-
Content Count
207,210 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Puntland waxa ay 8-da bishan Janaayo dooran doontaa Madaxweyne Cusub ama waxaa ku ceshan doona Cabdiweli Cali Gaas, oo shanti sano ee ugu dambeeysay soo hoggaaminayey. Hase ahaatee, doorashadan waa tijaabaddii ugu adkeyd ee ay Puntland la kulanto tan iyo markii 1998 dhidhibada loo taagay. Waxaa xilka Madaxweyne u sharraxan 30 oo uu ka mid yahay Dr. Cali Ciise Cabdi oo ka soo jeeda gobolka Sool. Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaale yahan dunida aad looga yaqaan waxa uu doorashada soo galay toddobaadkii hore taas oo lama filaan ku noqotay musharixiintii badnaa ee ka horreeyey halka uu ol’oluhu waji kale yeeshay. Dhaqaale yahanka waa siyaasiga maanta ugu saameynta badan gobolka Sool marka laga yimaaddo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali? Waxaa la wada ogyahay halka ay kala joogaan siyaasiyiinta Puntland, gaar ahaan kuwa ku abtirsada beesha Maxamuud Saleebaan ee soo maamulayey tan iyo markii la aas aasay iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh. Xagee ayey ka bilaabatay collaada Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta Puntland? Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa loo magacaabay 2000 Raisul Wasaaraha Soomaaliya kaddib markii Cabdiqaasim Salaad Xassan ku guuleystay xilkii Madaxweynaha shirkii Carta. Hase ahaatee, Dr. Cali Khaliif Galaydh waxa uu ka shaqeyn waayey Cabdullahi Yusuf (AUN) oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Puntland. Markale waxa ay Dr. Cali Khaliif iyo Cabdullaahi Yusuf siyaasadda isku dagaaleen 2004 xilligaas oo la wada joogay Nairobi, Cabdullahi Yusuf waxa uu Puntland ku amaray in ay xannibaan oo aysan Nairobi u soo dhoofin isimaddii Sool clan si aysan ugu ol’oleyn Dr. Cali Khaliif taas oo u meel martay. Isimada xilligaas la celiyey waxaa ka mid ahaa Garaad Cabdiqani Garaad Cali (AUN). Khaatumo iyo Puntland? Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Dr. Cali Ciise Cabdi iyo siyaasiyiin kale oo beesha Sool clan ah waxa ay aas aaseen oo ay Taleex ku dhiseen 2012-kii maamulkii Khaatumo. Maamulkaas waxaa aqoonsaday Madaxweyne KMG ahaa ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed balse waxaa is hortaagay Cabdiweli Gaas oo Ra’iisul Wasaare ahaa. Wixii intaa ka dambeeyey Puntland iyo siyaasiyiinta Maxamuud Saleebaan waxa ay dagaal qaawan la galeen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Khaatumo ilaa uu markii dambe lagalay Somaliland oo uu la heshiiyey. Cali Ciise Cabdi Iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh Walow aysan jirin meel ay isaga horyimaadeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Puntland, hadana waxa uu ku mab’da ahaa Dr. Cali Khaliif oo ay wada doonayeen in Sool clan sameysto mamaul ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland. Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu ku khilaafay Dr. Cali Khaliif Galaydh qaabkii loo wajahay in Khatumo iyo Somaliland wada hadlaan taas oo keentay in ay kala tagaan. Ogow, Dr. Cali Khaliif Galaydh lama soo marsiiyo Puntland, waxaana tusaale u ah in isaga oo heli kara in uu Puntland la hadlo ka doorbiday Somaliland. Dr. Cali Ciise Cabdi hadda waa musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland, waa siyaasigii ama shaqsigii ugu miisaanka cuslaa ee Sool clan oo abid xilkaas isu soo sharraxa, taas waxa ay ka dhigan tahay in Beesha Sool clan isha kuwada hayyaan doorashada 8-da Janaayo, iyaga oo is weydiinaya Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali!? W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac Laascaanood, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Puntland waxa ay 8-da bisha Janaayo yeelan doontaa Madaxweyne, Gaas oo soo noqdo ama mid cusub. Haddii Gaas meesha ka boxo oo uu yimaado mid cusub, kaba soo qaado inuu noqday Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxay Somaliland uga dhigan tahay madaxweyne Puntland oo kasoo jeeda Sool. Waxaa marka hore in la is-weydiiyo ay tahay, maxaa toddobaad kahor doorashada keenay, yaa ka dambeeyey fikirka, Dr. Cali Ciise iyo Puntland? Si walba xanta ha’u wareegto, balse waa biyo kama dhibcaan in su’aashan la is weydiiyo… Saameyn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa Somaliland Madaxweyne Puntand ah oo ka soo jeeda beesha Sool clan? Kahor inta aynaan qiyaasin cawaaqibka ay Somaliland arrintaas ka dhaxli karto, aan ogaanno waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Sool clan? Somaliland sida hadda loo yaqaan waa mamaul iskii ugu dhawaaqay uu yahay Jamhuuriyad ka madax bannaan Jamhuuriyaddii Somaaliya. Sool clan muxuu u yaqaan? Sool clan oo ah beesha dagta Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa ay Somaliland ka aaminsan yihiin maamul ay sameysteen beesha dhexe “Isaaq” balse aan matalin dhulkii uu Ingiriiska gumeysan jiray ee British Somailand Protectorate ee markii dambe la midoobay Koonfurta Soomaaliya. Taas oo ay jirto, Somaliland oo kaashaneysa maleeshiyo beeleed isla Sool ka soo jeeda waxa ay 2007 Gobolka Sool kala wareegtay Puntland. Saameynta uu Madaxweyne Puntland ah oo ka soo jeeda Sool clan ku yeelan karo Somaliland Somaliland waxa ay kala kulmi doontaa jab weyn oo isugu jiri kara mid siyaasadeed iyo waliba dagaal lagu hoobto. Haddii uu Dr. Cali Ciise soo baxo, Somaliland waxa ay beesha caalamka ugu muuqan doontaa mid ku soo duushay dhul dadkii lahaa maamul kale dhisteen oo ay Madaxweyne ka yihiin, wey adkaan doontaa in ay xataa dowladda Federal-ka ah wadahal miiska ugu timaado maadama aysan suurtagal ahayn in Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ah Madaxweynaha Puntland ka maqnaado goobta wadahalka! Taas waxaa dheer, in maalinta la doorto Cali Ciise Cabdi Laascaanood uu ka qarxo dagaal iyo kacdoon dhiig badan ku daato, kaas oo horseedi kara collaad sii daba dheerata . Si walba, Madaxweyne Puntland oo ka soo jeeda Sool clan, wax aan cawaaqib xumo ahayn Somaliland ma kala kulmi doonto. W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac Laascaanood, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Tehran (Caasimada Online) – Hassan Khomeini, oo uu awoowe u yahay Ayatollah Khomeini oo aas-aasay taliska Iran ayaa sheegay in Iran ay burburin doonto, islamarkaana aysan jirin wax muujinaya inay bad-baadi doonto. “Aas-aaska bulsho kasta waxa uu ku dhisan yahay inay ku guuleysato qanaacada shacabka. Ma jiro wax damaanad qaadaya inaan xukunka sii haysan doono, kuwa kalena ay iska bixi doonaan” ayuu yiri Hassan oo ay soo xigteen warbaahinta Iran. “Sii socoshada burburka bulshada iyo faafitaanka naceybka bulshada ee ku aaddan maamulka waxa ay hogaamin doontaa inay dadka ku qasabto inay noqdaan kuwa leh laba shaqsiyad” ayuu yiri. “Haddii aan lumino qayimkeena, oo aan ku mashquulno talis intii aan xoogga saari lahayn aas-aaska bulshada, waa astaan muujineysa halista bulshadeena ay wajahayso” Laba maalin ka hor Faezeh Rafsanjani oo ah gabadha hogaamiyihii hore ee Iran Hashemi Rafsanjani, ayaa sheegtay in Iran ay maskax ahaan burburtay, islamarkaana taliska oo hadda jir ahaan un taagan uu raaci doono, haddii aan la helin talis beddel wanaagsan u noqda midkan. Iran ayaa wajahaysa cadaadis xooggan, ayada oo dalkaas ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale oo badankood ka dhashay cunaqabateynta Mareykanka iyo naceybka ay kala kulmaan dalalka sunniga ee carabta ah ee deriska la ah. Caaismada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Qaran News
-
KULMIYIHII CAGAARNAA IYO KULMIYAHAN HUURAADDA AH!! HOR-DHAC Hada Iyo Jeer Bay’ada Ama Deegaanka Iyo Dadka Ku Nooli Waxay Isku Leeyihiin Shaabaha Oo Dadku Dalkiisa Ayuu U Eegyahay . Guud Ahaan Qaarada Africa Wax ay Had Iyo Jeer Isla Qabsadeen Dhaq-Dhaqaaq Kasta Inuu Bilawgiisa Ama Xiligiisa Koobaad Dhadhan Iyo Tayo Badan Yeesho, Somaliduna Waabay Kasii Xag Jirtaa Oo Dhaq-Dhaqaaq Kasta Bilawgiisa Ayay Dareen Qiiraysan Iyo Dedaalna Aanu Ka Madhnayn Ku Galaan, Tusaale Ahaan Dawladii Somalia Ee Uu Hogaamiye Mohamed Siyaad Barre Toban-keedii Sano Ee U Horeeyey Waxay Gaadhay Awood Iyo Guulo Wax Ku Ool Ah, Heer Ay Xoog Ku Maquuniso Dawladihii Africa Ugu Awooda Waynaa Dhanka Ciidanka Ugu Dambayntiina Somalia Ayaa Ciidan Amaanka Somalia Suga Loo Dawiriyey Oo Dunidu U Qaadhaantay Ilaa Imikana Qaar Kood Ku Suganyihiin! Sababtuna Waxay Ahayd Xusbigii Kacaanka Ee Tobankii Sano U Ee Horeeyey La Mahadiyey Oo Laga Fur-Furi Waayey Xilka Dabadeed Gadaal Isku Fasaqay !! Arintani Waa Tusaale Uun Macanaha Ugu Wayn Ee Aynu Usoo Qaadnayna Waxa Weeye “Dhaq-Dhaqaaq Kastaa Mar Yaanu Inala Dhaafin”! Intaas Markaan Hor-Dhaca Kusoo Dhaafo, Oo Aan U Gudbo Muhiim Ka Qormadaydan Sanadkii 2010 Waxa Talada Dalka Ku Guulaystay Xusbiga Kulmiye Oo Calanka Calaamadiisuna Tahay Midabka Cagaarka Iyo Middabka Hurruudda ilaa Imikana Talada Dalka Hogaaminaya. Waxa Xusbiga Kulmiye Markii Koobaad Hogaaminayey Madax-Wayne Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo Talada Dalkana Ku Guulaystay July 2010 Ilaa November 2017. “Waayahay” Aan Dib Ugu Noqdee Ciwaanka Qormadaydu Waxay U Dhigantahay (KULMIYE CAGAAR IYO Kulmiye Huruud) Haddiiba Calaamada Xusbiga Kulmiye Ay Ka Koobantahay Middab Cagaaran Iyo Midab Huruuda Ah Bal Ma Isku Daynaa Inaynu Labbadana Midab Wax Ka Dhex Barano? “Kolay Haa Tidhiye Inna Mari Oo Illa Soco” Madaamaa Oo Aynu Dad Xoolo Dhaqato Ah Oo Laf Dhabarta Nolosheenu Ku Tiirsantahay Xoolaha Nool Ogow Saaxiib Xooluhuna Waxay Ku Noolyihiin Oo Noloshoodu Ku Dhisantahay Baad Iyo Dhir Sidaa Awgeed Idil Ahaanba Soomalida Middabka Cagaarani Midabada Uguma Jiro Oo Way Ka Jecelyihiin Had Iyo Jeerna Sugaanta Somaliyeed Lagama Waayo Cagaar Iyo Doog Sidaa Si Le’eeg Dhanka Cilmiga Sayniska Iyo Tiknoolajiguna Middabka Cagaraan Waxa Lagu Suntadaa “Hagaag” Ama Shay Sidii Lala Rabay Ah. Dhanka Kale Midabka Hurruuda Wuxuu Soo Baxaa Marka Geeduhu Ama Baad Ku Jeesto Ama Daaqii Dhamaado Ayaa Dhamaan Dhirtuu Isku Bedeshaa Midabkaa Hurruuda Ah Hadii Aan Si Kale U Tilmaamana Waa Yadda Diilo Xumo Oo Had Iyo Jeer Waxa Lagu Suntadaa Khatarta Naf La Baqqa Ah (Warning) Hadaba Bal Aynu Isku Eegno Sifooyinka Aynu Ka Bixinay Labbada Middab Ee Kala Ah Cagaar Iyo Hurruud iyo Xusibga Kulmiye KULMIYIHII CAGAARNAA Si Ay Habsami Socodka Xusbi-Xaakimka Iyo Xukuumadu Isku Dhinac Gaardiyaan Oo Maamul Waliba Dhankiisa Isku Maamulo Wuxuu Madax-Wayne Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo Ku Dhiiraday Inuu Kala Saaro Hogaanka Xusbiga Iyo Xukuumada” Waana Sababta Koobaad Ee Xusbiga Kulmiye Kusii Riiq Dheeraaday. Qaab Siyaasiga Noocaas Ahni Waa Qaab-Siyaasi Hadii Middab Ahaan Loo Badelo Cagaaran!! KULMIYAHA HURUUD Intooda Badan Hogaanka Xusbiga Kulmiye Waa Madaxda Xukuumada Talada Haysa Madaama Oo Ay Weli Isku Jiraan Hogaanka Xusbiga Iyo Xukuumaduna Waxa Gebi Ahaaba Meesha Ka Baxaysa Gooni Socodkii Xusbiga. Qaab-Siyaasiga Noocaasi Ahni Hadii Middab Ahaan Loo Bedelo Waa Middabka Huruuda Ah, Sifadiisuna Tahay Digniin Naf La Baq Ah. Tubtii Xusbigii Udub Bay Haystaa!! Akhristoow Adigoo Aad Ugu Mahadsan Wakhtigaaga Qaaliga Ah Waa Inoo Iyo Qormadan Qormada Xigta Insha Allah Allaa Mahadleh Eng Abdulkadir Mohamoud Sugal (Muwaadin Aragtidiisa Anfaacsada) togdheertoday@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-020119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa tagaeersan go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka uga cayrisay ergeygii garaka ahaa ee QM, Nicholas Haysom, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in cayrinta Haysom aysan ku iman oo kaliya warqaddii uu dowladda u diray ee la xiriirtay xariga Mukhtaar Roobow, balse ay jiraan dhacdooyin kale, oo Soomaaliya iyo Mareykankaba ku qanacsaneyn oo uu qaaday Haysom. Sida aan xogta ku helnay, Mareykanka ayaa lagala