Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ankara) Heerka sicir-bararka dalka Turkiga ayaa bishii labaad oo xidhiidh ah hoos u dhacay bishii December, iyada oo ay caawisay canshuur dhimis iyo qiimaha badeecadaha oo hoos loo dhigay. Machadka tirakoobka Turkiga ayaa maanta sheegay in heerka kororka qiimaha badeecadaha uu bishii December ahaa 20.3%, taasi oo 0.40% ka yar bishii November. Sicir-bararka Turkiga ayaa bishii October gaaray 25.2%, taasi oo ahayd heerkii ugu badnaa muddo 15 sano ah, ka hor inta aysan hoos ugu dhicin 21.5% bishii November. Dhaqaalaha Turkiga ayaa dhaawac uu gaaray wixii ka dambeeyey xagaagii 2018, ayada oo lacagta Lira ee dalkaas ay heerkii ugu xumaa hoos ugu dhacday, sababo la xiriira siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Erdogan iyo muran siyaasadeed oo dhex-maray Ankara iyo Washington. Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka oo soo wanaagsanaaday iyo dowladda oo sare u qaadday heerka dul-saarka ayaa bilihii dhowaa caawiyey in qiimaha lacagta Lira ay sare u kacdo, marka loo eego dollar-ka Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo duleedka degmada Kaaraan ayaa ku warramaya in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Sarkaal lagu dhex dilay gudaha Isbitaalka Keysaney ee magalada Muqdisho. Dilka Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abishir Xasan Colow ayaa yimid, kadib markii ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhcday agagaarka Suuqa Xirga-Dheere ee duleedka degmadaasi, kaas oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka Keysaney, balse Rag hubeysan oo ka daba tagay ay ku dileen Saalada Isbitaalkaasi, taas oo dad badan walaac ay ka muujiyeen dhacdadaasi. Mid ka mid ah saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ku magac dheer Ganey, kuna sugan duleedka degmada Kaaraan ayaa sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in si bareer ah loo dilay Sarkaalkaasi. Sidoo kale, waxa uu been abuur ku tilmaamay in uu ka dambeeyay is rasaaseyn ka dhacday Suuqa Xirga-Dheere oo uu ku dhintay hal Qof. Dhinaca kale, Ganey ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falkaasi naxdinta leh. Sidoo kalena, dowladda ayuu ka dalbaday in ay ka hortagto xiisada xoogan ee haatan ka tagan halkaasi. Waa dhacdo dhif iyo naadir ah in Isbitaal lagu dhex dilo qof dhaawac ah ama xanuunsan, taas oo la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir. The post Xiisad xooggan oo ka taagan duleedka degmada Kaaran appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya dilkan oo ay koox hybeysan u geyseen Taliyihii saldhigga Booliska degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Daahir, kaas oo lagu toogtay agagaarka Saldhigga degmadaasi. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa toogtay Marxuumka, xilli uu saarnaa mid ka mid Takaasida ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Ragga ka dambeeyay dilkaasi oo laba gaaraya ayaa la sheegay in wateen Mooto Fekon ah, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammmaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wardhiigley oo ku aadan dilka taliyahaasi. Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa dhabarka saaratay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internetka. Al Shabaab ayaa qoraalka ku sheegay in Toogashadaasi ay fuliyeen Dagaalayahanno ka tirsan “oo aad u tabaran”. Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhayay beegsiga Saraakiisha iyo Askarta dowladda ee ku sugan gudaha caasimada dalka. The post Kooxo hubeysan oo dilay taliyihii Booliska D/Wartanabada appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-04012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-New York) Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay ayaa golaha ammaanka warbixin ka siiyey sababta dowladda Soomaaliya ay u xirtay ugana hor-istaagtay Mukhtaar Roobow inuu xil ka ka qabto Soomaaliya. Danjire Abuukar Baale ayaa sheegay in xubnaha golaha ammaanka ay ku raacsan yihiin in argagixisada iyo xubnaha Al-Shabaab, oo golaha ammaanka naftiisa uu cuna-qabateyn horey u saaray, inaysan xil qaban karin ayaga oo aan marin barnaamijka dhaqan-celinta adag ee la sameeyey. “Labadii doorasho heer federal ee Soomaaliya ka dhacay, wakiilada QM ee Soomaaliya ayaa ku cel-celiyey in musharaxnimada iyo doorashada qof kasta oo leh taariikh xagjirnimo ay tahay dib u dhac ballaaran” ayuu yidhi Abuukar Baale. “Sidaas darteed, inta aan dib uga soo celineyno amarka iyo kala dambeynta dalka, oo aan ka dhameeneyno dhaqanka ku dhisan dadka aysan caddaaladda qabin, ma ogolaan doono cambaareyn iyo isku day kasta, oo dad argagixiso ah oo la yaqaan na looga dhigayo kuwa jalaatada iibiya” Hadalkiisa ayaa si toos ah uga soo horjeeday kan wakiilka QM ee Soomaaliya ee la eryey Nicholas Haysom oo sheegay in xiritaanka Roobow ay hor-istaagi doonto xubno kale oo sare oo Al-Shabaab ah oo laga yaabay inay dowladda isku soo dhibaan kuna soo biiraan hanaanka siyaasadda dalka. Hadalka danjiraha ayaa u muuqday mid ku dhisan mas’uuliyad iyo muujinta awoodda Soomaaliya ay u leedahay inay ayada un go’aan ka gaartao aayaha dalka. Source
  6. (SLT-Washington)Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay in ay ka mid noqoto Kongareeska Dalka Maraykanka, markii ay November 2018-kii ku guuleysatay Korsiga Degmada 5-aad ee Minnesota. Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Congresska Dalka Maraykanka, markii ay taageeya badan ka heshay Dadka Muslimka ah oo ay u horreeyaan Soomaalida ku badan Minnesota. Ilhaan Cumar oo ah Soomaali Maraykan iyo Rashida Tlaib oo asalkeedu yahay Falastiin, ayaa noqonaya Gabdhihii ugu horreeyay ee Muslim ah oo xubin ka noqda Kongareeska Maraykanka, taasoo iyana kasoo gashay Michigan. Soomaalida ku dhaqan Dalka Maraykanka gaar ahaan shacabka reer Minnesota ayaa aad usoo dhoweeyay dhaarinta Ilhaan Cumar, waxanay sheegeen in ay wax badan u qaban doonto Dadkeeda taas oo ay iyaduba ay horay u ballan qaadday. Source
  7. Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa 43 kamid ah waxay codka kalsoonida guddoomiyaha baarlamaanka ay siiyeen guddoomiye C/Xakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed). Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kadib waxaa soo ifbaxday warbixin la xiriirta in isbadal weyn uu ku yimid shaqsiyaadkii loo saadaalinaayay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland. Doorashada guddoomiye Dhoobodaareed, ayaa muujisay in xubnaha sida weyn ula dagaalsanaa madaxweyne Gaas ay ku guuleysteen doorashada guddoomiyaha baarlamaaka Puntland. Dhowr musharax oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha Puntland ayaa u midoobay madaxweyne Gaas, waxaana hadda ay heleen kursiga guddoomiyaha baarlamaanka, maadaama musharax ay taageersanaayeen uu helay kursiga guddoonka. Waxaanan la saadaalin karin sida xiisaha doorashada madaxweynaha isku badali karto, laakiin Musharixiin badan ayaa doonaya in markale uusan talada Puntland kusoo laaban madaxweyne Gaas. Dr. Cali Ciise Cabdi, Saciid Maxamed Deni, Gen. Khaliif Ciise Mudan, Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano) ayaa kamid ah musharixiinta sida hoose ugu heshiiyay inay codadka isa siiyaan haddii wareega ugu dambeeya midkood uu soo baxo. Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa sii xaqiijin doonto loolanka adag ee doorashada madaxweynaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimad@live.com
