Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,203
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyay sababtii loo eryay Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Wasiir Cawad ayaaa shaaca ka qaaday in Haysom uu gef weyn ka galay Qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kalena uu dhinac maray shaqadii diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sida uu hadalka u dhigay. Axmed Ciise Cawad ayaa intaasi ku daray in wakiilku uu galay khaladaad badan, una dhaqmay, sida nin madax ka ah Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cawad.mp3 The post Wasiir Cawad Oo ka hadlay Eryiddii Nicholas Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay tilaabo dowlada Soomaaliya ay dalka uga eriday safiirka Qaramada ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Mudane Cawad ayaa ku eedeeyay Haysom in uu ku xadgudbay qaranimada dalka Soomaaliya islamarkaasina uu u dhaqmay sidii in uu dalka isaga maamulo. Waxa uu sheegay in xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen in dalka aan looga baahneeyn Nicholas Haysom. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Haysom uu dhowr jeer uu sameeyay falal lid ku ah qaranimada dalka Soomaaliya. Ugu dambeeyntii wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in Haysam uu dalka isaga baxo sida ugu dhaqsiyaha badan. Haysom ayaa xafiiska la wareegay bishii Octobar ee sanadkii tagay 2018-ka waxaana uu hayaa safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay 3 Bil oo kale ah . Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/Wasiirka-Arrimaha-Dibadda-Soomaaliya-goaanka-Wakiilka-gaar-ah-Qaramada-Midoobe-ee-Soomaaliya.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Cawad ” Si Deg Deg ah Haysam ha uga baxo dalka” appeared first on Puntland Post.
  3. United Nations Secretary-General António Guterres strongly condemned Tuesday’s attacks against the UN compound in Mogadishu, the capital of Somalia, saying that intentionally attacking UN personnel [...] Source
  4. Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa nabad ugu baaqay beelo walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Waxa ay xildhibaannadan sheegeen in ayaan darro weyn ay tahay in xilligan ay dad Soomaaliyeed isku dilaan aano qabiil, iyaga oo ku baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo. Xildhibaannadan ayaa ka dalbaday waxgaradka Soomaaliyeed iyo maamullada ka jira deegaannada la isku hayo in ay kaalin ka qaataan nabadda iyo isku keenista shacabka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-XILDHIBAANADA-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Faah faahin dheeraad aha ayaa ka soo baxeeyso shil gaari oo qasaare geeystay oo ka dhacay duleedka degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Beer oo dhacda duleedka degmada Burco. shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari booyad ah iyo gaari nooca rakaabka qaada ee Baska oo xiligaasi siday dad rakaab ahaa. Waxaa halkaasi ku dhintay 8-ruux oo ahaa dadkii saarnaa gaariga Baska waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 5-ruux. Cabdilaahi Cabdi Cali oo kamid ah Ganacsatada Burco oo la hadlay Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay shilkaasi gaari. Shilalka gaari ayaa ku soo noq noqda deegaanada Soomaaliland oo ay dad badanina ku dhintaan. Hoos ka Dhageeyso Waxaa wareeystay Wariye Cowke oo PP-katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/Wareeysi-Shil-Gaari-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post 8 Ruux oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Burco appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid baarlamaanka ayaa su’aalo cajiib ah ka keenay warqadii xalay kasoo baxday xafiiska wasaaradda arimaha dibadda, waxaana qoraalkiisa uu u qornaa sidan:- Awoodda Ergaygu waa mid ku tiirsan xoogga ciddii soo dirsatay, awoodda ninka wax eryayna waa mid ku tiirsan awoodda kan la eryay!,waxaan hubaa degdegta lagu soo saaray, waqtiga la soo saaray iyo saamaynta ay dalka ku keeni karto intaba warqaddaas inaan si qoto-dheer looga baaraan-degin. Kalimadaha “Wadaniyad iyo madaxbanaani” oo asal ahaan ah kalimado wanaagsan waxaa laga dhigay shaati la gashado marka dad la siraayo ama kuwa kale la xumaynaayo, waxaana laga bixiyey xuduudoodii lagu aqoon jirey. Qodob dastuuri ama sharci kale oo caalami ah oo loo cuskaday warqaddaas dalka looga eryay wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ma jirin, kalimadda ugu cuslayd ee la adeegsadayna waxey ahayd “Madaxbanaanida dalka”, ayadoo la wada ogsoon yahay in mas’uulkaasi uu sheegay oo kaliya “Dilal loo geystay dad Soomaaliyeed, kuwo la xiray iyo Musharax la soo afduubtay oo intuba ka dhacay magaalada Baydhabo” kuliigood dhab ah. Dadkaada ha dilin, sharci darro ha ku xirin, Isla markaana musharixiin tartamaysa ha u kala hiilin marka laguu soo jeediyo haddii ay noqonayso “in madaxbanaanidii dalka la faragaliyey” waxa jira cudur la yiraahdo “Kali-talisnimo” oo ay u daran tahay in dhagihiisu ay maqlaan: aragti ka duwan