Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,203
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageyso:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-010119-1.mp3 The post Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso ayaa soo dhaweeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee shalay lagu dhawaaqay . Dhinaca kale shacabka ayaa sheegay in ay aad [...] Source
  3. (SLT-Garoowe) Xildhibaannada oo ay tiradoodu gaareyso 66 ayaa laga soo kala xulay deegaanada kala duwan ee uu ka kooban yahay maamul goboleedka Puntland. Nimco Cabdi Caarshe, ayaa ah haweeneyda kaliya ee ka dhex muuqata xildhibaannada maanta la dhaariyay. Nimco oo BBCda la hadashay ayaa sheegtay in farxaddeeda aan la soo koobi karin. “Aad ayaan ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee ay beeshayda ii soo xuleen iina doorteen anigoo waliba kaligay dumar ka ah baarlamaankan.” “Waan ka xumahay in maanta aysan gabdho garbahayga taagnayn, waxaan jeclaan lahaa inay gabdho badan dhinacyadeyda fadhiyaan oo aan ragga ka weheshado, laakin wey dhacday inaysan halkaan imaanin marka ragga ayaan hadda garb ka dhiganaynaa.” Haweenka ayaa dadaal ugu jiray sidii ay xubno badan uga heli lahaayeen baarlamaanka Puntland isla markaasna horay waxay uga codsadeen odeyaasha inaysan ka tagin marka ay beeshooda usoo xulayaan xildhibaan matala. Ijaabo Xoosh Gaashaan oo kamid ah haweenka halganka ugu jiray sidii ay usoo dhacsan lahaayeen qoondadooda ayaa BBC-da horay ugu sheegtay inay caqabado ku hor gudban yihiin waddadii ay ku gaari lahayd damaca ah inay xildhibaan noqdaan. Ijaabo oo u tartameysay mid kamid ah xubnaha baarlamaanka gobolka Nugaal waxay sheegtay in ‘Caqabadaha haysta ay kamid tahay in dumarka aanan wax badan loo oggolayn, iyadoo dumarkana ay kaalin weyn ka hayaan horumarka bulshada’. Markii la aasaasay maamulka Puntland sannadkii 1998-kii, tirada haweenka ku jiray baarlamaanka waxay ahayeen 5 gabdhood, balse baarlamaanka hadda haweenka waxay ku leeyihiin 1 xubin oo kaliya ah. Nimco oo la hadlaysa gabdhihii tartamay laakin waayey, ayaa tiri, ” Waan u hambalyeynayaa gabdhihii dadaalka galay balse ku guul daraystay, waxaana ku leeyahay isku day fiican ayaad samayseen.” Source
  4. Jabhada Xoraynta wadaniga ee Ogaadenia ee ONLF ayaa maanta magaalada Jigjiga kaga dhawaaqday in ay samaysteen Xisbi siyaasadeed uga qayb gala doorashada Itoobiya ee 2022ka [...] Source
  5. Maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Hargaisa waxa uu ku xir xiray odayaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Geri koombe ee [...] Source
  6. Ururka ONLF ayaa maanta ku dhawaaqay inay sameysteen xisbi siyaasadeedoo ka qeyb geli doono doorashada Dowlad Deegaanka Soomaalida isla markaasna ka dhex muuqanayaa siyaasadda dalka Itoobiya. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey) oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ONLF ayaa BBC u sheegay in si buuxda doorashooyinka soo socda ee dowlad deegaanka Soomaalida ay uga qeyb geli doonaan iyagoo isbahaysi ah oo ay iskaashanayaan xisbiyo ay bahwadaag yihiin oo ka dhisan gobolka soomaalida. “Jabhadda xoreynta Ogaadenia 1991-kii ayay xisbi ka noqotay dalkan oo ay doorashada ka qeyb gashay oo maamulkii ugu horreeyay deegaanka Soomaalida ka dhistay, hadda soo noqoshadeeda, waxaan maanta shaaca ka qaadeynaa in si buuxda siyaasaddeedii dib ugu noqon doonto oo si nabadgelyo ah doorashooyinka soo socda uga qeyb geli doonto” ayuu yiri Maadeey. ONLF ayaa dhammaadkii 2018-kii dib ugu soo laabatay dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyaga oo heshiis la galay dowladda Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. The 66 lawmakers of Puntland regional assembly were sworn in Garowe, the administrative capital of the state on Tuesday. According to sources in the town, sixty-six members who were vetted and approved by the state’s Dispute resolution Committee have gathered in Puntland assembly building in Garowe town to elect