tashaday go’aanka dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay taageereen, ayagoo u yaboohay dowladda Soomaaliya inay ka taageeri doonaan cawaaqib kasta oo ka yimaada tallaabadan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya uusan ka qanacsaneyn laba arrin oo uu sameeyo Haysom oo kala ah; inuusan Mareykanka la-tashi badan ka galin tallaabooynka uu qaado, iyo inuu ku deg dego go’aanadiisa. Mareykanka oo ah dalka ugu badan ee bixiya dhaqaalaha QM ayaa rumaysan inuu xaq u leeyahay inuu noqda kan ugu horreeya ee arrimaha Soomaaliya laga talo-geliyo. Waxaa sidoo kale jira khilaaf iyo loolan hoose oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku wajahaan arrimaha Soomaaliya. Haysom ayaa aad ugu dhow dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan UK, taasi oo Mareykanka uusan ku farxin. Warqaddii uu Haysom u diray wasaraadda amniga Soomaaliya 30-kii December, ayaa waxaa raacsanaa lifaaqa warqad ay si wada jir ah u qoreen Germany, UK iyo Midowga Yurub. Si kastaba, xoga aan helany ayaa sheegeysa in Mareykan uu diiday inuu ka hadlo dhacdooyinkii Baydhaba, kuna biiro go’aanka beesha caalamka ee sharaxaadda lagu weydiistay dowladda Soomaaliya. Go’aanka Mareykanka ayaa sidoo kale ka carreysiiyey xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo shalay soo saaray qoraal ay Mareykanka uga dalbadeen inauu arrintan ka hadlo, ayaga oo wax aan la qaadin karin ku tilmaamay in Mareykanka aamuso. Halkan ka aqri qoraalka xildhibaanada. Inksta oo aysan si rasmi ah u caddeyn mowqifkooda, haddana Mareykanka ayaa la sheegay inuu dowladda Soomaaliya ku raacsan yahay xariga Mukhtaar Roobow, ayaga oo u arka halis amni in xilligan Roobow lagu aamino xil madaxweyne, isaga oo aan weli si buuxda uga tanaasulin fikirka xagjirnimo. Waxaa sidoo kale la sheegay in Mareykanka ay Haysom u sheegeen inuusan faro-gelin arrintan Roobow, balse uu ku gacan seeray, isaga oo dhageystay dalalka Jarmalka iyo UK. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka madaxwene Trump ayaa aad isugu dhow, waxaana Mareykanka uu bilihii dhowaa aad u xoojiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xubno badan looga dilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guatres waxa ay maalintii shalay ahayd u dirtay qoraal ay ku caddeyneyso in waxyaabaha ay ku eedeyneyso ergaygiisa ka hor inta aysan soo saarin qoraalka ergeyga lagu eryay. Shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa heshay nuxurka qoraalka dowladda Soomaaiya ay u dirtay Qaramada Midoobay, waxaana muuqata in waxyaabaha lagu haysto Haysom ay ka weyn yihiin warqaddii uu soo saaray 30-kii December ee uu wasaaradda amniga kaga dalbaday sharaxaadda wixii Baydhaba ka dhacay kadib xadhigii Sheekh Mukhtaar Roobow. Nuxurka qoraalka ayaa waxaa ugu waa weynaa: Carqaldeynta xidhiidhka wanaagsan ee Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya: Qoraalku waxa uu Haysom ku eeddeeyay in uu gebi ahaanba joojiyay xiriirka dowladda Soomaaliya, isla markaana jaray in laga wada hadlo waxyaabaha labada dhinac ka dhaxeeyay, isaga oo doorbiday inuu hay’adaha dowladda xiriirka u marsiiyo warbaahinta, taas oo dowladda Soomaaliya ay u aragtay inuu ergaygu baal maray wadiiqooyinka diblumaasadeed ee xiirka caalamiga ah. U gefidda madax-bannaanida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed: Hadallo uu Ergaygu ka jeediyay Beydhabo iyo Kismaayo oo uu ku sheegay in “Soomaaliya aysan ahayn Muqdisho, Muqdishana aysan Soomaaliya ahayn” ayay dowladdu u aragtay inuu ku xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya. Kala irdheynta ummadda Soomaaliyeed: Ergayga ayaa lagu eedeeyay in uu kulamo aan rasmi ahayn oo qarsoodi ah uu la yeelanayay shaqsiyaad aan la magacaabin isaga oo kala hadlyay arrimo ka dhan ah midnimada dalka. Baahin Online ayaa fahansan in shaqsiyaadkiisa ay kasoo jeedaan Somaliland. Khalkhalgelinta xasillooda dalka: Dowaldda Soomaaliya ayaa qodobka “Taageeridda Argagixiso u aqoonsan” kulanka uu ergaygu la yeeshay Mukhtaar Rooboow iyo taageerada uu u muujiyay musharraxnimadiisa, maadaama ay dowladdu Rooboow u oqoonsan tahay inuusan wali ka tanaasulin fikirkii xagjirka ah. Baalmaridda shuruucda caalamiga ah: Ergayga oo ku xusub xafiiska ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah in uusan raacin habraaca hay’adaha QM ee soo jireenka ah. Iska horkeenidda beesh caalamka iyo Soomaaliya: Safiirka waxaa lagu eedeeyay in uu xerada Xalane ka dhex billaabay ole ole dowladda Federaalka ka dhan ah, taas oo wiiqi karta xiriirka dowladda iyo deeq bixiyeyaasha oo ay dhaqaale ahaan dowladdu ku tiirsan tahay. Kala fogeynta dowladda Federaalka iyo dwolad goboleedyada: Dowlad goboleedyada oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ayuu ergaygu isku dayay inuu xriir la sameeyo, sida qoraalka lagu yiri, sidaas darteed dowladdu waxa ay u aragtay inuu halis ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad qoraal ah oo kasoo baxday kudlo ay ku mideysan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo Xisbiyada Wadajir iyo xisbiga UPD oo Xasan Sheikh uu hogaamiyo ayaa waxay kaga hadleen xaaladaha siyaasadeed ee dalka. Qoraalka Kudlada ayaa ugu horeyn waxaa lagu cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee xerada Xalane, kaasi oo ay Al Shabaab sheegteen masuuliyadiisa. Sidoo kale qoraalka ayaa looga hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Haysom. Waxay sheegeen in go’aankaasi uu yahay mid muujinaya hab dhaqanka awoodeed ee madaxda hadda jirta, kaasi oo waxyeeleyn kara xiriirka diblumaasiyadeed ee dalka Soomaaliya. Waxay ugu dambeyn ka digeyn waxay ugu yeereen cabsi iyo argagax gelinta waxyeeleyn karta dib u dhiska qaranka Soomaaliya. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada online)-Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa qoraal kasoo saaray go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ay kaga eriday wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inaysan taageersaneyn go’aanka dowladda Soomaaliya, dalka kaga racdeysay Nicholas Haysom. Qoraalka Golaha Ayaa u Qornaa Sidan: Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) wuxuu cambaareynayaa weerarkii fuelynimada ahaa ee shalay, 01 January 2019, kooxaha nabad diidka ah ay ku weeraraan Xarunta Xalane oo saldhig u ah Safaaradaha, Hay’adaha, Ciddanka Nabad Ilaalinta (AMISOM) iyo Beesha Caalamka. Sidoo kale, kooxaha nabad diidku waxay weerar ku qaadeen 22 December, 2018, Xarunta Fanka iyo Dhaqanka Soomaliyeed (Nationa Theatre), halkaas oo ay ku dhinteen muwaadaniyiin fara badan, halka in badanina ay ku dhaawacmeen. Waxaan sida ugu xoogga badan u cambaareynaa weerarada qaawan ee si joogto ah loola beegsanayo ummadda Soomaaliyeed iyo Howl-wadeenada Beesha Caalamka. Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka weecatay Masuuliyaddii shaqo ee loo doortay oo ahayd Xasilinta iyo Sugidda Amnigu ugu horeeyo, kuna beddelatat ismaandhaaf siyaasadeed oo joogto ah iyo faragelin aan Dastuuri ahayn oo ay ku hayso Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed sida dhacdadadii ka dhacday Magaalada Baydhabo taas oo faragelintii lagu sameeyey ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac dadweyne, dadkaas oo ka hor yimid faragelinta guracan. Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed. Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan. Caasimada Onine Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan baarlamaanka Finland, khabiirna ku ah arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika, kana oo shaqeeyay machadka Nabadda dalkaas. Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Haavisto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha cafinta daymaha, dib-u-eegista dastuurka, hannaanka diiwaan gelinta xisbiyada dalka iyo doorashooyinka la filayo dalka in ay ka qabsoomaan 2020. Pekka Haavisto ayaa hoggaanka dawladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga go’antahay dib usoo kabashada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dawladda Filand ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed. The post RW Khayre oo la kulmay xubno ka socda Finland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-020119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre go’aankii ay ku eryeen ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom. Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Nicholas Haysom aan laga rabin dalka iyada oo loo sababeeyey go’aankaas in uu ku xad gudbaday habmaamuuskii Qaramada Midoobe iyo waliba madax bannaanida dalka. Faarax Macallin oo ka falcelinaya go’aankaas ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkan. “Waa tallaabo weyn oo ay qaadeen Farmaajo iyo Kheyre eryidda Nicholas Haysom. Ugu dambeyn waxa ay si xoog leh ugu caadeeneysaa dhammaan in Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida. Sanadihii dameeraha, wadanku cid walba ayaa lahayd marka laga reebo Soomaalida. Farmaajo iyo Kheyre nadiifiya Xalane iyo aagga dhaqaalaha ee badda. Dhinaca kale Faarax Macallin waxa uu qoraalka ugu baqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre in ay xarunta Xalane si gaar ah ula socdaan waxa ka socda isaga oo adeegsaday “Nadifin” maadama Soomaali badan ay tuhun ka qabaan waxa lagu fuliyo. Go’aanka lagu eryey Nicholas Haysom ayaa ahaa mid aan hore noociisa loo arag, oo aan laga fileyn dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) oo goorhow qoraal soo saaray ayaa uga hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ah, iyaga oo ka soo horjeestay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee ka dhanka aheyd Nicholas Haysom, Go’aanka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) ayaa imaanaya saacado uun markii ay go’aanka wasaaradda iska diideen Somaliland iyo golaha isbedel-doonka koonfur galbeed Qoraalka Golaha Ayaa u Qornaa Sidan: Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) wuxuu cambaareynayaa weerarkii fuelynimada ahaa ee shalay, 01 January 2019, kooxaha nabad diidka ah ay ku weeraraan Xarunta Xalane oo saldhig u ah Safaaradaha, Hay’adaha, Ciddanka Nabad Ilaalinta (AMISOM) iyo Beesha Caalamka. Sidoo kale, kooxaha nabad diidku waxay weerar ku qaadeen 22 December, 2018, Xarunta Fanka iyo Dhaqanka Soomaliyeed (Nationa Theatre), halkaas oo ay ku dhinteen muwaadaniyiin fara badan, halka in badanina ay ku dhaawacmeen. Waxaan sida ugu xoogga badan u cambaareynaa weeararada qaawan ee si joogto ah loola beegsanayo ummadda Soomaaliyeed iyo Howl-wadeenada Beesha Caalamka. Dowladda Dhexe ee Soomaliya ayaa ka weecatay Masuuliyaddii shaqo ee loo doortay oo ahayd Xasilinta iyo Sugidda Amnigu ugu horeeyo, kuna beddelatat ismaandhaaf siyaasadeed oo joogto ah iyo faragelin aan Dastuuri ahayn oo ay ku hayso Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed sida dhacdadadii ka dhacday Magaalada Baydhabo taas oo faragelintii lagu sameeyey ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac dadweyne, dadkaas oo ka hor yimid faragelinta guracan. Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed. Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlaamnka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
‘Persona non grata’ waa jumlad Latini ah oo la macno ah ‘Qof aan qaddarin loo heynin ama aan laga soo dhoweyneyn dal uu ergonimo ku joogo’. In kastoo dowladuhu xaq u leeyihiin inay diplomaasi ka ridaan qaddarintii diblomaasiyadeed haddana waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ciqaabta ugu adag ee ay dowladi diblomaasi ku ridi karto, madaama xeerka aanu dhigeynin in la xiro ama la maxkamadeeyo qof xasaanaddaas leh. Buug uu sannadkii 1973-kii qoray Professor Gamboa oo cilmiga diblomaasiyadda ku xeel-dheer ayaa Qaddarin ka qaadidda diblomaasiyeed ku macneeyay ‘dareen loo muujiyo diblomaasi aan xushmad looga sii heynin dalka marti-geliyay madaama uu waajibaadkiisa ka gudbay ama inta aanu gaarin qadka cagaaran ee dowladda martigeliysay lagu joojiyo’. Sida uu qabo xeerka caalamiga ah, diblomaasiga waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay xurmeynta xeerka dalka martida loo yahay, waxaana waajib ku ah inaanu ku xad-gudbin arrimaha gaarka ah ee dalka. Dowlad kasta waxay diidi kartaa diblomaasi loo soo magacaabay kahor inta aanu dalka imaanin ama marka la aqbalo kaddib, iyadoo ay ku xiran tahay sababaha loo cuskanayo go’aanka. Goormaa diblomaasiga qaddarinta laga qaadi karaa? Adeegsiga ‘qaddarin ka qaadista’ ma’ahan mid lala boodo, madaama xeerka caalamiga ah uu ku saleysan yahay daneysi laba-dhinac ah. Dowladaha waxay isku dayaan inaanay adeegsan awooddaas xitaa haddii ay caddeymo u hayaan in diblomaasi uu ku xad-gudbay dalka ama uu galay howl ka baxsan howshii loo igmaday. Adeegsiga awooddaas waxay sababi kartaa caro diblomaasiyadeed oo ka dhalata, haddii caddeymo qancin kara cidda ergayga soo diratay la helo waxaa dhacda in la beddelo ergayga si xiriirka diblomaasiyadeed uu u sii socdo. Wakiil Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wali mala eryay? Bishii July 2004, Madaxweynihii Falastiiniyiinta AUN Yasir Carafaat ayaa karaameynta diblomaasiyeed ka xayuubiyay Terje Rod Larsen oo ahaa diblomaasi Norway u dhashay kaas oo ergay gaar ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan uga ahaa Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo Maamulka Falastiinee Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, kaddib markii lagu eedeeyay ‘Isku day uu magaca kaga dilayay Falastiiniyiinta, isla markaana inuu ku xad-gudbay heshiis u dhaxeeyay maamulka Falastiin iyo Qaramada Midoobay. Jon Pronk wuxuu ahaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ee Sudan. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2006 ayay dowladda Sudan ka eriday dalkeeda, kaddib markii ay ku eedeysay inuu ka tegay dhex-dhexaadnimada markii uu ka hadlay arrimo quseeya ciidankeeda oo xilligaa dagaal kula jiray mucaaradka gobolka Darfur. Jon Pronk oo ah diblomaasi u dhashay Holland ayaa xilligaas bog uu leeyahay ku qoray qoraal uu ku sheegayo in mooraalka ciidamada Sudan uu hooseeyo, laba dagaal oo ay galeenna laga adkaaday. Oktober 2014, Scott Campell oo ahaa wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha bini’aadannimada ee Congo ayaa laga eryay dalkaasi kaddib markii uu warbixin dhaleceyn ah ka soo saaray howlgallo ay bilayska dalkaasi ku qaadeen dhallinyaro burcad ah. Waa wax caadi ah oo aan dhaqanka diblomaasiga ah ku cusbeyn in ergay la eryo, hase yeeshee waxaa dhici karta inay caqabado ka yimaadaan iyadoo ay hadba ku xiran tahay eedeymaha loo jeedinayo diblomaasiga la eryay iyo caddeymaha loo hayo. W/Q: Tahlil Colaad Xasan Erfurt, Germany Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Manchester) Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad ku martigelin doonta Liverpool habeenka Khamiista, waxaana kulankaasi uu noqon doonaa mid natiijadiisu saamayn wceyn ku yeelan doonto sida uu noqonayo horyaalka Premier League xili ciyaareedkan iyo naadiga ugu dambayn ku guuleysan doona. Manchester City si ay u furto tartanka hoggaanka sare ee u muuqda inuu koox kaliya gacanta u galo, waa inay ka adkaato Liverpool oo ay soo yarayso farqiga dhibcaha ay ka horreyso, laakiin Reds oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin xili ciyaareedkan socda, ayaa waxay u halgami doontaa inay saddexda dhibcood kasoo qaadato naadiga Pep Guardiola oo xilligii ciidda masiixiga dhibaatooyin badan haleeleen. Pep Guardiola oo lagu yaqaano qaab ciyaareed wanaagsan oo ku dhisan isku-dhiib iyo goolal qof kasta oo kooxda ah uu dhaliyo oo aan hal laacib oo kali ah laga sugin, waxa sida taariikhda lagu bartay uu dhibaatooyinka ugu badan kala kulmaa Jurgen Klopp oo ah macallinka kaliya ee kulamadii ay iskaga hor yimaaddeen guulaha badsaday. Source
