Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,180
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxaa uu sameeyay magacaabis iyo dad uu xil ka qaaday. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa loo magacaabay agaasimaha wasaaradda maaliyadda, agaasimaha wasaaradda cadaaladda isna waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Faahiye Musaabiqo halka Maareeeyaha madbacadda laga dhigay Maxamuud Ibraahin Raage, waxaa sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sool wuxuu u magacaabey Cabdiqani Maxamuud Jiidhe. Wuxuu xilkii ka qaadey; Guddoomiyaha gobolka Sool iyo ku xigeenkiisii iyo maareeyihii madbacadda qaranka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Tacaddiyadii Somaliland ka dhacay sannadkan (2018) oo maanta Hargeysa lagu soo bandhigey. Agaasimaha xarunta xuquuqul insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa ka warbixinaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka somaliland Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf Warsame ayaa ka warramay xaaladda caafimaadka dalka iyo dhibaatooyinka jira, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa waxa uu soo bandhigay waxa ay qaban doonaan sannadka soo socda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa maanta u ambaxaya degmada Buursaalax ee gobolka Mudug hakaas oo uu ku booqday Hooyadiis . Socdaalka Madaxweyne Gaas ayaa [...] Source
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Dilka koowaad ayaa ka dhacay xaafadda Burdheere degmada Waabari ee gobolka Baanadir, kaas oo la sheegay in loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya. Sarkaalka la dilay aya lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow, waxaana dilkiisa sheegtay Al Shabaab oo baahiyay in ay ka qaateen Bistoolad uu watay. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in wax yar kadib meel aann sidaa uga fogeyn xarunta degmada Waabari lagu Toogtay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda, kaas oo ay dileen Dabley hubeysan oo goobta isaga baxsaday. Sidoo kale falkan dilka ah ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray Qof shacab ah oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Falastiin, kaas oo goob Ganacsi ku lahaa halkaasi. Ciidamo ka tirsan kuw ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo la sheegay in baaritaano ay ka sameeyeen halka uu dilku ka dhacay. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in maanta nin ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda uu qof shacab ahaa ku dilay xaafadda Faanoole, gaar ahaan agagaarka Iskoolka Godey ee degmadaasi. Marxuumka la dilay ayaa ahaa Wade Mooto Bajaajle ah, waxaana la sheegay in ay murmeen, kadibna uu rasaas ku furay Askarigaasi. Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay Toogteen Askarigaasi oo isku dayay in uu baxsado dilka kadib. Muddooyinkii dambe waxa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayay faal amaan oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo ay inta badan sheegteen Al Shabaab. The post Ku dhawaad 5 Qof Oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in xil ka qaadis lagu sameeyay taliyaha ciidamada badda Soomaaliya Admiral Xasan Nuur Col Joog oo bartamihii bishii August 2018 loo magacaabay xilkan. Xil ka qaadistan oo uu sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa, mana sheegin madaxweynaha. Si kastaba, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay jiraan tallaabooyin baal marsan shuruucda ciidamada oo uu lagu eedeeyey inuu Taliyahu ku dhaqaaqay, inkasta oo aan weli la faafaahin. Waxaa si ku meel gaar ah xilka taliyaha ciidamada badda loogu loo magacaabay S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan. Taliye Xasan Nuur, ayaa xilka la wareegay un 22-kii bishii August ee sanadkan, isaga oo beddelay Admiral; Maaddeey Sheekh Nuureey (Ufuroow), waxaana uu xilkan haye kaliya afar bilood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-31122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Madaxweeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis; Agaasimaha wasaaradda maaliyadda ayuu u magacaabey, Maxamed Cabdi Guyrxan Agaasimaha wasaaradda cadalaadda ayuu u magacaabey, Cabdiraxmaan Faahiye Musaabiqo. Maareeeyaha Madbacadda Qaranka wuxuu u magacaabey, Maxamuud Ibraahin Raage. Guddoomiyaha gobolka Sool wuxuu u magacaabey, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe. Waxaa xilkii laga qaadey; Guddoomiyaha gobolka Sool iyo ku xigeenkiisii iyo maareeyihii madbacadda qaranka. Source
  10. Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa aad ugu diyaar garoobay la socodka doorashada Puntland ee Janaayo 219 ,taas oo ay utarmayaan ilaa iyo ku dhawaad [...] Source
  11. Dhalinayarada aqoonyahanada ah ee ku dhaqan magaalada Garowe, ayaa qabtay kulan ay ku taageerayeen musharax Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), oo kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. Kulankaan ayaa laga jeediyay qudbado lagu taageerayay lagunasoo bandhigayay waxqbad ee musharax Axmed Karaash, iyadoo lagu tilmaamay inuu kamid yahay wasiiraddii ugu wax qabadka badnaa Puntland, sidoo kale utaagan halganka lagu xoranayo gobolka Sool. Dhalinyaradii lasoo shaqeyysay musharaxa, ayaa ka sheekeeyay aqoonta iyo shakhsiyada ay uleeyihiin Axmed Karaash, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay masuul ka fog qabyaalad, eex iyo nin jeclaysi, mar walba jecel wasaaradda uu joogo inay ka duwanaanato wasaaradda kale marka loo eego xagga shaqada iyo dhiiri galinta shaqaalaha. Dhalinyarada ee kulanka ka qeyb galay ayaa farriin udiray xildhibaanada barlamaanka Puntland, iyagoo ka codsaday inay doortaan nin ummada isku wadi kara oo lasoo tijaabiyay waxqabadkiisa. PUNTLAND POST The post Dhalinyarada gobolka Nugaal oo taageeray musharrax madaxweyne ku xigeen Axmed Karaash appeared first on Puntland Post.
