Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,188
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawayn u sameeyay abaanduulihii aagga bari ee ciidammada qaran Somaliland kornayl Cabdi Raan iyo ciidammo uu wato oo ku biiray jabhadiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Waxaa galabta Garoowe, Puntland lagu shaaciyey magacyada xildhibaannada la soo xulay ee Puntland, waa 66 xildhibaan kuwaas oo 8da Janaayo dooran-doona madaxweynaha Haddaba halkan ka akhriso: Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-311218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle ayaa goor dhoweyd shaaciyay in uu xilka iska casilay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu go’aankan u qaatay arrimo la soo gudboonaaday darteed,balse faahfaahin kama uusan bixin. “Laga bilaabo hadda waxaan iska casilay G.Gobolka Sool ee Dawlada Puntland, Sababo ila soo gudboonaaday awgood ayaan go,aankan gaadhay” ayuu yidhi Geelle. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in uu qaban doono war-saxaafadeed uu arrimo badan uga hadli doono”waxaan qaban-doonaa warsaxaafadeed aan arimo badan kaga hadli-doono in sha Allah” ayuu sii raaciyay. Abukar ayaa xilkan loo magacaabay 11 bishii June ee sannadkan 2018,waxaana uu hayay mudda lix bilood ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2019-ka awgeed, kuna beegan 25-ka bisha Rabiicu-taani, 1440-ka ee sannadka Hijriga uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka. Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin. Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2019-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni taama. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  6. 58 years after independence, 30 years after civil war, many years of no governance, 8 years of transitional govt, 6 years of recognized federal government, Somalia is moving forward in a progressive direction. Although political instability, corruption, effects of gulf crisis, limited trust and insecurity remains a challenge but Al-Shabaab remains the most immediate threat to the security, peace, development and stability in Somalia. Somalia has been through rough situations like civil war, drought, lack of governance, humanitarian crisis, piracy and recently terrorism. As Al-Shabaab lost many strategic places but the threat of Al-Shabaab’s terror attacks intensifies, in every attack many civilians and prominent people lost their lives. Many people in south felt insecure. The government forces, AMISOM, AFRICOM and all other international partners engage with Al-Shabaab and provide security help. Although Al-Shabaab cannot carry direct fight but their guerilla tactics of war remains a threat especially use of explosions. The big question is the ultimate security of Somalia depends with who? The security of Somalia depends how its citizens decide to defeat the terror groups like Al-Shabaab, ISIS and mafia groups that taxes them or kills them. It depends on how the locals fight against the group, don’t give any hide-outs or safehouses. AMISOM, Somali National army and other international partners fight against Al-Shabaab but still Al-Shabaab remains a major threat. Although US airstrikes is trying to eliminate Al-Shabaab’s leadership, but the group’s ability to carry out complex asymmetric attacks like the one on October 14, 2017 (Zoobe) in Mogadishu Somalia remains undiminished. Somalia’s security depends on how its politicians, intellectuals, media, civil society decide to cooperate and lead the country. How the current administration handles the competing interests of the Gulf states, how current leaders compromise their grievances and fight corruption. No state in this world agrees on all agenda’s, and no politicians agree on which side to take but ethics, morals, interests and knowledge drives what to do, the politicians should not confuse internal politics from the external pressures, interests and wants. The security of Somalia depends how its intelligence branch capable of protecting the people, how the government seeks trust and cooperation from the citizens. The security of Somalia remains if manufacturing of the explosive devices stopped, to a recent report by The Monitoring Group “Al-Shabaab is manufacturing home-made explosives for use in its improvised explosive devices”. The government has to research on how to stop production of this explosive devices, components and importers of such things. Not paying any tax to Al-Shabaab, Al-Shabaab’s domestic financing revealed that the militant group generates more than enough revenue to