Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,219
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Online) – Kulanka golaha ammaanka QM uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya ayaa goor-dhow si rasmi ah uga billowday xarunta QM ee magaalada New York. Waxaa kulanka khudbad ka jeedinaya wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisa. Waxaa sidoo kale khudbad ka jeedinaya danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baale iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Madeira, iyo xubno kale oo arrimaha Soomaaliya ay khuseyso. Toos u daawo kulanka oo hadda socda Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  2. New York (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah khudbadda la filayo in safiirka Soomaaliya ee QM uu goor-dhow ka jeediyo kulanka golaha ammaanka uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya. Khudbadda oo inteeda badan ku saabsan horumarka ay dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo ay samaysay, ayaa waxaa ku jira qeyb ayada oo aan la magacaabin si toos ah ugu socota ergeyga QM ee Soomaliya laga eryey Nicholas Haysom iyo beesha caalamka. Qeybtan ayaa cinwaan looga dhigay: Soomaaliya ayadaa hogaamisa taageerada caalmiga ah, ee taageerada caalamiga ah ma hogaamiso Soomaaliya. Waxaa sida cad u jeedku yahay in beesha caalamka loogu sheegay in taageerada ay siiyaan Soomaaliya uusan macnaheedu ahayn in talada dalka ayaga looga dambeeyo. Qoraalkan ayaa danjire Abuukar daahir Cusmaan Abuukar baalle uu ku leeyahay saidan: Anaga, ayaa sidaas darteed, waajib naga saaran yahay, inaan dib u aas-aaso maqaamka Soomaaliya ee caalamka iyo inaan si fir-fircoon danaha Soomaaliya ugu matalno masraxyada caalamiga. Waxa ay ku fanaan iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed dartood, waxaa waajib naga saaran yahay, anaga oo ah kuwa matala, inaan siino codka iyo matalaadda himilooyinkooda iyo hiigsigooda. Mudane madaxweyne [madaxweynaha golaha ammanaka] Ii ogolow inaan arrintan sii sharxo. Soomaaliya waa ay kala saartaa hay’daha aan qeybta ka nahay iyo ficillada shaqsiyaadka saameynta dhaawaca leh u gaysan kara dalkeena aan cagaha adag ku taganeyn. Waa wax aynaan aqbali karin ficillada shaqsiyeed ee ka baxsan xeerarka iyo nidaamka aynu dhammaanteen raacno, ee looga gol leeyahay in lagu abuuro jawi aad u xun oo dhaawac gaarsiin kara hormuarkii ay gaartay bulshada Soomaaliyeed, ee ay ku jirto waxyeeleynta horumarka muhiimka ah ee laga gaaray cafinta daymaha. Dowladdeena waxay Soomaaliya ku jiheeneysa mustaqbal cusub. Soomaaliya hadda kuma jirto xaalad ku meel gaar ah, hase yeeshee waa dal madax banaan leh dhamaman xuquuqaheeda iyo mudnaanteeda. Waxaan la dagaalaymaan argagixiso, maskax qabyaaladeed iyo musuq-maasuq. Waxaan ka rajeeneynaa hoggaanka QM inuu taageero istaraatiijiyaddan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  3. Ten al-Shabab militants were killed on Thursday in an airstrike of an operation jointly conducted by the United States and Somali forces in southwest Somalia, the state news agency reported. The Somali National News Agency reported that the joint forces conducted the operation against al-Shabab militants at an area about 150 km southwest of the capital Mogadishu. Al-Shabab militants did not comment on the latest operation so far. This is the first operation conducted by the joint forces this year. The post Ten Al-Shabab militants killed in southwest Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Dalinyaro mutadawiciin ah oo iskood isku xilqaantay ayaa deegaano hoose yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari waxa ay ka hirgaliyeen Biyo Xireen ay ka cabaan [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay inay Hargeysa ku casuumayaan ergaygii qaramada midoobay ee ay Soomaaliya