  12. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo and his PM, Hassan Ali Khaire condoled over the sudden death of a member of the country’s Federal parliament on Sunday. Ahmed Mayow Abdulle, popularly known as [Colonel Rush] passed away on Sunday afternoon after a heart attack, according to his colleagues in the national assembly. “On behalf of myself and the nation, I send my deepest condolences to the people of Somalia in general and in particular the families of Ahmed Mayow Abdulle [Colonel Rush] a member of the House of the People and Khaire Mohamed Ahmed, a Southwest state MP who died in Mogadishu,” said Somali president. For his part, Somali PM Hassan Ali Khaire condoled over the demise of Colonel Rush, whom he described him a valuable person who served for the cause of Somalia at various situations for over several decades. The post Somali President and PM condole demise of two lawmakers appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Garowe (Puntlandi) 23 musharax oo isugu jira murashixiinta u taagan xilka madaxweyne iyo kuwa madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa maanta oo isniin ah la kulmay [...] Source
  14. (SLT-London)Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Source
  15. Magaalada Gaalkaca ayaa waxaa ka socda horumar dhinacyo badan leh kadib wixii ka dambeeyay heshiskii labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay kala saxiixdeen Amaanka [...] Source
  16. Riyadh (Caasimada Online)-Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga waxaa shalay ka bilowday dhoolutus ciidan oo ay ka qeyb galayaan ciidamo badan oo ka socdo dalalka ku xeeran Badda Cas. Ciidamo badan ayaa ka qeyb galaya dhoolutuskaasi oo loogu magac daray HIRKA KOOWAAD EE BADDA CAS, waxaana ay ka socdaan dalalka Sacuudiga, Sudan, Jabuuti, Masar, Urdun iyo Yemen. Saraakiil ka socoto Meletariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan dhoolutuskaasi ka dhacaya dalka Sacuudiga, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee kasoo baxaya dalka Sacuudiga. Inkastoo aysan jirin qoraal dowladda Soomaaliya ay ku shaacineyso ciidamadaasi kaga qeyb galaya dhoolutuska haddana General Saqar Al-xarbi ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan Danaha Dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo sidii loo joogteyn lahaa Carbiska Wadajirka ee dalalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu bishan December 12-dii kulan la yeesho Wasiiro ka kala socday dalalka Mandiqadda, waxayna Aragti ahaan isku raaceen in la dhiso Urur-gobaleed ay ku mideysan yihiin dalalka Badda Cas. Caasimada Online Xafiiska Sacuudiga Caasimada@live.com
  17. Warar hoosaad ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa tibaaxaya in Gudiga Doorashadu ay maanta soo bandhigayaan 62 Xildhibaan oo diyaar ah halka 5 kursi aysan wali [...] Source
  18. Wafdiga Ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ayaa ka ama baxday caasimada Muqdisho,iyagoo ku laabtay Magaalada Stockhom ee dalka Sweden waxayna caasimada u yimaadeyn ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho. Macalinka kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir ayaa u mahad celiyay dowlada iyo shacabka Gobolka Banaadir sida wanaagsan ay dalka ugu soo dhaweeyeen imaatinkooda aysan iloobindoonin safarkoodii Muqdisho sanadaha soo aadan ay booqasho iyo is dhaxgal bulsho ka maridoonaan dhamaan gobolada wadanka. Gudoomiyaha ciyaaraha Gobalka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo wafdiga kooxda Som United ka amba baxiyay garoonka aadan cadde ayaa inoo sheegay in sanadka soo aadan ay sugidoonaan ilaa tobon koox oo qurbajoog ah si xirfadlayaasha gudaha Imaanaya loogu biiriyo xulka qaranka. Qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda Som United ayaa inoo waramay inta aysan ka duulaan garoonka aadan cadde ee caasimada,iyagoo tibaaxay ka hor inta aysan imaanin wadanka iyo iminka ay jirto farqi weyn saaxiibadii ay ugu soo tageyn Sweden ay ugu shaykeendoonaan sawirka dhabta ee ka jira dalka. Daari Cabdi Casiis Iskow oo ah Tababare ku xigeenka kooxda Som United ayaa bahda ciyaaraha gudaha iyo qurbajoogta kula dar daarmay in ay iska kaa shadaan horomarinta isboortiga Soomaaliya si mustaqbal loo ah xirfadlayaal tayo wanaagsan oo guulaha kasoo hooya tartamada caalamka. Sanadkan dhamaaday 2018 waxaa dalka booqasha iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimid saddex oo ka kala yimid jaaliyadaha UK,Austrlia iyo Sweden waxaan sanadkan soo aadan maamulka gobolka Banaadir wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada iyo xiriirka kubbadda cagta ay wadaan in caasimada lagu qabto tartanka Som Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Bixitaanka Kooxda Som United Source: goobjoog.com
