Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,224
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia Thursday told the U.N. Security Council not to interfere in its national affairs after expelling a U.N. envoy who questioned the government’s decision to arrest an Al-Shabab defector running for election. Somali Ambassador Abukar Dahir Osman did not specifically mention his government’s decision to order Nicholas Haysom to leave but he argued that Somalia was in need of support, not criticism from the world body. “The U.N. and its representatives have a duty, even an obligation, to respect their mandate and to not interfere in our internal affairs, and to let the Somalis control their own destiny,” said the ambassador. In his address to the council, Haysom did not comment on the government’s order to expel him but he renewed his criticism of Mogadishu authorities after 15 people were killed in electoral violence. The council then met behind doors to discuss the fate of the U.N. envoy who took up his post in October. Addressing the council, Haysom warned of a risk of conflict during elections in Somalia’s federal states due to tensions with the central authorities. “We witnessed this during the electoral process in South West State,” he said. “Allegations of interference by the FGS [federal government of Somalia] and the violence which erupted following the arrest of one of the candidates, a former Al-Shabab deputy leader, marred the process and does not bode well for upcoming electoral processes in other regions or for the 2020 national elections,” he added. The Somali government ordered Haysom to leave after he wrote a letter requesting information on the legal basis for the arrest of Mukhtar Robow who was running for the post of regional president of South West State. Robow, who defected from Al-Shabab in 2017, was arrested last month and flown to the capital Mogadishu. The arrest sparked protests in the southwestern town of Baidoa that were violently suppressed by Somalia’s security forces, leaving at least 15 dead. In his letter, Haysom requested an investigation of the protest violence and stressed that U.N.-backed security forces must respect human rights. The Somali ambassador told the council that former Shabab militants “cannot assume leadership positions without going through stringent established rehabilitation programs.” “We reject the criticism and attempt to rebrand renewed terrorism as ice cream salesperson without redeeming themselves,” he said. Diplomats said U.N. Secretary-General Antonio Guterres had appealed to Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed following the decision announced Tuesday to expel Haysom, a South African lawyer and experienced diplomat who also served as envoy to Sudan and South Sudan. The U.N. mission in Somalia is tasked with supporting peace efforts and the strengthening of government institutions in the Horn of Africa nation, which were ruined by decades of civil war. The post Somalia tells UN not to interfere after expelling envoy appeared first on Shabelle. View the full article
  2. SIDA QOF SOMALI AH OO ARAGTI AHAAN, DHAQAN AHAAN, SIYAASAD AHAAN IYO AQOON AHAAN XOR AH LAGU HELAA WAY ADKAAN DOONTAA QARNIGAN 21AAD ==================================== Waa lagama maarmaan iyo wax aas-aas u ah nolosha marka ay ummadi hor mar hiigsanayso in ay haysato xornimo fikir, Aragti iyo aqooneed oo ay ku gaadhaan hiigsigooda. Waxa aan aaminsanahay hadii intaa iyo in badan oo kale dedaal la galiyo in aynu ka xoreyno dadkeena oo ay noqdaan qaar si xor ah u fikiri kara, halkaasi waxa ka bilaabmaya curinta afkaaraha horumarka. Waxa somalidu qarniyadii tagay ku hawlanayd gumaysi la dirir iyo xoreyn dhul soomaaliyeed, marnaba lagama fekarin hab fikirka qofka somaliga ahi in uu ka muhiimsan