Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,207
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaas, Puntland oo labaatan jir ah buu labo jir u celiyay, laakiin Cali Ciise inuu laqmiyuu rabaa! Shaxdu mid qarsoon ma aha, xataa haddii ay been yihiin wararka sheegaya in Cali Ciise Cabdi ay soo dirsadeen Farmaajo iyo Itoobiya, waxaan been ahayn in Cali Ciise Cabdi uu si bareer ah ula dagaalay jiritaanka Puntland isagoo qayb ahaan gobolladii qayb ka mid ah ku dadaalay inay ka go’aan maamulka Puntland, oo u ololeeyay inuu ka feer dhiso qayb iyada ka mid ah oo KHaatumo ah, in kastoo iyadii (waa KHaatumee) ay ku soo dhammaatay inay ka mid noqotay Somaliland… Waxaana geesinimo xad dhaafa ah in Cali Ciise Cabdi uu ku soo dhiirado inuu Puntland isu soo rashaxo, oo waliba kaaga daranee talada Puntland oo dhan uu yiraahdo aan hoggaankeeda qabto!… Inuu Puntland yimaado oo waliba aysan ku soo yaacin reer Taleex oo aysan weydiin dadkii dhexdooda isaga dhintay baa wax lala Yaabo ah!…. Waxaase Yaabka-Yaabkiisa ah! In guud ahaan shacabka Puntland oo maamulkoodii uu dagaalka ku hayay uu soo dhex fariisto isagoo aan raali ahaada dhihin, cafisna aan weydiisan!… Sida uu ku yimid anshaxa wanaagsan meel ka dhac ayeey ku tahay… Cali Ciise Cabdi, rasmi ahaan wali wuxuu ka tirsanyahay maamulka Cali KHaliif Galayr ee KHaatumo, waa jiraan warar qaar sheegaya inuu khilaaf weyn soo isaga iyo madax-weynihii uu soo dhisay ee Cali KHaliif Galayr, hasa yeeshee, Cali Ciise, ilaa iyo hadda si rasmi ah loogama maqal inuu ka baxay KHaatumo, waxaana la moodaa inuu jiro hannaan siyaasadeed oo ay u samaysanyihiin ama ay isku mid ka yihiin labo Cali kaasoo ah inuusan jirin xeer ay ilaalinayaan, maxaa yeelay labada ninba hadba si dhib yar bay siyaasadooda isu bedeli karaysaa oo ma laha mowqif (Political Stand) ama meel loogu soo hagaago siyaasad ahaan!…Galayr, wuxuu ka baxay KHaatumo oo wuxuu galay Somaliland! Arrintaas marka la fiiriyo dastuurkii ay KHaatumo dhigatay, waa mid aad uga soo hor jeedda, Cali Ciise, siduu KHaatumo u ahaa buu mar keliya wuxuu la soo baaday inuu sharaxanyahay madax-weynenimmada Puntland!…marka maxaa diidaya in Cali Ciise uu beri ku tunto dastuurka Puntland, oo uu yiraahdo Federal ma jiro oo maamul-goboleed ma jiro… ma jiro?! Maxaa diidaya?…Maanta, Cali Ciise; waa KHaatumo, maya ma ahee waa Somaliland, maya, ma ahee, waa Puntland, maya ma ahee waa waziir xukuumadda federal-ka, maya ma ahee waa…Waxaa shaki ku jirin Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas Puntland inuu labo jir u celiyay iyadoo labaatan jir ah, laakin Cali Ciise labo jirkaas yuusan laqmin! Xil-DHIbaannada cusub ee Puntland doorashadaan khaladkaad ku gashaan Puntland ka soo noqon mayso! Dabeecaddaas mowqif la’aanta ah marka laga soo tago, Cali Ciise oo la doorto uma eke inay dan ugu jirto guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan maamulka Puntland ee uu isu rashaxay madaxnimadiisa, sababtuna waxay tahay in Cali Ciise Cabdi sida xogo badan oo kala duwan oo laga helayo magaallada Muqdisho ay tilmaamayaan uu yahay nin ku socda barnaamij loo soo dhiibay lagu burburinayo nidaamka federalism-ka iyo maamul-goboleedada ee ka jira Soomaaliya…Sida laga war qabo Soomaaliya nidaamka dowladnimo oo ay qaadanayso kuma imaan karayo khayaano iyo cudud shisheeye sidii ka dhacday Baydhabo oo ay dowladdu isticmaasho ee wuxuu ku imaan karaa oo keliya heshiis ay ummadda Soomaaliyeed ay isla qaadato!…Nidaamka federal-ka ah ee ay dowladda Soomaaliya hadda ku dhisantahay waa mid ay iyada ku heshiisay, marar badan waxaan maqlaa dad ku celcelinaya federal-ka waxaa inoo soo oqray Yuhuud iyo Amxaaro!…Dalkeena waa burburay dhankii laga eegaba; dhaqan ahaan, mujtamac ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba, heer waxaan gaarnay nin kasta ina damaaciyay, shakina kuma jiro in wax badan laynoo qoray, laakiin waa inaan helno ama aan raadino dariiqii aan ooga bixi lahayn annagoo ka feejignaanayna inaan burbur hor leh ku dhacno. Dagaalka Farmaajo iyo KHeyre ay ku hayaan maamul goboleeddada waa mid asal ahaan la xiriira heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo iyo nimanka Itoobiyaanka ah ee Isias Afewerke iyo Abiy Axmed, sida warar mudooyinkaan dambe soo baxayay ay sheegayaan, ra’iisal wazaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu xil-dhibaannada dalkaas u gudbiyay qoraal uu ku weydiisanayo in nidaamka federal-ka ee dalka Itoobiya lagu bedelo nidaamkii centralization-ka ahaa isla markaasna dastuurka dalkaas laga saaro qodobka 39aad ee maamul-goboleeddada u oggolaaniya in haddii ay doonaanaan ka go’i karaan Itoobiya intiisa kale, isagoo taas uga hor tegaya inay jirto awood si sharci ah uga hor imaan karta, waana taas mid la mid ah siyaasadda ka dambaysa colaadda Farmaajo iyo KHeyre ay maanta hayaan maamul-goboleeddada, ka dib markii ay Golihii SHacabka iska hor keeneen iyagoo xil-dhibaannadi qaar ku laaluushay jagooyin, sida; waziiro iyo waziir-ku-xigeeno oo ay sidaas kaga adkaadeen…Gole-SHacbi ma jiro!