-
Content Count
207,224 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa culees kale dareemeysa iyadoo go’aan adag ka qaadatay wakiilkii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Madaxda maamulada Puntland, JUbbaland, Galmudug iyo xubnaha ugu sareeyo mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa ka horyimid go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay Nicholas Haysom oo muddo afar bilood ka shaqeynaya Soomaaliya. Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay inaysan dowladda Soomaaliya ku raacsaneyn eryidda Nicholas Haysom, waxaana ay muujisay inay soo dhaweyneyso talaabooyinkii uu qaatay Haysom. Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa qaadatay go’aano adkaa xiliyadii la qaadanayay, waxaana ugu darnaa go’aankii khilaafka Carabta laga qaatay iyo go’aankii Qalbi dhagax lagu dhiibay. Saameynta labadaasi go’aan oo aan si toos ah loo arag ayaa laga dareemay Soomaaliya waxaana ugu adkaa go’aankii dalalka Carabta ka qaadatay dowladda Soomaaliya kaasi oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay dalka. Dadka taageersan dowladda Soomaaliya ayaa go’aanada qaar u arkaa inay soo celinayaan awoodii Soomaaliya ku laheyd caalamka, halka kuwa dhaliilsan ay u arkaan inay halis badan dalka soo gelin karaan. Dowladda Soomaaliya ayaa weysay la shaqeynta maamulada dalka, kadib markii Khilaafkii Carabta dhexdhexaad ay ka noqotay, maadaama maamul goboleedyada ay doonayeen in Sacuudiga iyo xulafadiisa lala safto. Hadda waxaa taagan go’aan kale oo kala fogeyn kara dowladda Soomaaliya iyo maamulada qaar ee aan taageersaneyn dowladda, waxaana markale go’aanka dowladda uu ku saleysan yahay madaxbanaanida dalka. Dad badan ayaa dhaliilay xubnaha mucaaradka ee dowladdooda kala saftay Qaramada Midoobay, halka kuwa mucaaradka ahna ay ka fiiriyeen caqabadaha ka imaan kara go’aanada qaar. Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaanan la ogeyn dhibaatooyinka ka dhalan kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Waxgaradka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka hadlay howlgallo ballaaran oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka wadaan degmadaasi. Nabadoon Maxamuud Axmed Hilaal oo ka mid ah waxgaradka ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan ciidamo cusub oo DFS geysay degmadaasi. Waxa uu sheegay degmada Afgooye iney kusoo bateen falalka amni xumida ah, islamarkaana ciidanka hadda la keenay u arkaan kuwo amniga wax badan ka bedali doona. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo badan oo Booliis ah waxay geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo wada howlgallo joogto ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/NABADOON-MAXMAUUD-AXMED-HILAAL-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa xalay illaa saaka howlgallo ka wada Xaafado ka tirsan degmadaasi. Howlgalkaan ayaa daba socda kadib Qarax Bambaano oo xalay lagu weeraray fariisin ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmadaasi. Weerarkaasi Bambaano ee xalay lagu qaaday Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof oo isugu jira Shacab iyo Askar. Sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho , waxaa howlgallada Ciidamadu ka sameeyeen Xaafadaha degmada Yaaqshid lagu soo qab qabtay Tiro dhalinyaro ah kuwaas oo haatan lagu hayo baaritaanno. Ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka degmada Yaaqshid iyo maamulka degmadaasi ay ka soo saareen qaraxaasi iyo howlgalkii ka dambeeyay intaba. The post Howlgallo laga sameeyay degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Jeneral Bashir Cabdi Maxamed ( Ameeriko) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay diyaariyeen illaa 1000 Askari dheeraad ah oo qeyb ka noqonaya Ciidamada suga Nabad Gelyada Caasimadda. Taliye America ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadani ay u soo gaba gabeeyeen Tababar islamarkaana si rasmi ah ay uga howl billaabi doonaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Ciidamadani ka rajeynayaan wax ka bedelida Ammaanka Magaalada Muqdisho. Dowladda Somalia ayaa dadaal ba’an ugu jirta xaqiijinta Nabad gelyada Muqdisho , walow ay ka dhacaan , mararka qaar falal Amniga liddi ku ah kuwaas oo Masuuliyadooda dusha u ritaan Al Shabaab. The post Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo 1000 Askari hor leh u diyaariyay