  19. More details are coming from a series of operations over the last few hours by the Jubaland state forces in Afmadow district in Middle Juba region. The planned operation was conducted in several neighborhoods located in the outskirts of the district. The purpose of this operation was the flush out the militants from small pockets around Afmadow town, which lies near Somalia’s porous border with Kenya. There is no comment yet from Jubbaland officials on the operation. Notably, the new offensive comes days after Jubbaland president Ahmed Madobe announced a plan to remove Al Shabaab from the region. The post Jubbaland forces carry out anti-al shabab operation in Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Liiska xubnaha Golaha wakiilada Puntland ee 5-ta Sano ee soo socota ayaa lagu dhawaaqayaa galabta makhribkii, sida ay Puntlandi u sheegeen xubno kamid ah guddiga [...] Source
  21. ILA MEERAYSO ( SHEEKO XIKMAD AH) Qalinkii Cabdi Cawiye Waqti waqtiyada ka mid ayaa dhulkan somalidu degyo gaar ayaan Somaliland ayaa waxa Ku noolaa waraabe aad u gaboobay oo talax gabbay godkiina iyo baradii hoygiisiina ka ruqaansan kari waayey. Maalin maalaha ka mida ayaa uu isugu yeedhay tafiirtiisii oo aad u faro badan, Kuwo uu dhalay, kuwo ay sii dhaleen oo uu awoowo u yahay, meesha waxa joogay waraabayaal badan oo tafiirtiisii ah wuxuuna Ku tidhi “aabbo, awoowo waad I arkaysaan sidaan noqday waan talax iyo talaababa gabbay mana ugaadhsan karo mar dambe, gacanba maalinbaa la barkadaayo qajeel ayaan awr goola idiin dilay ,dhaxaan laxo tebisa isu kiin dul saaray maanta waa maalintiinii aan idiin baahna, marka hore meeshan iga qaada oo i geeya meel ka calaf badan waad arkaysaan waxaan lafo dhex jiiyo ugaadhiina way ka yaacday halkan. Caruurtiisii waxay yidhaahdeen “hawraarsan aabbo waad naga helaysaa midhaa ee halkee ayaanu Ku gaynaa”. Wuxuu yidhi duqii ” meesha aad jeceshihiin igeeya lkn marka aad i qaadaysaan waa inay ahaato goor habeena oo aan iftiin jirin haddii kale waa la isku keen dul dili doonaa oo waxaa dadka la yidhaa ina deyn maayaan.” Caruurtii waxay ugu jawaab celiyeen ” hawraarsan iyo gudoon aabbo”. Waqti habeenkii kala badh tegey ayey aabahood godkii kasoo saareen oo ay la yaaceen habeenkii odhan waxa ay wadaanba waxa ay geeyeen meel ay amaankeeda iyo calafkeedaba Ku kalsoonaayeen. Waagii markii uu beryey ayuu duqii soo kacay oo uu yidhi aabbo,awoowo halkeed I dejiseen meeshan udgoon ee dhogorta geelu godka kuugu soo gelaysaa maxay ahayd. Waxay ugu jawaabeen caruurtiisii ” aabbo meeshi waa hawd iyo idhankii AXAN-WEYNE” Odeygii oo an fariirsan ayaa Ku dhaqaaqay ” Axan-weyne aa!!! Waar maanta uunbaad wadkeygii ila soo doonateen meeshani 6 sanno ka hor waa meeshii aan is dul dhigay labada qaalmood ee dhalaya ninkii lahaa ee faaraxna koley wuu I deydayayaa mana uu samirin oo geelba labadaasuu ka lahaaye bi’waayee meesha iga qaaday”. Caruurtii ayaa tidhi “Oo aabbo halkeen Ku gaynaa hadda”. Wuu yidhi duqii “meeshii aad bidaan inay ii fiicantahay manfac ahaan iyo amaan ahaanba”. Waa ay qaadeen wayna la guureeyeen , in nabara markii ay socdeen ayaa ay dhigeen meel ay is bideen inay Ku haboobtahay aaabbahood. Odeygii ayaa weydiiyey “aabbo halkee weeye meeshan dhogorta cad ee riyuhu ka soo duuleyso ee udgooni”. Waxay ugu jawaabeen ” aabbo waa dhaymoole iyo xeeb”. Odeygii ayaa xoog u qayliyey oo yidhi ” waar qoodhiin iyo xeradiin ma maanta ayaad aabbihiin gacantiina wadkiisii ugu keentakeen, meeshani anniga awoowyadiin ayaa habeen usoo dhacnay reer barwaaqo heesaya waxa aanu galnay xero ay riyo Ku jiraan 21 riyaad oo 8 ay dhawaantaa dhalayeen, qaar waanu bakhtiisanay si aanu maalmaha dambe raqdooda la noogu soo tuuro. Badankoodiina waanu cunay. Ninkii reerka lahaa wuxuu balan Ku qaaday inuu marka uu ina qabto intii ina toogto haduu naf inagu soo gaadho uu nolosha inagu gubo ee meesha iga qaada”. Sidii hore oo kale carruurtii aabbahoodii gaboobay waa ay qaadeen oo mar sadexaad ayey yidhaahdeen “halkanaa aabbaheen Ku haboon” oo ay dhigeen. Cabaar ka dib ayuu odeygii su’aalay “aabbo halkan ay dhogorta lo’da ee udgooni ka uraysaa waa halkee aabbo”. Carruurtii ayaa tidhi ” waa bankii caadda iyo galbeed”. Odeygii ayaa intuu soo fadhiisatay yidhi “aabbo waxaan la soo fadhiistay naxdin iyo baqe aad u weyn meeshan aad I keenteen 5 sanno ka hore intii aanan waqooyi u dhaadhicin waxaan Ku leynay afar 7 sac oo dhalay iyo weylahoodii oo aanan midh ka bixinin meesha hawl yari ma taalee iga kaxeeya aabbo ducoqabayaal”. Caruurtiisii oo