-
Content Count
207,210 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa nala baray in beesha caalamka ay dalka maamusho oo ay tahay lama taabtaan balse xaqiiqda ayaa ah Soomaaliya Soomaali baa leh. Shalay ayay ahayd kolkii Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom uu soo saaray warqad uu Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga dalbanayo jawaabo ku saabsan kiiskii xiritaanka Mukhtaar Roobow, muddaharaadkii meesha ka dhacay iyo sidii dowladdu u maaraysay. Maxaa ku jaban warqadda Haysom? In Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu qoro warqad ku wajahan dowladda Soomaaliya ma aha ceeb iyo wax lala yaabo, balse waxa la yaab leh qaabka dhaqanka dibloomaasiyadda ka arradan ee uu Wakiilku u qoray warqadda isaga oo faragelin qaawan ku samaynaya arrimaha gudaha Soomaaliya. Wakiilku waxa uu u hadlayaa sidii inuu yahay Madaxweynaha dalka oo isla xisaabtan ka dalbanaya mid ka mid ah Wasiirradiisa! Si kale haddii loo dhigana, kolka aad fiiriso weydiimaha tirada badan ee uu Wakiilku su’aalayo Wasaaradda Amniga Dowladda, waxaad is oranaysaa tolow Wakiilku ma waxa uu isu beddeley Macallin dugsi oo mid kamid ah ardaydiisa imtixaan ka qaadaya?!! Dowladdu sidee uga falcelisey warqadda Haysom? Ka hor intaanan qodobkan gudo-gelin, waxaan soo xasuustay hadal la yaab leh oo uu mar dhexdaas ah ku tiraabay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Sacuudiga ka dib markii dowladda Canada ay ka dalbatay inay si degdeg ah u sii daayaan haweenay Sacuudiyaan ah oo ay Boqortooyadu xirtay. Wasiirka oo la yaabban sida ay Canada u soo faragelin karto arrimaheeda gudaha, una dalban karto sii deynta muwaadinad Sacuudiyaan ah oo u xiran dowladda Sacuudiga ayaa yiri “Waad nagu dhalleecayn kartaan xuquuqda banii’aadamka, xuquuqda haweenka…waddamada kaleba sidaas waa sameeyaan, xaqna waad u leedihiin. Waana arrin aynu ka fariisan karno oo ka wada hadli karno, laakiin inaad dalbataan sii deyn degdeg ah? Ma waxaanu nahay Jamhuuridda Mooska ‘Banana Republic’? Dowladda Soomaaliyana isla qaab kan oo kale ah aayay u falcelisey! Ka dib kolkii shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen warqadda ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo saartay warqad ay si adag ugu cambaaraynayso warqadda ka soo baxday Wakiilka. Cambaarayn uun baa dowlad Soomaaliyeed looga bartay soomaaha? Doorkanse halkaas dowladdu kuma aysan joogine, waxay Wakiilka af buuxda ugu sheegtay in hadda laga bilaabo aan waddanka laga rabin kol haddiiba uu jebiyey habmaamuuskii Qaramada Midoobey, kana tallaabay anshixii dibloomaasiyadda. Waa arrin la yaab leh oo aan looga baran dowlad Soomaaliyeed soomaaha? Haaheey! Tallaabada Dowladdu miyay khaldanayd? Isla markii ay dowladdu soo saartay warqadda ay waddanka kaga cayrinayso Haysom, dadka Soomaaliyeed waa ay ku farxeen oo baraha bulshada ayaa ay ku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin go’aanka geesinnimada leh ee dowladdu qaadday. Shacabku inay arrintan la riyaaqaan waa gartood, saa waxay u barteen dowlado ninka caddaanka ah ee QM ka socda ka haybadaysta oo aan juuq u oran karin, si kasta oo uu u farageliyo arrimaha gudaha dalka. Waa gartood oo dowlad go’aan noocaas ah qaadan karta ma aysan arag! Waa gartood oo waxay ka daaleen faragelinta joogtada ah ee dalka iyo dadka lagu hayo. Waa gartood oo dowladnimo awood leh ayay baahi weyn u qabaan!! Marka laga yimaaddo badi shacabka Soomaaliyeed oo warqadda dowladda soo dhaweeyey, waxa jira koox aan badnayn oo mucaaradnimada iyo qarannimada kala garan la’, isla markaana la safan Haysom, una barooranaya! Waa arrin amakaag leh soomaaha? Haa, waxase ugu daran marka Xildhibaanno sheeganaya inay Qaranka metalaan soo saaraan warqad ay ku cambaaraynayaan go’aanka dowladda, Haysamka reer Koonfur Afrikana garab ku siinayaan! Waxa kale oo jira dhallinyaro aan badnayn oo khalad fahmey mucaaradadda isla markaana wax kasta oo dowladdu samayso ka hor yimaadda. Kuwaasi ma foga oo keliya waxay u baahan yihiin caqli-celin iyo in la fahamsiiyo farqiga u dhexeeya dowladda iyo xukuumadda markaas jirta. Farqiga u dhexeeya madaxbannaanida iyo faragelinta. Labo-wajiileynta Qaramada Midoobey Warqaddii shalay ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey waxa ka muuqatey munaafaqad iyo labo-wajiileyn la yaab leh. Waayo? Haysom waxa uu aad uga caraysnaa xiritaankii Mukhtaar Roobow oo aynu wada garanayno waxa uu dalkan ka geystey! Waa nin shalay ay u arkayeen argagaxiso ay tahay in la soo qabto, maantana wakaas Haysom u doodayo isaga oo weliba aan qarsanayn sida uu uga xun yahay xarriga ninkaas argagaxisada ah! Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed? Ugu danbayntii, go’aanka dowladdu qaadatay waxa laga yaabaa in Qaramada Midoobey aanay jeclaysan. Sidii Koonfurta Suudaan ka dhacday, waxa laga yaabaa inay ku handadaan inay waddankaba ka guuraan! Sidaasi darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay diyaar u ahaadaan ilaalinta madaxbannaanidooda iyo garabsiinta dowladdooda. Waxa inala gudboon inaan ku dadaalno bixinta canshuurta, si aanay Qaramada Midoobey innoogu guumaysan lacagta yar ee ay ina siiyaan! Waa in shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobaan inay waddankooda iyagu gacantooda ku dhistaan, dowladdoodana aanay kala bakhaylin canshuurta iyo lacagaha muhiimka u ah socodsiinta hawlaha dowladda. Sidii uu hore ugu gabyey abwaankii weynaa ee Qamaan Bulxan “Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne,” waa inaan caalamka u sheegnaa inaynaan ku cabiidsami doonin “Wallaan maalka (lacagta) kaa goyne!” Qore: Safiya Cabdullaahi Garaad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen Suuqa Xoolaha Xirga-Dheere ee degmadaasi. Labada Askari oo ka kala tirsanaa talisyada Booliska iyo Malitariga ayaa la sheegay in ay is dhaawaceen, loona qaaday Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, kadib uu dhaawac ahaan u dhintay mid ka mid ah Askartaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in waxyar kadib Askar kale oo ka caraysneyd falkaasi ay xoog ku galeen gudaha Isbitaalka, kadibna ay dhex dileen Askarigii kale. Illaa iyo hadda lama oga waxa keenay in ay dagaalamaaan Askartaasi, iyadoona xiisad ka dhalatay arrintani ay ka taagan tahay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhacee. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-keesaney.mp3 The post Askari dhaawac ahaa Oo lagu dhex dilay Isbitaalka Keysaney appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somalia’s government has ordered the United Nations envoy to the country to leave, amid questions over the arrest of the al-Shabab extremist group’s former deputy leader who had run for a regional presidency. A foreign ministry statement late Tuesday accuses Nicholas Haysom of diplomatic overreach that violated the Horn of Africa nation’s sovereignty, declaring him “persona non grata.” He arrived as envoy a few months ago. Haysom had questioned the legal basis used in the arrest last month of Mukhtar Robow, a former al-Shabab spokesman who defected from the group in 2017, and whether U.N.-funded regional police in the Southwest were involved. Ethiopian troops who are part of the African Union force in Somalia and Somali police arrested Robow days before the regional election in which Robow had been a leading candidate. Deadly protests followed. Ethiopia has not commented. Robow was flown to Somalia’s capital, Mogadishu, and has been held in a prison run by Somalia’s intelligence agency. Neither the U.N. nor Haysom has commented. Robow’s arrest has been seen as a high-profile test of Somalia’s treatment of defectors from the al-Qaida-linked al-Shabab, Africa’s most active extremist group. Somalia’s government welcomed his defection but not his popular candidacy to lead Southwest state, which took some officials by surprise. In confirming Robow’s arrest, Somalia’s security ministry cited the federal government’s ban on his candidacy, which said he had not completed the defection process. The ministry also alleged that Robow had failed to renounce extremist ideology, and accused him of mobilizing armed forces. A joint statement by the United States, more than a dozen countries, the AU mission and the United Nations expressed concern after the arrest and protests. Haysom’s letter to Somali authorities, seen by The Associated Press, questioned the legal framework of Somalia’s defection process and asked how Somali authorities were able to detain Robow beyond the normal 48 hours. The letter also questions the circumstances around civilian deaths in the protests and urges that they be “thoroughly and promptly investigated.” Source: AP
-
(SLT-Washington)Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada Muqdisho, halkaasoo shalay madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay. Illaa todobo madaafiic ayaa ku dhacay xarunta UNSOM ee ku taal xeyndaabka Xalane, waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha UN-ka iyo hal qandaraasle, waxaa la sheegay in dhamaantood dhaawacooda uu yahay mid fudud. Antonio Gutters ayaa sheegay in ficilkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimada.. Mr Guterres ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay arrintan baarto “Waa in la baaraa weerarkaas, si degdeg ah cadaalada loo horkeenaa kuwii ka mas’uulka ahaa”ayuu yiri Antonio Guterres. Waxaa uu sheegay in weerarkan aanu dib u dhigi doonin dadaalada Qaramada Midoobey ee sii wadida taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidii nabadda iyo xasilooni looga dhalin lahaa dalka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho. Saacado kaddib weerarkaas dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal dalka looga ceyrinayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay madax banaanida Soomaaliya. Source
-
Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin ( Dheeg) , waa ninka curiyey heeso ay ka mid yihiin . Ma salguura caashaqo oo ay qaadey Alle ha u naxariistee Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) Dadnimada aqoonso oo ay wada qaadeen Alle ha naxariistee Maxamed Axmed (Kuluc) iyo Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) Sida cinabka beeraha oo ay wada qaadeen Kuluc iyo Magool Beri hore waxa jirey oo ay wada qaadeen Alle ha naxariistee Maxamed Jaamac Joof iyo Maryan Mursal Ciise. Waxa uu abwaanku leeyay qisooyin jacayl iyo waayo nololeed oo aad u xiiso badan . Buuga laga qorey suugaantiisa , ee Hargeysa lagu soo bandhigey , xiiso badanaa. Mohamed Boosh Source
-
Waa mid run ah oo ka dhacday dhulka kan aynu ku nool nahay gaar ahaan Hargeysa waxayna ahayd sidan:- Maalin maalmaha ka mid ah Abaaro 4:00 galabnimo ayaa waxa cisbitaal ku yaala magaalada hargeysa la keenay Nin aad u burbursan oo lafo badani burureen oo (coma) ama miyir beel ku jira hadba sidaad u taqaano’e markii loo sameeyey dhaqdhaqaaq caafimaad oo xooga oo laga badalay dharkii oo laga nadiifiyey dhiigii badnaa ee ka dhacay qaliina lagu sameeyey ayaa lagu soo celiyey waadhkii jajabka isagoo meel walba ay kaga duuban tahay (FAASHAD) ama baandhays ama goos hadba waa sidaad u taqaano’e markii waadhkii la dhigay dhamaan dadka waadhka jiifa waxa xiskooda miranaayey tolow ma gaadhibaa jiidhay, tolow ma baabuurbuu ka dhacay, tolow ma fooq buu kasoo dhacay, tolow ma gidaarbaa ku dumay iyagoo dadkii la yaaban ninkan waxa intan leeg ee ku dhacay ee sidan u burburiyey ayaa ay habeen noqotay oo intii seexanaysay iska seexatay intii taahaysayna iska taahday ileen waa dad jajabane. Markii waagii baryey Nin walbaaba waagii la toosye ayaa dadkii qof walbaaba wuxuu u hamuun qabaa inuu ogaado waxa ninkii ku dhacay. Markii la bariistay ayuu ninkii dhaq-dhaqaaqay oo koomo iyo hurdo dheer kasoo baxay ayey dadkii isagii oo kaliya cidii la seexatayna quraac iyo jidh maydhasho tagtay ayey dadkii ninkii su’aaleed “walaal maxaa kugu dhacay ee sidan kuu galay.” ninkii oo yara dhoola cadaynaaya xanuun badani ka muuqdo ayaa yidhi ” WALAL NIN DIYAARAD KASOO DHACAYBAA IGU DHACAY ……… AAAAAX LKN ALXAMDULAH………!!!!! Dadkii oo yaaban ayaa inan sariirta ku xigtay jiifay oo lug laga qalay ku celiyey “walal malaha is maydun fahmine maxaa u sabab ahaa nabaradaadan” Ninkii ayaa ku celiyey walal “Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay dadkii oo la yaaban oo markaa qiray in ninkan jugtii wax u dhintay ayaa waxa ay arkeen inan isaga adeer u ah oo habeenkii la seexaday oo markaa quraac ku maqnaa oo markaa soo galay waadhkii waxayna su’aaleen dadkii “walal maxa inanka ku dhacay “ Wuxuu ugu jawaabay ” walal Nin diyaarad kasoo dhacay baa ku dhacay”. Dadkii yaab iyo fajacbaa kusii beermay waxayna waydiiyeen iyagoon aadba u rumaysnayn “oo kii kusoo dhacay mee” Wuxuu ugu jawaabay wuu iska tagtay lkn waa la garanayaa yaaaaab !!!!!!! Dadkii waxay is dhacsiiyeen laba Nin oo waalwaalan ayaa is wada. Duhurkii ayaa markii ay gaadhay waxa u yimid laba dumara waa xaaskiisii iyo walaashii oo dhar iyo qadaba u sida markii ay qadeeyeen ayaa ileen dadkii waa wardoone waxay waydiiyeen dumarkii walal “inanka maxaa sidan u galay” . Gabadhii waxay u jawaabay “Nin diyaarad kasoo dhacay baa ku dhacay”. Dadkii oo indhaha taagaya oo niyadooda is wada leh xaafadu malaha xaga xiska ayaanay ka fayoobayn ayaa ay gabadhii dareentay dadka wajigoodii oo ay ku tidhi” WALAALAYAAL WAA XAQIIQ WAA WAX DHACAY NINKAYGU WAA INJINEER MARKAA QANDARAAS AYUU KA QAATAY DAWLADA HOOSE EE HARGEISA OO AH BILICDA TAALOOYINKA SI LOO SII QURXIYO MUNASIBADA 18 MAY OO MARKAA SOO DHAWEYD MARKII UU QAATAY QANDARAAS KII AYAA WAXA UU NIN RINJIILE AH U DIRAY DIYAARADA SAARAN HALKII KHAYRIYADA HARGEYSI AHAAN JIRTEY ISAGOO MIDABAYNAAYA AYUU ODEYGAYGA OO HOOS TAAGAN KU SOO SIIBTAY OO DUSHA KAGA DHACAY SIDAASI AYEY WAX U GAADHEEN DADKII QAAR QOSOL LA DAATA QAAR YIDHAAHDA WALAHI ILEEN RUNTIISAY AHAYD OO NIN DIYAARAD KASOO DHACAY BAA KU DHACAY. ………. !!!!!!!! Xuquuqda Qalinka iyo SheekaCabdi Caawiye Facebook Cabdi Cawiye Ismacil Gunti-Gaab +2524115877 Source
-
(SLT-Hargaysa)Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ka Tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland looga baahan yahay inuu fuliyo balan qaadyadii uu sameeyay markii uu safarka ku marayay goboladda bariga. Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay furfurto lacagaha ay ku kaydinayaan Khasnadaha waxaana uu yidhi. “Xukuumadu Lacag badan hortu way uruurisay lakiin goorta la bixin doono iyo goobta lagu bixin doona ayaanan garanayn,mid kalena madaxwaynahu waakii soo maray goboladda dalka oo maalihii uu soo marayna wixii uu ugu balan qaadayna waa laga sugayaa inuu deg deg u fuliyo.Sidaas ayaa uu yidhi xildhibaan bashiir tukaale. Intaas waxa uu ku daray xildibaan Bashiir Tukaale isaga oo hadalkiisasiiwata.”Dhaqaale Yari Kale majirtee waa lacagtaas la uruuriyay ee sanaa-duuqda lagu gurayo markaas waxaan leeyahay lacagta umada ha gasho oo wax qabadka umadda la galiyo ayay lacagtu wax ku noqonaysaa. Source
-
(SLT-Muqdisho)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Daokaasi Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sababtii dalka looga Eryay Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Wasiir Cawad ayaa sheegay in Nicholas Haysom uu dhinac maray shaqadii diblomaasiyadeed,isla markaana uu u dhaqmay Nin Madax ka ah oo kale dowlada Federaalka uuna ku xad gudbay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo la hadlay radio lugo badan ayaa tilmaamay in dhowr jeer qalalaad iyo warar uu dowlada kala tashan uu sameeyay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay warqadii uu u qoray Wasiirka amniga,isla markaana uu u la hadlay Wasiirka amniga sidii isaga qof ka tala qaato oo kale. Waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibada in dalka Soomaaliya ay madax ka yihiin dad Soomaaliyeed Go’aanka ay leeyihiin qofkii somaliya ka shaqeynaya iyo qofkii kaleba,isagoona xusay in Wakiilka Gaarka Ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom loo sheegay in Soomaaliya laga rabin,isla markaana uusan ka shaqayn karin. Hadalkaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili habeen hore Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu ka hadlay xarigii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Magalada Bayhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Garoowe) Muddo lix casho ah ayaa ka hadhsan doorashadii madaxweynaha maamulka goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Garowe ee caasimada maamulkaasi. Dadka falanqeeya siyaasadda doorashada ayaa sheegaya inay jiraan caqabado keeni kara in madaxweyne Gaas uusan markale kusoo laaban xukunta deegaanada maamulka Puntland oo muddo shan sano ah maamulayay. Waxyaabaha la isleeyahay waxay dib u dhigeen rajooyinka dib usoo laabashada madaxweyne Gaas waxaa kamid ah:- In xildhibaanada baarlamaanka ee lasoo xulay dhamaantood yihiin kuwo cusub oo doonaya in isbadal dhaco, taasi waxay noqon karta caqabada koowaad ee C/Welli Gaas, laakiin waxaa xusid mudan in isaga uu keenay inta badan xildhibaanada. Arinta Labaad ayaa lagu sheegaa inay tahay xumeynta xidhiidhka ka dhaxeeyay dowladda Soomaaliya oo hor istaagay mashaariic badan iyo dhaqaalo la doonayay in lagu maalgeliyo deegaanada Puntland, sida dhawaan uu sheegay C/raxmaan Faroole. Arinta seddexaad ayaa lagu sheegaa inay tahay fulin la’aanta balanqaadyo badan oo uu u sameeyay madaxda odayaasha dhaqanka ee Puntland, waxaana kamid ah dib u qabashada deegaanada ka maqan gacanta Puntland. Xumaanshaha xiriirkii kala haxeeyay Isimadda dhaqanka Beesha Sool clan oo meesha ka baxay ayaa la sheegayaa inay tahay dhabarjab kale oo C/Welli Gaas kasoo wajihi kara doorashada Puntland. Laakiin waxaa jiro fursado uu ku guuleysan karo oo ay ugu horeyso saameyntii uu ku lahaa soo xulista xildhibaaada baarlamaanka iyo dhismayaashii uu isaga dhagax dhigay. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga XFS ayaa goordhow war ka soo saartay weerarkii Madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee M/Muqisho. Warka ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa ugu horreyn lagu sheegay in ay aad uga xun tahay, islamarkaana ay cambaarayneyso dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay shaacisay in ay caafimaad deg deg ah u rajeynayso shaqaalihii Qaramada Midoobay ee ku dhaawacmay weerarkaasi. Ugu dambeyn wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay baaritaan ku heyso dadkii ka dambeeyay Hoobiyeyaashaasi. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan oo uu khasaare ka soo gaaray shaqaale ka tirsan QM oo xilligaasi ku sugnaa xarunta xalane ee M/ Muqdisho. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Wasaaradda amniga Oo war ka soo saartay weerarkii Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho( Sh. M. Network )-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta daah -furay kulan looga arrinsanayo la tashiga siyaasadda iyo sharciga Waraabka dalka. Ugu horreyn wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dhawaan la dayactirayo kanaaladii waa weynaa ee Wabiyada dalka , si looga hortago Fatahaadaha ka dhasha Wabiyadaasi. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka iy dalka uu muhiim u yahay, haddii la dhaqan galiyo la tashiga siyaasadda iyo sharciga waraabka dalka, maadaama xilligani baahi weyn loo qabo sharcigaasi. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay barnaamijyo badan oo lagu horumarin jiray Tacabka Beeraha iyo Waraabka intaba. The post XFS Oo dayactireyso Kanaaladii Wabiyada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya dalka uga cayrisay ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha QM, Nicholas Haysom. Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayey ku sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Somaliland. Xukuumadda Hargeysa waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid aan khusayn Somaliland, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-shaqayntii ay la lahaayeen ergayga QM. Somaliland ayaa ku amaantay Haysom in intii uu xafiiska jooga uu si wanaagan uga shaqeeyey nabadeynta Soomaalida dhexdhexdeeda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Somaliland iyo Somalia. Hoos ka aqriso qoraalka Somaliland
-
