-
Content Count
207,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ilhaan Cumar ayaa shalay oo Khamiis ahayd wakhtiga Maraykanka waxaa loo dhaariyay ka mid noqoshada golaha Kongareeska ee dalka Maraykanka . Waa gabadhii ugu horaysay ee [...] Source
-
Garowe (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Garowe ka bilaabatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen oo ay u tartamayaan musharixiin badan. Dhamaan Musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa jeediyay khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka loo doorto xilka ay doonayaan. Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland ayaa xildhibaanada Puntland u aqriyay sharuucda iyo habraaca doorashada, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyay inaysan dhaqdhaqaaq sameyn karin inta doorashada socoto. Inta doorashada socoto waxaa kaloo xildhibaanada baarlamaanka Puntland lagu wargeliyay inaysan ka bixi karin hoolka doorashada ay ka socoto. Waxaa bilaabatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana ku xigi doona doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka. La soco doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland. Caasimada OnlineX Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeennadiisa ayaa haatan ka socota xarunta Golaha wakiilada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. PUNTLAND POST The post Toos doorashada Guddoonka Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo loo geystay taliyihii saldhiga degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir. Xoghayaha maamulka degmada Warta Nabadda Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay agagaarka saldhiga degmada ku dileen taliyihii ciidanka booliska ee degmada Warta Nabadda. Macalin Daahir oo ahaa taliyaha maanta la dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidamada booliska ugu firfircoon, sida uu sheegay xoghayaha maamulka degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir. Taliyaha la dilay ayaanan wadan wax ciidan ah markii dilka uu dhacayay, waxaana la sheegay inuu watay gaadiidka yaryar, waxaana kooxaha hubeysan ay la dhaceen bastoolad xili uu ku dhawaa saldhiga degmada. Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta sida dhici jirtay, waxaana meydka taliyaha la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo sida dilka uu u dhacay. Maamulka Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ee degmada ay bilaabeen baaritaanka dadkii dilka ka dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqayn diyaaradeed oo ka dhacay degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Illo wareedyo ayaa u sheegay idaacada Shabelle in duqaynta lala beegsadau Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayd tuuladaasi. Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in duqaynta kadib ay ciidamo ajanabi ah iyo kuwa Soomaali ah ay gudaha usoo galeen degaanka. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada huwanta ah iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa inuu dhinacyadaan kasoo gaarey iska hor-imaadka. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay baaritaan ku hayaan waxyeelada ka dhalatay duqaynta iyo is-rasaaseynta. Shalay ayay ahayd markii war kasoo baxay Mareykanka lagu sheegay in duqayn uu ka geystay gobolka Baay uu ku dilay 10 Al-Shabaab ah. The post Duqayn diyaaradeed oo ka dhacay Sh/Hoose [Fahfaahin] appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wax-garad Soomaaliyeed ayaa ka feker-dhiibtay go’aankii ay dowladda Federaalka ah dalka kaga eriday wakiilkii Qaramada Midoobay, Nicholas Haysom. Suldaan Cabdullaahi Cabdulle Wehliye oo kamid ah xubnahaasi