Ammaanka Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Laamaha amniga Somaliland ee gobolka Sool ayaa xalay magaalada Laascaanood ku xir-xiray, dad isugu’ yimid kulan ay sheegeen in ay ku taageersan yihiin Dr Cali Ciise Cabdi oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweynaha Puntland. Dadkan oo isugu’ jiray dhalinyaro,haween iyo cuqaal ayaa Somaliland ku eedaysay, in ay taageersan yihiin Puntland,waxaana lagu uruuriyay xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,sida ay sheegeen suxufiyiin ku sugan gobolkaasi. Maamulka gobolka Sool ee Somaliland ayaa hore u mamnuucay, in magaalada Laascaanood lagu qabto kulamo lagu taageerayo arrimaha siyaasadda Puntland,iyagoo ku hanjabay in ciddii amarkaasi jebisa tallaabo adag laga qaadi doono. PUNTLAND POST The post Somaliland oo Laascaanood ku xir-xirtay dad shacab ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Tallaabada Dowladda Soomaaliya ay ku ceyrisay Wakiilki QM Somalia Neckolas Heytham ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay qeybaha Bulsho weynta Soomaaliyeed iyagoona ku tilmaamay in ay ka marag kaceyso fulinta Ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa in uu soo celinayo Sharafka iyo Heybaddii dalku lahaa. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Go’aankan uu ka danbeeyay kadib markii Haysom uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka. Sida ay qabaan shuruucda Caalamiga ah waxaa waajib ku ah Danjirayaasha inay xushmeeyaan sharciga iyo nidaamka dalka loo diray, waxaa kale oo waajib ku ah inaysan faragalin arrimaha gudaha ee dalka uu joogo. Heshiiska Jineefa “Geneva Convention” Qodobka 3-aad farqadiisa B, ayaa qoraya in wakiil walba ay waajib ku tahay inuu u hoggaansamo oo kaliya inta uu u ogalyahay qaanuunka caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya ma eryi kartaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.? Sida uu qorayo Qododka 9-aad ee heshiiska Jineefa “Geneva Convention” dalkasta xaq ayuu u leeyahay Wakiilka loo soo diro inuu iska diidi karo ama eryi karo, iyadoo waliba anaan wax sharaxaad ah laga bixin sababta. Dalka ama hey’adda soo dirsatay wakiilka waxay kala dooranayaan in ergayga la dacweeyay shaqada laga joojiyo ama in la badalo. Dowlado badan ayaa horay u qaatay go’aanka nuucaan oo kale ah oo dalalkooda ka saaray wakiilo badan oo ka socday dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. Dowladda Croatia ayaa horay u cayrisay Carl Bildt oo ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee dalkaasi, waxayna ku eedaysay inuu lumiyay awoodihii lagama maarmaanka ahaa ee dhex dhaxaadinta wada hadaladii nabadda ee dalkaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horay u sheegay horumarka iyo waxa u wanaagsan Soomaaliya inay ka tashanayaan oo kaliya Dadka Soomaaliyeed. Mar uu la hadlayay boqolaal shacab ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda waxa uu wacad ku maray in dowladdiisu Masiirka dalka cidna aysan uga heybeysan doonin ayna soo celin doonto qabkii dalku lahaa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isna cod dheer ku sheegay in cidna aysan ka aqbali doonin in dowladda iyo shacabkeeda loo dhexeeyo. Dad badan ayaa rumeysnaa Burburkii kadib in dowladaha dalka majaraha u qabanyay u muuqdeen kuwa maqaar saar ah , marka loo eego dhaqamada Shisheeyaha iyo Gafafka ay ku kacayeen oo qaarkood Uur ku taallooyin reebay laakiin tallaabadaan ayaa rajo gelisay inbadan oo ka mid Bulsho weynta Soomaaliyeed oo Sagaashameeyadii ay ugu dambeysay dowlad Qab leh. The post Madaxweyne Farmaajo oo ka dhabeeyay Ballanqaadkiisii ilaalinta Madaxbanaanida dalka. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xiriirka kubadda cagta adduunka(FIFA) ayaa sheegay inay ka fakirayaan inay badiyaan kooxaha ka qeyb galaya koobka adduunka ee 2022-ka, si ay dalalka u gaaraan ilaa 48 koox. Afhayeen u hadlay FIFA ayaa sheegay inay ka fakirayaan in cayaaraha qaar lagu qabto dalalka dariska la ah Qatar, oo marti-gelin-doonta koobkaas. Go’aankaas ayaa laga yaabaa in la gaaro ka hor March sanadkan kolkaas oo ay bilaaban-doonaan isreebreebka koobka adduunka. 2017-kii ayey aheyd markii FIFA u codeysay in kooxaha la dhigo 48 halka hadda ay yihiin 32, waxana la filayey in laga bilaabo 2026-da. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-030118.