-
Content Count
207,210 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-010119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-London) Arsenal ayaa lagu soo warramayaa iney diyaarisay qorshe layaab leh oo ay amaah ugu direyso xiddiga reer Jarmal Mesut Ozil, balse warbaahinta Ingiriiska ayaa baahiyay inuu xiddigaan go’aan adag ka gaaray. Mesut Ozil ayaa ku dhibtooday ka hoos ciyaaridda Unai Emery kadib markii uu noqday xiddig aan ahmiyad badan ka laheyn garoonka Emirates, dhawr kulan ayuu ku seegay go’aanno u gaar ah macalinka reer Spain, taasna waxey dhalisay in warbixino badan ay la xiriiriyaan inuu ka baxayo London. Ozil ayaa dhaawac dhanka jilibka ah ku seegay kulankii ay kooxdiisa 5-1 khasaaro ah kala kulantay Liverpool oo hogaamineysa horyaalka Premier League, sidoo kalana waxaa jiray kulan ka tirsan horyaalka oo lagu reebay qaab xeeladeysan waana ciyaar ay ka horjeedeen Bournemouth. Sida ay ku warantay ESPN, Ozil ayaa iska diiday inuu bishaan January ka baxo garoonka Emirates, wuxuuna diyaar u yahay inuu booskiisa difaacdo isla markaana kasbado kalsoonida tababarahiisa Unai Emery. Dhawaan ayey aheyd markii uu Ozil saxiixay heshiis looga dhigay xiddiga ugu mushaarka badan kooxdiisa, wuxuuna jeebka ku shubtaa 300,000 kun oo Pound isbuucii. Source
-
Musharrax Guddoomiye Baarlamanka Cabdijamaal Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka guddoomiyaha barlamaanka Puntland, wuxuuna murashaxnimadiisa uga dhawaaqay xaflad uu ku qabsaday Garowe, iyadoo kasoo qeyb galeen dad ubadnaa xildhibaanada barlamaanka. Murashax Cabdi Jamaal cisman Maxamed oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii ugu dambeeyay ayaa noqonaya musharixiii ugu horeeyay ee si rasmi ah u shaaciyo inuu u sharraxan yahay guddoomiye barlamaan. Isagoo ka hadlayay xafladiisa ayuu sheegay hadduu ku guulaysto xilkaan inuu ku shaqayndoon saraynta sharciga. Waxaa uu sheegay inuu go’aan ugu istaagay sidii uu wax ka qabto baahiyaha dadka iyo dalku qabo oo ah in wax laga badelo dowladnimada Puntland ee haatan jirta. Waxaa uu xilldhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan, wuxuuna yidhi,” haddaad codkiina isiisaan waxaan idin balanqaadayaa inuu sharcigu qofka ka sareeyo, loona dhaqan galiyo dastuurka Puntland, waxaan runtii balanqadayaa inaan barlamaanka ku hogaamindoono wad tatashi.” PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cabdi Jamaal oo ku dhawaaqay musharrax Guddooomiye appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-New York)-Taliska dhinaca istiraatiijiyadda ee milatariga Mareykanka, oo dusha kala socda hubka nucliyeerka ee dalkaas ayaa raalli galin ka bixiyay qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka oo lagu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay “inuu soo rido wax aad iyo aad uga baaxad weyn” kubadda weyn ee fagaaraha Times Spuare ee magaalada New York. Farriintaas, oo barta xiriirka bulshada la soo dhigay shalay ayaa waxaa la socday muuqaal laga arkayo iyadoo la soo ridayo bambooyinka B-2 ee hubka