-
Content Count
207,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, ismarin waaga Xisbiyada, Miisaaniyaddii Qaranka ee ay ansixiyeen iyo qodobo kale. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, uu hadalkiisi ku bilaabay “Markii hore labada Xisbi ee Mucaaradka ah ayaa is raacsanaa, oo Dawladda u soo jeediyey arin ay ka midaysan yihiin, oo ah in sida Komishanka loo soo xulayo ay noqoto si siman oo cadaalada ah, dabadeed tiiba la waayey, waxaanada mooda in labadii Xisbi Mucaarad ay tihii ku kala baxeen, oo Xisbigii Mucaaradka ahaa ee UCID ayaa Xisbigii Kulmiye raacay, inkasa oo ay imika Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay isku aragti noqdeen, haddana Xisbiga Waddani uu diiday, arintiina waa lagu kala kaxay, goor dambe oo la isku soo noqon doonana garan mayno, Xisbi Waddani, wuxuu taagan yahay mar haddii la wada qabanayo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada oo isa saaran, waa in Komishanka nidaamkiisa wax laga bedelaa, waayo markii hore ayuu mad-madaw ku jiray, halka ay Xisbiyada kalena fikir kale ay soo jeediyeen”. Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Somaliya iyo Somaliland ayaa yidhi “Somaliland iyo Somaliya waa kala taariikh, Somaliland taariikh u gooniya ayey leedahay, Somaliya taariikh u gooniya ayey leedahay, Somaliland iyada ayaa ka dawlad ah Baddeeda iyo Xadkeedaba, haddii ay Shirkado tahayna Somaliland baa liisan ay ku fasaxayso siinaysa, laakiin waa sharci daro inay Somaliya ku soo xad gudubto Somaliland, isla markaana sheegato”. Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan ayaa isna isagoo ugu horeyn ka hadlaya Xisbiyada yidhi “Marka ay Doorasho dhici weydo sharci iyo nidaam ayaa ka yaala, oo Dastuurka ayey ku qoran tahay, haddii ay Doorashaduna ku dhici weydo xilligeeda oo Komishanku caddeeyo, oo uu Madaxweynaha u soo qoro, Madaxweynaha isna waxaa ku waajib ah oo laga rabaa inuu warqad u qoro Guurtida, Guurtida ayaana hawshan iska leh oo Dastuurku gaar u siinayaa, hawsha ay Guurtidu xaq u leedahay xaq maaha in suuqa lagu hayo, oo Axsaab iyo dad kale ay suuqa ku haystaan, wax Dastuurkia waafaqsan iyo meel ay kaga qoran tahay inay Axsaabtu arinkan galaan xaq uma leh”. Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya Xamar gudaheeda ayey xukumi kari ladahay, markaas ayey Somaliland isku soo qaadaysa, hore ayaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, Dawladda Somaliyada iyada oo hanan karin weyday oo sugi kari weyday amaanka Xamar, may ahayn inay isku soo qaato dal iyo dad aanay ka talin, Shirkaddaha ay heshiiska kula gashay Dawladda Somaliya Baddeenana ma iman karan, mana soo gali karaan xadkeena” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, ayaa dhinaca kale waxay ka hadleen Miisaaniyadda Qaranka, ee dhawaan Golahoodu ansixiyey, iyagoo ahaa Xildhibaandii sida adag uga soo hor jeestay, dooda adagna ka dhiibtay, waxayna se xuseen in Cashuurihii ay ka saareen Miisaaniyadda, oo lix Wasaaraddood soo gudbiyeen, inay ahaayeen Cashuuro sharci daro ah oo umadda culays ku ah, waxay kale oo ay tilmaameen in wax aad loola yaabo iyo khalad ahayd in Miisaaniyadda laga reebo Dekadda Berbera iyo Saldhiga Milatari ee isla Berbera. Source
