Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaaso oo uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin cayrinta danjire Nicholas Haysom. Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka, isagoo ku bogaadiyay wadamada IGAD sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga *****nayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda. Waxa uu tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hambalyo u direy gudoonka golaha wakiilada Dowladda Puntland oo maanta lagu doortay Caasumada Dowladda Puntland [...] Source
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa hambalyeeyay guddoonka cusub ee maanta loo doortay Golaha wakiilada Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la doortay ay yihiin rag ku habboon in ay hoggaamiyaan Baarlamanka,islamarkaana ay khibrad iyo aqoon u leeyihiin shaqada loo igmaday. Dr Gaas ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guddoonka la doortay ay Golaha ku maamulan,midnimo,wadajir iyo caddaalad. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Guddoonka cusub ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  4. Baydhabo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa dowladda dhexe ee ku eedeeyay in ay Mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo. Waxa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid hareersan Sharciga, islamarkaana la diiday rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diiday in ay kala hadasho dhibaatadii Ciidanka Itoobiya ay ka geysateen Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo markii ay wadatashiyo la yeeshaan Shacabka Koonfur Galbeed. Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay Baydhabo ayaa xusay in dowladda Farmaajo dastuurka dalka ay baalmartay, xataa aysan diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Baydhabo lagu xasuuqay. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/geesey.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  5. (SLT-Washington)Golaha Qaramada Midoobay ayaa weli ku adkeysanaysa in uu danjire Nicholas Haysom yahay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya,iyadoo dowlada Soomaaliyana ay diidan tahay wakiilnimadiisa. Afhayeen u hadlay UN-ka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay Goluhu uu u baahan yahay cadeymo buuxa balse weli uu Haysom haysto taageerada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. Qudbada uu shalay ka jeediyay Golaha Ammaanka Danjire Nicholas Haysom ayaa ahayd mid hore loo sii qorsheeyay kahor inta uusan bilaaban khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo danjire Haysom. Source
  6. Sawirku waa Gudooiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiin Dhoobodaareed Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa hada u socda shir albaabadu u xiran yihiin kasoo lagusoo xulayo [...] Source
  7. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay Ismaaciil maxamed Warsame oo helay 45 cod, waxaana si rasmi ah usoo gabagabowday doorashadii guddoonka [...] Source
  8. Abuukaate Ismaciil maxamed Warsame ayaa ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada dowladda Puntland,isagoo wareegii labaad helay 45-cod. Labadii murashax ee wareegan kula tartamayay ayaa kala helay,Siciid Macallin daahir 14-cod iyo Cabdiraxman Diiriye Carab oo helay7-cod. Guddoonka cusub ee Baarlamanka Puntland ayaa dhammaan waxa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo),Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaciil maxamed Warsame. PUNTLAND POST The post Abukaate Ismaaciil oo loo doortay ku gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Garowe (Sh.M.Network) – Baarlamaanka Puntland ayaa maanta doortay gudoomiye ku xigeenkooda labaad. Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa noqday ku xigeenka labaad ee Afhayeenka Gollaha Wakiilada dowlad goboleedkaan. Xildhibaankaan ayaa guusha ku hantiyay wareegga labaad, isaga oo helay 45 cod oo kamid ah 66 mudane codka bixisay. Warsame ayaa kaga guuleystay tartanka wareega labaad labo Musharax oo kala ahaa – Cabdiramaan Diiriye Carab, oo helay 7 cod iyo Saciid Maxamed Daahir oo 14 mudane ay ucodeysay. Sikastaba, waxaa halkaasi kusoo gabagabowday doorashii gudoonka Baarlamaanka cusub ee Puntland – Gudoomiye waxaa noqday Cabdixakiim Dhoobo, ku xigeenka koowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan. The post Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka PL oo la doortay appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Puntland’s parliament elected Abdihakim Mohamed Ahmed, also known as Dhoobo-daarood as speaker on Friday. Dhoobo-daarood secured 43 votes while