… Uma malaynayo inay jiraan, laga yaabo magac ahaan, waxaana laga war qabaa in xukuumaddii ay waysay wax la xisaabtama sidaas daraadeed ra’iisal wazaare Xasan Cali KHeyre uu soo fuulay waajibaad kale oo ah in xukuumadda isla xisaabtanto, wuxuuna axaddii la soo dhaafay furay isla-xisaabtankii kowaad ee xukuumaddiisa. Xil-DHibaannada cusub ee Puntland, mid shaki kuma jiro, Bisha January maanta waa kow, waana maalintii ugu horeysay calendar-ka gregorian-ka ee sanadka 2019ka, waxa aad maanta gooysaan ma noqonayaan mid shakhsi lagu xumayniyo, ama looga aar gudanayo, berina aad ka shalaayi doontid haddii aad maanta is leedahay qof ku xumee ama uga aar gudo!….KHaladkaad maanta gashaana ma noqon doono sidii khaladaadkii horay uga dhici jiray doorashooyinkii middaan ka horeeyay, natiijada doorashadaan qayb ka noqon doontaa qaabaynta cusub ee siyaasadda dalka!…. Waa diginin! Cali Ciise Cabdi, Cir-Ka-Soo-DHac ma aha! Qorshe ayuu ku yimid…oo muxuu yahay?…waqtigaa sheegi doona! Xil-dhibaanka cusubow ka feker, Cali Ciise keliya ma aha rag kale oo murshaxiinta ka mid ah ayaa jira oo qaarkood ay u tartamayaan madax-weyne ku-xigeen oo dhamaantood loo soo diyaariyay inay ciyaaraan,kaalintii Laft-Gareen oo ka ciyaaray Baydhabo inay ka ciyaaraan doorashadaan, si maqaamka maamul-goboleeddada hoos loogu dhigo sida kii Golihii SHacabka ku dhacday markii la kala qaybiyay, lakala laaluushay…Ma Lafta-Gareen baad inoo dooraysaan mise?!… Waxaa iyadana haboon in dad-weynaha reer Puntland aysan shaki kala dhex gelin, sidaas oo kalana aysan isaga hor imaan khilaaf uu sbab u yahay murashaxa Cali Ciise Cabdi, waana inay u toog hayaan xiisadaha ka imaan kara nin kasta oo xukuumadda federal-ka ujeedooyinkeeda guracan u soo galay tartanka doorashada, sidaasoo kalana Odayaasha-DHaqanka ayeey tahay in mar kasta si dhow indhaha ugu hayaan khaladaadka soo bixi kara iyagoo waliba wada jira si talada iyo go’aannada ay gaarayaan aysan ugu kala qaybsamin ama aan dhexdooda loo soo gelin, waana inay ka sii fekeraan oo ay maanka ku hayaan waxay kaga tashan lahaayeen haddii ay dhacdo inuu soo baxo qof aan ku shaqaynayn dastuurka dalka iyo midka Puntland oo raba inuu ku shaqeeyo awaamir ka timaadda madaxtooyada Muqdisho oo khilaafsan qawaaniinta iyo cahdiga ay ummadda dhigatay ujeeddadiisuna tahay inuu ka qayb qaato duminta maamul goboleeddada. Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Qeybta Koowaad HORDHAC Maqaalkaan waxaan oga hadli doonaa xil-sidashaddii Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud 2012-2016 anagoo ka fiirin doonna tilaabooyin kii sii siyaasadda iyo hagitaanka masiirka umadda iyo dalka, sidoo kale waxaan ku eegi doonaa xil-sugashaddii Xasan Sh Maxamuud, waa markii looga guulaystay doorshaddii 2016kii siddii uu xilka u wareejiyay uguna qancay doorashadda u lana shaqeeyay madaxwaynihii asaga bedelay. Kama marna maqaalka dharbaaxyaddii ku dhacday madaxwaynihii soo ariminayay afarta sano dalka filanayayna guusha lagana guulaystay ee uu oga guulaystay siyaasi cusub. Ugu danbayn waxaan faaqiddi doonaa nuuca siyaasi uu yahay Xasan Sh Maxamuud iyo heerkiisa siyaasinimo. Maqaalku waa maqaal dheer oo leh ilaa afar qaybood kana kooban 10bog. ASAL Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud wuxuu ahaa rug caddaa u soo shaqeeyay Bulshadda waqti dheer, wuxuu soo ahaa macalin, wuxuu soo maamulay Ha’addo waxbarasho illaa ha’addo samafal. Wuxuu taladda Dalka qabtay sanaddii 2016 asagoo ka guulaystay Madaxwaynihii asaga ka horeeyay mudane Madaxwayne Sh. Shariif Sh. Axmed. Wuxuu ahaa siyaasi nugu cusub shacab ahaan iyo waliba aduunka guud ahaan. Doorashaddiisii dalku wuxuu kutilaabsaday hormar markay ugu yartahay gaarsiisan umad caasimaddooda isku dooratay. Markii la doortay sidoo kale waxaa laga baxay kumeel-gaarnimaddii, filashadda iyo rajadda shacabka ayaa meel sare tagay qof walibaa hanaan dawladnimoo loo dhanyahay buu sawirtay (ileen waxaa yimid aqoon yahan waxbadan ka duwan dadkii horay Dalkaan usoo hogaamin jiray, luguna doortay meeshii laysku dooran jiray meelka duwan waa caasumadda Dalka e). In Dalku kabaxay kumeel-gaarnimadda iyo in hogaanka Dalka loo dhiibay Macalin meelo badan kasoo shaqeeyay waxay dhistay rajjo iyo filasho gaaray ‘meel aan loo baahnayn’ waxay naga qariyeen labadaas arin wixii aan ahayn, xaqiiqaddii gobolka, iyo tii qarniga. Dalka waxaa ka jiray walina ka jira is aaminaad darro, kalashaki, bisayl la’aan iyo cayr nimo dhaqaale iyo Dawladnimo intaba. Waxa aanan sifiicanna u aqoon waxa aan u dhiibnay Xasan Shiiq (yacnii nuuca dalwadnimo e uu hogaanka kayahay ma aanan ufiirsan). Waxaan u dhiibnay Dawlad kutiirsan cilmi, caqli, iyo cudud shisheeye, canshuur aanan siin. Waxaan udhiibnay Dawlad aan qoran ciday rabto e loo qoro ciddii larabo, Dawlad ay ciidan u yihiin haraadigii intii Dalkaan ku hardami jirtay oo is nacaynaya, Dawlad ciiidan keede uu qorto qofkii dayraa iyo qofkii Daanburigu u ganbiyo, Dawlad aan la aqoon waxa ay leedahay, Dawlad waxay leheed xoog loog haysto Guryo, Gaadiid, Gayi, iyo Garawsiyo intaba. Shacab waynaha Soomaaliyeed waxay aamin sanaayeen in barwaaqadda kumeel-gaarnimaddu un in ay nooga aadan tahay hadiiba la jabshay darbigaasana cagaarkii iyo barwaaqaddii lugu ekaan doono, mase dhicin waayo waxaa naga dahsoonaa waxyaabo badan, waxaan iloownay in aan joogno Dal wixii ceeb ahaan jiray ay caaddo yihiin. Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugsiga beesha caalamkaan biilka bayt keenna ka sugnaa, waxaa ceeb ahaan jiray beenta iyo sirta, midba midbuu siraa siriqna u qoolaa, gobolba gobolluu gallaalaa. Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugnimadda waxaad arkaysaa Tuug laankaruusar watta, bal aduguba xusuuso imasa tuug ayaad taqaanaa kuna aragtaa ayakoo rooraya maka al-mukarama inta aan soo sheegay waxay ahaayeen caqaboddo ku hor gudbanaa Dawladnimadda suuban, iyo qarannimo qiimo leh hadana waan iska indhotirnay mana aanan garawsan. Hadaan intaas garawsan lahayn waa loogaraabi lahaa duqa dhoola cadayntiisana waa la qaadan lahaa. Shacabka Xasan Shiiq u dawladaynayay waxay ahaayeen shacab Dawladnimadda iska ilaalinaya kana baqaya, Dawladda luguma aaminin Diiq jaban bal iskaba daa’ in qof dhani ku aamino naftiisa, Amni ahaan, iyo masiir ahaanba. Dawladda cidi iskumay aaminin waxtarna lagama sugo., Dawladda qof kastaa wuxuu diyaar ula ahaa boob iyo kala badsasho, sidaan waxaa keenay shacabku waxayka yimaadeen 10sanoo maxaakiim gaar loo leeyahay iyo qab-qablayaal ah. 10sanoo dagaal sokeeyaa, iyo 20sanoo kaligi talisnimo ahh, waxaa kasii horeeyay xukuumaddo raydid ah oo aan tabarbadnayn. Dawlad micno leh ee dalkaan kasoo hana qaaday waxay aheed Dawladdii kacaankii iskibriyay ee uu hor boodayay Maxamed Siyaad Barre, Dawladiisa waxaa la oran jiray “Dawladdii Siyaad Barre” taasi waxay keentay markii asaga la waayay in Dawladdiina la waayay waayo may ahayn Dawlad aan anagu dhisanay. Maamulkii kacaanku wuxuu dhexdhigay Dadka, kala shaki, is aaminaad darro, Dawladnimadda ayuu nacsiiyay Dadkii markii horaba aan Dawladnimadda sifiican u aqoon waayo xarnimadaba waxaa la qaatay maraan dheerayn oo galti ayaa laga ahaa Dawladnimadda. Dawladdii kacaanku waxay samaysay kutagri fal awodeed, dhaqaale, aragti iyo xuriyad intaba taasoo qaraarka dhigtay dawladnimadda, Dadgaara ayaa la beegsaday, toogashaa u yareed wax laysku xukumo xiliyaddii danbe. qofkii kacaanka u bogi waaya waxaa la marinjiray cinqaab. Dawladdu waxay u muuqatay midaan shacabka rabin shacabkuna sidaas ayay u naceen Dawladda. Dawladdu way boobijirtay shacabka, shacabkuna Dawladda wuu boobijiray meel ay ku heshiiyeen majirto. Shacabku waxay u baahnaayeen in Dawladda la heshiisiiyo si loogu Dawladeeyo. Kacaankii dalkaan soo xukumay dawladnimadda way dhaameen shacabka iyo dawladdiisa waxay dhexdhigeen colaad, waxay dawladnimadda ka muujiyeen suurad xun, quus ayay dadka geliyeen is aaminaad darro wayn ayaa dadka Soomaaliyeed dhexdhigeen, dagaaladdii sokeeyana arinka way oga siidareen. Waxaa kaloo jirtay ayaduna arin kale oo aan la wadaagno Afrika. Afrika awoodaha dawligaa ayaa laga sameeyaa hantidda sidda badanna aragti nuucaas ah ayaa siyaasiyiintu xanbaar sanyihiin. Xasan shiiq xiligii uu xukunka la wareegay cid walbaa ma aysan qoran jiran shaqaale dawladeed la ma na dooran jirin ushaqaynta dawladda dadka waa lugu baryijiray sidaasooy tahay waxaa qasab aheed in uu helo dad la shaqeeya lana xambaara dawladnimadda. Asakarta waxaa qoran jiray qofka nolosha kadhacay e loo yaqaan “dayradda” siyaasiyiintuna baddi waxay ahaayeen haraadigii halgamayaashiii dalkaan kusoo halgamay labaatankii sanoo dawlad la’aanta iyo wakiilo kasocda danleey. Xaaladda dalku waxay maraysay meel aan la qiyaasi karin muddo dheer ayuu dalku soo burburayay wuxuu u baahnaa waqti badan iyo dadaal dulqaad la jiro siyuu u soo kabto. Waxaa harsan qaybo kala ah 1- Xil-sidashaddii Xasan Shiq (2012-2016) 2- Dabarkii dawladdii Xasan Shiiq 3- Xil-sugashaddii Xasan shiiq (2016- 2020) 4- Xanjafintii Febraayo 5- Siiyaalka siyaasinimo ee Xasan Shiiq 6- Gaban-gabo Waxaad kala socon kartaa wabseedyadda aan wax ku qoro, barahayga bulshadda iyo bartayda aan ku leeyahay baloogga sumaddiisu tahay Calicabdalla.blogspot.com W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” www.facebook.com/cccimaam twitter@aaaimaam Instagram@CCCimaam Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Marka hore rabbi ha janneeyo, dadkii sabtidii ku naf waayey weerarradii bahalnimada ahaa ee kooxaha nabad diidka iyo diin rogaalka ahi ay ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho. Weerarradaas dadka ku qudh go’ay waxaa ka mid ah; AHU wariye Cawil Daahir Salaad iyo wariyayaal kale. Muqdisho waxay noqotay magaalo ehel u ah; dil, dhac, qarax, kufsi, ku qabso ku qadi maysidee iyo waliba dulmiyo aan daah saarnayn oo har iyo layl shacabka Muqdisho dhex muquurtaan. 