Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,219
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda amniga ee dowladda federaalka ah yaa cambaareysay weerarkii xarunta Xalane ee xafiiska UNSOM, waxaa war saxaafadeedkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Qaramada Midoobey ku leedahay Xalane iyo kadib markii UN-ka ka dalbadeen dowladda baarintaan arrinkaas la xiriira. Xarunta Xalane oo talaadadii lagu garaacay hoobiyeyaal ayaa waxaa soo gaaray burbur hanti, waxaa kale oo ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha UN-ka. Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Kismaayo ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska Milatariga Kenya ayaa looga hadlay dagaal Ciidankooda iyo Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Milatariga Kenya ayaa warkan ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen illaa 7 ka tirsanaa Al Shabaab, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in dagaalkasi ay Al Shabab kaga furteen illaa iyo 9 Qoray oo nuuca AK47 ah iyo Saanad Ciidan intaba. Dhinaca kale war ka soo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay barahooda Internert-ka ayaa looga hadlay dagaalkaasi. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in warar ku bilowday qarax Miino, islamarkaana uu xigay dagaal toos ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Qooqaani iyo Taabto ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa kale oo Al Shabaab ay tilmaameen in weerarkaasi ay ku gubeen Gaari Taw ah oo ay lahaayeen Ciidankaasi, sidoo kalena ay gaarsiyeen khasaare xoogan. Dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro gaadma ah ku qaada fariisamaha Ciidamada Kenya ay leeyihiin gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. The post Kenya Oo Sheegtay in ay dishay 7 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad u soo dhaweeyay go’aankii ay dowladdu dalka uga ceyrisay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Dadkani oo la hadlay Shabelle ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku boggaadiyay go’aanka ay qaadatay. Waxaana ay sheegeen in ay garab taagan yihiin madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. DFS ayaa ku wargalisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Nicholas Haysom in aan dalka laga rabin, islamarkaana uusan ka shaqayn karin Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-ismaaciil-.mp3 The post Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay Eryiddii Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Hargaysa) Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Oo goor dhawayd saxaafadda ay la hadleen masuuliyiintii Ugu jirtay wadahadalada Axaabta ayaa Soo Bandhigay garnaqsi dhammaystirayn. Hoos ka DAAWO Source
  5. Somaliland ayaa ka soo horjeedsatay go’aankii ay dawladda federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegan in go’aanka ay qaadatay dawladda federaalka Soomaaliya aanu khusayn Somaliland. Halkan Ka Akhriso Go’aanka: Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargaysa)Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Dhaqan Galiyay Miisaniyad Sanadeedka 2019 Ee Hore Usoo Ansaxiyeen Golaha Wakiilada Somaliland. WAREEGTO MADAXWEYNE. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-249/012019 ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 02.01.2019 Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka; Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah). ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  7. Gudoomiyaha ku meelgaarka ah ee Baarlamaanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji oo la hadlay Puntlandi.com ayaa sheegay in maalinta Jimcaha la qaban doono dorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka [...] Source
  8. (SLT-Hargaysa) Shirarkii saddexda xisbi Qaran ee Somaliland u socday oo burburay. Faysal Cali Waraabe ayaa isna weeraray Xisbiga WADDANI. Hoos ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay hoobiyeyaal kooxda Al-Shabaab ay shalay ku weerartay xarunta Xalane ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya. Weerarkaas ayaa QM ay sheegtay in lab aka mid ah shaqaalaheeda ay dhaawacyo kasoo gaareen. Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Amnigu waxay cambaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee ururadda argagixisadu hoobiyayaal ugu soo tuureen Xarunta Xalane. Waxay aad uga xuntahay in weerarkaas ay ku burbureen hanti, waxyeelona ka soo gaartay shaqaalahii joogay xarunta Qaramada Midoobay. Waxay caafimaad u rajaynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeelobay dhacdadaa. “Waxay dabagal iyo baaris ku haysaa dadkii geystay falka. Waxay la socodsiinaysaa shacabka Soomaliyeed in ay gacan ku soo dhigi doonto dhamaan cidi ka dambaysay falkaa foosha xun, lana wadaagi doonto natiijada barista” ayaa qoraalka uu intaas ku daray. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda amniga Soomaaliya.