yaaban oo daalan dhinacna aabbahood aad u jecel ayaa yidhi “aabbo adigu sheego halka aanu Ku geyno ileen meel walba waadigan godobta iyo uur-ku-taalada dhigtee meeshii aanu Ku geynaba waa lagugu sugayaaye”. Odeygii oo u ilmaynaaya ayaa yidhi “aabbo meelba garanmaayo meel walba aanno iyo dhib ayaan dhigay”. Caruurtiisii ayaa Ku tidhi “aabbo bal xasuuso meel aanad waxba Ku cunin oo aynu Ku nabad galo”. Odeygii oo wajiga hoos u rogaaya aadna u tiiraanyeysan ayaa yidhi aabbo dhulka aynu lug Ku gaadhi karno meel aan seegay ma jirtee I SIDA OO ILA MEERAYSTA UUN”. Dulucda sheekadu waa hadii aad dadka wanaag gashato oo aad dhaqan fiicantahay oo aad dadka u naxariisato waxaad la kulmi hadhow wax wanaagsan. Haddii ay dadku farta kugu fiiqaan oo ay yidhaahdaan kaasi waa mid xun. Calaamadaha inaad xuntahay kow lagu gartaana waxaa ka mida dadka aan isku fiilka ama shaqada tihiin waji nooceeya ayey kuula yimadaan. Si fiican makuu salaamaan si kalgacayleh, maku qadariyaan. Haddii jawbahaasi haa noqdaan waxaatay qof wanaagsan ee halkaa kasii wad. Haddi ay Maya yihiina waxaad yahay qof aan fiicnayn aduunyaduna maalin qudha maaha dadka aad dhibka Ku haysaa beriba waxa laba dhici doonta in adigoo hooseeya aad hoostimaado. Haddi aad xitaa Ku adadagtahay u baahan maysid adigu ogow caruurtaadana waxaad dadka u gelisay uunbay hadhow ka helayaan. QALINKII CABDI CAWIYE CONTACT +0634115877 Qaran News
  22. Waxa aan daawaday Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad Ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo shalay (30kii Disember 2018ka) u warramaya Suxufi Faysal Maxamed Aadan (Fiifa) oo ka tirsan Somalicable, waxaanu kaga halceliyay weedho ay yidhaahdeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland. Masuulkani waxa uu hormood u yahay dadkii sababay in Xisbiga UCID uu 4% ka helo doorashadii 2017ka, waxaana lagu magacaabay shir 7-8 Nofember 2016ka uu UCID ku qabsaday Hargeysa. Si ku-meelgaadh ah waxa uu u buuxinayaa jagadii Marxuun Aadan Jaamac Hoori oo aanu 5tii Jeneweri 2012ka u doorannay xilka uu ninkani dirashada ku hayo ee aan loo dooran. 7dii Disember 2015ka ayuu ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta Eebbe godka ha u nuuro. Dhanka kale waxa aan ogaa Cabdinaasir Muxumed Xasan-Buuni oo 2015kii lagu eedeeyay in uu dhaqaale u ururiyo jabhado qas ka wada Bariga Afrika, madaxiisana lacag ayaa la dul dhigay. Ma jecli inaan boogtaas hoos u qodo. Malaha si uu shaambaddaas isaga tiro ayuu gabbood uga dhiganayaa UCID. Mawduucyada uu ka hadlay waxa ka mid ahaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, isaga oo ku eedeeyay “Inay ku orod badan tahay xisbiyada mucaaridka iyo saxaafadda”. Cabdinaasir-yare waxa aan u sheegi in Wasiirku ay hayso mansab siyaasi ah oo ka tirsan xukuumadda oo ka dhalatay Xisbiga KULMIYE, sidaas awgeed waxa ay xaq u leedahay in ay ka falceliso eedaha loo jeediyo xukuumadda iyo xisbiga ay ka tirsan tahay. Marar badan waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku adeegsaday “wasiiradda”, halkaas waxa aan ka dareemay in Guddoomiye-ku-xigeenku uu u baahan yahay casharro dheeraad ah oo la xidhiidha dhismaha afka (Naxwe) Haddii aan halkaasna saxo, waxa jira magacyo lab ah oo aan dheddigoobin. Waana xeer ay afafka dunidu isku waafaqsan yihiin. Waxaana ka mid ah magacyadaas: Chairman: Guddoomiye Minster: Wasiir Spokesman: Af-hayeen Mankind: Aadame Waan ka xumahay in uu kufsado naxwihii hadalka. Haddiiba uu warcelin lahaa isaga oo wasiir leh, wax waa aan ka garan lahaa. Isaga oo weecinaya mansabka, ayuu haddana la gole yimi weerar, faan iyo duridda qof dumar ah. Guddoomiye ku-xigeenku wuu ku soo habaabay weedhaha uu jeediyay dhaqan ahaan mar kale. Lama arki jirin xitaa fagaaraha siyaasadda nin haweenay wax ka sheegaya. Waxa aan xaal siinayaa Marwo Xaliimo Cismaan Raage Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID oo jawaab-celintaas xaq u lahayd. Madasha ay Wasiir Hinda Jaamac Gaanni ka hadashay waxa ay ahayd Shirweyinihii Saxaafadda Qaranka, waxaanay jeedisay hadal toosin ah oo ku saabsan wararka la geliyo warbaahinta. Ma ay sheegin in suxuyiintu xumo ay ka shaqeeyaan, laakiin gudbinta hadallada dadka qaarkood sida kuwa qarannimada wax u dhimaya ayay soo-jeedisay. Mar haddii shirku ku saabsanaa saxaafadda, waxa ay tebisay dardaarankeedii ay warbaahinta fari lahayd. Guud ahaanna saxaafaddu waa tiirka afraad ee qaranka. Sharciga iyo xeerkuna ma dhigi karo in la caayo ama lagu xadgudbo. Haddiiba ay saxaafaddu wax ka tirsato wasiirka, waxa hadli lahaa Ururka SOLJA. Mar kale waan ka xumay in Guddoomiye ku-xigeenka jujuubka ah ee UCID kugu filnaan waayo oo aad iska dhigto