Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya C/icasiis Lafta-gareen ayaa magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya rabshadihii dhiiggu ku daatay ee Baydhabo ka dhacay. Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay todobbo xubnood oo midi ay haween tahay oo baara Tacaddiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow. Rabshadihii Magaalada Baydhaba ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaray 15-qof oo shacab ah, kuwaasoo uu ku jiray xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ee dhawaan soo doortay madaxweyne Lafta-gareen. Rabshadihii ka dhacay Baydhbao ayaa waxaa ku lug lahaa ciidammo badan oo ay Dowladda Somalia u dirtay magaaladaas, waxaana baaritaan kasta oo dhab ah oo dhacdadan lagu sameeyo ay lugaha la gali doontaa ayaga. Sidoo kale, Waxaa xusid mudan in Dowladda Somalia weli aysan ka hadal, cambaareyn oo aysan weliba ka tacsiyeyn dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo intii u dhexeysay 13-kii illaa 15-kii Bishii December ee sannadkii hore. Dhanka kale, Wakiilkii QM ee Somalia, Nicholas Haysom ayaa Somalia laga cayriyay kaddib markii Dowladda Somalia uu ka dalbaday inay sharaxaad ka bixiso wixii dhacay Baydhabo oo ay ugu waaweynaaayeen xarigii Rooboow iyo dadkii shacabka ah ee lagu dilay. Ugu dambeyn, Waxaan cadeyn in Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ay dhab ka tahay baaritaanka uu dalbaday iyo tani ay tahay maaweelo Siyaasadeed oo uu kusoo jiidanayo shacabka Koonfur-galbeed oo ku tirinaya nin laga soo diray Muqdisho oo aan lahayn go’aan siyaasadeed madax-banaan. Haddaba, AKHRISO: Wareegtada lagu magacabaay Guddiga Baarista; PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed oo Magacaabay Guddi Baaritaan Sameynaya appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ka hadlay munaasabadda furitaanka xarunta xisbigiisa UPD, ayaa si kulul u weeraray dowladda madaxweyne Farmaajo uu hogaaminayo oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin badan dalka u horseeday. Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in baarlamaanka, maamul goboleedyada, Xisbiyada kala duwan ee dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ay caqabado adag kala kulmeen dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay caburin ay kala kulmeen dowladda. Wuxuu tusaale usoo qaatay culeesyada ay dareemayaan xildhibaanada baarlamaanka iyo maamul goboleedyada dalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay talaabo ka qaataan arintaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladda hadda dalka uu ku jiro inay tahay cabsi iyo Cariiri soo wajahay siyaasiyiinta iyo xubnaha dowladda Soomaaliya, taasina ay dhibaato kale keeni doonto. “Ciriiriga iyo xabsida kaliya ma saameyneyso siyaasiyiinta oo kaliya oo waxay sidoo kale saameyneysa shacabka, Tii wadada dhinaceeda Shaaxa ku gadeysay, kii gaari gacan ku shaqeynayay iyo kuwa baabuurka wax ku daabula ayaa caqabad la kulmay”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Culeesaadka siyaasadeed ee dalka ka jira ayuu sidoo kale sheegay inay saameysay hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho, maadaama loo diiday inay siyaasiyiinta ku shiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka uu Xoghayaha guud ee UN-ka António Guterres, ku bedalayo wakiilkiisa dalka laga eryay ee Nicholas Haysom. Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekadaha iyo Badda ee xukuumada Federaalka ah, Cusmaan Maxamed Cabdi [Daallo] ayaa ku tilmaamay talaabada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Qab usoo jiiday dalka. “Soomaalidu waligeed Qab way lahayd, waana guuleysaneynaa,” ayuu Wasiir Daallo ka sheegay isu-soo bax lagu taageerayay dowladda oo galabnimadii Sabtida ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho. Horaantii bishaan Janaayo 2019 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Haysom inuu dalka isaga baxo, markii ay ku eedaysay inuu ku xad-gudbay madax-banaanida iyo qaranimada dalka. The post XFS oo soo dhaweysay go’aanka lagu bedalayo Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru dawlaha, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xisaabiyaha guud. Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul wasarahu faray in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda si dalka looga caafiyo daymaha lagu leeyahay. Dhinaca kale, Khayre oo kormeeray dekadda Muqdisho ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, Gudaha furdada ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo maamulka sare ee dekadda. Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun musuq-maasuq iyo maamul xumumo, waxa uuna bogaadiyay horumarrada ka socda dekadda eekeenay in dekadda ay kusoo xirtaan maraakiib ay leeyihiin shirkado caaalami ah. Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay wasaaradda maaliyadda iyo dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaan iyo daah-furnaan. The post RW Khayre oo kormeeray W/maaliyada iyo dekadda Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-050119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxtooyadda Somaliland ayaa qaban-qaabinaysa kulan la filayo in uu toddobaadkan dhex-maro Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madax-dhaqameedka beelaha West Burco Clan. Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu muhiimad gaar ah siinaya kulan uu doonayo in uu la yeesho Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka kala duwan ee beesha West Burco Clan. Warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid dadkii la doonayay in lagu casuumo kulankaasi ay ka cudur-daarteen, walow la sheegayo ay jiraan Madax-dhaqameed caan ah oo ogolaaday inay ka soo qayb-galaan casuumadaasi, waxaana la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu qorsheeyay in uu casuumad u fidiyo ku dhawaad illaa 200 oo ka mid waxgaradka beeshaasi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa la sheegay in uu waxgaradkan iyo Madax-dhaqameedkan kala hadli doono arrimo dhawr ah oo ay ka mid ah tahay sidii ay ula shaqayn lahaayeen oo ay dadka deegaannadooda-na ugu qancin lahaayeen inay la shaqeeyaan xukuumaddiisa. Madax-dhaqameedka, Xildhibaanno iyo waxgarad kale oo maanta shir ku qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyeen in uu faro-galin qaawan ka dhex wado beeshooda oo uu kala qaybinayo. Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  7. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed iyo labadiisa ku xigeen. Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa markale hambalyo u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka, waxaana ay ka wada hadleen howlaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhacaya magaalada Garowe. Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadnaqay hambalyada, dhiirigelinta iyo dedaalka uu ugu jiro qabsoomidda doorashada Puntland. Kulanka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweyne Gaas kadib waxaa madaxweynaha Puntland uu guddoonka baarlamaana kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan cadaalada iyo hufnaanta doorashada madaxweynaha maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacab Puntland. Ugu dambeyn madaxweyne Gaas ayaa shacabka deegaanada Puntland kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan ka hor taga wax walbaa oo carqaladeyn kara doorashooyinka taariiqiga ah ee ka dhacaya Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  8. Soomaalidu iyadoo han iyo hawaba Ka midowday oo hiigsigeedu hawadaa marayo ,waatii afwayne good aan la mahadin loosoo direy ,qori caaradii iyo xoog baan Ku wadayaana waatii laga Kari waayay ,aakhirkii waatii noqotay in soomaaliyi isku birjabto. Mar kale iyadoo soomaaliya kasoo kabanaysa daaduunkii gaadhay ,mar kale wiilkan farmaajo ee jaanta fududi soomaaliya jid baas buu la maray ,ninkii mukhtaar roobay waa xidhay ,galmudugna fiintaa Ka qaylisay , puntland waata tidhi carkee ,axmed madoobane maanta laandheere banaan degay iyo nin uu yahay buu isu dhigay, cudud milateri ,tikniko iyo ciidana wuxuu soo bandhigay maraykan ayaabad moodaa ,waa halkii abwaankii soomaaliyeede halkuu kurusku dhaameel Ka baxay dhaafi waa hilib? Axmednuur Guruje Source
  9. Somaliland Dawladnimo ka bilaabantay waa layna xasuuqay kuna dhisan waa kuwaa kuwii na-xasuuqay; sidan ayayba ku cimri dheeraatay. Ujeedada ugu weyn ee dowladi u taagan tahay ayaa ah in ay hubiso, ka shaqeeyso sidoo kalana keento in bulshada ay’ u taliso ee dowlada u tahay ay nolol wanaagsan u keento kana ilaaliso nolosha xun ee dhibka badan. style=”font-size:16px;”>Somaliland 9 Sannadood ka hor kiishka bariiska ahi wauxuu ahaa tobbaneeyo dollar maantana cirKa ayuu marayaa, suuqa dunidu waa isla kii oo quutal-daruurigu waa waxa aan cidna ka suurtagelin inuu kor u kaco, taas bedelkeeda Somaliland waxaa Faan ay ka dhigataa in miisaaniyad sannadeedkeedu gaadhay $ 400 milyan oo dollar. Shacab daldalan oo xadhig qoorta lagaga xidhay kadib laga dhaliyey $400 milyan, marka loo khudbadaynayo’na la leeyahay waa tii lay na xasuuqay iyo kuwaas baa ina xasuuqay haddii aynu dawlad ku sii ahaan karno oo weliba Illaahayna Ictiraaf kaga sugayno iyaba waa nacasnimo la-kor*****. Source
  10. Shaqo la,aantu waamid ka mida caqabadaha caalamiga ah ee haysta bulsho badan oo caalamka ku nool iyadoo ay ku kala badan tahay wadamada caalamka xadiga shaqo la,aaned ee ka jiirta wadamadaas, hadaba xalinta dhibaatadan aan xuduuda lahyn ee saamaysa dhamaan bulshooyinka caalamka waxay dhaqaalayahanada caalamiga ahi ka sameyeen baadhitaano iyagoo oganaya noocyada shaqo la,aaned ee jirta, sababaha keena, yaa loo aqoonsanaya inuu yahay qof shaqo wayay iyo ugu dambayntii muxuu yahay xalka shaqo la,aanta lagaga bixi karaa Maxay ka yidhaahdeen dhaqaalayahanada caalamiga ah shaqo l,aanta? Yaa loo aqoonsan yahay shaqo la,aan inay hayso?shaqo la,aan waxaa loo aqoonsan yahay qaybta bulshada ka mida ee aan hayn wax shaqo ah kuwaas oo awooda aqoon ahaan,jidh ahaan iyo maskax ahaanba isla mar ahaanatana raadinayay shaqo si joogto ah ugu dambeyey wayayna shaqo Okun’s Law: Economic Growth and Unemployment Arthur Okun ayaa wuxuu sanadii 1962 soo saray aragti dhaqaalaha ah oo kaas uu ku cadeyey nidaam cilmiyaysan oo leh cadaymo (empirical evidenc) isagoo yidhi marka uu 1% korodho heerka shaqo la,aantu (unemploymentrate) waxaa hoos u dhaca 2% kamida ku yimada wax soosarka guud ee dalka natural gross domestic product”), hadii aaan sii yara sharaxno wuxuu dhaqaalayahankaasi cadeyey in boqolkiiba inta uu hoos u dhacayo waxsoosarka guud ee dalka marka heerka shaqo la,aantu dhaafto halka ugu hoosaysa ee loo asteyey loona yaqaano (natural rate of unemployment). Keynesian Theory of Employment Keynesian Theory of Employmen waxay leedahay isugaynta kharashaaka la isticmalaya waxaa uu la mid yahay korodhka ku yimaada dakhliga guud ee dalka(The total expenditure is equal to the national income) taas oo u dhiganata wax soo saarka guud ee dalka national output. Hadayanu sharaxno si loo fahmo aragtidan dhaqaalayahanka Keynes wuxuu qabaa marka bulshadu ay shaqeeyaan dakhlina soo galo waxaa kor u kacda awoododa wax iibsi ee khatashka ay galayaana wuu bataa, sidoo kale dhaqaalaha guud isna wuu kordhaa maxaa yelay waxaa kordhay wax soo saarkii guud ee dalka alaabta iyo adeega (Goods and Service) madama dalabki dadku oo ku xidhan awoododa dakhli kor u kacday. Dhaqalaayahanada caalamiga ahi waxay isku waafaqsan yihiin inay jiraan ugu yaraan 4 nooc oo caalamiya ayaa jira oo loo aqoonsaday inay yihiin noocyada shaqo la,aanta bal aan soo qadano: Frictional unemployment: waa marka shaqaaluhu ay shaqo ka tagaan,shaqo kalena raadinayan intaa u dhaxaysa ayaa layidhaa Structural unemployment: waa shaqo la,aanta ay sababto aqoontii iyo xirfadii dadka oo laga guuro loona guuro nidaam cusub sida nidamka casriga ah ee technologyga kaas oo ay la jaan qadi wayaan dadkii ku shaqaynayay nidaamka aan technologyga ahyn Cyclical Unemployment.: shaqo la,aanta ay sababto hoos u dhac dhaqaalaha oo dalka ka dhaca taas oo sababta in in la dhimo shaqaale badan shaqalantuna badato Seasonal unemployment: waa shaqo la,aanta ay sababto isbadalka ku yimaada xiliga kuwaas oo ay kenaan isbadalada dabeeciga ah iyo kuwa aan dabeeciga ahayn . Hadaan ku soo noqono dalkeena Somaliland kuna dabaqno maqaalkenan, dalka Somaliland waxaa uu ka mid yahay dalalka ay hadhaysay dhibaatada shaqo la,aanta oo taas oo aan la garanaynba halbeeg lagu cabiro inta ay marayso heerka shaqo la,aantu, shaqaalaha Somaliland oo loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha dawliga ah. Sidee buu cilmiga dhaqaaluhu u xaliyaa shaqo la,aanta bulsho haleesha 1) Dawalada oo abuuurta mashaariic horumarineed oo waawayn kuwaas oo lagu darayo misaniyad sanadeedka qaranka halkaas oo shaqaale badan shaqo ka helayaan sida biyo xidheeno la dhiso, wadooyin la dhiso, cisbitaalo iwm 2) Dawlada oo dhiiri galisa dadka keena fikradaha cusub ee horumarin kara dalka kuwaas oo ka qayb qata horumarka dalka shaqo abuuris badana keeni kara (Entrepreneurship) 3) Dawlada oo ku dhiiri galisa ganacsada waawayn inay maalgashadan dalka iyadoo loo fududaynayo nidaamka sharci ee maalgashiga, sidoo kalena sanadaha hore cashuurta laga yaraynayo ta badalkeedana laga rabo in shirkad waliba shaqalaysiisi xadi shaqaale ah 4) Dawlada oo iyada laftigeeda maalgashi ku samaysa shirkado ay iyadu ledahay sida kor u qaadida goobaha dalxiiska ee dalka, iyo maalgashiga goobaha mihiimka ee wax soosaarka dalka ka qayb qadan kara sida kallunka badeena,beerida seerayasha dalka iyo warashado 5) Haayadaha caalamiga ah ee inala shaqeeya oo dawladu ku qasabto inay kor u qaadan mashaariicda lagu dhisaayo xirfada shaqalaha iyo in la furo goobo badan oo saoo sara farsamada gacanta taas oo yarayn doonta xadiga shaqo la,aaned e dalka ka jirta 6) Dawlada oo fududysa nidaamka ganacsi ee inaga dhexeya wadamada iyagu inoo keena alaabtooda sida dawladaha jaarka kuwaas oo sanad walba aan ka iibsano malaayiin dollar oo alaaba, taa badalkeedana aan inagu u dhoofinao alaab si kor ugu qaadno horumarkeena dhaqaale sidoo kalena waxa kordhaya xadiga shaqaalaysinta ee dalkeena madama aan u bahanahay inaan unagu wax soo saar yelano W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade) (MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University mukhtarian.net@gmail.com Source
  11. (SLT-Norway)-Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka. Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa. Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla markaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda Norway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya. Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowladiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaagsanaanaya. Source
  12. (SLT-Washington)Afhayeenka labaad ee QM Farhan Haq, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, uu kalsooni buuxdo ku qabay Mr Haysom, uuna aad uga xunyahay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku ceyriday. Farhan Haq, waxaa uu sheegay in Mr Guterres, uu madaxwaynaha Soomaaliya la hadlay labo jeer si uu uga dhaadhac siiyo in Haysom uu shaqadiisa dib ugu laabto lkn madaxwaynaha Soomaaliya Mohamed Abdullah Farmajo uu dalabkaasi kadiiday. Shaqa ka cayrinta Haysom ayaa ka salka ku haysa kadib markii uu su’aal ka keenay xarigii ay dowlada Somalia u geesatay mukhtar robow abuu mansuur oo waqti ahaan jiray hogaamiye ku xigeenka al-shabaab iyadoona waqtigii ay dowlada Somalia xiraysay uu ahaa musharax u taagan xilka madaxtinomo ee maamulka koonfur galbeed. Nichalos Haysom wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa xafiiska QM ee Soomaaliya baneenaya in kayar afar bilood uu ka shaqeenayay. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Reer Boorama Oo Dhagax-tuur Ku Weeraray Dawladda Hoose Ee Degmadaasi Iyo Ciidammada Booliska Oo Xabad Nool U Addeegsaday Dadkii Shacabka Ahaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. The U.S. Defense Department is denying a media report the U.S. is planning to reduce its operations in Somalia. Pentagon spokeswoman Navy Commander Candice Tresch told VOA Friday: “There have been no recent policy changes regarding U.S. operations in Somalia. We continue to support the Federal Government of Somalia’s efforts to degrade al-Shabab.” NBC News reported Friday the U.S. is planning to scale back its operations in Somalia because U.S. airstrikes have “taken out” a number of the militant group’s senior operatives. The Pentagon says “the U.S. conducted 47 precision airstrikes in 2018 against al-Shabab militants. In 2017, the U.S. conducted 35 air strikes and in 2016, conducted 15 air strikes. The first U.S.-led air strike of 2019 occurred Jan. 2 to diminish al-Shabab’s freedom of movement and to increase pressure on the terrorist network in the area.” U.S. military officials say there are and estimated 3,000 to 7,000 al-Shabab fighters and 70 to 250 ISIS-Somalia fighters in Somalia as of August 2018. There are about 500 U.S. Department of Defense personnel in Somalia. VOA
  15. By JENNIFER PELTZ / AP The United Nations plans to replace an envoy who was expelled from Somalia after questioning the arrest of a political candidate with an extremist history, the world body said Friday. The announcement came after three days of diplomatic back-and-forth over Somalia’s expulsion of Nicholas Haysom, a longtime U.N. official who has also served as envoy to Afghanistan and South Sudan. U.N. spokesman Farhan Haq said Secretary-General Antonio Guterres has full confidence in Haysom, deeply regrets Somalia’s decision and spoke twice about it with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed. The world body also argues that its personnel can’t be kicked out under the diplomatic doctrine that Somalia invoked. Nevertheless, the secretary-general plans to appoint a new representative for Somalia, Haq said. “It’s crucial that the U.N. mission on the ground is able to go about its work,” he explained. That work includes electoral support and other functions. Somalia’s U.N. mission didn’t immediately respond to an inquiry about the developments. The Horn of Africa nation announced Tuesday it was ordering Haysom to leave, saying he overreached and meddled in the country’s internal matters. In a letter to Somali officials, Haysom had raised concerns about the legal basis for the arrest of Mukhtar Robow, a former deputy leader of the deadly al-Shabab Islamic extremist group who defected and then ran for a regional presidency. Robow was a leading candidate, and the election was days away, when he was arrested last month. Somali officials said he hadn’t completed a defection process and had failed to renounce extremist ideology, among other allegations against him. Deadly protests followed his arrest. Haysom didn’t immediately respond to an inquiry Friday, and he didn’t directly address his ouster while briefing the U.N. Security Council Thursday on overall developments in Somalia. He did, however, say that the violent fallout from Robow’s arrest “does not bode well” for upcoming elections and that Robow’s case could discourage other extremist group defectors from abandoning violence to pursue political change. Meanwhile, Somali Ambassador Abukar Dahir Osman admonished the council that the U.N. and its representatives have “an obligation to respect their mandate and to not interfere in our internal affairs.” Somalia appreciates the U.N.’s help but “distinguishes between the institutions that we are part of and individuals’ conduct that has a detrimental effect on our fragile nation,” he said. After three decades of civil war, extremist attacks and famine, Somalia established a functioning transitional government in 2012 and has since been working to rebuild stability. Other countries have, at times, booted U.N. officials. Guatemala, for instance, announced in 2017 it was expelling the head of a U.N.-sponsored commission investigating alleged corruption in the Central American country. After leaving for a work trip to the United States, he hasn’t been allowed to return to Guatemala. Guterres has rejected Guatemala’s request to name a new chief for the commission. Source: AP
  16. Siyaasi Saadiq Eenow oo saaka sheegay in uu ka tanaasulay tartaranka xilka madaxweynaha Puntland, ayaa Galabta ku dhawaaqay, in uu u sharraxanyahay doorashada madaxweyne ku xigeenka. Mr. Eenow ayaa saaka shaaciyay, in uu u tanaasulay murashaxa kale ee Dr Cali Ciise Cabdi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland kana soo jeeda gobolka Sool ee ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Dhinaca kale, Saadiq Eenow ayaa isna ka soo jeeda gobolka Karkaar oo ay sannadkan ka tartamayan murashixiinta ugu badan ee doorashada madaxtinimada dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Murashax saaka tanaasulay oo mar kale ka qeyb-galaya doorashada appeared first on Puntland Post.
  17. MOGADISHU, Jan. 5 (Xinhua) — The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Saturday it has launched an intensive training program on conflict-related sexual violence for security officers in the federal member states to help prevent the vice. The AU mission said a group of 30 officers drawn from police, intelligence, military and gender offices have concluded a four-day training program in Jubbaland State in southern Somalia on reporting, investigating and prosecuting conflict-related sexual violence cases. Gloria Jaase Nkundanyirazo, AMISOM women protection officer who closed the training session, called for concerted efforts to combat the vice, which she noted, targeted women and children. “We want security personnel to be role models and advocate for survivors of conflict-related sexual violence and also push for laws that protect women and children in conflict and post conflict situations,” Nkundanyirazo said in a statement issued in Mogadishu. According to the AMISOM, conflict-related sexual violence cases are still high in Somalia, with the main perpetrators being members of illegal armed groups like al-Shabab and its affiliates. Bernard Azagiszaba, AMISOM community policing advisor, urged Somali national security officers to work closely with residents in addressing sexual violence cases. The training program will also be held in other federal states as AMISOM continues to transfer security responsibility to Somali national security forces. Source: Xinhua
  18. MOGADISHU, Jan. 5 (Xinhua) — The Intergovernmental Authority on Development (IGAD), an eight-member East African bloc, on Saturday condemned the attack on the UN compound in Somali capital Mogadishu on Tuesday that injured two UN staff members. IGAD said such blatant attacks demonstrate the disregard of violent extremist and terrorist group for humanitarian law and for sanctity of human life. “IGAD stands with the people and government of Somalia in their resolve to fight against terrorism,” said the bloc in a statement. Seven mortar shells were fired on Tuesday targeting the African Union Mission in Somalia base camp, but all of them failed to hit the intended target. Two UN staff members and a contractor were injured during the indirect attack after the seven mortars landed inside the UN compound. The regional bloc wished the injured a speedy recovery and expressed its deep appreciation to the UN for its continued support to the peace and stability of Somalia. Source: Xinhua
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow. Rabshadihii Baydhaba ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaray 15 qof oo shacab ah. Tallaabada uu qaaday Lafta-gareen ayaan ku farxi dooni madaxda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha amniga, si gaar ahna wasiirka amniga Ducaale iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin. Rabshadahan ayaa waxaa ku lug lahaa ciidamo ay Ducaale iyo Fahad ka direen Muqdisho, waxaana baaritaan kasta oo dhab ah oo dhacdadan lagu sameeyo ay lugaha la gali doontaa ayaga. Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadal, cambaareyn, xitaa kana tacsiyeyn wixii ka dhacay Baydhaba 13-15 December. Wakiilkii hore ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Soomaaliya laga cayriyey kadib markii dowladda uu ka dalbaday inay sharaxdo wixii dhacay. Si kastaba, waxaan caddeyn in Lafta-gareen ay dhab ka tahay baaritaanka uu dalbaday iyo tani ay tahay maaweelo siyaasadeed oo uu kusoo jiidanayo shacabka Koonfur Galbeed oo ku tirinaya nin Muqdisho laga xukumo, oo aan lahayn go’aan siyaasadeed madax banaan.
  20. Xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay inay heshiis dhanka ganacsiga ay la yeelan doonaan ganacsatada ismaamulka dowled deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Raabi Kaahin oo sidoo kale ah xoghayaha rugta ganacsiga maamulka Jubbaland ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowled deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo ganasatada maamulkaas iyaga oo ay ka wada hadlay sidii ganacsi xoogan labada dhinac u dhex mari lahaa. Xoghayaha maamulka Jubaland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in kulankooda uu ku saabsanaa sidii labada maamul iskaashi ganacsi iyo xiriir wanaagsan oo u sameyn lahaayeen iyo xiriir dhanka hormarkaa oo laba shacab yeeshaan. “waxaa uu ahaa booqasho aan ku nimid dowled deegaanka Soomaalida kana mid ah booqashadii aan ku tagi jirnay dhulalka dadka Soomaalida dagaan, waxaana aheyn wafdi shan xubnood ka kooban, waxa aan u nimid waxaa ugu muhiimsanaa sidii dadku nolosha ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsiga iyo isu sosocodka labada dhinac, loo xoojin lahaa kobcinta dhaqaalaha , maamulka, xasiloonida iyo ammanka in laga wada shaqeeyo, lana ilaaliyo dhinaca Soomaalida iyo dhanka kale ee dowled deegaanka oo xuduud dheer Soomaaliya la leh” ayuu sheegay Shaafi. Mr. Raabi Kaahin oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Booqashadeenu ma aheyn mid rasmi ah, waxaa ay aheyd booqasho iska caadi ah oo aan ku soo gaarnay deegaanka maadaama dadku yihiin dadkeenii iyo deegankeeniiba, in aan is xog waraysano ayuu jeedkeenu ahaa, waxaa aan la kulanay bulshada qeybaheeda kala duwan, duqowda, dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka iyo waliba rugta ganacsiga ee halkaan oo aan heshiis kala sixiixan doono” Ugu dambeyntii waxaa uu yiri “waxaan kale oo aan la kulanay maamulka oo heerar kala duduwan ah wasiirada qolyaha u qaabilsan waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaana kala hadalnay sidii ardayda waxbarasho u helilahaayeen iyo caafimaad dadku inay helaan, runtii halkaan waxaa wax kabarta arday badan oo Soomaaiyeed halka dadka kalane caafimaad u joogaan kuwana sharciyo iyo waxyaabo kale ku suganayaan ayaan islaqaadanay inaan iskaashi badan aan samayno qorsha booqashadeenu intaas ayeey aheed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Beelaha West Burco Clan Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ballaaran ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland musharaxa xilka madaxweyne Dr. Cali Ciise Cabdi, xildhibaanada golaha shacabka federaal-ka ku metela Sool clan, xildhibaanada cusub ee isla beeshaas ugu jira Puntland, cuqaalad iyo siyaasiyiin kale. Kulan waxa uu ahaa mid taageero loogu muujinayo Dr. Cali Ciise Cabdi, oo 8-da bisha geli doona loolan adag oo uu kala kulmayo 28 kale oo isla xilkaas doonaya. Waxaa jirtay xan ahayd in Dr. Cali Ciise lagu haysto 17-ka xildhiaan ee beesha Sool clan oo uu ka soo jeedo ugu jira Puntland taas oo dhaawici kartay rejadiisa. Hase ahaatee, kulanka maanta Garowe ka dhacay oo ay soo xaadireen siyaasiyiin gayyiga Soomaalida caanka ah sida Dr. Cali Axmed Jaamac Jengeli oo hore Soomaaliya Wasiir Arrimo Dibadeed uga soo noqday, dowladdii Xassan Sheekh-na ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, Xildhibaan Da’uud Bisinle oo ah rugcadaa siyaasadeed oo ka soo jeeda gobolka Sool, Wasiirka Macdanta ka soo noqday dowladdii Xassan Shikeh, Xildhibaan Canab Xassan Cili iyo Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale. Waxaa sidoo kale dhammaa goobta ka muuqday 17-ka xildhibaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn ugu jira Puntland oo sida la xaqiijiyey bilaa shuruud ugu ballan qaaday codkooda Dr. Cali Ciise Cabdi. Kulanka waxa uu ahaa mid sida la sheegay xildhibaanada Sool clan ay codadkooda ugu ballan-qaadeen Dr. Cali Ciise, waxaana uu yimid xilli uu maanta Dr. Saaqad Enow xaqiijiyey in uu u tanaasulay Dr. Cali Ciise. Shalay, sidoo kale waxaa kulmay Dr. Cali Ciise iyo Cali Xaaji Warsame oo ayagana laga yaabo inay sameystaan xulufaysi siyaasadeed. Dhinaca kale, waxaa iyana jira sida ay Caasimadda Online xog hoose ku heshay in ay kulan u ballansan yihiin Musharax Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  23. (SLT-London)-Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London, ayaa daabacay maanta in Ingiriisku uu siiyo kaalmada dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaana isa soo taraya walaaca laga qabo in mucaawimadaasi ay noqoto wax khasaara, qaybo la lunsado, mid u gacan gasha kooxaha Argagixisada. Dadka wax Falanqeeya ayaa xaqiijiyey in UK ay lacag ka badan £1.53 Bilyan Ginni gacanta kaga riday labaatanka Waddan ee ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaanay lacagta deeqaha Ingiriisku siiyey sannadkan ay ka badan tahay tii sannadkii hore Boqolkiiba Laba iyo Toban (12%, iyadoo UK sannadkii hore siisay dalalkaas musuqmaasuqu naafeeyey £1.36 Bilyan oo Gini. Warbixinta Wargeyska Daily Mail, waxay caddeysay in lacagaha deeqaha ah ee ay UK ugu yaboohday dalalka Musmaasuqu aafeeyey ay laba jibaarantay shantii sannadood ee la soo dhaafay. Dalalka Warbixintu xustay ee qaadhaanka Ingiriisku siiyo la musuqmaasuqo waxa safka hore kaga jira Suuriya, Soomaaliya, Afganistaan, Yeman, Suudaanta Koonfureed, Dr Congo, Ciraaq, Suudaan, Liibiya iyo Cambodia. Afhayeen u hadlay Hay’adda Kaalmada dibadda ee DFID, ayaa ku dooday in aanay dalalka musuqmaasuqu ku jiridaystay aanay si toos ah u siinin dawladahooda kaalmada, hase yeeshee ay u sii mariyaan hay’ado ay wada shaqeyn leeyihiin oo aamin ah isla markaana kula tacaalaya deeqaha dhibaatooyinka jira ee loogu talogalay. By: Cumar Maxamed Faarax Source
  24. Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka. Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa. Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com