-
Content Count
207,203 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xildhibaan C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada Dhuusomareeb, waxaana kadib uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug. C/raxmaan Odowaa ayaa ka bilaabay deegaanada Galmudug sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhaxeysa madaxda Galmudug oo sababtay in labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug. Odowaa, wuxuu maalmo kahor sheegay in qorshihiisa seddexaad ee uu u tagay magaalada Cadaado ay aheyd sidii dhex dhexaadin looga sameyn lahaa madaxda Galmudug ee is khilaafsan mudada dheer, waxaana uu kulan la qaatay madaxweyne Xaaf. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxda maamulka Galmudug, isla markaana la isku soo dhaweyn lahaa. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Puntland : – Ma Lafta-Gareen baa la dooran doonaa mise ? !…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Gaas, Puntland oo labaatan jir ah buu labo jir u celiyay, laakiin Cali Ciise inuu laqmiyuu rabaa! Shaxdu mid qarsoon [...] Source -
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-wararka-010119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waloow inta badan ay mas’uuliyiinta iso shaqaalaha QM ay waddanka ka maqan yihiin, haddana warka ah in dowladda Soomaaliya ay waddanka ka ceyrisay ergayga xoghayaha guud ee QM u qaablisan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhammaan xerada Xalane oo xarun u ah hay’adaha Qaramada Midoobay. Ilo-wareedyo ku sugan gudaha xarunta ayaa inoo xaqiijinaya in ay dhammaan hal mar istaageen xafladaha dabbaal degyada sanadka cusub oo xalay soo billowday, kadib markii uu soo dhacay warka waddenka looga mamnuucay ergayga, taas oo cabsi u walbahaar ku abuurtay shaqaalaha howsha xafiiska soo wada. Madaxda xafiisyada muhiimka ah ee QM ayaa la filayaa in ay soo gaabiyaan fasaxyada sanadka cusub oo ay dalalkooda ku joogaan, si ay ula tacaalaan xaaladda taagan oo ah mid ugub ah marka loo eego go’aanka dowladda Federaalka ah oo lama filaan ahaa. Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka ah ayaa caawa shaacisay in aan waddanka looga baahneyn Nicholas Haysom, maadaama uu ku xadgudbay madaxbannaanida dalka, sida loo dhigay qoraalka lagu eryay Haysom. Ergayga oo iminka fasaxa sanadka cusub ku maqan ayaa shalay soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo dowladda Soomaaliya. Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa ahaa mid marnaba aysan beesha caalamka ku fakarin in madaxda Soomaalida ay qaadan karaan, ayaga oo mar walba rumaysnaa in beesha caalamka ay tahay tan leh go’aanada siyaasadeed ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay goordhow waxaa ay shaqo joojin ku sameysay ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Haysom. Arrintan ayaa timid 24 saac kadib markii ergeyga uu codsaday in Villa Somalia ay fasiraad ka bixiso arrintii ka dhacday Baydhabo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba sheegtay in dalka uusan ka shaqeyn karin wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii la sheegay inuu jibiyay madax banaanida dalka. Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom. Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankani uu salka ku hayo ka dib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya, si bareer ahna u fara geliyey madaxbanaanida dalka. Arrintan ayaa timid kadib markii Haysom uu soo saaray warqad uu wasaaradda amniga kaga dalbanayo in lagu cadeeyo hanaankii loo maray xariga Roobow iyo dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka laga eryay, islamarkaasina uu ku xadgudbay siyaasada dalka ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay warkaan. Hoos ka akhriso. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ka eriday Wakiilkii Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Horay baa loo yiri, “Miskiin baa miska la fuulo leh“. Maalmahaan waxaa Muqdisha ka socda qorshe burcadnimo ku dhafan tahay, ee loo maleegay bulshada degan Degmada Dayniile. Bulshadaas badankeedu waxay ka kooban tahay qoysas Goofley ah oo qarniyaal badan noloshoodu ku tiirsaneyd tabcashada waambaha, moxogga, digirta, dhaqashada ariga iyo lo’da. Waxay Caasimada Muqdisha usoo suuq geyn jireen cawska xoolaha la siiyo, qoryaha la shito, caano iyo subag sixan ah. Noloshoodu waxay ahayd mid is-bixisa oo si buuxda ugu filan. Dhulkoodana waxay ka ilaalin jireen Nabaadguur iyaga oo u tura dhirta iyo makhluuqa kale ee la nool oo ay quraanshadu u yar tahay. Saraakiishii Soomaaliya afgembiga ku qabsaday 21/10/1969 waxay durbadiiba bilaabeen in ay deegaanka Dayniile iyo hareerihiisaba ka dhisaan xerroyin Milateri. Sida la wada oggsoon yahay Mileteriga sidiisaba waxaa loogu tala galay in ay dalka ka difaacaan cadwga dibadda. Waxaana aalaaba la dejiyaa jiidda hore ee xuduudaha dalka. Balse ciidamadii la dejiyay Dayniile waaxaa loogu tala galay in lagu difaaco Golihii Sare ee “Kacaanka” waayo xukunka waa ay boobeen, hay’adihii dastuuriga ahaa & xildhibaanadii la soo doortay sida Baarlamaanadii (1960-1969) waa ay kala direen, Dastuurkii 1960 ee aftida loo qaaday waa ay laaleen. Saraakiishaasi waxay cadaadis xooggan dul dhigeen beelihii Mogadishu Clan sida Abgaal, Murusade, Wacdaan, shiiqaal iyo gaaljecel, iwm ee degenaa hareeraha Caasimadda. Bulshada Dayniile, xilligii dheeraa ay askartu dalka xukumaysay waxaa la soo deristay dhibaatooyin fara badan, oo aan halkaan ku soo koobikarin. Balse ma aysan qixin oo waa ay adkeysteen. Muddo ka dibna waxay hormuud ka ahaayeen kacdoomadii mucaaradka hubeysan ee soo afjaray kalitalisnimadii nabadda iyo nolosha shacabka raggaadisay. Waxaa Ilaahey mahaddiis ah in ay maanta dalka ka dhisan tahay Dawlad federaali ah, oo aan ku imaan qorayga caaraddiisa. Haddaba, bulshada waxay rajo weyn ka qabaan in dhulkoodii loo soo celiyo, magdhawna laga siiyo dhibaatooyinkii loo geystay iyo horumarkii loo diiday. Nassibdarro, waxaa dhacday in xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo ku abtirsada beesha Murusade ee degta Dayniile ay mar labaad haweysanayaan in ay shacabka masaakiinta ah dhulkooda ka boobaan. Iyaga oo sameysatay Guddi Maqaar Saar ah, oo aan lagala tashanin dadkii deganaa Dayniile ab- ka-ab. Waxaa la yaab ah, halkii ay shacabka deegaanka ku taageeri lahaayeen in ay si madax-bannaan u dhistaan Guddi iyaga iyo danahooda matala, waxay xildhibaanadu doorbideen in ay iyagu u noqdaan Guddi Ismagacaabay. Waxaa soo if baxday in Xildhibaanadii ay u xuubsiibteen Guddiga Arrimaha Bulshada. Su’aashu waxay tahay, maxaa xildhibaanda ku kalifay in ay sidaas u dhaqmaan? jawaabtu waa ay fudud tahay. Waxay rabaan in aagga u dhaxeeya shacabka dulmanaha ah iyo xukuumadda uu R/W Kheyre madaxda ka yahay, ay ka dhex furtaan Xafiis Dalaalnimo. Waxay rabaan in ay dhulka/hantida ay goofleydu milkida u leedahay ay iyagu maamulaan: In qeyb dhulka ka mid ah ay ku laaluushaan madaxd a iyo saraakiisha sarsare ee Dawladda, qeybna ay ka dhigaan danguud, qaarna iyagu qaataan/ama caddeystaan, cadka yar ee soo harayna ay goofleeyda saboolka ah ay ku hafraan. Waxaa taas ka sii daran Qeyb kasta ay qolo