28 kii sano ee la soo dhaafay, waa ay yartahay maalin Muqdisho dil xaqdarro ah uu ka dhicin. Quri walba oo qof Soomaali ahi leeyahay waxaa taallay tacsida qof ehel ah oo si xaqdarro ah lagu dilay, balse Muqdisho waa ka ayaan darantahay magaalooyinka kale, oo hal kii sanoba baroordiiqda qof xaq darro lagu dilay guri walba oo Muqdisho ka mid ah ayey tallaa. Taasi waa tilmaame tilmaamaya heerka uu gaarsiisanyahay tacaddiga aan kala joogsiga lahayn ee dadka reer Muqdisho sanad walba marti-geliyaan.waa arrin lala yaabo, balse waxaad sii amakaagi doonta marka aad ogaato in dadka Muqdisho ku nool malaayiin doollar canshuur ahaan looga qaado taasi oo gurrada loo geliyo kuwa sheegta in ay masuulka ka yihiin shacabka. Qaraxyada iyo dilalka joogtada ah waxaa dulmane u ah shacabka tabaallaysan ee canshuurta laga qaado, kuwa madaxda sheegta iyagu waxay lacagtii shacabka ku iibsadeen baabuur bullet proof ah iyaga oo aan wax wal wal ah qabin ayey daafaha magaalada isaga gooshaan, haa , xaq ayey u leeyihiin oo waa madax bartilmaameed ah oo sugidda ammankoodu muhiim yahay, balse masuuliyiintu waxay gabeen masuuliyadoodii. Masuuliyiintu, waxay sugi la’ayihiin amniga 2 million oo qof oo Muqdisho ku nool, maalin walba waxaa xasuuq loo geysta shacab dhibaateysan, waliba kuwii u geystay cid qoray ka daba tuurta ma jirto, waxaana laga yaabaa in ay kuwaasi u hoydeen guryo u dhow guryaha ay habeenkaas baroorta iyo tacsidu taal. Shacabka Muqdisho arrintaas waa ku dhaliilanyihiin oo cidda maalin walba xasuuqeysa waa ayaan darro in ay gudaha magaalada ku hoydaan.waxaa la doonaya in qof walba uu masuul iska saaro sugidda ammaanka guud ee magaalada Muqdisho. QARAXA YAA FULIYA? Waxaynu maqlana qarax ayaa dhacay, balse qarax walba oo dhaca waxaynu si toos ah masuuliyadda ugu saarnaaa Al-Shabaabka tooska ah ee buuraha iyo hawdka ku jira, ma jirto cid is weydiisa; cidda gudaha magaalada soo gelisa baabuurka, meesha lagu soo farsameeyey, guryaha ay seexdaan kuwa abaabula qaraxyada iyo su’aallo kale oo badan oo u baahan in astaan weydiimeed weyn la hor dhigo. Haa qaraxa salkiisa ugu hooseeya waxaa iska leh Al-shabaabka tooska ah, balse waa yartahay inta oga in ay jiraan Al-shabaabka dadban, WAA KUWAMA ALSHABAABKA DADBAN? Al-Shabaabka dadban waa kuwo ila nool, kula nool oo inala wada nool.waa kuwo baska kula raaca , waa kuwo tukaanka kaala adeegta waa kuwo kula baroorta wakhtiyada ay qaraxyad dhacaan iyaga oo ilama yaxaaslaynaya. Maalin walba waxaan maqalnaa qarax ayaa dhacay, meesha uu qaraxu ka dhacay waa meel aad muhiim u ah, waxaa ka sokeeya ilaa shan isbaaro oo baaburta iyo dadka lagu baaro, meeshaas waa adagtahay in uu gaaro gaari aan la aqoon, gaariga isbaarooyinkaas oo dhan dhaafay ee haddana is qarxiyey cid ay marayso ma jirto in la yiraahdo al-shabaabka uun toosan ayaa ku leh. Waxaa inoo cad haddaba in ay jiraan Al-shabaabak dadban oo gacan libaax leh ka qaata dardar gelinta qaraxyada, dilalka iyo dulmiyada kale ee ka dhaca Muqdisho. Al-shabaabka toosani waxaa laga yaabaa in uu ku jiro baarlamanka, wasiirrada, agaasimayaasha, taliyayaasha iyo waliba ciidamada ammaanka. Waxaan iri ; maska cunaya ruuxdisa cuna qaban caruurtiisa Misna caana siinaaya Car yaa garan ciyaartaas?. Al-Shabaabka dadban waxaa soo gala ganacsatada iyagu canshuurta siiya Al-shabaabka tooska ah, blase ganacsatada waa loo garaabi karaa oo ammaankoodii waxaa gabay kii ay canshuurta siiyeen ee masuuliyaddaas lahaa. Al-shabaabka dadban waa kan ay tahay in soo afjariddiisa ahmiyad gaar ah ay kuwa saxda ah ee dawladda ku jira iska saaraan. AMMAANKA MUQDISHO MAXAA KA QALDAN? Ammniga caasimadda Muqdisho waa arrin muhiim ah, waxay muhiim u tahay sharafka iyo cisada dawladda , waxay muhiim u tahag nafta shacabka reer Muqdisho.Muqdisho waa udub dhaxaadka dawladnimada soomaaliyeed waana meesha ay Al-shabaab hadda iyo goor qaraxyada iyo hawlgalladooda kale ka fuliyaan, waayo waxay ogyihiin qaraxa Muqdisho ka dhaca xaaladda uu abuuri karo iyo in uu si fudud caalamka ku gaarayo, taasi oo Al-shabaab ay doonayaan in ay ku muujiyaan awooddooda maadama ay awood u leeyihiin in ay weerarro ka fuliyaan gudaha caasimadda walibana meelo iyo dad muhim ah beegsadaan. Haddaba caasimadda ammaankeeda maxaa ka qaldan? , ma dawladda ayaan daacad ka ahayn xasilinta caasimadda?, ma ka dhabbaa oo dawladdu waxay sugi la’adahay amniga 2 million ee caasimadda ku nool? , ma arrimo kale oo aanan ogeyn ayaa jira?. waa su’aalo u baahan in aad loo lafa guro markaasna la isku dayo in la fahmo isha ammni darrada caasimadda. anigu shakhsi ahaan waan qaadan laa’ahay in dawlad dhan ay ammaanka caasimaddeda sugi la’adahay waliba meelaha muhiimka ah oo weerarro ka dhacaan inta badan . Laba arrimood middood ayaann arrintaas anigu u sababayn lahaa oo aan is leeyahay waa ay keeneysaa amni darrada caasimadda ;1) In laamaha ammanka ay ku dhex jiraan al-shabaabka dadban kuwaasi oo iyagu fudeydiya fulinta falalka argagixiso. 