yahay dhulka la raadinayo waayo qofka ayaa dhulka ku nool ee dhulku qofka kuma noola. Haddaba marka aan eegay aad ugu fiirsadey dhacdooyinka iyo siyaasadaha ku wajahan dadka somalida ah, ama Somaliland ha ahaado ama afartii kale ee soomaaliyeed e In qof somali ah oo aragti ahaan, siyaasi ahaan, dhaqan ahaan iyo aqoon ahaan xor ah la helaa way yaraanaysaa sababahan awgood; Somalida hada nooli waa dad u nugul in si dhibyar loo dhalan-rogi karo, waxaana ku hirdamaya oo isku haysta siyaasadaha reer galbeedka, Carabta, Wadamada jaararka, Turkiga iyo xulafadiisa. Waxyaabaha la inagu dhalan-rogi karo ama la inagu dhaqan-gadiyi karo waxa ugu weyn waxyaabaha aynu ugu baahida badan nahay oo ah aqoonta, inaga oo aanu seeska waxbarashadeenu ahayn mid ku dhisan wadaniyad iyo dal jacayl ayaa waxa aynu fursado waxbarasho ka helnaa wadamo siyaasado iyo dano fog inaga leh qarniyada soo socda. Waxa aan qarsooneyn mushkiladaha iyo dagaalada ka socda Geeska Afrika in ay u badan yihiin qaar la inoo soo raray oo dano shisheeye iyo dawlado shisheeye ama ururo dano kale leh dabada ku haya oo gudaheena la keenay, ilaa maantana aanay iska garan dadku. Waxa qoraalkan igu kalifay miyaanay habooneyn inta ay goori goor tahay in aynu ka fekarno mustaqbalka ubadkeenu xaguu ku dambeyn doono, dad ahaan qiime noocee ah ayeynu ka yeelan doonaa dunida aynu ku noolahay 100ka sano ee socda? Aduunkan ilaahay inagu abuurey dad saameyn noocee ah ku yeesha ayeynu noqon doonaa tolow? Gebo-gabada qoraalkayga miyaanay inoo eekayn in aynu maanta ka tashano nidaamkeena waxbarasho, dhaqan iyo nololeed ee aynu ku ababinayno ubadkeena ina badali doona. In aynu helno ama isku dayno aqoonta waxii ina anfacaya mooyaane waxii kale in aynu ku badaleno aqoon wax ka taraysa deegaanka aynu ku noolanahay oo inooga anfac roon tan aynu maanta barano. Iyo in aynu si soo jeeda u eegno dadkeenii dibadaha ku noolaa iyo ubadkooda intii ugu badneyd marxaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ay inagula soo noqon doonaan mustaqbalka dhow. Iyo waliba halka ay u dhimatay ama nuxurku yahay oo ah in la helo hogaan ama siyaasi ka xor ah hirdanada iyo siyaasadaha dunidan qalabaa-gediyaya ee awood iyo dhaqaale ku dagaalanka ah oo danaha dalalkeena iyo dadkeena kala soo dhex bixi kara laba-dhagax dhexdood isaga oo aan midna ku tiirsan. Isku soo wada ururiyoo siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee ku soo wajahan dawladaha Somaliland iyo Somalia waa qaar ujeedooyin fog leh oo u baahan in aad looga dhug yeesho saameyntooda dhaqan, nolol iyo siyaasadeed, halka aynu ka eegayno uun dhaqaale iyo maalgashi kaliya. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil Qaran News
  3. Khataraha ka dhalan kara eryida ergeyga Qaramad-midoobay ee Soomaaliya eriday. Qalinkii cabdi caawiye Inaad si yar oo fudud u erido ergey qaramada midoobay wadankaaga u jooga waxay la mid adigoo diidey qaramada midoobey. Intaasi waa iga afeefe aan Ku dego haddalkayga qaramada midoobay waa ururka ugu weyn ee dunida jooga waana kuwa wadana burburiya waddana dhisa waxay Ku shaqeeyaan awoodo la isku geeyey oo dunida ka kala yimi. Soomaaliya waxa ay eriday ergeygii qaramada midoobay u fadhiyey Somalia Nicholas Haysom oo khabiir Ku cireystay oo Ku caadaadey qaramada midoobay iyo hawlaheeda. Somaliya waxa ay Ku qaldantahay inay erido qaramada midoobay ergeyga u qaabilsan somalia waayo waxa ka horeeyey hadii ay qoonsadeen warbixinihii ugu dambeeyey ee uu ka gudbiyey ama habdhaqan ay saluugtay uu kula kacay waxay ahayd inay 1. Inay u gudbiyaan cidey khusyso ee ka sareysa. 2. Inay qoraal Ka gudbiyaan kuna lifaaqaan dhibka ay ka tirsanayaan. 