sheegaytay inay eriday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Addis Ababa)-Qoysas lagu qiyaasay inay tiradoodu gaarayso in ka badan 400,000 oo ku barakacday gudaha Dalka Itoobiya ayaa dib ugu noqonaya goobihii ay ka kala yimmaaddeen oo u badan xadka kala qaybiya Soomaalida iyo Oromada. Dadka ugu badan ayaa waxay ka yimmaaddeen degaannada, Moyaale, Borena, Gujji, Bale, bariga iyo galbeedka aagga Hererge , sida uu Wakaaladda Wararka Itoobiya ee (Ethiopian News Agency) ENA u sheegay Madaxa Guddiga maareynta qataraha musiibooyinka ee Oromiya, Mekonnen Lenjessa. Mr, Lenjessa, ayaa sheegay in shaqaaqoyinkii ka dhacay xadka Gobollada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya aysan haatan jirin xaaladduna ay tahay mid deggen oo laysku halleyn karo. Dagaalka Gacan ka hadalka ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa soo billoowday December 2016-kii, kaas oo ku salaysnaa muranka xudduudaha iyo Dhul daaqsimeed, waxaana ku dhintay Kumanaan Qof, halka Milaayiin kalana ay ku bara-kaceen. Source
  7. Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee Somaliland, waxaa uu maanta dagaal muddo socday dhex maray ciidamada Somaliland iyo Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq. Sababta dagaalka ayaa lagu sheegay ka dib markii ciidanka Somaliland gaadhi dagaal loogala goostay dhinaca Puntland. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, laakin waxaa ay ciidamada halkaasi isku hor fadhiyeen wax ka badan 6 bil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda Mucaaridka Ah Iyo Xukuumadda KULMIYE Oo Dood Adag Ka Yeeshay Waxqabadka Ay Soo bandhigeen Sannadkoodii Ugu Horrreyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Dagaal koobani ayaa waxa uu maanta deeganka Tuko-raq ku dhex maray ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland oo is hor fadhiya deegaankaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeeray cutubyo cusub oo ka mid noqoyana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar uu uga socdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga sugayo kumannaankan dhallinyarada ah ee u istaagay dalkooda, in ay wax badan ka badelaan amniga magaalooyinka dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo waajib gaar ah uu ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah. “Cadawgeennu waxa ay Muqdisho u bartilmaameed sanayaan waa maqaamka iyo maamuska ay ku leedahay caalamka, Argagixisada Al-Shabaab waxa ay cududdooda oo dhan isugu geeyeen sida ay u wax yeelayn lahaayeen Caasimadda shacabka Soomaaliyeed, balse taas uma suurta galeyso inta ay dalkan ku nool yihiin dhallinyaro idinkoo kale ah oo shafka u dhiganaya ilaalinta xasilloonida, nafta iyo hantida shacabkeenna.” Taliyeha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kormeerkan ku wehelinayay Duqa Muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada iyo tayada ciidankan loo diyaarinayo sugidda amniga Caasimadda, isagoona tilmaamay in korjoogteynta iyo ka-warqabka Maamulka Gobolka Banaadir ee Ciidankan uu cadeyn u yahay rajada iyo yididiillada lagu qabo dhallinyartan. Dhankooda, dhallinyarada uu la kulmay Guddoomiyuhu ayaa soo bandhigay noocyada tababarka ay qaateen iyo himilladooda ku aaddan sugidda amniga Caasimadda, iyagoona Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey booqashadan oo ka tarjumaysa sida Guddoonka Gobolku ay u garab taagen yihiin hay’adaha ammaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa amar Xayiraad ah Saartay Hudheelka Beerta Libaaxyadda. Halkan hoose ka akhriso: Source
  12. Muddo 28 Sano Soomaaliya Dawladi Kamay Jirin, Waxaana Mudadaas Ka Jiray Madaxwaynayaal Maqaar Saara!!!, Xukuumad Maqaar Saara!!!!, Barlamaan Maqaar Saara!!!!, Ciidamo Maqaar Saara Oo Aan Lahayn Nidaamkii Iyo Kala Dambayntii Lagu Yaqaanay Milaterigii Soomaaliya 28 Sano Ka Hor!!!!!!. Soomaaliya Oo Aanay Soo Marin Madaxwaynayaal Damiir Muslim Iyo Mid Wadaniyadeed Aan Lahayn Cadoowgooda U Yaqaana Shacabwaynahooda!!!!!, Nasteexoodana U Yaqaana Cadoowga Duulaanka Ku Ah Dhulkooda Iyo Xeebahooda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!. justify;”> Yaddoo Soomaaliya Aanay Ka Jirin Dawlad Leh Ciidamo Soomaaliyeed Oo Awood Leh Sugina Kara Amaanka 13 Gobol Ee Ay Ka Kooban Tahay Soomaaliyadda Xoriyadda Ka Qaadatay Wadanka Talyaaniga!!!!!!!!!!!!!!. Yadoo Soomaaliya Aanay Lahayn Barlamaan Awood Leh Oo Sharciga Wadanka U Yaala Ku ILaalinaya Hadba Xukuumaddii Jirta!!!!!!!!!!. Barlamaanka Soomaaliya Wuxuu Qayb Wayn Ka Yahay Xasuuqa Loo Gaysto Shacabwaynaha Soomaaliyeed, Kuwa Xasuuqa Gaysanayaa Ha Noqdaan Xukuumadda, Ha Noqdaan Ciidamadda Soomaaliya, Ha Noqdaan Hogaamiyo Kooxeedyadda, Ha Noqdaan Ururka Al-Shabaab, Ha Noqdaan Ciidamadda Amisom, Ha Noqdaan Ciidamadda Kale Ee Aan Xukuumadda Soomaaliya U Diiwaan gashanayn Ee Kala Ah Ciidamadda Kala Duwan Ee Wadamadda Carabta, Reer Galbeedka Iyo Yuhuuda U Jooga!!!!!!!!!!!. Soomaaliya Mudadaas 28 Sano Waxaa Gacanta Ku Haya Oo Dhaqaale Fara Badan Oo Lagu Qiyaaso Ugu Yaraan Ku Baxay Boqolaal Bilyan Oo Dollar, Maaliyadda Intaas Leegna Waxay Dhisi Lahayd Labaatan Wadan Oo Afrika Ku Yaala Oo Somaliland Ku Jirto!!!!!!!!. Caalamku Si Indho La’aan Ah Ayuu Ugu Kala Hiiliyaa Soomaaliya Oo Noqotay Foosto Daloosha Oo Dhaqaalaha Lagu Bixiyo 1% Aanay Ka Muuqan!!!!!, Halka Ay Caqliga Ka Shaqaysiin Lahaayeen Wadamadda Iskugu Yeedha Wadamadda Muslimka, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga, Wadamadda Afrika Oo Somaliland Iyo Soomaaliya Si Siman Loogu Qaybin Lahaa Dhaqaalaha Iyo Dib U Dhiska Labadda Wadan!!!!!!!!!!!!!. Qaramadda Midoobay Iyo Wadamadda Reer Galbeedka Abaalkoodii Ayaa Helay!!!!!!, Mar Haddii Soomaaliya Ay U Gudbisay Xoghayaha Qaramadda Midoobay Warqad Ay Ku Eryayso Ergayga Qaramadda Midoobay Ee Soomaaliya U Jooga Ee La Yiraahdo Nicholas Haysom!!!!, Ergaygaas Oo Ka Hadlay Xasuuq Lagula Kacay Shacabwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Loona Gaystay Dhaawac Fara Badan!!!!, Xasuuqaas Oo Ay Gaysteen Xukumadda Federaalka, Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Ciidamadda Itoobiya!!!!!!!!!!!!!!!! Mar Haddii Soomaaliyaddii 28 Sano Ay La Daba Taagnaayeen Dhaqaale Aad U Fara Badan, Ciidamo Shisheeye Oo Ay U Soo Direen Si Soomaaliya Ay Cagaheeda Isku Taagno Dhinaca Nabadgelyadda, Dhaqaalaha, Dib U Dhiska Wadanka, Asaaska Bulshadda, Shaqo Abuurka Wadanka, Mustaqbalkana Ay Ku Talaabsato Doorasho Wadankoo Dhan Ka Dhacda One Fote One Man!!!, Oo Qofkasta Oo Soomaaliya Ahi Uu Codkiisa Doorashadda Si Xor Iyo Xalaala Ka Dhiibto Doorashooyinka Madaxtooyadda, Barlamaanka Iyo Dawladaha Hoose!!!!!!!!!!!!. Xukuumadda Somaliland Waa Inay Ka Faaidaysato Isku Dhacyada Ay Inta Badan Isku Dhacaan Soomaaliya, Wadamadda Muslimka, Qaramadda Midoobay, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga Iyo Wadamadda Afrika!!!!!!!, Xukuumadda Somaliland Waxaa Looga Baahan Yahay Siyaasad Fur Furan Oo Ay Kula Macaamilayso Wadankasta Oo Jecel In Somaliland La Aqoonsado!!!!!!, Wadankasta Oo Neceb In Somaliland Noqoto Wadan La Aqoonsado!!!!!!. ahmedsakatouri@hotmail.com Source
  13. Waa hubaal in xil kastoo aad hayso ay ka dhalanayso masuuliyad iyo waajibaad ku saarmaya ,sida aad xilkaaga u gudato wax markaati ka noqonaya wax adiga kaa soo fula ee falcelin ah sida shaqo wanaag , karti ,dedaal iyo daacadnimo . Taas bedelkeeda iyadoo awoodahaagii shaqo wanaaga shaydaan kaa qarinayo waxaad ku dhici kartaa fashilaad shaqo iyo xil kasnimo yaraan ku soo food saarayta, oo halkii aad horumar iyo magac iyo sharaf raadin lahayd waxaad ku mashquulaysaa markasta sidii aad shilimaad u heli lahad adigoo ilaawaya alle ka cabsigii iyo mustaqbaliyan wixii ka dhalin kara xilka aad hayso shar iyo khayr. Markasta Shaqad aad hayso ama Xilka laguu igmaday ogsoonow oo maanka ku hay in ay jiraan kumaankum kula mid ah oo qaban kara una gudan kara xilkaas si kaa wanaagsan adiga balse adigu aad nasiib u heshay , sidaa awgeed wax kula gudboon oo aad gartaa waa guusha u wayn ee aad beri ku faani karto , isla markaana kaa caawinaya in aad noqoto nin bulshadiisa qiimo ku leh oo astaan fiican oo ku dayasho mudan leh. Ujeedad qormadan aan u qoray waxay daarantahay in aan xasuusiyo 7 xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee la magacaabay October,2014 ay maanta tahay maalinta qudha ee sharaftooda iyo karaamadoodu ku jirto gacantooda weli . sidaa awgeed waxaad Xeer_beegti u tihin sadex Xisbi iyo sadex Taageeryaal oo bulshada somaliland u qaybsantahay , hadii qayb ka mid ah, ama Xisbi ka mid ahi ay kalsoonid idin kala laabto sidoo kale waxaad waydeen kalsooni Taageeryaal kale oo badan oo bulshada ka mid ah. Waayo Xeerka Doorashooyinka somaliland ee lanbar 20/2001 qaybtiisa 6aad waxay xuquuq badan siinaysaa Codbixiyaasha isla markaana ah taageeryaasha Asxaabta , isla markaana mudan in la tix geliyo. Waa laydin tijaabiyay oo waxaad soo qabateen doorashooyn sida tii madaxtooyada somaliland , isla markaana khilaaf badan ka dhashay oo dad badan oo aan inaga go,in ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen , cadow badan oo aynu leenahayna ku farxeen. Ugu danbayn hadii aad doonaysan in markale khilaaf idinka bilaabmaa uu galaafto dad kale oo shicib ah , hadii aad weli doonaysaan lacag , hadii aad rabtaan magac xumo u soo hoyata somaliland , hadii aan go,aankiinu shaqaynayn , hawshiina wata oo halkiina jooga. Hadii aad sharaf iyo karaamo rabtaan, hadii garaadka laydinku soo doortay idinka run yahay , fadlan oo fadlan is casila oo Kuraasta baneeya , beriba waad ka tegaysaane sharaf kaga taga. Alla mahad leh. W/Q: Kayse Abdullahi Dhisaaye dhisaaye122@gmail.com Source
  14. Jowhar ( Sh. M. Network )-Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii looga qaaday xoghayihii maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Ibraahim . Xoghayaha cusub ee maamulka gobolkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Abshir Ibraahim Maxamed. Cali Ibraahim xoghayihii hore ee gobolka Sh/ Dhexe ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha maamulka gobolka,iyadoo sidoo kale guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Cabdulaahi Axmed Shitaawe uu noqonayo guddoomiye ku xigeenka arrimaha Maaliyadda. Halkan hoose ka Akhriso. The post Xubno ka tirsan maamulka Sh/ Dhexe Oo isbedal lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ee isku’ horfadhiya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa maanta is-weydaarsaday madaafiic culus oo mudda saacado ah socotay,sida ay sheegeen dadka degaanka. Madaafiicda oo ay bilaabeen ciidamada Somaliland ayaa waxaa jawaab ka bixiyay ciidamada difaaca Puntland ee halkaasi ku sugan oo qoryaha BM-ka huwiyay taliska militariga Somaliland ee Tukaraq,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegeeyaan in xaaladdu si caadi ah ku soo laabatay,hase yeeshee faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay isweydaarsadeen labada dhinac. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku’ weydaarsaday Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  16. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha cusub, qaybta Lixdanaad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ guuto; C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Tama cadde), kaas oo beddeli doona taliyihii hore ee qaybta. Taliyaha oo ay safarkiisa ku wehliyeen, Abaan duulaha cusub ee qaybta iyo saraakiil kale, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Bayshabo ku soo dhoweeyay, taliyahii hore ee qaybta Gen; Ibraahim Yaroow , Abbaan-duulihii hore qaybta Lixdanaad ee Ciidanka Xoogga, Ismaaciil Khalliif Shire iyo Saraakiil kale. Jeneraal; Ibraahim Yaroow, ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin imaatinka Saraakiisha iyo xilka loo soo Magacaabay, wuxuuna intaa raaciyay in Saraakiishan cusub ay horay isula soo shaqayn jireen, isagoo ku tilmaamay xubno howl-kar ah kana soo bixi doono waajibaadka loo igmaday. Taliyaha cusub, qaybta Lixdanaad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed,S/ guuto; C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Tama cadde), ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee Magaalada Baydhabo loogu sameeyay, isagoo sheegay in wixii faah-faahin ah uu jeedin doono Maalinta ay dhacayso Xafladda xil-wareejinta. The post Taliyaha cusub Ee qaybta 60-aad Oo gaaray Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane. Wakaaladda wararka SPA iyo taleefishinka qaranka, oo warkan weriyey, ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan kulanka maxkamadda ee maanta, iyo magacyada eedeysanayaasha. Si kastaba, qoraal kasoo baxay dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay dhageysiga dacwadda ku wehliyeen qareenadooda. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay, in dacwad-oogayaasha ay codsi u direen Turkiga, ayaga oo raadinaya caddeymaha ay Ankara ka ururisay dilka Khaashuqji oo labadii October 2018, ka dhex dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. “Xafiiska dacwad-oogaha weli ma helin wax jawaab, waxaana weli uu sugayaa jawaab” ayaa lagu yiri bayaanka. Turkiga weli wax jawaab ah kama bixin arrintan, hase yeeshee saraakiisha Ankara waxay horey u sheegeen in caddeymaha dilka ay la wadaageen Sacuudiga iyo dalal kale. Khaashuqji ayaa qoraallo ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku qori jiray wargeyska Mareykanka ee Washington Post. Boqortooyada ayaa markii hore beenisay in Khaashuqji la dilay, hase yeeshee waxay sheekadeeda beddeshay oo ay dilkiisa qiratay toddobaadyo kadib. Warbaahinta Turkiga ayaa horey u daabacay sawirrada xubno ka mid ah ilaalada Maxamd Bin Salmaan oo galaya qunsuliyadda ka hor inta aan lagu dhex dilin Khaashuqji. Meydka Khaashuqji, oo la rumeysan yahay in la jarjaray kadib markii la dilay, ayaan weli la helin. Sirdoonka Mareykanka, ayaa rumeysan in Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Daah-Furay Ololaha Qaranka Ee Dhiig Bixinta Oo lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somailland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay Ololaha Qaranka ee dhiig bixinta oo qasriga Madaxtooyada Somaliland lagu qabtay. Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xusay inay lagama maarmaan tahay dhiig shubistu, taasi oo uu sheegay inay dadku baahi badan u qabaan wakhtigan inay helaan dhiigaga keyda oo goorwalba la heli karo. Wasiirka oo ka hadlaaya baahida dhiig shubistu u leedahay bulshada reer Somaliland ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey madasha furitaanka oo ahayd mid ay qayb libaax ka qaateen Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, golaha wasiirada Somaliland iyo xubno kale oo muhiima oo dhammaantood goobtaasi ku shubay dhiig ay ugu deeqeen keydka cusbitaalka guud, taas oo maanta si rasmi ah looga daah-furay gobolada dalka looguna talo-galay in dalku yeesho keyd dhiiga oo loogu adeego dadka u baahan dhiigagaasi. Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyey goobta ayaa yidhi “Maanta oo Bishu tahay 03.01.2019 Waxaa halkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka bilaabayaa Olole qaran oo ku saabsan bixinta dhiiga, dadweynaheenu waxay u baahan yihiin dhiig in lagu shubo xaalado badan marka ay lasoo kulanto sida shilalka baabuurta oo aad inoogu badan Dumarka Uurka leh oo dhiig baxa iyo dhaawacyada kale ee inaga soo gaadha meelaha kale”. Qofkastaaba dhiig waa u baahan karaa Jaarkaaga u baahan kara, Carruurtaada u baahan karta, Waalidkaaga u baahan kara, qofkastaa u baahan kara, waxaynu maanta furaynaa oo Madaxweynuhu Madaxtooyadii ka bilaabay ololihii koobaad ee dhiig bixinta qaranka ummadda oo dhan waxaa looga baahan yahay inay bixiyaan dhiiga sidaa uu Madaxweynuhuba ugu deeqay, waxaan rajaynayaa in Goboladda iyo Degmooyinka ay ka bilaabanto dhiig bixintaasi, Madaxweyne waad mahadsan tahay kusoo dhawoow” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay kuna dheeraaday muhiimada ay leedahay in qofwalbaaba ku deeqo dhiigiisu ayaa yidhi “Ilaahay baa mahad leh ina garansiiyey danteena inaynu horumarino oo aynu ka wada shaqayno dhinac walba, waxaan ku boggaadinayaa dhammaan bahda caafimaadka Wasaaradda oo maanta halkan madaxdeedu ku dhan yihiin mashruucan ay bilaabeen ee ah in Dhiiga la kaydiyo oo dhiig la uruuriyo”. Madaxweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi “Dhiig bixintu waa Sadaqo Jaariya ah oo waxaad aakhirana geysatay ajarna aad ka helayso dadkaagiina aad ku taageertay, dhiig bixintu waa caafimaad oo waxay dhakhtaradu inoo xaqiijiyeen in dhiigu marka aad bixisaba dib u cusboonaado oo horena waa loo yaqaanay taas oo waynagii Toobinka samayn jirnay marka dadku is toobayaan, Axaadiis badan Nabigana (SCW) waa laga soo wariyey inuu toobinku caafimaad yahay, markaa waa toobinkii oo inta la kaydiyey dhigii lagaa qaaday dadkii kalena lasiinayo ee u baahnaa, Madaxweynaha oo ku dhiirigelinaya shacbiga loo baahan yahay inay dhiigooda shubaan ayaa yidhi “waynu badbaadin karnaa nolol badan iyo dad badan oo geeri ka baaqsada iyagoo dhiig u baahan, Markaa dadkaa waxaan ku boorinayaa da’a-walba, ragg iyo dumar in la barto in dhiiga la bixiyo oo dhiig badan aynu kaydino, si aynu dadkeena u badbaadino marka ay dhiig u baahdaan, aad iyo aad baan mar labaad u bogaadinayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo madaxda halkan joogta ee kala duwan qoladii dhiiga baanka, Wasiirkii, Wasiir Ku Xigeenkii, Agaasimihii, Agaasimihii Cusbitaalka, dhalinyaro kale oo badan oo wada shaqaynaysa insha allaahu mashruucaasi aad buu inoogu hirgeli, waa inaanay dhicin qof reer Somaliland ah oo dhakhtar yimi oo loo waayey dhiig oo loo carcarayo, waynu kaydin karnaa dhiig fara badan markaa waxaan qabaa in lagu dhiirado in dhiiga la bixiyo waan ku dardaarayaa dadka”. Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu shir gudoomiyey kal-fadhigii 27aad ee golaha wasiirada Somaliland oo maanta oo khamiis ah ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaana shirkaasi lagaga dooday horumarinta arrimaha caafimaadka, waxbarashada, caddaalada iyo in kor loo qaado dhammaan arrimaha bulshada madaama oo sanad cusub la galay. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
  19. Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane. Wakaaladda wararka SPA iyo taleefishinka qaranka, oo warkan weriyey, ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan kulanka maxkamadda ee maanta, iyo magacyada eedeysanayaasha. Si kastaba, qoraal kasoo baxay dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay dhageysiga dacwadda ku wehliyeen qareenadooda. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay, in dacwad-oogayaasha ay codsi u direen Turkiga, ayaga oo raadinaya caddeymaha ay Ankara ka ururisay dilka Khaashuqji oo labadii October 2018, ka dhex dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. “Xafiiska dacwad-oogaha weli ma helin wax jawaab, waxaana weli uu sugayaa jawaab” ayaa lagu yiri bayaanka. Turkiga weli wax jawaab ah kama bixin arrintan, hase yeeshee saraakiisha Ankara waxay horey u sheegeen in caddeymaha dilka ay la wadaageen Sacuudiga iyo dalal kale. Khaashuqji ayaa qoraallo ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku qori jiray wargeyska Mareykanka ee Washington Post. Boqortooyada ayaa markii hore beenisay in Khaashuqji la dilay, hase yeeshee waxay sheekadeeda beddeshay oo ay dilkiisa qiratay toddobaadyo kadib. Warbaahinta Turkiga ayaa horey u daabacay sawirrada xubno ka mid ah ilaalada Maxamd Bin Salmaan oo galaya qunsuliyadda ka hor inta aan lagu dhex dilin Khaashuqji. Meydka Khaashuqji, oo la rumeysan yahay in la jarjaray kadib markii la dilay, ayaan weli la helin. Sirdoonka Mareykanka, ayaa rumeysan in Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen. Xigasho: VOA
  20. Cadaado ( Sh. M. Network )-Axmed Maxamuud Xasan Axmed Baasto Madaxweynaha Galmudug ee garabka Cadaado oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay go’aankii lagu eryay wakiila QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom. Madaxweyne Axmed Baasto ayaa ku bogaadiyay madaxda Qaranka go’aankaasi, oo uu tilmaamay in Galmudug ay taageereyso tallaabadaasi. Sidoo kale waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqeen go’aanka culus oo ay qaadatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/x.mp3 The post Axmed Baasto Oo soo dhaweeyay eryidii Nicholas Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Eliot L. Engel, oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Maraykanka, ayaa walaac ka muujiyay jihada ay ku socoto dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay sida uu yahay xaalka Soomaaliya. Xildhibaan Eliot oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa wuxuu ka horyimid go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku caydhisay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom. “Iyadoo ay jiraan xaalado dawladeed oo sii xumaanaya iyo dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Caydhinta ergayga Nicholas Haysom waxay sii kordhisay walaaca aan ka qabo jihada ay ku socoto Soomaaliya.” Sidaas ayuu xildhibaan Eliot ku yidhi qoraal kooban oo uu geliyay barta uu aqalka wakiilada ee Maraykanku ku leeyahay twitterka. Qoraalkan kooban ee uu xildhibaan Eliot baahiyay wuxuu tilmaan u yahay sida uu Baarlamaanka Maraykanku u arko xaaladda Soomaaliya iyo dawladda Maxamed Farmaajo. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Guddida Dhaqaalaha, ayaa ka hadlay cashuurtii ay qaar ka mid ah Wasiiraddu ku soo darsadeen Miisaniyaddii Qaranka, oo ay ka saareen, waxaanu tilmaamay in Cashuurahaasi ahaayeen kuwa sharci daro ah oo aanay umaddu qaadi karin, sidaas darteedna ay Gole ahaan ka saareen. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waanu ka saarnay cashuurtii ay Wasaaradduhu ka soo darsadeen Miisaaniyadda, haddii ay tahay cashuur isgaadhsiin, haddii ay tahay cashuur warbaahineed iyo haddii ay tahay cashuur gaadiidba, in dadka oo jilicsan in culays kale la saaro wey nala noqon weyday,khalad iyo sharci daro ayaanu u aragnay in dadka la saaro lacago iyo cashuuro yaanay qaadi karin, ama gadiid ha noqoto ama wax kale ha noqotee, oo waanu diidnay”. Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey hadalo ka soo yeedhay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa yidhi “Mucaarad dalka wuu ka jira, Waddani waa mucaarad, UCID waa mucaarad, ee malaa waxay doonayaan gacan ka hadal, Xisbiga Kulmiye ayaa intooda badani imika mucaarad yihiin, oo sida laga yeelay Ina Geel-jire iyo raggii la midka ahaa waanu ka arkaynaa, mucaaradnimadu waa in Dawladda la toosiya, oo la yidhaahda waxaas iyo waxaasi waa khalad, Xukuumaddana waxaanu leenahay dagaal hubaysani ma jiro ee haddii aanu nahay Mucaarad waanu idin toosiynaa, wax baa iska yar taag-taagan, ee waxaan Shacabka leeyahay waa in walaaltinimada, nabadgalyada, qaranimada iyo Somaliland-nimada aynu wada ilaashana” Source
  23. Dowladda Itoobiya ayaa ku guulaysatay in ay xal ka gaarto dagaalkii udhexeeyay Oromada iyo Soomaalida ee dagan dalka Itoobiya . Qoysas gaaraya ilaa iyo ku [...] Source