Wasaaradda amniga ee dowladda federaalka ah yaa cambaareysay weerarkii xarunta Xalane ee xafiiska UNSOM, waxaa war saxaafadeedkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Qaramada Midoobey ku leedahay Xalane iyo kadib markii UN-ka ka dalbadeen dowladda baarintaan arrinkaas la xiriira. Xarunta Xalane oo talaadadii lagu garaacay hoobiyeyaal ayaa waxaa soo gaaray burbur hanti, waxaa kale oo ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha UN-ka. Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska Milatariga Kenya ayaa looga hadlay dagaal Ciidankooda iyo Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Milatariga Kenya ayaa warkan ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen illaa 7 ka tirsanaa Al Shabaab, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in dagaalkasi ay Al Shabab kaga furteen illaa iyo 9 Qoray oo nuuca AK47 ah iyo Saanad Ciidan intaba. Dhinaca kale war ka soo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay barahooda Internert-ka ayaa looga hadlay dagaalkaasi. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in warar ku bilowday qarax Miino, islamarkaana uu xigay dagaal toos ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Qooqaani iyo Taabto ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa kale oo Al Shabaab ay tilmaameen in weerarkaasi ay ku gubeen Gaari Taw ah oo ay lahaayeen Ciidankaasi, sidoo kalena ay gaarsiyeen khasaare xoogan. Dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro gaadma ah ku qaada fariisamaha Ciidamada Kenya ay leeyihiin gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. The post Kenya Oo Sheegtay in ay dishay 7 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad u soo dhaweeyay go’aankii ay dowladdu dalka uga ceyrisay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Dadkani oo la hadlay Shabelle ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku boggaadiyay go’aanka ay qaadatay. Waxaana ay sheegeen in ay garab taagan yihiin madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. DFS ayaa ku wargalisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Nicholas Haysom in aan dalka laga rabin, islamarkaana uusan ka shaqayn karin Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-ismaaciil-.mp3 The post Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay Eryiddii Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliland ayaa ka soo horjeedsatay go’aankii ay dawladda federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegan in go’aanka ay qaadatay dawladda federaalka Soomaaliya aanu khusayn Somaliland. Halkan Ka Akhriso Go’aanka: Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargaysa)Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Dhaqan Galiyay Miisaniyad Sanadeedka 2019 Ee Hore Usoo Ansaxiyeen Golaha Wakiilada Somaliland. WAREEGTO MADAXWEYNE. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-249/012019 ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 02.01.2019 Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka; Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah). ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay hoobiyeyaal kooxda Al-Shabaab ay shalay ku weerartay xarunta Xalane ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya. Weerarkaas ayaa QM ay sheegtay in lab aka mid ah shaqaalaheeda ay dhaawacyo kasoo gaareen. Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Amnigu waxay cambaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee ururadda argagixisadu hoobiyayaal ugu soo tuureen Xarunta Xalane. Waxay aad uga xuntahay in weerarkaas ay ku burbureen hanti, waxyeelona ka soo gaartay shaqaalahii joogay xarunta Qaramada Midoobay. Waxay caafimaad u rajaynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeelobay dhacdadaa. “Waxay dabagal iyo baaris ku haysaa dadkii geystay falka. Waxay la socodsiinaysaa shacabka Soomaliyeed in ay gacan ku soo dhigi doonto dhamaan cidi ka dambaysay falkaa foosha xun, lana wadaagi doonto natiijada barista” ayaa qoraalka uu intaas ku daray. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda amniga Soomaaliya.