interim speaker after swearing. Shortly after they were sworn in, the lawmakers selected Hussein Hajji Yassin who is the oldest member in the house. Yassin will deliberate the business of the assembly until a new speaker is elected. The members will also elect the presidential Electoral Committee who will preside over the upcoming presidential election slated for next Tuesday. Over 20 candidates have declared their interest to run for Puntland State Presidency. Security of election hall and its environs has been stepped up as more soldiers were deployed in Garowe town. The post Puntland swears-in a new assembly in Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaafiic xooggan ayaa waxaa goordhow lagu garaacay xaafadda Xalane ee degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho sida ay Caasimada Online u sheegeen dad ku sugan xaafadaas. Madaafiicdaas oo aan ilaa iyo hadda la garan halka laga soo tuuray ayaa jugtooda waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Wadajir, waxaana dadka Xaafadaas ay sheegeen inay maqleen jugta ilaa afar madfac. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha xarunta Xalane ee beesha caalamka ay ka degan tahay Muqdisho ay ku dhaceen qaar ka mid ah madaafiicda, balse aan weli la garan karin khasaaraha ka dhasahay. Wararka kusoo kordha kala socda Caasimada Online, Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Gudoomiyaha guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland Caaqil Cismaan Ismaaciil Bare ayaa Maxkamada horteeda maanta ka sheegay in guddiga ay si cadaalad ah u soo [...] Source
  10. Colonel Guhad Mohamud Moalim Omar known as [Tima-Jilac], one of the Somali security officials in Bardere town said several Al-Shabaab members were executed on Monday. He added that the city’s military court sentenced 6 militants to death and then publicly executed on Monday after SNA commander General Indha Qarshe ordered. Somali security forces have carried out a series of anti-Al-Shabaab operations in Gedo region over the past few weeks in an attempt to improve the security after a string of attacks. The execution of the six militants came after Al Shabaab killed two top Somali military commanders in a bomb attack outside Somali capital, Mogadishu last month. The post Somali troops executed six militants in Gedo region appeared first on Shabelle. View the full article
  11. MAXAAD KALA SOCOTAA SOMALILAND , IYO KHATARAHA SIYAASADEED EE KU GADAAMAN XILIGAN !!! ================================ Somaliland waa ay nasiib badan tahay wax badana ilaahay waa ku soo guuleeyeey oo waa aynu ka soo baxnay marxalado badan oo adag oo dadka qaar werwareen maantana marka aad eegto dagaalada siyaasadeed iyo isbadelada ka socda geesku waa qaar laga werweri karo waxa ay la soo socdaan. Haddaba maanta marka aad wax badan eegto oo uu qodobka koowaad ee ugu weyn yahay isbadelka Geeska Africa ka socda iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland hadii sidan lagu sii socdo waa mid mushkilad Somaliland ku noqon doonta oo u baahan in si qaran looga gaashaanto loogana hawlgalo. Sababta aan sidaa u leeyahay waxa ay tahay shaqsiga isbadelada geeska furaha u ahi waa Raisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed , inkasta oo aanu aheyn qof ku cusub siyaasada Geeska Africa oo lagu tiriyo dadka aad ka ula socda dhacdooyinka marxaladaha mandaqada, haddana siyaasadiisu waxa inta muuqata ku sidkan tahay ta somalia iyo farmaajo. Khataraha kale ee jira ama sumcadii iyo meeqaamkii Somaliland Aduunka ku lahayd nusqaamin karaa ama wadajirka reer Somaliland wiiqaya waxa ka mid ah dib u dhaca doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka , saami qaybsiga aan xalka loo hayn ee kuraasta baarlamaanka iyo kala shakigii ka soo baxay doorashadii hore ee madaxtooyada Somaliland. Waxa kale oo iyaduna khatar Somaliland ku ah wakhtigani waa saamiga xilalka xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi oo ilaa hadda aan miisaanayn marka