his rival received 23 votes during the second round of the voting held at parliament hall in Garowe, Puntland capital, Interim speaker, Hussien Yasin Hajji announced. Dhoobo-daarood has been in parliament since 2014, he ran for the speaker in two previous parliament elections, but he failed. The new parliament speaker will form an electoral commission that will organize the presidential election, scheduled on January 8. More than 25 candidates including the incumbent president are running for Puntland’s next President. The post Puntland assembly elects new speaker appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad helay 38-cod. Xildhibaan Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan Ciise oo wareega labaad kula tartamayay ayaa isna helay 14-cod,hase yeeshee wuxuu ka tanaasulay in uu u gudbo wareega saddexaad. Guddoomiyaha Golaha wakiiladaPuntland, Cabdixakiin Dhoobo oo shaaciyay natiijada ayaa ku dhawaaqay, in Cabdicaasii ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka 1aad,maadaama uu wareega saddexaad ka tanaasulay Cabdixamiid SH. Cabdisalaan oo la tartamayey. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee loo doortay Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhobo) iyo Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan. PUNTLAND POST The post Cabdicasiis Cabdullaahi oo ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Garbahaareey (Sh.M.Network) – Shacab careysan oo ay horkacayaan masuuliyiinta dagmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa la wareegay hoy uu dagmadaasi ka daganaa madaxweyne ku xigeenka l1aad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo shalay halkaasi gaaray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo. Dibad-baxyada oo shalay bilawday ayaa looga soo horjeeda maamulka Jubaland, sida wararka aan ku helnay. Lama ogga hadii uu jiro khasaaro naf iyo maal oo mudaahraadyaddaan ka dhashay. Dhanka kale, hoyga dibadbaxayaasha ay la wareegeen ayaa la sheegay in la boobay, lagana qaatay agabyadii yaalay sidoo kalana ay dab qabadsiiyeen. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdiga la socda ayaa sidoo kale wararku waxa ay intaasi raacinayaan in loola cararay saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka dagmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Gudoomiye ku xigeenka 1aad amniga iyo siyaasada dagmada, Ismaan Nuux Xaaji oo la hadlay idaacadda Shabeelle oo faafaahin ka bixiyay rabshadihii maanta ilaa iyo shalay ka socday Garbahaareey ayaa tibaaxay in xaaladdu haatan degan tahay. The post Guriga madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo “la boobay” appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland. Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo. C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa. Waxaa isna guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Cabdi Casis Cabdullahi Cusmaan, oo kaas wareegga 2aad helay 38 cod halka Cabdixakim oo la tartamayey uu helay 14, ninka dambe waxaa uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga 3aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. New York (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay QM oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. “Eedeynta la xiriirta faragelinta dowladda federaalka ah iyo qalalaasihii dhashay soo xiristii hal murashax, ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab waxaa ay haleysay hannaankii, taasina kama bixineyso saadaalin fiican natiijada doorashada dowlad goboleedyada iyo midda 2020-ka”, waxaa sidaa yiri Haysom. Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Cusmaan oo ka hor hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in UN-ka iyo cidda wakiilka ka ah ay waajib ka saaran tahay inay ixtiraamaan shaqadooda, oo aaney faro-gelin arrimaha gudaha, isla markaana Soomaalida loo daayo inay aayahooda ka tashtaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  15. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed). Mudane Xaashi ayaa guul u rajeeyay guddoomiyaha cusub, waxaana uu Alle uga durraantay inuu xilka u fududeeyo,isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka uu matelo. Si lamid ah, guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo u diray mudane Cabdixakiin Dhoobo,guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland. Cabdixakiin Dhoob oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa wareegii labaad helay 43-cod,halka Cabdi Jamaal Cismaan oo la tartamayna helay 23 cod. PUNTLAND POST The post Guddoonka labada Aqalka ee DFS oo hambalyo u diray guddoomiye Dhoobo appeared first on Puntland Post.
