Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa waxaa uu maanta magacaabay guddi xaqiiq raadis ah oo soo baraa rabashadihii Baydhabo ka dhacay 13-15-kii bishii hore. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaaney warqadda ku qorneyn Mandate ama awood gaar ah oo la siiyey si ay howlaha u gutaan. Nicholas Haysom, ergeyga qarmada midoobey ee Soomaaliya ayaa horay uga codsaday dowladda federaalka ah inay baarto dhacdada Baydhabo, laakin Muqdisho waxaa ka dalbatay inuu dalka ka baxo. Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa lagu doortay doorasho muran badan ka dhashay oo ka dhacy Baydhabo 19-kii December 2018. Akhriso: Source: goobjoog.com
  2. Murashax Siciid Cali Axmed (Qurbaawi) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay, in uu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinimada Puntland. Mudane Qurbaawi ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay ku sheegay, in uu u tanaasulay murashaxa kale ee lagu magacaabo,Cali Ciise Cabdi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland. Wuxuu sheegay in doorashadii Guddoonka Baarlamanka ee shalay ay muujisay, is-beddel ku soo wajahan Puntland,taasinay ay ku dhalisay in uu is-beddelka u hiilliyo,sida uu hadalka u dhigay. Waa murashaxii labaad ee ku dhawaaqa in uu u tanaasulay Dr Cali Ciise,iyadoo saaka uu sidaan oo kale sheegay saadiq Eenow,hase yeeshee labada nin ee tanaasulay ayaa loo arkaa kuwa aan wax saamayn ku lahayn doorashada madaxtinimada Puntland. PUNTLAND POST The post Murashax kale oo ka tanaasulay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. (SL-T Tuka-raq) War Deg Dega:Ciidamadii Ugu Tirada Badna Ee Kasoo Goosta Maamulka Puntland Oo Soo Gaadhay Somaliland+Gaadiid Iyo Saanad Miletry Oo Ay Soo Bandhigeen . Ciidamadii Ugu Tirada Badna Ee Kasoo Goosta Maamulka Puntland Ayaa Goor Dhoweyd Soo Gaadhay Xuduuda Somaliland,Waxaana Ciidamadaasi Soo Dhoweeyey Saraakiil Sar Sare Oo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Ciidamadan Kasoo Goostay Maamulka Puntland Ayaa Isugu Jira Maleeshiyo Beeleedo Iyo Ciidamo Gadoodsan Kuwaas Oo Mudo 8 Bilooda Aan Qaadan Wax Mushahara. Sida Uu Sheegay Sarkaal U Hadlay Ciidamadaasi Ilo Xog-Ogaala Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Ciidamadani Lasoo Goosteen Gaadiid Dagaal,Iyo Saanad Mlatery,Ciidamadan Ayaa Loo Soo Gudbiyey Dhanka Somaliland Waxaana La Filaya In Saacadaha Soo Socda Loosoo Bandhigo Warbaahinta Source
  4. Garbahaarey (Caasimada Online) – Shir muddo ku dhow toddobaad magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo uga socday dhaqanka beesha Sade, ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray go’aanno saameyn xooggan ku leh beesha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Jubaland. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka kadibna arag sawirrada shirka oo ku xiga. WAR-MURTIYEED Shirka Dhaqanka Beesha Sade ee Jubbaland Garbahaareey, Xarunta Gobolka Gedo Tr; 05/01/2019 Ayada oo la tixgalinayo duruufaha siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaanna Dowlad Gobaleedka Jubaland, ayaa odayaasha dhaqanka beesha Sade waxay shirweyne isugu yimaadeen Xarunta Dhaqanka Sade ee ku taal caasimadda gobalka Gedo ee Garbaharey. Shirka oo socday mudda asbuuc ah (30/12/ 2018 – 05/01/2019) ayaa waxaa kasoo qayb galay ergo ballaaran oo matalaysay dhammaan beelaha Sade ee Jubaland, kuwaas ka kala yimid degmooyinka gobalka Gedo, Kismaayo, Muqdisho iyo dibadda dalka. Shirka oo uu shir-guddoominayay Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqanka, amniga, siyaasadda iyo adeegyada bulshada ee guud ahaan Jubaland iyo, gaar ahaan, gobalka Gedo waxana laga soo saaray