2) in dawladdu aysan ba wax dan ah ka lahayn suggidda amaanka Muqdisho oo dadkii masuuliyaddaas lahaa ay ku jiraan siyaasado iyo xaalado kale oo gaar ah. Labadan qodobba haddii ay jiraan waa arrimo halis ah; una baahan in si degdeg ah loogala xisaabtamo cidda masuuliyaddaas leh. Macquul maahan in amniga caasimadda sugitaankeedu uu adkaado, maalin walba waxan maqalnaa dhalinyarro ayaatabobbar u soo idlaaday haddana lama arko meel ay aadaan oo wax kale iska daayee xitaa waxay sugi kari la’ayihiin amniga caasimadda. Malaayiin doollar ayaa ku baxa ciidamada ammaanka Muqdisho. Arrinta sugidda ammaanka Muqdisho waa arrin ay fari ku godantahay, waxay dad badani shaki ka qabaan qarxyada hadda iyo goor shacabka lagula beegsanayo meelaha aadka muhimka h ah . MAXAA KA QALDAN XOREYNTA DALKA? Waxan laqi la’ahay in kooxda daciicfka ah ee Al-Shabaab laga xoreyn la’ayahay gobolka ay haystaan , waxaan is weydiinayaa su’aalo fara badan oo ku saabsan sababta keentay in Al- shabaab oo 2, 000 kun oo wiil ka yar, dawladdana ay ciidamadeeda diwaanka gashan ku sheegay 9, 000 oo waliba aad u qalabaysan marka loo eego dhanka kooxda argagixisada ah ee alshabaab. Su’aalaga aan anigu xoreynta dalka iska weydiinayo cid iig jawaabta ma hayo, balse waa laga yaaba in cidda ay khuseyso cudur daaro keen san karaan. waa habartii tiri; ” gabadhayda ninkaas feeraha wayni kama dhali waayinee hagrashaa jirta”, sidaas oo kale waxaan aamminsanhay in Al-shabaab aan laga adkaan kari waayin balse ay hagrasho jirto sabab kasta haku timaaddee, waxaase muhiim in cidda masuuliyaddaas leh ay maanka geliso in jiritaanka kooxda shabaab ay tahay qoxandho ku mudan dawladnimadeenna. GUNAANAD Guntii iyo gabagabadii waxaan rabaa in aan cid walba oo masuuliyad ay dalkaan ka saarantahay aan u sheego, cidda masuuliyadu saarantahay maahan keliya kuwa madaxda inoo ah ee majaraha dalka u haya , waxaan u jeedaa oo la hadlayaa cid walba oo mustaqbalka dalkaan rejjo ka leh oo dooneysa in ay dhaxal lagu tannaado ay kuwooda dambe uga tagaan , waxaan anigu leeyahay ; Soomaaliya waa guri aynu wada leenahay nadiifinteeda iyo qurxinteedana waxaa waajib ah in aan masuuliyad isaga saarno sida ay gurigeenna masuul uga nahay. haddii aynu sidaas yeeli wayno waa in aan gaawaha u culannaa; nolosha dugaagga ee aan turidda iyo tabasho gudbintaba lahayn. W/Q: Yacquub Xayir Email: yacquubxayir2625@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xildhibaan C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada Dhuusomareeb, waxaana kadib uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug. C/raxmaan Odowaa ayaa ka bilaabay deegaanada Galmudug sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhaxeysa madaxda Galmudug oo sababtay in labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug. Odowaa, wuxuu maalmo kahor sheegay in qorshihiisa seddexaad ee uu u tagay magaalada Cadaado ay aheyd sidii dhex dhexaadin looga sameyn lahaa madaxda Galmudug ee is khilaafsan mudada dheer, waxaana uu kulan la qaatay madaxweyne Xaaf. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxda maamulka Galmudug, isla markaana la isku soo dhaweyn lahaa. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  5. Eryida la raacdeeyey Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ma aha amuur sahlan. Waa qadiyad meelo badan taaban karta. Qaramada Midoobay waxaa Soomaaliya ka [...] Source
  6. Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Gaas, Puntland oo labaatan jir ah buu labo jir u celiyay, laakiin Cali Ciise inuu laqmiyuu rabaa! Shaxdu mid qarsoon [...] Source
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-wararka-010119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waloow inta badan ay mas’uuliyiinta iso shaqaalaha QM ay waddanka ka maqan yihiin, haddana warka ah in dowladda Soomaaliya ay waddanka ka ceyrisay ergayga xoghayaha guud ee QM u qaablisan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhammaan xerada Xalane oo xarun u ah hay’adaha Qaramada Midoobay. Ilo-wareedyo ku sugan gudaha xarunta ayaa inoo xaqiijinaya in ay dhammaan hal mar istaageen xafladaha dabbaal degyada sanadka cusub oo xalay soo billowday, kadib markii uu soo dhacay warka waddenka looga mamnuucay ergayga, taas oo cabsi u walbahaar ku abuurtay shaqaalaha howsha xafiiska soo wada. Madaxda xafiisyada muhiimka ah ee QM ayaa la filayaa in ay soo gaabiyaan fasaxyada sanadka cusub oo ay dalalkooda ku joogaan, si ay ula tacaalaan xaaladda taagan oo ah mid ugub ah marka loo eego go’aanka dowladda Federaalka ah oo lama filaan ahaa. Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka ah ayaa caawa shaacisay in aan waddanka looga baahneyn Nicholas Haysom, maadaama uu ku xadgudbay madaxbannaanida dalka, sida loo dhigay qoraalka lagu eryay Haysom. Ergayga oo iminka fasaxa sanadka cusub ku maqan ayaa shalay soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo dowladda Soomaaliya. Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa ahaa mid marnaba aysan beesha caalamka ku fakarin in madaxda Soomaalida ay qaadan karaan, ayaga oo mar walba rumaysnaa in beesha caalamka ay tahay tan leh go’aanada siyaasadeed ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed ayaa lagu wargaliyey Xoghayaha Guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa in [...] Source