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Seddexda haray Axmed Madoobe Gaas iyo Xaaf Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin qoraalkii Ergeyga Qaramada Midoobay,Nicholas Haysom ee ahaa xaqiiqo raadinta falkii ka dhacay Baydhabo. Golaha ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay si mas’uuliyad-darro au uga jawaabtay qoraalka Ergeyga ee ku saabsanaa xaqiiqo raadinta arrimihii ka dhacay Baydhabo,waxaana ay jawaabta xukuumadda ku tilmaameen mid ka fog danta umadda Soomaaliyeed. Dhinaca kale Golaha ayaa ka horjeestay go’aankii xukuumadda Federaalku ay dalka uga ceyrisay Ergeygii gaarka ahaa ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Mr Haysom,iyagoo go’aankaasi ku sheegay mid lagu fududaaday. “Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday” ayaa lagu yiri qoraalka GIDG. Ugu dambeyntii, Golaha Iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin saddexda Dowlad Goboleed ee Puntland,Jubaland iyo Galmudug ayaa beesha Caalamka ka codsaday in aysan joojin taageerada ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post GIDG.oo oo taageero u muujiyay Nicholas Haysom appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Ku xigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka fiirsaneyso go’aanka ceyrinta Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay qaadatay. Farxaan Xaq, ayaa sheegay inay baaritaano ku bilaabeen sababaha keenay in go’aankaasi ay qaadato dowladda Soomaaliya, isaga oo walaac ka muujiyay hanaanka loo maray qaadashada go’aankaasi. “Waxaan aragnay arrinkaan, waxaan isku dayaynaa in aan helno faahfaahin kala duwan iyo Cadeymo waxaana arki doonnaa iyada oo lagu saleynayo wixii tallaabooyin dheeraad ah loo baahan yahay, waana ka fiirsan doonaa” Haq ayaa u sheegay saxafiyiinta. Afhayeenka ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay gaartay warqadda lagu ceriyay Mr Haysom, balse ay kusoo aaday wax uun kadib markii uu cambaareeyay weerarkii ka dhacay Xalane. Waxaa uu sheegay in Xoghayaha Guud uu war soo saari doono Saacaddaha soo socda ka dib markii ay dhameeyaan baaritaanada ku aadan sababaha lagu ceyriyay Haysom iyo habmaamuuska loo maray in Soomaaliya ay wakiilka soo ceyriso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Puntland oo ay 6 maalmood ka harsan tahay ayaa waxaa hadda soo baxaya tirada musharax ee ay wadato dowladda Federal-ka ah. Sida ay Caasimada Online xog la’isku halayn karo ku heshay, xukumadda uu hoggaamiyo Ra’iiusl Wasaare Kheyre waxa ay xoogeeda isugu geysay sidii uu ku soo bixi lahaa Siciid Cabdullahi Deni. Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Villa Somalia ay iyadu door bideyso Cali Xaaji Warsame, Maxamuud Khaliif Jebiye iyo Faarax Cali Shire. Sidoo kale Villa Somalia waxa ay dooneysaa haddii aysan soo bixin saddexda musharax ee hore in aysan dhib ku qabeyn Cabdiweli Cali Gaas iyo Siciid Faarax Juxa. Villa Somalia iyo Xafiiska Raiusl Wasaaraha sida ay Caasimada Online xogta ku heleyso marnaba kama midoobin musharaxa la taageerayo iyada oo uu Kheyre xilli hore talo saartay Siciid Cabdullahi Deni oo ay Daamjadiid ka wada tirsanaan jireen. Hase ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu ku taliyey in Nabad iyo Nolol taageerto Cali Xaaji oo ay saaxiib dhaw yihiin Madaxweynaha, Jabiye oo xilli hore soo codsaday iyo Faarax Cali Shire oo uu Faroole ka gaday. Kulamo dhexmaray kooxda ku aragtida ah Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu guuldarreystay in isku aragti laga noqdo hoggaamiyaha ay Nabad iyo Nolol ka soo saari doont Garoowe. Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaan dhib ku qabin sida aan xogta ku heleyno Cabdiweli Gaas oo muddooyinkii dambe xiriirkoodu soo wanaagsanayey iyo Juxa oo ay waligood ahaayeen kuwo isku dhaw. Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha waxa ay isku dheceen Kheyre halka xiriirka isaga iyo Madaxweynaha in uu wanaagsan yahay laga fahmi karo sawirka u saran boggiisa Facebook, gaar ahaan qolofka kore (Cover Page-ka). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa billowday dadaallo ay dooneyso in dib loogu soo celiyo ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo talaadadii dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada online. Safiirka UK ee Soomaaliya, David Concar ayaa waydiistay dowladda Soomaaliya in ay wax ka badasho go’aanka ay ku cayrisay Nicholas Haysom, oo ay u ogolaato inuu shaqadiisa sii wato. Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay u caddeysay Concar in go’aankan uu yahay kama dambeys, wakiilkana uu dalka isaga baxo, sida ugu dhaqsiyaha badan. Sidoo kale, wakiilka joogtada ee UK ee QM, Dame Karen Elizabeth Pierce, ayaa ka shaqaynaysa in Golaha Ammaanka uu kulan degdeg ah isugu yimaado, kana hadlo go’aanka Soomaaliya. Haysom ayaa si aad ah ugu dhowaa safaaradaha Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan midda UK, taasi oo xitaa keentay in Mareykanka ay taageeraan go’aanka lagu eryey, sida aan xog gaar ah ku helnay. Halkan ka aqri warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 10 maalin kadib ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya xoojinta amaanka magaalada Muqdisho ay dhameysan doonaan tababar hadda u socdo. Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in ciidamo cusub oo gaaraya 1000 askari ay dhawaan soo dhameysan doonaan tababar muddo u socday. Ciidamadaasi ayuu sheegay in hadda tababarka uu kaga socdo xarunta Xisbiga, waxaana ay la wareegi doonaan amaanka magaalada Muqdisho oo hadda inta badan ciidamada booliska ay sugaan. Wuxuu taliyaha sheegay in hadda amaanka magaalada Muqdisho ay sugaan ciidamada booliska marka laga reebo meelo kooban oo ciidamada meletariga ay joogaan, sidaasi si lamid ahna ciidamada cusub ay ku biiri doonaan adeynta amaanka magaalada Muqdisho. Taliye Americo ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamada booliska ee cusub la baray shuruucda ciidamada booliska iyo la dhaqanka bulshada. Ciidamada booliska ayaa ayaa la dhigay bar ilaalineedyada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay yihiin arday dhameysatay goobaha waxbarashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dawladda soomaaliya ayaa qaadday tillaabo aan horay looga baran, waxa ayna eriday ergaygii QM u fadhiyey soomaaliya, waana markii ugu horreysay ee soomaaliya ay go’aan ka gaarto ruux darajadaas leh ama gaarsiisan ergay iwm tan iyo burburkii ka dib. Haddaba waxaa is wayddiin mudan saamayn intee le’eg ayaa ay yeelan kartaa in la eryo ergayga qarammada midoobay, innaga soomaaliya ahaanse maxaa dan ah oo inoogu jira go’aanka dawladdu qaadatay, mase jirtaa cid inoo buuxin karta booska laga yaabo in ay bannayso QM haddiiba ergaygoodii la cayriyey? Su’aalahan jawaabahooda ayaa aan si kooban u taxliilin doonnaa haddii alle idmo. Saamaynta ka dhalan karta eryidda wakiilka QM waxaa ugu wayn mid dhaqaale, maxaa yeelay waxa aan nahay qaran u nugul dhaqaala xumada haysata isla markaana ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalal shisheeye. QM waxa ay dalka ka hayaan hawlo badan oo ay ugu horreyso kharashka ku baxa ciidammada amisom, taageeridda tababarrada SNA, taageeridda mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, waxaana xusid mudan in hawlo badan hayaan hay’adaha faraha badan ee ka tirsan QM ee dalka jooga walaw ay wax badanna kharribeen. Haddaba xiriirka soomaaliya iyo QM oo xumaada waxa ay iila muuqataa mid yeelan kara saamayn ballaaran sababtuna waa xilliga aan ku jirno ayaa ah mid aan u adeegayn in aan khilaaf la galno cid dano badani inagala dhexayso. Ma nihin xilligaan qaran isku filan oo awoodi kara wixii dad uga xiran in uu isagu samaysto iwm, hadda ka dibse ma aqaan. Intaas aan soo sheegay marka laga tago waxaa jira waxyaalo ummadkasta ay leedahay oo lama taabtaan ah, haddii la taabtana ay ka dhalan karto dhibaato walaw dhiigba haloo bixiyee. Waxaa ka mid ah waxyaalahaas karaamada iyo madax-bannaanida qaran leeyahay, waana waxa dawlad lagu yahay, oo haddii ay madax-bannaanidu lunto dawladnimo jiri mayso. Waxa kaliya ee soo dedejiyey go’aanka dawladda soomaaliya ayaa noqon kara in la taabtay mid ka mid ah waxyaalaha lama taabtaanka ah, waana madaxbannaanida qaranka, waana shaqada loo igmaday in ay ilaaliyaan madaxdeennu kana hortagaan waxkasta oo lid ku ah karaamada iyo qarannimada ummadda. Marka aan is barbar dhigno waxa uu ku kacay haysom, ee ah in uu ku xadgubtay madaxbannaanida qarankeenna, faragelinna ku sameeyey arrimaha u gaarka ah dalkeenna, waxa ay ila tahay in la taabtay mid ka mid ah waxyaalihii lama taabtaanka ahaa, taasi waxa ay inagu qasbaysaa in aynaan wax gorgortan ah ka galin wixii ku saabsan karaamadeenna iyo jiritaankeenna, waana waxa aan ku taageersannahay xukuumaddeenna sida ay go’aanka dadnimada leh uga qaadatay mudane haysom, maxaa yeelay dawladuhu waxkasta waa ka gorgortamaan