ayaa ku baaqay in dowladda lagu taageero talaabada ay qaaday. Dhinaciisa, Sheekh Axmed Muxyadiin [Hiraab] ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid aad loogu baahnaa. Mr Hiraabe ayaa kalsooni xoogan ka muujiyay in go’aanku aanu waxba udhimi doonin xiriirka Soomaaliya iyo UN-ka. Hadalkaan kasoo yeeray Wax-garadka ayaa kusoo aadaya xili wasiirka arrimaha dibadda dalka uu shaaciyay inaanu dowladda wadahadal ka geli doonin go’aankeeda. The post Wax-garad: “DFS halagu taageero eryidda wakiilkii QM” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa bilaabay jeedinta khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadka ay la imaan doonaan haddii la doorto. Musharixiinta ayaa la siiyay fursad kooban oo ay kaga hadlayaan hadal jeedintooda, waxaana la siiyay kaliya 10 daqiiqo inay kusoo koobaan warbixintooda ay kaga hadlayaan waxqabadkooda. Musharax C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa jeediyay khudbad kooban, oo aheyd middii ugu dambeeyay ee musharixiinta guddoomiyaha, waxaana uu sheegay in yoolkiisa ugu weyn uu yahay helitaanka baarlamaan la xisaabtami kara hay’adaha dowladda. Ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka ayaa goobjoog ka ah doorashada, waxaana aad loo adkeeyay maanta amaanka goobta doorashada ka dhaceyso. Inka badan 5 Musharax ayaa u taagan xilka guddoonka baarlamaanka ee maamulka Puntland. Marka la dhameeyay dhageysiga khudbadaha Musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Puntland kadib waxaa la gudo galay dhageysiga khudbadaha musharixiinta guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland. La soco doorashada Guddoonka baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Source
-
New York (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee QM ayaa golaha ammaanka warbixin ka siiyey sababta dowladda Soomaaliya ay u xirtay ugana hor-istaagtay Mukhtaar Roobow inuu xil ka ka qabto Soomaaliya. Danjire Abuukar Baale ayaa sheegay in xubnaha golaha ammaanka ay ku raacsan yihiin in argagixisada iyo xubnaha Al-Shabaab, oo golaha ammaanka naftiisa uu cuna-qabateyn horey u saaray, inaysan xil qaban karin ayaga oo aan marin barnaamijka dhaqan-celinta adag ee la sameeyey. “Labadii doorasho heer federal ee Soomaaliya ka dhacay, wakiilada QM ee Soomaaliya ayaa ku cel-celiyey in musharaxnimada iyo doorashada qof kasta oo leh taariikh xagjirnimo ay tahay dib u dhac ballaaran” ayuu yiri Abuukar Baale. “Sidaas darteed, inta aan dib uga soo celineyno amarka iyo kala dambeynta dalka, oo aan ka dhameeneyno dhaqanka ku dhisan dadka aysan caddaaladda qabin, ma ogolaan doono cambaareyn iyo isku day kasta, oo dad argagixiso ah oo la yaqaan na looga dhigayo kuwa jalaatada iibiya” Hadalkiisa ayaa si toos ah uga soo horjeeday kan wakiilka QM ee Soomaaliya ee la eryey Nicholas Haysom oo sheegay in xiritaanka Roobow ay hor-istaagi doonto xubno kale oo sare oo Al-Shabaab ah oo laga yaabay inay dowladda isku soo dhibaan kuna soo biiraan hanaanka siyaasadda dalka. Hadalka danjiraha ayaa u muuqday mid ku dhisan mas’uuliyad iyo muujinta awoodda Soomaaliya ay u leedahay inay ayada un go’aan ka gaartao aayaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Garowe (Sh.M.Network) – Magaalada Garowe, gaar ahaan xarunta Gollaha Wakiialda Puntland, waxaa maanta ka dhaceysa doorashada Gudoonka cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedkaan. Afar musharax ayaa utaagan qabashada xilka Afhayeenka Gollahaan, kuwaasi oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed. Coddeynta oo la filayaa inay noqoto mid ay si balaaran ugu loolamaan tartamayaasha, martana dhowr wareeg ayaa Musharaxii soo baxa waxa uu bedali doono gudoon