wax gumaada. Arrintan ayaa caro weyn ka dhex abuurtay baraha xiriirka bulshada ee Internet-ka, waxaana taliska Istiraatiijiyadda ay goor dambe tireen qoraalka iyo muuqaalka isla socday ee lasoo dhigay Twitter-ka, iyagoo ku tilmaamay “tijaabo daciif ah”, waxayna ku baddaleen raalli galin. Qoraalkii hore ee la soo dhigay ayaa lagu yiri sidan: “Gambaleelka fagaaraha TimesSpuare wuu dhacayaa Sannadka Cusub iyadoo la soo ridayo kubadda weyn… haddii loo baahdana, waxaan diyaar u nahay inaan soo ridno wax aad iyo aad uga sii weyn”. Arrintan ayaa loo fasirtay in Mareykanka ay la fududahay in uu soo rido hubka Niyukleyrka. Waxaa qoraalkan lasoo dhigay saacado yar ka hor xilliga sannadlaha ah ee “la soo rido kubaddaas weyn” oo markaas ku dhex dhacda fagaaraha. Howshan ku saleysan dhaqanka ayaa lasoo waday ilaa sannadkii 1907-dii. Dadka wax dhaleeceeya ayaa isla markiiba ku cambaareeyay taliska Istiraatiijiyadda sida ay dhacdadan uga hadleen. Walter M Shaub Jr, oo ah madixii hore xafiiska qabaa’illada ee dowladda ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri “Maxay yihiin dadka bahaloobay ee waddankan maamulaya?”. Joe Cirincione, oo qoray barnaamij looga hadlayay arrimaha nucliyeerka iyo sida looga badbaadin karo dunida ayaa isagana yiri: “Markii ugu horreysay waxan uma maleyn Karin inay run yihiin, laakiin way dhacday”. Taliska Istiraatiijiyadda ee dalka Mareykanka ayaa ka mid ah 10-ka talis ee laga ansixiyay waaxda gaashaan dhigga ee dalkaas. Waxa uu saldhiggooda ku yaallaa hawada sare, hal ku dhigga taliskasi ayaa na ah “Nabaddu waa howsheenna”. Source
-
Qaran News
-
Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka tirsan golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee caasimada dowladda Puntland. Xildhibaanada oo ka yimid magaalada Muqdisho waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, maamulka Gobolka, kan degmada, siyaasiyiin, odayaal dhaqmeed, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Labada mudane oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto degaannada Puntland ee ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid ka qeyb gal arrimaha doorashada Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka tirsan DFS oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Ururka ONLF ayaa maanta magaalada Jig Jiga kaga dhawaaqay xisbi siyaasadeed. Xog-hayaha xisbigaaai Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Jig Jiga ayaa sidaasi wariyaasha u sheegay. “Dagaal baa nagula qaaday dalka waa nagala saaray hadase wax waliba way is badaleen oo dalka waan kusoo laabanay waxaana isla garanay in aan ka wada shaqeyno hormarka dowlad deegaanka, waxaana noqonay xisbi siyaaadeed, waxaana ka qeyb geli doonaa doorashada ina soo aadan” Dhowaan ayaa waxaa heshiis dhexmaray ONLF iyo dowlada Itoobiya ugu dambeeyna ONLF ayaa dib ugu soo laabtay jig jiga muddo sanado badan kadib. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post ONLF oo xisbi siyaasadeed kaga dhawaaqday JIG JIGA appeared first on Puntland Post.