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dhaq-dhaqaaqdan oo ah kuwa ka dhan ah Al Shabaab ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanada Kulbiyow iyo Dhoobley ee gobolkaasi. U jeedka howlgalladan Milatari ayaa lagu sheegay mid Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii uu shaaciyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe howlga cusub oo ka dhan ah Dagaalyahannada Al Shabaab. The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan Oo ka socda gobolka Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii horena ka soo qabtay xil Wasiirnimo, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Muuse Biixi inay yidhaahdaan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu xusay inay Xisbiyada Mucaaradku mar walba dantada umadda inay ka talinayaan, ee fooda iyo xumaan aanay rabin. Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabay, oo layaab igu noqday in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda inay yidhaahdan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu leenahay dalka Mucaarad uu ka jira, oo Xisbiyo Mucaarad dalka wey ka jiraan, laakin waxaa hubaal ah inay Mucaaradku dadkooda u tudhayaan, ee Wasiiradda Muuse Biixi dib ha iskugu noqdaan, oo waxay ku hadlayaan ha ka fiirsadaan, Xisbiyada Mucaaradku qas iyo buuq inay abuuran diyaar uma ah, laakiin inay wax toosiyaan ayey diyaar u yihiin, Xisbiyada Mucaaradku nabad iyo xasilooni ayey wax ku doonayaan, xabad waxba ku dooni mayaan”. Siyaasi Baashe mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, waa Xisbiga ugu balaadhan dalka, haddana waa Xisbiga ugu da’da yar,Xisbiga Waddani, waxaa iskugu yimid labeentii iyo wax-garadkii iyo Siyaasiyiintii Somaliland, waana Xisbi mar walba dadkiisa u tudhaya”. Dhinaca kale wuxuu ku taliyey in mar walba dantada qaranka laga wada shaqeeyo, oo nabadgalyada ilaalinteeda meel looga soo wada jeesto. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo cayrinya dowladda Soomaaliya ee ergeygii QM Nicholas Haysom. Yuusuf Garaad ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay yeelan karto saameyn aan soo daahi doonin, oo ay tahay in Soomaaliya ay u diyaar garowdo. “Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Waxa uu intaas ku daray “Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo” Guterres ayaa shalay ku dhawaaqy inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, inkasta oo uu sheegay in xeerka persona non grata ee diblomaasiyadda uusan qaban shaqaalaha QM. Waxa uu yiri “waxaa iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida” “Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta heshiis horudhac ah laga gaaray colaad Beeleedyadii maalmihii la soo dhaafay taagnaa agagaarka deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduuud. Shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, islamarkaana ay garwadeen ka aheyd DFS ayaa lagu gaaray heshiiskaasi. C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ka soo baxay shirkaasi uu akhriyay Warbaahinta. Hakan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cc.mp3 The post Heshiis horudhac ah Oo laga gaaray colaada Kaxandhaale appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddiga doorashada Puntland ayaa maanta shaaciyay habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo Musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Shuruudaha laga rabo Musharraxiinta ayaa waxaa ka mid ah in muddo labo sano ah uu Musharruxu ku sugnaa dalka iyo sidoo kale Musharraxa in uu bixiyo Lacag diiwaangelin ah oo dhan 20 kun oo Dollar-ka Mareykanka ah. Sidoo kale Musharraxiinta u taagan Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa waxa ay isku diiwaan galinayaan lacag dhan 10 kun oo Dollar-ka Mareykanka ah. Doorashada ayaa la sheegay inay dhaceyso siddeeda bishan oo ku beegan Talaadada soo socota, iyadoo todobada bisha ay tahay maalinta hadal jeedinta ee Musharraxiinta. In ak badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkan, kuwaas oo haatan Olole xoogan ka wada deegaanada maamulkaasi. Hakan hoose ka Akhriso:- The post Shuuradaha doorashada Puntland Oo la shaaciyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Washington ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Mareykanka ayaa beenisay warar ay warbaahinta baahisay oo sheegayay in ay dhimayaan howlgalka Milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Candice Tresch oo ah afhayeen u hadashay Aqalka Pentagon ee Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jirin wax isbedal ah oo ku yimid howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya. Afhayeenka ayaa xustay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana ay sii wadi doonaan duqeymaha ay la bartilmaameedsadaan Al Shabaab Aqalka Pentagonka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in 47 duqeymo diyaaradeed ah ay ka fuliyeen qaeybo ka mid ah Soomaaliya sanadkii hore ee 2018-ka. Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada dhinaca diyaaradaha ee uu ka geysto deegaano ku yaalla koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay sheegaan in ay ku bartilmaameedsadaan Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 500 oo Askari oo howl ka fuliya qeybo ka mid Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Al Shabaab. The post Mareykanka Oo beeniyay in uu dhimayo howlgalkiisa Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Puntland Presidential electoral committee has tabled new conditions on candidates participating in the upcoming presidential elections. More than 25 candidates who have shown their bid to take part in the regional leadership position are required to fulfill conditions set by the committee before January 8th democratic exercise. According to a statement, the contenders who will address the regional parliament on Monday 7th must be practicing Muslim, aged 40 years and above, not married to a foreigner, and deposit $ 20,000 non-refundable fee for registration. Candidates vying for deputy president must also pay $10,000 non-refundable fee. According to the committee, three candidates with highest votes will proceed to the next round of the elections slated on Tuesday next week. Sixty-six regional parliament members will decide who will be the next regional leader for the future leaders. The lawmakers of Puntland regional assembly have elected Abdihakim Mohamed Ahmed Dhobo Dareed as the new speaker of the state’s assembly on Friday after two rounds of voting in Garowe, the administrative capital of Puntland state. Abdihakim secured 43 votes out of 66, defeating his adjacent rival, Abdi Jamal who garnered 23 votes. The post Puntland presidential electoral committee set conditions for candidates appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ee maanta la magacaabay ayaa soo saaray hab-raaca iyo shuruudaha doorashada madaxweynahaa iyo madaxweyne ku xigeenka. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in murashixiinta madaxweynaha laga doonayo in ay bixiyaan $20 kun oo Dollar lacagta diiwaan-gelinta ah,halka murashixiinta madaxweyne ku xigeenka ay bixinayaan $10 kun oo Dollar. Shuruudaha guddigu soo saaray ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in murashaxu uu labadii sano ee u dambaysay dalka joogay iyo in uusan hore u gelin khiyaano-Qaran,islamarkaana uu saxiixo qoraalka guddiga ee dhigaya in uu ku qanco natiijada doorashada,haddii uusan qoraalka saxiixin kama qeyb geli doono doorashada. Maanta oo ah sabti 12:00 duhurnimo ayaa la qabanayaa diiwaan-gelinta murashixiinta iyadoo soconaysa ilaa maalinta berri oo axad ah 16:00 galabnimo,waxaana khudbaduhu bilaabanayaan maalinta isniinta ah oo taariikhdu tahay 07/01/2019 07:30 subaxnimo, Musharixiiba wuxuu khudbaynayaa 15 daqiiqo keliya. Maalinta talaada oo taariikhdu tahay 08/01/2019 07:30 subaxnimo ayaa doorashadu dhacaysaa,iyadoo wareega koowaad ay u soo