siiyaanba, saami qarsoodi u ah ayey ku sii leeyihiin. Waxaa kaaga sii daran, waxay rabaan dhaqaalihii sida silaca, saxariirta iyo burcadnimada ah ay ku soo uruuriyeen in ay mar seddexaad ku iibsadaan kursaasta xildhibaanimo ee labada aqal, ee duurashada 2020/21. Cabashadu intaas waa ay ka sii riiq dheer tahay, balse waxaan ku soo koobaynaa, in xildhibaanadu beesha Murusade qandigooda hadda maran, ay salka ka sii dhigtaan arrimaha soo socda: Madaxweyne Maxamad cabdulaahi “Farmaajo” ma ahan M. Siyaad Bare, ma ahan kali taliye, mana ahan laaluush qaate. Wadanka waxaa lagu maamulaa Dastuur ku salaysan Dimuqaraadiyad, caddaalad, iyo sinnaan, mana ahan Golihii Kacaanka ama XHKS (xisbigii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed) Bulshada Goofleyda ah hantidooda idinku xaq uma lihidiin in aad iibisaan, dadkale ku laaluushtaan, dad u qeybisaan, ku takri fashaan, ama aad dallaaliin ka noqotaan. Dib u eega awooda uu Dastuurku idiin oggol yahay inta ay la’egtahay. Fadlan, isku daya in aad ummadda ka xishootaan, hantidoodana ay adinka badbaado, maamulkeedana aad fara kala baxdaan. Dhalinyarada beesha Murusade waxay diyaar u yihiin in ay sharaftooda iyo dhaxalkoodaba ay ku difaacdaan waddo sharciga ah. Lasoco Qaybta 2 aad insha allah Qore:-Maxamed Maxamuud Warsame Email:-banaadir1982@gmail.com Muqdisho-Somalia
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka “aanan laga rabin” wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan arrrimaha dalka, Nicholas Haysom. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in go’aankaan uu yimid markii uu Haysom soo farageliyay arrimaha gudaha ee dalka, islamarkaana uu ku xadgudbay madax-baanimadda qaranka Soomaaliya. Nicholas Haysom oo dhowaan soo saarey war-saxaafadeed ayaa kaga hadlay xarigii Roobow iyo waliba rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo bishii December ee sanadkii tegay 2018. Ugu dambeyntii, wasaaraddu waxay shaacisay in laga bilaabo 1-da bisha Janaayo 2019 aanan dalka ka shaqayn karin Haysom. Hoos ka akhriso warqadda wasaaradda The post DFS oo sheegtay in wakiilka UN-ka uusan dalka ka shaqayn karin appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran, ayaa soo dhoweeyey waraaq uu qoray Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaablisan Soomaaliya, Nicolas Haysom, u diray DF oo ku saabsan dhacdooyinkii Baydhaba ka dhacaykadib xarigii mukhtaar Roobow, waxayna dalab u direen dowladda Mareykanka. Warqaddaas ayaa dowladda looga dalbaday inay soo bandhigto faahfaahin ku saabsan gabood falyadii ka dhacay Baydhaba iyo xarigii Mukhtaar Roobow. Kudlada Badbaado Qaran waxaa ka mid ah xildhibaanada xisbiyada Nabada, Wadajir UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan weli xisbiyo ka mid ahayn. Qoraalka xildhibaanada Kudlada ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale soo dhowaynaynaa walaaca ay ka muujiyeen dalalka, Ingiriiska, Jarmalka iyo ergada ka socota Midowga Yurub dhaqanka ciidanka amniga ee ku sugnaa dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed” Dhinaca kale, Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Mareykanka ay ka aamustay arrintan. “Waxaa wax laga xumaado ah aamusnaanta Maraykanka ee ku aaddan arrimaha qallafsan ee siyaasadeed Soomaaliya gaar ahaan sida Xukuumadda Federaalku ugu tumato shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Marka la eego dhaqanka soo jireenka ah ee dawlada Maraykanku ugu ololeyso dawlad wanaagga iyo dimoqraadiyada, waxa aan la fahmi karin in Maraykanku ka aamuso ku tumashada xuquuqda aadamaha ee aan geed loogu soo gabban oo ay ka mid tahay xoogga xad dhaafka ah ee loo isticmaalay shacabka Baydhabo taas oo sababtay dhimashada qiil la’aanta ah ee 13 qof oo uu ka mid yahay xildhibaan degaanka ah, dhaawac faro badan, caburrin siyaasadeed, xannibaad ka dhan ah xorriyada qawlka, isu imaanshaha, urur ka mid noqoshada, iyo dhaqdhaqaaqa oo intaba dastuurku lama taabtan ka dhigay” Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanada oo dhamaystiran.