  8. Afhayeen u hadlay UN-ka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. “Eedeynta la xiriirta faragelinta dowladda federaalka ah iyo qalalaasihii dhashay soo xiristii hal murashax, ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab waxaa ay haleysay hannaankii, taasina kama bixineyso saadaalin fiican natiijada doorashada dowlad goboleedyada iyo midda 2020-ka”, waxaa sidaa yiri Haysom. Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Cusmaan oo ka hor hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in UN-ka iyo cidda wakiilka ka ah ay waajib ka saaran tahay inay ixtiraamaan shaqadooda, oo aaney faro-gelin arrimaha gudaha, isla markaana Soomaalida loo daayo inay aayahooda ka tashtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran Barnaamij-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Halkaan hoos riix si aad uga dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-04012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Magaaladda Garoowe ee caasimadda maamulka Putnland waxaa maanta ka dhacay doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee Putnland. Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana wareega labaad isugu soo haray labo Musharax oo kala ahaa C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed. Cabdi Xakiin Dhoobo ayaa wareegga 1aad helay 37 cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 15 cod, iyaga oo halkaas ku hareen Xildhibaan Cabdi raxmaan Cali oo helay 9 cod iyo Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf oo helay 5 cod. Waxaa wareegii 2aad ku tartamay labada xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal , iyaga oo uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Dhoobo oo helay 43 cod halka Xildhibaan Cabdijaamaal uu helay 23 cod, sidaasui ayuu Dhoobo guddoomiyaha wakiilada ku sii ahaan-doonaa 5ta sano ee soo socota. Waxaa hadda la sugayaa, doorashada ku-xigeennadiisa, halka kala soco Natiijada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Cabdixakiin Maxamed Axmed oo lagu naanayso(Dhoobo-dareed) wuxuu sannadkii 1968-dii ku dhashay miyiga degmada xiingalool ee gobolka Sanaag,wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo sare ka dhigtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Wuxuu ka soo shaqeeyay shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaannada Puntland,wuxuuna siyaasadda kaga soo biiray Golaha degaanka magaalada Boosaaso,isagoo sannadkii 2009 ku kamid noqday Golaha wakiilada Puntland. Mudda 10 sano ah ayuu soo fadhiyay Golaha wakiilada,isagoo Laba jeer oo hore u tartamay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,hase yeeshee aan ku guulaysan. Markii saddexaad ayuu maanta u tartamay guddoomiyaha G. Wakiilada Puntland,isagoo wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Cabdijamaal Cismaan,kadib markii uu helay 43-cod,halka Cabdijamaal ka helay 23-cod. Khudbad uu Baarlamanka ka horjeediyay doorashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay in uu Baarlamanka ku hoggaamin doono ilaalinta sharciga, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka shaqeynta danaha umadda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku shaqeyn doono siyaasad furfuran oo wada-tashi ku dhisan,uuna dhegaysan doono talooyinka kala duwan ee xildhibaannada Golaha wakiilada. Cabdixakiin Dhoobo dadka yaqaan waxay ku tilmaaman nin dabeecad wacan, wadaad ah oo ka agdhow culimada si fiicana wax uga bartay axkaamta iyo Fiqiga Diinta Islaamka oo sida la sheegay uu inta badan ka marsaday masaajidda. PUNTLAND POST The post Waa kuma Cabdixakiin Dhoobo-dareed? appeared first on Puntland Post.
  12. Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada dowladda Puntland,sida uu ku dhawaaqay GKMG ee Baarlamanka,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye Wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa ku tartamay laba murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed,kuwaasoo ka soo gudbay wareeggii kowaad. Cabdixakiin Dhoobo-dareed ayaa wareegga labaad helay 43-cod halka Cabdijamaal Cismaan uu helay 23-cod sida uu shaaciyay guddoomiyaha GKMG ee Baarlamanka,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye. Dhinaca kale,doorashada guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha wakiilada oo ay ku tartamayan dhowr murashax ayaa goor dhow bilaabanaysa. PUNTLAND POST The post Dhoobo-dareed oo ku guulaystay G. Golaha wakiilada Puntland appeared first on Puntland Post.