balse madaxbannaanidu marna gorgortan ma gasho. Haddii ay timaaddo taageerada QM in ay noqoto mid ku xiran daandaansi iyo ku xadgudubka arrimaha dalkeenna waxa ay karaamadu ku jirtaa in aan ilaalinno dawladnimadeenna waxkastaba ha ka dhasheene. Ugu danbayn, soomaalidu waxa ay arrintaan uga gudbi karaan iyada oo la muujiyo midnimo qaran, gaar ahaan shacabka soomaaliyeed ee aan u liicin gumaysiga iyo quursiga toona. Ummadda soomaaliyeed waxa ay awooddaa in ay bixiso inta QM bixiso iyo ka badanba haddii aan go’aansanno in aan buuxinno booskaasna waa aan awoodnaa. Waxa ay ila tahay in tani inoo noqoto fursad ama darsi, fursad aan ku xoojin karno dhaqaalaheenna gudaha ama dakhliga qaranka si aan uga maaranno kaalmada shisheeye iwm. Sidoo kale in ay darsi inoo noqoto ah in dalkeennu uusan ku tiirsanaan karin qarammo shisheeye oo doonaya in ay toodu socoto. W/Q: Abdullahi Abdirahman Gardaad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Puntland waxa ay 8-da bishan Janaayo dooran doontaa Madaxweyne Cusub ama waxaa ku ceshan doona Cabdiweli Cali Gaas, oo shanti sano ee ugu dambeeysay soo hoggaaminayey. Hase ahaatee, doorashadan waa tijaabaddii ugu adkeyd ee ay Puntland la kulanto tan iyo markii 1998 dhidhibada loo taagay. Waxaa xilka Madaxweyne u sharraxan 30 oo uu ka mid yahay Dr. Cali Ciise Cabdi oo ka soo jeeda gobolka Sool. Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaale yahan dunida aad looga yaqaan waxa uu doorashada soo galay toddobaadkii hore taas oo lama filaan ku noqotay musharixiintii badnaa ee ka horreeyey halka uu ol’oluhu waji kale yeeshay. Dhaqaale yahanka waa siyaasiga maanta ugu saameynta badan gobolka Sool marka laga yimaaddo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali? Waxaa la wada ogyahay halka ay kala joogaan siyaasiyiinta Puntland, gaar ahaan kuwa ku abtirsada beesha Maxamuud Saleebaan ee soo maamulayey tan iyo markii la aas aasay iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh. Xagee ayey ka bilaabatay collaada Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta Puntland? Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa loo magacaabay 2000 Raisul Wasaaraha Soomaaliya kaddib markii Cabdiqaasim Salaad Xassan ku guuleystay xilkii Madaxweynaha shirkii Carta. Hase ahaatee, Dr. Cali Khaliif Galaydh waxa uu ka shaqeyn waayey Cabdullahi Yusuf (AUN) oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Puntland. Markale waxa ay Dr. Cali Khaliif iyo Cabdullaahi Yusuf siyaasadda isku dagaaleen 2004 xilligaas oo la wada joogay Nairobi, Cabdullahi Yusuf waxa uu Puntland ku amaray in ay xannibaan oo aysan Nairobi u soo dhoofin isimaddii Sool clan si aysan ugu ol’oleyn Dr. Cali Khaliif taas oo u meel martay. Isimada xilligaas la celiyey waxaa ka mid ahaa Garaad Cabdiqani Garaad Cali (AUN). Khaatumo iyo Puntland? Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Dr. Cali Ciise Cabdi iyo siyaasiyiin kale oo beesha Sool clan ah waxa ay aas aaseen oo ay Taleex ku dhiseen 2012-kii maamulkii Khaatumo. Maamulkaas waxaa aqoonsaday Madaxweyne KMG ahaa ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed balse waxaa is hortaagay Cabdiweli Gaas oo Ra’iisul Wasaare ahaa. Wixii intaa ka dambeeyey Puntland iyo siyaasiyiinta Maxamuud Saleebaan waxa ay dagaal qaawan la galeen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Khaatumo ilaa uu markii dambe lagalay Somaliland oo uu la heshiiyey. Cali Ciise Cabdi Iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh Walow aysan jirin meel ay isaga horyimaadeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Puntland, hadana waxa uu ku mab’da ahaa Dr. Cali Khaliif oo ay wada doonayeen in Sool clan sameysto mamaul ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland. Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu ku khilaafay Dr. Cali Khaliif Galaydh qaabkii loo wajahay in Khatumo iyo Somaliland wada hadlaan taas oo keentay in ay kala tagaan. Ogow, Dr. Cali Khaliif Galaydh lama soo marsiiyo Puntland, waxaana tusaale u ah in isaga oo heli kara in uu Puntland la hadlo ka doorbiday Somaliland. Dr. Cali Ciise Cabdi hadda waa musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland, waa siyaasigii ama shaqsigii ugu miisaanka cuslaa ee Sool clan oo abid xilkaas isu soo sharraxa, taas waxa ay ka dhigan tahay in Beesha Sool clan isha kuwada hayyaan doorashada 8-da Janaayo, iyaga oo is weydiinaya Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali!? W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac Laascaanood, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Puntland waxa ay 8-da bisha Janaayo yeelan doontaa Madaxweyne, Gaas oo soo noqdo ama mid cusub. Haddii Gaas meesha ka boxo oo uu yimaado mid cusub, kaba soo qaado inuu noqday Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxay Somaliland uga dhigan tahay madaxweyne Puntland oo kasoo jeeda Sool. Waxaa marka hore in la is-weydiiyo ay tahay, maxaa toddobaad kahor doorashada keenay, yaa ka dambeeyey fikirka, Dr. Cali Ciise iyo Puntland? Si walba xanta ha’u wareegto, balse waa biyo kama dhibcaan in su’aashan la is weydiiyo… Saameyn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa Somaliland Madaxweyne Puntand ah oo ka soo jeeda beesha Sool clan? Kahor inta aynaan qiyaasin cawaaqibka ay Somaliland arrintaas ka dhaxli karto, aan ogaanno waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Sool clan? Somaliland sida hadda loo yaqaan waa mamaul iskii ugu dhawaaqay uu yahay Jamhuuriyad ka madax bannaan Jamhuuriyaddii Somaaliya. Sool clan muxuu u yaqaan? Sool clan oo ah beesha dagta Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa ay Somaliland ka aaminsan yihiin maamul ay sameysteen beesha dhexe “Isaaq” balse aan matalin dhulkii uu Ingiriiska gumeysan jiray ee British Somailand Protectorate ee markii dambe la midoobay Koonfurta Soomaaliya. Taas oo ay jirto, Somaliland oo kaashaneysa maleeshiyo beeleed isla Sool ka soo jeeda waxa ay 2007 Gobolka Sool kala wareegtay Puntland. Saameynta uu Madaxweyne Puntland ah oo ka soo jeeda Sool clan ku yeelan karo Somaliland Somaliland waxa ay kala kulmi doontaa jab weyn oo isugu jiri kara mid siyaasadeed iyo waliba dagaal lagu hoobto. Haddii uu Dr. Cali Ciise soo baxo, Somaliland waxa ay beesha caalamka ugu muuqan doontaa mid ku soo duushay dhul dadkii lahaa maamul kale dhisteen oo ay Madaxweyne ka yihiin, wey adkaan doontaa in ay xataa dowladda Federal-ka ah wadahal miiska ugu timaado maadama aysan suurtagal ahayn in Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ah Madaxweynaha Puntland ka maqnaado goobta wadahalka! Taas waxaa dheer, in maalinta la doorto Cali Ciise Cabdi Laascaanood uu ka qarxo dagaal iyo kacdoon dhiig badan ku daato, kaas oo horseedi kara collaad sii daba dheerata . Si walba, Madaxweyne Puntland oo ka soo jeeda Sool clan, wax aan cawaaqib xumo ahayn Somaliland ma kala kulmi doonto. W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac Laascaanood, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Tehran (Caasimada Online) – Hassan Khomeini, oo uu awoowe u yahay Ayatollah Khomeini oo aas-aasay taliska Iran ayaa sheegay in Iran ay burburin doonto, islamarkaana aysan jirin wax muujinaya inay bad-baadi doonto. “Aas-aaska bulsho kasta waxa uu ku dhisan yahay inay ku guuleysato qanaacada shacabka. Ma jiro wax damaanad qaadaya inaan xukunka sii haysan doono, kuwa kalena ay iska bixi doonaan” ayuu yiri Hassan oo ay soo xigteen warbaahinta Iran. “Sii socoshada burburka bulshada iyo faafitaanka naceybka bulshada ee ku aaddan maamulka waxa ay hogaamin doontaa inay dadka ku qasabto inay noqdaan kuwa leh laba shaqsiyad” ayuu yiri. “Haddii aan lumino qayimkeena, oo aan ku mashquulno talis intii aan xoogga saari lahayn aas-aaska bulshada, waa astaan muujineysa halista bulshadeena ay wajahayso” Laba maalin ka hor Faezeh Rafsanjani oo ah gabadha hogaamiyihii hore ee Iran Hashemi Rafsanjani, ayaa sheegtay in Iran ay maskax ahaan burburtay, islamarkaana taliska oo hadda jir ahaan un taagan uu raaci doono, haddii aan la helin talis beddel wanaagsan u noqda midkan. Iran ayaa wajahaysa cadaadis xooggan, ayada oo dalkaas ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale oo badankood ka dhashay cunaqabateynta Mareykanka iyo naceybka ay kala kulmaan dalalka sunniga ee carabta ah ee deriska la ah. Caaismada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Qaran News
-