tiisa, xorriyatul qawl, rabitaanka dadweynaha, dimuqraadiyad…iwm. “Haddii ay dhab tahay in madaxbanaani daleed la ilaalinayo, todobaadkaan gudihiisa waxaa warbaahinta Soomaaliyeed ay soo bandhigayeen askar itoobiyaan ah oo xuduuda ka soo gudubtay kuwaas oo ka qeybqaadanayey dagaalo beelo Soomaaliyeed dhexmarayey, ma aanan maqal illaa iyo hadda cid dawladda madaxbaanida ka tirsan oo ka hadashay dhacdadaas xadgudubka ah” laakin qoraalkii Nicholas Haysom 24 saac ka yar ayaa jawaabo kala duwan looga bixiyey. Warqadda wasaaradda arrimaha dibaddu ay qortay waxey aheyd mid ka arradan luqadda diplomaasiyadda ee adduunku wax isugu qoro, degdeg iyo fudeyd ayaa ka muuqatay, sanadka cusubna wuxuu u eg yahay mid saanqaad qaldan ku bilowday. Ugu danbeyn wuxuu mudan yahay in la cambaareeyo weerarkii lagu beegsaday xafiiska qaramada midoobey ee UNSOM shalay, waxaana soo jeedinayaa in baaritaan Madax banaan la baaro weerarkaas iyo waxyaalaha la xiriira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Jigjiga (Caasimada Online)- Ururka Onlf ayaa ka hadlay xiisaddo ka taagan deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia kuwaasi oo halis ku ah maamulka dowlad deegaanka, haddii aan wax laga qaban. ONLF ayaa sheegtay in khilaaf cusub laga dhex abuurayo Soomaalida dhexdeeda iyada oo ujeedada laga leeyahay ku sheegay inay ku dagaalamaan dhul deegaanka ku yaala. C/raxmaan Maxamed Sheikh xoghayaha ONLF ayaa ka dalbaday dowlad deegaanka Soomaalida inay ka hor tagto qatar kasoo socoto dadka reer miyiga ah ee deegaanka, kuwaasi oo dhexdooda colaado laga dhex abuurayo. Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka digayaan colaad la doonayo in laga dhex abuuro Soomaalida iyo oromada, colaadaasi oo ka bilaaban karta dhul daaqsimeed cusub oo deegaanka ah. Dowladda Federaalka Ethiopia ayuu dhankeeda ugu baaqay inay doorweyn ka ciyaarto sidii halistaasi looga hortagi lahaa, maadaama hadda ay xiisad u dhaxeyso Soomaalida iyo shacabka Oromada. Wuxuu ugu dambeyn sheegay inaysan jirin cid uu ku eedeynayo inay hurineyso colaada labada beelood, balse wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loga hortago. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  8. Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/laahi Goodax Barre ayaa nabad ugu baaqay beelaha xilligan ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. Waxa uu wasiirka sheegay iney ka xun yihiin dagaalladan, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin iney sii socdaan. Waxgaradka gobolka Hiiraan ayuu sheegay in looga baahan yahay iney kaalintooda ka qaataan daminta colaaddaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WASIIRKA-WAXBARASHADA-SOMAALIYA-GOODAX-BARRE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalo bartamaha dalka Mali, sidaasi waxaa sheegay Radio France International (RFI). Dadka dhintay waxaa ku jiray haween iyo caruur oo ku sugnaa tuulada Koulogon ee gobolka Mopti, sidaasi waxaa yiri wasiirka isgaarsiinta dalkaasi Arouna Modibo Toure. Arrintan rag hubeysan ay tuulooyinka iska weeraraan ayaa sabab looga dhigay dagaal beeleed la xiriira daaqsiin iyo xoolo dhqato, waana arrimo horay u soo jiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Salaad Cali Jeele oo ah lataliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa weeraray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Salaad Cali Jeelle, ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee dalka inuu abaabul qabiil uu ka wado magaalada Muqdisho taasina ay tahay mid aan laga fileysaneyn, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in Fadhi uu isugu yeeray Qabiil, inkastoo uusan sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen fadhiga qabiileed ee uu abaabulay Xasan Sheikh Maxamuud, sida uu shaaciyay Salaad Cali Jeelle. “Waxaan marqaati ka ahay in Hotel uu ka dhacay shir, kaasi oo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud abaabulkiisa lahaa, waxaa nasiib daro weyn ah marka in madaweynihii hore uu markii hore qabiil diid ahaa oo koox Damul Jadiid layiraa mar walba ku dhaganaa, inuu maanta oo xisbiyo ay dalka ka hana qaadeen, inuu maanta fadhi qabiil isugu yeero”ayuu yiri Salaad Cali Jeele. “Inuu Qabiilka horboodo, waxay nagu tahay mid aanan kana maleysaheyn umadda Soomaaliyeedna ka fileyn, Soomaalidana ma ahan mid u qalanta maxaa yeelay, halkaan waa madaxii ummada Soomaaliyeed waxaana loo baahan yahay inay ka muuqato, dowladnimo iyo in gacmaha la is qabsado”ayuu yiri Salaad. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmo ka hor kulan gaar ahaa la qaatay siyaasiyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay iyo kuwo hadda haya, iyada oo aysan soo saarin waxyaabaha ay ka wada hadleen. Ma jiro wax war ah oo dhanka Xasan Sheikh kasoo baxay oo looga jawaabayo hadalka kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadaallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug uu ka wado maamulkaasi. Xildhibaan Odawaa oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa xusay in labada garab ee Galmudug uu u dhexeeyo isfaham waa xoogan, balse uu ku dadaali doonaan, sidii loo dhameyn lahaa arrintaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la samata bixiyo Galmudug oo in muddo ah uu hareeyay khilaaf xoogan. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoona maamulku u kala jabay laba garab oo fadhiyadoodu ay kala yihihiin magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Xildhibaan Odawaa Oo xal u raadinaya Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Abukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Cadaalaadda XFS ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz. Ugu horreyn labada Ma’suul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Cadaalladda Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi . Waxuuna xusay in ay ka wada arrinsadeen arrimo ay ka mid tahay dib u dhiska hay’adaha Garsoorka dalka. Turkiga aya ka mid ah dalalka sida u dhow saaxibada ula ah dowladda federaalka ee Soomaaliya, kaas oo dhinacyo badan ka taageero Soomaaliya. The post Turkiga Oo XFS ka taageerayo dib u dhiska Garsoorka appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-020118.mp3 The post Dhageyso Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Qoryooley ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa saaka howlgallo ka wada xaafado ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaay yimid, kadib markii Xalay Al Shabaab iyo Ciidanka dowladda ay ku dagaalameen gudaha degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwalagu xaqiijinayo amniga degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in weli howlgalladu ay socdaan , islamarkaana marka uu soo gabagaboobo ay la hadli doonaan Warbaahinta. Ugu dambeyn saraakiishani ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan halkaasi in ay kala shaqeeyaan sugida ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka socdeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. The post Howlgallo xoogan Oo saaka ka socda degmada Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha. Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan. Wasiirka arimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo u warramay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata. Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad. Iid Bedel Maxamad, oo mar ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalka ay awood u leedahay cayrinta ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, balse waxa uu intaa ku daray in aanay sax ahayn qaabka loo maray tallaabadaasi. “Tallaabada ay dowladdu qaaday waxaan u arkaa inay wax xooggaa ku yara degdegtay. Ma aha in isla markiiba la eryo ergeyga, tallaabooyin kale ayaa ka horreeya. Ninkan waxaa soo dirsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, marka waxa ay ahayd in isaga lala xiriiro, jid diblomaasiyadeed la isticmaalo, loo sheego in safiirkii u fadhiyay Soomaaliya uu wax xooggaa xadgudub ah sameeyay, dowladda u dirto caddeynta, asagana ayna ka codsado inuu dib ula soo noqdo safiirka, intii ay dowladdu toos u eryi lahayd,” ayuu yiri danjire Iid Bedel. Nicholas Haysom ayaa warqaddiisa uga hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee dhacay 13-kii bishii Diseembar, iyo rabshadihii xigay ee la sheegay inay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu khilaaf kala dhexeeyaa qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, waxaana hadda muuqata in xiisad horleh ay ka dhex abuurantay iyada iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka. Xuquuqda: BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay ceyrintii Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom. Wasiir Cawad, ayaa si cad u sheegay in Haysom uu u dhaqmay sidii inuu yahay ninka ugu sareeyo dalka, taasina ay cay ku tahay sharafta iyo dhaqanka Qaramada Midoobay, kadib wareysi uu wasiirka siiyay BBC-da. Wuxuu sidoo kale sheegay in arintaasi gaf weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu warqadii ugu dambeysay uu usoo qoray wasiirka amniga, isaga oo ismooday in wasiirka amniga uu ka talo qaato Mr Haysom, sida uu yiri wasiirka arimaha dibadda. “Mr Haysom wuxuu dhinacmaray nidaamka diblumaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sidii inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya marka wuxuu Caay ku yahay dhaqanka Qaramada Midoobay, wuxuuna gafweyn ka galay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliyeed” “Marar badan ayuu qalaladaad sameeyay oo warar uusan dowladda kala tashan sameeyay, tii ugu dambeysay waxay aheyd waraaq uu u qoray wasiirka amniga oo ula hadlayo sidii inuu wasiirka amniga isaga ka amar qaato”ayuu yiri wasiir Cawad. “Waan u sheegnay xoghayaha guud ee QM in Haysom aan laga rabin Soomaaliya, waxaana fileynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga baxo, inta uu ku urursan karo agabkiisa ayaan sugeynaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cawad. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay inay ku wargeliyeen in Haysom sida ugu dhaqsiyaha badan uu kaga guuro dalka Soomaaliya, maadaama aan dalka laga rabin islamarkaana ka sii shaqeyn karin. Wasiirka arimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay aysan ka madax banaaneen dalka, laakiin Haysom uu marar badan qaatay go’aano uusan cidna kala tashan. Ugu dambeyn dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Dad Soomaaliyeed ay madax ka yihiin islamarkaana ay leeyihiin go’aanadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Dawlada Somalia oo dalka ka caydhisay wakiilka QM, Nicholas Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba sheegtay in dalka uusan ka shaqeyn karin wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii la sheegay inuu jibiyay madax banaanida dalka. Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom. Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankani uu salka ku hayo ka dib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya, si badheehdana u fara geliyey madaxbanaanida dalka. Arrintan ayaa timid kadib markii Haysom uu soo saaray warqad uu wasaaradda amniga kaga dalbanayo in lagu cadeeyo hanaankii loo maray xadhiga Roobow iyo dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo. Halkan ka akhri Qoraalka… Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugiida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka hor-yimid go’aankii ay dowladda Soomaaliya dalka uga cayrisay wakiilka QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom. Sanbaloolshe ayaa sheegay in go’aanka uu yahay ismiidaamin siyaasadeed oo la mid ah mida is-qarxinta ee Al-Shabaab. “Dalka laguma maamuli karo siyaasad isqarxin ah sida xafiiska isqarxinta ee Al-Shabaab” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. “Cawa Mogadishu warka ka imanayaa ayaa sheegaya in dalka laga eryay wakiilka Qaramada Midoobay, dal xur ah ayaa tilaabadani qaado, laakiin ma qaadi karto dowlad maamusha wadada Maka Al-Mukarama. “Ciidanka iyo shaqalaha rayidka ah waxa biil joogta ah siiyo Qaramda Midoobay, madaxda waxa ilaaliya Amisom oo hoos tagta UN” “Siyaasad is-qarxin ah Shabaab ayaa dalka ku qabsan wayay” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaallamaya gobollada Hiiraan iyo Galguduud. Waxaa uu Odayaasha dhaqanka ee beelaha dagaallamaya kula taliyay in ay ku dadaalaan xallinta dagaal beeleedyada, maadaama ay iyaga ahaayeen dadka waligoodba xallin jiray khilaafka beelaha. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu ku jiro duruufo adag, islamarkaana ay dhib ku tahay dagaal beeleed hor leh. Waxaa uu baaqiisa u raaciyay Odayaasha Beelaha ku dagaallamaya Maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug in ay xal ka gaaraan. Xasan, ayaa sheegay in waaya aragnimo loo leeyahay dagaallada sokeeye islamarkaana dad badan ay qaxaan, heshiisna uu ka dambeeyo sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda inta aysan xaaladda sii xumaan. Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa Dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay qaadato kaalinta kaga aaddan sidii loo joojin lahaa dagaallada ka socda Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galguduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Gaas, Puntland oo labaatan jir ah buu labo jir u celiyay, laakiin Cali Ciise inuu laqmiyuu rabaa! Shaxdu mid qarsoon ma aha, xataa haddii ay been yihiin wararka sheegaya in Cali Ciise Cabdi ay soo dirsadeen Farmaajo iyo Itoobiya, waxaan been ahayn in Cali Ciise Cabdi uu si bareer ah ula dagaalay jiritaanka Puntland isagoo qayb ahaan gobolladii qayb ka mid ah ku dadaalay inay ka go’aan maamulka Puntland, oo u ololeeyay inuu ka feer dhiso qayb iyada ka mid ah oo KHaatumo ah, in kastoo iyadii (waa KHaatumee) ay ku soo dhammaatay inay ka mid noqotay Somaliland… Waxaana geesinimo xad dhaafa ah in Cali Ciise Cabdi uu ku soo dhiirado inuu Puntland isu soo rashaxo, oo waliba kaaga daranee talada Puntland oo dhan uu yiraahdo aan hoggaankeeda qabto!… Inuu Puntland yimaado oo waliba aysan ku soo yaacin reer Taleex oo aysan weydiin dadkii dhexdooda isaga dhintay baa wax lala Yaabo ah!…. Waxaase Yaabka-Yaabkiisa ah! In guud ahaan shacabka Puntland oo maamulkoodii uu dagaalka ku hayay uu soo dhex fariisto isagoo aan raali ahaada dhihin, cafisna aan weydiisan!… Sida uu ku yimid anshaxa wanaagsan meel ka dhac ayeey ku tahay… Cali Ciise Cabdi, rasmi ahaan wali wuxuu ka tirsanyahay maamulka Cali KHaliif Galayr ee KHaatumo, waa jiraan warar qaar sheegaya inuu khilaaf weyn soo isaga iyo madax-weynihii uu soo dhisay ee Cali KHaliif Galayr, hasa yeeshee, Cali Ciise, ilaa iyo hadda si rasmi ah loogama maqal inuu ka baxay KHaatumo, waxaana la moodaa inuu jiro hannaan siyaasadeed oo ay u samaysanyihiin ama ay isku mid ka yihiin labo Cali kaasoo ah inuusan jirin xeer ay ilaalinayaan, maxaa yeelay labada ninba hadba si dhib yar bay siyaasadooda isu bedeli karaysaa oo ma laha mowqif (Political Stand) ama meel loogu soo hagaago siyaasad ahaan!…Galayr, wuxuu ka baxay KHaatumo oo wuxuu galay Somaliland! Arrintaas marka la fiiriyo dastuurkii ay KHaatumo dhigatay, waa mid aad uga soo hor jeedda, Cali Ciise, siduu KHaatumo u ahaa buu mar keliya wuxuu la soo baaday inuu sharaxanyahay madax-weynenimmada Puntland!