-
Mandera ( Sh. M. Network )-Sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa M/ Mandera ku toogtay Haweeney da’ ah oo ka mid ahayd dadka deegaanka. Dilka Haweeneydan ayaa ka dhacay xaafadda Rhama ee magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Guddoomiyaha Urur u dhaq dhaqaaqa dadka deegaanka ayaa xafiiska dacwad-oogaha guud u gudbiyay gal-dambiyeed ka dhan ah Booliska Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay si joogto ah u dhibaateeyaan shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay soo gaartay dacwaddaas iyo cabashada ka dhanka ah Ciidanka ammaanka, isaga oo xusay in ay baaritaan dhab ah ku sameynay doonaan Kiiskaasi. Ma’ahan markii ugu horreysay ee saraakiisha Kenya ay dad rayid ah ku dilaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya. The post Booliska Kenya Oo haweeney da’ ah ku Toogtay M/ Mandera appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegasho culus ka sameysay madaafiicdii maanta lagu garaacay xarunta Xalane ee Muqdisho oo ay degan yihiin beesha caalamka iyo Amisom. Al-Shabaab ayaa sheegatay in “guutada madaafiicda ee kooxdaas ay maanta weerar xooggan la beegsadeen xerada Xalane, islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada AMISOM iyo shaqaalaha QM” Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa idaacadda Al-Shabaab ee Andalus u sheegay in 7 gantaal lagu dhuftay xerada, islamarkaana ay dhamaantood ku dhaceen gudaha xerada Xalane. Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegatay in khasaare nafeed iyo mid maadi uu soo gaaray ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan gudaha Xalane, inkasta oo aysan sheegin wax tiro ah. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiiin karta sheegashada Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan haddii xitaa khasaare uu jiro sidee Al-Shabaab ku ogaatay waxa ka dhex dhacay gudaha Xalane Xerada Xalane, ayaa waxaa safaarado ku leh dowladaha reer galbeedka, halka sidoo kalena ay talisyo ciidan ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa shaaciyay in saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in Gabar yar uu ka Afduubtay duleedka magaalada Muqdisho. War Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Ninkaasi laga qabtay deegaanka Leego ee gobolka Sh/ Hoose, haatana gacanta ay ku hayaan isaga iyo Gabadhii uu Afduubtay, inkastoo aysan shaacin magaca ninkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Gabadhaasi yar laga soo afduubtay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho. Lama oga waxa ka yeeli doonaan ninkasni Al Shabaab, balse inta badan waxa ay xukuno kala duwan ka fuliyaan deegaanada ay ka arrimiyaan ee k/ iyo bartamaha Somalia. The post Al Shabaab Oo qabtay nin Ilmo yar ka afduubtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Newtork )-Munaasabaddan oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyo mas’uuliyiinta Isbitaalka Kalkaal, taas oo maanta lagu qabtay M/Muqdisho. Waxaa Munaasabadda ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan BFS, xubno ka socday gobolka Banaadir, Dhaqaatiir iyo qeybaha bulshada iyo marti sharaf kale. Illaa iyo 42 Haween ah ayaa ka faa’iideystay Ololaha Qalinkan oo Lacag la’aan ahaa. Wariyaha Shabele Ismaaciil Axmed Maxamed (Turki) oo ka qeyb galay Munaasabaddaasi ayaa ka diyaariyay warbixintan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warbixin.mp3 The post Munaasabad lagu soo xirayay Ololaha Qaliinka Isku furanka Haweenka Oo lagu qbatay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Directorate General of Immigration and Passports conditionally allowed Israeli citizens to visit Pakistan, but the director blamed the interior ministry for the “mistake” and ordered “correction”, a local news outlet reported on Monday. Reportedly, the Federal Investigation Agency (FIA) recently released rules and regulations for citizens of seven countries for visiting Pakistan. The list contained the names of India, Bangladesh, Bhutan, Nigeria, Somalia, Palestine, and Israel. On its website, FIA explained rules and regulations for Israeli citizens visiting Pakistan. They were required to register themselves with the