aad aad u eegto gobolada ama nidaamka beelaha oo guuxiisa hoose socdo loona baahan yahay xukuumad sigib tiran la helo, inkasta oo uu Madaxwayne biixi ku adkaysanayo in ay sidaa ku miisaaman tahay. Ta afraad waxa ay tahay in siyaasi u dhashay gobolka sool dhabarka laga soo taabtay Addis Ababa oo hadii uu doorashada puntland ku soo baxo laga yaabo in gobolada bariga ee Somaliland uu culays saaro, oo halkaasina ay ka cusboonaato siyaasad reernimo loogu gacan haadiyo dadka reer Somaliland ee Sool iyo Buuhoodle. Ta shanaad oo ah heshiisyadii lala galay khaatumo iyo cali khaliif oo u baahan in la fuliyo waxii macquul ah ee dadkeena reer khaatumo ku niyadsan yihiin, waana arin muhiima in wakhtigan boodhka laga jafo oo aynu helno Somaliland isla jaanqaada. Iyo qodobka lixaad oo ah in xanafihii iyo xurgufihii doorashada madaxtooyada Somaliland iyo dagaal beeleedyadii bariga dalka ka dhacay la bogsiiyo, oo xoogana la saaro sidii aanay mar dambe inoogu soo noqon lahayn. Intaasi waxa inoo dheer tabashooyinka waxqabadka iyo maamulka iyo tayo la’aan xukuumadeed oo inta badan dadka reer Somaliland wada dareemeen , iyo waliba xukuumad iyo goleyaashii qaranka oo xisbi kali ahi ku kaliyeystay iyada oo uu meesha ka baxay xisaabtankii iyo xaqsoorkii umada reer Somaliland. Arimahan iyo qaar kale oo badani ayaa waxa loo baahan yahay in laga taxadiro , xilka qaranka ee ugu waynina waxa uu saaran yahay Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo wax badan uu qalinkiisu xalin karo, wax badan oo kalena uu go’aan qaadashadiisa iyo tanaasulaadkiisa lagaga gudbi karo gaar ahaan xaaladaha doorashooyinka. Aragtideyda Muhamed Dhimbiil Get Outlook for Android Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Nin hubaysan ayaa deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Macaani wuxuu ku dilay wade mooto Bajaajle, kadib markii ay wada murmeen. Ninka dilka gaystay ayaa caan ka ah degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Ibraahim Caddow, wuxuuna dilay Alle ha u naxariistee Carab Siidow oo ahaa Bajaajle ka shaqeeya degaanada duleedka Muqdisho. Ninka dilka gaystay ee C/qaadir Ibraahim ayaa joojiyay wadaha Mooto Bajaajlaha, kadibna wuxuu u sheegay inuu horay u sii qaado, iyadoo ninka waday Mooto Bajaajta uu diiday inuu raaco, kadibna taasi waxa ay keentay inuu rasaas ku furo. Gacan ku dhiiglaha falka dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu ku dilay marxuumka, iyadoo aysan jirin cid daba gashay oo gacanta ku soo dhigtay. Askariga dilay ninkaan Mooto Bajaajlaha ah ayaa horay naafo uga dhigay Aabihiis Ibraahin Caddow, kadib markii uu xabado kaga dhuftay lugaha. Ciidamada deegaanka garasbaaley ayaa baadigoobaya askariga falkaasi arxandarada ah aabihiis horay ugu gaystay, maantana dilay ninka Mooto Bajaajlaha ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has assented the budget of 2019 barely a day after the federal parliament approved 340 million. The President has thanked the members of parliament for fulfilling their constitutional obligations of approving the national budget during their session on Sunday 30th December 2018. He attributed the growth of the economy that spearheaded to an increase of this year’s budget to his government’s policies towards fighting corruption. “ The growth of the economy in the country is a piece of evidence towards the policies put in place to fight graft, ” the President said. “A combined effort by the government and the citizens on rebuilding the country is bearing fruits.” The President called for more focus on social services, employment for young population and stability. “Most of our budget originated from our revenue collections that clearly shows how we are committed to competing with other countries around the globe, ” he said. The members of the House of the People of Somali parliament endorsed 340 million 2019 budget on Sunday following two days of debate. The figure, which was approved by the cabinet in October last year, is about 24 percent rise from last year’s $275 million budget. Security and development allocations take the lion’s share in this New Year’s budget. The post Somali president signs the $340 million budget for 2019 appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in baarlamaanka maamulkaasi ay doorteen guddoomiye KMG ah. Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Puntland ayaa xilka heyn doono muddo kooban, waxaana uu ku wareejinayaa guddoomiyaha cusub ee loo doorto baarlamaanka Puntland. Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa loo doortay guddoomiyaha KMG ah kadib markii maanta la dhaariyay xildhibaanada, waxaana xilkaasi loogu dhiibay maadaama uu noqday shaqsiga ugu weyn xildhibaanada. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa la dhaariyay saacado uun kadib markii shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay. Guddoomiyaha cusub ayaa laga doonayaa inuu ka shaqeeyo soo xulista guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana kadib xigi doono doorashada madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  15. Maalmahan oo kale, gaar ahaan 07/01/ 2014-kii, Cabdiweli Gaas oo murashax ahaa ayaa hortagay baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, isaga oo codsaday in lagu aamino talada maamulkiisi si uu wax uga qabto: midnimada Puntland, xoojinta amniga iyo dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarinya bulshada, cadaalada, sharciga oo shaqeeya iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda, simoqoraadiyadda iyo dhulka maqan! Haddaba, 5 sano kadib, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa khudbaddii uu ka hor-jeediyey baarlamaanka si loo qiimeeyo waxa ka fulay ballamihii uu qaaday. Akhriso: Khudbadda Murashax Cabdiwali Maxamed Gaas ee 07/01/ 2014-kii. Bisinka. “Mudane Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeennada, xildhibaanada iyo marti sharafta kale Assalmu calekum, mudanayaal iyo marwooyin kadib markii aan si mug weyn ugu dhabo galay xaaladda siyaasadeed iyo midda deegaan ee Puntland, weliba dib u milicsaday marxaladihii ay Puntland soo martay tan iyo markii dhidibbada loo taagay iyo meesha ay maanta taagan tahay hadda, waxaan is waydiiyay su’aasha ah: Maxaa Puntland hiigsan kartaa ama ay tahay himiladeeda duruqsan iyo midda dhow, maxaase ka qaldamay?! “Walaalayaal sida aad wada ogsoon tihiin, Puntland kama jirto dowladnimo taabo-qaaday, Puntland kama jirto dowlad u damqata dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad u adeegta dadkeeda, kama jirto dowlad u nugul dadkeeda, kama jirto dowlad daboosha baahida dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad ku shaqeysa rabitaanka dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad dhista maamul baahsan oo wada gaara dhulkeeda, sidaa daraadeed Puntland uma baahna labo arrimood midna: Meesha ay Puntland taal ciddii dhigtay uma baahna inaan doorano, waddadii aan soo marnay inaan dib u raacno uma baahna Puntland, waayo taasi waxba ma badaleyso. Haddii aad rabtaan in shanta sano ee soo socotaahi ay u ekaato shantii sano ee lasoo dhaafay dabcan waa garanaysaan cidda aad dooraneysaan, lakin anigoo ku kalsoon caqligiina, aaminsan garashadiina, ku kalsoon cadaaladiina, waxaan rajeynayaa in shanta sano ee soo socotaahi ay ka fiicnaan doonto, uga reyn doonto Puntland shantii sano ee qaxarka aheyd ee lasoo dhaafay” “Sidoo kale Puntland uma baahna cid ku far barata oo ku feegaarto Puntland, Puntland uma baahna cidaan laheyn khibrad maamul iyo mid siyaasadeed toona” “Walaalayaal baaxadda dhibeed ee ka jirta Puntland iyo mashaqadda taagan saamixi maayaan in Puntlnad lagu aamino cid ku barata ee ku socod barata. Walaalayaal maanta Puntland waxay u baahan tahay dowlad og xadkeeda aan faro galin ku sameyn hay’adaha sharci dajinta una gacan baneysa in baarlamaanku guto waajibaadkiisa dastuuriga ah” “Puntland waxay u baahantahay dowlad aan xisaabiyaha guud iyo hanti dhowrka magan uga noqon waajibaadkooda wasiir iyo madaxweyne toona. Puntland waxay u baahan tahay qof dhaqaale uga raadin kara beesha caalamka, xiriir dhaqsaha ah ula sameyn kara, hadaba markii aan ogaaday baahida dowladnimo, dhaqaale , bulsho iyo banii aadam nimo ee ka jirta Puntland ayaa waxaan go’aansaday oo doonayaa inaan ahmiyadda koobaad siiyo arimaha soo socda “Midnimada Puntland, Amniga Puntland, Hor u marinya hay’adaha wax soo saarka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaale, cadaaladda, hirgalinta sharciga iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda, dib usoo celinta dhulka maqan”. Midnimada Puntland: Walalaalayaal ma ahan arin mugdi ku jiro in dadka Puntland ay si wada jir ah oo aan loo kala harin ay ku heshiiyeen inay dhidabada u taagaan Puntland sanadkii 1998-dii tasoo oo ku timid rabitaanka shacbiga ama umadda reer Puntland, sida aad ka war qabtaan lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhaawac soo gaaray midnimadii Puntland, waxaa ganacta maamulka ka baxay dhul baaxad weyn leh oo Puntland ka mid ah, waxaa kale oo dhacay in deegaanada Puntland aanay si siman u helin adeega bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, sugidda nabad galyada, biyada iyo dhamaan adeega bulshada” “Si aan xal waaro ugu helo dhibaatooyinka iyo caqabada hor-taagan midnimada Puntland waxaa hadii Eebe raali ka noqdo u qaban doonaa shirweyne guud oo lagu maareenayo midnimada Puntland, isla markaana lagu lafa gurayo sidii marlabaad loo dhayi lahaa dhaawicii ku yimid midnimada Puntland, sidoo kale waxaa shir weynahaas ku marti qaadayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada Puntland oo ay ugu horeeyaan Isimada, Cuqaasha, Culaa’udiinka, Buslshada rayidka ah iyo qurbo joogta Puntland. Dowladeydu waxay dhaqan galin doontaa qodobada kasoo baxa shirkaas, waxaan balan qaadayaa in si simman loo gaarsiiyo adeega bulshada dhamaan bulsh weynta ku nool guud ahaan Puntland” “Mudanayaal iyo Marwooyin, shantii sano ee lasoo dhaafay, maamulka Puntland waa ka gaabiyay inuu daboolo baahida deegaanada Puntland, waana arrinta keentay in Puntland sarrifanto oo midnameedii ay burburto, waxaan kala shaqeynayaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda Puntland isku xirka dowladda iyo dadweynaha, ogaadana waa muhiim in Puntland hesho xukuumad lala xisaabtamo oo tayo wanaagsan leh, waajibaadkeedana gudan karta” Xoojinta Amniga iyo dib u dhiska ciidamada: Walaalayaal sideedaba amnigu waa furaha nolosha, qof kasta oo muwaadin Puntland ah waxaa uu xaq u leeryahay inuu nabad ku noolaado isaguna uu nabad galyo bixiyo, waad og tihiin dilalka loo geysanyo aqoon yahanada, siyaasiyiinta, ganacsatada, culumaa-u-diinka iyo dhamaan qeybaha kale ee bulshada kaas oo aad la socotaan inuu gaaray heer aan loo dul qaadan Karin, waana la joogaa waqtigii la joogin lahaa” “Haddii ay bulshadu cabsi ku nooshahay ma gaari karto wax horumar ah, wayna adkaanaysaa inay maareeyaan waayaha ku xeeran, walaalayaal waxaa intaas dheer isku dhaca qabaa’ilka oo soo noq noqday oo soo jiitamay oo gaaray heer aan waxba laga qaban Karin oo nidaamkii dowliga ahaana iska daawado,Maamulka hada jiraana waxaa uu ku guul dareystay inuu ciidamada mushaar siiyo 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, waana arinta keentay in ciidamada ammaanka u gudan waayaan howlihii loo igmaday sidii loogu talo galay ee waajibaadkooda dastuuriga ahi uu ahaa” “Hadaba walaalayaal aniga oo kaashanaya Khibradeyda markaan Ra’isul Wasaare ka ahaa Soomaaliya, waxaan aamisanahay in wax weyn laga qaban karo arrinta ammaanka iyo la dagaalanka argagigixisada, hadii la helo qorshe cad oo amni , ku saleysan xaqiiqo dhab ah, ka tarjumaya rabitaanka iyo dareenka shacabka, waxaa sahlanaan doonto si wada jir ah loo wajaho dhibaatooyinka nabad galyo ee Puntland heysata, sidoo kale waxaa lasoo afjari karaa arrimaha dhibka ku haya amniga Puntland sida burcad badeeda, Tahriibka i.w.m” “Walaalayaal waxaa lagama maar maan ah in la dhiso ciidan amniga gacan bir ah ku qabta, ciidamadaas oo mushaarkooda si joogta ah u helaya fayo iyo tiro ahaanba dhameys tiran si heer sare ah loo siiyo tababaro heer qaran ah, sugida amaanka waa ina la gaar siiyaa dhamaan deegaanada Puntland” Kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarinya bulshada: Puntland oo ilaahay ku maneystay kheyraadka daabiga ayaa waxaa nasiib daro ah in maamuladii hore aysan ku guuleysan siyaasad dhaqaale oo hor-marineed oo qoto dheer, Walalalayaal 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa lagu guul dareystay in la xoojiyo dhaqaalaha, dhaqaalaha oo kor loo qaado ayaa horseedi kara in la sugo amniga iyo xasiloonida, waa arinta keentay in Puntland aanay tilaabo u qaadin dhimaca hor umarka” Kor u qaadista dakhliga dowladda iyo siyaasad ee cashuur bixinta iyo hanta dhowrka..waa waxa ugu muhiimsan oo wax weyn ka qaban doono inshaa-alaah” “Hadii aan qofka cashuurta bixiyaa uu san dareesaneen in cashuurtaad dib ugu soo laabanayso, way adagtahay in lagu qanciyo cashuur bixin, Cashuurtu waa inay ku saleysan tahay qaab cilmiyeysan, hadii cashuurta la kordhiyo iyadoo aan la daraaseen awooda dhaqaale ee dadka, waxaa imaanaya in dadkii cashuurtu la dhuuntaan ama ay u wareegaan meelo kale oo ka baxsan xuduuda Puntland taasina waxay keenaysaa dhaqaale burbur iyo isku dhex yaac dhaqaale oo baahsan” “Waxaa lagama maar maan ah in la helo tilaabooyinka soo socda, cashuur cadaalad ku saleysan iyo kor u qaadista heerka nolosha bulshada, dhiiri-galinta iyo wacyi galinta ganacsatada si ay uga qeyb qaataan bixinta cashuuraha lagu hor marinayo Puntland, kor u qaadista dareenka Mas’uuliyadda iyo la xisaabtanka, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo cirib tirka musuqa, miisaaniyad buuxda oo cadeynaysa dhamaan dakhliga soo gala Puntland ee meesha lagu jihaynayo” Cadaalada, Sharciga oo shaqeeya iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda: Walalalayaal cadaalad loo siman yahay in sharciga oo la dhaqan galiyo waa arimaha aan si dhaqsa ah wax uga qaban doono hadii aan hogaanka dalka qabto inshaalaahu, waxaan u baahanhay cadaalad shakhsi oo wiilka Bari Joogo, wiilka Buuhoodle jooga, wiilka Baargaal jooga iyo wiilka Madaxweynuhu dhalay ay u simanyihiin xuquuqda iyo waajibaadka dalka, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah I dhayo boogaha ay dam qeyso cadaalad darada soo jireenka ah oo ku dhacday dad gaar ah iyo beelo gaarah” “Waxaan sugidoonaa xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka la heyb sooco iyo dadka laga tirada badan yahay, waxaa loo baahanyahay in la helo cadaalad deegaan oo deegaanada Puntland ay u siman yihiin hor u marka iyo adeega bulshada” “Hadaba waxaa arimahan oo dhan sahli kara iyada oo lasoo afjaro musuq maasuqa iyo in kor loo qaado tayada maxkamadaha si loo adkeeyo sharciga iyo kala dambeynta, si markaas aan u qaadano dhabaha saxda ah ee aan hiig saneyno inaan Puntland ku toosino, waxaa lagama maarmaan ah dhisid qaab cadaaladeed oo dhameys tiran iyo in la taabo galiyo in sharciga loo siman yahay. In la baahiyo adeega iyo ilaha dhaqaalaha qofka u helo xuquuqdiisa si uu u guto, adeegana waa inuu gaaraa qof kasta oo reer Puntland ah iyo taako kasta oo Puntland ah” Dimoqoraadiyadda: Puntland waxay soo gaartay xiligii la gudbi lahaa qaabka qabaa’ilka oo loo tilaabsab lahaa waqtigii qofka kasta codkiisa dhiiban lahaa, waa waqtigii hoos laga soo bilaab ilahaa doorashooyinka oo lasoo dhiraan dhirin lahaa nimaadka diqmoraadiyeyta, waxaan dhaqaale iyo waqtiba galin doonaa sidii loosoo afjari lahaa qaabka qaa’ilka ku saleysan ee Puntland ka jira maanta, waxaan dardar galin doonaan geedi u socodka dimoqoraadiyadda, mudada aan Madaxweynaha ahana waxay dhamaanaysaa iyadoo la gaaray in qofka kasta uu doorto qofkii isaga matali lahaa” Dhulka maqan: Walaalayaal, dhulka maqan waa boog ku taal Puntland, waa dhaawac ku yaal qof kasta oo Puntland ku nool, beel beel kama qabsan ee maamulbaa maamul ka qabsaday, dhulku beel gaar ah kama maqna, faataxa laguma