qodobada hoos ku xusan: 1) Arrimaha dhaqanka A. Dhismaha Golaha Guurtida Beesha Sade ee Jubaland: Shirka wadatashiga dhaqanka Beesha Sade waxuu hoosta ka xarriiqday doorka hoggaamineed ee uu dhaqanku ku leeyahay gudaha bulshada, sidaa daraadeed, ergadu waxay go’aamisay in si deg deg ah loo dhiso gole guurte oo ay ku midaysanyihiin dhammaan jilibyada ay ka koobantahay beesha Sade Jubaland, golahaas oo uu guddoomin doono ugaaska guud ee beesha Sade; Ugaas Maxamad Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi. B. Xarunta Dhaqanka ee Jubaland: Waxaa caasimadda gobalka Gedo ee Garbaharey laga asaasay Xarunta Dhaqanka Jubaland, taas oo si buuxda u taageeri doonta dhammaan hawlaha dhaqanka, guud ahaan, Jubaland iyo, gaar ahaan, gobalka Gedo, kana shaqayn doonta cilmi-baarista, tababaridda, talasiinta, iyo fududeynta arrimaha dhaqanka. C. Baaq ku Socda Dhaqanka Jubaland iyo midka Soomaaliyeed: Ergada dhaqanka Sade waxay ugu baaqaysaa hoggaannada dhaqanka Jubaland iyo Soomaaliya in ay midoobaan isla markaana si buuxda u qaataan doorkooda hoggaamineed ee bulshada si dalka si wadajir ah looga saaro duruufaha dhaqan, amni iyo siyaasadeed ee ku xeeran. 2) Dib u heshiisiinta Bulshada Si loo xaqiijiyo wadajir, nabad waarta, wax-wada-qabsi iyo horumar, waxay ergada shirka go’aamisay in la sammeeyo dib-u-heshiisiin bulsho oo dhammaystiran, waxuna shirku isku raacay Qodobada hoose: A. In si shuruud la’aan ah ay beelaha Sade isaga cafiyaan dhammaan tabashooyinki ka dhex jiray, lana furo bog cusub oo nabadeed iyo midnimo si loo gaaro horumar iyo barwaaqo. B. In xoogga la saaro xaqiijinta himmilada mustaqbal wanaagsan iyo aaya-ka-tashiga beesha Sade Jubaland ee aanan diiradda la saarin dhaliilihii ka dhashay dhacdooyinki siyaasadeed iyo kuwii bulsho ee horey u dhacay. C. In La qabto shirwayne dib u heshiineed muddo laba bilood gudahood ah, kaas oo ay kasoo qayb gali doonaan dhamaan dhaqanka beesha Sade iyo midka beelaha kale ee Jubaland si loo xoojiyo wadajirka dhaqanka Sade, loona mideeyo hoggaan dhaqameedka beelaha walalaha ah ee wada daga deegaanada jubbaland. D. In maamulka Jubaland ee hadda jira lagula xisaabtammo dhaqan gelinta qodobka 8aad ee heshiiski dhexmaray beesha Sade iyo maamulka Jubaland 25ki Maarso, 2016, kaa oo xusayay “In la dhiso guddi gaar ah oo baaris ku sammeeya waxii tacaddiya ahaa ee dhacay naf iyo maalba intii uu khilaafku jiray (Kismaayo), mudda koobanna kasoo tala-bixiya sidii loo xallin lahaa”. Sidoo kale, in hoggaanka sare ee Jubaland lagula xisaabtammo guud ahaan 10-kii qodob ee heshiiskaas oo ilaa iyo iminka aanan waxba laga qaban. E. In, mustaqbalka, la kobciyo hab-dhaqanka dulqaadka, wada-noolaanshaha, tanaasulka iyo wadahadalka ku aaddan xallinta wax kaste oo khilaaf ah ama tabasha ah, si joogta ahna loo qabto madallo, dood-wadaagyo iyo tababarro sare u qaadaya wacyiga dhaqanka. 3) Adeegyada Bulshada Si loo helo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta bulshada, waxu shirku isku raacay in la dardar geliyo horumarka iyo waxqabadka bulshada lagana hortago wax kaste oo curyaamin kara, waxana lagu heshiiyey: A. Ayada oo loo marayo habka la-xisaabtanka iyo cadaadiska ururada rayidka iyo hoggaanka dhaqanka, in laga dalbado cid kaste oo ay qusayso horumarinta iyo fulinta adeegyada bulshada ee asaasiga ah, ayada oo lagula xisaabtamayo xilka iyo waajibaadka ka saaaran daryeelka dadka iyo dalka, gaar ahaan maamulka Jubland, dowladda federaalka ah iyo dan-wadaagta kale. B. In la abuuro jawi suuragaliya horumarinta deegaannada Gedo, lana xoojiyo kaabayaasha nabadda, xasilloonida iyo maamul-wanaagga si loo dhiiragaliyo isu socodka ganacsiga, maal-gashiga, shaqo abuurka iyo kaalmada dibadda. C. In la abuuro hababka iskaa-wax-u-qabso iyo isxilqaan bulsho, lana yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka, ayada oo badalkiisa la dhiiragalinayo ka faa’iidaysiga khayraadka gudaha iyo tammarta iyo tayada dadka, gaar ah da’yarta wax baratay. 