  13. Iyada oo wasaaradda caafimaadka dowladda faderaalka ee Soomaaliya ay dhowaan shaacisay in Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ay wasaaradda si toos ah ula wareegtay, wixii hadda ka dambeeyana shaqaalaha la siinayo xuquuqda ka maqan ayaa durbaba waxaa soo baxaya in qeyb shaqadii ka mid ah isbitaalka uu haayay shacabka kuwooda jilacsan ee hooyada iyo dhallaanka ay istaagtay, ayadoo sababta lagu sheegay dhaqaale darro soo wajahday isbitaalka iyo Hay’adihii taakuleyn jiray oo waqtigu ka dhamaaday. Drs Luul oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka hooyada iyo dhallanka ee Banaadir oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegay in isbitaalka uu wajahayo xaalad adag, oo aysan jirin dowledda ama wasaaradda Caafimada oo taakuleysa ama mushaar siisa shaqaalaha isbitaalka. “Ilaa iyo hadda waxa aan heynaa shaqooyin kuwaas oo ay qabtaan shaqaale xirfad u leh shaqadooda looguna talogalay in qabtaan shaqadaas, waxaa ay u qabtaan inta karaankoodaa ma dhaheeyno sida ugu fiican ayaan u shaqaynaa sababtoo ah awooda aad u yar” Marwo Luul oo sii-hadleysa waxaa ay tiri “Waxa aan rabno inaan si aad ah uga hadalno waxaa ka mid ah shaqaalaha intaa wax looga helaa shaqaalaha waxa ay ku shaqeeyaan si bilaasha, waxaan ognahay in wasaaradda caafimada markii ugu danbeeysay ay sheegtay wasaaradda in Mushaar ay siiso Shaqaalaha Isbitaalka, waxaan caddeynayaa unuu jirin Shaqaale ka shaqeeye, kana qoran Isbitaalka Hooyada iyo dhaldaanka ee Banaadir oo qaata Mushaar ay bixiso wasaaradda caafimaadka, marka laga reebo xiligii Dowleddii dhexe isbitaalka gacanta ku haysay ilaa iyo hada qof qaataa majiro” Waxa hadda isbitaalka laga helaa waa gunno yar oo ay bixiyaan deeq bixiya-yaasha caalamiga ah gunadaasna ma ahan mid isbitaalka dhan uu wada helo, waxaa helo qaar ka mid ah qeybaha kalana waqti ayey ku xiran yihiin, waxaan ognahay hadda qaybo sida qeybta shubanka ee degdaga ah waxa ay heleen shan bilood lacaga sanadkii 2018ka 3 july-18 December hada ma furno mana shaqayso. Qeybaha caruurta waxaan ognahay in caruurtu ay qabaan cuduro kala gadisan, waxaana ka mid ah Nafaqa darada oo sedex nuuca ah qyebta caruurta waxa uu ka kooban yahay 140 Sariirood 100 isbitaalka ayaa leh halka40 Sariir ay yihiin kuwo kiro ah’ Isbitaalka ayaa hadda lagu daaweynayaa kuwaas oo ka muuqato nafaqo darri, waxaana gabi ahaanba la xiray qeybtii lagu dabiibayay dadka uu soo rito xanuunka shuban biyoodka sida uu sheegayo Dr. Cabdirisaaq Xasan Cali. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo Daareed ayaa ku guuleystay doorashadii Gudoomiyaha baarlamanka Puntland, kadib markii uu heley 43 cod oo uu ka helay [...] Source
  15. Garowe (Sh.M.Network) – Xubnaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo Jimco ah doortay Gudoomiye cusub. Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] ayay mudanayasha udoorteen Afhayeenkooda cusub ee shanta sano ee soo socota hogaaminaya Gollahaan Mr Dhoobo ayaa kaga guuleystay coddeynta wareegii labaad, Musharax Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed. Gudoomiyaha cusub, Cabdixakiin, ayaa ku helay guusha codad gaaraya 43 cod, halka Musharax kale uu helay 23 cod. The post Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka P/land oo la doortay appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Puntland ayaa maanta lagu doortay doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe. Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka. Afar musharax ayaa xilkaasi u taagnaa, waxaana wareega ugu dambeeya u gudbay C/Xakiin Maxamed Axmed iyo C/Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana guddiga doorashada ay shaaciyeen in C/Xakiin Maxamed Axmed uu ku guuleystay Xilkaasi. Waxay kala heleen codadka baarlamaanka; Cabdixakiin Maxamed Axmed 43 cod C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 23 cod Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood] ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019]. Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi. Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad helay 38-cod. Xildhibaan Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan Ciise oo wareega labaad kula tartamayay ayaa isna helay 14-cod,hase yeeshee wuxuu ka tanaasulay in uu u gudbo wareega saddexaad. Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo oo shaaciyay natiijada ayaa ku dhawaaqay, in Cabdicaasii ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka 1aad,maadaama uu wareega saddexaad ka tanaasulay Cabdixamiid SH. Cabdisalaan oo la tartamayey. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee loo doortay Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhobo) iyo Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@Live.com
