Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,203
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. GAROOWE SHAACINTA XILDHIBAANADA CUSUB MAGACYADA Slået op af SBC Somali TV i Mandag den 31. december 2018 Toos Xildhibaanada Cusub ee Puntland oo [...] Source
  2. Hay’adda SIDRA oo kaashanaysa hay’adda USAID, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay kulan lagusoo bandhigayay qorshayaasha ganacsiga ee ay diyaarsadeen haweenka ganacsatada ah. Haweenka ganacsatada oo SIDRA ka helay tababaro kor loogu qadayay xirfadooda ganacsi , ayaa maanta la isugu yeeray si ay usoo bandhigaan mid walba xirfada uu doonayo in loo maal galiyo, waxaana goobta ku sugnaa Bankiga Amal iyo hay’adda USAID. Guddoomiyaha dallada iskaashatada dumarka ganacsatada, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in gabdhaha ganacsatada ah helaan aqoon iyo fursad ay dayn kaga qaataan bangiyada si ay ugu maal gaaliyaan ganacsigooda. Waxay sheegtay caqabadaha ugu weyn ee haystay inay ugu horeeyaan aqoon la’aan iyo dhaqaale xumo, balse waxay hadda ku niyadsan tahay haddii labadaan fursad la isku helo in ganacsatadu hormaridoonaan. Waxay u mahad celisay SIDRA oo ganacsatada ufidiyay tababaro xirfadooda ganacsi ka caawinaya iyo shahaadooyin ufududaynaya inay bangiyada ka sameyn karaan koontooyin maalgalineed. Axmed Siciid Nuur oo ka socday hay’adda USAID, gaar ahaan mashruuca maalgalinta ganacsatada haweenka iyo dhalinyarada, ayaa sheegay doorkoodu inuu ahaa inay SIDRA ka caawiyaan isku keenida ganacstada dabaeedna ku xirto bandgiga Amal iyo dallada ganacsatada gabdhaha. Axmed ayaa ku booriyay gabdhaha ganacsatada ah inay dadaalkooda ka dhabeeaan iyo inay bankiga kala xaajoodaan wixii caqabad ku ah. “ anaga doorkeena waxaa weeye inaan dadka tababarno oo aan siino aqoontii iyo xirfadii ay ku shaqeyn lahaayeen. Ganacsigu waa inaad fikrad la timaadaa, aqoontii, iyo cidii ku maal galin lahayd,” ayuu yidhi Axmed Sicid Nuur. Agaasimaha waaxda ganacsiga ee wasaaradda ganacsiga Puntland, ayaa u mahad celiyay Bangiga Amal oo muhiimad weyn siiyay gabdhaha ganacstada iyo machadka SIDRA oo aqoontii ka caawiyay. Wuxuu kula dardaarmay inay ka faaidaysataan fursadaan, isagoo sheegay dumarku inay yihiin udub dhexaadka bulshada. Bankiga Amal ayaa balanqaaday inuu dumarka maanta soo bandhigay xirfadahooda ganacsi u sameyndoono Koontooyin, wuxuuna ugu bishaareeyay in sanad cusub bankiga Amal uu kor uqaadayo maal gelinta ganacsatada dumarka. Si taas loo gaaro wuxuu Amal Bank ku booriyay ganacsatada inay buuxiyaan sharuudaha ka caawinaya in loo maalgeliyo ganacsigooda. Agaasimaha SIDRA, Gulled Saalax Barre, oo ugu dambayn hadalka qaatay ayaa uga mahad celiyay dumarka ganacsatada kaalinta ay bulshada ugu, wuxuuna yidhi,” waxaa xaqiiq ah inay doonayaan inay ganacsigooda balaariyaan. Wuxuu maamulka Amal bank ugu baaqay inay tixgalin gaar ah siiyaan haweeka ganacsatada. Dumarka ganacstada ee soo bandhigay xirfadooda ganacsi, ayaa ukala qeybsanaa, Beeraley, Dukaanlayaan, xarumaha dumarka isku qurxiyaan, Qudaarley PUNTLAND POST The post SIDRA oo kulan u qabatay haweenka ganacsatada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Moscow)-Ruushka ayaa magaalada Moscow ku xidhay muwaadin Mareykan ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas yahay, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka. Hay’adda Adeega Amniga Federaalka Ruushka ee FSB ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Paul Whelan la xiray 28-kii December “isaga oo fulinaya ficillo jaajuusnimo” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Paul lagu wado baadhitaan dambiyeed. Ma aysan bixin faahfaahin intaas dheer, hase yeeshee wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in Paul uu wajahayo 20 sano oo xabsi ah haddii dambiga lagu qiro. Saraakiisha Mareykanka weli wax jawaab ah kama aysan bixin xadhigan. Warka ku saabsan xariga Paul ayaa yimid wax ka yar 24 saac un kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu soo saaray hambalyada sanadka cusub oo uu u diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isaga oo sheegay in Msocow ay diyaar u tahay inay wada-hadallada arrimo badan lasii waddo Washington. Source