3. Inay uga dacwoodaan dawladaha powerka Ku leh qaramada midoobay ee ay saaxiibka dhow yihiin QARAMADA MIDOOBEY. Haddaba degdega eryida iyo hadaladii aad moodey inuu dad jaahiliina wax u sheegaayo ee RAISALWASAARE KHAYRE waxay sababi kartaa waxayaabo halis galin karaaya hanaanka dawladeed ee awalba khataraha badani hadheeyeen. DOORKA AY QARAMADA MIDOOBAY KA QAADATO SOOMALIYA 1-askarta Amisom oo gacanta ku haya dhul badan oo dowladdu ay sheegato waxay hoostagaan Qaramada Midoobay. 2 Nabad sugida Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka. 3- ilaalinta iyo dacaytirka xarumaha Dowladda ugu muhiimsan askarta Amisom ee Qaramada Midoobay ayaa haya sida Garoonka iyo Dekada. 4- Afkaar wax ku oola dhaqaale badan ayay Qaramada Midoobay ku bixisaa degenaanshaha Soomaaliya. Hadda hadii ay intaas oo dhan ay u qabato ma wax wacanbaa in aayar laska eryo ergeyga. MAXAA KA DHALAN KARA EREYIDA ERGEYGA waxaan wax lala yaabo ah dowladaada oo liidata inaad cidii ay Ku tiirsanayd aad si fudud u erido warqadna ugu dhiibto. Haddaba saamaynta ugu weyn iyo khatarta ka dhalan kartaa waa 1. Qaramada midoobay oo ka caga jiida hawlaha ay ka hayaan Somalia inta FARMAAJO u hadha hadii taasi dhacdana waa farxad iyo raynrayn usoo hoyataycadowga Somalia oo ay ugu horeeyaan kuwa kasoo horjeeda nidaamka dawladnimo iyo kuwa xagjirka ahba. 2.Dhaqaale badan oo ka go’a iyo horrumarintii oo joogsata. 3.Shirirka caalamiga ah oo laga joojiyo Dhinaca dawlada uu gadhwadeenka ka yahay FARMAAJOna waa u balanbal iyo hal jabtay oo ay waraabayaal kayn cidlo ah ka heleen. Ergayga Qaramada Midoobay in ay Somalia erido waa mid ay xaq u leedahay, sababta warqada eriga ku xusan waxa ka muuqata inay dawlada Somalia ka cadhaysan tahay habdhaqanka ergayga. Ogow galaangalka Aduunyada ee Somalia waxa muftaax u ah Qaramada Midoobay waxyabaha ugu muhiimsan ee Qaramada midoobay hayso waxa ugu weyn nabad ilaalinta. Garbay u leedahay dawladu inay dalkeeda ka erido cidii ay u aragto khatar Guddaheeda waxyeelaynaya waa mid lama taabtan ah balse Arimaha diploomasiyada inaan la garab marin dariiqyada loo raacayo waa muhiim iyo biyo kama dhibcaan. W/Q Cabdi Cawiye Qaran News
  4. Warsaxaafadeed Kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegey in Dowladda Puntland ay cadaynaysaa iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo Dowladnimada, in Amarkii Wasaarada Amnigu uu sidiisii [...] Source
  5. (SLT-London)Wargeyska The Times waxa uu qoray inay soo ogaadeen in Gabdhahaasi la geeyo Dugsiyo ku yaalla Somalia iyo u diyaar-garoobaan waxa loogu yeeray Guur Khasab ah, waa sida uu Wargeysku qoray. Wargeysku waxa u uqoray in 7 gabdho Dhibanayaal ah oo da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 22-jir la soo badbaadiyey, laguna soo celiyey Britain sannadkii 2017-kii. Wargeyska The Times waxa kale oo uu qoray in Haweenkaasi da’da yar ee lagu soo celiyey Britain inay khasab looga dhigay inay bixiyaan Kharajka ku baxay Safarkooda soo-celinta ahaa. 4 Haween oo Somali-British ah oo laga soo badbaadiyey Dugsiyo ku yaalla Somalia ayaa waxaa loo sheegay inay mid kasta bixiso lacag dhan 740 Giniga Ingiriiska oo u dhiganta 940 Dollar ama 820 Euro. Gabdhaha Dhibanayaasha ee dib loogu celiyey dalka Britain waxaa loo sheegay inay dib u bixiyaan Kharajkooda Duullimaadka, Cuntadda iyo Hoyga. Gabdhahasi kuwa ay da’dooda ka sarreyso 18-jir ee aan Kharajka iska bixin karin waxaa loo sheegay inay si degdeg ah ugu saxiixaan Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain Heshiisyo Amaaheed oo looga bixinayo Kharajka lagu soo dallacay. Dhinaca kale, Wargeyska The Times waxa uu qoray in gabdhah Somali-British-ka ee la soo badbaadiyey la soo helay iyagoo ku jira Dugsiyo Dhaqan-celin ah oo ku yaalla gudaha Somalia, waa sida uu Wargeysku hadalka u dhigay. Jaalliyadaha Soomaalida ee ku nool dalka Britain weli kama aysan hadlin Dhacdooyinkaasi. Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii, dalka Britain waxa Dembi ka noqday Guurka Khasabka, iyadoo qofkii lagu helo inuu ka dambeeyo falalkaasi uu muteysan doono Xabsi 7-sanno ah. Source