KMG ah oo haatan jira. Xubnaha Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 mudane oo kaliya ay hal Dumar ay ku jirto ayaa ubadan wajiyo cusub, marka laga reebo 17 Sharcidejiyaal, kuwaasi oo horey uga mid ahaan Gollihii waqtiga oo ka dhamaaday. The post Baarlamaanka P/land oo dooranaya gudoon cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-04012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ilhan Cumar oo gabar asal ahaan Soomaali ah, Muslim ah ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey xubinimada Aqalka Congresska dalka Maraykanka. Ilhan oo ka tirsan xisbiga dimoqoraadiga ayaa ah Soomaali, muslim, qaxooti, madow iyo haween, waana wax walbo uu kasoo horjeedo Trump. Ilhaan ayaa balanqaadey inay difaaci doonto xuquuqda dadka uu dulmiyey Trump. Nancy Pelosi oo ah haweeney hore afhayeen uga soo noqotay Aqalka Congreska ayaa marka kale loo doortay inay noqoto guddoomiyaha Aqalka Congresska oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqraadiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kadib markii todobaadkan isimmada Puntland ay baarlamaanka dowlad goboleedka ku dareen hal haween ah, Nimco Cabdi Caarshe ayaa waxaa timid su’aal ah: sidee baarlamaanka ka kooban 66 ay haweenku hal xubin uga heleen? waa sidee xuquuqda haweenka ee baarlamaannada kale? Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa, qoondada haweenka Soomaaliyeed ee baarlamaannada dowlad goboleedyada iyo Somaliland. Jubbaland: Baarlamaanka Jubbaland waxaa uu ka koobanyahay 75 xubin, 4 ka mid ah ayaa haween ahaa laakin mid waa dhimatay, oo badalkeeda lama keenin halka mid maamulka mucaaradeyna loo soo tarxiilay caasimadda Muqdisho, oo iminka baarlamaanka Jubblanad 2 haween ah ayaa ku hartay!! Koonfur Galbeed: Koonfur galbeed waa meesha ugu fiican haweenka ay qoondo fiican ka heystaan, tirada guud ee baarlamaanka waa 149 xubin, 31 ayaa haween ah. Hirshabeelle: Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabeelle tirada guud waa 95 xubin, 5 keliya ayaa haween ka ah, waxaa ilaa hadda la soo buuxin la’yahay qoondadii haweenka. Galmudug: Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaa uu ka koobanyahay 195 xildhibaan, 89 Galmudugtii hore ah iyo 106 ka socotay Ahlu-sunna, waxaa xusid mudan in Galmudugta hore ay ku jireen 8 haween ah halka Ahlu-sunna ay la yimaadeen 9 kale. Somaliland: Haweenka Somaliland inkasta oo ay ka sheegtaan dulmi badan hadana waxaa meelaha aan waxba laga siin ka mid ah goleyaasha sharci-dejinta. Haweenka Somaliland kuma jiraan golaha guurtida oo ka mid ah goleyaasha baarlamaanka kana kooban 82 xubin, sidoo kale golaha wakiilada oo isna ka kooban 82 waxaa ay ku leeyhiin hal xildhibaan. Haween badan oo ay ku jirto guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuulo Gaballe oo la hadlay Goobjoog News ayaa dalbaday cadaalad iyo inay haweenka qeyb ka noqdaan goleyaasha sharci-dejinta iyo hey’adaha kale ee dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Xildhibaan Eliot L. Engel, oo ka tirsan aqalka wakiilada Maraykanka, ayaa walaac ka muujiyay jihada ay ku socoto dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay sida uu yahay xaalka Soomaaliya. Eliot oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa wuxuu ka horyimid go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku cayrisay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom. “Iyadoo ay jiraan xaalado dawladeed oo sii xumaanaya iyo dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Caydhinta ergayga Nicholas Haysom waxay sii kordhisay walaaca aan ka qabo jihada ay ku socoto Soomaaliya.” Waxaa sidaas yiri Eliot oo qoraal kooban soo geliyay barta uu aqalka