Af-hayeenka SOLJA. Weedhaha Cabdinaasir Buuni waxa ka mid ahaa “Waxa aan u aragnaa ayaan darro inaad cimri-dherer kursiga kaga dhigato cayda saxaafadda iyo axsaabta qaranka”. Ma filayo in uu jiro qof dooni kara in uu xil ku hayo naxli iyo nashuushad. Wasiirka waxa lagu xushay kartideeda, waxaanay xilka ku hayn doontaa waxqabadkeeda inta Eebbe qaddaro. Indhahaagu ma arkayaan in Wasiir Hinda Jaamac ay ka mid tahay foolaadka golaha xukuumadda. Waxa kale oo Cabdinaasir Buuni yidhi “Golihii wakiillada ee ku ansixiyay, waxa aanu u keenaynnaa mooshin in adiga maamuuska lagaaga xayuubinayo”. Halkaasna waxa uu ku gefay Golaha Wakiillada. Golaha Wakiilladu waxa ay xil-ka-qaadis ku sameeyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, uma codeeyaan in Wasiir xilka laga qaado. Wasiirka waxa la xisaabtama madaxweynaha magacaabay. Waxa aan leeyahay sidee ayaad mooshin u geyn kartaa gole aanu fadhiyin hal Xildhibaan oo UCID ahi?. Waad la ambatay dacwadda aad sheegtay inaad Wasiirka Shaqo-gelinta ka geyn doontaan Golaha Wakiillada. Haddii aan in uun u garaabi lahaa Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), marka aad siyaasadda ka soo gasho daaqad, waxa macquul ah inaad faamallaydhka ka baxdo. Siciid Maxamuud Gahayr Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalada qaraxyada ugu badan ay ka dhaceen magaalooyinka Soomaaliya sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018 ay ka dhaceen, waxaana ka dhacay 13 qarax oo ah kuwa Gaadiidka laga buuxiyay. Warbixin ay baahisay Idaacadda Goobjoog ayaa lagu sheegay in qaraxyadaasi ay geysteen dhimashada dad badan oo rayid ah, waxaana ku dhaawacantay dhiro ka badan dhimashada qaraxyada ay sababeen. 2018-ka waxaa magaalada Muqdisho keliya ka dhacay ilaa 13 qarax oo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen 123 qof iyo 140 dhaawac ah , qaraxyada gawaarida dhejiska ah ee Muqdisho ka dhacay waxaa ay gaarayaan ilaa 36 gaari, waxaa ku dhimatay 37 iyo dhaawac oo 50 qof ah. Dhinaca kale waxaa sidoo kale jiray Mareykanka oo geystay 39 duqeyn, sheegtayna inuu dilay 676-qof, halka Al-shabaab sheegatay in AMISOM iyo ciidamada kale ka dileen 285, waxaa kale oo badnaa dadka ku dhintay miinooyinka iyo dilalka tooska ah oo shaqaale dowladeed, ergo iyo dad caadi ah ku jireen….guud ahaan waxaa la diiwaan-geliyey sanadkan 2018-ka dhimashada 1,643 iyo dhaawaca 570 qof, sida lagu sheegay warbixinta ay diiwaan gelisay Goobjoog. Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan oo soo gaara dadka shacabka ah ee u dhow goobaha qaraxyada waaweyn ay ka dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Siyaasi Cabdillaahi Geeljire Oo Dorraad Casuumad Qado Ah U Sameeyay Siyaasiyiin Kulmiye Ka Tirsan Iyo Abaabul Xoogan Oo Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Ka Socda + Layaabka Ducaddii Shalay Kediska Ahayd Ee Lagaga Cuudiyey Xarunta Guud Ee KULMIYE, Maxaa Lagu Qalay Maxaase Loola Jeeday?!! (SLT-Hargeysa)-Iyadoo aad loogu dhegtaagayo halka uu ku dambayn doono Guux xoogan oo ka dhex socda Xisbiga Kulmiye dhexdiisa kaasi oo sugi kari la’ Shir weynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lasheegay in loo qoondeeyay inuu qabsoomo bilawga sanadkan Cusub ee maalinta bari ah bilanaya ee 2019-ka, ayaa waxa durba la dareemayaa abaabulo iska soo horjeeda oo si gooni gooni ah ay u qabsanayaan dadyaw iyo siyaasiyiin kala afkaar ah oo ku kala jira Xisbiga Kulmiye iyo kuwo iyaga dhawaan laga caydhiyay Xubinimadii Xisbiga Kulmiye. Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) oo hore xilal kala duwan oo Wasiirnimo uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye, kana mid ahaa Siyaasiyiin dhawaan laga caydhiyay Xisbiga Kulmiye ayaa Doraad Kulan Qado ah Huteel Guuleed ugu sameeyay siyaasiyiin Miisaan Culus oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan iyo Siyaasiyiin kale. Kulankaasi oo si weyn ugu faafay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa islamarkaana sas qaadsiiyay hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa sida ay Wargeyska Foore ay u xaqiijiyeen dad aad ugu dhuun daloolay Kulankaasi ay noo sheegeen inuu ka mid ahaa Kulamada siyaasadeed ee uu dabada ka wado Cabdilaahi Geeljire oo ay isku urursanayaan islamarkaana isku xog waraysanayaan siyaasiiyiin damacsan inay duufaano Mucaarididad ah ku istaadhaan Xukuumadda iyo Shir weynaha Kulmiye oo qabsoomidiisa la hadal hayo, kaasi oo la sheegay in korodhsiimo uun loogu samaynayo Hogaanka hadda joogga. Sida Warbixintan aanu u helnay waxa Kulankan Qadada ah ee uu Cabdilaahi Geeljire Doraad Huteel Guuleed ku sameeyay ka soo qayb galay oo joogay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii hore ee Kulmiye Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Xildhibaan Waabeeye oo isagu Xisbiga Kulmiye hore uga diga rogtay iyo Masuuliyiin kale. Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Kulankaasi oo sheegaya inay Masuuliyiintani Kulankani afkaar siyaasadeed oo ay ka siman yihiin ay iskugu yimaadeen balse waxa ay wararkan naga soo gaadhay ay sheegayaan inuu Kulankaasi shaki Culus ku dhaliyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye islamarkaana loo qaatay mid ujeedo siyaasadeed oo gaar ah hagoogan islamarkaana ka mid noqon kara isdiidooyinka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye dhex wareegaya. Dhinaca kale Waxa Shalay Xarunta Guud ee Kulmiye ee Magaalada Hargeysa ka dhacday Casuumad Duco lagu sheegay oo xoolo badan lagu sadqeeyay, kaasi oo illaa Galabnimadii lagu wishiiriyayay. Waxa Ducadaasi ka qayb galay Dad u badan Garabada Haweennka Kulmiye, Marwada laabad ee Madaxweynaha, Dhalinyaradda Xisbigaasi, Qaar ka mid Goleyaasha Xisbiga iyo Xubno Hogaanka Sare ee Xisbiga ka tirsan oo uu ka mid yahay Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Ahna Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee Ducadaasi loo qabtay balse Xubno Xisbiga Kulmiye ka tirsan oo aanu la xidhiidhnay waxa ay noo sheegeen inay ujeedada Ducaasi ay ahayd “Balaayo Xijaaban”, islamarkaana waxa ay noo sheegeen in Xarunta lafteeda oo basaastay loogu ducaynayay. Xogo kale ayaa noo sheegay inay ducadaasi ahayd mid dhoolo tus ah oo hor dhac u ah dhaq dhaqaaqyo uu Xisbigu iskugu diyaarinayo Shir weynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la rajanayo inuu qabsoomo bilawga sanadkan 2019, gaar ahaan illa bisha labaad ee sanadkan Bari oo Salaaso ah bilanaya. Xisbiga Kulmiye ayaa ku jira xaalad Culus oo Guux badan, taasi oo ay samaynayaan Siyaasiyiin u hanqal taagaya booska Gudoomiyenimada Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Dabadii iyo rag hankii ay lahaayeen ee ay ugu soo ololeeyeen Wakhtigii Doorashada ka waayay Xukuumadda jirta, waxaana isha lagu hayaa qabsoomida Shirweynaha Golaha dhexe oo siyaabo kala duwan rag ugu muuqda. Source
  25. Sanadkan dhammaadka ah ee 2018-ka, waxaa dadweyanaha Soomaaliyeed ku dul hogtay qalalaase siyaasadeed oo u dhaxeeya hoggaanka dowladda dhexe, dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qalalaasahaas waxaa uu xasillooni-darro siyaasadeed ka abuuray hey’adaha dowliga ah ee federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana hakad galay shaqooyin la qaban lahaa, sida ay qirteen hey’ado uu ku jiro golaha shacabka, guddoomiye Mursal iyo xildhibaannada ayaa sidaasi ku sheegay kulankoodii sabtidii!! Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa dhacdooyinka siyaasadeed, xasaradihii iyo amni darradii dhacday sanadkan 2018-ka:-. 1. Amni-darrada: 2018-ka waxaa magaalada Muqdisho keliya ka dhacay ilaa 13 qarax oo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen 123 qof iyo 140 dhaawac ah , qaraxyada gawaarida dhejiska ah ee Muqdisho ka dhacay waxaa ay gaarayaan ilaa 36 gaari, waxaa ku dhimatay 37 iyo dhaawac oo 50 qof ah. Dhinaca kale waxaa sidoo kale jiray Mareykanka oo geystay 39 duqeyn, sheegtayna inuu dilay 676-qof, halka Al-shabaab sheegatay in AMISOM iyo ciidamada kale ka dileen 285, waxaa kale oo badnaa dadka ku dhintay miinooyinka iyo dilalka tooska ah oo shaqaale dowladeed, ergo iyo dad caadi ah ku jireen….guud ahaan waxaa la diiwaan-geliyey sanadkan 2018-ka dhimashada 1,643 iyo dhaawaca 570 qof!! 2. Isbeddalka Laamaha Amniga: Dowladda madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxa ay sannadkan gudihiisa isbeddal ku sameeysay dhammaan hoggaanka ciidanka qalabka Sida; Nabadsugida (NISA), Asluubta, Booliiska, taliyaha xoogga iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka. Xoogga dalka August 16, 2018 waxaa loo magacaabay Sareeye Gaas Daahir Indha Qarshe, Abaanduulaha S/Guuto Odowaa Yusuf ayaa la magacaabay isla August 2018, Booliiska February 19, 2018 ayey aheyd markii taliye loo magacaabahay Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubtana loo dhiibay February Bashiir Goobe halka NISA taliyaheedii Xuseen Cusmaan oo la magacaabay February sanadkan uu tagay October 2018, oo hadda NISA 3 bil waa hoggaan la’aan! 3. Isku shaandheynta iyo wax ka Bedadelka Xukuumadda 2018: Sanadi 2018 ka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu shaqada ka diray 20 wasiir oo qaarkood ay is-casileen halka kuwo kalena shaqada laga diray. Wasaaradaha isbedelku saameeyey ayaa kala ahaa: Arrimaha dibadda, warshadaha, arrimaha gudaha, warfaafinta, gaashaandhigga, tamarta, wasiir ku-xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, wasiiru dowlaha warfaafinta, arrimaha dibadda howlaha guud, diinta iyo awqaafta, waxbarashada, xanaanada xoolaha, kaluumesiga, wasiiru dowlaha madaxtooyada, wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha, Tamarta iyo wasiirka howlaha guud 4. Xil Ka Qaadistii guddoomiyihii hore gobolka Banaadair Thaabit Cabdi: xil ka qaadista Thabit waxay dhacday January 21, 2018, waxaa ay ka dambeysay arrimo la xiriira awoodda iyo maqaamka Muqdisho, xilkiisa waxaa lagu badalay oo noqday gudoomiyaha gobolka wasiirkii warfaafinta xakuumadda Xasan Cali Kheyre Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow. Thabit oo ka jawaabay ceyrintiisa waxaa uu sababta ku sheegay labo arrin: Xasiloonida iyo nabad-galyada gobolka Banaadir iyo shirkii nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir! 5. Is-casilaadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka: 9 Bishii April 2018 waxaa xilka ka tagay guddoomiyihii golaha shacabka kadib markii ay is qabteen laanta fulinta ee dowladda Soomaaliya. Jawaari oo shir jaraa’id la qabtay madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay inuu u tanaasulay isaga oo intaasi raaciyay“ha lakala roonaado”, shacabkana loo naxo iyo in aaney dhicin faragelin shisheeye!! 6. Isbeddallada Garsoorka: Sanadkii 2018 Farmaajo waxa uu xilka qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare iyo dhammaan garsoorayaasha maxkamadaha, waxaa kale ee uu xilka ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha maxkammadaha gobolka Banaadir iyo racfaanka Gobolka Banaadir. Dadka la magacaabay waxaa ka mid ahaa: Baashe Yuusuf, guddoomiyaha maxkamadda sare(May 27, 2018), Muuse Macalin, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir(July 14, 2018), Abshir Cumar Cabdullahi, guddoomiyaha maxkamadda racfaafnta(July 14, 2018), waxaa kale oo la magacaabay 9 garsoore oo maxkamadda sare iyo guddoomiyeaal maxkamadaha gobolka Banaadir, waxaa arrintaasi ka hor yimid kutladda Badbaado Qaran!! 7. Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnha Ka ah : Sanadkii 2018 ma jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhexeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah. Qoraal ay soo saareen September 8, 2018 waxaa ay sabab uga dhigeen inay dowladda federaalka ah ku guul-dareysatay amniga, barnaamijka dhismaha amniga qaranka, dhaqaalihii amniga oo loo leexiyey siyaasadda, wiiqidda hey’adaha dastuuriga ah, dhaqaale lagu bixinayo baarlamaanka dowlad goboleedyada, in deeqa iyo dakhliga lagu bixiyo burburinta hannaanka federaalka ah, in golaha ka quustay in dowladda federaalka ah meel-mariso heshiisyada…haddaba golaha waxaa uu sheegay in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka ah! 8. Muranka ka Dhashay Maareynta Deeqaha Somaliland ay Dunidu siiso: wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “New Deal”. Iyada oo isla markaa ay ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare ku xigeenka warqad lid ku ah taa oo sheegaysa in Somaliland ay beesha caalanku kula sii macaamisho si gooni ah. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Saacid Cali Shire ayaa sheegay inay u madaxbannaan yihiin heshiisyada ay la galaan caalamka isaga oo intaasi raaciyey in Soomaaliya aaney go’aan ka gaari karin deeqo ay dalal kale bixiyaan!! 9. Muranka ka dhashay Is-af-garadka Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha itoobiya iyo madaxweynaha Eratareeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Ethoipia:– 16kii bisha june 2018 waxaa booqasho maalin ah dalka ku yimid Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha Ethoipia waxayna madaxweynaha Soomaaliya isla soo saareen war murtiyeed sheegaya in Ethiopia Ay Soomaaliya ka maal gashato 4 dekad, Taasina waxa ay muran weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta shaki ballaarana ku beertay Soomaali inteeda badan. Is-dhexgalka Geeska Afrika: Kulankii Asmara ee madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afwerki ee September 5-6 waxaa lagu gaaray heshiis 4 qodob oo ii iskaashi ah, waxaa xigay midkii Itoobiya ee Gondar ee November 10, 2018, heshiiskaa ama is-af-garadkaas midna la ma keenin baarlamaanka federaalka madaxweynuhuna warbixin kama siin warbahinta madaxabannaan iyo dadweynaha taasina waxa ay dhalisay su’aallo waaweyn oo la xiriira amniga, gobanimadda iyo madaxbannaanida Jamhuuriyda Soomaaliyeed. 10. Xil ka ridistii Madaxweynaha Koonfur Galbeed: 7-da Nofember 2018 waxay xilka iyo musharaxnimadii si lama huraan ah isaga tegay madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan kadib markii uu cadaadis iyo culeys kala kulmay dhanka dawlada federaalka sida ay sheegeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin maamula Koonfur Galbeed ku metala labada heer Federaalka. 