sustain its insurgency. “the Monitoring Group estimates that Al-Shabaab generates approximately $10 million per year by taxing transiting vehicles and goods only. Al-Shabaab’s financial operations, including the collecting of revenue and payment of its members, are facilitated by the services provided by poorly regulated domestic telecommunications and financial entities”. The security of Somalia depends if all financial sources and funds of Al-Shabaab sanctioned. The security of Somalia depends If the Security sector is reformed following the national security architecture such as military, police, and justice sector, while supporting ongoing African Union peacekeeping efforts. The United States, the international community, and Somalis themselves should work towards developing the Somali National Army and this can come by Lifting UN Arms embargo; this will strengthen the Somali Army, Law enforcement and al-Shabaab threats can be defeated. Wining the hearts and minds of the people, ideological argument made, and psychological help given. Failure to do so might result continues funding, reliability of International forces, more Al-Shabaab and ISIS threats. The security of Somalia depends on the existence of Al-Shabaab and ISIS. How their ally organizations survive in other parts of the world depend on their existence too. if the Taliban’s are brought to the negotiating table (according to Washington post president trump sent a letter to Pakistani president to facilitate talks between the US and the Taliban), ISIS and Boko-haram defeated then the future of al-Shabaab is in dark. President Trump recently tweeted that united states gives Pakistan hundred million but in return do nothing in-return Pakistani prime minister Imran Khan tweeted, the United States should undertake a “serious assessment” of why, after a war involving hundreds of thousands of NATO and Afghan troops and more than $1 trillion in costs, “the Taliban today are stronger than ever before.” The Somali government and its international partners must ask themselves this same question. Why after 10 years of 21000 AMISOM forces, SNA forces, and millions of international funds to fight with less than 7,000 al-Shabaab militia men taking longer time to defeat? The security of Somalia depends on how it’s citizens support the Government. you cannot be a part time citizen, so the best thing to do is give every administration time, after 4 years term check whether the administration completes the constitution, builds the Army, creates a high court, constitutional court, and other important institutions. See after 4 years whether the government recognized the root causes of Al-Shabaab? as majority of its fighters are young youth that lacked opportunities like education, health and equal justice. Did they call them to the negotiating table? Did they fight with their ideologies? How the current/future administration deals with all that complex questions and issues should remain how you oppose, propose, rate or scale any administration rather than the individual, his party, his/her clan affiliation. I’m sure a politically stable, vibrant, secure and economically progressive Somalia will be beneficial to all while unstable and divided Somalia will lead to more disastrous, chaos and insecurities. It’s up to the Somali leaders to take a freedom path or continue poor politics they encounter now. it’s up to the Somalis to work/plan for their safety and security. The world can help but the security and future of Somalia lies in the hands of its people. Mahad Wayax Mahadhassan045@gmail.com DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
  7. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan. “Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.” Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda. Ugu dambeyn, Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka appeared first on Puntland Post.
  8. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay tirada xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xildhibaan, kuwaasi oo dooran doono madaxweynaha cusub ee maamulkaasi uu yeelanayo. Guddiga xalinta Khilaafaadka ayaa ku dhawaaqay xildhibaanadan oo laga soo kala xulay deegaanada kala duwan ee maamulka Puntland. Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin badan, waxaana lagu wadaa inay dhacdo Doorashada 8 bisha Jabaayo ee Sanad cusub ee 2019. Hoos ka akhriso magacyada xildhibaanada