  10. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay goordhow waxaa ay shaqo joojin ku sameysay ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Haysom. Arrintan ayaa timid 24 saac kadib markii ergeyga uu codsaday in Villa Somalia ay fasiraad ka bixiso arrintii ka dhacday Baydhabo. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba sheegtay in dalka uusan ka shaqeyn karin wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii la sheegay inuu jibiyay madax banaanida dalka. Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom. Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankani uu salka ku hayo ka dib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya, si bareer ahna u fara geliyey madaxbanaanida dalka. Arrintan ayaa timid kadib markii Haysom uu soo saaray warqad uu wasaaradda amniga kaga dalbanayo in lagu cadeeyo hanaankii loo maray xariga Roobow iyo dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka laga eryay, islamarkaasina uu ku xadgudbay siyaasada dalka ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay warkaan. Hoos ka akhriso. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ka eriday Wakiilkii Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  13. Horay baa loo yiri, “Miskiin baa miska la fuulo leh“. Maalmahaan waxaa Muqdisha ka socda qorshe burcadnimo ku dhafan tahay, ee loo maleegay bulshada degan Degmada Dayniile. Bulshadaas badankeedu waxay ka kooban tahay qoysas Goofley ah oo qarniyaal badan noloshoodu ku tiirsaneyd tabcashada waambaha, moxogga, digirta, dhaqashada ariga iyo lo’da. Waxay Caasimada Muqdisha usoo suuq geyn jireen cawska xoolaha la siiyo, qoryaha la shito, caano iyo subag sixan ah. Noloshoodu waxay ahayd mid is-bixisa oo si buuxda ugu filan. Dhulkoodana waxay ka ilaalin jireen Nabaadguur iyaga oo u tura dhirta iyo makhluuqa kale ee la nool oo ay quraanshadu u yar tahay. Saraakiishii Soomaaliya afgembiga ku qabsaday 21/10/1969 waxay durbadiiba bilaabeen in ay deegaanka Dayniile iyo hareerihiisaba ka dhisaan xerroyin Milateri. Sida la wada oggsoon yahay Mileteriga sidiisaba waxaa loogu tala galay in ay dalka ka difaacaan cadwga dibadda. Waxaana aalaaba la dejiyaa jiidda hore ee xuduudaha dalka. Balse ciidamadii la dejiyay Dayniile waaxaa loogu tala galay in lagu difaaco Golihii Sare ee “Kacaanka” waayo xukunka waa ay boobeen, hay’adihii dastuuriga ahaa & xildhibaanadii la soo doortay sida Baarlamaanadii (1960-1969) waa ay kala direen, Dastuurkii 1960 ee aftida loo qaaday waa ay laaleen. Saraakiishaasi waxay cadaadis xooggan dul dhigeen beelihii Mogadishu Clan sida Abgaal, Murusade, Wacdaan, shiiqaal iyo gaaljecel, iwm ee degenaa hareeraha Caasimadda. Bulshada Dayniile, xilligii dheeraa ay askartu dalka xukumaysay waxaa la soo deristay dhibaatooyin fara badan, oo aan halkaan ku soo koobikarin. Balse ma aysan qixin oo waa ay adkeysteen. Muddo ka dibna waxay hormuud ka ahaayeen kacdoomadii mucaaradka hubeysan ee soo afjaray kalitalisnimadii nabadda iyo nolosha shacabka raggaadisay. Waxaa Ilaahey mahaddiis ah in ay maanta dalka ka dhisan tahay Dawlad federaali ah, oo aan ku imaan qorayga caaraddiisa. Haddaba, bulshada waxay rajo weyn ka qabaan in dhulkoodii loo soo celiyo, magdhawna laga siiyo dhibaatooyinkii loo geystay iyo horumarkii loo diiday. Nassibdarro, waxaa dhacday in xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo ku abtirsada beesha Murusade ee degta Dayniile ay mar labaad haweysanayaan in ay shacabka masaakiinta ah dhulkooda ka boobaan. Iyaga oo sameysatay Guddi Maqaar Saar ah, oo aan lagala tashanin dadkii deganaa Dayniile ab- ka-ab. Waxaa la yaab ah, halkii ay shacabka deegaanka ku taageeri lahaayeen in ay si madax-bannaan u dhistaan Guddi iyaga iyo danahooda matala, waxay xildhibaanadu doorbideen in ay iyagu u noqdaan Guddi Ismagacaabay. Waxaa soo if baxday in Xildhibaanadii ay u xuubsiibteen Guddiga Arrimaha Bulshada. Su’aashu waxay tahay, maxaa xildhibaanda ku kalifay in ay sidaas u dhaqmaan? jawaabtu waa ay fudud tahay. Waxay rabaan in aagga u dhaxeeya shacabka dulmanaha ah iyo xukuumadda uu R/W Kheyre madaxda ka yahay, ay ka dhex furtaan Xafiis Dalaalnimo. Waxay rabaan in ay dhulka/hantida ay goofleydu milkida u leedahay ay iyagu maamulaan: In qeyb dhulka ka mid ah ay ku laaluushaan madaxd a iyo saraakiisha sarsare ee Dawladda, qeybna ay ka dhigaan danguud, qaarna iyagu qaataan/ama caddeystaan, cadka yar ee soo harayna ay goofleeyda saboolka ah ay ku