11. Faragelinta Doorashada Koonfur Galbeed: kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee koonfur galbeed Shariif Xasan Shiekh Aadan xukuummadda Xasan Cali Kheyre waxay dib u celisay xildhibaanadii koonfur galbeed waxana Baydhabo geysay ciidan aminiga suga oo hor leh taas oo keenay in ay is-casilaan qaar ka mid ah guddiga doorashada. Xildhibaannada federaalka ah ee ka soo jeeda koonfur galbeed waxaa ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen faro-gelin, dhankooda golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxaa lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin qaawan ku heyso doorashada koonfur galbeed, cambaareeyana siyaasadda dowladda dhexe ee kala qeybinta shacabka, baarlamaanka iyo xukuumadda koonfur galbeed, iyaga oo ka digay in wax kasta oo ka soo baxa doorashadaas, oo aan loo marin hannaanka saxda ah aaney aqoonsan-doonin dadka reer koonfur galbeed. 12. Xariga Mukhtar Roobow: December 13, 2018 dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysan ciidanka Ethoipia ee ku sugan Baydhabo ayaa xidhay musharax madaxweyne Mukhtar Roobow Cali oo horay hogaamiye ku xigeen uga soo noqday xarakadda Al-Shabaab kadibana waxaa loo soo qaaday Muqdisho, xadhiga Rooboow waxa uu sababay in Baydhabo ay kadhacaan banaabaxyo khalalaase wata oo keenay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, dadka dhintay waxaa ku jiray xildhibaano koonfur galbeed ah. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo qoraal soo saaray waxaa ay ku sheegeen “In ladaayo dadka sida sharcidarada ah loogu xiray iyagoo gudanaya Xuquuqdooda Dastuiriga ee u fasaxaayo Dastuurka JFS, waxaa kale oo inuu tartamo qoraal ku codsaday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. 13. Kala Diristii Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka: 28 ka nofember 2018 guudoomiye ku xigeenka golaha shacabka ayaa warqad uu soo saaray ku kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ka dib markii ay xukuummadu qoonsatay warbixin maaliyadeed ay u soo gudbiyeen guddoonka golaha shacabka, unna ku kala jabay guddiga dhexdiisa markii fadhiga golaha la horkeenay warbixinta si aan waafaqsaneyn xeer hoosaadka golaha shacabka. Muudeey waxaa uu u sababeeyey kala dirista ku xad-gudub xeer hoosaadka, khilaaf ka dhex jira guddiga, uuna kala tashtay guddoonka 14. Go’aankii Dowladda Soomaaliya ee Khilaafka Sacuudiga iyo Turkiga: Dowladda federaalka ah ayaa xaalad walbo taageero u muujisa dowladda Sacuudiga, August 7, 2018 waxaa la soo saaray qoraal Sacuudiga lagu taageeray kadib markii ay is qabteen Canada iyo boqortooyadu arrima la xadhiidha xaquuqul insaanka iyo xoriyad hadalka, Khilaafkii u dhexeeyay Boqortooyada sacuudiga iyo Dowladda Turkey ee ka dhashay dilkii wariyaha caanka ahaa Jamaal Khashoggi, October 15, 2018 dowladda Soomaaliya waxay la safatay dalka Sacuudiga. Mid ka mid ah qoraalka ay dowladdu soo saartay waxaa uu u qornaa ““Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale” . 15. Soojeedinta Xil ka Qaadista Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo: 9-kii December 2018 Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa qabtay mooshin dalabkiisu yahay xilka ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya. Ka dib waxaa ka dhashay Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka iyo Laanta Fulinta: Kadib markii uu guddoomiyaha golaha shacabka sheegay inuu qabtay hindisaha xil ka qaadista madaxweynaha waxaa ka soo horjeestay labadiisa ku xigeen, waxaana ka dhashay in guddoomiyuhu ka guuro hooygii uu ka daganaa madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu cadaadis kala kulmay laanta fullinta dowladda Soomaaliya. 16. Xuriyaadda cabirka Ra’yiga: shir jaraa’id ee uu qabtay xoghayaha golaha saxaafadda Soomaaliya Macalimow November 16, waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka ah la dagaalanka xoriyatul qowlka, taasi oo ka hor imaaneysa dastuurka KMG ah iyo dhammaan shuruucda dalka, isaga oo yiri “Xukuumadda Kheyre Waxaa ay Weriyeyaashii Ka Dhigtay Mid Loo Hanjabo Iyo Mid La Laaluusho. Ugu dambeyntii, arrimaha kale sanadkan la xusi karo waxaa ka mid ahaa dagaal beeleeyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay meelo badan oo dalka ah, Galmudug oo kala jabtay, majirto hay’ad dowli ah oo iska xil saartay diiwaan gelinta dadka naftooda kuwaaya qaraxyada, colaadaha iyo musiibooyinka kale, qofkana waxaa xasuusta oo kaliya ehelkii uu ka baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com