  9. Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa haatan ku dhawaaqay lixdan iyo lixda xubnood ee Golaha wakiilada cusub. Guddiga oo la magacaabay 3-dii bishan December ayaa mudda 27 maalmood ah ku hawllanaa xallinta kuraasta lagu muransanyahay ee xubnaha doonaya in ay kamid noqdaan Baarlamanka ayaa goor dhoweyd shaaciyay magacyada xildhibaannada Baarlamanka,kuwaasoo isugu jira 49 cusub iyo 17 xubnood oo ka tirsanaa Baarlamankii hore,balse dib loo soo doortay. Dhanka Haweenka waxa ku jirta hal gabadh oo laga soo xulay gobolka Sool,laguna magacaabo Nimco Cabdi Caarshe. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Magacyada xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  10. Gudiga Ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhawayd shaaciyay liiska Xildhibaanada cusub ee Puntland 219. Hadaba halkan ka Akhriso . Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Buulo Shiidle, ee degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Labo Askari oo ka tirsan Dowladda Hoose, waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay qof la fadhiyay labada Askari oo ka tirsanaa Minishiibiyada. Waa dilkii 3aad oo saaka kaliya ka dhaca Muqdisho, waxaa sidoo kale Degmada Waabari lagu dilay Labo Askari oo midi Gaashaanlle dhexe ahaa halka midka kale la sheegay in uu ahaa Xiddigle. Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana lagu bartilmaameedsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culusow oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi. Dilkan ayaa imanaya ayada oo Al-Shabaab ay dhowaanahan sare u qaadday weerarada ay ku beegsaneyso saraakiisha ciidamada dowladda. Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay dilka Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Cali Jamaame oo 6-dii bishan lagu dilay qarax miino. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. GAROOWE SHAACINTA XILDHIBAANADA CUSUB MAGACYADA Slået op af SBC Somali TV i Mandag den 31. december 2018 Toos Xildhibaanada Cusub ee Puntland oo [...] Source
  13. Hay’adda SIDRA oo kaashanaysa hay’adda USAID, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay kulan lagusoo bandhigayay qorshayaasha ganacsiga ee ay diyaarsadeen haweenka ganacsatada ah. Haweenka ganacsatada oo SIDRA ka helay tababaro kor loogu qadayay xirfadooda ganacsi , ayaa maanta la isugu yeeray si ay usoo bandhigaan mid walba xirfada uu doonayo in loo maal galiyo, waxaana goobta ku sugnaa Bankiga Amal iyo hay’adda USAID. Guddoomiyaha dallada iskaashatada dumarka ganacsatada, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in gabdhaha ganacsatada ah helaan aqoon iyo fursad ay dayn kaga qaataan bangiyada si ay ugu maal gaaliyaan ganacsigooda. Waxay sheegtay caqabadaha ugu weyn ee haystay inay ugu horeeyaan aqoon la’aan iyo dhaqaale xumo, balse waxay hadda ku niyadsan tahay haddii labadaan fursad la isku helo in ganacsatadu hormaridoonaan. Waxay u mahad celisay SIDRA oo ganacsatada ufidiyay tababaro xirfadooda ganacsi ka caawinaya iyo shahaadooyin ufududaynaya inay bangiyada ka sameyn karaan koontooyin maalgalineed. Axmed Siciid Nuur oo ka socday hay’adda USAID, gaar ahaan mashruuca maalgalinta ganacsatada haweenka iyo dhalinyarada, ayaa sheegay doorkoodu inuu ahaa inay SIDRA ka caawiyaan isku keenida ganacstada dabaeedna ku xirto bandgiga Amal iyo dallada ganacsatada gabdhaha. Axmed ayaa ku booriyay gabdhaha ganacsatada ah inay dadaalkooda ka dhabeeaan iyo inay bankiga kala xaajoodaan wixii caqabad ku ah. “ anaga doorkeena waxaa weeye inaan dadka tababarno oo aan siino aqoontii iyo xirfadii ay ku shaqeyn lahaayeen. Ganacsigu waa inaad fikrad la timaadaa, aqoontii, iyo cidii ku maal galin lahayd,” ayuu yidhi Axmed Sicid Nuur. Agaasimaha waaxda ganacsiga ee wasaaradda ganacsiga Puntland, ayaa u mahad celiyay Bangiga Amal oo muhiimad weyn siiyay gabdhaha ganacstada iyo machadka SIDRA oo aqoontii ka caawiyay. Wuxuu kula dardaarmay inay ka faaidaysataan fursadaan, isagoo sheegay dumarku inay yihiin udub dhexaadka bulshada. Bankiga Amal ayaa balanqaaday inuu dumarka maanta soo bandhigay xirfadahooda ganacsi u sameyndoono Koontooyin, wuxuuna ugu bishaareeyay in sanad cusub bankiga Amal uu kor uqaadayo maal gelinta ganacsatada dumarka. Si taas loo gaaro wuxuu Amal Bank ku booriyay ganacsatada inay buuxiyaan sharuudaha ka caawinaya in loo maalgeliyo ganacsigooda. Agaasimaha SIDRA, Gulled Saalax Barre, oo ugu dambayn hadalka qaatay ayaa uga mahad celiyay dumarka ganacsatada kaalinta ay bulshada ugu, wuxuuna yidhi,” waxaa xaqiiq ah inay doonayaan inay ganacsigooda balaariyaan. Wuxuu maamulka Amal bank ugu baaqay inay tixgalin gaar ah siiyaan haweeka ganacsatada. Dumarka ganacstada ee soo bandhigay xirfadooda ganacsi, ayaa ukala qeybsanaa, Beeraley, Dukaanlayaan, xarumaha