Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taariikhda Koowaad: Aasaaskii golaha guurtidu waxa uu ahaa 1983, qaybta galbeedka SNM waxa ay lahaayeen odayaal SNM ka tirsanaa oo ka soo talaabay dawladii Maxamed Siyaad oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Saxardiid, Gabax, Maxamed Iimaan iyo Xaaji Yaaxeen. Odayaashaa waxa wakhtigaasi loo bixiyay tiknikada Sacad Muuse. Dhinaca bariga waxa joogay odayaal kala duwan oo kale, balse aan soo tallaabin oo joogay deegaanadii Xuduuda ka baxsanaa guurti ahaan SNM ugu adeegi jiray, hasayeeshe golaha guurtida waxa uu shirkii koowaad ka bilaabmay magaalada Xarshin isla sannadkii 1983, shirkan waxa uu Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo ka tirsanaa saraakiishii sare sare ee ciidankii SNM wuxuu ka xasuustaa odayaaashii ka qayb qaatay Suldaan Faarax, Suldaan Saxardiid, iyo Sheekh Khaliifa, markaa tiradooda waxa uu ku qaiyaasay 13-15 Xubnood, Maxamed Cilmi Galaan oo shirkaasi fadhiyey wuxuu sheegay in Maxamed Siyaad wakhtigaasi hubeeyay beelaha Daarood ee ku dhaqnaa deegaanada ay SNM deganayd. Shirkaasi wuxuu Maxamed Cilmi ka sheegay khatarta ay arrintaasi leedahay iyo in uu doonayo in uu rasaas siiyo qaar ka tirsan beesha Daarood oo toos u diiday in ay hubka u qaataan SNM, hasayeeshe guurtidii way ka diiday oo waxa ay kula doodeen inuu arrinkaasi joojiyo, waanu joojiyay, halkaasi ayay golaha guurtida ka soo unkatay, shirkii kale ee ugu weynaa ee ay ku kulmeen guurtidu wuxuu ka dhacay Rabaso sannadkii 1985, shirkaasi waxa gudoominayay Prof Ibraahin Maygaag Samatar AHN. shirkaasi waxa lagu sameeyay xeer Isaaq markii ugu horeysay, kaasi oo lagu xakamaynayo beelaha Isaaq ee halganka ugu jira sidii ay dalkooda u xorayn lahaayeen kibirka Maxamed Siyaad, qoddobada shirkaasi ka soo baxay way badnaayeen oo intooduba waxa ay salka ku hayeen inuu Isaaq halganka meel uga soo wada jeesto, waxa ugu cuslaa qoddobadaasi in ninka Isaaq ee nin kale oo ka tirsan beesha Isaaq ee u dhiiba Maxamed Siyaad ay magtiisu noqoto libin laab (200 halaad), markii shirka xeerarkaasi lagu dejiyay waxa meesha ka baxay in aan qof Isaaq ah loo dhiibin askartii Maxamed Siyaad arrintaasna way soo afjarantay. Kornayl Maxamed Cilmi Galaan wuu nool yahay dhawaana waxa soo bixi doonaa buug isaga laga diyaariyey. Taariikhda Labaad: Bishii sebtember ee sannadkii 1984-kiiayey SNMku guulaysatay in ay dhidibbada u taagto Golihii Guurtida ee ugu horreeyey. Sida ku qoran Buugga dhaxal-Reeb Horaad (2007) Bogga 152ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Qoraa Boobe waxa uu soo xiganayaa waraaq uu qoray Prof. Ibraahim Maygaag Samater oo ciwaankeeda la yidhaa “light at the end of the tunnel”oo uu diyaariyey sannadkii 1993-kii laguna daabacay Buugga la yidhaa” Mending Rips in the Sky”, wuxuu kaga warramayey fikir la tijaabinaayey oo ahaa in kaalin weyn la siiyo madaxdhaqameedyada, culumada iyo odayaasha in ay noqdaan Go’aan-qaatayaal madax-bannaan oo la siman isla markaana la fal-gala heerarka kala duwan ee rasmiga ah ee dhismaha SNM. Waxaana wakhtigaa lagu go’aamiyey in la sameeyo golaha guurtida oo la siman golaha dhexe ee SNM oo ahaa golaha sharci dajinta ee SNM ,qaababkaasi ayaa lagu aasaasay golaha guurtida ,isla goobtaasina waxa lagu unkay seeskii guurtida ,madaxdhaqameedkii iyo salaadiintii ka qaybgalay unkiddii golaha guurtida waxa ka mid ah Suldaan Saxardiid, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Xasan Faarax Ducaale (Xasan-Badmaax) Axmed Liibaan (Gabax) , Cabdi-Laangadhe, Jaamac Gaabane , AxmedMuuse Haaruun ,Dhugad, Sheekh Khaliifa Iyo Qaar Kale Oo Badan), shirkaasi waxa lagu go’aamiyey in sannadkii hal mar la qabto hogaankana lagu wareejiyo isla markaana shirweynaha 2aad lagu qabto qabto Rabaso oo ay beesha halkaasi deggeni mart-geliso. Taariikhda Saddexaad:sida ku xusan Buugga Dhacdo iyo DhaqanBogga 206 ee uu qoray Cali Dool Axmed “Qoryooley” , Markii ay shacabkii Soomaalilaan ka qaxeen dalka horaantii sannadkii 1988-kii, ee xuduudaha ay ka gudbeen, una talaabeen gudaha Itoobiya ayey madax-dhaqameedkii, culumadii iyo odayaashii reer Sheekh Isaxaaq (ISAAQ)talo ku caddaatay oo dhinac kastaa ku soo xidhantay, dabadeed waxa talo isugu yimid odayaal badan oo uu hormood u yahay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayna ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre iyo qaar kale. Odayaasha uu hoggaaminayo Sheekh Ibraahim waxa ay socdaalkooda ka bilaabeen tuulada Dibiile, waxaanay soo mareen dhamaan goobihii ay u kala qaxeen dadweynihii magaalooyinka Soomaalilaan gaar ahaan Hargaysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodwayne, Sheekh iyo qaar ka mid ah kuwii ka soo qaxay tuulooyinka. weftiga Sheekh Ibraahim waxa ay tageen xeryihii qaxootiga mid galbeed ilaa bari sida Dulcad, Balayaley ,Janeefa ,Kaam Abokor, Daroor, Raaboso Iyo Gaashaamo. Odayadan Sheekh Ibraahim horkacayo xero kasta oo qaxoonti ku jiro way tagayeen waxa ayna kula kulmayeen, Wax Garadka ,Culumada Iyo OdayaashiiJoogay Xeradaasi waxa aanay kala hadlayeen in la isugu yimaado talo oo shirwayne la qabto cid kastana way la qaadanaysay markii ay gaadheen kaam abokor iyodaroor waxa weftigaasi ka soo raacay Caaqil Cabdi-waraabeiyo odayaal badan. Odayaashii weftiga ahaa sidii nin kastaa uga soo raacayey tuulooyinkii iyo xeryihii qaxootiga ee uu caruurtiisaa geeyey ayey noqdeen xubno fara badan. Taariikhda Afraad:sida ka muuqatay taariikhda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wakhtigii ololaha, wuxuu ahaa fikirkii iyo bud-dhigihii aasaasihii golaha Guuritda bishii Diisambar ee sannadkii 1988. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com Source
  2. Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar [...] Source
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Cabdicasiis. Guddoomiye Yariisow ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ayuu Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ka dhigay Ismaaciil Muqtaar Cumaar [Oronjo]. Guddoomiyaha cusub Ismaaciil Mutkhtaar Oronjo ayaa kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta,isagoo xilal kala duwan uu ka soo qabtay. The post D/Cabdicasiis oo gudoomiye cusub loo magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wkaiil ah beesha caalamka. Qoraalka oo ku socda wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaarka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso. Waxaa qoraalka lagu sheegay in xadgudubyada ay ciidama gaysteen ay ka mid tahay dilka 15 qof oo shacab ah kuwaas oo ayaga oo dibadbaxaya lagu dilay magaalada Baydhaba 13-kii iyo 14-kii December, ayna jiraan caddeymo muujinaya xadgudubyadan. Haysom ayaa qoraalka ku sheegay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada Soomaaliya ay xushmeeyaan xeerarka dalka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaraarka QM ee lagu aas-aasay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo ciidamada AMISOM uu dhigayo in si loo helo taageerada maaliyadeed ee QM ay qasab tahay in loo hogaansamo xeerarka xuquuqda aadanaha ee QM. Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku lifaaqay qoraal kale oo ay usoo direen Midowga Yurub, iyo dalalka Jarmalka iyo UK, oo taagerada kala laabtay booliska Koonfur Galbeed, sababo al xiriira falalkii ay ku kaceen. Saddexdan dhinac ayaa qeyb ka ah barnaamij lagu taageero booliska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo loogu magac daray JPP (Joint police Program). Midowga Yurub, Germany iyo UK ayaa sidoo kale jawaabo ka dalbanaya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan xadgudubyada lagu tuhmayo ciidamadeeda. Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in caddaymaha la hayo ay muujinayaan in xariga Roobow ay fuliyeen ciidamada NISA oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya. Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in wasaaradda amniga gudaha ay xariga Roobow sabab uga dhigtay inuu hub gaynayey magaalada Baydhaba, sidoo kalena abaabulayey maleeshiyo. Haysom ayaa yiri “Waa eedyemo culus, haddii ay jiraan balse dowladda wax dambi ah weli kuma soo oogin Roobow, ayada oo xeerka dambiyada dalka Soomaaliya uu dhigayo in eedaysanaha dacwad lagu soo oogo mudd 48 saac gudahood ah ama la sii daayo” Waxa uu sioo kale qoraalkiisa ku yiri in inkasta oo dowladda ay ku eedeysay Roobow inuu jebiyey heshiiskii cafiska loogu fidiyey markii uu isa soo dhiibay, haddana Soomaaliya aysan lahayn xeer cafis. Sidoo kalena dowladda, ayuu u sheegay inaysan weli shaacin qoraal saxiixan oo ku aadan waxa Roobow lagula heshiiyey. Waxa uu dowladda ka dalbaday inay deg deg jawaab uga soo bixiso dhowr su’aalood oo ay ka mid yihiin 1 – Maxaa sharci ah oo loo adeegsaday xariga Roobow. 2 – Ciidankee ka tirsan kuwa Soomaaliya oo fuliyey xariga, kaalin intee la eg ayaysan ku lahaayeen ciidamada Itoobiya? 3 – Muxuu yahay sharciga loo adeegsaday in cafis loo fidiyo Roobow, maxayse ahaayeen shuruudaha lagula heshiiyey? 4- Maxaa tallaabo ah oo la qaaday si lo helo amar xabsiga lagu sii hayo Roobow, wax ka baxsan 48-ka saac ee xeerka dambiyada Soomaaliya? Haysom ayaa sidoo kale dhowr su’aal oo kale oo la xiriira dilkii dadka shacabka ahaa ee Bayhdaba hor-dhigay dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo iminka jawaabtooda laga sugayo. Haysom ayaa u muuqday mid ku hanjabaya in QM ay taageerada dhaqaale ka goosan doonto ciidamada Soomaaliya, haddii aysan dowladda bixin jawaabaha ku saabsan qaabkii laa maareeyey xariga Roobow, iyo tacadiyadii xuquuqda aadanaha ee ciidamada ay gaysteen oo ay ugu weyn tahay dilka dad shacab ah. Hoos ka aqriso qoraalka oo English ah oo aan soo koobnay muhiimaddiisa.