4) Arrimaha Siyaasadda 1. Dhismaha Golaha Deegaanka Si loo helo Maamul u adeega dadka, haystana kalsoonida bulshada, waxay ergada shirweynaha dhaqanka ku heshiisay qodobadan: A. In si deg deg ah loogu dhiso degma kaste oo ka mid ah maamulka Jubaland gole deegaan oo lagu doortay hab xor iyo xalaal ah, ayada oo loo marayo nidaam daah-furan oo ay ka wada qayb galayaan dhammaan beelaha daggan degmooyinka kala duwan ee Jubaland. Golahaas ayaa ay tahay in ay soo doortaan guddoomiyayaasha/meeyarrada degmooyinka, taas oo meesha ka saaraysa maamullada lasoo magacaabay ee mudda dheer ragaadiyay horumarka dadka iyo deegaanada Jubaland. B. Shirku waxu ogaaday in horay loo diyaariyay sharciyaddii, habraacyadi iyo dhaqaalihi ku bixi lahaa dhisamaha golaha deegaanka Jubaland, haseyeeshee, maamulka Jubaland uu si ulakac ah isu hortaagay. Sidaa awgeed, ergadu waxay ku adkaynaysaa cid waliba oo ay qusayso, sida maamulka Jubalad, dowladda federaalka iyo taageerayaasha kale in xannibaadda laga qaado dhismaha golaha deegaanka Jubaland sida ugu dhaqsaha badan, lalana xisaabtammo shakhsiyaadka caqabadda ku ah. C. Si loo tix-galiyo saami qeybsiga deegaannada Jubaland, waxay ergadu ku heshiisay in laga dhabeeyo heshiiski ay beesha Sade iyo maamulka Jubaland wada gaareen 25ki Maarso, 2016 kaas oo qodobkiisa 5aad si cad ugu qeexayay “In la dhammaystiro habraaca sharciyeed ee degmada Buurdhuubo, iyadoo la waafajinayo dastuurka Jubaland”. Sidaa si la mid ah, waxay ergadu hoosta ka xarriiqday in magaalada Ceelcadde ee gobalka Gedo ay tahay degmo ayada oo la eegayo aqoonsiga dowladeed ee ay horay u heshay, muhiimadda ay magaala ahaan ku fadhido iyo halka ay kaga taal gobalka, sidaa awgeed, ergadu waxay isku raacday in Ceelcadde la waafijiyo habraaca sharciyadeed ee ay uga baahantahay dowlad-gobaleedka Jubaland si ay u hesho saami-qeybsiga ay xaqa u leedahay. D. Marka maamulada la dhisayo, in mudnaan gaar ah la siiyo hoggaanka dhallinyarada wax baratay ee u dhashay deegaanada Jubbaland, gabdho iyo wiilal intuba, si looga faa’iideysto aqoontooda iyo kartidooda. 2. Ilaalinta Amniga iyo Sarreynta Sharciga Iyada oo la ogyahay in horumar kaste uu ku xiranyahay xasillooni waarta iyo amni, lana gar-waaqsanayo mowqica Juquraafi ee ku teedsan xuduudaha uu dhaco maamul goboleedka Jubbaland, ayaa waxay ergadu isku raacday arrimaha hoose: A. In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada qayb-qaadataan sugidda amniga, wax kastana laga hormariyo xasilloonida. B. In sugidda amniga xuduudaha ay tahay masuuliyad heer qaran sida ku xusan Q.54-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka, loogana fadhiyo dowladda federaalka ee Soomaaliya in ay qaadato doorka kaga aaddan arrintan, C. In xoreynta deegaanada aan ku jrin gacanta dowlad-gobaleedka jubbaland ay tahay waajib iyo masuuliyad wadareed, sida gobolka Jubbada dhexe oo guud ahaan ay kooxda Al-shabaab ka taliso, D. In aan sinnaba la ogalaan doonin in Jubbaland ay hoy u noqoto ururro raba in ay qalqal galiyaan amniga dalka iyo midka deegaanada Jubbaland. Sidoo kale, in aanan la aqbalin in shakhsiyaad gaar ah ay ku amar-taagleeyaan amniga iyo talada gobalka iyo midda Jubaland, kana ilaaliyaan wax kaste oo deeganada u keeni lahaa midnimo, tala-wadaag iyo maamul-wanaag, ayaga oo ku qatalmaya awood ciidan iyo sharci-jabin joogta ah. 3. Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Doorashada Ayada oo la dhawrayo dastuurka jubbaland, midka faderaalka iyo rabitaanka bulshada ee ku aadan doorasho hufan, dhacdana waqtigii loo asteeyay, waxay ergada dhaqanka beesha Sade isku raacday arrimaha soo socda:- A. In qeybsiga xildhibaanada jubbaland ee loo madlanyahay 15-04-2019 lagu saleeyo degmooyin. B. Waxay ergadu digniin adag ka bixisay, hoostana ka xarriiqday in aan marnaba la aqbali karin kaligii-talisnimo iyo go’aan koox yar u gaar ah oo lagu abuurayo xildhibaan-ku-sheegyo gacan-ku-kusamays ah, taasi oo hareer-marsan dastuurka faderaalka, midka jubbaland iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, waxana cawaaqib xummada ka dhalata qaadan doona cid kaste oo isku dayda. C. In Xeerka lagu dhisayo guddiga doorashooyinka uu yahay mid aan caddayn. lagana tala-galin bulshada iyo kooxaha siyaasadda ee dowlad-gobaleedka jubbaland, waxayna ergada shirka go’aamisay in aan marnaba la aqbali doonin guddi iyo habraac doorasho oo hareer marsan tilmaamaha guddiga doorashada ee ku xusan Q.93-aad ee dastuurka KMG ah ee Jubbaland. Gabagabo Ugu dambeyn, ergada dhaqanka beesha sade ee Jubbaland waxay ku wargalinaysaa dowladda federaalka ah, dowlad goboleedka Jubbaland iyo cid kaste oo danaynaysa arrimaha Jubbaland in ay ergadu diyaar u tahay in ay door shariif ah ka qaadato wax kaste oo karaankooda ah oo ku aaddan samata-bixinta iyo horumarinta bulsho, siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Jubaland. Sidoo kale, ergada dhaqanka Sade waxay ugu baaqaysaa qaybaha kor ku xusan in iyaguna ay kaalintooda ka qaataan xal-u-helidda duruufaha ku xeeran Jubaland ee ku xusan war-murtiyeedkan si ay ku dheehantahay masuuliyad, hufnaan iyo ilaalinta danta guud ee diinta, dadka iyo deegaannada Jubaland, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee ay Jubaland wajahayso. Ergada Dhaqanka Beesha Sade ee Jubbaland ……………….Dhamaad……………… Fadlan waxii talo iyo tusaale ah kusoo aaddi: Tell: +252615604093 E-mail: dhaqan.sade@gmail.com
  5. Madaxweyne Gaas ayaa maanta madaxtooyada ku qaabiley gudoonka cusub ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland ee shalay la doortay. Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay gudoonka cusub [...] Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah hal-abuurada da’ada yar ee reer Somaliland. Ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr balse warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in loo xidhay qoraalo uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay bartiisa Facebook-ga. Maaha markii ugu horraysay ee la xidho Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr balse waxa jiray marar hore oo la xidhay iyada oo lagu soo eedeeyay qoraalo faafiyay. Ciidammada boolisku wali kama hadal sababta rasmiga ah loo xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr. Wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr kala soco halkan Source
  7. (SL-T Burco) Taliye kuxigenka guud ee ciidamada Asluubta Somaliland sareeyo Guuto Xasan Cali Cawed ayaa kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada Burco. Source
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa Sabtida maanta ah kulan la qaatay,Guddoonka cusub ee Golaha wakiilada oo shalay la doortay. Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka cusub ee Baarlamanka Puntland, maalin kadib markii la doortay. Madaxweynaha ayaa Guddoonka kula dardaarmay, in ay ka shaqeeyaan caddaalad iyo hufnaan,maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacabweynaha Puntland,sida lagu sheegay qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddoonka cusub ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  9. Ciidamada amniga ee gobolka Bari ayaa kaantaroolka Bosaaaso waxa ay ku qabteen Qamri farabadan oo laga keenay dalka Itoobiya sida ay sheegeen maamulka gobolka Bari [...] Source