wakiilada ee Maraykanku ku leeyahay twitter-ka. Qoraalkan kooban ee uu Eliot baahiyey, ayada oo dowladda Mareykanka la rumaysan yahay inay taageersan tahay dowladda Soomaaliya. Si kastaba, aqalka cad ee Mareykanka iyo aqalka wakiilada ayaa mararka qaar siyaasad ahaan is-waafaqsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Garowe la filaya la filayaa inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo musharixiin dhowr ah ay u taagan yihiin. Goobta doorashada ay ka dhaceyso oo ah xarunta baarlamaanka ee Puntland ayaa waxaa loo diyaariyay si wanaagsan, waxaana aad loo adkeeyay amaanka waddooyinka xarunta soo gala. Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka waxaa afar maalin kadib xigi doonta doorashada madaxweynaha maamula Puntland, oo ay u taagan yihiin ku dhawaad 30 Musharax oo uu ku jiro madaxweyne Gaas. Musharixiinta Baarlamaanka Puntland ayaa ka badan shan Musharax, sida wararka aan ku heleyno, waxaana mid walbaa uu doonayaa inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland. Ma jirto khudbado ay jeediyeen dhamaan Musharixiinta, waxaana maanta dhaceyso doorashada Guddonka baarlamaanka Puntland. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ka hor doorashada musharixiinta ay jeedin doonaan Khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadka ay la imaanayaan haddii la doorto. Isla maanta ayaa la filayaa in la doorto guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida wararka aan ku heleyno. La soco waxii kusoo kordhaa. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa markale ku celiyay in shaqaalaha dowladda aysan tagi karin deegaanada maamulka Puntland inta doorashooyinka ay socdaan. Qoraal markale kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay inay ku adkeysanayaan go’aankoodii hore ee ahaa in shaqaalaha dowladda aysan tagi karin deegaanada Puntland. Waxaa qoraalka lagu seegay in qaar kamid ah isimada Puntland ay shalay soo saareen qoraal ay ku sheegayaan in la dhameeyay arintan oo muwaadin kastaa uu tagi karo deegaanada Puntland. Waxay sheegeen inay taageerayaan aragtida isimada Puntland qaarkood balse aysan ka dhigneyn in wasaarada amniga Puntland ay ka laabatay go’aankii hore.
-
Iyadoo maalmo ay naga xigaan doorashada Puntland ee la filayo in la qabto 8-da Janaayo, ayaa waxaa haatan cad dhinacyada sida weyn isugu hayo. Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa tartan adag ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa, balse waxaa dhinaca kale aad u abaabulan oo ka soo horjeeda musharaxiin is bahaystay oo sheegay inay is baddal doon yihiin. Sida uu sheegayo Ciid Baddel Maxamad, oo horey u soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, doorashadan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa masiirka madaxda maammul goboleedayada kale, iyo weliba doorashada federaalka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sannadka 2020-ka. Ciid ayaa intaasi ku daray in tartanka ugu weyn uu Cabdiweli kala kulmayo siyaasi aan musharax ahayn, oo ah Senator Cabdiraxman Faroole. Musharixiinta Faroole ka ag dhaw: Dhowr musharax oo culus ayaaa lagu tirinayaa inay ka ag dhow yihiin Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole, oo haatan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Faarax Cali Shire Faarax waxaa uu ka mid yahay musharixiinta ugu cad-cad doorashada madaxweynaha Puntland. Waxa uu ahaa wasiirkii maaliyadda ee Puntland xilligii uu madaxweynaha Puntland ka ahaa Cabdiraxman Faroole. Saciid Cabdullahi Deni Danjire Ciid Baddel Maxamad ayaa sheegay in Saciid Deni uu ganacsi ahaan ugu xiran yahay Senator Faroole, wuxuuna ka mid yahay musharixiinta is baddel doonka ah