baxayaan saddexda murashax ee ugu codka badan,halka wareega saddexaad uu noqon doono cod dheeri,sida ay guddigu sheegeen. Halkaan ka akhriso shuruudaha iyo hab-raaca doorashada PUNTLAND POST The post Shuruudaha iyo hab-raaca doorashada madaxtinimada Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageyso:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-050119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sharuudaha doorashada madaxweynaha Puntland oo la shaaciyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SL-T Garowe )-Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa shaaciyay sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Musharaxii u tartamaya Madaxweynaha cusub ee Puntland laga rabo lacag dhan 20,000 $ ,isla markaana Musharaxii u tartmaya Madaxweyne kuxigeenka Puntland laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 10,000 oo doolar. Guddigan ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 8 Janaayo, waxaana u taagan musharixiin badan oo ka badan 25 musharax. Hoos ka akhriso sharuudaha musharixiinta Source -
Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii horena ka soo qabtay xil Wasiirnimo, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Muuse Biixi inay yidhaahdaan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu xusay inay Xisbiyada Mucaaradku mar walba dantada umadda inay ka talinayaan, ee fooda iyo xumaan aanay rabin. Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabay, oo layaab igu noqday in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda inay yidhaahdan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu leenahay dalka Mucaarad uu ka jira, oo Xisbiyo Mucaarad dalka wey ka jiraan, laakin waxaa hubaal ah inay Mucaaradku dadkooda u tudhayaan, ee Wasiiradda Muuse Biixi dib ha iskugu noqdaan, oo waxay ku hadlayaan ha ka fiirsadaan, Xisbiyada Mucaaradku qas iyo buuq inay abuuran diyaar uma ah, laakiin inay wax toosiyaan ayey diyaar u yihiin, Xisbiyada Mucaaradku nabad iyo xasilooni ayey wax ku doonayaan, xabad waxba ku dooni mayaan”. Siyaasi Baashe mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, waa Xisbiga ugu balaadhan dalka, haddana waa Xisbiga ugu da’da yar,Xisbiga Waddani, waxaa iskugu yimid labeentii iyo wax-garadkii iyo Siyaasiyiintii Somaliland, waana Xisbi mar walba dadkiisa u tudhaya”. Dhinaca kale wuxuu ku taliyey in mar walba dantada qaranka laga wada shaqeeyo, oo nabadgalyada ilaalinteeda meel looga soo wada jeesto. Qaran News
-
TMUCJISOOYINKA LIIN-DHANAANTA waa daawo aan laga heli karin dhakhtarada. Qalinkii Cabdi Cawiye 1. Hagaajinta dheefshiidka. Biyaha liin dhanaantu waxay dajisaa oo ay si fiican uga shaqaysiisaa dheef shiidka ama ridqida cunta aad cuntay waxayna kasaartaa caloosha wixii khalkhal ah ee Ku yimaada sida:- Daacada badan Calool istaaga Iyadoo daweysa nabarada caloosha kana disha bacteeriyada iyo noolayaasha il ma aragtayga ah ee dhaawaca xubnaha bani-aadamka. Waxay jidhka ka saartaa yalaalugada ama labalabada. 2. Dheelitirka Heerka phka Liintu waa nooc kamida cuntooyinka loo yaqaano ALKALIZING FOODS ee jidhka.Asal ahaan waxay ka samaysan yihiin acid laakiin maaha acid jidhka gudihiisa waa alkaline. Liinta waxa Ku jira maadooyinka CITRIC ACID iyo Ascorbic acids. Aysidha ( acid) dhex gashay jidhka ee liin dhanaantu waxay la dagaalamaan madooyinka aysiidhleyda ah (Acidity ) ku waasoo keena cuduro faro badan sida cudurada ku dhaca isgoysyada ama laabatooyinka lafaha iyo qaar kaleba. 3. kor u qaadida difaaca jidhka. Biyaha liin dhanaanta waxaa aad ugu badan oo ay hodan ku tahay maadada loo yaqaano VITAMIN C. Vitamin c wuxuu kor u qaadaa soo saarista unugyada cadcad ee dhiiga. waxaa hubaala cabitaanka biyaha liin dhanaantu inay awood dheeraada siinayso unugyada difaaca jidhka. 4. ka hor taga kansarka (cancer). biyaha liin dhanaanta waxa ku jirta oo kale maadada (citrous liminoids) oo ah maado jidhka meesha dhaawacantay ka ilaalisa inuu teetanada iyo infectionka badan iskuna bedeli kara CANCER. joogtee cabataanka biyaha liin dhanaanta ama shaah bigeyska ama madow ku tuuji jeex liina. 5. la dagaalanka infectionka ku dhaca laabta iyo cunaha. Haddii aad isticmaasho sigaarka ama qaadka waa xaqiiqa inaad leedahay xanuun saableyda ah sida neefta oo kugu culus sambabo xanuun laabta oo ku damqata haddaba si aad uga bogsooto idamka ALLAH waxaad isticmaashaa biyaha liin dhanaanta subaxii tuuji xabad liina ama lababa koob biyo ah ku dar sonkor ama malab ku dar hal malqaacad ama qaado deedna cab waxaad dareemi nafis iyo daganaan xaga laabta aha. 6. Ka hortaga ama hoos u dhiga xanuunka MACAANKA Waxaa liin dhanaanta ku jirta maado loo yaqaano bioflvonoid waana maadada midabka huruuda ah u samaysay liinta dhanaanta. Bioflovonoid waxay kor u qaadaa maadada la yidhaahdo INSULIN oo ah maadada hoos u dhigta sonkorta soo gasha jidhka taasoo hadii la ay daciifto aynu nidhaa qofkaa macaanbuu leeyahay. sidaa daraadeed qof macaanka leh waxa haboon inuu hal xabo ama jeex liina ku tuujiyo biyo diiran subaxdii inta uuna wax kale afka galina uu cabo. Qofka aan lahayna waxay u noqonaysaa ka hortag buuxa oo macaanka aha. haddii aad jeceshahay maqaalada cuntooyinka wadankeena laga iyo faaiidadooda fadlan waad ii sheegi. XUQUUDA QORAALKU WAXAA ISKA LEH Cabdi Cawiye Ismacil Guntigaab +252634115877 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkad Caalami ah oo lagu magacaabo MAERSK LINE ayaa ka shaqo bilaabeyso dekada magaalada Muqdisho, sida maamulka dekada Muqdisho ay sheegeen. Shirkadaasi ayaa ka shaqeysa daabulida kunteenarada maraakiibta saaran, waxaana laga leeyahay dalka Denmark, iyada oo ka shaqeysay wadamo badan oo caalami ah. Maanta ayuu Markabkeeda ugu horeeya ku soo xiranayaa dekadda Xamar, waxaana shirkadda ay ka howlgashaa in ka badan 130 wadan, sida lagu sheegay warbixinta maamulka Dekadda. Qoraal kasoo baxay maamulka dekada magaalada Muqdisho ayaa u qornaa sidan: Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl bilabeyso maanta oo ah 5th Janaayo 2019ka Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan. Imaashiyaha Markabka ugu horeeyay ee Shirkadda MAERSK LINE oo Xarunteeda tahay Dalka Denmark waxay ifafaalo muuqdo u tahay Kobaca Dhaqaale ee Dalka iyo sida Dunida diyaar ugu tahay in ay la Ganacsadaan Soomaaliya. Ayadoo la rajaynayo Shirkadaha kale sida Evergreen, China Shipping Line iyo kuwa kale ay yimaadaan Dekedda Muqdisho dhamaadka Sanadkan. Ka Howlgelida Shirkadda MARESK LINE Dekedda Muqdisho muddo dheer ka dib- Burburkii heyádaha dowladda ayaa waxay Astaan u tahay Horumarka Dhaqaale & Amni uu ku tilaabsaday Qaranka Soomaaliyeed ayadoo horay uga howlgeli jireen Dekedda Muqdisho Shirkadaha MSC iyo CMA-CGM oo ah Shirkadaha ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida. Maraakiibta Shirkadda MARESK LINE oo si joogto ah uga howlgeli doonta Dekedda Muqdisho waxay fursad u tahay Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay si fudud ugu dhoofiyaan Dunida Dacaladeeda wax soo saarka Dalka, kana soo Dhoofsadaan Badeecadaha Dhammaan Daafaha Dunida si fudud. Imaanshaha Sharikadda MAERSK ee Dekedda Muqdisho waxey fureysa tartan dhaqaale taa oo horseedi doonto in qiimaha wax dhoofinta iyo soo dejinta ay hoos u dhacan waana guul u soo hooyatay dadaalka dhaqan-dhaqaale ee Dowladda Federaalka iyo ganacsiga Soomaaliyeed eek u wajahan dib-u-dhiska dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com