  10. Siciid Cali Axmed Qurbaawi oo ka mid ahaa Musharaxintii u loolamaysay doorashada Puntland ee 8 Janaayo ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa . [...] Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Xamartu U Leedahay Beerka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, ismarin waaga Xisbiyada, Miisaaniyaddii Qaranka ee ay ansixiyeen iyo qodobo kale. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, uu hadalkiisi ku bilaabay “Markii hore labada Xisbi ee Mucaaradka ah ayaa is raacsanaa, oo Dawladda u soo jeediyey arin ay ka midaysan yihiin, oo ah in sida Komishanka loo soo xulayo ay noqoto si siman oo cadaalada ah, dabadeed tiiba la waayey, waxaanada mooda in labadii Xisbi Mucaarad ay tihii ku kala baxeen, oo Xisbigii Mucaaradka ahaa ee UCID ayaa Xisbigii Kulmiye raacay, inkasa oo ay imika Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay isku aragti noqdeen, haddana Xisbiga Waddani uu diiday, arintiina waa lagu kala kaxay, goor dambe oo la isku soo noqon doonana garan mayno, Xisbi Waddani, wuxuu taagan yahay mar haddii la wada qabanayo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada oo isa saaran, waa in Komishanka nidaamkiisa wax laga bedelaa, waayo markii hore ayuu mad-madaw ku jiray, halka ay Xisbiyada kalena fikir kale ay soo jeediyeen”. Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Somaliya iyo Somaliland ayaa yidhi “Somaliland iyo Somaliya waa kala taariikh, Somaliland taariikh u gooniya ayey leedahay, Somaliya taariikh u gooniya ayey leedahay, Somaliland iyada ayaa ka dawlad ah Baddeeda iyo Xadkeedaba, haddii ay Shirkado tahayna Somaliland baa liisan ay ku fasaxayso siinaysa, laakiin waa sharci daro inay Somaliya ku soo xad gudubto Somaliland, isla markaana sheegato”. Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan ayaa isna isagoo ugu horeyn ka hadlaya Xisbiyada yidhi “Marka ay Doorasho dhici weydo sharci iyo nidaam ayaa ka yaala, oo Dastuurka ayey ku qoran tahay, haddii ay Doorashaduna ku dhici weydo xilligeeda oo Komishanku caddeeyo, oo uu Madaxweynaha u soo qoro, Madaxweynaha isna waxaa ku waajib ah oo laga rabaa inuu warqad u qoro Guurtida, Guurtida ayaana hawshan iska leh oo Dastuurku gaar u siinayaa, hawsha ay Guurtidu xaq u leedahay xaq maaha in suuqa lagu hayo, oo Axsaab iyo dad kale ay suuqa ku haystaan, wax Dastuurkia waafaqsan iyo meel ay kaga qoran tahay inay Axsaabtu arinkan galaan xaq uma leh”. Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya Xamar gudaheeda ayey xukumi kari ladahay, markaas ayey Somaliland isku soo qaadaysa, hore ayaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, Dawladda Somaliyada iyada oo hanan karin weyday oo sugi kari weyday amaanka Xamar, may ahayn inay isku soo qaato dal iyo dad aanay ka talin, Shirkaddaha ay heshiiska kula gashay Dawladda Somaliya Baddeenana ma iman karan, mana soo gali karaan xadkeena” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, ayaa dhinaca kale waxay ka hadleen Miisaaniyadda Qaranka, ee dhawaan Golahoodu ansixiyey, iyagoo ahaa Xildhibaandii sida adag uga soo hor jeestay, dooda adagna ka dhiibtay, waxayna se xuseen in Cashuurihii ay ka saareen Miisaaniyadda, oo lix Wasaaraddood soo gudbiyeen, inay ahaayeen Cashuuro sharci daro ah oo umadda culays ku ah, waxay kale oo ay tilmaameen in wax aad loola yaabo iyo khalad ahayd in Miisaaniyadda laga reebo Dekadda Berbera iyo Saldhiga Milatari ee isla Berbera. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay si kulul ugu jawaabeen hadal xalay ka soo yeedhay Abwaan Laabsaalax iyaga oo digniin u diray isla markaana u caddeeyey in laga rabo cadeymaha eedeymihii uu xalay jeediyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dhaq-dhaqaaqdan oo ah kuwa ka dhan ah Al Shabaab ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanada Kulbiyow iyo Dhoobley ee gobolkaasi. U jeedka howlgalladan Milatari ayaa lagu sheegay mid Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii uu shaaciyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe howlga cusub oo ka dhan ah Dagaalyahannada Al Shabaab. The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan Oo ka socda gobolka Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii horena ka soo qabtay xil Wasiirnimo, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Muuse Biixi inay yidhaahdaan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu xusay inay Xisbiyada Mucaaradku mar walba dantada umadda inay ka talinayaan, ee fooda iyo xumaan aanay rabin. Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabay, oo layaab igu noqday in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda inay yidhaahdan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu leenahay dalka Mucaarad uu ka jira, oo Xisbiyo Mucaarad dalka wey ka jiraan, laakin waxaa hubaal ah inay Mucaaradku dadkooda u tudhayaan, ee Wasiiradda Muuse Biixi dib ha iskugu noqdaan, oo waxay ku hadlayaan ha ka fiirsadaan, Xisbiyada Mucaaradku qas iyo buuq inay abuuran diyaar uma ah, laakiin inay wax toosiyaan ayey diyaar u yihiin, Xisbiyada Mucaaradku nabad iyo xasilooni ayey wax ku doonayaan, xabad waxba ku dooni mayaan”. Siyaasi Baashe mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, waa Xisbiga ugu balaadhan dalka, haddana waa Xisbiga ugu da’da yar,Xisbiga Waddani, waxaa iskugu yimid labeentii iyo wax-garadkii iyo Siyaasiyiintii Somaliland, waana Xisbi mar walba dadkiisa u tudhaya”. Dhinaca kale wuxuu ku taliyey in mar walba dantada qaranka laga wada shaqeeyo, oo nabadgalyada ilaalinteeda meel looga soo wada jeesto. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo cayrinya dowladda Soomaaliya ee ergeygii QM Nicholas Haysom. Yuusuf Garaad ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay yeelan karto saameyn aan soo daahi doonin, oo ay tahay in Soomaaliya ay u diyaar garowdo. “Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Waxa uu intaas ku daray “Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo” Guterres ayaa shalay ku dhawaaqy inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, inkasta oo uu sheegay in xeerka persona non grata ee diblomaasiyadda uusan qaban shaqaalaha QM. Waxa uu yiri “waxaa iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida” “Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta heshiis horudhac ah laga gaaray colaad Beeleedyadii maalmihii la soo dhaafay taagnaa agagaarka deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduuud. Shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, islamarkaana ay garwadeen ka aheyd DFS ayaa lagu gaaray heshiiskaasi. C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ka soo baxay shirkaasi uu akhriyay Warbaahinta. Hakan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cc.mp3 The post Heshiis horudhac ah Oo laga gaaray colaada Kaxandhaale appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SL-T Hargaysa)Wasiirka Arimaha Dibida Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Soo Dhawayn Lagu Qaabilay Source
  19. (SL-T Burco ) caruur yar-yar oo ka yaabiyey bulshada magaalada burco. Source