  10. Inta la xaqiijiyey 8 ruux ayaa ku geeriyootay 2bo kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaadhi oo xalay ka dhacay duleedka bari ee magaalada Burco. Sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News ee Somaliland, shilkan gaadhi ayaa waxa sababay labo gaadhi oo isku dhacay kuwaasi oo kala ahaa bas iyo booyad. Somaliland ayaa waxaa sanad kasta shilalka gaadiidka ugu geeriyooda boqollaal qof kumanaan kalana way ugu dhaawacmaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-London)Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladad London ayaa qoray inay Saraakiil ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisdda ay baaritaan ku sameeyeen Dhismo ay deggan yihiin Qoys Soomaali ah oo ku yaalla magaalladda Manchester. Saraakiisha oo la hadlay dadka deriska la ah qoyska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay rumeysan yihiin yihiin inay Qoys Soomaali ah deggan yihiin. Dadka deriska waxay kaloo sheegeen inay Qoyskaasi leeyihiin 4 ilaa 5 carruur ah, kuwaasi oo ku-dhawaad 12-sanno degganaa dalka Britain, iyagoo horey uga soo guuray dalka Holland. NOUSHA BABAAKACHEL oo deris la ah Guriga ay Ciiddanka baareen ayaa u sheegtay Wargeyska Daily Mail inay Qoyska Soomaalida la nool yihiin gabar iyo 2 Wiil oo ay dhaleen, mid uu dhigto Jaamacadda, halka midka kalena uu ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Manchester. Waxay intaasi ku dartay in Wiilka ugu yaraa qoyskaasi uu dib ugu laabtay Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Boliska Manchester weli ma aysan shaacinin sababaha loo beegsaday Qoyskaasi, balse waxa uu hawlgalkaasi ku soo beegmay, iyadoo ay Boliska Manchester sheegeen inay gacanta ku dhigeen qabteen Nin 25-jir ah, kaasi oo 3 qof dhaawacay habeenkii loo dabaal degayey sannadka cusub ee tirsiga Miilaadiyadda ee 2019-ka. Source
  12. (SLT-Muqdisho)Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aan ka qaadatay Saameyn Siyaasadeed uu Saacado kooban Abuuray Dalka iyo dibadiisana guux ka dhalisey. Fara gelinta Qaawan Ee Inta Badan Reer Galbeedka ku hayaan Soomaaliya waxay aheyd mid muuqatay siiba Wakiilada Qaramada Midoobeey Ee Soomaaliya Ujoogay. Hadda waxay umuuqataa in Beesha Caalamka iyo Dawlada Federaalka ay ka dhex tafatay lamana oga sida uu ku dambeyn karo Jawiga Siyaasadeed ee hadda Cirka sii galaya. Profesor Cumar sharif cabdulqadir axmed fiqi Oo Ah Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in Dawlada Soomaaliya Go’aanka ay Qaadatay ku saxneyd,islamarkaana wax khaladaad ah uusan ku arkin Warsaxaafadeedka uu akhriyey. Waxa uu Aqoonyahanku sheegay in Saameyn Culus aan lagala kulmi Karin fal celinta ay Qaramada Midoobeey Qaadan karto oo Soomaaliya Dhabar jab ku ah Go’aankeedaasi. Source
  13. Burco ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka bari degmada Burco ee gobolka Togdheer. Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah iyo mid Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad Rakaab ah. Ugu yaraan illaa 8 Qof ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay dhaawacmeen labo kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhaawacyada 2 ruux oo mid ka mid ah laga deyrinayo xaaladdiisa caafimaad ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaallada magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Burco oo ku aadan shilkaasi. Inta badan shilal khasaaro geysta ayaa ka dhaca gobolka Togdheer, kuwaas oo loo sababeeyo burburka waddooyinka iyo darawallada oo si xawli u kaxeeya Gaadiidka, xilliyada ay ku socdaalayaan gudaha gobolkaasi. The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay duleekda Burco appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Xildhibaan Xaamid Ismaaciil Xirsi oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in guddiga doorashada Baarlamaanka ee maanta la doortay waqtigooda ay ku egtahay maalinta [...] Source
  15. Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay go’aanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga ceyrisay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debadda Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uusan khusayn Somaliland,islamarkaana ay si buuxda ula shaqeynayso Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay,Mr Haysom. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay doorka Ergeyga Qaramada Midoobay ka qaatay nabadeynta Soomaaliya iyo xal u raadinta khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka horjeesatay go’aanka dalka looga eryay Nicholas Haysom appeared first on Puntland Post.
  16. Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha KMG ee golaha wakiilada Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maaamulkaasi. Guddigan oo ka kooban illaa 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile, waxaana ay ka shaqeyn doonaan diyaarinta doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Puntland. Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa guddoomiye cusub dooran doono 4 bishan January oo ku began maalinta Jimcaha ee soo socota. Sidoo kale doorashada guud ee hoggaanka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan, taas oo si weyn qaban qaabadeeda looga dareemyo deegaanada maamulkaasi. In ka badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkaaasi, kuwaas oo ku loolami doono doorashada Madaxweyne ee Puntland. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo la magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. New York ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteress ayaa si kulul u camabaareeyay weerarkii Hoobiyeyaasha ahaa ee shalay gelinki dambe lagu qaaday xarunta Xalane degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Mr Guteress ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay labo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasi oo ku dhaawacmay weerarkaasi. Waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyso dhacadadaasi. Sidokale Xoghayaha QM ayaa xoosta ka qariiqay in ficilada nuucaasi aysan aheyn kuwo wax u dhimaya taageerada ay siiyaan Soomaaliya, siina wadi doonaan. Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi lala beegsaday xarunta Xalane oo ah fadhiga ugu weyn ee QM iyo sidoo kale taliska Midowga Africa ee AMISOM. Taallabadan ayaa imaaneysa, xilli DFS ay ku eedeysay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Haysom in uu ku xadgudbay madax banaanida Soomaaliya, kana ceyrisay guud ahaan dalka. The post QM Oo si kulul u cambaareysay weerarkii Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab. PM Njuguna oo ah afhayeen u hadlay ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa jariiradda Daily Nation u sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu sheegay Afhayeenka in halkaasi ku dileen 7 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab sidoo kalena kusoo qabsadeen hub badan. Hubka ay soo qabsadeen ayuu ku kala sheegay 9 qori oo AK-47, rasaas badan iyo Bambooyin. Dhankooda ayuu sheegay iney uga dhaawacmeen oo kaliya Labo askari, howlgalkana uu ahaa mid qorsheysan. Ugu dambeyn, Afhayeenkan u hadlay ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerada ay ku qaadayaan Al-shabaab. Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin wararkan sheegaya in laga dilay dagaallamayaal lagana qabsaday hubkaasi. Source: goobjoog.com
  19. Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa wax laga xumaada ku tilmaamay go,aankii dowladda Soomaaliya ay shaqadii uga joojisay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom . [...] Source
  20. The interim speaker of the Puntland regional parliament, Hussein Yassin Haji Diriye has named a new committee to spearhead the election the of the speaker of Puntland regional parliament on Wednesday. The seven-member committee selected from the new lawmakers of the regional assembly will coordinate the election process of the new speaker and his deputies on Thursday. Hon. Ismail Abdi Abtile will chair the coordination committee assisted by the interim secretary general and his deputy. The members will also elect the presidential electoral committee who will preside over the upcoming presidential election slated for next Tuesday. Over 20 candidates have declared their interest to run for Puntland state presidency. Security of election hall and its environs has been stepped up as more soldiers were deployed in Garowe town and the entry points to thwart security threats during this electioneering period. The post Puntland parliament elects committee for speaker’s election appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Gudoomiyaha KMG ee Golaha Wakiillada Xuseen Yaasiin Xaaji ayaa magacabay Guddiga ka shaqeyn laha Doorashada Gudoomiyaha Golahaasi. Sidoo kale waxuu Goluhu ansixiyey Habraaca ay ku shaqeyn lahaayeen Gudiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo loo qorsheyey in ay dhacdo 4/1/2019 oo ku beegan maalinka Jimcaha. Hoos ka akhriso: punt Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xoghayaha Guud e Qaramada Midoobay Antonio Guatres waxa ay maalintii shalay ahayd u dirtay qoraal ay ku caddeyneyso in waxyaabaha ay ku eedeyneyso ergaygiisa ka hor inta aysan soo saarin qoraalka ergeyga lagu eryay. Caasimada Online ayaa heshay nuxurka qoraalka dowladda Soomaaiya ay u dirtay Qaramada Midoobay, waxaana muuqata in waxyaabaha lagu haysto Haysom ay ka weyn yihiin warqaddiiuu soo saaray 30-kii December ee uu wasaaradda amniga kaga dalbaday sharaxaadda wixii Baydhaba ka dhacay kadib xarigii Roobow. Nuxurka qoraalka ayaa waxaa ugu waa weynaa: Carqaldeynta xiriirka wanaagsan ee Hay’adaha QM iyo dowladda Soomaaliya: Qoraalku waxa uu Haysom ku eeddeeyay in uu gebi ahaanba joojiyay xiriirka dowladda Soomaaliya, isla markaana jaray in laga wada hadlo waxyaabaha labada dhinac ka dhaxeeyay, isaga oo doorbiday inuu hay’adaha dowladda xiriirka u marsiiyo warbaahinta, taas oo dowladda Soomaaliya ay u aragtay inuu ergaygu baal maray wadiiqooyinka diblumaasadeed ee xiirka caalamiga ah. U gefidda madax-bannaanida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed: Hadallo uu Ergaygu ka jeediyay Beydhabo iyo Kismaayo oo uu ku sheegay in “Soomaaliya aysan ahayn Muqdisho, Muqdishana aysan Soomaaliya ahayn” ayay dowladdu u aragtay inuu ku xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya. Kala irdheynta ummadda Soomaaliyeed: Ergayga ayaa lagu eedeeyay in uu kulamo aan rasmi ahayn oo qarsoodi ah uu la yeelanayay shaqsiyaad aan la magacaabin isaga oo kala hadlyay arrimo ka dhan ah midnimada dalka. Caasimadda Online ayaa fahansan in shaqsiyaadkiisa ay kasoo jeedaan Somaliland. Khalkhalgelinta xasillooda dalka: Dowaldda Soomaaliya ayaa qodobka “Taageeridda Argagixiso u aqoonsan” kulanka uu ergaygu la yeeshay Mukhtaar Rooboow iyo taageerada uu u muujiyay musharraxnimadiisa, maadaama ay dowladdu Rooboow u oqoonsan tahay inuusan wali ka tanaasulin fikirkii xagjirka ah. Baalmaridda shuruucda caalamiga ah: Ergayga oo ku xusub xafiiska ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah in uusan raacin habraaca hay’adaha QM ee soo jireenka ah. Iska horkeenidda beesh caalamka iyo Soomaaliya: Safiirka waxaa lagu eedeeyay in uu xerada Xalane ka dhex billaabay ole ole dowladda Federaalka ka dhan ah, taas oo wiiqi karta xiriirka dowladda iyo deeq bixiyeyaasha oo ay dhaqaale ahaan dowladdu ku tiirsan tahay. Kala fogeynta dowladda Federaalka iyo dwolad goboleedyada: Dowlad goboleedyada oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ayuu ergaygu isku dayay inuu xriir la sameeyo, sida qoraalka lagu yiri, sidaas darteed dowladdu waxa ay u aragtay inuu halis ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageyso:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-020119.mp3 The post Dhageyso Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article