dumarka isku qurxiyaan, Qudaarley PUNTLAND POST The post SIDRA oo kulan u qabatay haweenka ganacsatada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Moscow)-Ruushka ayaa magaalada Moscow ku xidhay muwaadin Mareykan ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas yahay, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka. Hay’adda Adeega Amniga Federaalka Ruushka ee FSB ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Paul Whelan la xiray 28-kii December “isaga oo fulinaya ficillo jaajuusnimo” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Paul lagu wado baadhitaan dambiyeed. Ma aysan bixin faahfaahin intaas dheer, hase yeeshee wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in Paul uu wajahayo 20 sano oo xabsi ah haddii dambiga lagu qiro. Saraakiisha Mareykanka weli wax jawaab ah kama aysan bixin xadhigan. Warka ku saabsan xariga Paul ayaa yimid wax ka yar 24 saac un kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu soo saaray hambalyada sanadka cusub oo uu u diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isaga oo sheegay in Msocow ay diyaar u tahay inay wada-hadallada arrimo badan lasii waddo Washington. Source
  15. Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta la gaarsiiyay labo Askari oo shalay lagu wareejiyay waxgaradka ka socday dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya,kuwaasoo ay ku wareejiyeen Waxgarad ka socday degmada Galinsoor. Labadda Askari ayaa waxaa galinkii dambe laga qaaday degaanka Kaxandhaale, waxaana maanta la gaarsiiyay Magaalada Jigjiga, waxaana la sheegay in halkaasi lagu maxkamadeyn doono. Qaar ka mid ah waxgaradka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Itoobiyaanka ah la weydiin doona sababta keentay in lagu qabto dagaal beeleedkii degaanka Kaxandhaale. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hoggaaminaayay oo gaaray degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa loo diiday shalay in lagu wareejiyo Ciidan Itoobiyaan oo ay soo qabteen Maleeshiyo Beeleed. Mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya ay u dirtay degaanka Galinsoor ayaa Ku guuldareystay in ay wali xal ka gaaraan labadda dhinac, waxaana muuqata in waxgaradka labadda Beelood ay waddaan dadaallo lagu heshiisiinaayo Maleeshiyaadka dagaallamay. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay dufcaddii 2aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Frantz Fanon University ee magaaladda Hargaysa, waxaana munaasibadda qalin-jebinta ardayda kala qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kala duwan. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen waxaanu kula dar-daarmay inay waxbarashadooda sii wataan islamarkaana ay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadkaba waxaana kamid ahaa hadaladiisi Madaxweyne ku-xigeenka “Waxaan idiinku hambalyaynayaa guusha aad gaadheen aad baan idiin hambalyaynayaa idinka iyo macalinkiina Prof: Bulxan, waxaan idinkula dar-daaramayaa inaad waxbarashadiina sii wadataan dalkana u shaqayasaan, maanta rajo weyn ayaa muuqata oo waliba idinka idiin muuqata, horumar fiican ayaynu rajaynayaa insha Allaahu waxaanan idiin rajaynayaa guul” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  17. Hay’adda SIDRA oo kaashanaysa hay’adda USAID, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay kulan lagusoo bandhigayay qorshayaasha ganacsiga ee ay diyaarsadeen gabadhaha ganacsatada ah. Ganacsatadaan oo [...] Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin ka warramaysa Xogta Iyo Dhaqamada Dhaxal Sugaha Koowaad Ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Source
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee M/ Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sahal. Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkaasi uu ka badbaaday qaraxa, slamarkaana uu burbur xoogan soo gaaray Gaariga oo watay oo ahaa nuuca raaxada. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa beegsada Saraakiisha iyo Askarta Ciidamada dowlada ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. The post Qarax Gaari Oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu ka hadlay khataro ka jirta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warbixin uu soo saaray Ururka Saxafiyiinta caalamka ee IFJ ayaa lagu sheegay in ay korortay Tirada Wariyeyaasha iyo shaqaalaha warbaahinta ee sanadkani sii dhamaanaya ee 2018 -ka lagu dilay Dunida. IFJ ayaa shaacisay in sanadkan caalamka lagu dilay 94 Saxafi ,kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo dilay, xilli ay ku guda jireen Mihnadooda Warbaahinta. Tirada Wariyeyaasha sanadkaan la dilay ayaa ah kuwo ka badan sanadkii hore ee 2017-kii, kaas oo la dilay 84 Saxafi, sida ay sheegtay IFJ. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka la shaaciyay ee Wariyeyaasha lagu dilay sanadkani , kuwaasi oo gaaraya illaa iyo 6 Wariye. Dalka Afghanistan ayaa loo aqoonsaday meesha ugu qatarta badan caalamka oo ay Saxafiyiintu ka howlagalaan haatan, dalkaasi oo Sanadkan lagu dilay 16 Saxafi, waxaaana soo raaca wadamada Mexico, Yemen iyo Syria . Soomaaliya ayaa weli ka mid ah dalalka lagu dhibaateeyo Saxafiyiinta, kuwaas oo halis la kulma, xilliyada ay ku guda jiraan howlahooda shaqo. The post Tirada Wariyeyaasha la dilay 2018 Oo korortay appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda Dowladdu ku shaqeyn doonto sannad maaliyadeedka ka bilaabmaya 1-da Janaayo 2019-ka oo berri ka bilaabanaya, kuna dhammaan doona 31 December, 2019-ka. Waxaa Xeerka Dhaqan-Gelinta Miisaaniyadda la hor geynayaa maanta Golaha Aqalka Sare, oo isu diyaarinaya inuu ka doodo, kadibna meel mariyo isla maanta ama berri. Haddaba, warbaahinta Kalfadhi ayaa kuu soo koobeysa illaha laga filayo dakhliga miisaaniyadda, qoondada xafiisyada dowladda iyo deeqaha. Miisaaniyadda 2019-Ka Wadarta guud ee miisaaniyadda sannadka 2019-ka waa $340,060,149. Waxay dhowr milyan dheer tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo gaaraysay 274.6 Milyan oo doolar. Waxay miisaaniyadan ku dhisan tahay laba dakhli oo kala ah midka gudaha ee ah canshuuraha kala duwan ee ay dowladdu qaaddo iyo dakhliga ka yimaada deeqaha la siiyo dowladda. Dakhliga gudaha ayaa la filayaa inuu noqdo 55.8%, guud ahaan wadarta miisaaniyadda, halka deeqaha la filaayo ay miisaaniyadda ka noqon doonaan 44.2%. Dakhliga gudaha waxa uu ka imaanayaa canshuuraha kala duwan ee ay dowladda soo ururiso sida canshuurta dakhliga iyo faa’iidooyinka, canshuurta faa’iidada ganacsiga iyo canshuurta adeegga iyo agabka. Deeqaha dibadda waxay noqonayaan kaalmada hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bankiga Aduunka, Midowga Yurub iyo deeqaha dalalka saaxiibadda la ah Soomaaliya sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar. Qoondada Miisaaniyadeed ee Xafiisyada Dowladda Hay’adaha adeegga maamulka oo ka kooban xafiisyo dowladeed oo dhowr ah sida maxkamado, wasaarado, safaarado iyo guddiyo kala duwan ayaa looga qoondeeyay miisaaniyadda sanadka soo socda lacag dhan $135,204,188, waxaana kamid ah hay’adaha adeegga maamulka: 1- Xafiiska Madaxtooyada: $5,838,587. 2- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: $5,777,630 3- Xafiiska Golaha Shacabka: $5,338,481. 4- Xubnaha Golaha Shacabka: $14,449,312 5- Xafiiska Aqalka Sare: $4,103,520 5- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka: $3,000,000 6- Maxkamadda Gobalka Banaadir: $1,499,432 Hay’adaha adeegga difaaca iyo amniga, oo ka kooban wasaarado, maxkamado iyo hay’ado amni, waxaa loo gaar-yeelay qoondo dhan $110,767,024, waxaana hay’adahaas kamid ah: 1- Wasaaradda Gaashaandhiga: $ 2,632,780 2- Wasaaradda Amniga Qaranka: $2,007,452 3- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka: $12,505,680 4- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: $62,193,336 5- Maxkamadda Ciidamada: $1,456,000 Hay’adaha adeegga dhaqaalaha oo ka kooban wasaarado iyo hay’addo horumarineed waxay miisaaniyadda ku leeyihiin dakhli dhan $24,203,206, Waxaana hay’adahaas kamid ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Dekadda Xamar iyo Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed. Adeegga Bulshadda waxaa miisaaniyadda looga qorsheeyay lacag dhan $23,119,231. Waxaa lacagtan loo gaar-yeelay Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Isboortiga iyo Dhallinyarada iyo Wasaaradda Haweeenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha. Waxaa kale oo qeyb ka ah qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka mashaariic ku kacaysa qiimo lacageed oo dhan $46,766,501. Yaa Mudnaanta Kharash Bixinta La Siinayaa? Sida ku cad nuqulka miisaaniyadda 2019-ka, oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, haddii la fulin waayo kharaashaadkii lagu talagalay ee miisaaniyadda, waxaa mudnaanta bixinta kharashaadka la siin doonnaa sida raashiinka iyo gunnooyinka Ciidamada Qalabka Sida, Khidmadda Bankiga iyo Gobalka, mushaaraadka iyo gunnooyinka Shaqaalaha Rayidka, gunnada Xildhibaanada iyo Wasiirada. Xigasho: Kalfadhi
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan. “Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.” Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda. Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed.
  24. Wadanka Suudaanka asbuucii labaad waxaa ka socda qalalaaso iyo dibad-baxyo ku fiday gobaladda wadanka kaas oo ka dhashay maciishada iyo shidaalka oo sare ku kacay, muwadiniinta wadanka iyo gawaarida ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen maciishada iyo shidaalka oo ka sii yaraanaya wadanka arrimahaas ayaana sababay inay rabshado ka dilaacaan wadan. Soomaali badan ayaa ku nool wadanka kuwaas oo isugu jira arday wax ka barata waddanka iyo kuwo deegaan ku ah muddo dheer kuwaas oo ku kala nool magaalooyinka wadanka sida magaaladda Khartuum iyo Jaziira lakiin ardayda ugu badan ayaa wax ka barta magaladda caasimadda ah Khartuum iyo gobalada, wasaaradda waxbarashada dalkaasi ayaa ku wargalisay jaamacadaha iyo iskuulada inay hakad galiyaan shaqada ay hayaan inta xaalada ay dagayso arday badan oo wax ka barata Suudaan ayaa arintan saameen ku yeelatay. Faa’id Xuseen Tahliil waa mid ka mid ah ardayda wax ka barata wadanka Suudaan waxa uu u waramay Goobjoog News , waxa uuna ka warbixiyay halka wax marayaan iyo sida ay u taabay arday ahaan xaaladda wadan uu galay labadii asbuuc ee lasoo dhaafay iyo hadakii wasaarada waxbarashada dalka oo hakad galisay dhamaan jaamacadaha dalka inta wax iska badalayaan. “Runtii waxaa la qiyaasayay siyaasiintana ay taxliilinayeen ilaa 2010kii in wadanka uu u socdo halkii ay mareen kacdoon dadweynena uu ka dhici karo sidii wadamadii Islamka ahaa ee ee Liibiya, Masar iyo Yamen oo ay kamid aheyd lakiin ilaa iyo hada mayna dhicin lakiin waa wax dadka ay maalin sugayeen in xaalada nuucaana uu galayo wadanka. Dadku ma ahan kuwo ka cabanayay ciriiri siyaasadda ee dowladdu saartay, kama jirin lakiin dadka cabashadooda iyo isoo baxooda ayaa ahaa mid ku salaysan dadku inayna heysan nolol dhaqaalaha wadanka oo hoos u sii socday iyo ceyshka la cunayay oo qaaliya Dollarkii oo sare ku kacay ayaa sababay inay dad badan noloshooda adkaato ardayda ayaana kamid ahaa dadkaasi. Marka haddii wadanka xaaladiisa sidaan sii ahaato, waxaa ii muuqaneysa in saameyn badan ku yeelanayo wadamo badan oo Islaama hadana carab ah, dadka reer Suudaan waa dad kala qabiilo duwan aadna uu uga jiro cunsiga qabiilka ah ee dadka dhaxdooda, waxaana is ku haya dadka reer Suudaan xukun milatari oo tiktatooriya gobalada qaar dibad-baxyadii ka dhacay waxaa ka qeyb qaatay ciidamadii wadan sida deegaanka Xadaara iyo deegaanada ku dhawdhaw magaalad Jaziira sidoo kale waxaa la arkayay ciidamada boliiska iyo taliyayaasha oo horboodaya dibad baxyada waxaana yimid Madaweynaha dalka aad ayaana lo osoo dhaweeyay waxa uuna u sheegay hadii dadku ay ka cabanayaan arrimo dhaqaale hadii ay tahay wax laga qaban doono, hadii xukuumadaan meesha ka baxdo waxaa laga cabsi qabaa in suudaan dib ugu laabto dagaal sokeeye” Dadka dibad baxaya ayaa gubaya goobaha dowladda in kastoo meelo wadanka ah laga dareemayo daganaan madaxweynaha oo booqday magaalada Jaziira oo lahadlay taageerayaashiisa ayaa tilmaamay in maciisha wax laga qabayo hoos lood higayo wadamada Qadar iyo Turkiga ayaa durbaba bilaabay taageeradooda ay u muujinayaan iyo sida ay u garab taagan yihiin Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir. Goobjoog News Source: goobjoog.com