ee ugu cad-cad. Gen Khalif Ciise Mudan Gen Khaliif waxaa uu wasiir u soo ahaa maammulkii Faroole, haatanna waxaa lagu tiriyaa musharixiinta is baddel doonka ah ee lagu tiriyo inay isbahaysi la yihiin madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole. Cali Ciise Cabdi Sidoo kale Danjire Ciid Baddel, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Cali Ciise uu taageero weyn ka helayo Senator Cabdiraxman Faroole, musharaxnimadiisana waxay wax weyn ka baddaleysaa siday u dhici lahayd codbixinta, maadaamma inta badan xildhibaannada baarlamaanka lagu soo doortay hannaan lagu saleeyay qabaa’ilka deggan Puntland. Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Faarax Juxa Dhanka kale waxay u muuqataa in Cabdiweli Gaas iyo Juxa, ay yihiin musharixiinta u taagan in siyaasadda Puntland ee ku aadan dowladda federaalka halkeedi laga sii wado, balse waxay wajahayaan tartan culus oo uga imaanaya musharixiinta kale, oo intooda badan ay doonayaan in Puntland ay la jaanqaaddo dowladda dhexe ee federaalka. Doorashada 2020-ka ee Soomaaliya Dadka wax indha-indheeya intooda badan waxay qabaan in doorashada Puntland ay astaan u noqon karto halka ay wax u jiheysan doonaan doorashada la filayo in Soomaaliya laga qabto marka uu dhamaado xilliga madaxweyne Farmajo. Cabdiweli Cali Gaas ayaa hormuud u ah loollanka ay maammul goboleedayada kula jiraan dowladda federaalka ee Soomaaliya. Haddii uu guuleysto ama musharax la fikir ah uu soo baxo, waxay micnaheeda noqoneysaa in fursad ay yeeshaan madaxda maammul goboleedyada ee doorashooyinka ay ku soo fool leeyihiin. Balse haddii uu soo baxo musharax diyaar u ah inuu la shaqeeyo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa fududaan doonto in la isku fahmo qaabka loo qaban doono doorashooyinka dalka ka dhici doono sanadka 2020-ka. Xuquuqda qoraalka: BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaal Qatar ka socda ayaa si wadajir ah maanta u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka. Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban. Sidoo kale, Wasaaradda Batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Khayraadka Macdanta iyo Batroolka dalka Qatar ayaa is-faham kale ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah kooxda maalgashadayaasha Qatariyiinta ah ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka. Wasiirka wasaaradda, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada ay suugaragalka tahay in wasaaaradda laga maal geliyo. Dhanka kale, Shirkadda Korontada BECO iyo Maalgashadayaasha Qatar ayaa kala saxiixday is-afgarad qorshihiisu yahay in lagu horumariyo korontada dalka Cabdiraxmaan Cali Jaamac oo ah guddoomiyaha Shirkadda Korontada BECO ayaa is-afgaradka u saxiixay dhanka shirkadda, iyada oo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi uu isna ku saxiixay magaca maal gashadayaasha. Caasimada Online Xafiiska Muqisho caasimada@live.com
-
Guddoonka rasmiga ah ee Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa la dooranayaa maanta oo Jimce ah. Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa u tartamayaa 4 murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdiraxmaan Cali Jibriil,Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Dhammaan raggan u tartamayaa doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa la sheegayaa in ay kala wataan murashixiinta madaxtinimada Puntland,taas oo la micnaha in natiijada maanta soo baxda ay saadaal u tahay doorashada madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Guddoonka Baarlamanka Puntland oo maanta la dooranayo appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Heerka sicir-bararka dalka Turkiga ayaa bishii