  4. Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta la gaarsiiyay labo Askari oo shalay lagu wareejiyay waxgaradka ka socday dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya,kuwaasoo ay ku wareejiyeen Waxgarad ka socday degmada Galinsoor. Labadda Askari ayaa waxaa galinkii dambe laga qaaday degaanka Kaxandhaale, waxaana maanta la gaarsiiyay Magaalada Jigjiga, waxaana la sheegay in halkaasi lagu maxkamadeyn doono. Qaar ka mid ah waxgaradka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Itoobiyaanka ah la weydiin doona sababta keentay in lagu qabto dagaal beeleedkii degaanka Kaxandhaale. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hoggaaminaayay oo gaaray degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa loo diiday shalay in lagu wareejiyo Ciidan Itoobiyaan oo ay soo qabteen Maleeshiyo Beeleed. Mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya ay u dirtay degaanka Galinsoor ayaa Ku guuldareystay in ay wali xal ka gaaraan labadda dhinac, waxaana muuqata in waxgaradka labadda Beelood ay waddaan dadaallo lagu heshiisiinaayo Maleeshiyaadka dagaallamay. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay dufcaddii 2aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Frantz Fanon University ee magaaladda Hargaysa, waxaana munaasibadda qalin-jebinta ardayda kala qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kala duwan. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen waxaanu kula dar-daarmay inay waxbarashadooda sii wataan islamarkaana ay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadkaba waxaana kamid ahaa hadaladiisi Madaxweyne ku-xigeenka “Waxaan idiinku hambalyaynayaa guusha aad gaadheen aad baan idiin hambalyaynayaa idinka iyo macalinkiina Prof: Bulxan, waxaan idinkula dar-daaramayaa inaad waxbarashadiina sii wadataan dalkana u shaqayasaan, maanta rajo weyn ayaa muuqata oo waliba idinka idiin muuqata, horumar fiican ayaynu rajaynayaa insha Allaahu waxaanan idiin rajaynayaa guul” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  6. Hay’adda SIDRA oo kaashanaysa hay’adda USAID, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay kulan lagusoo bandhigayay qorshayaasha ganacsiga ee ay diyaarsadeen gabadhaha ganacsatada ah. Ganacsatadaan oo [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin ka warramaysa Xogta Iyo Dhaqamada Dhaxal Sugaha Koowaad Ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Source
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee M/ Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sahal. Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkaasi uu ka badbaaday qaraxa, slamarkaana uu burbur xoogan soo gaaray Gaariga oo watay oo ahaa nuuca raaxada. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa beegsada Saraakiisha iyo Askarta Ciidamada dowlada ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. The post Qarax Gaari Oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu ka hadlay khataro ka jirta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warbixin uu soo saaray Ururka Saxafiyiinta caalamka ee IFJ ayaa lagu sheegay in ay korortay Tirada Wariyeyaasha iyo shaqaalaha warbaahinta ee sanadkani sii dhamaanaya ee 2018 -ka lagu dilay Dunida. IFJ ayaa shaacisay in sanadkan caalamka lagu dilay 94 Saxafi ,kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo dilay, xilli ay ku guda jireen Mihnadooda Warbaahinta. Tirada Wariyeyaasha sanadkaan la dilay ayaa ah kuwo ka badan sanadkii hore ee 2017-kii, kaas oo la dilay 84 Saxafi, sida ay sheegtay IFJ. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka la shaaciyay ee Wariyeyaasha lagu dilay sanadkani , kuwaasi oo gaaraya illaa iyo 6 Wariye. Dalka Afghanistan ayaa loo aqoonsaday meesha ugu qatarta badan caalamka oo ay Saxafiyiintu ka howlagalaan haatan, dalkaasi oo Sanadkan lagu dilay 16 Saxafi, waxaaana soo raaca wadamada Mexico, Yemen iyo Syria . Soomaaliya ayaa weli ka mid ah dalalka lagu dhibaateeyo Saxafiyiinta, kuwaas oo halis la kulma, xilliyada ay ku guda jiraan howlahooda shaqo. The post Tirada Wariyeyaasha la dilay 2018 Oo korortay appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda Dowladdu ku shaqeyn doonto sannad maaliyadeedka ka bilaabmaya 1-da Janaayo 2019-ka oo berri ka bilaabanaya, kuna dhammaan doona 31 December, 2019-ka. Waxaa Xeerka Dhaqan-Gelinta Miisaaniyadda la hor geynayaa maanta Golaha Aqalka Sare, oo isu diyaarinaya inuu ka doodo, kadibna meel mariyo isla maanta ama berri. Haddaba, warbaahinta Kalfadhi ayaa kuu soo koobeysa illaha laga filayo dakhliga miisaaniyadda, qoondada xafiisyada dowladda iyo deeqaha. Miisaaniyadda 2019-Ka Wadarta guud ee miisaaniyadda sannadka 2019-ka waa $340,060,149. Waxay dhowr milyan dheer tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo gaaraysay 274.6 Milyan oo doolar. Waxay miisaaniyadan ku dhisan tahay laba dakhli oo kala ah midka gudaha ee ah canshuuraha kala duwan ee ay dowladdu qaaddo iyo dakhliga ka yimaada deeqaha la siiyo dowladda. Dakhliga gudaha ayaa la filayaa inuu noqdo 55.8%, guud ahaan wadarta miisaaniyadda, halka deeqaha la filaayo ay miisaaniyadda ka noqon doonaan 44.2%. Dakhliga gudaha waxa uu ka imaanayaa canshuuraha kala duwan ee ay dowladda soo ururiso sida canshuurta dakhliga iyo faa’iidooyinka, canshuurta faa’iidada ganacsiga iyo canshuurta adeegga iyo agabka. Deeqaha dibadda waxay noqonayaan kaalmada hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bankiga Aduunka, Midowga Yurub iyo deeqaha dalalka saaxiibadda la ah Soomaaliya sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar. Qoondada Miisaaniyadeed ee Xafiisyada Dowladda Hay’adaha adeegga maamulka oo ka kooban xafiisyo dowladeed oo dhowr ah sida maxkamado, wasaarado, safaarado iyo guddiyo kala duwan ayaa looga qoondeeyay miisaaniyadda sanadka soo socda lacag dhan $135,204,188, waxaana kamid ah hay’adaha adeegga maamulka: 1- Xafiiska Madaxtooyada: $5,838,587. 2- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: $5,777,630 3- Xafiiska Golaha Shacabka: $5,338,481. 4- Xubnaha Golaha Shacabka: $14,449,312 5- Xafiiska Aqalka Sare: $4,103,520 5- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka: $3,000,000 6- Maxkamadda Gobalka Banaadir: $1,499,432 Hay’adaha adeegga difaaca iyo amniga, oo ka kooban wasaarado, maxkamado iyo hay’ado amni, waxaa loo gaar-yeelay qoondo dhan $110,767,024, waxaana hay’adahaas kamid ah: 1- Wasaaradda Gaashaandhiga: $ 2,632,780 2- Wasaaradda Amniga Qaranka: $2,007,452 3- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka: $12,505,680 4- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: $62,193,336 5- Maxkamadda Ciidamada: $1,456,000 Hay’adaha adeegga dhaqaalaha oo ka kooban wasaarado iyo hay’addo horumarineed waxay miisaaniyadda ku leeyihiin dakhli dhan $24,203,206, Waxaana hay’adahaas kamid ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Dekadda Xamar iyo Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed. Adeegga Bulshadda waxaa miisaaniyadda looga qorsheeyay lacag dhan $23,119,231. Waxaa lacagtan loo gaar-yeelay Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Isboortiga iyo Dhallinyarada iyo Wasaaradda Haweeenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha. Waxaa kale oo qeyb ka ah qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka mashaariic ku kacaysa qiimo lacageed oo dhan $46,766,501. Yaa Mudnaanta Kharash Bixinta La Siinayaa? Sida ku cad nuqulka miisaaniyadda 2019-ka, oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, haddii la fulin waayo kharaashaadkii lagu talagalay ee miisaaniyadda, waxaa mudnaanta bixinta kharashaadka la siin doonnaa sida raashiinka iyo gunnooyinka Ciidamada Qalabka Sida, Khidmadda Bankiga iyo Gobalka, mushaaraadka iyo gunnooyinka Shaqaalaha Rayidka, gunnada Xildhibaanada iyo Wasiirada. Xigasho: Kalfadhi
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan. “Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.” Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda. Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed.