  16. Waxaa kulan isku yieedhay qaybo kamid ah Warbaahinta Wasiir Hinda Gaandi kulankaasi oo aanu cadayn ujeedadiisu ayaa lagu sheegay in uu ahaa kulan ay wasiirku ku lab xaadhanayay warbaahinta oo ay hore uh jeedisay dhaleecayn iyo hadalo qadafa. Hadaba Wasiir Hinda Gaandi oo Maalmahanba Fadhi Iyo Joogba Xamililahayd ayaa Saaka Waxay Xafiiskeeda iskugu Yeedhay Kulan Hanaankii Abaabul ahaa mid Khiyaamo oo Suxufiyiintii Ka Qayb Galay intooda Badan markii loo yeedhaayay Loogu Dhigay Waji kale balse Markii Wariyeyaashu yimaadeen Xafiiska Noqday Kulan Wasiiradu ugu Magac Dartay Islaab Xaadhasho iyo Raali Galin ay Saxafada Madaxabanaan ka Raali Galinayso Hadalkii ay Warbaahinta Milgaheeda ku Weerartay . Geesta kale Suxufiyiinta Goobta Xafiiska loogu Yeedhay ayaa badankoodu ahaa kuwo aan Xog Buuxda ka haynin Kulanka Wasiirka Maadaama markii loo yeedhaayay aan loo sii sheegin xogta loogu Yeedhay . Isku Soo wada duuboo Wasiir Hinda Gaandi wasiirka arimaha Bulshada Somaliland ayaa u muuqata Mid xaaladeedu Hada marayso Odhaahdii ahayd FALAADHI GILGILASHO KAAGAMA GOdo, Kulankana wuxuu Noqonayaa mid markale Sii Iftiiminaaya Halkay Wasiirka arimaha Bulshada Somaliland Hinda Gaandi ka taagan tahay Warbaahinta Dalka Somaliland iyo inay Sii wado Weerarkeedii Qaawanaa . Source
  17. Garowe (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Gollaha Wakiilada maamul goboleedka Puntland ayaa doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad. Mudanayasha ayaa ucodeeyay Cabdcasiis Cabdullaahi Cusmaan inuu noqdo ku xigeenka koowaad ee Afhayeenkooda, markii uu helay 38 cod. Cabdicasiis oo guusha ku helay wareega labaad ayaa kaga badiyay Musharaxii kusoo dhowaa, kaasi oo ahaa Cabdixamiid Cabdi Ciise oo uruur-saday 14 cod. Doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad ayaa haatan socota. Doorashooyinkaan axay horudhac uyihiin midda Madaxwaynaha oo loo balamay 8-da bishaan Janaayo 2019. The post Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka P/land oo la doortay appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Faysal cali_waraabow ama waxadnoqotaa Nin mucaarada Oo xukuumada Muuse iyo Xisbiga kulmiye ku mucaarada Oo ku hamiyaaya inuu maruun Somaliland madaxweyne kanoqdo, Ama waxadnoqotaa Nin mucaarada Oo mucaaradadiisu kujahaysantay Xisbiga Waddani Oo kaliya Oo qorshihiisa iyo yoolkiisu yahay inuumarkasta xisbiga waddani adhaxda kajabiyo Oo Aan ujeedo kale iyo hamikaletoona lahayn. Beesha Garxajisna waxanleeyay waardee ama isqabta ama wakhtiga hanagaluminina. xasankaruur55@gmail.com W/Q: Xasan Karuur. Source
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Cabdixakiin Maxamed Axmed oo lagu naanayso (Dhoobo-dareed) wuxuu sannadkii 1968-dii ku dhashay miyiga degmada xiingalool ee gobolka Sanaag,wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo sare ka dhigtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Wuxuu ka soo shaqeeyay shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaannada Puntland,wuxuuna siyaasadda kaga soo biiray Golaha degaanka magaalada Boosaaso,isagoo sannadkii 2009 ku kamid noqday Golaha wakiilada Puntland. Mudda 10 sano ah ayuu soo fadhiyay Golaha wakiilada,isagoo Laba jeer oo hore u tartamay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,hase yeeshee aan ku guulaysan. Markii saddexaad ayuu maanta u tartamay guddoomiyaha G. Wakiilada Puntland,isagoo wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Cabdijamaal Cismaan,kadib markii uu helay 43-cod,halka Cabdijamaal ka helay 23-cod. Khudbad uu Baarlamanka ka horjeediyay doorashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay in uu Baarlamanka ku hoggaamin doono ilaalinta sharciga, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka shaqeynta danaha umadda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku shaqeyn doono siyaasad furfuran oo wada-tashi ku dhisan,uuna dhegaysan doono talooyinka kala duwan ee xildhibaannada Golaha wakiilada. Cabdixakiin Dhoobo dadka yaqaan waxay ku tilmaaman nin dabeecad wacan, wadaad ah oo ka agdhow culimada si fiicana wax uga bartay axkaamta iyo Fiqiga Diinta Islaamka oo sida la sheegay uu inta badan ka marsaday masaajidda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  20. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Puntland ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad ka helay codad dhan 38. Xildhibaan [...] Source
  21. (SLT-Hargaysa) Xisbiyada la furimaayo! Oo kuwa jira noqon mayaan xisbiyo la wada leeyahay! oo dhexdooda dimuqraadiyadi ka jirimayso! Oo ku heshiin mayno in dalkan doorasho ka dhacdo! oo siyaasadu wey noo kootaysnaanaysaa intaan noolahay! Tani waa damac rag halkii ugu danbaysay lakiin waxa ka cajiibsan cid ka hadlaysaaba ma jirto! Waa in aan su’aalo iska weydiinaa dimuqraadiyada dalkeena Somaliland, waayo xisbiyadeeni waxay noqdeen qaar aan dhexdooda dimuqraadiyadi ka jirin oo kolba ninka gudoomiyaha xisbigaasi ka ahi iska yeesho oo wad mooyaane aanay suuro gal ahayn in laga qaado! Somaliland runta haysu sheegto! Oo ama axdi qarameedkeedi hayskaga noqoto ama waa in la helaa xisbiyo ka turjumaaya sababtii looga guuray nidaamkii beelaha ku dhisnaa, xisbiyo ka turjumayaa macnaha iyo waxay u taagan tahay dimuqraadiyadu, xisbiyo aan ku suntanayn reero/beelo ama koox gaara sida uu qabo xeer#14 aan xisbiyada qaban ee lagu tuntay! Cabdirkariin Axmed Mooge Source
  22. Cadaado ( Sh. M. Network )-Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-Daareed) oo maanta lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Guddoomiye Casir ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashadan, kuna bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in uu la shaqeyn doono, islamarkaana uu garab taagnaan doono guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland. Ugu dameyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay guddoomiyaha cusub ee la doortay in uu ka shaqeeyo horumarka Baarlamaanka Puntland iyo doorashada Madaxweyne ee la filayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada maamulkaasi Cabidxakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-Daareed) oo saddex jeer isku soo sharaxay xilkan ayaa ugu dambeyn maanta ku guuleysay, waxaana Golaha Wakiilada Puntland uu hoogaamin doonat 5 sano ee soco socota. The post Guddoomiye Casir Oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Ee Baarlamaanka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Dr Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda dalka Finland. Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayey Mr. Pekka Havisto oo ka tirsan guddiga Arimaha debadda Baarlamanka Finland. Sidoo kale waxa ku jiray diblomaasiyiin iyo wakiilo ka socday mac-hadka Nabadda ee Midowga Yurub. Kulanka wefdiga iyo wasiirka ayaa looga hadlay,xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Finland iyo qodoba kale. PUNTLAND POST The post Wasiir Axmed Ciise Cawad oo qaabilay wefdi ka socda Finland appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Garoowe) Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood) ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland, Wuxuu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday, horayna waxa uu ugu soo shaqeeyey Sharikadda isgaadhsiinta ee Golis. Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya. Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, waxa uuna ka agdhow yahay urur diimeedka Al ictisaam. Sidoo kale Waxaa uu ka soo jeeda Gobalka Sanaag waana xildhibaanada Isbedel Doonka ah ee ka soo hor jeeda madaxweyne Gaas Source