labaad oo xiriir ah hoos u dhacay bishii December, ayada oo ay caawisay canshuur dhimis iyo qiimaha badeecadaha oo hoos loo dhigay. Machadka tirakoobka Turkiga ayaa maanta sheegay in heerka kororka qiimaha badeecadaha uu bishii December ahaa 20.3%, taasi oo 0.40% ka yar bishii November. Sicir-bararka Turkiga ayaa bishii October gaaray 25.2%, taasi oo ahayd heerkii ugu badnaa muddo 15 sano ah, ka hor inta aysan hoos ugu dhicin 21.5% bishii November. Dhaqaalaha Turkiga ayaa dhaawac uu gaaray wixii ka dambeeyey xagaagii 2018, ayada oo lacagta Lira ee dalkaas ay heerkii ugu xumaa hoos ugu dhacday, sababo la xiriira siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Erdogan iyo muran siyaasadeed oo dhex-maray Ankara iyo Washington. Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka oo soo wanaagsanaaday iyo dowladda oo sare u qaadday heerka dul-saarka ayaa bilihii dhowaa caawiyey in qiimaha lacagta Lira ay sare u kacdo, marka loo eego dollar-ka Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
Doorashadda Puntland ee fooda nagu soo haysah oo u mudaysan January 8th 2019, Shacabku waxay baahi wayn u qabaan isbadel dhab oo ku sulaysan baahiyahooda dhabta ah, dhawr arimood in xooga lasaaro ayaana lagu gaari karaa si looga mira dhaliyo himiladaas sidoo kalena waxay hanaan cusub u horseedi kartaa maamulada kale ee kajira wadanka: Is Badal Muhiim ah : ( waji inuusan is badelin ee nidaamku is bedelo) micna wayn ma samaynayso in shakhsiyaad ama wajiyo ay is badalaan mar hadii nidaamka aan labadalin. Bini’aadamku ama Allah ka cabsi iyo damiir ayaa celiya ama Nidaam iyo sharci ayaa celiyah, qofkii kusoo baxa ee ugu yaraan is lahaa wax qabo asee aysan dhab ka ahayn markuu arko Isim, siyaasi, haween, dhalinyaro iyo qofkastoo uu la kulmo oo kala hadlaya dan Shakhsiyeed wuxay ubadantahay inuu ka tago tan guud oo raacdo tiisa gaar ahaaneed. Waa ku ceeb Puntland oo 20 sano jirsatay oo weli ku dhaqmaysa nidaamkii Jabhada 1998 ( barti yaqaan bari uma korodho) waxaa loo baahanyahay intaan lagaarin riyada ah (one man one vote) inay layimaadaan reer Puntland qorshe 2aad oo ay kaga guuraan jabhadnimadda. Cadaalad iyo matalaad dhab ah: horumarka iyo geedi socod dhanka togan ahi waxaa asal u ah cadaalad iyo sinaan, maahmaah horaa ahayd:( Rag cadaalad waayay sida cawsha kala yaac), kaqayb gelinta bulshada qaybaheeda kala duwan ee qaarkood go’aamadda masiiriga u ah iyo tusida jiritaanka lahaansho dhab ah iyadoonan laga taagayn isku soo dhawaynta iyo heshiisiinta dadka walaalaha ah ee wax kala tirsanaya waa hagid dhanka wanaaga ah. Maamul daadejin: nidaamka Guud ahaan Soomaaliya ka hirgalay ee federaalismka ah micnihiisu in bulsho kasta ay u madax banaanaato go’aan ka gaarida arimaheeda gudaha wuxuuna ku dhisan yahay daadejinta nimaadka iyo is maamulkooda inkastoo hadda qalfoof ahaan uu ujiro hadana maahan (fully functional). Ka faaidaysiga qabiilka ee dhanka togan: qabiilku waa waxa ay Soomaaliyana ku dhisan tahay waana caqabad taagan, waxtar iyo waxyeelobana yeelan kara hadba dhinicii loo adeegsado, si loogu adeegsado dhanka wanaaga iyadoo loo isticmaalayo aalad ahaan ( tool), sida wada shaqaynta dawladda iyo shacabka, kicinta dhanka wanaagsan ee bulshadda iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah waxay noqon lartaa tilaabo dhanka wanaagsan loo qaaday. Isku soo wada duuboo ka guul gaarida ujeedooyinkii puntland loo aasaasay iyo taabagelinta nidaam wanaagsani wuxuu halbeeg u noqon karaa dhamaan nidaamka federaaliisamka sidoo kalena wuxuu tubta toosan ku hagaajin karaa Soomaaliya barwaaqo ah. Wabilaahi towfiiq Waxaa qoray: Abdullahi Mohamed Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid