-
Content Count
207,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa la soo saaray hab-raaca doorashada madaxtinnimada ee Puntland, marka laga soo tago shuruudaha inuu Puntland u dhashay, miyir qabo, aqoon sare leeyahay, 40 sano ka yareyn, waxaa lagu xiray inuu bixiyo tartamaha madaxweynaha $20,000 halka madaxweyne ku-xigeenka laga doonayo $10,000. Akhriso, Shuuraha oo dhameystiran: Source: goobjoog.com
-
Sharuudaha doorashada madaxweynaha Puntland oo la shaaciyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garowe (Caasimada Online)-Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa shaaciyay sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Musharaxii u tartamaya Madaxweynaha cusub ee Puntland laga rabo lacag dhan 20,000 $ ,isla markaana Musharaxii u tartmaya Madaxweyne kuxigeenka Puntland laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 10,000 oo doolar. Guddigan ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 8 Janaayo, waxaana u taagan musharixiin badan oo ka badan 25 musharax. Hoos ka akhriso sharuudaha musharixiinta -
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaa ku jira xubno horey ugu jiray guddigii doorashada guddoonka Baarlamaanka. Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Guddoomiye) Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab XildhibaanCabdirisaaq Xasan Ciise Xildhibaan Xaamud Ismaaciil Xirsi (Abshir) Xildhibaan Cawil Xasan Daad Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur Xildhibaan Maxamed faarax Mire Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa dhacaysa maalinta Tallaadada ee ku beegan 8-da bishan Jannaayo 2019. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Mushaxaha Saadiq Eenow ayaa maanta Garoowe kaga dhawaaqay in uu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Puntland. Murashaxa oo goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu u tanaasulay murashaxa kale ee Dr Cali Ciise Cabdi oo isna u taagan xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee doorashada 8-da Jannaayo 2019 oo mudda saddex maalmood ah ka harsan yihiin. Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa u tartamaya ilaa 30 murashax,waxaana la filayaa in qaarkood tanaasulan ka hor intan la gelin hoolka ay ka dhacayso doorashadu maalinta Talaadada ah ee ku beegan 8-da bishaan Jannaayo. PUNTLAND POST The post Puntland: Murashax sheegay in uu u tanaasulay Dr Cali Ciise Cabdi appeared first on Puntland Post.
-
War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkadda MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda. Qoraalka ayaa u qornaa sidan: Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl bilabeyso maanta oo ah 5th Janaayo 2019ka Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan. Imaashiyaha Markabka ugu horeeyay ee Shirkadda MAERSK LINE oo Xarunteeda tahay Dalka Denmark waxay ifafaalo muuqdo u tahay Kobaca Dhaqaale ee Dalka iyo sida Dunida diyaar ugu tahay in ay la Ganacsadaan Soomaaliya. Ayadoo la rajaynayo Shirkadaha kale sida Evergreen, China Shipping Line iyo kuwa kale ay yimaadaan Dekedda Muqdisho dhamaadka Sanadkan. Ka Howlgelida Shirkadda MARESK LINE Dekedda Muqdisho muddo dheer ka dib- Burburkii heyádaha dowladda ayaa waxay Astaan u tahay Horumarka Dhaqaale & Amni uu ku tilaabsaday Qaranka Soomaaliyeed ayadoo horay uga howlgeli jireen Dekedda Muqdisho Shirkadaha MSC iyo CMA-CGM oo ah Shirkadaha ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida. Maraakiibta Shirkadda MARESK LINE oo si joogto ah uga howlgeli doonta Dekedda Muqdisho waxay fursad u tahay Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay si fudud ugu dhoofiyaan Dunida Dacaladeeda wax soo saarka Dalka, kana soo Dhoofsadaan Badeecadaha Dhammaan Daafaha Dunida si fudud. Imaanshaha Sharikadda MAERSK ee Dekedda Muqdisho waxey fureysa tartan dhaqaale taa oo horseedi doonto in qiimaha wax dhoofinta iyo soo dejinta ay hoos u dhacan waana guul u soo hooyatay dadaalka dhaqan-dhaqaale ee Dowladda Federaalka iyo ganacsiga Soomaaliyeed eek u wajahan dib-u-dhiska dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa is hor-taagtay qaraar golaha ammaanka uu soo saari lahaa oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaalida, Caasimada Online ayaa ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caaismada Onlne u sheegay in golaha ammaanka uu jimcihii yeeshay kulan ay albaabada u xiran yihiin oo looga hadlay tallaabada uu golaha ka qaadi lahaa go’aanka ay Soomaaliya kusoo cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Intii uu kulanka socday ayaa UK, oo xubin buuxda ka ah golaha ammaanka, waxa ay soo bandhigtay qaraar qabyo ah oo ay dooneyso inuu golaha qaato, kaasi oo lagu cambaareyn lahaa go’aanka dowladda Soomaaliya. Qaraarka UK ayaa sidoo kale golaha ammaanka uu si cad ugu sheegi lahaa inuu taageero xooggan u hayo xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, wuxuuna ka dalban lahaa dowladda Soomaaliy inay si buuxda ula shaqeyso. Si kastaba, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dowladda Shiinaha, ay ka hor-timid qaraarkaas in la meel-mariyo, islamarkaana codsatay waqti dheeri ah, oo ay uga fakarto go’aanka ay qaadan lahayd. Golaha ayaa la filayaa in mar kale uu maanta oo sabti ah kulmo, kana fakaro qaraarka Britain. Ma cadda go’aanka maanta Shiinaya ay qaadan doonaan. Qaraarka UK ayaa yimid markii ay ku guul-darreysatay in safiirkeeda Soomaaliya David Concar uu ka dhaadhiciyo madaxda dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aanka lagu cayriyey Haysom, sida ay Caasimada Online kal hor shaaca ka qaadday. Halkan ka aqri. Waxaa uu sidoo kale qaraarka daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu maskaxdiisa beddelo. Guterres ayaa markii ugu dambeysay oo uu Farmaajo la hadlay oo ahayd jimcihii, kuna guul darreystay inuu wax ka beddelo go’aankiisa, wuxuu ku dhaawaaqay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Joojiyay Dhul Siilaanyo Bixiyay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa joojisay dhismaha hotel ka socda xayndaabka Madaarka Hargeysa ee Cigaal. Waxa goobta la wareegay boolis waxaana la joojiyay dammaan hawlaha dhismaha ee ka socday. Dhulkan ayaa la sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo siiyay nin ganacsade ah oo hadda halkaasi ka bilaabay dhismaha hotel waxaanay wararka arrintan ka soo baxaya sheegayaan in amarka madaxweyne Biixi lagu joojiyay dhismahan. Dabayaaqadii bishii hore ayay xukuumaddu la wareegtay Khayriyada Hargeysa oo xukuumaddii hore siisay nin ganacsade ah, kaas oo hotel ka hirgeliyay. Waxay xukumaddu sheegtay in halkaasi noqon doonto goob taariikhi ah waxaana ka sii horeeyay dhawr meelood oo xukumaddu joojisay. Source
-
The U.S. Defense Department is denying a media report the U.S. is planning to reduce its operations in Somalia. Pentagon spokeswoman Navy Commander Candice Tresch told VOA Friday: “There have been no recent policy changes regarding U.S. operations in Somalia. We continue to support the Federal Government of Somalia’s efforts to degrade al-Shabab.” NBC News reported Friday the U.S. is planning to scale back its operations in Somalia because U.S. airstrikes have “taken out” a number of the militant group’s senior operatives. The Pentagon says “the U.S. conducted 47 precision airstrikes in 2018 against al-Shabab militants. In 2017, the U.S. conducted 35 air strikes and in 2016, conducted 15 air strikes. The first U.S.-led air strike of 2019 occurred Jan. 2 to diminish al-Shabab’s freedom of movement and to increase pressure on the terrorist network in the area.” U.S. military officials say there are an estimated 3,000 to 7,000 al-Shabab fighters and 70 to 250 ISIS-Somalia fighters in Somalia as of August 2018. There are about 500 U.S. Department of Defense personnel in Somalia. The post Pentagon Denies Scaling Back Operations in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Yubbe)-Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo Taliyaha Saldhiga Saddexaad ee Ciidanka Qaranka ayaa degmada Yubbe ee gobalka Sanaag ku soo dhaweeyay ciidamo ka soo goostay jabhada Siciid Cawil Jaamac Caarre ee oo fadhigoodu yahay magaalada Qardho ee maamulka Puntland ee Soomaaliya. Munaasibad lagu soo dhawaynayay ciidamadan ka soo laabtay jabhada Caarre oo shalay lagu qabtay degmada Yubbe ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, Taliye qaybeeda ciidamada qaranka iyo Booliska ee gobalka Sanaag iyo cuqaasha iyo waxgaradka degmada Yubbe. Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan aanay waxba kala hadhi doonin ciidamadan ka soo laabtay maleeshiyaadka Caare.waxaana uu yidhi “Waxa aanu soo dhawaynaynaa Jibriil Maxamed Ducaale oo ka tanaasulay taliye ku xigeen nimadii Caare iyo Puntland uu lugta kula jiray ee Taliyaha u ahaa oo uu ka soo noqday oo uu yidhi anigu Somaliland ayaan ka mid ahay,waxaana aan leeyahay ku soo dhawoow gacmo furan dalkana lagama laha waana dal kaagii waa wadankaagii saraakiishaa wadanka joogtaa waxa ay qabaan ayaad la qabaysaan Xukuumad ahaana wax alaale wax aan idikila hadhaynaa majirto,hadii awal la odhan jiray dawlad iyo hayadi magaadho soo gaadho degmada Yube,”. Sarkaalkii hogaaminayay ciidamadan ka soo laabtay jabhada Caare Jibriil Maxamed Ducaale ayaa waxa uu sheegay in uu ka soo laabtay jabhadii Caare ee uu ka tirsanaa.waxaana uu yidhi“Anigu waxa aan ka tanaasulay kooxdii Caare ee aan ka tirsana waxaana aan u soo noqday degmadaydii Yube iyo gabalkaygii,waxaana aan cadaynayaa in ciidanka Somaliland ku soo biiray oo aan ka mid ahay ayaan cadaynayaa waana afartan Nin”. Taliyaha Saldhiga Saddexaad ee Ciidanka Qaranka ee Gobalka Sanaag Gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa iyaguna waxa ay uga waxgaradkii ka shaqeeyay in ciidamadani dib ugu soo noqdaan dalkooda,waxaana ay ku amaaneen ciidamadan sida kalsoonida leh ay ugu soo noqday dalkooda. Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Cuqaasha iyo Waxgaradka degmada Yube oo sheegay in ay ka hawl galeen sidii ciidamadan dib ugu soo celin lahaayeen dalkooda,waxaana ay Xukuumadda Somaliland usoo jeediyeen i in la daboolo baahiya ciidankan soo noqday. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay Wakiilkii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom ee ahaa in aan laga rabin dalka, kana sii shaqeyn karin. Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu u yeelay sida ay Soomaaliya dalbatay oo ahaa in laga beddelo Haysom. Hase ahaatee Yuusuf Garaad ayaa sheegay in taas bedelkeed aan loo baahneyn in dowladda Soomaaliya ay is mahadiso, taasoo ugala jeeday go’aankeeda iyo sida ay rabtay inuu u meel maray. “Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso, Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo” ayuu ku ku yidhi Yuusuf Garaad. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka dowladda Soomaaliya dalka uga eriday, una adeegsatay erayga (Persona Non Grata), taasoo aanay aheyn in loo adeegsado shaqaalaha Qaramada Midoobey, maadaama aanay Qaramada Midoobey aheyn dal, diblomaasiyiinteedana u baahneyn aqoonsi. Source
-
Hargeysa ( Sh. M. Network )-Abwaan Xasan Dhuxul (Laab Saalax) oo ah Aas’aasay Kooxda Xidigaha Geeska oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Somaliland caburin xoogan uu ku hayo Warbaahinta iyo Fanka ka jira deegaanada maamulkaasi. Abwaan Laab Saalax ayaa tilmaamay in ay Hargeysa xilliyada habeenkii ah dhac baahsan loogu geysto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay Ciidamada Boolisku aysan waxba ka qabanin dhibaatadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Abwaanka ayaa ka dhawaajiyay in mamaulka S/land uu dagaal kula jiro shacabka Hargeysa, islamarkaana loo adeegsanayo awooda maamulkaasi. Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan xarig iyo handadaad kula dhaqaaqa dadka ka soo horjeeda maamulkaasi. The post Abwaan Laab Saalax Oo eedeyn u jeediyay Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayay Warbaahinta ayaa marka hore Hambalyo u diray xubnaha cusub ee guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi oo shalay lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Madaxweyne Gaas ayaa ka dalbaday guddoonka cusub in ay ka shaqeeyaan qabsoomida doorashada Madaxweyne ee Puntland. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in doorashadaasi la qaban doono 8 bishan oo ku beegan Taaladada soo socota. In ka badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkaasi, kuwaas olole xoogan haatan ka wada deegaanada maamulkaasi. The post Madaxweyne Gaas Oo fariin u diray golaha wakiilada P/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa kordhiyay tirada ciidamada kaga sugan deegaanada Jubbada Hoose, kuwaasi oo dhawaan howlgal Wadajir ah qaadi doono. Saraakiisha ciidamada u hadashay ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo qorshaha howgalka ciidamada ay ka sameynayaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka JUbbada Hoose. Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Mooraal Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aaga Baar Sanguuni ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii ugu badnaa iyo qalabkooda, kuwaasi oo dhawaan howlgal Wadajir ah bilaabaya. Wuxuu sidoo kale sheegay inay guulo ka gaareen howlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano hoostaga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Dhawaanahaan Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga suganyihiin maamulkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa si cad u sheegay inaysan ku qanacsaneyn hanaanka uu dib u heshiisinta Kaxandhaale u marayo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo daah furay gogol nabadeed ayaa cadeeyay inay ka go’an tahay inay dib u heshiisiin dhab ah dhex marto beelihii ku dagaalamay Kaxandhaale, waxaase ka hor yimid qaar kamid ah odayaasha dhaqanka. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay sababta ay kaga hor yimaadeen gogosha uu fidiyay wasiirka arrimaha gudaha inay tahay in wasiirka uu ka qeyb galiyay wadahadalka dad aan matalaad ku laheyn beelaha dagaalamay. Waxaa kale oo odayaasha ay sheegeen inay taageerayaan wadahadal siinta dhinacyada dagaalamay, balse wasiir uusan casuumin odayaasha dhaqanka ee lahaa xalinta rasmiga ah, sida ay sheegeen. Dowladda Soomaaliya ayay ka dalbadeen inay arimahaasi wax ka qabato, maadaama odayaasha saxda ah aysan ka qeyb aheyn wadahadalada furmay. Wasiirka ayaa dhawaan ay u suuro gali weysay inuu tago deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu maleeshiyaad ay ku dagaalameen, waxaana odayaasha dhankooda ay wadaan dadaalo nabadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Soomaalia iyo inay xadidaan Duqeymaha lala beegsado Dagaalamayaasha Alshabaab. Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciiddamadda Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka. Madaxweyne Trump markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciiddamo dheeraad ah u soo diray Somalia , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan Duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya. Sarkaal la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay hawlgaladaasi gaabis noqdeen, tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis xilka ka degay bishii hore. Dhinaca kale, Saraakiil hore iyo Khubaro ka tirsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda oo la hadlay Tleefishinka NBC News waxay sheegeen inuu qorshahaasi abuuri karo Khataro ka timaado Ururadda Alqaacida, Daacish iyo kuwa kale. Source
-
Garowe (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ilaa xalay ay ka dhacayeen magaalada, kulamadaasi oo ay yeelanayaan musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in musharixiinta ay bilaabeen inay kala xod xotaan xildhibaanada sameynaya doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana xilkaasi u taagan inka badan 25 Musharax. Xalay siyaasiyiinta ku sugan magaalada Garowe ma aysan seexan, waxaana socda loolan adag oo ka dhex bilowday qaar kamid ah musharixiinta doonaysa xilka madaxweynaha maamulka Puntland. Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay musharixiinta isbadal doonka ah, waxaana la sheegay inay jireen dhaqdhaqaaqyo badan oo ay sameynayeen musharixiintaasi. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa shalay doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenka, waxaana natiijada ay muujisay in musharixiinta isbadal doonka ah ay heleen kuraasta guddoonka qaarkood Helida Mucaaradka ay heleen kuraasta ugu sareyso guddoonka baarlamaanka ayaa ka dhigeysa inay heli karaan xildhibaanadii codadkooda siiyay guddoonka baarlamaanka. Madaxweyne Gaas oo seddex jeer u horey u sheegay inuusan tartami doonin ayaa kamid ah musharixiinta doorashada 8 Janaayo tartameysa, waxaana uu dareemayaa colees weyn oo kaga imaanaya musharixiinta la tartameysa iyo siyaasiyiin aan tartanka ku jirin. Dhinaca waxaa maanta la filayaa in guddoonka baarlamaanka Puntland ay soo saareen magacyada guddiga ka shaqeynaya doorashada madaxweynaha maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, xoghayaha guud ee QM, António Guterres ayaa wada-hadal la yeeshay madaxda sare ee Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Sida aan xogta ku helnay, xogahayaha guud ee QM António Guterres, ayaa saddex good soo wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kala hadlay in dib loo soo celiyo Haysom, islamarkaana qaladaadka dowladda ay ka tirsaneyso si kale ama wada-hadal lagu xaliyo oo la saxo. Si kastaba, codsigaas ayaa la sheegay in Farmaajo uu ku gacan seeray, una caddeeyey Guterres in go’aanka Soomaaliya uu yahay mid aan kasoo noqasho lahayn, oo ku yimid si aan fududeyn oo aad loogu fiirsaday. Sida aan xogta ku helnay, waxyaabaha dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Haysom ku haysato arrimo ka ballaaran warqaddii uu soo saaray ee la xiriirtay dhacdooyinka Baydhabo, balse uu gaystay xadgudubyo ka dhan ah madax banaanida dalka. “Waxaa jira hadallo gef ah oo uu sheegay iyo warqado dhowr ah oo Haysom uu qoray oo ka dhan ah qarannimada dalka, oo dowladda aad uga careysiiyey, waana la caddeeyey Guterres arrintaas” Waxaa sidaas yiri il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Caasimada Online. Qaladaadka uu galay Haysom, ee dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres, ayaa waxaa ka mid ah; xiriiro uu la sameynayey gobollada dalka sida Somaliland, wasiiro ka tirsan dowladda oo uu si aan sharciga waafaqsaneyn uu ula xiriiray, iyo waraaqo Amnesty International uu u diray oo uu dowladda ku eedeeyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah. Guterres oo markii saddexaad uguna dambeysay Farmaajo taleefon kula hadlay jimcihii, ayaa la sheegay inuu ka quustay inuu beddelo go’aanka Farmaajo, islamarkaana garwaaqsaday in arrinta aysan xal kale lahayn, oo aan ka ahayn in la beddelo Haysom. Eedymaha loo haysto Haysom, oo aan si faah-faahsan u qornay markii la cayriyey, halkan ka aqriso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Guinea)-Xidhiidhka kubadda Cagta ee dalka Guinea ayaa hooyada dhashay laacibka Manchester United qadka dhexe uga dheela ee Paul Pogba u magacaawday safiirka kooxda Kubadda Cagta haweenka ee dalkaasi. Magacaabista Yeo Moriba ayaa imanaysa kadib markii ay kulan wada qaateen iyada iyo Mamadou Antonio Souare oo ah madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta ee dalkaasi. Souare ayaa ku raja weyn in Paul Pogba iyo mataanayaasha la dhashay ee Florentin iyo Mathias ay hooyadood ka caawin doonaan shaqadeeda cusub. Moriba qudheeda ayaa waxa ay ka mid ahaan jirtay kooxda haweenka qaranka ee Guinea. “Waxa aan ku faraxsanahay tallaabada ay qaadeen xiriirka Kubadda Cagta iyo madaxweynahooda ayay tiri Moriba,” Florentin iyo Mathias oo labaduba u soo cayaaray kooxda Syli Nationale ayaa waxa ay ku dhasheen dalka Guinea ka hor inta Moriba aysan u guurin Faransiiska oo ah halka Paul Pogba ku dhashay. Florentin ayaa markii ugu dambeeysay u cayaarayay kooxda Genclerbirligi oo ka dhisan dalka Turkiga, halka Mathias oo ah weeraryahan uu haatan u dheelo naadiga Tours oo ka dhisan dalka Fransiiska. Kooxda Qaranka Haweenka ee Guinea ayaanan waligood usoo gudbin Koobka Qaramada Afrika iyo Olimbikadaba. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday fariisin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Biyo Dageenka ee degmadaasi. Dagaalyahanno la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa soo qaaday weerarkaasi, waxaan xigay dagaal fool fool ah oo ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Mas’uuliiyiin ka tirsan maamulka degmada Heliwaa oo la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladda baaritaano kooban ay ka sameeyeen gudaha degmadaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-050119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article