoomay afarta tubood ee ay ku salaysan tahay shaqo maalmeedka Dowladda Soomaaliya. “Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.. Barnaamijka xukuumadda ee horraantii 2017 ay ansixiyeen golaha shacabka ayaa loo qaybiyay afar tubood oo kala ah siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqalaha iyo amniga iyo cadaalladda kuwaas oo yeesha shirar joogta ah oo ku salaysan isla xisaabtan ku dhisan hufnaan iyo daah-furnaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Al Shabaab ayaa muddo todobaad ah kadib shaaciyay magaca ruuxii isku qarxiyay afaafka hore ee tiyaatarka qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Al Shabaab ayaa sidoo kale baahiyay qabiilka uu kasoo jeedo ruuxii isku qarxiyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Jamaal Jeylaani Nuur Cadow, kaasi oo muddo badan kamid ahaa Al Shabaab. Baraha Al Shabaab ee lagu faafiyo wararkooda ayaa lagu sheegay in Jamaal Jeylaani uu kasoo jeeda Beesha Murusade uuna kasii yahay jufada Habar Ceyne, waxaana da’diisa lagu sheegay 23 sano jir. 22-dii Bishaan sii dhamaaneyso ee December ayuu qaraxaasi ka dhacay Tiyaatarka qaranka, waxaana ku dhintay inka badan 20 ruux oo uu ku jiray wariye Cawil Daahir Salaad iyo shaqaale kale oo ka tirsan TV-Universal. Jaylaani ayaa 2008 ku biiray Al Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo badan oo Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolada dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira halka gaariga uu ka yimid iyo sida ay ugu suurogashay inuu yimaado halka uu ku qarxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada ka dhaceysa Puntland, 8-da bisha Janaayo 2019. Waxaa ku loollamaya musharixiin gaaraya 30, haddii aysan ka badneyd, balse wali ma cadda murashaxa ugu cad cad xilka belidda Cabdiweli Cali Gaas. Hase ahaatee, 48-dii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gebi’ahaanba la wareegay ol’olaha ka socda Puntland murashax Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxaa sabab u ah? Waa su’aal is weydiin mudan waxa 72 saacaood oo uu joogo Garoowe oo ay uga soo horreeyeen musharixiin ku sugnaa xarunta Puntland dhawr bilood in uu sidaas oo dhan u qariyo ama uga saameyn bato. Waa sax, waxaa jiri kara in dadka qaar ay ku xaman karaan ama ay jirto in Nabad iyo Nolol kaalin ku leedahay, laakiin taas ma aha MARMARSIIYO, waayo, waxaa la ogyahay oo jira kuwo kale oo ay dowladda dhexe wadato sida lagu tuhmayo, waxaana ka mid ah; Cali Xaaji Warsame, Jabiye, Faarax Cali Shire, Moorgan iyo Saadaq Eenow! Hadaba, maxaa ku gaar ah Dr. Cali Ciise Cabdi? Waa jawaab sahlan! Dr. Cali Ciise Cabdi waa Sool clan, kaas oo noqon doonaya siyaasigii ugu tunka weynaa ama ugu saameynta badnaa oo Sool clan ah oo isu soo sharaxaya xilka Madaxweyne. Ma aha in uu yahay musharixii ugu horreeyey oo reer Sool ah oo xilkaa u hanqal taaga, waayo? Hadda waxaa barbar socda laba musharax oo kale oo sidiisa oo kale doonaya xilkaas, laakiin maxay tahay baaruudda uu dheer yahay? Dr. Cali Ciise Cabdi waxaa ku gaar ah in uu yahay siyaasiga qura ee haysta kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu ku kasbaday dhisiddii Khaatumo State iyo waliba go’aankii dambe ee uu Cali Khaliif Galaydh ugu khilaafay in lagu biro Somaliland oo uu ugu dambayn Galaydh ka dhabeeyey! Sidoo kale, Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu halgan dheer u galay sidii uu gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu sameyn lahaa maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland, walow uu mar walba Garoowe u arkayey meel ay Sool clan wax ka dhisteen oo haddii xorreynta Sool la xaqiijiyo laga wada hadli karo masiirka Khaatumo iyo Puntland. Taas oo ay jirto, is sharaxaadiisa kaddib, Sool clan oo dhan si weyn ayey isu garab taageen oo waxaa ka go’an in uu xilkaas qabto. Sool clan oo xoqonaya kaarkii ugu dambeeyey ee Hartism? Ma dhicin inta taariikhda la xusuusto Sool clan isku raacay hal siyaasi, is sharaxaadda Cali Ciise Cabdi waxa ay si xooggan u mideysay Sool clan oo doonaya ugu dambeyn in ay Laascaanood dib ugu soo celiyaan gacantooda iyo Puntland. Hore waxa ay tabasho ka qabeyn beesha Maxamuud Saleebaan ama Majeerteen oo ay ka dareemeen in aysan daacad ka ahayn xorreynta gobolka Sool. Taas oo jirta, Sool clan waxaa la hubaa in hadda 90% ay la socdaan ama ugu yaraan ay garowsiyo u hayaan Somaliland, haddii ay Puntland dooran weyso siyaasigoodii ugu weynaa oo ku soo dhiiraday in ay 10% hartayna si rasmi ah uga siiban doonaan Puntland. Waxaa xaqiiqo ah, in Dr. Cali Ciise Cabdi yahay kaarkii ugu dambeeyey ee Sool clan ay Puntland ka xoqdaan! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo uu shalay Garoowe ku qabtay ayuu Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole uga hadlay qodobo muhiim ah. Waxyaabaha uu Faroole ka hadlay waxaa ka mid ahaa doorshada Puntland ka dhaceysa 8-da Janaayo 2019, oo ku beegan labada toddobaad ee soo socda, xulista xubnaha baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka. Hase ahaatee, Faroole qeybaha dhexe ee shirkiisii jaraa’id waxa uu ku tuntay Cabdiweli Cali Gaas oo uu qiimeyn qodobeysan ku sameeyey waxyaabihii uu qabtay shanti sano ee uu talada Puntland hayey. Faroole waxa uu warbaahinta u soo bandhigay lana wadaagay maashiircdii uu ku wareejiyey Gaas markii uu kaga adkaaday doorashadii 2014. Mashaariicdaas oo dhammaatood heshiisyadooda la saxiixay waxaa ka mid ahaa madaarka Boosaaso, Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan. Sida uu Faroole xaqiijiyey ma jirto mashruuc kale oo weyn oo uu Gaas intii uu talada hayey meelmariyey, waxaa intaa u dheer in uu ku eedeeyey inuu musuq maasuqay dhaqaalaha kuwii hore loo saxiixay sida garoonka diyaaradaha ee Garowe. Muxuu Gaas qabtay oo uu Faroole u qiray? Faroole oo qoslaya ayaa sheegay in uu Idaacadaha ka maqlo Gaas oo ku faanaya in uu hirgaliyey barnaamijka goleyaasha deegaanka (City councils) ee lagu dhisayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan GPLG, hase ahaatee, Faroole waxa uu caddeeyey in iska daa Gaas uu mashruucaas jiray markii uu isagu Cadde Muuse (UAN) uu xilka kala wareegay. Waxaa qosol badnaa markii uu Faroole sheegay in uu Gaas fuliyey ama qabtay oo loo qirsan yahay dhisidda Suuliyo/musquliyo tuulooyinka laga dhisay! Faroole oo dhoolla caddeeynaya ayaa sheegay in shaqadaas ay islaamaha xataa ku filan yihiin! Hoos ka daawo Faroole Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Sirdoonka UK oo war kasoo saaray Carmaladda Cad oo lagu ogaa Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo hadda ku jira hakad. Sidaas waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah. Danjire Dr. Olgan Bekar, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay bishan ka dhammaatay mudadiisii xil hayneed, ayaa markii uu ku noqday dalka Turkiga waxa loo magacaabay ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamac A. Maxamed, ayaa danjire Dr. Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay, waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaaliga ahi ku qoray bartiisa twitterka ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay danjire Dr. Olgan Bekar ka taageeri doonto hawsha cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee loo magacaabay. “Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyay intaas, “Wuxuu qiimo u lahaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaanan u balan qaaday taageeradayada xilkiisa ah ergayga cusub ee Turkiga ee wada hadalada Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland.” Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal magaacaabista ergaygan Turkiga. Waxase la isweydiinayaa doorka Turkigu wakhtigan ku leeyahay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay, iyadoo ay Somaliland hore u sheegtay inaanay la dhacsanayn dhexnimada Turkiga ee wada hadalada labada dhinac. Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa horaantii sannadkan intii aanay wada hadaladu burburin waxay isla garteen inay Djibouti ku yeeshaan kulan daah-furis loogu samaynayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Biixi iyo Farmaajo, ayaa sidoo kale iyadoo ay diblomaasiyiin shisheeye u kala dab qaadayeen waxay isla garteen in Switzerland martigeliso wada hadalada oo laga soo wareejiyo Turkiga. Turkiga, ayaa la sheegay inaanu jeclaysan talaabadaas lagaga wareejiyay wada hadalada, waxaanu xidhiidho la sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Lamase oga in Turkigu hadda go’aansaday inuu soo ceshado doorkii uu ku lahaa wada hadaladaas iyo inuu doorkiisii fududaynta madasha wada hadalada u bedelayo door dhexdhexaadiye. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com