  13. Wadanka Suudaanka asbuucii labaad waxaa ka socda qalalaaso iyo dibad-baxyo ku fiday gobaladda wadanka kaas oo ka dhashay maciishada iyo shidaalka oo sare ku kacay, muwadiniinta wadanka iyo gawaarida ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen maciishada iyo shidaalka oo ka sii yaraanaya wadanka arrimahaas ayaana sababay inay rabshado ka dilaacaan wadan. Soomaali badan ayaa ku nool wadanka kuwaas oo isugu jira arday wax ka barata waddanka iyo kuwo deegaan ku ah muddo dheer kuwaas oo ku kala nool magaalooyinka wadanka sida magaaladda Khartuum iyo Jaziira lakiin ardayda ugu badan ayaa wax ka barta magaladda caasimadda ah Khartuum iyo gobalada, wasaaradda waxbarashada dalkaasi ayaa ku wargalisay jaamacadaha iyo iskuulada inay hakad galiyaan shaqada ay hayaan inta xaalada ay dagayso arday badan oo wax ka barata Suudaan ayaa arintan saameen ku yeelatay. Faa’id Xuseen Tahliil waa mid ka mid ah ardayda wax ka barata wadanka Suudaan waxa uu u waramay Goobjoog News , waxa uuna ka warbixiyay halka wax marayaan iyo sida ay u taabay arday ahaan xaaladda wadan uu galay labadii asbuuc ee lasoo dhaafay iyo hadakii wasaarada waxbarashada dalka oo hakad galisay dhamaan jaamacadaha dalka inta wax iska badalayaan. “Runtii waxaa la qiyaasayay siyaasiintana ay taxliilinayeen ilaa 2010kii in wadanka uu u socdo halkii ay mareen kacdoon dadweynena uu ka dhici karo sidii wadamadii Islamka ahaa ee ee Liibiya, Masar iyo Yamen oo ay kamid aheyd lakiin ilaa iyo hada mayna dhicin lakiin waa wax dadka ay maalin sugayeen in xaalada nuucaana uu galayo wadanka. Dadku ma ahan kuwo ka cabanayay ciriiri siyaasadda ee dowladdu saartay, kama jirin lakiin dadka cabashadooda iyo isoo baxooda ayaa ahaa mid ku salaysan dadku inayna heysan nolol dhaqaalaha wadanka oo hoos u sii socday iyo ceyshka la cunayay oo qaaliya Dollarkii oo sare ku kacay ayaa sababay inay dad badan noloshooda adkaato ardayda ayaana kamid ahaa dadkaasi. Marka haddii wadanka xaaladiisa sidaan sii ahaato, waxaa ii muuqaneysa in saameyn badan ku yeelanayo wadamo badan oo Islaama hadana carab ah, dadka reer Suudaan waa dad kala qabiilo duwan aadna uu uga jiro cunsiga qabiilka ah ee dadka dhaxdooda, waxaana is ku haya dadka reer Suudaan xukun milatari oo tiktatooriya gobalada qaar dibad-baxyadii ka dhacay waxaa ka qeyb qaatay ciidamadii wadan sida deegaanka Xadaara iyo deegaanada ku dhawdhaw magaalad Jaziira sidoo kale waxaa la arkayay ciidamada boliiska iyo taliyayaasha oo horboodaya dibad baxyada waxaana yimid Madaweynaha dalka aad ayaana lo osoo dhaweeyay waxa uuna u sheegay hadii dadku ay ka cabanayaan arrimo dhaqaale hadii ay tahay wax laga qaban doono, hadii xukuumadaan meesha ka baxdo waxaa laga cabsi qabaa in suudaan dib ugu laabto dagaal sokeeye” Dadka dibad baxaya ayaa gubaya goobaha dowladda in kastoo meelo wadanka ah laga dareemayo daganaan madaxweynaha oo booqday magaalada Jaziira oo lahadlay taageerayaashiisa ayaa tilmaamay in maciisha wax laga qabayo hoos lood higayo wadamada Qadar iyo Turkiga ayaa durbaba bilaabay taageeradooda ay u muujinayaan iyo sida ay u garab taagan yihiin Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan. “Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.” Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda. Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Farmaajo Oo saxiixay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Beeralayda deegaanka Qow ee gobolka bari ayaa ka cabanaya , qiima jab ku yimid Yaan yadii ka soo bixi jirtay Beeraha deegaankaasi ,kadib markii ay [...] Source
  16. (SLT-Dararweyne)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag maanta ku soo dhaweeyay tiro ka badan 40 Askari oo ka soo goostay Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre, ee fadhigeedu yahay Puntland. Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo saraakiil ka tirsan ciidammada millateriga Somaliland ayaa soo dhaweeyay askarta. Dhawaan ayay ahayd markii uu ka soo goostay taliye Gamaal Baaxad oo ka tirsan Jabhadda uu hoggaaminayo kornayl Caarre isaga oo sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland waydiisanayo in la cafiyo. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee garabka Haweenka u magacaabey Marwo Sucaad Cabdilaahi Cali Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Ergayga Gaarka Ah Ee Dawladda Turkigu U Soo Magacowday Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Baardheere ( Sh. M. Network )-Illaa 6 Qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa waxaa maanta Saraakiisha Ciidamada dowladda ay ku Toogteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Toogashada ayaa ka dhacday xarun Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Mid ka midi ah Saraakiisha Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Korneyl Duhaab Maxamuud Macalin Cumar ( Tima Jilac) ayaa Shabelle ayaa uga warbixiyay Toogashadaasi. Tima Jilac ayaa sheegay in Raggani Maxkamad ku taalla degmada Baardheere ay ku xukuntay dil Toogasho ah, laguna fuliyay. Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in xubnahani la Toogtay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka geysteen gudaha degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in dadka ku nafwaayay dhacdooyinkaasi ay gaarayaan illaa 14 Qof oo isugu jira Askar iyo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan. Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta deegaanada iyo degmooyinka gobolkasi. The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu Toogtay Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle (Korneel Ruush). Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday Masjidul Shuhadaa ee ku yaalla gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda. Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay Janaasada ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Janadii Firdowsa geeyo, eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, naxariis badan dadkana caawiya, ku weyn tahay Soomaalinimada, jeclaa hormarinta dowladnimada, midnimada iyo dib u heshiisiinta. Alle ha h naxariistee Xildhibaan Korneel Ruush waxa uu ka mid ahaa baarlamaankan 10-aad ee hada shaqeeyo gaar ahaan golaha shacabka, waxaa laga soo doortay koofur galbeed Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu xubin ka ahaa guddiga dastuurka ee labada golle ee Baarlamaanka. Shalay galab ayaa Xildhibaanka wadnaha istaagay, waxa uu ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho. The post Madaxda Qaranka Oo ka qeyb galay salaada Janaasada Ee Marxuum Korneyl Ruush appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Madaxweeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabi taasi oo Ka duwan saadaalintii laga filaayay ee ahayd in uu xukumadda ku sameeyo isku shaandhayn iyo xil ka qaadis intani Ka balaadhan, waana tan hoos ku xusan isku shandhayn uu maanta sameeyay Agaasimaha wasaaradda maaliyadda ayuu u magacaabey, Maxamed Cabdi Guyrxan Agaasimaha wasaaradda cadalaadda ayuu u magacaabey, Cabdiraxmaan Faahiye Musaabiqo. Maareeeyaha Madbacadda Qaranka wuxuu u magacaabey, Maxamuud Ibraahin Raage. Guddoomiyaha gobolka Sool wuxuu u magacaabey, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe. Waxaa xilkii laga qaadey; Guddoomiyaha gobolka Sool iyo ku xigeenkiisii iyo maareeyihii madbacadda qaranka. Qaran News
  22. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxaa uu sameeyay magacaabis iyo dad uu xil ka qaaday. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa loo magacaabay agaasimaha wasaaradda maaliyadda, agaasimaha wasaaradda cadaaladda isna waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Faahiye Musaabiqo halka Maareeeyaha madbacadda laga dhigay Maxamuud Ibraahin Raage, waxaa sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sool wuxuu u magacaabey Cabdiqani Maxamuud Jiidhe. Wuxuu xilkii ka qaadey; Guddoomiyaha gobolka Sool iyo ku xigeenkiisii iyo maareeyihii madbacadda qaranka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Tacaddiyadii Somaliland ka dhacay sannadkan (2018) oo maanta Hargeysa lagu soo bandhigey. Agaasimaha xarunta xuquuqul insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa ka warbixinaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka somaliland Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf Warsame ayaa ka warramay xaaladda caafimaadka dalka iyo dhibaatooyinka jira, Halkan hoose ka DAAWO Source