police and seek a stay permit from the district police officer (DPO) of the concerned district. Israeli citizens were also supposed to return the ‘stay permit’ before leaving the country; otherwise, they would not be issued the ‘travel permit’, which is mandatory for leaving the country. According to the rules, people having ‘work visa’ or ‘Saarc visa’ would be exempt from police registration. Similarly, Israeli citizens are also exempt from police registration, but Indian citizens have to register themselves with the police after arrival in Pakistan. Immigration Director Ismatullah Junejo has said that the list was issued by the interior ministry and that Israeli’s name was mistakenly included in the list. “Israel’s name is being removed from the list after it was pointed out by the media,” he added. Junejo further said that Pakistan’s state policy vis-à-vis state of Israel is very clear. Pakistan has not recognised the state of Israel and Pakistani citizens cannot travel to Israel on a Pakistani passport. In October, President Dr Arif Alvi had dismissed reports of an Israeli business jet’s landing at the Islamabad International Airport, asserting that Pakistan will not establish ties with Israel. The president termed the reports “baseless and unfounded” while speaking to the media at the airport before leaving for a three-day visit to Turkey. Source: Pakistan Today
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, xilli hore uu maamulka Gaas u mamnuucay xubnaha dowladda Soomaaliya inta ay doorashada socoto. Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa gaaray magaalada Garoowe, iyada oo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay. Xildhibaanadan ma aysan shaacin sababta ay u tageen Garoowe, hase yeeshee xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay inay la soconayaan doorashada madaxweyne ee ka dhacaysa Puntland. Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban-qaabada xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Puntland oo miisaan culus oo la sheegay inay beri tagi doonaan magaalada Garoowe. Maamulka Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin xubnaha ka socda dowladda ee maanta gaaray Garoowe. Cabdi Weli Gaas, oo ka cabsanaya inay dowladda dhaqaale ku taageerto xubnaha isaga la loolmaya, ayaa xubnaheeda ka mamnuucay inay tagaan Garoowe, mana cadda wax tallaabo ah oo uu qaadi karo, maadaama xildhibaanada tagay halkaas ay kasoo jeedaan deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
(SLT-Jubbada Hoose )Maxkamadda islaamiga ee Maamulka al-Shabaab ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa xukun jeydal ah ku fulisay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu kufsi ugeystay qof dumar ah. Fagaare kuyaal degmada Jilib ee Jubbada dhexe ayaa xukun xadu zina ah lagula fuliyay wiilkan dhalinyarada ah oo la sheegay in baadiyaha degmadaas ku kufsaday haweenay carruur wadatay. Maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay 100 jeydal iyo musaafurin, fagaaraha xukunku ka dhacayay waxaa ku sugnaa boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Jilib. Xarakada Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka maamusho Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxay ku fulisay xukuno kala gedisan dad ay ku sheegtay in ay galeen dambiyo. Source
-
(SLT-Hindia) Sida uu ku soo warramay wargeyska The Hindustan Times oo kamid ah wargesyada ugu afka dheer dalka Hindiya, Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya, Khadar Khan oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Canada ayaa geeriyooday. Qader Khan oo heystay diinta Islaamka ayaa maqaam sare kaga jiray fanka dalka Hindiya, waxaana uu ka qeyb qaatay tobanaan filim oo Hindi ah. Wiil uu dhalay jilaaga oo lagu magacaabo Sarfaraz ayaa warbaahinta dalka Hindiya u xaqiijiyay in aabihii uu geeriyooday. ”Aabahay waxaa uu geeriyooday 31 bishii Disembar, lixdii galabnimo xiliga wadanka Canada, waxaana uu isbitalka ku jiray 16-17 isbuuc, waxaana lagu aasi doonaa Canada”. Sidaasi waxaa yiri Sarfaraz. Khan iyo qoyskiisa ayaa sannadihii dambe ku noola dalka Canada, waxaana intii aanan la geynin isbitalka uu ka sheeganayay caabuq dhanka feeraha ah. Qadar Khan ayaa caan ku ahaa majaajilada aflaanta Hindiga, waxaana aad loogu xusuusta doorkii uu ku lahaa aflaan badan oo caan ah si weynna loo daawaday, kuwaasi oo lagu jilay dalka Hindiya. Khan ayaa inta badan jili jiray madadaalada aflaanta, isagoo na mararka qaar aflaanta ku jili jilay qaab waalidnimo iyo buracdnimo ah. . Image captionQader Khan Khadar Khan oo dhashay sannadkii 1937, asal ahaan na ka soo jeeda magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ayaa wakhtigiisa ugu badan kusoo qaatay dalka Hindiya, waxaana uu sidoo kale heystay dhalashada dalka Canada. Geerida Khadar Khan ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay jilayaal caan ah oo uu kamid yahay Amitab Bachchan oo soomaalidu ay u taqaano Cali dheere. ”Waa war aad looga naxo, waxaana ka tcasiyeynayaa geerida ku timid Khadar Khan”. Ayuu yiri Amitab Bachchan. Sidoo kale dhimashada Qader Khan ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Akshay Kumar oo kamid ah jilayaal badan oo caan ah, kuwaasi oo la soo shaqeeyay, Waxaana uu aflaan kala duwan la soo jilay jilayaal ay kamid yihiin Govinda, Amitab Bachchan, Akshay Kumar iyo Sunnil sheety. Source
-
(SLT-Muqdisho)Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee gobalka Gaedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee jooga degmadaasi ay toogteen 6-qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Saraakiisha Ciidanka ee degmada Baardheere ayaa sheegay in maxkamad aysan marsiin raga la toogtay , waxaa ayna arintaasi u sababeeyeen kadib markii dhawaan uu go’aan ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa waxaa ay faahfaahiyeen Magacyada Raga ay toogteen:- 1.Saleebaan Maxamed Sheekh 2.Maxamuud Maxamed Buule 3.Maxamed Cabdi Cali. 4.Maxamed Yuusuf Isaaq 5.Aadan Carabeey Xalane. 6.Maadeey Xaaji Macalin. Faarax Maxamed Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Miltariga Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay fulinayaan go’aankii dhawaan ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab. Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ugu yaraan 4 Hoobiye ayaa waxa ay ku dhaceen Xaafada Xalane degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Madaafiicdaan oo aan geysan wax Khasaaro ah ayaa la sheegay in Bartilmaameedkoodu ahaa xarunta Xalane ee Taliska ugu weyn Ciidamada AMISOM. Ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha Ammaanka Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay ka bixiyeen weerarkaasi. Al Shabaab ayaa inta badan sheegta Masuuliyadda weerarada nuucaani ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, walow aysan haatan wax war ah ka soo saarin. The post Madaafiic ku dhacay Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Wararka ka imaanaya Deegaanka KM13 gaar ahaan Nawaaxiga Macaani ee Duleedka Magaalada Muqdiho ayaa ku waramaya in maata toogasho loogu geestay Qof Shacab ah halkaasi. Wararka ayaa intaasi ku Daraya in Shaqsiga Dilka Loo Geestay uu ahaa Wade Mooto Bajaaj isla markaana Ragii dilkaasi Geystay ay isga Baxsadeen Halkaasi. Ilo Dadka Deegaanka KM13 ka tirsan ayaa shabeele u xaqiijiyay Falkani Dilka ah ee loo geestay Darawalkaasi kuwaas oo tilmaamay in aysan garanayn sababta ka dambeysa dilkaasi iyo Marxuunmka Magaciisa intaba walow ay ka gaabsadeen in aan Codkooda u adeegsano Qalabka warbaahinta Sababo Amni awgeed. Waxayna intaasi ku dareen in Goobta falka Dilka ah uu ka dhacay Durbadiiba ay soo gaareen Ciidamada Amniga Deegaankaasi. Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay Baaritaano ka sameeyeen Halka Dilka loogu geestay Wadaha Moota Bajaajta walow aan la xaqiijin Karin howlgalkaasi Cidda ay Ciidamadu ku soo qab qabteen. Falalka dilalka ah ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo deegaanada dhaca duleedkeeda kuwaas oo qaarkood loo geysto Ciidamo iyo Howlwaddeeno ka tirsan dowladda Somalia iyadoona ay sheegtaan Masuuliyadooda Al Shabaab. Hayeeshee dilalka dadka rayidka ah loo geysto ayaanu jirin cid sheegta masuuliyadooda amaba ka warbixisa. The post Kooxo Hubeysan oo qof shacab ah ku dilay duleedka Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article