hafraan. Waxaa taas ka sii daran Qeyb kasta ay qolo siiyaanba, saami qarsoodi u ah ayey ku sii leeyihiin. Waxaa kaaga sii daran, waxay rabaan dhaqaalihii sida silaca, saxariirta iyo burcadnimada ah ay ku soo uruuriyeen in ay mar seddexaad ku iibsadaan kursaasta xildhibaanimo ee labada aqal, ee duurashada 2020/21. Cabashadu intaas waa ay ka sii riiq dheer tahay, balse waxaan ku soo koobaynaa, in xildhibaanadu beesha Murusade qandigooda hadda maran, ay salka ka sii dhigtaan arrimaha soo socda: Madaxweyne Maxamad cabdulaahi “Farmaajo” ma ahan M. Siyaad Bare, ma ahan kali taliye, mana ahan laaluush qaate. Wadanka waxaa lagu maamulaa Dastuur ku salaysan Dimuqaraadiyad, caddaalad, iyo sinnaan, mana ahan Golihii Kacaanka ama XHKS (xisbigii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed) Bulshada Goofleyda ah hantidooda idinku xaq uma lihidiin in aad iibisaan, dadkale ku laaluushtaan, dad u qeybisaan, ku takri fashaan, ama aad dallaaliin ka noqotaan. Dib u eega awooda uu Dastuurku idiin oggol yahay inta ay la’egtahay. Fadlan, isku daya in aad ummadda ka xishootaan, hantidoodana ay adinka badbaado, maamulkeedana aad fara kala baxdaan. Dhalinyarada beesha Murusade waxay diyaar u yihiin in ay sharaftooda iyo dhaxalkoodaba ay ku difaacdaan waddo sharciga ah. Lasoco Qaybta 2 aad insha allah Qore:-Maxamed Maxamuud Warsame Email:-banaadir1982@gmail.com Muqdisho-Somalia
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka “aanan laga rabin” wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan arrrimaha dalka, Nicholas Haysom. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in go’aankaan uu yimid markii uu Haysom soo farageliyay arrimaha gudaha ee dalka, islamarkaana uu ku xadgudbay madax-baanimadda qaranka Soomaaliya. Nicholas Haysom oo dhowaan soo saarey war-saxaafadeed ayaa kaga hadlay xarigii Roobow iyo waliba rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo bishii December ee sanadkii tegay 2018. Ugu dambeyntii, wasaaraddu waxay shaacisay in laga bilaabo 1-da bisha Janaayo 2019 aanan dalka ka shaqayn karin Haysom. Hoos ka akhriso warqadda wasaaradda The post DFS oo sheegtay in wakiilka UN-ka uusan dalka ka shaqayn karin appeared first on Shabelle. View the full article
  15. PRESS STATEMENT 01/2019 The Special Representative of the UN Secretary-General on Somalia, Nicholas Haysom, condemned in the strongest possible terms today’s indirect fire attack on [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran, ayaa soo dhoweeyey waraaq uu qoray Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaablisan Soomaaliya, Nicolas Haysom, u diray DF oo ku saabsan dhacdooyinkii Baydhaba ka dhacaykadib xarigii mukhtaar Roobow, waxayna dalab u direen dowladda Mareykanka. Warqaddaas ayaa dowladda looga dalbaday inay soo bandhigto faahfaahin ku saabsan gabood falyadii ka dhacay Baydhaba iyo xarigii Mukhtaar Roobow. Kudlada Badbaado Qaran waxaa ka mid ah xildhibaanada xisbiyada Nabada, Wadajir UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan weli xisbiyo ka mid ahayn. Qoraalka xildhibaanada Kudlada ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale soo dhowaynaynaa walaaca ay ka muujiyeen dalalka, Ingiriiska, Jarmalka iyo ergada ka socota Midowga Yurub dhaqanka ciidanka amniga ee ku sugnaa dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed” Dhinaca kale, Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Mareykanka ay ka aamustay arrintan. “Waxaa wax laga xumaado ah aamusnaanta Maraykanka ee ku aaddan arrimaha qallafsan ee siyaasadeed Soomaaliya gaar ahaan sida Xukuumadda Federaalku ugu tumato shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Marka la eego dhaqanka soo jireenka ah ee dawlada Maraykanku ugu ololeyso dawlad wanaagga iyo dimoqraadiyada, waxa aan la fahmi karin in Maraykanku ka aamuso ku tumashada xuquuqda aadamaha ee aan geed loogu soo gabban oo ay ka mid tahay xoogga xad dhaafka ah ee loo isticmaalay shacabka Baydhabo taas oo sababtay dhimashada qiil la’aanta ah ee 13 qof oo uu ka mid yahay xildhibaan degaanka ah, dhaawac faro badan, caburrin siyaasadeed, xannibaad ka dhan ah xorriyada qawlka, isu imaanshaha, urur ka mid noqoshada, iyo dhaqdhaqaaqa oo intaba dastuurku lama taabtan ka dhigay” Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanada oo dhamaystiran.