…marka maxaa diidaya in Cali Ciise uu beri ku tunto dastuurka Puntland, oo uu yiraahdo Federal ma jiro oo maamul-goboleed ma jiro… ma jiro?! Maxaa diidaya?…Maanta, Cali Ciise; waa KHaatumo, maya ma ahee waa Somaliland, maya, ma ahee, waa Puntland, maya ma ahee waa waziir xukuumadda federal-ka, maya ma ahee waa…Waxaa shaki ku jirin Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas Puntland inuu labo jir u celiyay iyadoo labaatan jir ah, laakin Cali Ciise labo jirkaas yuusan laqmin! Xil-DHIbaannada cusub ee Puntland doorashadaan khaladkaad ku gashaan Puntland ka soo noqon mayso! Dabeecaddaas mowqif la’aanta ah marka laga soo tago, Cali Ciise oo la doorto uma eke inay dan ugu jirto guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan maamulka Puntland ee uu isu rashaxay madaxnimadiisa, sababtuna waxay tahay in Cali Ciise Cabdi sida xogo badan oo kala duwan oo laga helayo magaallada Muqdisho ay tilmaamayaan uu yahay nin ku socda barnaamij loo soo dhiibay lagu burburinayo nidaamka federalism-ka iyo maamul-goboleedada ee ka jira Soomaaliya…Sida laga war qabo Soomaaliya nidaamka dowladnimo oo ay qaadanayso kuma imaan karayo khayaano iyo cudud shisheeye sidii ka dhacday Baydhabo oo ay dowladdu isticmaasho ee wuxuu ku imaan karaa oo keliya heshiis ay ummadda Soomaaliyeed ay isla qaadato!…Nidaamka federal-ka ah ee ay dowladda Soomaaliya hadda ku dhisantahay waa mid ay iyada ku heshiisay, marar badan waxaan maqlaa dad ku celcelinaya federal-ka waxaa inoo soo oqray Yuhuud iyo Amxaaro!…Dalkeena waa burburay dhankii laga eegaba; dhaqan ahaan, mujtamac ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba, heer waxaan gaarnay nin kasta ina damaaciyay, shakina kuma jiro in wax badan laynoo qoray, laakiin waa inaan helno ama aan raadino dariiqii aan ooga bixi lahayn annagoo ka feejignaanayna inaan burbur hor leh ku dhacno. Dagaalka Farmaajo iyo KHeyre ay ku hayaan maamul goboleeddada waa mid asal ahaan la xiriira heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo iyo nimanka Itoobiyaanka ah ee Isias Afewerke iyo Abiy Axmed, sida warar mudooyinkaan dambe soo baxayay ay sheegayaan, ra’iisal wazaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu xil-dhibaannada dalkaas u gudbiyay qoraal uu ku weydiisanayo in nidaamka federal-ka ee dalka Itoobiya lagu bedelo nidaamkii centralization-ka ahaa isla markaasna dastuurka dalkaas laga saaro qodobka 39aad ee maamul-goboleeddada u oggolaaniya in haddii ay doonaanaan ka go’i karaan Itoobiya intiisa kale, isagoo taas uga hor tegaya inay jirto awood si sharci ah uga hor imaan karta, waana taas mid la mid ah siyaasadda ka dambaysa colaadda Farmaajo iyo KHeyre ay maanta hayaan maamul-goboleeddada, ka dib markii ay Golihii SHacabka iska hor keeneen iyagoo xil-dhibaannadi qaar ku laaluushay jagooyin, sida; waziiro iyo waziir-ku-xigeeno oo ay sidaas kaga adkaadeen…Gole-SHacbi ma jiro!… Uma malaynayo inay jiraan, laga yaabo magac ahaan, waxaana laga war qabaa in xukuumaddii ay waysay wax la xisaabtama sidaas daraadeed ra’iisal wazaare Xasan Cali KHeyre uu soo fuulay waajibaad kale oo ah in xukuumadda isla xisaabtanto, wuxuuna axaddii la soo dhaafay furay isla-xisaabtankii kowaad ee xukuumaddiisa. Xil-DHibaannada cusub ee Puntland, mid shaki kuma jiro, Bisha January maanta waa kow, waana maalintii ugu horeysay calendar-ka gregorian-ka ee sanadka 2019ka, waxa aad maanta gooysaan ma noqonayaan mid shakhsi lagu xumayniyo, ama looga aar gudanayo, berina aad ka shalaayi doontid haddii aad maanta is leedahay qof ku xumee ama uga aar gudo!….KHaladkaad maanta gashaana ma noqon doono sidii khaladaadkii horay uga dhici jiray doorashooyinkii middaan ka horeeyay, natiijada doorashadaan qayb ka noqon doontaa qaabaynta cusub ee siyaasadda dalka!…. Waa diginin! Cali Ciise Cabdi, Cir-Ka-Soo-DHac ma aha! Qorshe ayuu ku yimid…oo muxuu yahay?…waqtigaa sheegi doona! Xil-dhibaanka cusubow ka feker, Cali Ciise keliya ma aha rag kale oo murshaxiinta ka mid ah ayaa jira oo qaarkood ay u tartamayaan madax-weyne ku-xigeen oo dhamaantood loo soo diyaariyay inay ciyaaraan,kaalintii Laft-Gareen oo ka ciyaaray Baydhabo inay ka ciyaaraan doorashadaan, si maqaamka maamul-goboleeddada hoos loogu dhigo sida kii Golihii SHacabka ku dhacday markii la kala qaybiyay, lakala laaluushay…Ma Lafta-Gareen baad inoo dooraysaan mise?!… Waxaa iyadana haboon in dad-weynaha reer Puntland aysan shaki kala dhex gelin, sidaas oo kalana aysan isaga hor imaan khilaaf uu sbab u yahay murashaxa Cali Ciise Cabdi, waana inay u toog hayaan xiisadaha ka imaan kara nin kasta oo xukuumadda federal-ka ujeedooyinkeeda guracan u soo galay tartanka doorashada, sidaasoo kalana Odayaasha-DHaqanka ayeey tahay in mar kasta si dhow indhaha ugu hayaan khaladaadka soo bixi kara iyagoo waliba wada jira si talada iyo go’aannada ay gaarayaan aysan ugu kala qaybsamin ama aan dhexdooda loo soo gelin, waana inay ka sii fekeraan oo ay maanka ku hayaan waxay kaga tashan lahaayeen haddii ay dhacdo inuu soo baxo qof aan ku shaqaynayn dastuurka dalka iyo midka Puntland oo raba inuu ku shaqeeyo awaamir ka timaadda madaxtooyada Muqdisho oo khilaafsan qawaaniinta iyo cahdiga ay ummadda dhigatay ujeeddadiisuna tahay inuu ka qayb qaato duminta maamul goboleeddada. Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Qeybta Koowaad HORDHAC Maqaalkaan waxaan oga hadli doonaa xil-sidashaddii Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud 2012-2016 anagoo ka fiirin doonna tilaabooyin kii sii siyaasadda iyo hagitaanka masiirka umadda iyo dalka, sidoo kale waxaan ku eegi doonaa xil-sugashaddii Xasan Sh Maxamuud, waa markii looga guulaystay doorshaddii 2016kii siddii uu xilka u wareejiyay uguna qancay doorashadda u lana shaqeeyay madaxwaynihii asaga bedelay. Kama marna maqaalka dharbaaxyaddii ku dhacday madaxwaynihii soo ariminayay afarta sano dalka filanayayna guusha lagana guulaystay ee uu oga guulaystay siyaasi cusub. Ugu danbayn waxaan faaqiddi doonaa nuuca siyaasi uu yahay Xasan Sh Maxamuud iyo heerkiisa siyaasinimo. Maqaalku waa maqaal dheer oo leh ilaa afar qaybood kana kooban 10bog. ASAL Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud wuxuu ahaa rug caddaa u soo shaqeeyay Bulshadda waqti dheer, wuxuu soo ahaa macalin, wuxuu soo maamulay Ha’addo waxbarasho illaa ha’addo samafal. Wuxuu taladda Dalka qabtay sanaddii 2016 asagoo ka guulaystay Madaxwaynihii asaga ka horeeyay mudane Madaxwayne Sh. Shariif Sh. Axmed. Wuxuu ahaa siyaasi nugu cusub shacab ahaan iyo waliba aduunka guud ahaan. Doorashaddiisii dalku wuxuu kutilaabsaday hormar markay ugu yartahay gaarsiisan umad caasimaddooda isku dooratay. Markii la doortay sidoo kale waxaa laga baxay kumeel-gaarnimaddii, filashadda iyo rajadda shacabka ayaa meel sare tagay qof walibaa hanaan dawladnimoo loo dhanyahay buu sawirtay (ileen waxaa yimid aqoon yahan waxbadan ka duwan dadkii horay Dalkaan usoo hogaamin jiray, luguna doortay meeshii laysku dooran jiray meelka duwan waa caasumadda Dalka e). In Dalku kabaxay kumeel-gaarnimadda iyo in hogaanka Dalka loo dhiibay Macalin meelo badan kasoo shaqeeyay waxay dhistay rajjo iyo filasho gaaray ‘meel aan loo baahnayn’ waxay naga qariyeen labadaas arin wixii aan ahayn, xaqiiqaddii gobolka, iyo tii qarniga. Dalka waxaa ka jiray walina ka jira is aaminaad darro, kalashaki, bisayl la’aan iyo cayr nimo dhaqaale iyo Dawladnimo intaba. Waxa aanan sifiicanna u aqoon waxa aan u dhiibnay Xasan Shiiq (yacnii nuuca dalwadnimo e uu hogaanka kayahay ma aanan ufiirsan). Waxaan u dhiibnay Dawlad kutiirsan cilmi, caqli, iyo cudud shisheeye, canshuur aanan siin. Waxaan udhiibnay Dawlad aan qoran ciday rabto e loo qoro ciddii larabo, Dawlad ay ciidan u yihiin haraadigii intii Dalkaan ku hardami jirtay oo is nacaynaya, Dawlad ciiidan keede uu qorto qofkii dayraa iyo qofkii Daanburigu u ganbiyo, Dawlad aan la aqoon waxa ay leedahay, Dawlad waxay leheed xoog loog haysto Guryo, Gaadiid, Gayi, iyo Garawsiyo intaba. Shacab waynaha Soomaaliyeed waxay aamin sanaayeen in barwaaqadda kumeel-gaarnimaddu un in ay nooga aadan tahay hadiiba la jabshay darbigaasana cagaarkii iyo barwaaqaddii lugu ekaan doono, mase dhicin waayo waxaa naga dahsoonaa waxyaabo badan, waxaan iloownay in aan joogno Dal wixii ceeb ahaan jiray ay caaddo yihiin. Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugsiga beesha caalamkaan biilka bayt keenna ka sugnaa, waxaa ceeb ahaan jiray beenta iyo sirta, midba midbuu siraa siriqna u qoolaa, gobolba gobolluu gallaalaa. Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugnimadda waxaad arkaysaa Tuug laankaruusar watta, bal aduguba xusuuso imasa tuug ayaad taqaanaa kuna aragtaa ayakoo rooraya maka al-mukarama inta aan soo sheegay waxay ahaayeen caqaboddo ku hor gudbanaa Dawladnimadda suuban, iyo qarannimo qiimo leh hadana waan iska indhotirnay mana aanan garawsan. Hadaan intaas garawsan lahayn waa loogaraabi lahaa duqa dhoola cadayntiisana waa la qaadan lahaa. Shacabka Xasan Shiiq u dawladaynayay waxay ahaayeen shacab Dawladnimadda iska ilaalinaya kana baqaya, Dawladda luguma aaminin Diiq jaban bal iskaba daa’ in qof dhani ku aamino naftiisa, Amni ahaan, iyo masiir ahaanba. Dawladda cidi iskumay aaminin waxtarna lagama sugo., Dawladda qof kastaa wuxuu diyaar ula ahaa boob iyo kala badsasho, sidaan waxaa keenay shacabku waxayka yimaadeen 10sanoo maxaakiim gaar loo leeyahay iyo qab-qablayaal ah. 10sanoo dagaal sokeeyaa, iyo 20sanoo kaligi talisnimo ahh, waxaa kasii horeeyay xukuumaddo raydid ah oo aan tabarbadnayn. Dawlad micno leh ee dalkaan kasoo hana qaaday waxay aheed Dawladdii kacaankii iskibriyay ee uu hor boodayay Maxamed Siyaad Barre, Dawladiisa waxaa la oran jiray “Dawladdii Siyaad Barre” taasi waxay keentay markii asaga la waayay in Dawladdiina la waayay waayo may ahayn Dawlad aan anagu dhisanay. Maamulkii kacaanku wuxuu dhexdhigay Dadka, kala shaki, is aaminaad darro, Dawladnimadda ayuu nacsiiyay Dadkii markii horaba aan Dawladnimadda sifiican u aqoon waayo xarnimadaba waxaa la qaatay maraan dheerayn oo galti ayaa laga ahaa Dawladnimadda. Dawladdii kacaanku waxay samaysay kutagri fal awodeed, dhaqaale, aragti iyo xuriyad intaba taasoo qaraarka dhigtay dawladnimadda, Dadgaara ayaa la beegsaday, toogashaa u yareed wax laysku xukumo xiliyaddii danbe. qofkii kacaanka u bogi waaya waxaa la marinjiray cinqaab. Dawladdu waxay u muuqatay midaan shacabka rabin shacabkuna sidaas ayay u naceen Dawladda. Dawladdu way boobijirtay shacabka, shacabkuna Dawladda wuu boobijiray meel ay ku heshiiyeen majirto. Shacabku waxay u baahnaayeen in Dawladda la heshiisiiyo si loogu Dawladeeyo. Kacaankii dalkaan soo xukumay dawladnimadda way dhaameen shacabka iyo dawladdiisa waxay dhexdhigeen colaad, waxay dawladnimadda ka muujiyeen suurad xun, quus ayay dadka geliyeen is aaminaad darro wayn ayaa dadka Soomaaliyeed dhexdhigeen, dagaaladdii sokeeyana arinka way oga siidareen. Waxaa kaloo jirtay ayaduna arin kale oo aan la wadaagno Afrika. Afrika awoodaha dawligaa ayaa laga sameeyaa hantidda sidda badanna aragti nuucaas ah ayaa siyaasiyiintu xanbaar sanyihiin. Xasan shiiq xiligii uu xukunka la wareegay cid walbaa ma aysan qoran jiran shaqaale dawladeed la ma na dooran jirin ushaqaynta dawladda dadka waa lugu baryijiray sidaasooy tahay waxaa qasab aheed in uu helo dad la shaqeeya lana xambaara dawladnimadda. Asakarta waxaa qoran jiray qofka nolosha kadhacay e loo yaqaan “dayradda” siyaasiyiintuna baddi waxay ahaayeen haraadigii halgamayaashiii dalkaan kusoo halgamay labaatankii sanoo dawlad la’aanta iyo wakiilo kasocda danleey. Xaaladda dalku waxay maraysay meel aan la qiyaasi karin muddo dheer ayuu dalku soo burburayay wuxuu u baahnaa waqti badan iyo dadaal dulqaad la jiro siyuu u soo kabto. Waxaa harsan qaybo kala ah 1- Xil-sidashaddii Xasan Shiq (2012-2016) 2- Dabarkii dawladdii Xasan Shiiq 3- Xil-sugashaddii Xasan shiiq (2016- 2020) 4- Xanjafintii Febraayo 5- Siiyaalka siyaasinimo ee Xasan Shiiq 6- Gaban-gabo Waxaad kala socon kartaa wabseedyadda aan wax ku qoro, barahayga bulshadda iyo bartayda aan ku leeyahay baloogga sumaddiisu tahay Calicabdalla.blogspot.com W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” www.facebook.com/cccimaam twitter@aaaimaam Instagram@CCCimaam Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Marka hore rabbi ha janneeyo, dadkii sabtidii ku naf waayey weerarradii bahalnimada ahaa ee kooxaha nabad diidka iyo diin rogaalka ahi ay ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho. Weerarradaas dadka ku qudh go’ay waxaa ka mid ah; AHU wariye Cawil Daahir Salaad iyo wariyayaal kale. Muqdisho waxay noqotay magaalo ehel u ah; dil, dhac, qarax, kufsi, ku qabso ku qadi maysidee iyo waliba dulmiyo aan daah saarnayn oo har iyo layl shacabka Muqdisho dhex muquurtaan. 28 kii sano ee la soo dhaafay, waa ay yartahay maalin Muqdisho dil xaqdarro ah uu ka dhicin. Quri walba oo qof Soomaali ahi leeyahay waxaa taallay tacsida qof ehel ah oo si xaqdarro ah lagu dilay, balse Muqdisho waa ka ayaan darantahay magaalooyinka kale, oo hal kii sanoba baroordiiqda qof xaq darro lagu dilay guri walba oo Muqdisho ka mid ah ayey tallaa. Taasi waa tilmaame tilmaamaya heerka uu gaarsiisanyahay tacaddiga aan kala joogsiga lahayn ee dadka reer Muqdisho sanad walba marti-geliyaan.waa arrin lala yaabo, balse waxaad sii amakaagi doonta marka aad ogaato in dadka Muqdisho ku nool malaayiin doollar canshuur ahaan looga qaado taasi oo gurrada loo geliyo kuwa sheegta in ay masuulka ka yihiin shacabka. Qaraxyada iyo dilalka joogtada ah waxaa dulmane u ah shacabka tabaallaysan ee canshuurta laga qaado, kuwa madaxda sheegta iyagu waxay lacagtii shacabka ku iibsadeen baabuur bullet proof ah iyaga oo aan wax wal wal ah qabin ayey daafaha magaalada isaga gooshaan, haa , xaq ayey u leeyihiin oo waa madax bartilmaameed ah oo sugidda ammankoodu muhiim yahay, balse masuuliyiintu waxay gabeen masuuliyadoodii. Masuuliyiintu, waxay sugi la’ayihiin amniga 2 million oo qof oo Muqdisho ku nool, maalin walba waxaa xasuuq loo geysta shacab dhibaateysan, waliba kuwii u geystay cid qoray ka daba tuurta ma jirto, waxaana laga yaabaa in ay kuwaasi u hoydeen guryo u dhow guryaha ay habeenkaas baroorta iyo tacsidu taal. Shacabka Muqdisho arrintaas waa ku dhaliilanyihiin oo cidda maalin walba xasuuqeysa waa ayaan darro in ay gudaha magaalada ku hoydaan.waxaa la doonaya in qof walba uu masuul iska saaro sugidda ammaanka guud ee magaalada Muqdisho. QARAXA YAA FULIYA? Waxaynu maqlana qarax ayaa dhacay, balse qarax walba oo dhaca waxaynu si toos ah masuuliyadda ugu saarnaaa Al-Shabaabka tooska ah ee buuraha iyo hawdka ku jira, ma jirto cid is weydiisa; cidda gudaha magaalada soo gelisa baabuurka, meesha lagu soo farsameeyey, guryaha ay seexdaan kuwa abaabula qaraxyada iyo su’aallo kale oo badan oo u baahan in astaan weydiimeed weyn la hor dhigo. Haa qaraxa salkiisa ugu hooseeya waxaa iska leh Al-shabaabka tooska ah, balse waa yartahay inta oga in ay jiraan Al-shabaabka dadban, WAA KUWAMA ALSHABAABKA DADBAN? Al-Shabaabka dadban waa kuwo ila nool, kula nool oo inala wada nool.waa kuwo baska kula raaca , waa kuwo tukaanka kaala adeegta waa kuwo kula baroorta wakhtiyada ay qaraxyad dhacaan iyaga oo ilama yaxaaslaynaya. Maalin walba waxaan maqalnaa qarax ayaa dhacay, meesha uu qaraxu ka dhacay waa meel aad muhiim u ah, waxaa ka sokeeya ilaa shan isbaaro oo baaburta iyo dadka lagu baaro, meeshaas waa adagtahay in uu gaaro gaari aan la aqoon, gaariga isbaarooyinkaas oo dhan dhaafay ee haddana is qarxiyey cid ay marayso ma jirto in la yiraahdo al-shabaabka uun toosan ayaa ku leh. Waxaa inoo cad haddaba in ay jiraan Al-shabaabak dadban oo gacan libaax leh ka qaata dardar gelinta qaraxyada, dilalka iyo dulmiyada kale ee ka dhaca Muqdisho. Al-shabaabka toosani waxaa laga yaabaa in uu ku jiro baarlamanka, wasiirrada, agaasimayaasha, taliyayaasha iyo waliba ciidamada ammaanka. Waxaan iri ; maska cunaya ruuxdisa cuna qaban caruurtiisa Misna caana siinaaya Car yaa garan ciyaartaas?. Al-Shabaabka dadban waxaa soo gala ganacsatada iyagu canshuurta siiya Al-shabaabka tooska ah, blase ganacsatada waa loo garaabi karaa oo ammaankoodii waxaa gabay kii ay canshuurta siiyeen ee masuuliyaddaas lahaa. Al-shabaabka dadban waa kan ay tahay in soo afjariddiisa ahmiyad gaar ah ay kuwa saxda ah ee dawladda ku jira iska saaraan. AMMAANKA MUQDISHO MAXAA KA QALDAN? Ammniga caasimadda Muqdisho waa arrin muhiim ah, waxay muhiim u tahay sharafka iyo cisada dawladda , waxay muhiim u tahag nafta shacabka reer Muqdisho.Muqdisho waa udub dhaxaadka dawladnimada soomaaliyeed waana meesha ay Al-shabaab hadda iyo goor qaraxyada iyo hawlgalladooda kale ka fuliyaan, waayo waxay ogyihiin qaraxa Muqdisho ka dhaca xaaladda uu abuuri karo iyo in uu si fudud caalamka ku gaarayo, taasi oo Al-shabaab ay doonayaan in ay ku muujiyaan awooddooda maadama ay awood u leeyihiin in ay weerarro ka fuliyaan gudaha caasimadda walibana meelo iyo dad muhim ah beegsadaan. Haddaba caasimadda ammaankeeda maxaa ka qaldan? , ma dawladda ayaan daacad ka ahayn xasilinta caasimadda?, ma ka dhabbaa oo dawladdu waxay sugi la’adahay amniga 2 million ee caasimadda ku nool? , ma arrimo kale oo aanan ogeyn ayaa jira?. waa su’aalo u baahan in aad loo lafa guro markaasna la isku dayo in la fahmo isha ammni darrada caasimadda. anigu shakhsi ahaan waan qaadan laa’ahay in dawlad dhan ay ammaanka caasimaddeda sugi la’adahay waliba meelaha muhiimka ah oo weerarro ka dhacaan inta badan . Laba arrimood middood ayaann arrintaas anigu u sababayn lahaa oo aan is leeyahay waa ay keeneysaa amni darrada caasimadda ;1) In laamaha ammanka ay ku dhex jiraan al-shabaabka dadban kuwaasi oo iyagu fudeydiya fulinta falalka argagixiso. 2) in dawladdu aysan ba wax dan ah ka lahayn suggidda amaanka Muqdisho oo dadkii masuuliyaddaas lahaa ay ku jiraan siyaasado iyo xaalado kale oo gaar ah. Labadan qodobba haddii ay jiraan waa arrimo halis ah; una baahan in si degdeg ah loogala xisaabtamo cidda masuuliyaddaas leh. Macquul maahan in amniga caasimadda sugitaankeedu uu adkaado, maalin walba waxan maqalnaa dhalinyarro ayaatabobbar u soo idlaaday haddana lama arko meel ay aadaan oo wax kale iska daayee xitaa waxay sugi kari la’ayihiin amniga caasimadda. Malaayiin doollar ayaa ku baxa ciidamada ammaanka Muqdisho. Arrinta sugidda ammaanka Muqdisho waa arrin ay fari ku godantahay, waxay dad badani shaki ka qabaan qarxyada hadda iyo goor shacabka lagula beegsanayo meelaha aadka muhimka h ah . MAXAA KA QALDAN XOREYNTA DALKA? Waxan laqi la’ahay in kooxda daciicfka ah ee Al-Shabaab laga xoreyn la’ayahay gobolka ay haystaan , waxaan is weydiinayaa su’aalo fara badan oo ku saabsan sababta keentay in Al- shabaab oo 2, 000 kun oo wiil ka yar, dawladdana ay ciidamadeeda diwaanka gashan ku sheegay 9, 000 oo waliba aad u qalabaysan marka loo eego dhanka kooxda argagixisada ah ee alshabaab. Su’aalaga aan anigu xoreynta dalka iska weydiinayo cid iig jawaabta ma hayo, balse waa laga yaaba in cidda ay khuseyso cudur daaro keen san karaan. waa habartii tiri; ” gabadhayda ninkaas feeraha wayni kama dhali waayinee hagrashaa jirta”, sidaas oo kale waxaan aamminsanhay in Al-shabaab aan laga adkaan kari waayin balse ay hagrasho jirto sabab kasta haku timaaddee, waxaase muhiim in cidda masuuliyaddaas leh ay maanka geliso in jiritaanka kooxda shabaab ay tahay qoxandho ku mudan dawladnimadeenna. GUNAANAD Guntii iyo gabagabadii waxaan rabaa in aan cid walba oo masuuliyad ay dalkaan ka saarantahay aan u sheego, cidda masuuliyadu saarantahay maahan keliya kuwa madaxda inoo ah ee majaraha dalka u haya , waxaan u jeedaa oo la hadlayaa cid walba oo mustaqbalka dalkaan rejjo ka leh oo dooneysa in ay dhaxal lagu tannaado ay kuwooda dambe uga tagaan , waxaan anigu leeyahay ; Soomaaliya waa guri aynu wada leenahay nadiifinteeda iyo qurxinteedana waxaa waajib ah in aan masuuliyad isaga saarno sida ay gurigeenna masuul uga nahay. haddii aynu sidaas yeeli wayno waa in aan gaawaha u culannaa; nolosha dugaagga ee aan turidda iyo tabasho gudbintaba lahayn. W/Q: Yacquub Xayir Email: yacquubxayir2625@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid