-
Content Count
207,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shaqo la,aantu waamid ka mida caqabadaha caalamiga ah ee haysta bulsho badan oo caalamka ku nool iyadoo ay ku kala badan tahay wadamada caalamka xadiga shaqo la,aaned ee ka jiirta wadamadaas, hadaba xalinta dhibaatadan aan xuduuda lahyn ee saamaysa dhamaan bulshooyinka caalamka waxay dhaqaalayahanada caalamiga ahi ka sameyeen baadhitaano iyagoo oganaya noocyada shaqo la,aaned ee jirta, sababaha keena, yaa loo aqoonsanaya inuu yahay qof shaqo wayay iyo ugu dambayntii muxuu yahay xalka shaqo la,aanta lagaga bixi karaa Maxay ka yidhaahdeen dhaqaalayahanada caalamiga ah shaqo l,aanta? Yaa loo aqoonsan yahay shaqo la,aan inay hayso?shaqo la,aan waxaa loo aqoonsan yahay qaybta bulshada ka mida ee aan hayn wax shaqo ah kuwaas oo awooda aqoon ahaan,jidh ahaan iyo maskax ahaanba isla mar ahaanatana raadinayay shaqo si joogto ah ugu dambeyey wayayna shaqo Okun’s Law: Economic Growth and Unemployment Arthur Okun ayaa wuxuu sanadii 1962 soo saray aragti dhaqaalaha ah oo kaas uu ku cadeyey nidaam cilmiyaysan oo leh cadaymo (empirical evidenc) isagoo yidhi marka uu 1% korodho heerka shaqo la,aantu (unemploymentrate) waxaa hoos u dhaca 2% kamida ku yimada wax soosarka guud ee dalka natural gross domestic product”), hadii aaan sii yara sharaxno wuxuu dhaqaalayahankaasi cadeyey in boqolkiiba inta uu hoos u dhacayo waxsoosarka guud ee dalka marka heerka shaqo la,aantu dhaafto halka ugu hoosaysa ee loo asteyey loona yaqaano (natural rate of unemployment). Keynesian Theory of Employment Keynesian Theory of Employmen waxay leedahay isugaynta kharashaaka la isticmalaya waxaa uu la mid yahay korodhka ku yimaada dakhliga guud ee dalka(The total expenditure is equal to the national income) taas oo u dhiganata wax soo saarka guud ee dalka national output. Hadayanu sharaxno si loo fahmo aragtidan dhaqaalayahanka Keynes wuxuu qabaa marka bulshadu ay shaqeeyaan dakhlina soo galo waxaa kor u kacda awoododa wax iibsi ee khatashka ay galayaana wuu bataa, sidoo kale dhaqaalaha guud isna wuu kordhaa maxaa yelay waxaa kordhay wax soo saarkii guud ee dalka alaabta iyo adeega (Goods and Service) madama dalabki dadku oo ku xidhan awoododa dakhli kor u kacday. Dhaqalaayahanada caalamiga ahi waxay isku waafaqsan yihiin inay jiraan ugu yaraan 4 nooc oo caalamiya ayaa jira oo loo aqoonsaday inay yihiin noocyada shaqo la,aanta bal aan soo qadano: Frictional unemployment: waa marka shaqaaluhu ay shaqo ka tagaan,shaqo kalena raadinayan intaa u dhaxaysa ayaa layidhaa Structural unemployment: waa shaqo la,aanta ay sababto aqoontii iyo xirfadii dadka oo laga guuro loona guuro nidaam cusub sida nidamka casriga ah ee technologyga kaas oo ay la jaan qadi wayaan dadkii ku shaqaynayay nidaamka aan technologyga ahyn Cyclical Unemployment.: shaqo la,aanta ay sababto hoos u dhac dhaqaalaha oo dalka ka dhaca taas oo sababta in in la dhimo shaqaale badan shaqalantuna badato Seasonal unemployment: waa shaqo la,aanta ay sababto isbadalka ku yimaada xiliga kuwaas oo ay kenaan isbadalada dabeeciga ah iyo kuwa aan dabeeciga ahayn . Hadaan ku soo noqono dalkeena Somaliland kuna dabaqno maqaalkenan, dalka Somaliland waxaa uu ka mid yahay dalalka ay hadhaysay dhibaatada shaqo la,aanta oo taas oo aan la garanaynba halbeeg lagu cabiro inta ay marayso heerka shaqo la,aantu, shaqaalaha Somaliland oo loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha dawliga ah. Sidee buu cilmiga dhaqaaluhu u xaliyaa shaqo la,aanta bulsho haleesha 1) Dawalada oo abuuurta mashaariic horumarineed oo waawayn kuwaas oo lagu darayo misaniyad sanadeedka qaranka halkaas oo shaqaale badan shaqo ka helayaan sida biyo xidheeno la dhiso, wadooyin la dhiso, cisbitaalo iwm 2) Dawlada oo dhiiri galisa dadka keena fikradaha cusub ee horumarin kara dalka kuwaas oo ka qayb qata horumarka dalka shaqo abuuris badana keeni kara (Entrepreneurship) 3) Dawlada oo ku dhiiri galisa ganacsada waawayn inay maalgashadan dalka iyadoo loo fududaynayo nidaamka sharci ee maalgashiga, sidoo kalena sanadaha hore cashuurta laga yaraynayo ta badalkeedana laga rabo in shirkad waliba shaqalaysiisi xadi shaqaale ah 4) Dawlada oo iyada laftigeeda maalgashi ku samaysa shirkado ay iyadu ledahay sida kor u qaadida goobaha dalxiiska ee dalka, iyo maalgashiga goobaha mihiimka ee wax soosaarka dalka ka qayb qadan kara sida kallunka badeena,beerida seerayasha dalka iyo warashado 5) Haayadaha caalamiga ah ee inala shaqeeya oo dawladu ku qasabto inay kor u qaadan mashaariicda lagu dhisaayo xirfada shaqalaha iyo in la furo goobo badan oo saoo sara farsamada gacanta taas oo yarayn doonta xadiga shaqo la,aaned e dalka ka jirta 6) Dawlada oo fududysa nidaamka ganacsi ee inaga dhexeya wadamada iyagu inoo keena alaabtooda sida dawladaha jaarka kuwaas oo sanad walba aan ka iibsano malaayiin dollar oo alaaba, taa badalkeedana aan inagu u dhoofinao alaab si kor ugu qaadno horumarkeena dhaqaale sidoo kalena waxa kordhaya xadiga shaqaalaysinta ee dalkeena madama aan u bahanahay inaan unagu wax soo saar yelano W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade) (MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University mukhtarian.net@gmail.com Source
-
(SLT-Norway)-Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka. Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa. Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla markaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda Norway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya. Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowladiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaagsanaanaya. Source
-
(SLT-Washington)Afhayeenka labaad ee QM Farhan Haq, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, uu kalsooni buuxdo ku qabay Mr Haysom, uuna aad uga xunyahay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku ceyriday. Farhan Haq, waxaa uu sheegay in Mr Guterres, uu madaxwaynaha Soomaaliya la hadlay labo jeer si uu uga dhaadhac siiyo in Haysom uu shaqadiisa dib ugu laabto lkn madaxwaynaha Soomaaliya Mohamed Abdullah Farmajo uu dalabkaasi kadiiday. Shaqa ka cayrinta Haysom ayaa ka salka ku haysa kadib markii uu su’aal ka keenay xarigii ay dowlada Somalia u geesatay mukhtar robow abuu mansuur oo waqti ahaan jiray hogaamiye ku xigeenka al-shabaab iyadoona waqtigii ay dowlada Somalia xiraysay uu ahaa musharax u taagan xilka madaxtinomo ee maamulka koonfur galbeed. Nichalos Haysom wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa xafiiska QM ee Soomaaliya baneenaya in kayar afar bilood uu ka shaqeenayay. Source
-
The U.S. Defense Department is denying a media report the U.S. is planning to reduce its operations in Somalia. Pentagon spokeswoman Navy Commander Candice Tresch told VOA Friday: “There have been no recent policy changes regarding U.S. operations in Somalia. We continue to support the Federal Government of Somalia’s efforts to degrade al-Shabab.” NBC News reported Friday the U.S. is planning to scale back its operations in Somalia because U.S. airstrikes have “taken out” a number of the militant group’s senior operatives. The Pentagon says “the U.S. conducted 47 precision airstrikes in 2018 against al-Shabab militants. In 2017, the U.S. conducted 35 air strikes and in 2016, conducted 15 air strikes. The first U.S.-led air strike of 2019 occurred Jan. 2 to diminish al-Shabab’s freedom of movement and to increase pressure on the terrorist network in the area.” U.S. military officials say there are and estimated 3,000 to 7,000 al-Shabab fighters and 70 to 250 ISIS-Somalia fighters in Somalia as of August 2018. There are about 500 U.S. Department of Defense personnel in Somalia. VOA
-
By JENNIFER PELTZ / AP The United Nations plans to replace an envoy who was expelled from Somalia after questioning the arrest of a political candidate with an extremist history, the world body said Friday. The announcement came after three days of diplomatic back-and-forth over Somalia’s expulsion of Nicholas Haysom, a longtime U.N. official who has also served as envoy to Afghanistan and South Sudan. U.N. spokesman Farhan Haq said Secretary-General Antonio Guterres has full confidence in Haysom, deeply regrets Somalia’s decision and spoke twice about it with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed. The world body also argues that its personnel can’t be kicked out under the diplomatic doctrine that Somalia invoked. Nevertheless, the secretary-general plans to appoint a new representative for Somalia, Haq said. “It’s crucial that the U.N. mission on the ground is able to go about its work,” he explained. That work includes electoral support and other functions. Somalia’s U.N. mission didn’t immediately respond to an inquiry about the developments. The Horn of Africa nation announced Tuesday it was ordering Haysom to leave, saying he overreached and meddled in the country’s internal matters. In a letter to Somali officials, Haysom had raised concerns about the legal basis for the arrest of Mukhtar Robow, a former deputy leader of the deadly al-Shabab Islamic extremist group who defected and then ran for a regional presidency. Robow was a leading candidate, and the election was days away, when he was arrested last month. Somali officials said he hadn’t completed a defection process and had failed to renounce extremist ideology, among other allegations against him. Deadly protests followed his arrest. Haysom didn’t immediately respond to an inquiry Friday, and he didn’t directly address his ouster while briefing the U.N. Security Council Thursday on overall developments in Somalia. He did, however, say that the violent fallout from Robow’s arrest “does not bode well” for upcoming elections and that Robow’s case could discourage other extremist group defectors from abandoning violence to pursue political change. Meanwhile, Somali Ambassador Abukar Dahir Osman admonished the council that the U.N. and its representatives have “an obligation to respect their mandate and to not interfere in our internal affairs.” Somalia appreciates the U.N.’s help but “distinguishes between the institutions that we are part of and individuals’ conduct that has a detrimental effect on our fragile nation,” he said. After three decades of civil war, extremist attacks and famine, Somalia established a functioning transitional government in 2012 and has since been working to rebuild stability. Other countries have, at times, booted U.N. officials. Guatemala, for instance, announced in 2017 it was expelling the head of a U.N.-sponsored commission investigating alleged corruption in the Central American country. After leaving for a work trip to the United States, he hasn’t been allowed to return to Guatemala. Guterres has rejected Guatemala’s request to name a new chief for the commission. Source: AP
-
Siyaasi Saadiq Eenow oo saaka sheegay in uu ka tanaasulay tartaranka xilka madaxweynaha Puntland, ayaa Galabta ku dhawaaqay, in uu u sharraxanyahay doorashada madaxweyne ku xigeenka. Mr. Eenow ayaa saaka shaaciyay, in uu u tanaasulay murashaxa kale ee Dr Cali Ciise Cabdi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland kana soo jeeda gobolka Sool ee ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Dhinaca kale, Saadiq Eenow ayaa isna ka soo jeeda gobolka Karkaar oo ay sannadkan ka tartamayan murashixiinta ugu badan ee doorashada madaxtinimada dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Murashax saaka tanaasulay oo mar kale ka qeyb-galaya doorashada appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Jan. 5 (Xinhua) — The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Saturday it has launched an intensive training program on conflict-related sexual violence for security officers in the federal member states to help prevent the vice. The AU mission said a group of 30 officers drawn from police, intelligence, military and gender offices have concluded a four-day training program in Jubbaland State in southern Somalia on reporting, investigating and prosecuting conflict-related sexual violence cases. Gloria Jaase Nkundanyirazo, AMISOM women protection officer who closed the training session, called for concerted efforts to combat the vice, which she noted, targeted women and children. “We want security personnel to be role models and advocate for survivors of conflict-related sexual violence and also push for laws that protect women and children in conflict and post conflict situations,” Nkundanyirazo said in a statement issued in Mogadishu. According to the AMISOM, conflict-related sexual violence cases are still high in Somalia, with the main perpetrators being members of illegal armed groups like al-Shabab and its affiliates. Bernard Azagiszaba, AMISOM community policing advisor, urged Somali national security officers to work closely with residents in addressing sexual violence cases. The training program will also be held in other federal states as AMISOM continues to transfer security responsibility to Somali national security forces. Source: Xinhua
-
MOGADISHU, Jan. 5 (Xinhua) — The Intergovernmental Authority on Development (IGAD), an eight-member East African bloc, on Saturday condemned the attack on the UN compound in Somali capital Mogadishu on Tuesday that injured two UN staff members. IGAD said such blatant attacks demonstrate the disregard of violent extremist and terrorist group for humanitarian law and for sanctity of human life. “IGAD stands with the people and government of Somalia in their resolve to fight against terrorism,” said the bloc in a statement. Seven mortar shells were fired on Tuesday targeting the African Union Mission in Somalia base camp, but all of them failed to hit the intended target. Two UN staff members and a contractor were injured during the indirect attack after the seven mortars landed inside the UN compound. The regional bloc wished the injured a speedy recovery and expressed its deep appreciation to the UN for its continued support to the peace and stability of Somalia. Source: Xinhua
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow. Rabshadihii Baydhaba ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaray 15 qof oo shacab ah. Tallaabada uu qaaday Lafta-gareen ayaan ku farxi dooni madaxda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha amniga, si gaar ahna wasiirka amniga Ducaale iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin. Rabshadahan ayaa waxaa ku lug lahaa ciidamo ay Ducaale iyo Fahad ka direen Muqdisho, waxaana baaritaan kasta oo dhab ah oo dhacdadan lagu sameeyo ay lugaha la gali doontaa ayaga. Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadal, cambaareyn, xitaa kana tacsiyeyn wixii ka dhacay Baydhaba 13-15 December. Wakiilkii hore ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Soomaaliya laga cayriyey kadib markii dowladda uu ka dalbaday inay sharaxdo wixii dhacay. Si kastaba, waxaan caddeyn in Lafta-gareen ay dhab ka tahay baaritaanka uu dalbaday iyo tani ay tahay maaweelo siyaasadeed oo uu kusoo jiidanayo shacabka Koonfur Galbeed oo ku tirinaya nin Muqdisho laga xukumo, oo aan lahayn go’aan siyaasadeed madax banaan.
-
Xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay inay heshiis dhanka ganacsiga ay la yeelan doonaan ganacsatada ismaamulka dowled deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Raabi Kaahin oo sidoo kale ah xoghayaha rugta ganacsiga maamulka Jubbaland ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowled deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo ganasatada maamulkaas iyaga oo ay ka wada hadlay sidii ganacsi xoogan labada dhinac u dhex mari lahaa. Xoghayaha maamulka Jubaland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in kulankooda uu ku saabsanaa sidii labada maamul iskaashi ganacsi iyo xiriir wanaagsan oo u sameyn lahaayeen iyo xiriir dhanka hormarkaa oo laba shacab yeeshaan. “waxaa uu ahaa booqasho aan ku nimid dowled deegaanka Soomaalida kana mid ah booqashadii aan ku tagi jirnay dhulalka dadka Soomaalida dagaan, waxaana aheyn wafdi shan xubnood ka kooban, waxa aan u nimid waxaa ugu muhiimsanaa sidii dadku nolosha ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsiga iyo isu sosocodka labada dhinac, loo xoojin lahaa kobcinta dhaqaalaha , maamulka, xasiloonida iyo ammanka in laga wada shaqeeyo, lana ilaaliyo dhinaca Soomaalida iyo dhanka kale ee dowled deegaanka oo xuduud dheer Soomaaliya la leh” ayuu sheegay Shaafi. Mr. Raabi Kaahin oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Booqashadeenu ma aheyn mid rasmi ah, waxaa ay aheyd booqasho iska caadi ah oo aan ku soo gaarnay deegaanka maadaama dadku yihiin dadkeenii iyo deegankeeniiba, in aan is xog waraysano ayuu jeedkeenu ahaa, waxaa aan la kulanay bulshada qeybaheeda kala duwan, duqowda, dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka iyo waliba rugta ganacsiga ee halkaan oo aan heshiis kala sixiixan doono” Ugu dambeyntii waxaa uu yiri “waxaan kale oo aan la kulanay maamulka oo heerar kala duduwan ah wasiirada qolyaha u qaabilsan waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaana kala hadalnay sidii ardayda waxbarasho u helilahaayeen iyo caafimaad dadku inay helaan, runtii halkaan waxaa wax kabarta arday badan oo Soomaaiyeed halka dadka kalane caafimaad u joogaan kuwana sharciyo iyo waxyaabo kale ku suganayaan ayaan islaqaadanay inaan iskaashi badan aan samayno qorsha booqashadeenu intaas ayeey aheed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ballaaran ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland musharaxa xilka madaxweyne Dr. Cali Ciise Cabdi, xildhibaanada golaha shacabka federaal-ka ku metela Sool clan, xildhibaanada cusub ee isla beeshaas ugu jira Puntland, cuqaalad iyo siyaasiyiin kale. Kulan waxa uu ahaa mid taageero loogu muujinayo Dr. Cali Ciise Cabdi, oo 8-da bisha geli doona loolan adag oo uu kala kulmayo 28 kale oo isla xilkaas doonaya. Waxaa jirtay xan ahayd in Dr. Cali Ciise lagu haysto 17-ka xildhiaan ee beesha Sool clan oo uu ka soo jeedo ugu jira Puntland taas oo dhaawici kartay rejadiisa. Hase ahaatee, kulanka maanta Garowe ka dhacay oo ay soo xaadireen siyaasiyiin gayyiga Soomaalida caanka ah sida Dr. Cali Axmed Jaamac Jengeli oo hore Soomaaliya Wasiir Arrimo Dibadeed uga soo noqday, dowladdii Xassan Sheekh-na ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, Xildhibaan Da’uud Bisinle oo ah rugcadaa siyaasadeed oo ka soo jeeda gobolka Sool, Wasiirka Macdanta ka soo noqday dowladdii Xassan Shikeh, Xildhibaan Canab Xassan Cili iyo Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale. Waxaa sidoo kale dhammaa goobta ka muuqday 17-ka xildhibaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn ugu jira Puntland oo sida la xaqiijiyey bilaa shuruud ugu ballan qaaday codkooda Dr. Cali Ciise Cabdi. Kulanka waxa uu ahaa mid sida la sheegay xildhibaanada Sool clan ay codadkooda ugu ballan-qaadeen Dr. Cali Ciise, waxaana uu yimid xilli uu maanta Dr. Saaqad Enow xaqiijiyey in uu u tanaasulay Dr. Cali Ciise. Shalay, sidoo kale waxaa kulmay Dr. Cali Ciise iyo Cali Xaaji Warsame oo ayagana laga yaabo inay sameystaan xulufaysi siyaasadeed. Dhinaca kale, waxaa iyana jira sida ay Caasimadda Online xog hoose ku heshay in ay kulan u ballansan yihiin Musharax Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London, ayaa daabacay maanta in Ingiriisku uu siiyo kaalmada dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaana isa soo taraya walaaca laga qabo in mucaawimadaasi ay noqoto wax khasaara, qaybo la lunsado, mid u gacan gasha kooxaha Argagixisada. Dadka wax Falanqeeya ayaa xaqiijiyey in UK ay lacag ka badan £1.53 Bilyan Ginni gacanta kaga riday labaatanka Waddan ee ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaanay lacagta deeqaha Ingiriisku siiyey sannadkan ay ka badan tahay tii sannadkii hore Boqolkiiba Laba iyo Toban (12%, iyadoo UK sannadkii hore siisay dalalkaas musuqmaasuqu naafeeyey £1.36 Bilyan oo Gini. Warbixinta Wargeyska Daily Mail, waxay caddeysay in lacagaha deeqaha ah ee ay UK ugu yaboohday dalalka Musmaasuqu aafeeyey ay laba jibaarantay shantii sannadood ee la soo dhaafay. Dalalka Warbixintu xustay ee qaadhaanka Ingiriisku siiyo la musuqmaasuqo waxa safka hore kaga jira Suuriya, Soomaaliya, Afganistaan, Yeman, Suudaanta Koonfureed, Dr Congo, Ciraaq, Suudaan, Liibiya iyo Cambodia. Afhayeen u hadlay Hay’adda Kaalmada dibadda ee DFID, ayaa ku dooday in aanay dalalka musuqmaasuqu ku jiridaystay aanay si toos ah u siinin dawladahooda kaalmada, hase yeeshee ay u sii mariyaan hay’ado ay wada shaqeyn leeyihiin oo aamin ah isla markaana kula tacaalaya deeqaha dhibaatooyinka jira ee loogu talogalay. By: Cumar Maxamed Faarax Source
-
Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka. Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa. Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa waxaa uu maanta magacaabay guddi xaqiiq raadis ah oo soo baraa rabashadihii Baydhabo ka dhacay 13-15-kii bishii hore. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaaney warqadda ku qorneyn Mandate ama awood gaar ah oo la siiyey si ay howlaha u gutaan. Nicholas Haysom, ergeyga qarmada midoobey ee Soomaaliya ayaa horay uga codsaday dowladda federaalka ah inay baarto dhacdada Baydhabo, laakin Muqdisho waxaa ka dalbatay inuu dalka ka baxo. Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa lagu doortay doorasho muran badan ka dhashay oo ka dhacy Baydhabo 19-kii December 2018. Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Murashax Siciid Cali Axmed (Qurbaawi) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay, in uu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinimada Puntland. Mudane Qurbaawi ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay ku sheegay, in uu u tanaasulay murashaxa kale ee lagu magacaabo,Cali Ciise Cabdi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland. Wuxuu sheegay in doorashadii Guddoonka Baarlamanka ee shalay ay muujisay, is-beddel ku soo wajahan Puntland,taasinay ay ku dhalisay in uu is-beddelka u hiilliyo,sida uu hadalka u dhigay. Waa murashaxii labaad ee ku dhawaaqa in uu u tanaasulay Dr Cali Ciise,iyadoo saaka uu sidaan oo kale sheegay saadiq Eenow,hase yeeshee labada nin ee tanaasulay ayaa loo arkaa kuwa aan wax saamayn ku lahayn doorashada madaxtinimada Puntland. PUNTLAND POST The post Murashax kale oo ka tanaasulay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SL-T Tuka-raq) War Deg Dega:Ciidamadii Ugu Tirada Badna Ee Kasoo Goosta Maamulka Puntland Oo Soo Gaadhay Somaliland+Gaadiid Iyo Saanad Miletry Oo Ay Soo Bandhigeen . Ciidamadii Ugu Tirada Badna Ee Kasoo Goosta Maamulka Puntland Ayaa Goor Dhoweyd Soo Gaadhay Xuduuda Somaliland,Waxaana Ciidamadaasi Soo Dhoweeyey Saraakiil Sar Sare Oo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Ciidamadan Kasoo Goostay Maamulka Puntland Ayaa Isugu Jira Maleeshiyo Beeleedo Iyo Ciidamo Gadoodsan Kuwaas Oo Mudo 8 Bilooda Aan Qaadan Wax Mushahara. Sida Uu Sheegay Sarkaal U Hadlay Ciidamadaasi Ilo Xog-Ogaala Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Ciidamadani Lasoo Goosteen Gaadiid Dagaal,Iyo Saanad Mlatery,Ciidamadan Ayaa Loo Soo Gudbiyey Dhanka Somaliland Waxaana La Filaya In Saacadaha Soo Socda Loosoo Bandhigo Warbaahinta Source
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Shir muddo ku dhow toddobaad magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo uga socday dhaqanka beesha Sade, ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray go’aanno saameyn xooggan ku leh beesha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Jubaland. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka kadibna arag sawirrada shirka oo ku xiga. WAR-MURTIYEED Shirka Dhaqanka Beesha Sade ee Jubbaland Garbahaareey, Xarunta Gobolka Gedo Tr; 05/01/2019 Ayada oo la tixgalinayo duruufaha siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaanna Dowlad Gobaleedka Jubaland, ayaa odayaasha dhaqanka beesha Sade waxay shirweyne isugu yimaadeen Xarunta Dhaqanka Sade ee ku taal caasimadda gobalka Gedo ee Garbaharey. Shirka oo socday mudda asbuuc ah (30/12/ 2018 – 05/01/2019) ayaa waxaa kasoo qayb galay ergo ballaaran oo matalaysay dhammaan beelaha Sade ee Jubaland, kuwaas ka kala yimid degmooyinka gobalka Gedo, Kismaayo, Muqdisho iyo dibadda dalka. Shirka oo uu shir-guddoominayay Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqanka, amniga, siyaasadda iyo adeegyada bulshada ee guud ahaan Jubaland iyo, gaar ahaan, gobalka Gedo waxana laga soo saaray qodobada hoos ku xusan: 1) Arrimaha dhaqanka A. Dhismaha Golaha Guurtida Beesha Sade ee Jubaland: Shirka wadatashiga dhaqanka Beesha Sade waxuu hoosta ka xarriiqday doorka hoggaamineed ee uu dhaqanku ku leeyahay gudaha bulshada, sidaa daraadeed, ergadu waxay go’aamisay in si deg deg ah loo dhiso gole guurte oo ay ku midaysanyihiin dhammaan jilibyada ay ka koobantahay beesha Sade Jubaland, golahaas oo uu guddoomin doono ugaaska guud ee beesha Sade; Ugaas Maxamad Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi. B. Xarunta Dhaqanka ee Jubaland: Waxaa caasimadda gobalka Gedo ee Garbaharey laga asaasay Xarunta Dhaqanka Jubaland, taas oo si buuxda u taageeri doonta dhammaan hawlaha dhaqanka, guud ahaan, Jubaland iyo, gaar ahaan, gobalka Gedo, kana shaqayn doonta cilmi-baarista, tababaridda, talasiinta, iyo fududeynta arrimaha dhaqanka. C. Baaq ku Socda Dhaqanka Jubaland iyo midka Soomaaliyeed: Ergada dhaqanka Sade waxay ugu baaqaysaa hoggaannada dhaqanka Jubaland iyo Soomaaliya in ay midoobaan isla markaana si buuxda u qaataan doorkooda hoggaamineed ee bulshada si dalka si wadajir ah looga saaro duruufaha dhaqan, amni iyo siyaasadeed ee ku xeeran. 2) Dib u heshiisiinta Bulshada Si loo xaqiijiyo wadajir, nabad waarta, wax-wada-qabsi iyo horumar, waxay ergada shirka go’aamisay in la sammeeyo dib-u-heshiisiin bulsho oo dhammaystiran, waxuna shirku isku raacay Qodobada hoose: A. In si shuruud la’aan ah ay beelaha Sade isaga cafiyaan dhammaan tabashooyinki ka dhex jiray, lana furo bog cusub oo nabadeed iyo midnimo si loo gaaro horumar iyo barwaaqo. B. In xoogga la saaro xaqiijinta himmilada mustaqbal wanaagsan iyo aaya-ka-tashiga beesha Sade Jubaland ee aanan diiradda la saarin dhaliilihii ka dhashay dhacdooyinki siyaasadeed iyo kuwii bulsho ee horey u dhacay. C. In La qabto shirwayne dib u heshiineed muddo laba bilood gudahood ah, kaas oo ay kasoo qayb gali doonaan dhamaan dhaqanka beesha Sade iyo midka beelaha kale ee Jubaland si loo xoojiyo wadajirka dhaqanka Sade, loona mideeyo hoggaan dhaqameedka beelaha walalaha ah ee wada daga deegaanada jubbaland. D. In maamulka Jubaland ee hadda jira lagula xisaabtammo dhaqan gelinta qodobka 8aad ee heshiiski dhexmaray beesha Sade iyo maamulka Jubaland 25ki Maarso, 2016, kaa oo xusayay “In la dhiso guddi gaar ah oo baaris ku sammeeya waxii tacaddiya ahaa ee dhacay naf iyo maalba intii uu khilaafku jiray (Kismaayo), mudda koobanna kasoo tala-bixiya sidii loo xallin lahaa”. Sidoo kale, in hoggaanka sare ee Jubaland lagula xisaabtammo guud ahaan 10-kii qodob ee heshiiskaas oo ilaa iyo iminka aanan waxba laga qaban. E. In, mustaqbalka, la kobciyo hab-dhaqanka dulqaadka, wada-noolaanshaha, tanaasulka iyo wadahadalka ku aaddan xallinta wax kaste oo khilaaf ah ama tabasha ah, si joogta ahna loo qabto madallo, dood-wadaagyo iyo tababarro sare u qaadaya wacyiga dhaqanka. 