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqanka iyo duubabka beesha Mudulood iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha oo ku jira baarlamanka Soomaaliya ayaa saaka kulan quraac ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa daba socday kulankii dhowaan dhex maray xildhibaanada iyo siyaasiyiinta rug cadaaga ee beesha Mudulood ee ku saabsanaa xaaladda dalka. Kulankan ayaa xildhibaanada waxay warbixin ku siiyeen dhaqanka beesha, waxayna u sheegeen in siyaasadda dalka ay ku sii socoto xaalad mugdi ah, sida ay hadalka u dhigeen oo aan la garaneyn meesha ay ku dhammaan doonto. Xildhibaanada Mudulood ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in loo baahan yahay in loo istaago sidii khararta soo socoto looga hortagi lahaa. Xildhibaanada Mudulood waxay sheegeen in hoggaanka waddanka uusan diyaar u ahayn in uu ixtiraamo dastuurkii ay ku yimideen, ayna ku mashquulsan yihiin la dagaalanka siyaasiyiinta aan ku aragtida ahayn iyo maamul gobaleedyadi dhibka lagu soo dhisay, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay maanta ka billaabatay “kali-talisnimo, caburin siyaasadeed iyo handadaad iyada oo si ula kac ah loo jebinayo dastuurka” Waxaa kale oo ay sheegeen in gobalka Banaadir ay u dheer tahay jidgioyooyin aan wax macno ah loo eegin, oo dadweynihii gobolka ay ka ganacsan la’yihiin. Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay “in loo caqli celiyo hoggaanka dalka, lagana hortago dhibaato aan beri waxba laga qaban karin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saarey madaafiicdii lagu weeraray xerada Xalane. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka Hoobiyeyaasha ay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalaha UN-ka iyo shaqsi Qan-daraasle ahaa. Ergayga Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ufadhiya Muqdisho, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarka madaafiicda ah. Haysom ayaa soo kabasho deg deg ah wuxuu urajeeyay dhibanayaasha, kuwaasi oo dalalka ay udhasheen aanan la shaacin. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada falkaan waxay tibaaxday inay 7 madfac oo ay gantay ay gudaha ugaleen dhismaha ugu muhiimsan QM. The post QM oo shaacisay khasaaraha madaafiicda lagu weeraray Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka tirsan golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee [...] Source
  20. (SLT-Muqdisho) Faah faahin ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidanka AMISOM, isla markaana ay ku yaallaan Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo safaaradaha Ajnabiga ee jooga Dalkaasi Soomaaliya. Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya saameynta madaafiicda hoobiyeyaasha oo gudaha ugu dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee UNSOM. Illaa afar madfac ayaa ku dhacay xarunta UN-ka, waxaa la sheegayaa in labo ruux oo shaqaalaha UN-ka in dhaawac ka soo gaareen. Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyeyaasha ku dhacay hoyga Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey. Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta loo dabaal degayo sanadka cusub ee 2019, isla markaana inta badan shaqaalaha UN-ka iyo kuwa kale ee Ajnabiga ay fasax yihiin. Source
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgalka nabad-illaalinta ee Soomaaliya ee AMISOM, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Hoobiyeyaal maanta lagu weeraray agagaarka xeradda Xalane ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Taliska AMISOM oo qoraal kooban soo dhigtay koontadda ay ku leeyihiin Twitter-ka ayaa tilmaamtay in bartilmaameedka madaafiicda ay ahaayeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Bayaanka ayaa lagu xusay in madaafiicda aysan ku dhicin badankooda gudaha dhismaha, inkasta oo sawiro laga soo qaaday ay muujinayaa burbur ka dhashay oo sameeyay xafiisyada qaar. “Madaafiicda beegsigooda wuxuu ahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhamaantooda ma aysan ku dhicin bartilmaameedkooda. Xaaladda haatan waxay ku jirtaa gacanta maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay ayaa sheegtay in madaafiicda ay gudaha ugu daateen saldhiga Xalane, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay, inkasta oo aysan cayimin. Xerada Xalane oo ku taala meel ku dhow madaarka Aadan Cadde ayaa waxay degaan utahay saraakiisha ugu sareysa howlgalka Qaramada Midoobay, Diblumaasiyiin iyo Ajaaniibta dalka ku sugan The post AMISOM oo ka hadashay Madaafiic ku dhacday xaafada Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midobay iyo ruux qadaraasle ah ay ku dhaawacmeen, mana la sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarka. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. “Weerarkii maanta ee ka dhacay xarunta Weyn ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho, wuxuu jabinayaa Xeerarka caalamiga ah ee bini’aadanimada, Waxaan ka xumahay falkan aan idmaneyn ee gardarada ah kaasi oo ka dhan ah shaqaalaha, waxaan u rajeynayaa caafimaad deg deg ah kuwa naga dhaawacmay”. ” Ma jiro qorshe siyaasadeed loo adeegsan karo colaadaha oo si ula kac ah loogu bartilmaameedsanayo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee taageera isku dheelitirka nabadda iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM. Weerarkii ayaa sababay dhaawaca shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaasi oo ku sugnaa xarunta xalane. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-010119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article