  6. (SLT-New York) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka. Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Nicolas Haysom aanan laga rabin dalka isla markaasna uusan kasii shaqeyn doonin Soomaaliya. Si kastaba, illo wareedyo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa BBC u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raacin waddo diblumaasiyadeed markii ay eryasay Haysom. Ku-xigeenka afahayeenka Qaramada Midoobey, Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay baaritanno ku sameyneyso waxaa dhaliyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku eriday Nicholas Haysom. “Waxaan la soconnaa xaaladda, waxaan isku dayeynaa in aan sharraxaad ka bixinno caddeymaha,waxaan arki doonaa tallaabada xigta” ayuu yiri Farxaan Xaq. Wuxuu walaac ka muujiyay habka loo maray in wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey laga ceeyriyo dalka Soomaaliya. Qaramada Midoobey ayaa saacadaha nagu soo aadan lagu wadaa inay bayaan kasoo saarto dhacdada kaddib marka ay soo gabgabeeyaan baaritannada la xiriiro in Haysom aanan loo ogolaan inuu kasii shaqeeyo Soomaaliya. Source
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Shabelle-03012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Dowladda Puntland ayaa ku gacan-sayrtay go’aankii maanta ka soo baxay qaar kamid ah isimada Puntland ee ku saabsanaa, in laga noqday amarkii mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka looga mamnuucay Puntland inta ay doorashadu socoto. War-saxaafadeed caawo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in aan waxba laga beddelin amarkii wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo galaan Puntland mudada lagu jiro doorashada. Mas’uuliyiinta la mamnuucay ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sida war-saxaafadeedka ku cad waxaa loo arkay, in ay khalkhal gelinayaan amniga,xasiloonida iyo habsami-usocodka doorashada Puntland. Hase yeeshee waxaa xusid mudan in dadka la ga mamnuucay Puntland aysan ku jirin, xildhibaannada labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya(Golaha shacabka& Aqalka sare),balse Golaha xukuumadda oo keliyah uu go’aankaasi ku koobanyahay,sida ku cad warqaddii hore ee ay soo saartay wasaaradda Amniga. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo ku gacan-sayrtay go’aankii isimada appeared first on Puntland Post.
  9. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa maanta kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana khudbad ka jeediyey wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom. Nicholas Haysom, ayaa dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay, ayada oo ku eedeysay faro-gelinta arrimaha gudaha dalka. Si kastaba, khudbaddiisa maanta, ayaa sida ay dad badan filayeen, waxa uusan marnaba kusoo hadal qaadin go’aankii ay ka qaadatay dowladda federaalka Soomaaliya. Haysom ayaa ka hadlay arrimo kale oo xaaladda dalka Soomaaliya ku saabsan, wuxuuna dowladda ku dhaliilay qaabka ay ula macaamisho dowlad goboleedyada, iyo gaar ahaan faro-gelintii ay ku sameysay doorashadii maamulka Koonfur Galbeed. Haysom ayaa sheegay in faro-gelinta la tuhmayo in dowladda Soomaaliya ay ku sameysay doorashada Soomaaliya aysan rajo wanaagsan ka bixineyn doorashooyinka soo socda ee dowlad goboleedyada kale iyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2020. Waxa uu sidoo kale sheegay in xiritaanka Roobow ay hor-istaagi doonto xubno kale oo sare oo Al-Shabaab ah oo laga yaabay inay dowladda isku soo dhibaan kuna soo biiraan hanaanka siyaasadda dalka. Haysom ayaa ka diga in khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada uu caqabad ku yahay in Soomaaliya ay horey u tallaabsato. Inta badan khudbaddiisa ayaa u badneyd guud mar uu