3) Adeegyada Bulshada Si loo helo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta bulshada, waxu shirku isku raacay in la dardar geliyo horumarka iyo waxqabadka bulshada lagana hortago wax kaste oo curyaamin kara, waxana lagu heshiiyey: A. Ayada oo loo marayo habka la-xisaabtanka iyo cadaadiska ururada rayidka iyo hoggaanka dhaqanka, in laga dalbado cid kaste oo ay qusayso horumarinta iyo fulinta adeegyada bulshada ee asaasiga ah, ayada oo lagula xisaabtamayo xilka iyo waajibaadka ka saaaran daryeelka dadka iyo dalka, gaar ahaan maamulka Jubland, dowladda federaalka ah iyo dan-wadaagta kale. B. In la abuuro jawi suuragaliya horumarinta deegaannada Gedo, lana xoojiyo kaabayaasha nabadda, xasilloonida iyo maamul-wanaagga si loo dhiiragaliyo isu socodka ganacsiga, maal-gashiga, shaqo abuurka iyo kaalmada dibadda. C. In la abuuro hababka iskaa-wax-u-qabso iyo isxilqaan bulsho, lana yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka, ayada oo badalkiisa la dhiiragalinayo ka faa’iidaysiga khayraadka gudaha iyo tammarta iyo tayada dadka, gaar ah da’yarta wax baratay. 4) Arrimaha Siyaasadda 1. Dhismaha Golaha Deegaanka Si loo helo Maamul u adeega dadka, haystana kalsoonida bulshada, waxay ergada shirweynaha dhaqanka ku heshiisay qodobadan: A. In si deg deg ah loogu dhiso degma kaste oo ka mid ah maamulka Jubaland gole deegaan oo lagu doortay hab xor iyo xalaal ah, ayada oo loo marayo nidaam daah-furan oo ay ka wada qayb galayaan dhammaan beelaha daggan degmooyinka kala duwan ee Jubaland. Golahaas ayaa ay tahay in ay soo doortaan guddoomiyayaasha/meeyarrada degmooyinka, taas oo meesha ka saaraysa maamullada lasoo magacaabay ee mudda dheer ragaadiyay horumarka dadka iyo deegaanada Jubaland. B. Shirku waxu ogaaday in horay loo diyaariyay sharciyaddii, habraacyadi iyo dhaqaalihi ku bixi lahaa dhisamaha golaha deegaanka Jubaland, haseyeeshee, maamulka Jubaland uu si ulakac ah isu hortaagay. Sidaa awgeed, ergadu waxay ku adkaynaysaa cid waliba oo ay qusayso, sida maamulka Jubalad, dowladda federaalka iyo taageerayaasha kale in xannibaadda laga qaado dhismaha golaha deegaanka Jubaland sida ugu dhaqsaha badan, lalana xisaabtammo shakhsiyaadka caqabadda ku ah. C. Si loo tix-galiyo saami qeybsiga deegaannada Jubaland, waxay ergadu ku heshiisay in laga dhabeeyo heshiiski ay beesha Sade iyo maamulka Jubaland wada gaareen 25ki Maarso, 2016 kaas oo qodobkiisa 5aad si cad ugu qeexayay “In la dhammaystiro habraaca sharciyeed ee degmada Buurdhuubo, iyadoo la waafajinayo dastuurka Jubaland”. Sidaa si la mid ah, waxay ergadu hoosta ka xarriiqday in magaalada Ceelcadde ee gobalka Gedo ay tahay degmo ayada oo la eegayo aqoonsiga dowladeed ee ay horay u heshay, muhiimadda ay magaala ahaan ku fadhido iyo halka ay kaga taal gobalka, sidaa awgeed, ergadu waxay isku raacday in Ceelcadde la waafijiyo habraaca sharciyadeed ee ay uga baahantahay dowlad-gobaleedka Jubaland si ay u hesho saami-qeybsiga ay xaqa u leedahay. D. Marka maamulada la dhisayo, in mudnaan gaar ah la siiyo hoggaanka dhallinyarada wax baratay ee u dhashay deegaanada Jubbaland, gabdho iyo wiilal intuba, si looga faa’iideysto aqoontooda iyo kartidooda. 2. Ilaalinta Amniga iyo Sarreynta Sharciga Iyada oo la ogyahay in horumar kaste uu ku xiranyahay xasillooni waarta iyo amni, lana gar-waaqsanayo mowqica Juquraafi ee ku teedsan xuduudaha uu dhaco maamul goboleedka Jubbaland, ayaa waxay ergadu isku raacday arrimaha hoose: A. In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada qayb-qaadataan sugidda amniga, wax kastana laga hormariyo xasilloonida. B. In sugidda amniga xuduudaha ay tahay masuuliyad heer qaran sida ku xusan Q.54-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka, loogana fadhiyo dowladda federaalka ee Soomaaliya in ay qaadato doorka kaga aaddan arrintan, C. In xoreynta deegaanada aan ku jrin gacanta dowlad-gobaleedka jubbaland ay tahay waajib iyo masuuliyad wadareed, sida gobolka Jubbada dhexe oo guud ahaan ay kooxda Al-shabaab ka taliso, D. In aan sinnaba la ogalaan doonin in Jubbaland ay hoy u noqoto ururro raba in ay qalqal galiyaan amniga dalka iyo midka deegaanada Jubbaland. Sidoo kale, in aanan la aqbalin in shakhsiyaad gaar ah ay ku amar-taagleeyaan amniga iyo talada gobalka iyo midda Jubaland, kana ilaaliyaan wax kaste oo deeganada u keeni lahaa midnimo, tala-wadaag iyo maamul-wanaag, ayaga oo ku qatalmaya awood ciidan iyo sharci-jabin joogta ah. 3. Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Doorashada Ayada oo la dhawrayo dastuurka jubbaland, midka faderaalka iyo rabitaanka bulshada ee ku aadan doorasho hufan, dhacdana waqtigii loo asteeyay, waxay ergada dhaqanka beesha Sade isku raacday arrimaha soo socda:- A. In qeybsiga xildhibaanada jubbaland ee loo madlanyahay 15-04-2019 lagu saleeyo degmooyin. B. Waxay ergadu digniin adag ka bixisay, hoostana ka xarriiqday in aan marnaba la aqbali karin kaligii-talisnimo iyo go’aan koox yar u gaar ah oo lagu abuurayo xildhibaan-ku-sheegyo gacan-ku-kusamays ah, taasi oo hareer-marsan dastuurka faderaalka, midka jubbaland iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, waxana cawaaqib xummada ka dhalata qaadan doona cid kaste oo isku dayda. C. In Xeerka lagu dhisayo guddiga doorashooyinka uu yahay mid aan caddayn. lagana tala-galin bulshada iyo kooxaha siyaasadda ee dowlad-gobaleedka jubbaland, waxayna ergada shirka go’aamisay in aan marnaba la aqbali doonin guddi iyo habraac doorasho oo hareer marsan tilmaamaha guddiga doorashada ee ku xusan Q.93-aad ee dastuurka KMG ah ee Jubbaland. Gabagabo Ugu dambeyn, ergada dhaqanka beesha sade ee Jubbaland waxay ku wargalinaysaa dowladda federaalka ah, dowlad goboleedka Jubbaland iyo cid kaste oo danaynaysa arrimaha Jubbaland in ay ergadu diyaar u tahay in ay door shariif ah ka qaadato wax kaste oo karaankooda ah oo ku aaddan samata-bixinta iyo horumarinta bulsho, siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Jubaland. Sidoo kale, ergada dhaqanka Sade waxay ugu baaqaysaa qaybaha kor ku xusan in iyaguna ay kaalintooda ka qaataan xal-u-helidda duruufaha ku xeeran Jubaland ee ku xusan war-murtiyeedkan si ay ku dheehantahay masuuliyad, hufnaan iyo ilaalinta danta guud ee diinta, dadka iyo deegaannada Jubaland, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee ay Jubaland wajahayso. Ergada Dhaqanka Beesha Sade ee Jubbaland ……………….Dhamaad……………… Fadlan waxii talo iyo tusaale ah kusoo aaddi: Tell: +252615604093 E-mail: dhaqan.sade@gmail.com
-
Madaxweyne Gaas ayaa maanta madaxtooyada ku qaabiley gudoonka cusub ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland ee shalay la doortay. Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay gudoonka cusub [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah hal-abuurada da’ada yar ee reer Somaliland. Ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr balse warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in loo xidhay qoraalo uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay bartiisa Facebook-ga. Maaha markii ugu horraysay ee la xidho Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr balse waxa jiray marar hore oo la xidhay iyada oo lagu soo eedeeyay qoraalo faafiyay. Ciidammada boolisku wali kama hadal sababta rasmiga ah loo xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr. Wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr kala soco halkan Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa Sabtida maanta ah kulan la qaatay,Guddoonka cusub ee Golaha wakiilada oo shalay la doortay. Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka cusub ee Baarlamanka Puntland, maalin kadib markii la doortay. Madaxweynaha ayaa Guddoonka kula dardaarmay, in ay ka shaqeeyaan caddaalad iyo hufnaan,maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacabweynaha Puntland,sida lagu sheegay qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddoonka cusub ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
-
CLICK HERE Qaran News
-
Ciidamada amniga ee gobolka Bari ayaa kaantaroolka Bosaaaso waxa ay ku qabteen Qamri farabadan oo laga keenay dalka Itoobiya sida ay sheegeen maamulka gobolka Bari [...] Source