-
Content Count
207,224 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dalka Koonfur Afrika ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu fariisto kursiga xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka qaramada midoobey kadib markii loo doortay 1-dii Janaayo 2019-kii, waa markii 3aad ee South Africa golahan ka mid noqoto. 5 dal ee ku soo biirtay xilligan cusub , waxaana ka mid ah: Dominican Republic, Belgium, Germany iyo Indonesia, waxaa ay xubin ka sii ahayaan-doonaan 2019-2020. Xubinnimada Koonfur Afrika ee Golaha ammaanka aya ku soo aadeysa xilli Soomaaliya laga ceyriyey diblomaasiga dalkaasi ee Nicholas Haysom, waxaa uu ahaa ergeyg u ahaa xogheyaha guud ee qaramada midooby ee Soomaaliya. Dhinaca kale Nicholas Haysom ayaa galabta lagu wadaa inuu hortago golaha ammaanka si uu isaga difaaco eedeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan inuu ku xad-gudbay maxabannaanida dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afmadow (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay wadaan dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab. Ciidamadan ayaa inta badan diyaarado lagu geeyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana wararka ay sheegayaan inay qeyb ka yihiin ciidamo Axmed Madoobe uu doonayo in Al Shabaab uu kaga saaro deegaanada Jubbada Hoose. Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada maamulka Jubbaland oo uu doonayo inay iyaga bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kadibna Dowladda iyo AMISOM ay raaci doonaan. Wuxuu kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha hogaamineyso howlgalka cusub ee uu doonayo inuu kaga saaro Al Shabaab gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Wuxuu dhawaan ka sheegay magaalada kismaayo in muddo Afar sano ah la balanqaadayay in la xureyn doono degmada Bu’aale oo caasimad u ah maamulka Jubbaland, balse hadda ay iyaga isku tashadeen oo dagaalka ay bilaabi doonaan. Walaac badan ayaa laga muujiyay ciidamo u badan Nabad sugid oo diyaarado lagu geeyay degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo marar badan Al Shabaab ay weerareen. Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa hadda laga dareemayaa deegaanada maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muuse Dalka, Dadka, Dawladiisa, Diinta, Dariska iyo Dunidaba midna lama socdo!. Waxa maalinba maalinta ka danbaysa isasoo taraaya rajo xumada iyo quusta ay ka taagan yihiin shacabku maamulka iyo masuul Nimada madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxayna aad u saluugsan yihiin kartidiisa iyo xirfadiisa hogaamiye-nimo iyo qaab maamulka dawladeed ee xukuumadiisa Waxa ayna inbadan oo u codaysay iyo intii ka codaysayba isku raaceen oo ay qireen in laqaldamay oo muuse aanu ahayn shaqsi ku quman hogaaminta qaran iyo dowladan curdinka ah ee Somaliland, waxayna intii u codaysay dhexda ka qaniinsan yihiin FARTII ay khadka u Dareen, maxaayeelay Muuse maaha Madaxweyne; DALKA LASOCDO inkastoo uu yahay qolqol-joog aan qurbaha jirin hadana ma oga baahiyaha dalka kajira iyo goobaha wax qabadka ubaahan ayna haboon tahay in wax laga qabto Haday tahay mashruucyada horimarineed iyo haykalka dowladnimo in si siman degmooyinka iyo deegaamada gobolada dalka loo wada gaadhsiiyo se Waxa caddaatay in aanu Mudane Muuse Dalka lasoco oo aanu xitaa aqoon u lahay xuduudka dalku Intuu ku xayndaaban yahay. DADKA LAMA SOCDO oo maaha ruux dhaadaaya duruufaha dadka haysta iyo xaalka dadku ku suganyey, mana aha ruux shacabka u jajaban una dhago-nugul kamana warqabo baahiyahooda oo uma dhuun-daloolo, manalaha dhex-gal mushtamac oo waa shaqsi 40kii sano ee ugu danbeeyey aan ardaagiisa iyo xayndaabka qoyskiisa dhaafin. DAWLADIISA LAMA SOCDO oo maalin walba wasiiradiisu Sharciyo cusub oo aanu madaxweyne Muuse ogayn ayey jeebka kala soo baxaan oo ay dhaqan gashadaana ha ahaato cashuur Dheeraad ah ama xayiraad iyo Xanimaad kuwaas oo ku ah shacabka hagardaamo iyo tacadi sidoo kale Mudane Muuse Waxa ay wasiiradiiisu shacabka u sheegaan isna wax ku lid ah ayuu shacabka u sootabiyaa sida fariintii uu wasiirka diinta iyo awqaafta Mudane Sheekh KHaliil uu bulshada faray in aan loo dabaaldegin sanadka miilaadiga ah oo waalidka, waayeelka iyo Ciidamada amnigana wergeliyey in ay ka xakeemeeyaan dhalinyarada u dabaal dega sanadka Isaga oo ka hadlay Bulsho TV isla maalintaana xafiiska madaxweynaha Waxa kasoo baxday dhanbaal tahniyadeed oo ku wajahan shacabka looguna sheegay qoraalka oo uu ku saxeexnaa af hayeenka Madaxweynaha JSL mudane Maxamuud Warsame Jaamac in tahniyad Madaxweynuhu usoo diray dalka iyo dunida maalinta bilawga sanadka miilaadiguna in uu yahay maalin fasax qaran dabaaldaga sanadka milaadiga ee curtay owgeed oo loo dabaal dego Sidii ciid. DIINTA LAMA SOCDO oo waakii Mudane Muuse qasabka ku sharci geliyey xeerkii kufsiga ee diinta iyo dhaqankaba kasoo horjeeday wuxuuna ku daray in sanadka miilaadiga oo ah sanad ay masiixiyiintu xusaan in la bilaabay dhalashadii wiil uu Ilaahay dhalay Subxaanalaah waa siday aaminsanyihiin qolyahaasiye, se in Madaxweyne Muuse yidhaahdo waa fasax qaran waa wax kulida kelinimada Ilaahay ee diinteena suubani sheegtay, se Isaga seegan. DARISKA LAMA SOCDO oo dawladihii jaarka ee Somaliland asxaabta dhaw ahaayeen wataa aad moodo inay kala irdhoobeen oo ay kala xidhiidh furteen, maxaayeelay waatan isbedelada mandaqada ka dhacaaya iyo gacan qaadka salaanta talantaalka ah ee lays weydaarsanaayo halkii jeeniga Muuse ka dhex muuqanlahaa waatan uu gabay ee gooni socodka ah ee maqaam hoosaadka keli rabash-leh. DUNIDA LAMA SOCDO oo iskadaa wadamada qaaradaha durugsan e waatan damaashaadkii ururkii cusbaa ee ahaa isbahaysiga Bada CaS iyo Gacanka Cadmeed ama wadamada ku bahoobay biyo marka Gacanka iyo bada CaS ee Dhoolotuska ka dhigaayey qooriyada iyo xeebahaas, iyada oo dalka Somaliland dhaco biyo markaa hadana Qayb Muuse kumuuyeelan buddhigii iyo qabanqaabadii ururkaa kamana Qayb qaadan Dhoolo tus kii, waxaad moodaa Intuu ku mashquulsanaa handaraabyada dalka giduhiisa uu ku xidh xidhaayo in dunidii ka xidhxidhantay dalkii. Isku soo wada duub oo Waxa markhaati ma doon ah in Madaxweyne Muuse aanu Dalka lasocon, Dadka lasocon Dawladiisa lasocon, Diinta lasocon, Dariska lasocon oo Dunida lasocon. Somaliland oo mida Lagu meel maraa. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Gelinka dambe ee Khamiista maanta ah ayaa lagu wadaaa in Golaha Ammaanka Q.M. uu fadhi gaar ah ka yeesho arrimaha dalka Soomaaliya. Kulankan ayaa lagu bilaabi doonaa warbixin uu Golaha siin doono Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo Talaadadii laga ceyriyay dalka kaddib markii uu su’aalo ka keenay dilka 15 ruux oo Baydhabo lagu dilay, xarigga 300 ruux iyo qabashadii Mukhtaar Roobow. Warbixinta Haysom ayaa kadib ayaa la filaa in Goluhu qaraar cusub ka soo saaro arrimaha haatan ka taagan dalka Soomaaliya,gaar ahaanna go’aankii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga ceyrisay wakiilka Qaramada Midoobay oo dowladdu ay ku eedaysay in uu ku xad-gudbay qarannimada iyo madax-bannaanida dalka. PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka Q.M. oo maanta fadhi ka yeelanaya Arrima Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ayaa sheegaya in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay u dirtay xalinta dagaal beeleedkii deegaanka aysan ku guuleysan inay odayaasha labada dhinac la kulmaan. Wafdiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay dagaalada deegaanka oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku guul dareystay inay tagaan deegaanka lagu dagaalamay islamarkaana la kulmaan odayaasha labada dhinac. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in waxgaradka labada dhinac ay ka hor yimaadeen in wafdiga dowladda ay tagaan deegaanka ayna kala hadlaan sidii xal looga gaari lahaa dagaalka. Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in xubno ka yimid dowlad deegaanka loo ogolaaday inay tagaan deegaanka Kaxandhaale, kuwaasi oo qeyb ka ah dhexdhexaadinta beelaha dagaalamay. Qaar ka mid ah Waxgaradka degaanka Kaxandhaale ayaa sheegay in wali ay taagan xiisadda degaanka, islamarkaana xalinta Colaadda ay ku howlan yihiin waxgarad ka yimid dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya u dirtay dagaalka Kaxandhaale ayaa tagay degmada Gelinsoor, iyaga oo kadib ku laabtay magaalada Cadaado, kadib markii ay awoodi waayeen inay tagaan deegaanka lagu dagaalamay. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Bayaan ka kooban sagaal qodob oo ka soo baxay Culimaa’uddiinka Puntland, ayaa ku baaqay in la iska’ ilaaliyo bixinta iyo qaadashada laaluushka ee doorashada Puntland,si looga baaqsado dayac mas’uuliyadeed iyo ciqaab Rabbaani ah. Culimada ayaa Baarlamanka cusub ee dowladda Puntland ka codsaday, in ay doortan madax ku habboon matelidda bulshada, islamarkaana ay tix-geliyaan xilka ay u dhaarteen iyo xisaabta Alle ee sugaysa. Dhinaca kale, murashixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland oo gaaraya ilaa 30 murashax ayay culimadu ugu baaqeen, in ay isu’ tanaasulan,si loo yareeyo culayka badan ee ka jira doorashada. Bayaanka oo xalay soo baxay ayaa waxaa ku saxiixan 12 kamid ah culimada Puntland oo uu u horreeyo Sheikh Daahir Aw-Cabdi. PUNTLAND POST The post Garoowe: Culimada Puntland oo bayaan ka soo saaray doorashada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa faah faahin ka bixiyay burbur Shalay Mar kale kuyimid Wadahadaladii u socday Xisbiyadda UCID,WADDANI Iyo Kulmiye, kaasi oo ku saabsanaa in heshiis laga gaadho khilaaf mudo soo jiitamayay oo ay isku afgaran laayihiin in wax kabel lagu sameeyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Xisbiga WADDANI oo arintani Warbaahinta u faah faahiyay ayaa waxa uu yidhi“Markii lawada hadlay, Labadii Arin ee Xisbiga WADDANI Shardiga u ahaa ee ahaa in Doorashooyinka dambe uu Komishan Cusub inoo qabto iyo Komishankaasi innuu noqdo mid soo xulistiisa Xisbiyadu ay u siman yihiin, labadii arin midnaba aanay ka keenin wax ogolaanshiyo ah iyo wax tanaasul ah, Xisbigii Kulmiye iyo Doorkan Xisbigii UCID oo kula socdaaba, Markaa waan cadaynaynaa, Waxay la yimaadeen Doorashadan Komishankii hore sidii ha u qabto, sidii loosoo Xulay sidii ha ahaato, Doorashooyinka dambe uun, Laba Xubnood oo Xisbiga UCID la tagay in lagu daro ha noqoto, taasi ayay la yimaadeen”. Waxa kale oo uu yidhi: “Horta waa mid eh, Doorashooyinkan inagu soo fool leh, ee Xisbiga WADDANI yidhi, waar haddii aanu tii hore ka tanaasulnay, tanaasilo horena oo aanu tirsanaynayna ay jirtay, oo Gudoomiyihii Golaha Wakiiladda ee la isku qabtayba Xisbiga WADDANI uu ka tanaasulay, labadaasi tanaasulba isagoo tirsanaya, doorkan in tanaasulka laga eegayay xaga Madaxtooyadda, horta Doorashadan soo socota kamay muujin wax tanaasul ah kamay muujin eh, komishankii hore ayaanna qabanaya, Dhismihiisu sidiisii ayuu ahaanayaa haddii wax badel laga hadlo doorashooyinka dambe ayay noqonaysaa, ta lala shir yimid taasi ayay noqotay, Xisbiga UCID-na waa uu lasoo go’aan qaatay, isagoo la tagay laba xubnood, in Mucaaridka loogu daro, taasi oo aan iyana u cuntamay Xisbiga WADDANI, oo halka uu Kulmiye Shanta ka leeyahay WADDANI ha qaato laba, wali waxaanu u aragnaa waxaan isku dhawayn, waliba arinka ay ka hadlayaan uu yahay Doorashooyinka dambe”. Ugu dambayn waxa uu yidhi: “Waxa uu Xisbiga WADDANI Cadaynayaa inaanay jirin wax tanaasul ah oo Xisbiga WADDANI uga tanaasulay Doorashada soo socota haddii ay Komishankii qabanayay ay tahay iyo haddii ay tiradiisii tahay midnaba aan laga tanaasulin, sidaasi ayaanu umadda u cadaynaynaa”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka ayaa hay’addaha caalamiga ah, kuwa qaramadda midoobay ee ku sugan Somaliland in ay kula shaqeeyaan xeerarka qaran ee u dejisan Somaliland. Wasiir Cawaale Ibraahim Shirwac, waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah uu ka dhexeeyo hannaan wada shaqayneed oo dawladnimo iyo mid hay’addo. Waxaa kale oo uu intaa ku daray in aanay suuragal ahayn in xafiis hay’adeed oo ku yaalla dal kale laga maamulo xafiis hay’adeed oo ku yaalla Somaliland, taasoo ka baxsan qarannimada Somaliland meel ka dhac-na ku ah qaranka Somaliland. Wuxuu sheegay in Somaliland iyo hay’addaha caalamiga ah iyo dalalka caalamku in ay u wada dhaqmaan hannaan dawladeed oo madaxbannaan taasoo ah mid lama taabtaan ah. Wasiirka oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa kale oo uu sheegay in maalmaha soo socda ay imanayaan Somaliland weftiyo heer caalami ah oo ka socda Hay’addo kala duwan oo ka hawl gala Somaliland. Isagoo xusay in ay Soomaaliya ka wada hadli doonaan mashaariicda horumarineed ee Hay’addaha caalamiga ahi ay kala shaqeeyaan Somalilland. Waxaanu yidhi “Somaliland 27-kii sano ee ugu dambeeyay waxay la shaqaynaysay hay’ado tiro badan oo isugu jira hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’addaha kale ee Caalamiga ah. Waxa kaloo aynu xidhiidh la leenahay wadamada caalamka markaa waxba iskamay bedelin xidhiidhkii aynu la la hayn hay’addaha dalka ka hawlgala Somalilandna waa dal madaxbannaan”. “Waxaanu heshiisyada kula galnaa oon ku wada shaqaynaa hay’adaha xeerarka Somaliland u dejisan,marnaba suuragal noqon mayso in xafiis waddan kale joogaa oo hay’adi leedahay laga maamulo xafiis Somaliland hay’adi ku leedahay. Wada shaqayntayadu waxa weeye in ay joogaan hay’aduhu dal madaxbannaan oo la yidhaahdo Somaliland waxaanan ku faraxsannahay in hay’adduhu ay u joogaan Somaliland dal madaxbannaan oo go’aan qaatay 27 kii sannadood ee ugu dambeeayay wax badanna way qabteen. Sanadka cusub dawladda Somaliland waxa u qorshaysan inay sii dardar geliso wadashaqayntii ay la lahayd Hay’addaha Caalamiga ah iyo wadamada caalamka toddobaadka soo socdana waxa dalka iman doona weftiyo sare oo ka socda hay’adaha caalamiga ah si aanu sii dardar gelino xaga wax ka qabashadii xaga horumarinta dalka Somaliland”ayuu yidhi wasiir Cawaale. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Markii shalay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi soo saartay go’aanka ay taageerada ugu muujisay ergaygii qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom iyo sida ay u sii wadi doonto wada shaqaynta ay la leedahay waxa dadku in badan doodo iyo afkaar kala duwan oo qaddiyaddan la xidhiidha isku waydaarsanayeen goobaha lagu kulmo ee magaalooyinka dalka iyo waliba baraha bulshada oo doodaha ugu adagi ka taagnaayeen. In badan oo shacabka ka mid ahi waxa ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku taageereen Go’aankaasi uu shalay ka qaatay tallaabada Maamulka Muqdisho ka qaaday wakiilkii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay iyaga oo u arkayay fursad diblomaasiyadeed oo Somaliland soo martay oo sideeda looga faa’iidaystay halka in badan oo kale taasi ka soo hor jeedeen oo ay go’aanka xukuumadda ku tilmaameen mid aan ku iman lafa-gur iyo ka baaraan-deg siyaasadeed waxna aan ku soo kordhinayn xidhiidhkii qaramada Midoobay iyo Somaliland. Doodda hore dadka qaba ayaa waxa ay aragtidooda u sibir saarayaan sida Somaliland ku soo jiidan karto taageero ay ka helaan qaramada Midoobay in ay ugu muujiyaan in mar haddii Farmaajo iyo dawladdiisu ninkan eryeen ay iyadu waa xukuumadda Somalilande u muujiso taageero taasi oo ay ku tusayso in Somaliland ka madax bannaan tahay Maamulka Muqdisho, sideedana u qaadan karto mawaaqif siyaasi ah oo madax bannaan. Taageerona ay ku heli karto Dhinaca kale dooddan waxa si ba’an uga soo hor keeda dad kale oo iyaguna ku doodaya in tallaabada xukuumadda Muuse Biixi arrinkan ka qaadatay aanu waxba soo kordhinayn ee uu kaliya ceeb iyo nusqaan uun ugu filan yahay Somaliland, maadaama cidda tallaabada qaadday iyo cidda laga qaadayba ay iyagu ahaayeen kuwa wada shaqaynayay ee isu aqoonsanaa laba dhinac. “Nasiib darro weyn iyo ceeb ayay go’aanka xukuumaddu u soo jiidaysaa Somaliland. waa tallaabo aan macno lahayn. Rasmi ahaan Qaramada Midoobay waxa ay Soomaaliya u aqoonsan tahay dal oo kali ah oo caasimaddiisu tahay Muqdisho, dawladdiisuna tahay taa Farmaajo ee Muqdisho fadhida. Wax ay ugu soo dhawaan karto Somaliland ma jirto. Wax kasta oo ay ku waayayso dawladda Soomaaliya go’aanka ay wakiilkaasi ka qaadatay waa wax iyada u gaar ah oo aan waxba u soo kordhinayn diblomaasi ahaan Somaliland. Haddii ay berri gorgortan galaan labada dhinac oo sii wadaan xidhiidhkooda, halkee Somaliland is gayn doontaa waana sida ay u badan tahaye. Xaqiiqo ahaan wax la yidhaa ergayga Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto ee waa mid kali ah oo ah ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa go’aan aan khusayn oo dalkaasi Soomaaliya Khuseeya meel uga bannaanayd Somaliland arrinkaasi ma jiro”. Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac oo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadaha dalka oo wargeyska Foore arrintan uga warramay. Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawri doonaa halka ay iskala soo dhacaan Maamulka Farmaajo iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM oo fadhigiisu Muqdisho yahay iyo waxa Somaliland ugu soo kordha taageerada ay la garab joogsatay Wakiilka Muqdisho laga caydhiyey. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in kulankooda sanadlaha ah ee ka dhacaya magaalada New York ay kaga hadlaan go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay Nicholas Haysom. Nicholas Haysom oo hadda ku sugan magaalada New York ayaa la filayaa in golaha amaanka uu u gudbiyo warbixin la xiriirta waxyaabaha keenay inay isku dhacaan dowladda Soomaaliya iyo isaga. Nicholas Haysom ayaa ka gaabsaday inuu saxaafadda faahfaahin ka siiyo waxyaabaha ka dambeeya go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay, waxaana la filayaa inuu warbixinta qaramada Midoobay uu u gudbinayo inuu kaga hadlo. Haysam ayaa qoraal u diray Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale”, kaasi oo uu Ergayga walaac xooggan kaga muuiyey Xarigii Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo Kaalinta ay Boliska ay QM maalgelisay ku lahaayeen soo-qabashaddii Roobow. Dowladda Soomaaliya oo taasi ka jawaabeysa ayaa go’aan ka qaadatay Haysom, waxaana laga joojiyay inuu ka shaqeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya, taasi oo culeesaad badan keeni karta. Lama oga go’aanka Golaha amaanka ay ka qaadan doonaan qoraalka dowladda Soomaaliya ay dalka kaga eriday Nicholas Haysom. Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
-
(SLT-Leuven)-Sahra Maxamed Khalif oo ah gabadh Soomaaliyeed 21 jir ah ayaa si rasmi ah uga mid noqoneysa xubnaha Golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium kadib markii loo dhaariyay xilkan. Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Beligium oo shaqsi ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo doorto xil. Waxaa ay ka soo gashay golaha deegaanka xisbiga u janjeera garab bidix ee loo yaqaano Belgian Socialist Party (SPA) oo ka mid ah axsaabta ugu waaweyn dalka Belgiumka. Waxaa ay dhigataa Jaamacadda magalaada Leuven gaar ahaan culuumta adduunka (International Studies) ayaa ah shaqsi mustaqbla wanaagsan ku leh siyaasadda dalka Belgium. Dhaarinteeda waxaa siweyn u soo dhaweeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Belgium-ka oo siweyn ula socday guusheeda, sidoo kale waxaa ku farxay guusha ay gaartay Sahra labadeeda waalid. Source
-
(SLT-Washington)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Khamiis ah shir isugu imaanaya, iyadoo kaga hadlaya xaalado kala duwan, qeyb ka mid ah shirka ayaa looga hadli doonaa xaalada Soomaaliya. Shirkan oo furmi doona marka ay saacada geeska Afrika tahay 4-ta Galabnimo, halka saacada New York tahay 10-ka subaxnimo. Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dowladda Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku cadeyneyso in aan dalka laga rabin, kana shaqeyn karin ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo kulanka, kaasoo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya. Khudbadda Wakiilkii Qaramada Midoobey ayuu uga hadli doona arrimaha siyaasadda, bani’aadanimada iyo xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, waxaa la filayaa in si gaar ah uga hadlo arrintii dhowaan ka dhacday Baydhabo ee sababta u noqotay go’aanka dowladda ee ay dalka uga eriday. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulanka ka hadlo Wakiilka joogtada ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle, waxaa la filayaa inuu difaaco go’aanka dowladda Soomaaliya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa war ka soo saaraya xaalada Soomaaliya ceyrinta Wakiilkii Qaramada Midoobey iyo arrimo kale, iyadoo si aad ah loo sugayo tallaabada iyo jawaabta Qaramada Midoobey. Source
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sidey u arkaan go’aanka ay dowladda federaalka ku erisay wakiilkii Qaramada Midoobay. Qaarkood dadkan oo la hadlay Goobjoog waxay sheegeen iney soo dhoweynayaan go’aankaasi. Waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xor u tahay iney dalka ka eriso cid walbo oo xadgudub ku sameysa qarannimada dalka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODKA-SHACABKA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Kevin McCarthy oo ah hogaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu hogaamiyeyasha Congresska ku marti qaaday in mar kale ay Aqalka Cad ku kulmaan Jimcaha berri ah, si ay wadahadal dheeraad ah uga galaan sidii loo soo af jari lahaa hawlaha dawladda ee xanniban. Madaxweyne Trump ayaa dalbanaya 5 bilayn oo dollar oo uu doonayo in lagu dhiso darbi laga taago xadka koonfureed ee Maraykanka. Dimoqraadiyiinta ayaa diiddan in lacagtaas la qoondeeyo. Kulan ay Arbacadii shalay yeesheen Trump iyo madaxda labada xisbi ayaa ku dhamaaday guul la’aan, marka laga reebo in Trump uu doonayo in wadahadalada la sii wado. Ka hor intii ayna dhinacyadu wada fariisan ayaa madaxweyne Trump uu sheegay in hawlaha dawladdu ay sii xayirnaan karaan in Alla inta ay qaadato. Source
-
Somaliland ayaa kasoo horjeesatay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ceyrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan ku qnacin go’aankaas islamarkaana ay tahay mid lagu fududaaday. Dhanka kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ay xafiisyo siin doonaan Haysom haddii uu Hargeysa tago, islamarkaana wakiilkan in la eryo ay u gaartahay dowladda federaalka ah. Waxa uu sheegay in Haysom ay si wanaagsan u wada shaqeynayeen Somaliland, sidaasi darteedna aysan iyagu raali ka ahayn in la eryo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/XILDHIBAAN-NAC-NAC-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa cabraareeyay falkii duqaynta ahaa ee salaasadii Todobaadkan lala beegsaday xarunta Xalane, oo fariisin u ah laamaha Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya. War qoraal ah oo Shalay kasoo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Ambassador; Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa lagu dhaleeceeyay cidda ka dambeysay weerarkaas, wuxuuna sheegay in aysan taasi caqabad ku keeni doonin howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay Soomaaliya ka wadaan. Weerar Hoobiye oo Talaadadii lagu qaaday Xarunta Xalane, ayaa Sababay Dhaawaca Laba ka mid ah Shaqaalaha Qaramada midoobay iyo Nin Qandaraasle ah, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab. Source
-
Muhaajiriintii u Badnaa oo Gaadhay Spain Sannadkii 2018-kii
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT- Spain)-Tiradii ugu badneyd oo muhaajiriin reer Afrika ah ayaa sanadkii hore ee 2018 gaaray dalka Spain, iyaga oo sii maray badda Mediterraneanka. Sida laga soo xigtay hay’adda muhaajiriinta Caalamiga ah ee IOM, dalka Spain ayaa qaatay 57, 250 qof, marka laga soo bilaabo bilowgii sanadka ilaa bishii December, 26keedii. Celcelis ahaan, waxay tiradu noqonaysaa 160 qof maalin walba. Tirada dhimashada badda ayaa iyaduna gaartay meeshii u sarreysay, isla muddadaas. Tirada 2018 ayaa 769 qof ka badan tii sanadkii ka sii horeeyey ee 2017. Kororka muhaajiriinta gaaraya Spain ayaa yimid ka dib markii la xiray dekedaha dalalka Malta iyo Italy. Source -
Ururada bulshada rayidka Puntland ayaa sheegay in rajo badan ay ka qabaan in nabad ay ku dhamaato doorashada madaxtinimo maamulkaas. Feysal Warsame, guddgoomiyaha ururada bulshada rayidka PUNSA ee puntland oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dhankooda ay korjoogta ka ahaan doonaan sida doorashadaas u dhici doonto, iyaguna aysan jirin cid ay taageero u hayaan. Sidoo kale, guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Puntland u rajeynayaan iney ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan cidna lagu eedin. Ugu dambeyn, guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa tilmaamay in ay doorashada kadib soo gudbin doonaan warbixin dheer oo ku aadan sida ay wax walbo u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREEYSI-GUDOOMIYAHA-URURADA-BULSHADA-RAYIDKA-PUNSA-EE-PUNTLAND-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nigeria)-Dowladda Nigeria waxay sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 280 dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka Booko Xaraam xilli weerar dhulka iyo cirka ah ay ku qaadeen ciidammada deeganno ku yaalla xadka. Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga Nigeria oo laga akhriyay telefishinka ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka lagu laayay weerar duqeyn ah. Waxay ciidammada sheegeen inay soo qabteen hub badan oo ay kamid yihiin gantaallada riddada dheer xilli ay weerar ka gaysteen jasiirado ku yaalla harada Chad gaar ahaan agagaarka webiga Komadougou Yobe. Ciidamada Nigeria ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro khasaare dhaliyay kala kulmay ururka Booko Xaraam oo muddo 10 sanno ah dagaal ku jiro dowladda. Source
-
(SLT-Washington)-Dalka Maraykanka, maanta waxaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee ku soo biiray labada aqal ee congresska Maraykanka, iyada oo sanadkan ay, gaar ahaan, aqalka hoose ku soo biirtay triadii ugu badneyd ee dadka laga tirada badan yahay. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay qeybo ka mid ah hawlihii dawladda dhexe ay xanniban yihiin. Haddaba, wada shaqeynta Aqalka Cad iyo Aqalka Hoose ee Congresska oo maanta uu Dimoqraadigu la wareegayo ayaa Maxamed Cabdi Sandhere waxa uu ka wareystay Jibriil Aw-Maxamed oo bare ka ah Jaamacadda Ohio State. Jibriil waxa uu marka hore ka hadlayaa sida dhaartu ay maanta ay u dhacayso. Source
-
Murashixiinta madaxtinimada Puntland ee doorashada 8-da Jannaayo 2019 iyo qaar kamid ah isimada ayaa haatan hoygiisa kula shirsan Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo kamid ah isimada waaweyn ee Puntland. Shirkan oo warbaahintu ay dibadda ka joogto ayaa sida wararku sheegayaan ku saabsan wada-tashi iyo kala xog-qaadasho arrimaha doorashada Puntland oo maalmo yar ay ka harsan yihiin,waxaana la filayaa markii uu soo dhammaado in uu suxufiyiinta la hadlo Af-hayeenka murashixiinta Aadan Maxaamed Ciise Gaadaale oo ka warbixin doona qodobada laga wada-hadlay. Doorashada madaxtinimada Puntland ee muddaysan 8-da Jannaayo 2019 ayaa waxaa ka harsan mudda 5 maalmood ah,iyadoo Jimcaha berri ahna loo ballansan yahay doorashada Guddoonka Baarlamanka ee rasmiga ah. Ilaa 30 murashax ayaa u tartamaya doorashada madaxweynaha Puntland,waxaase la filayaa in qaar kamid ah murashixiinta ay is’casilaan ka hor inta aan la gelin hoolka ay ka dhacayso doorashadu maalinta talaadada ah ee ku beegan 8-da Jannaayo 2019. Faahfaahinta kala soco: Puntland Post The post Murashixiinta madaxtinimada Puntland oo ku shirsan guriga Islaan Ciise appeared first on Puntland Post.