KULMIYIHII CAGAARNAA IYO KULMIYAHAN HUURAADDA AH!! HOR-DHAC Hada Iyo Jeer Bay’ada Ama Deegaanka Iyo Dadka Ku Nooli Waxay Isku Leeyihiin Shaabaha Oo Dadku Dalkiisa Ayuu U Eegyahay . Guud Ahaan Qaarada Africa Wax ay Had Iyo Jeer Isla Qabsadeen Dhaq-Dhaqaaq Kasta Inuu Bilawgiisa Ama Xiligiisa Koobaad Dhadhan Iyo Tayo Badan Yeesho, Somaliduna Waabay Kasii Xag Jirtaa Oo Dhaq-Dhaqaaq Kasta Bilawgiisa Ayay Dareen Qiiraysan Iyo Dedaalna Aanu Ka Madhnayn Ku Galaan, Tusaale Ahaan Dawladii Somalia Ee Uu Hogaamiye Mohamed Siyaad Barre Toban-keedii Sano Ee U Horeeyey Waxay Gaadhay Awood Iyo Guulo Wax Ku Ool Ah, Heer Ay Xoog Ku Maquuniso Dawladihii Africa Ugu Awooda Waynaa Dhanka Ciidanka Ugu Dambayntiina Somalia Ayaa Ciidan Amaanka Somalia Suga Loo Dawiriyey Oo Dunidu U Qaadhaantay Ilaa Imikana Qaar Kood Ku Suganyihiin! Sababtuna Waxay Ahayd Xusbigii Kacaanka Ee Tobankii Sano U Ee Horeeyey La Mahadiyey Oo Laga Fur-Furi Waayey Xilka Dabadeed Gadaal Isku Fasaqay !! Arintani Waa Tusaale Uun Macanaha Ugu Wayn Ee Aynu Usoo Qaadnayna Waxa Weeye “Dhaq-Dhaqaaq Kastaa Mar Yaanu Inala Dhaafin”! Intaas Markaan Hor-Dhaca Kusoo Dhaafo, Oo Aan U Gudbo Muhiim Ka Qormadaydan Sanadkii 2010 Waxa Talada Dalka Ku Guulaystay Xusbiga Kulmiye Oo Calanka Calaamadiisuna Tahay Midabka Cagaarka Iyo Middabka Hurruudda ilaa Imikana Talada Dalka Hogaaminaya. Waxa Xusbiga Kulmiye Markii Koobaad Hogaaminayey Madax-Wayne Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo Talada Dalkana Ku Guulaystay July 2010 Ilaa November 2017. “Waayahay” Aan Dib Ugu Noqdee Ciwaanka Qormadaydu Waxay U Dhigantahay (KULMIYE CAGAAR IYO Kulmiye Huruud) Haddiiba Calaamada Xusbiga Kulmiye Ay Ka Koobantahay Middab Cagaaran Iyo Midab Huruuda Ah Bal Ma Isku Daynaa Inaynu Labbadana Midab Wax Ka Dhex Barano? “Kolay Haa Tidhiye Inna Mari Oo Illa Soco” Madaamaa Oo Aynu Dad Xoolo Dhaqato Ah Oo Laf Dhabarta Nolosheenu Ku Tiirsantahay Xoolaha Nool Ogow Saaxiib Xooluhuna Waxay Ku Noolyihiin Oo Noloshoodu Ku Dhisantahay Baad Iyo Dhir Sidaa Awgeed Idil Ahaanba Soomalida Middabka Cagaarani Midabada Uguma Jiro Oo Way Ka Jecelyihiin Had Iyo Jeerna Sugaanta Somaliyeed Lagama Waayo Cagaar Iyo Doog Sidaa Si Le’eeg Dhanka Cilmiga Sayniska Iyo Tiknoolajiguna Middabka Cagaraan Waxa Lagu Suntadaa “Hagaag” Ama Shay Sidii Lala Rabay Ah. Dhanka Kale Midabka Hurruuda Wuxuu Soo Baxaa Marka Geeduhu Ama Baad Ku Jeesto Ama Daaqii Dhamaado Ayaa Dhamaan Dhirtuu Isku Bedeshaa Midabkaa Hurruuda Ah Hadii Aan Si Kale U Tilmaamana Waa Yadda Diilo Xumo Oo Had Iyo Jeer Waxa Lagu Suntadaa Khatarta Naf La Baqqa Ah (Warning) Hadaba Bal Aynu Isku Eegno Sifooyinka Aynu Ka Bixinay Labbada Middab Ee Kala Ah Cagaar Iyo Hurruud iyo Xusibga Kulmiye KULMIYIHII CAGAARNAA Si Ay Habsami Socodka Xusbi-Xaakimka Iyo Xukuumadu Isku Dhinac Gaardiyaan Oo Maamul Waliba Dhankiisa Isku Maamulo Wuxuu Madax-Wayne Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo Ku Dhiiraday Inuu Kala Saaro Hogaanka Xusbiga Iyo Xukuumada” Waana Sababta Koobaad Ee Xusbiga Kulmiye Kusii Riiq Dheeraaday. Qaab Siyaasiga Noocaas Ahni Waa Qaab-Siyaasi Hadii Middab Ahaan Loo Badelo Cagaaran!! KULMIYAHA HURUUD Intooda Badan Hogaanka Xusbiga Kulmiye Waa Madaxda Xukuumada Talada Haysa Madaama Oo Ay Weli Isku Jiraan Hogaanka Xusbiga Iyo Xukuumaduna Waxa Gebi Ahaaba Meesha Ka Baxaysa Gooni Socodkii Xusbiga. Qaab-Siyaasiga Noocaasi Ahni Hadii Middab Ahaan Loo Bedelo Waa Middabka Huruuda Ah, Sifadiisuna Tahay Digniin Naf La Baq Ah. Tubtii Xusbigii Udub Bay Haystaa!! Akhristoow Adigoo Aad Ugu Mahadsan Wakhtigaaga Qaaliga Ah Waa Inoo Iyo Qormadan Qormada Xigta Insha Allah Allaa Mahadleh Eng Abdulkadir Mohamoud Sugal (Muwaadin Aragtidiisa Anfaacsada) togdheertoday@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-020119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa tagaeersan go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka uga cayrisay ergeygii garaka ahaa ee QM, Nicholas Haysom, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in cayrinta Haysom aysan ku iman oo kaliya warqaddii uu dowladda u diray ee la xiriirtay xariga Mukhtaar Roobow, balse ay jiraan dhacdooyin kale, oo Soomaaliya iyo Mareykankaba ku qanacsaneyn oo uu qaaday Haysom. Sida aan xogta ku helnay, Mareykanka ayaa lagala tashaday go’aanka dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay taageereen, ayagoo u yaboohay dowladda Soomaaliya inay ka taageeri doonaan cawaaqib kasta oo ka yimaada tallaabadan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya uusan ka qanacsaneyn laba arrin oo uu sameeyo Haysom oo kala ah; inuusan Mareykanka la-tashi badan ka galin tallaabooynka uu qaado, iyo inuu ku deg dego go’aanadiisa. Mareykanka oo ah dalka ugu badan ee bixiya dhaqaalaha QM ayaa rumaysan inuu xaq u leeyahay inuu noqda kan ugu horreeya ee arrimaha Soomaaliya laga talo-geliyo. Waxaa sidoo kale jira khilaaf iyo loolan hoose oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku wajahaan arrimaha Soomaaliya. Haysom ayaa aad ugu dhow dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan UK, taasi oo Mareykanka uusan ku farxin. Warqaddii uu Haysom u diray wasaraadda amniga Soomaaliya 30-kii December, ayaa waxaa raacsanaa lifaaqa warqad ay si wada jir ah u qoreen Germany, UK iyo Midowga Yurub. Si kastaba, xoga aan helany ayaa sheegeysa in Mareykan uu diiday inuu ka hadlo dhacdooyinkii Baydhaba, kuna biiro go’aanka beesha caalamka ee sharaxaadda lagu weydiistay dowladda Soomaaliya. Go’aanka Mareykanka ayaa sidoo kale ka carreysiiyey xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo shalay soo saaray qoraal ay Mareykanka uga dalbadeen inauu arrintan ka hadlo, ayaga oo wax aan la qaadin karin ku tilmaamay in Mareykanka aamuso. Halkan ka aqri qoraalka xildhibaanada. Inksta oo aysan si rasmi ah u caddeyn mowqifkooda, haddana Mareykanka ayaa la sheegay inuu dowladda Soomaaliya ku raacsan yahay xariga Mukhtaar Roobow, ayaga oo u arka halis amni in xilligan Roobow lagu aamino xil madaxweyne, isaga oo aan weli si buuxda uga tanaasulin fikirka xagjirnimo. Waxaa sidoo kale la sheegay in Mareykanka ay Haysom u sheegeen inuusan faro-gelin arrintan Roobow, balse uu ku gacan seeray, isaga oo dhageystay dalalka Jarmalka iyo UK. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka madaxwene Trump ayaa aad isugu dhow, waxaana Mareykanka uu bilihii dhowaa aad u xoojiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xubno badan looga dilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guatres waxa ay maalintii shalay ahayd u dirtay qoraal ay ku caddeyneyso in waxyaabaha ay ku eedeyneyso ergaygiisa ka hor inta aysan soo saarin qoraalka ergeyga lagu eryay. Shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa heshay nuxurka qoraalka dowladda Soomaaiya ay u dirtay Qaramada Midoobay, waxaana muuqata in waxyaabaha lagu haysto Haysom ay ka weyn yihiin warqaddii uu soo saaray 30-kii December ee uu wasaaradda amniga kaga dalbaday sharaxaadda wixii Baydhaba ka dhacay kadib xadhigii Sheekh Mukhtaar Roobow. Nuxurka qoraalka ayaa waxaa ugu waa weynaa: Carqaldeynta xidhiidhka wanaagsan ee Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya: Qoraalku waxa uu Haysom ku eeddeeyay in uu gebi ahaanba joojiyay xiriirka dowladda Soomaaliya, isla markaana jaray in laga wada hadlo waxyaabaha labada dhinac ka dhaxeeyay, isaga oo doorbiday inuu hay’adaha dowladda xiriirka u marsiiyo warbaahinta, taas oo dowladda Soomaaliya ay u aragtay inuu ergaygu baal maray wadiiqooyinka diblumaasadeed ee xiirka caalamiga ah. U gefidda madax-bannaanida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed: Hadallo uu Ergaygu ka jeediyay Beydhabo iyo Kismaayo oo uu ku sheegay in “Soomaaliya aysan ahayn Muqdisho, Muqdishana aysan Soomaaliya ahayn” ayay dowladdu u aragtay inuu ku xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya. Kala irdheynta ummadda Soomaaliyeed: Ergayga ayaa lagu eedeeyay in uu kulamo aan rasmi ahayn oo qarsoodi ah uu la yeelanayay shaqsiyaad aan la magacaabin isaga oo kala hadlyay arrimo ka dhan ah midnimada dalka. Baahin Online ayaa fahansan in shaqsiyaadkiisa ay kasoo jeedaan Somaliland. Khalkhalgelinta xasillooda dalka: Dowaldda Soomaaliya ayaa qodobka “Taageeridda Argagixiso u aqoonsan” kulanka uu ergaygu la yeeshay Mukhtaar Rooboow iyo taageerada uu u muujiyay musharraxnimadiisa, maadaama ay dowladdu Rooboow u oqoonsan tahay inuusan wali ka tanaasulin fikirkii xagjirka ah. Baalmaridda shuruucda caalamiga ah: Ergayga oo ku xusub xafiiska ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah in uusan raacin habraaca hay’adaha QM ee soo jireenka ah. Iska horkeenidda beesh caalamka iyo Soomaaliya: Safiirka waxaa lagu eedeeyay in uu xerada Xalane ka dhex billaabay ole ole dowladda Federaalka ka dhan ah, taas oo wiiqi karta xiriirka dowladda iyo deeq bixiyeyaasha oo ay dhaqaale ahaan dowladdu ku tiirsan tahay. Kala fogeynta dowladda Federaalka iyo dwolad goboleedyada: Dowlad goboleedyada oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ayuu ergaygu isku dayay inuu xriir la sameeyo, sida qoraalka lagu yiri, sidaas darteed dowladdu waxa ay u aragtay inuu halis ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya. Source