ku sameeyey xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyinkii dhacay sanadkii 2018. Waxa uu sheegay in uu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay in ay u fuliso qaab ficil ah ayadoo adeegsanaysa hannaankii lagu gaadhi lahaa. Soomaaliya ayuu sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas ka weecato. Dhanka maaliyadda ayuu sheegay in Isbaddalada maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga gudaha ee lagu kordhiyay 8-da milyan ee dollar bishii September ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 56 miisnaaiyadda dawladda federalka ah ay ka imaanayo dakhliga gudaha oo gaaraya 340 milyan kaas oo sanadka 2019 kasoo xaroon doona gudaha dalka halka inta kalena ay bixin doonaan deeq bixiyeyaashu. Wuxuu ku ammaaay xafiiska Raysul Wasaaraha dadaallada la dagaallanka musuqmaasuqa, ayna kamid tahay in xukuumaddu ay 9-kii December ku dhawaaqday in ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  10. Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa goor dhawayd lagu xiray Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar Cabdi Geelle sida ay Puntlandi.com u [...] Source
  11. Garowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah isimada Puntland ayaa ka hor yimid go’aankii xukuumadda Puntland ay deegaanada maamulkaasi kaga mamnuucday shaqaalaha iyo wasiirada dowladda. Isimada Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe waxay kasoo saareen qoraal ay ku cadeynayaan in shaqsiyaadka aan dambi ka galin Puntland ay tagi karaan deegaanada maamulkaasi. Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ku hadlay magaca isimada Puntland ayaa sheegay inay ka warhayaan qoraalka maamulka Puntland islamarkaana aysan taageersaneyn in go’aankaasi oo kale laga qaato shaqaalaha dowladda. “Sidaad la socotaan warqada dhowr qodob ayay ka koobneyn, waxaan arintaasi kala hadalnay madaxweynaha, musharixiinta Puntland, saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka, waxaana la isla gartay in waxii aan na qaban in laga saaro meesha”. “Waxaa la isla garanay muwaadin kastaa oo Soomaali ah muwaadin kastaa oo reer Puntland ah, oo aan dambi cad ka galin Puntland inuu tago karo deegaanada Puntland, waxaana la isla gartay in amaanka laga wada shaqeeyo”ayuu yiri Suldaan Bashiir. Suldaan Bashiir, ayaa dhinaca kale sheegay inay been abuur tahay in la xiray xawaaladihii deegaanada Puntland iyo bangiyada islamarkaana ay shaqeynayaan dhamaan xarumaha xawaaladaha. Dhawaan amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda iyo wasiirada aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi, waxaase kadib tagay magaalada Garowe xildhibaano baarlamaanka ka tirsan. Halkan ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/737fbdf5-59da-4dea-ab94-bf5546e80b4b_16k.mp3Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (PP) ─ Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay maanta inay hakiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhaxeeyey Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia. Tallaabadan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka. Sidoo kale, Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labadan Gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha. Dhanka kale, Golaha Aqalka Sare wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in qodobbada ay diiddan yihiin ay ka mid yihiin sida loo ansixiyey miisaaniyadii 2017-kii iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga Baarlamaannada Afrika (shan xubin), Midowga baarlamaannada carabta(afar xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale. Ugu dambyen, Goluhu wuxuu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya; PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF oo sheegay inuu hakiyay wada-shaqeyntii Aqalka Hoose appeared first on Puntland Post.
  13. War qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in ay joojiyen wada [...] Source
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay wadashayntii kala dhaxaysay Gollaha Shacabka, sidda ku cad war-saxafadeed uu Golluhu soo saarey. Sidda laga soo xigtay bayaanka, Aqalka Sare ayaa go’aankaan qaatay markii uu Aqalka Hoose usoo gudbin waayay Miisaaniyada 2018 iyo 2018, iyo xeerar muhiim ah oo ku saabsan arrimaha dibadda. Hoos ka akhriso war-saxaafadeed Qaraar The post Aqalka Sare oo hakiyay wadashaqayntii Gollaha Shacabka BFS appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ergaygii Qaramada Midoobay uqaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa warbixin siiyay Gollaha amaanka UN-ka. Haysom ayaa ku amaanay dowlada Federaalka kobdhicinta Dakhliga dalka, hagaajinta nidaamka maaliyadeed iyo walba la dagaalanka musuq-maasuqa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si wanaagsan wax looga qaban arrimahii ka dhashay rabshadihii ka dhacay Baydhabo ay saameyn karaa doorashooyinka soo socda ee maamulada. Horaantii isbuucaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday Nicholas Haysom, iyada oo ku eedaysay inuu faraliyay arrimaha dalka, markii uu ka hadlay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Baydhabo. The post Gollaha Amaanka QM oo warbixin ka dhageystay Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka. Arrintan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka. Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labada gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha. Waxaa uu golaha aqalka sare qoraal uu soo saaray ku jirtay, kana mid ah qodobada uu diidanaa sida loo ansixiyey miisaaniyaddii 2017 iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga baarlamaannada Afrika(5 xubin), Midowga baarlamaannada carabta(4 xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale. Golaha aqalka sare waxaa uu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan. Akhriso: Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqay inuu hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay qalka hoose ama golaha shacabka. Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aqalka hoose uu baal-maray dastuurka iskuna koobay arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda iyo arrimaha dibedda. Waxa uu sidoo kale sheegay in aqalka hoose uu isku koobay matalaadda baarlamanka Soomaaliya, isaga oo guddiyo caalami ah u diray xubno ka wada socda Aqalka Hoose, oo xuquuqdii aqalka sare uu duudsiiyey. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
  18. Thank you Mr. President, I arrived in Somalia on 3 October and have been well received by prominent officials of the Federal Government and of [...] Source
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika, AFRICOM, oo war-qoraal ah soo saareey ayaa wuxuu ku sheegtay inuu duqayn cusub ka fuliyay dalka Soomaaliya. AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Dheerow Sanle ee gobolka Bay ay ku dishay 10 xubnood oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa tibaaxay in howlgalkaan oo ay fuliyeen Arbacadii shalay ahayd aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Ma jirto wax war ah oo ku aadan sheegashada Mareykanka oo kasoo baxay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Waa duqayntii ugu horeysay oo ay dowladda Mareykanka ka geysto Soomaaliya sanadkaan cusub ee 2019. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-03012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Maraykanka qaarada Afrika ee Africom ayaa sheegay in duqeyntii ugu horeysay ee sanadkan ay ka fuliyeen gobolka Bay. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku sheegeen in ay ku dileen toban ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku fuliyeen 2dii bishan iyadoo ay ku sheegeen in duqeyntan ay ka dhacday meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle. Duqeymaha ciidamada Maraykanka ka geysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa korodhay sanadkii la soo dhaafay. Source
  22. Muqdisho (PP) ─ Xaflada ay xilka kula kala Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Somalia, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaradda ee Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir-u-dowlaha Xafiiska RW Somalia, C/llaahi Xaamud, wasiirro iyo xubno kale. Wasiirkii hore ee Howlaha guud, C/fataax Geesey ayaa ka hadlay hawlihii ay wasaaraddu qabtay intii uu xilka hayay oo ay ka mid yihiin heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaliya. Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaradda Cabdi Aadan Hoosoow ayaa isna sheegay inuu la imaan doono hufnaan cadaalad iyo hawl-karnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Guuleed oo u kala wareejiyay xilka Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ayaa ammaanay shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay kuna tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda. Ugu dambeyn, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud C/rataax Geesey ayaa isku casilay toddobaadyo ka hor rabshadhihii ka dhacay Baydhabo markii la xiray Roobow, isgaoo sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo xad-gudub ku ah maamulkaas, nkastoo maalin kaddib la magacaabay wasiirka xilka la wareegay oo isla deegaankaas kasoo jeeda. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya oo Maanta Xilka la Waregay appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Dowladda Somalia iyo shirkadda khayraadka macdanta iyo bBatroolka dalka Qatar ayaa maanta heshiis is-af-garad ah ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay Muqdisho Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia, Inj. C/rashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maal-gashadayaasha Qatar oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka. Sidoo kale, Wasiir C/rashiid iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo, waxaana heshiiskan uu qayb ka yahay heshiisyo ay Qatar ku maal-gashanayso Soomaaliya. Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa waxay horay mashaariic kala duwan ula saxiixatay Somalia, waxaana heshiisyadaas ka mid ahaa kuwo lagu dhisayo waddooyinka isku xira Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe. Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay billlowday inay mshaariic kala duwan la saxiixato Dowladda Somalia tan iyo markii Dowladda Imaaraadku ay joojisay mashaariicdii ay wadday Somalia, sababo la xiriira khliaaf soo dhex-galay labada dowladood. PUNTLAND POST The post Xukuumadaha Somalia iyo Qatar oo Heshiis ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.