qabsan, Faataxana ku soo laaban mayo, wixii siyaasad ku saleysan siyaasad baan ku maareynaynaa, wixii xoog lagama maarmi waayana waxaa lagama maar maan ah in Puntland fuliso waajibkii loo igmaday ee dastuuriga ahaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa soo dhaweeyay qoraal kasoo baxay beesha caalamka, kaasi oo looga hadlayay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo. Qoraal dhinacyo badan ka koobnaa oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:- Waxaan soo dhowaynaynaa qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, oo ay taageerayaan dawlada Ingiriiska, Jarmalka iyo Midowga Yurub. Fariinta Beesha caalamka u direen Dawlada Federaalka ah ee ku aadan dilkii iyo xarigii ay Ciidanka Booliska kula kaceen shacabka Koonfur Galbeed, waxay tilmaam u tahay in Beesha Caalamka bilwaday ka falcelinta gaboodfalka iyo ku takrifalka awoodeed ee madaxda Dawlada Federaalka ah. Waxaan kaloo soo dhoweynaynaa hakinta deeqdii dhaqaale ee ay siin jireen Booliska Koonfur Galbeed inta xukuumada Federaalka ah ay ka jawaabayso su’aalaha sharciga ah ee la hordhigay ee ku aadan habdhaqanka Booliska Federaalka ah guud ahaan iyo Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan. Cidii garasho leh waxay dareemi kartaa miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay qoraalka ka soo baxay xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobay iyo raadayn taban ee dhinaca sharciga iyo xadgudubka xuquuql insaanka ee uu ku yeelan karo madaxda dawlada iyo saraakiisha ciidanka ee ku lug leh gaboodfalkii dhacay. Waxaan xoojinayaa kulamada ay deeqbixiyayaashu ku dalbadeen in la xisaabtanka lagu daro gaboodfalka joogtada ah ee uu taliska Boolisku Gobolka Banaadir, gaar ahaan ciidanka Hay’adda Sirdoonka (NISA) laga soo wareejiyey ku hayaan Shacabka Muqdisho, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo Xisbiyada siyaasadeed. Hadii dawladu Dastuurka dalka ilaalin wayso, sharciga iyo qaanuunkana dhowri wayso, natiijadu waxay noqonaysaa laba midkood 1- In shacabku sharciga gacantooda ku qaataan, gabood falkana iska caabiyaan, waana cawaaqib xumidii dawladii hore dumisay 2- iyo in aduunka soo dhexgalo oo uu masuuliyada nagula xisaabtamo. Waxaa lagama maarmaan ah in Hoggaanka sare ee dawlada ay ogaadaan in aysan jirin cid sharciga ka saraysa ama sida ay doonto ka yeeli karta. Hadii xil iyo awood laguugu aaminay macnaheeda maaha in aad sidii aad doonto ugu takri fasho. Xisaabtanka oo soo daaha macnaheeda maaha in aad cadaalada ka fakan karto, cadaalada maalin uun baa lagaa gudan. Waxaan u digaynaa saraakiisha ciidanka qaybihiisa kala duwan, Milateriga, Booliska iyo Nabadsugida in ay takrifal iyo xadgudub kula kacaan shacabkooda iyagoo fulinaya amaro sharciga iyo dastuurka dalka khilaafsan. . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Barlamaanka cusub ee dowladda Puntland ayaa maanta guddoomiye kumeel gaar ah udoortay xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye, kaasoo loo xushay inuu yahay ninka ugu da’ada [...] Source
  18. Xildhibaannada cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland oo shalay lagu dhawaaqay ayaa saaka la dhaariyay. Xubnahan ayaa guddoomiye ku meel-gaadh ah u doortay Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ah ninka ugu da’da weyn inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah. Golaha ayaa ka kooban 65 nin iyo hal gabadh,waxaana ku jira 49 weji oo cusub,halka 17 xubnood oo kale ay ka soo laabteen Baarlamankii hore. Mas’uuliyiin kala duwan oo saaka khudbado u jeediyay Baarlamanka ayaa kuldardaarmay in aysan ka been-sheegin Kitaabkii ay ku dhaarteen,islamarkaana ay adkeeyan ammaanada loo dhiibtay. Golaha ayaa si adag looga digay in ay laaluush ku shaqeeyaan iyo in ay shilimaad ku iibsadan masiirka umadda ee lagu aaminay. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
  19. Xubnaha cusub barlamaaka Puntland ayaa goor dhowayd maxkamada sare ku dhaarisay xarunta golaha wakiilada, iyadoo loo qeybiyay aqoonsiga cadaynaya xubinimada Barlamaanka Puntland. Ammaanka xarunta barlamaanka [...] Source
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markale ka hadlay hadalada hanjabaada ah ee kasoo yeeray inta badan musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha maamulka Puntland. Suleymaan Cali koore, wasiirka horumarinta Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinka dhawaanka dhacaya magaalada Garowe, waxaana uu u jawaabay musharixiin qaar oo sheegay inay qabsan doonaan deegaanada Somaliland ka joogaan Sool iyo Sanaag. Suleymaan ayaa si toos ah ugu jawaabay Musharax Moorgan, isaga oo sheegay inuu ahaa shaqsi ciidanka ugu badan taliyaha u ahaa xiligii dowladii dhexe, balse uu noqday ruuxii ay reer Somaliland kasoo ceyriyeen deegaanada maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay. “Moorgan wuxuu ahaa nin hogaaminayay ciidamadii ugu badnaa oo hub walbaa heystay xiligii dowladdii dhexe, wuxuuna noqday ruxii halkaan laga ceyriyay, haddaan dadku TAANGI noqoneyn, wuxuu hadda hayaa oo gacantiisa ku jiraa ma jirto”ayuu yiri Suleymaan Koore. Somaliland ayuu sheegay inay hadda leedahay awood ciidan oo ay ku difaacdo deegaanada xuduuda ku yaala, balse wuxuu sheegay inay doonayaan in nabad lagu wada noolaado, sida uu hadalka u dhigay. Musharixiin Badan ayaa balan qaaday inay soo celin doonaan deegaano ay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin shacabka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  21. Kismaayo ( Sh. M. Network):-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa waxa ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose kaas oo ay wadaan Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland. Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku sheegay dhaq dhaqaaqyadooda in ay yihiin fulinta awaamiirta Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ee ku aadanaa in Al Shabaab laga saaro gebi ahaan Gobolka Jubbada dhexe. Hayeeshee dadka ka faalooda xaaladaha Jubbaland ayaa ku sheegay go’aanada ka soo baxay Axmed Madoobe kuwa soo daahay maadaama uu ku soo beegay xilli fooda nagu soo heyso doorashada Madaxweyne ee maamulkaas. Howlgallada ka dhanka ah Al Shababa ee Jubbaland haatan bilowday ayaa la sheegay in aysan qeyb ka ahayn Ciidamada AMISOM. The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Deegaanno hoostaga Jubbada Hoose. appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Xildhibaan C/raxmaan Jaabiri Samatar oo ka mid ah mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay cidda ay madaxweynaha maamulkaasi u dooran doonaan. Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay iney soo dooran doonaan cid walbo oo ay u arkaan iney samatabixin karto xilliga dadka iyo deegaannada Puntland. Wuxuu sheegay in aysan dadku ku kala xulan doonin qabiil iyo sidoo kale lacag, balse ay waxqabad ku dooran doonaan. Dhanka kale, xildhibaankan ayaa sheegay iney diyaar u yihiin sidii lagu xallin lahaa khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/XILDHIBAAN-Cabdiraxmaan-Jaabiri-Samatar-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Baardheere ( Sh.M.Network):-Col Guhaad Maxamuud Macalin Cumar ( Tima Jilac) oo ka mid ah Saraakiisha degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo ayaa ka hadlay Arrimo La Xariira Amniga Degmadaas. Taliska Militariga Soomaliya ayaa xusay in ay ku howlan yihiin ka hortaga Falalka Liddiga ku ah Amniga Gobolka Gedo Ee Koofurta Soomaliya. Taliye Guhaad Ayaa tilmaamay in tallaabadaan wax Badan ay ka Bedeli Doonto Amniga Degmada Baardheere taas oo ku aadan Rag ka tirsan Al-Shabaab oo uu Sheegay in Maxkamad ku taalla degmada Baardheere ay ku xukuntay dil Toogasho ah, Isla Markaana Shalay laguna fuliyay Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta deegaanada iyo degmooyinka Gobolkaas. The post Saraakiisha DF Somalia ee Gobobolka Gedo oo ka warbixiyay xubno Al Shabaab ka tirsanaa oo lagu toogtay Baardheere. appeared first on Shabelle. View the full article