  20. Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddiga doorashada Puntland ayaa maanta shaaciyay habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo Musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Shuruudaha laga rabo Musharraxiinta ayaa waxaa ka mid ah in muddo labo sano ah uu Musharruxu ku sugnaa dalka iyo sidoo kale Musharraxa in uu bixiyo Lacag diiwaangelin ah oo dhan 20 kun oo Dollar-ka Mareykanka ah. Sidoo kale Musharraxiinta u taagan Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa waxa ay isku diiwaan galinayaan lacag dhan 10 kun oo Dollar-ka Mareykanka ah. Doorashada ayaa la sheegay inay dhaceyso siddeeda bishan oo ku beegan Talaadada soo socota, iyadoo todobada bisha ay tahay maalinta hadal jeedinta ee Musharraxiinta. In ak badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkan, kuwaas oo haatan Olole xoogan ka wada deegaanada maamulkaasi. Hakan hoose ka Akhriso:- The post Shuuradaha doorashada Puntland Oo la shaaciyay appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Wariyaha Puntlandi.com ee magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in maamulka Jubaland maanta ay soo ban dhigeen ciidamadii ugu xooganaa ee ka qayb qaadanaya dagaalka dib [...] Source
  22. Washington ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Mareykanka ayaa beenisay warar ay warbaahinta baahisay oo sheegayay in ay dhimayaan howlgalka Milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Candice Tresch oo ah afhayeen u hadashay Aqalka Pentagon ee Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jirin wax isbedal ah oo ku yimid howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya. Afhayeenka ayaa xustay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana ay sii wadi doonaan duqeymaha ay la bartilmaameedsadaan Al Shabaab Aqalka Pentagonka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in 47 duqeymo diyaaradeed ah ay ka fuliyeen qaeybo ka mid ah Soomaaliya sanadkii hore ee 2018-ka. Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada dhinaca diyaaradaha ee uu ka geysto deegaano ku yaalla koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay sheegaan in ay ku bartilmaameedsadaan Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 500 oo Askari oo howl ka fuliya qeybo ka mid Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Al Shabaab. The post Mareykanka Oo beeniyay in uu dhimayo howlgalkiisa Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Puntland Presidential electoral committee has tabled new conditions on candidates participating in the upcoming presidential elections. More than 25 candidates who have shown their bid to take part in the regional leadership position are required to fulfill conditions set by the committee before January 8th democratic exercise. According to a statement, the contenders who will address the regional parliament on Monday 7th must be practicing Muslim, aged 40 years and above, not married to a foreigner, and deposit $ 20,000 non-refundable fee for registration. Candidates vying for deputy president must also pay $10,000 non-refundable fee. According to the committee, three candidates with highest votes will proceed to the next round of the elections slated on Tuesday next week. Sixty-six regional parliament members will decide who will be the next regional leader for the future leaders. The lawmakers of Puntland regional assembly have elected Abdihakim Mohamed Ahmed Dhobo Dareed as the new speaker of the state’s assembly on Friday after two rounds of voting in Garowe, the administrative capital of Puntland state. Abdihakim secured 43 votes out of 66, defeating his adjacent rival, Abdi Jamal who garnered 23 votes. The post Puntland presidential electoral committee set conditions for candidates appeared first on Shabelle. View the full article