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqanka iyo duubabka beesha Mudulood iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha oo ku jira baarlamanka Soomaaliya ayaa saaka kulan quraac ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa daba socday kulankii dhowaan dhex maray xildhibaanada iyo siyaasiyiinta rug cadaaga ee beesha Mudulood ee ku saabsanaa xaaladda dalka. Kulankan ayaa xildhibaanada waxay warbixin ku siiyeen dhaqanka beesha, waxayna u sheegeen in siyaasadda dalka ay ku sii socoto xaalad mugdi ah, sida ay hadalka u dhigeen oo aan la garaneyn meesha ay ku dhammaan doonto. Xildhibaanada Mudulood ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in loo baahan yahay in loo istaago sidii khararta soo socoto looga hortagi lahaa. Xildhibaanada Mudulood waxay sheegeen in hoggaanka waddanka uusan diyaar u ahayn in uu ixtiraamo dastuurkii ay ku yimideen, ayna ku mashquulsan yihiin la dagaalanka siyaasiyiinta aan ku aragtida ahayn iyo maamul gobaleedyadi dhibka lagu soo dhisay, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay maanta ka billaabatay “kali-talisnimo, caburin siyaasadeed iyo handadaad iyada oo si ula kac ah loo jebinayo dastuurka” Waxaa kale oo ay sheegeen in gobalka Banaadir ay u dheer tahay jidgioyooyin aan wax macno ah loo eegin, oo dadweynihii gobolka ay ka ganacsan la’yihiin. Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay “in loo caqli celiyo hoggaanka dalka, lagana hortago dhibaato aan beri waxba laga qaban karin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
QM oo shaacisay khasaaraha madaafiicda lagu weeraray Xalane
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saarey madaafiicdii lagu weeraray xerada Xalane. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka Hoobiyeyaasha ay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalaha UN-ka iyo shaqsi Qan-daraasle ahaa. Ergayga Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ufadhiya Muqdisho, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarka madaafiicda ah. Haysom ayaa soo kabasho deg deg ah wuxuu urajeeyay dhibanayaasha, kuwaasi oo dalalka ay udhasheen aanan la shaacin. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada falkaan waxay tibaaxday inay 7 madfac oo ay gantay ay gudaha ugaleen dhismaha ugu muhiimsan QM. The post QM oo shaacisay khasaaraha madaafiicda lagu weeraray Xalane appeared first on Shabelle. View the full article -
(SLT-Muqdisho) Faah faahin ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidanka AMISOM, isla markaana ay ku yaallaan Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo safaaradaha Ajnabiga ee jooga Dalkaasi Soomaaliya. Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya saameynta madaafiicda hoobiyeyaasha oo gudaha ugu dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee UNSOM. Illaa afar madfac ayaa ku dhacay xarunta UN-ka, waxaa la sheegayaa in labo ruux oo shaqaalaha UN-ka in dhaawac ka soo gaareen. Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyeyaasha ku dhacay hoyga Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey. Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta loo dabaal degayo sanadka cusub ee 2019, isla markaana inta badan shaqaalaha UN-ka iyo kuwa kale ee Ajnabiga ay fasax yihiin. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgalka nabad-illaalinta ee Soomaaliya ee AMISOM, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Hoobiyeyaal maanta lagu weeraray agagaarka xeradda Xalane ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Taliska AMISOM oo qoraal kooban soo dhigtay koontadda ay ku leeyihiin Twitter-ka ayaa tilmaamtay in bartilmaameedka madaafiicda ay ahaayeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Bayaanka ayaa lagu xusay in madaafiicda aysan ku dhicin badankooda gudaha dhismaha, inkasta oo sawiro laga soo qaaday ay muujinayaa burbur ka dhashay oo sameeyay xafiisyada qaar. “Madaafiicda beegsigooda wuxuu ahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhamaantooda ma aysan ku dhicin bartilmaameedkooda. Xaaladda haatan waxay ku jirtaa gacanta maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay ayaa sheegtay in madaafiicda ay gudaha ugu daateen saldhiga Xalane, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay, inkasta oo aysan cayimin. Xerada Xalane oo ku taala meel ku dhow madaarka Aadan Cadde ayaa waxay degaan utahay saraakiisha ugu sareysa howlgalka Qaramada Midoobay, Diblumaasiyiin iyo Ajaaniibta dalka ku sugan The post AMISOM oo ka hadashay Madaafiic ku dhacday xaafada Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midobay iyo ruux qadaraasle ah ay ku dhaawacmeen, mana la sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarka. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. “Weerarkii maanta ee ka dhacay xarunta Weyn ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho, wuxuu jabinayaa Xeerarka caalamiga ah ee bini’aadanimada, Waxaan ka xumahay falkan aan idmaneyn ee gardarada ah kaasi oo ka dhan ah shaqaalaha, waxaan u rajeynayaa caafimaad deg deg ah kuwa naga dhaawacmay”. ” Ma jiro qorshe siyaasadeed loo adeegsan karo colaadaha oo si ula kac ah loogu bartilmaameedsanayo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee taageera isku dheelitirka nabadda iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM. Weerarkii ayaa sababay dhaawaca shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaasi oo ku sugnaa xarunta xalane. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-010119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-London) Arsenal ayaa lagu soo warramayaa iney diyaarisay qorshe layaab leh oo ay amaah ugu direyso xiddiga reer Jarmal Mesut Ozil, balse warbaahinta Ingiriiska ayaa baahiyay inuu xiddigaan go’aan adag ka gaaray. Mesut Ozil ayaa ku dhibtooday ka hoos ciyaaridda Unai Emery kadib markii uu noqday xiddig aan ahmiyad badan ka laheyn garoonka Emirates, dhawr kulan ayuu ku seegay go’aanno u gaar ah macalinka reer Spain, taasna waxey dhalisay in warbixino badan ay la xiriiriyaan inuu ka baxayo London. Ozil ayaa dhaawac dhanka jilibka ah ku seegay kulankii ay kooxdiisa 5-1 khasaaro ah kala kulantay Liverpool oo hogaamineysa horyaalka Premier League, sidoo kalana waxaa jiray kulan ka tirsan horyaalka oo lagu reebay qaab xeeladeysan waana ciyaar ay ka horjeedeen Bournemouth. Sida ay ku warantay ESPN, Ozil ayaa iska diiday inuu bishaan January ka baxo garoonka Emirates, wuxuuna diyaar u yahay inuu booskiisa difaacdo isla markaana kasbado kalsoonida tababarahiisa Unai Emery. Dhawaan ayey aheyd markii uu Ozil saxiixay heshiis looga dhigay xiddiga ugu mushaarka badan kooxdiisa, wuxuuna jeebka ku shubtaa 300,000 kun oo Pound isbuucii. Source