-
Waxa jira dad Ku dooda guurtidu xulasho ayay Ku imanaysaa doorashase kuma Iman karto ,hadaba dadka aragtidaa qaba waxa horyaala sadex suaalood oo muhiima . 1- golaha guurtidu waa gole siyaaasiya ,oo qabanaya shaqada golaha wakiiladu qabto ,guud ahaan xeerarka wakiiladu ansixiyaana way marayaan ,markaa gole lasoo doortay iyo mid la soo xulay siday isula jaanqaadayaan ? 2- marxladii beelaha waa laga soo guurey ,siyaasada wadanka joongontayntedana xisbiyo ayaa Ku loolamaya ,markaa xisbiyada madaxwayne nimada u tartamaya ee deegaanka u tartamaya ee bàarlamaanka u tartamaya sidee bay ugu heshiin karaan xulista gole siyaasadeed ,yaase xulaya oo dhexdhexaada . 3- haddii laba gole oo isku mida kii sarre lasoo xulayo ,maxaa Ka hoose doorashadiosa laggu falayaa 4- siyaasad xisbiyo Ku dhisan , bàarlamaan xisbiyo Ku dhisan , xukuumad xisbi Ku dhisan iyo gole beelo soo xulaan sidee bay isula falgalayaan 5- ugu danbayn beelaha Ku muransan saami qaybsiga kiraasi gobolo Ku isman oo loo tartamayaa ma Ku heshiin karaan saami Ku salaysan beelnimo iyo xulasho . Source
-
(SLT-Burco)-Siddeed qof ayaa geeriyooday, laba kalena waxa soo gaadhay dhaawac ka dib markii shil gaadhi uu ka dhacay duleedka magaalada Burco. Shilkan ayaa ka dhashay laba gaar oo isku dhacay, waxaana maydka iyo dhaawac dadkan la geeyay cisbitalka guud ee magaalada Burco. Labada gaardhi ee isku dhacay ayaa mid ahaa gaadhi rakaab halka mid kalena uu ahaa gaadhi booyad ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Weli waxaa isa soo taraya falcelinta laga bixiyey go’aankii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee ay dalka uga saareen ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey Nicholas Haysom, Somaliland kadib waxaa ay iyagana qoraal soo saaray golaha Isbadal-doonka koonfur galbeed. Golaha ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey codsigii ergeyga qaramada midoobey uu soo saaray 30/12/2018 kaas oo ku saabsanaa in la baaro gabood-fallo ka dhacay Baydhabo iyo soo-qabashadii Mukhtaar Roobow. Golaha Isbadal-doonka koonfur galbeed oo qoraalka sii wada waxaa ay sheegeen “Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka UK, Germany iyo EU ay ku baarayaan ku lug lahaanshiyaha booliiska koonfur galbeed qalalaasihii ka dhacay Baydhabo. Ugu dambeyntii, waxaa ay dowladda federaalka ah ugu baaqeen inay dib u fiiriyaan go’aankeeda iyaga oo codsaday in cadaaladda la hor keeno kuwii ka dambeeyey qalalaasihii ka dhacay Baydhabo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Dadka usoo dalxiiska taga magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka ayaa maanta la kulmi doona inay xidhan yihiin goobaha soo jiidashada leh, sababo la xidhiidha hakadka ku yimid qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka. Lacagta ku bixi jirtay inuu furnaado madxafka Smithsonian ayaa dhamaatay. Sidoo kale carwada qaranka ayaa iyana la xiri doona, waxaana dheer in in xarunta farshaxanka qaranka iyana albaabada la isugu dhufan doono khamiista. Hakadka ku jira howlaha dowladda Mareykanka ayaa maanta galay maalintii 12-aad ayada oo xisbiga dimoqraadiga uu isku diyaarinayo inuu la wareego hoggaanka aqalka wakiilada Mareykanka. Marka uu congress-ka cusub ee mareykanka fariisto khamiista, hogaamiyayaasha dimoqraadiga ayaa qorshaynaya inay si deg deg ah u ansixiyaan miisaaniyad cusub oo dib u furta dowladda islamarkaana 800,000 oo shaqaalaha federaalka ah dib ugu soo celiya shaqadooda. Waxa ay sheegeen in miisaaniyadda aysan ku jiri doonin lacagta uu doonayo madaxweyne Trump inuu darbi uga dhiso xuduudda Mexico, oo markii horeba keentay muraanka dhaliyey in miisaaniyadda 2019 aan la ansixin. Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee maamula aqalka senate-ka ayaa sheegay inaysan ansixin doonin sharciga aqalka wakiilada, haddii uusan raali ka ahayn madaxweyne Donald Trump. Source