  17. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa goordhow idlaatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka wareega ugu dambeeya oo xildhibaanada ay dhiibteen codadkooda. Labo Musharax oo kasoo gudbay wareegii koowaad ayaa ku tartamayay wareega labaad oo ah wareega ugu dambeeya ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka. Marka lagu dhawaaqo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland waxaa la gudo gali doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka. Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed oo wareega koowaad helay 37 cod ayaa ah ruuxa loo saadaalinayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka inuu kusoo baxo. Waxaa wareega labaad kula tartamaya C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 15 cod. Xildhibaan CXakiin Dhoobadaarood ayaa hadda ugu cad cod tirinta wareega labaad ee doorashada. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. Wareegii koowaad ee doorashada guddoomiyaha barlamaanka Puntland, ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana wareega labaad ugudbay labo musharax oo helay codadkii ugu badnaa. Wareega labaad waxaa ugudbay, [...] Source
  19. Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobe Daareed ayaa u muuqda inuu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland. Sida Puntlandi Xogta ku hayo waa Xildhibaanka ugu taageerada badan. Dhoobo [...] Source
  20. Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ee hadda ka socota xarunta Golaha wakiilada ee magaalada Garoowe ayaa loo gudbay wareegga labaad,kadib markii wareeggii kowaad dhammaaday. Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa ku tartamay afar murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Mudane Cabdixakiin Dhoobo ayaa helay 37 cod, Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa helay 15-cod Cabdiraxmaan Cali Jibriil ayaa helay 9-cod ,halka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu helay 5-cod,sida ay uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada,Ismaaciil Cabdi Abtiile. Wareegga labaad ayaa waxaa u gudbay, Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed,kadib markii uu tanaasulay, Cabdiraxmaan Cali Jibriil oo ku soo xigay,waxaana haatan socota codaynta wareegga labaad. PUNTLAND POST The post Cabdixakiin Dhoobo oo hoggaaminaya doorashada guddoomiyaha G. wakiilada Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaatay wareega koowaad doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo maanta ka bilaabatay magaalada Garowe. Afar Musharax ayaa u taagnaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaana musharax walbaa uu jeediyay khudbad uu kaga hadlay waxyaabaha uu qabanayo. Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay Sidan: 1 – Cabdirshiid Yuusuf Jibriil 5 Cod 2 – Abdijamal Cismaan Maxamed 15 cod 3 -Abdirahman Cali Jibriil 9 cod 4 – Abdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobodaarood) 37 Cod Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay in seddexda musharax ee ugu codka badan ay u gudbeen wareega ugu dambeeya, waxaana wareega labaad ka haray Musharax Cabdiraxmaan Cali Jabriil oo helay sagaal cod. Wareega ugu dambeeya waxaa u gudbay C/xakiin Maxamed Axmed oo helay 37 cod iyo C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 15 cod, waxaana ay ku kala bixi doonaan cod hal dheeri ah. Hada waxaa bilaabatay dhiibashada codka wareega labaad ee doorashada guddoomyaha baarlamaanka oo lab musharax ay kusoo hareen, La soco doorashada Puntland Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  22. Afar Musharax ayaa waxay u tartamayaan Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Punntland. Waxayna kala yihiin 1- Cabdixakiin dhoobo daareed 2- Abwaan cabdirashiid Jabriil 3-Cabdijamaal cismaan maxamed 4- [...] Source
  23. Garowe (Caasimada Online)- Waxaa soo idlaatay codeynta xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ay dhiibteen dhamaan xildhibaanada maamulka Puntland. Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay inay bilaabatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada maamulka Puntland. Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaana ilaa iyo hadda haysta codadka ugu badan ee la tiriyay. Seddex meelood labo meel codadka la dhiibtay wareega koowaad ninkii hela ayaa toos u noqonaya guddoomiyaha baarlamaanka Puntland. Haddii wareega koowaad lagu kala bixi waayo waxaa labada musharax ee ugu codadka badan ay u gudbi doonaan wareega ugu dambeeya oo cod hal dheeri ah lagu kala bixi doono. La soco doorashada. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  24. Ilhaan Cumar ayaa Khamiistii shalay si rasmi ah loogu dhaariyay, in ay kamid noqoto xildhibaannada Xisbiga Dimoquraaddiga ee Golaha wakiilada Maraykanka labada sano ee soo socota. Ilhaan ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah,iyadoo madax daboolan,islamarkaana ay ka muqato dhaqanka asturnaanta ee lagu yaqaanno haweenka Soomaaliyeed. Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Koongareyska dalka Maraykanka,karib markii ay taageeya badan ka heshay dadka muslimka ah oo ay u horreeyaan Soomaalida ku nool waddankaasi. Aqalka Koongareyska Maraykanka ayaa waxaa markii u horraysay xubno ka noqday laba gabdhood oo muslim ah,kuwaaso kala ah;Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Falastiin. PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar oo si rasmi ah loogu dhaariyay xubinnimada Koongareyska Maraykanka appeared first on Puntland Post.