  5. Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Raga u tartamaya Dooradhada Madaxweynanimada Puntland 2019 ayaa baaq isugu jira Hambalyo iyo Dardaaran u diray Xildhibaanada Cusub [...] Source
  6. President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdulahi Farmajo on Monday signed the law of National Disability Agency. The President has signed the bill into a law during brief meeting held at his office in Villa Somalia attended by the minister of women and human rights and various representatives of the disable community. “I thank both lower and upper houses of the parliament for taking their time to approve this significant bill,” The President said. The President added that his government will ensure the rights of the disabled population will be taken care of according to the new law. “My Government will try to provide quality education, health and jobs to the disabled community as we continue to establish the independent body to protect their interest.” He said. The minister for women and human rights of federal, Deko Yassin whose ministry prepared the bill has thanked the civil society organizations for their input saying the move is step forward for her ministry to improve human rights in the country. “We can’t forget the vital role of the civil society organizations in the process of the disability bill.” The minister said. On his part, the chairman of the Somali disable community, Sayid Ali Abdullahi Salat said the endorsement of the bill by the President will have immediate impact on the lives of the disable population. “The bill is very significant as far as the education, health and employment sectors for our members,” he said. The implementation which is set to start soon will include establishment of the independent disable agency with regional offices and funding from the government to safeguard the rights of the physically challenged population in the country. The post Somali president inks deal to establish national disability agency appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Over ninety 90 journalists and media workers on-the-job have been killed since the beginning of this ending year. The fourth estate staff died in targeted killings, bomb attacks and cross-fire incidents in 2018. According to the new report by an international trade association, the number of journalists and media workers killed while carrying out their jobs rose again in 2018, reversing a downward trend of the previous three years. 94 journalists and media workers were killed. The figure rose up from 82 killings recorded in 2017, According to the annual report released on Monday. Somalia soared to sixth on the list, with five killings, tied with The United States and Pakistan. The deadliest country for people who work in the news media this year was Afghanistan, where 16 of the killings occurred. Mexico was next, with 11. Yemen had nine media slayings and Syria eight in 2018. On 22nd of this month, a prominent journalist Awil Dahir Salad and two staffers from the London-based Universal TV station were killed in two suicide bomb explosions in Mogadishu. Salad, 45, was a veteran reporter who worked to revive the country’s media before leaving the country in 2005 and returning several years later to work with Universal TV. Beyond the tragedy of lives lost, such killings affect the pursuit of truth and sharing of information in communities and countries where they happen, the president of the International Federation of Journalists said. “Journalists are targeted because they are witnesses,” the group’s president, Philippe Leruth, told The Associated Press. “And the result of this, when a journalist or many journalists are killed in a country, you see an increase of self-censorship.” Highest number of media killings Afghanistan: 16 Mexico: 11 Yemen: 9 Syria: 8 India: 7 Pakistan: 5 Somalia: 5 United States: 5 Philippines: 3 Ecuador: 3 Brazil: 3 Colombia: 2 Palestine: 2 Guatemala: 2 The post Over 90 journalists killed on the job in 2018, IFJ appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Puntland vetting committee has announced the list of the new parliament on Monday afternoon. More than 40 of the parliament are fresh, mostly young, according to the released list. Only one member in the parliament is female. The members of the new parliament will elect a new speaker and next president in early January, as scheduled. This is the fifth parliament of Puntland selected by clan leaders since its establishment in 1998. The post Puntland picks new 66-member parliament appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Dararweyne)-Askari u ciidamada ka soo goostay Jabhadda Kornayl Caarre, ayaa sheegay in markii hore ay caddaalad darro uga tageen Somaliland balse tii mid ka daran ay kala kulmeen Puntaland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxa uu si adag u dhaliilay xukuumadda KULMIYE, halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay gelinkii dambe ee maanta liiska xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay, lana sugayay shaacinta magacyada xildhibaanada. Liiska Xildhibaanada oo ay ka muuqdaan 66 xildhibaan ayaa waxaa laga soo kala xulay gobolada Puntland, waxaana xildhibaanada ay dhawaan dooran doonaan guddoonka baarlamaanka. Arinta cajiibka leh ee laga dhex arkay liiska xildhibaanada la shaaciyay ayaa ah in kaliya hal ruux ay haween ka tahay, taasi oo ka dhigan in 65 ruux ay rag yihiin hal ruuxna ay dumar ka tahay baarlamaanka cusub ee Puntland. Baarlamaankaan ayaa shaqeyn doona ilaa sanadka 2023, taasi oo ka dhigan inay yihiin xildhibaanada baarlamaanka Puntland shanta sano ee soo socota. Xildhibaanada kaliya ee dumarka ka ah baarlamaanka Puntland ayaa lagu magacaabaa xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe, waxaana baarlamaanka ay kasoo gashay deegaanada gobolka Sool. Waa arin aan wali ka dhicin deegaanada maamul goboleedyada in hal ruux kaliya ay dumar ka ahaato baarlamaanada ka dhisan maamulada kale ee dalka, iyadoo meelaha qaar ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga Anisixinta iyo xalinta Khilaafaadka ee doorashada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa soo saarey liiska Xildhibaanada cusub ee 2019 illaa iyo sanadka 2023-ka. Mudanayaasha oo tiradoodu ay gaarayso 66 xubnood ayaa waxay kala metalayaan goboladda kala ah; Bari, Sool iyo Ceyn, Sanaag, Nugaal iyo Mudug, waxaana kaliya Dumar ka ah hal xubin. Gudoomiyaha Guddiga oo saxaafada akhriyay ayaa shaaciyay in 49 xubnood oo kamid ah Baarlamaanka cusub ay yihiin kuwa haatan soo kordha, halka 17 kale oo kamid ah yihiin kuwa kamid ahaa Sharcidejintii uu waqtigu ka dhamaaday. Hoos ka akhriso magacyada Xildhibaanada The post Xildhibaanada cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqay appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawayn u sameeyay abaanduulihii aagga bari ee ciidammada qaran Somaliland kornayl Cabdi Raan iyo ciidammo uu wato oo ku biiray jabhadiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Waxaa galabta Garoowe, Puntland lagu shaaciyey magacyada xildhibaannada la soo xulay ee Puntland, waa 66 xildhibaan kuwaas oo 8da Janaayo dooran-doona madaxweynaha Haddaba halkan ka akhriso: Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-311218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle ayaa goor dhoweyd shaaciyay in uu xilka iska casilay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu go’aankan u qaatay arrimo la soo gudboonaaday darteed,balse faahfaahin kama uusan bixin. “Laga bilaabo hadda waxaan iska casilay G.Gobolka Sool ee Dawlada Puntland, Sababo ila soo gudboonaaday awgood ayaan go,aankan gaadhay” ayuu yidhi Geelle. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in uu qaban doono war-saxaafadeed uu arrimo badan uga hadli doono”waxaan qaban-doonaa warsaxaafadeed aan arimo badan kaga hadli-doono in sha Allah” ayuu sii raaciyay. Abukar ayaa xilkan loo magacaabay 11 bishii June ee sannadkan 2018,waxaana uu hayay mudda lix bilood ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2019-ka awgeed, kuna beegan 25-ka bisha Rabiicu-taani, 1440-ka ee sannadka Hijriga uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka. Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin. Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2019-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni taama. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  18. 58 years after independence, 30 years after civil war, many years of no governance, 8 years of transitional govt, 6 years of recognized federal government, Somalia is moving forward in a progressive direction. Although political instability, corruption, effects of gulf crisis, limited trust and insecurity remains a challenge but Al-Shabaab remains the most immediate threat to the security, peace, development and stability in Somalia. Somalia has been through rough situations like civil war, drought, lack of governance, humanitarian crisis, piracy and recently terrorism. As Al-Shabaab lost many strategic places but the threat of Al-Shabaab’s terror attacks intensifies, in every attack many civilians and prominent people lost their lives. Many people in south felt insecure. The government forces, AMISOM, AFRICOM and all other international partners engage with Al-Shabaab and provide security help. Although Al-Shabaab cannot carry direct fight but their guerilla tactics of war remains a threat especially use of explosions. The big question is the ultimate security of Somalia depends with who? The security of Somalia depends how its citizens decide to defeat the terror groups like Al-Shabaab, ISIS and mafia groups that taxes them or kills them. It depends on how the locals fight against the group, don’t give any hide-outs or safehouses. AMISOM, Somali National army and other international partners fight against Al-Shabaab but still Al-Shabaab remains a major threat. Although US airstrikes is trying to eliminate Al-Shabaab’s leadership, but the group’s ability to carry out complex asymmetric attacks like the one on October 14, 2017 (Zoobe) in Mogadishu Somalia remains undiminished. Somalia’s security depends on how its politicians, intellectuals, media, civil society decide to cooperate and lead the country. How the current administration handles the competing interests of the Gulf states, how current leaders compromise their grievances and fight corruption. No state in this world agrees on all agenda’s, and no politicians agree on which side to take but ethics, morals, interests and knowledge drives what to do, the politicians should not confuse internal politics from the external pressures, interests and wants. The security of Somalia depends how its intelligence branch capable of protecting the people, how the government seeks trust and cooperation from the citizens. The security of Somalia remains if manufacturing of the explosive devices stopped, to a recent report by The Monitoring Group “Al-Shabaab is manufacturing home-made explosives for use in its improvised explosive devices”. The government has to research on how to stop production of this explosive devices, components and importers of such things. Not paying any tax to Al-Shabaab, Al-Shabaab’s domestic financing revealed that the militant group generates more than enough revenue to sustain its insurgency. “the Monitoring Group estimates that Al-Shabaab generates approximately $10 million per year by taxing transiting vehicles and goods only. Al-Shabaab’s financial operations, including the collecting of revenue and payment of its members, are facilitated by the services provided by poorly regulated domestic telecommunications and financial entities”. The security of Somalia depends if all financial sources and funds of Al-Shabaab sanctioned. The security of Somalia depends If the Security sector is reformed following the national security architecture such as military, police, and justice sector, while supporting ongoing African Union peacekeeping efforts. The United States, the international community, and Somalis themselves should work towards developing the Somali National Army and this can come by Lifting UN Arms embargo; this will strengthen the Somali Army, Law enforcement and al-Shabaab threats can be defeated. Wining the hearts and minds of the people, ideological argument made, and psychological help given. Failure to do so might result continues funding, reliability of International forces, more Al-Shabaab and ISIS threats. The security of Somalia depends on the existence of Al-Shabaab and ISIS. How their ally organizations survive in other parts of the world depend on their existence too. if the Taliban’s are brought to the negotiating table (according to Washington post president trump sent a letter to Pakistani president to facilitate talks between the US and the Taliban), ISIS and Boko-haram defeated then the future of al-Shabaab is in dark. President Trump recently tweeted that united states gives Pakistan hundred million but in return do nothing in-return Pakistani prime minister Imran Khan tweeted, the United States should undertake a “serious assessment” of why, after a war involving hundreds of thousands of NATO and Afghan troops and more than $1 trillion in costs, “the Taliban today are stronger than ever before.” The Somali government and its international partners must ask themselves this same question. Why after 10 years of 21000 AMISOM forces, SNA forces, and millions of international funds to fight with less than 7,000 al-Shabaab militia men taking longer time to defeat? The security of Somalia depends on how it’s citizens support the Government. you cannot be a part time citizen, so the best thing to do is give every administration time, after 4 years term check whether the administration completes the constitution, builds the Army, creates a high court, constitutional court, and other important institutions. See after 4 years whether the government recognized the root causes of Al-Shabaab? as majority of its fighters are young youth that lacked opportunities like education, health and equal justice. Did they call them to the negotiating table? Did they fight with their ideologies? How the current/future administration deals with all that complex questions and issues should remain how you oppose, propose, rate or scale any administration rather than the individual, his party, his/her clan affiliation. I’m sure a politically stable, vibrant, secure and economically progressive Somalia will be beneficial to all while unstable and divided Somalia will lead to more disastrous, chaos and insecurities. It’s up to the Somali leaders to take a freedom path or continue poor politics they encounter now. it’s up to the Somalis to work/plan for their safety and security. The world can help but the security and future of Somalia lies in the hands of its people. Mahad Wayax Mahadhassan045@gmail.com DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
  19. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan. “Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.” Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda. Ugu dambeyn, Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka appeared first on Puntland Post.
  20. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay tirada xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xildhibaan, kuwaasi oo dooran doono madaxweynaha cusub ee maamulkaasi uu yeelanayo. Guddiga xalinta Khilaafaadka ayaa ku dhawaaqay xildhibaanadan oo laga soo kala xulay deegaanada kala duwan ee maamulka Puntland. Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin badan, waxaana lagu wadaa inay dhacdo Doorashada 8 bisha Jabaayo ee Sanad cusub ee 2019. Hoos ka akhriso magacyada xildhibaanada
  21. Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa haatan ku dhawaaqay lixdan iyo lixda xubnood ee Golaha wakiilada cusub. Guddiga oo la magacaabay 3-dii bishan December ayaa mudda 27 maalmood ah ku hawllanaa xallinta kuraasta lagu muransanyahay ee xubnaha doonaya in ay kamid noqdaan Baarlamanka ayaa goor dhoweyd shaaciyay magacyada xildhibaannada Baarlamanka,kuwaasoo isugu jira 49 cusub iyo 17 xubnood oo ka tirsanaa Baarlamankii hore,balse dib loo soo doortay. Dhanka Haweenka waxa ku jirta hal gabadh oo laga soo xulay gobolka Sool,laguna magacaabo Nimco Cabdi Caarshe. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Magacyada xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  22. Gudiga Ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhawayd shaaciyay liiska Xildhibaanada cusub ee Puntland 219. Hadaba halkan ka Akhriso . Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Buulo Shiidle, ee degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Labo Askari oo ka tirsan Dowladda Hoose, waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay qof la fadhiyay labada Askari oo ka tirsanaa Minishiibiyada. Waa dilkii 3aad oo saaka kaliya ka dhaca Muqdisho, waxaa sidoo kale Degmada Waabari lagu dilay Labo Askari oo midi Gaashaanlle dhexe ahaa halka midka kale la sheegay in uu ahaa Xiddigle. Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana lagu bartilmaameedsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culusow oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi. Dilkan ayaa imanaya ayada oo Al-Shabaab ay dhowaanahan sare u qaadday weerarada ay ku beegsaneyso saraakiisha ciidamada dowladda. Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay dilka Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Cali Jamaame oo 6-dii bishan lagu dilay qarax miino. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com