-
Content Count
207,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waji Ka Mida Guusha Ku dayashadu allaaba ma keento guul. Ruux marka uu ka dhex mudho khayrkii; dad baa hiigsadda halkaa uu gaadhay cagta in ay dhigaan. Tartanka baaskiilka lagu ordo – RAAM – ee lagu qabto Maraykanka waxa jiray nin la odhan jiray Jure Robic oo shan jeer hantiyay abaal-marinta tartankaas. Robic waxa uu sameeyey dhacdooyin door ah oo indhaha caalamka soo jiitay, sida: In uu maalin badhkeed ka horeeyey ninkii kaalinta labaad galay iyo in uu seexday 8 saacadood kaliya sideed maalmood. Robic ma dheerayn tartamayaashii kale karti iyo ayaan balse Robic waxa aakhirkii la ogaaday in aannu maskaxiyan fayoobayn. Sidaa daradeedna daal iyo xanuunka ay dareemayaan raga kale isagu aanu la waddaagin. Xanuunku waa culays ku yimaada dadka; kaas oo sababa nasasho qofka ku qasabta hurdo. Daalka waxa jira dad aan dareemin. Jure Robic kor baynu ku xusnay. waxa jira oo kale dad iyagu aan lahayn dareenka keena xanuunka. Ashlyn Blocker ayaa ka mida dadka ku dhashay sifaadda la yidhaa – Congenital intensitivity to pain with anhidrosis CIPA – sida ay soo warisay Justin Heckert, Ashlyn waalidkeed ayaa u sheegay in ay canqawga ka jabtay intii iyadu aysan ogaan in ay laf ka jabtay! Dadka aan dareemin xumadda waxa jidhkooda lagu arkaa nabaro laxaad leh. Dhaawaca ma dareemaan! Waana sababta keensata dadkan qaba CIPA hore in ay ka wajahaan geeridda. Haddii aad isku daydid in aad bareejaysid qof jimsi ahaan kaa duwan, waxa aad ku jirtaa dagaal aadan guul ka keenayn. Sweden waxa jirta maahmaah tidhaahda caruurtu waa ubaxa la yidhaa ‘dandelions’ balse in kooban baa ah ‘orchids’. Dandelions’ku waa ubax meel kasta ka baxa. Kuwa kale ‘orchids’ku waa ubax u baahan daryeel; haddii ay hellaan xanaano waa ay wacnaanayaan haddii ay wayaan waa ay xumanayaan. Dadka intiisa badan waxa ay wataan hidde sidde la yidhaa DRD4 balse dadka qaar ayaa wata hidde sidahaas oo muqaal kale leh: DRD4-7R. Dadka wata 7R’ka oo u eeg caruurta lagu masaalay ubaxa ‘orchids’ka waa kuwo u dhexeeya wanaag iyo xummaan. Haddii uu hidde-sidahaasi hello deegaan daryeel leh dadkaasi waxa ay noqdaan geesiyaal haddii deegaanku ka xumadanna, waxa ay noqdaan ********. John Stuart Mill nin la odhan jiray ayaa laga soo xigtay in uu yidhi: Dad kooban ayaa maanta ku adkaysta gadisnaantooda toggan, isku dayashadda ummadda oo dhan rabto in ay isu eekadaan waa musiibadda muuqata maanta. Gadisnaantada ku gaarka ah in aad ogaatid oo maalgashatid waa guul gacantaada ku jirta. Malcolm Gladwell waxa uu buunbuuniyey baadhitaan uu soo saaray K. Anderson Ericsson oo ahaa: Waxa aad khabiir noqonaysaa, marka aad shay ku celcelisid 10kun oo saacadood. Wakhtigaas waa saa’id qofna 10kun oo saac kuma celcelin karo shay. Sirtu waxa ay tahay qofku shayga uu ku wanaagsan yahay wakhti kooban ayuu qabatimi karaa umana baahna saacaddo badan. Shayga aad ku wacantahay lasoo bax. Cid ku tilmaanta ugu yaraan doono amaba qiimee 5tii sanno ee u dambaysay halka ay naftu ku jiidanaysay. Jihadaa naftu ku wadato, haddii ay tahay mid la falgali karta dhaqankaaga, ka daba gee dadaalkaaga. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Qaran News
-
CLICK HERE Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu Facebook shalay galab uu dagalkiisa soo dhigay Wasiirka Dastuurka ee Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sababay in ay isku maan dhaafaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad Cumar. Xoosh oo ka falcelinayey kulan dhexmaray laba ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Cali Xaaji Warsame ayaa sida soo qoray isaga oo soo raaciyey sawirka labada musharax – “Dr. Ali Isse Abdi ( seated on the left) is the best hope for the reconstitution of Puntland and Somalia in that order. He represents Leadership, Integrity and Intellect, demonstrated by his Pan-African economic leadership during 25 years of positive economic interventions that turned around the economies of many African countries. #IsooMareey!!.” MACNAHA ‘Dr. Cali Ciise Cabdi (Fadhiya Middig) waa rejada ugu wanaagsan ee dib u dhiska Puntland iyo Soomaaliya sida ay isugu xigaan. Waxa uu tusaale u yahay hoggaamin, qaaya soor iyo aqoon xeeldheer, waxa uu ku muujiyey hoggaamintiisii dhaqaalaha Pan-Africa 25kii sano ee uu faragalinta dhaqaale ee taban uu waday taas oo wax ka bedeshay dhaqaalaha wadamo badan oo Africa ah,#Isoomareey. Intaa marka uu qoray, waxaa ka soo falceliyey asxaab badan oo musharaxa uu taageerada u muujiyey nasiib wacan u rejeeyey balse waxaa si lama filaan ah falcelin muran ka dhex abuurtay isaga Xoosh soo dhiibtay Yusuf Garaad Cumar. WAA TAN QORAALKII FALCELINTA (Comment) ee Yusuf Garaad….. “Mudane Cabdi Xoosh, waan qariyaa/keydsadaa aragtideyda ku saabsan hoggaanka Puntland maxaa yeelay waxaan leeyahay dhawr saaxiib iyo kuwo kale heerkaas ah [Inta aad ku sheegtay Dr Cali Ciise] oo loolamaya waxaana ka mid ah Dr. Cali Ciise. Maadama aan diidmadeyda sheegay, waxaan rejeynayaa taageerada aad [Cali Ciise] u muujisay in ay ku kooban tahay baaxadaada shaqsiyaded.” Waxaa isaga oo karaya oo caro/xanaaq la qarxi raba soo jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh oo sidan yiri- “Yusuf Garaad fadlan fiiri akoonka Twitter-keyga iyo Faceook waxa an si gaar ah ugu sheegay aragtiyada lagu muujiyo in aan aniga leeyahay oo aan loo aaneyn karin hay’ad kale oo aan meteli karo. Waan se kaa niyad jabay maxaa yeelay si gaar ah ayaad ila hadli kartay halkii aad si shaarac ah u smeyn lahayd. Hadda adiga sheekada keenaya taas waa jawaabteyda kama dambeysta ah.#Niyadjab!!@ Halkaa marka ay mareyso Yusus Garaad jawaab dambe ma soo bixin, ma garaneyno in hilfaha la’isugu sii laabay luuqooda!! Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa fariin u diray guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka oo ka shaqeynaya doorashooyinka 2021 ka dhacaya dalka Soomaaliya. Siyaasi Warsame, ayaa sheegay in guddiga doorashada uusan u aqoonsaneyn inay yihiin guddi madax banaan, maadaama sida uu sheegay ay xafiis ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya. Guddiga doorashada ayuu kula taliyay inay kasoo guuraan madaxtooyada Soomaaliya si uu u noqdo guddi madax banaan, maadaama hadda uusan u aqoonsaneyn inuu madax banaan yahay. Xisbiyada kala duwan ee dalka oo talo ay kala dhaxeyso guddiga ayuu sheegay inaysan fursad u heysan inay la kulmaan, maadaama madaxtooyada oo xildhibaanada qaar loo diiday ay dhex degen yihiin guddiga madax banaan ee doorashooyinka. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka doonayaan in xukuumadda ay ku cadaadiyaan inay ansixiyaan Sharciga doorashooyinka, islamarkaana dhamaan xisbiyada dalka ay kala shaqeyn doonaan. “Guddiga doorashooyinka waxaan u aqoonsaneynaa inay madax banaan yihiin markey banaanka madaxtooyada soo dagaan, sababtoo ah anaga xisbiyadii ayaan nahay talo ayaa nagala dhaxeysa, laakiin lama kulmi karno” “Guddiga doorashooyinka waxaan ka codsaneynaa inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay ansixiso sharciga doorashooyinka, waxaana u balan qaadeynaa dhamaanteen inaan kala shaqeyno arintaasi”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay inay heshiis dhanka ganacsiga ay la yeelan doonaan ganacsatada ismaamulka dowled deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Raabi Kaahin oo sidoo kale ah xoghayaha rugta ganacsiga maamulka Jubbaland ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowled deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo ganasatada maamulkaas iyaga oo ay ka wada hadlay sidii ganacsi xoogan labada dhinac u dhex mari lahaa. Xoghayaha maamulka Jubaland, ayaa sheegay in kulankooda uu ku saabsanaa sidii labada maamul iskaashi ganacsi iyo xiriir wanaagsan oo u sameyn lahaayeen iyo xiriir dhanka hormarkaa oo laba shacab yeeshaan. “waxaa uu ahaa booqasho aan ku nimid dowled deegaanka Soomaalida kana mid ah booqashadii aan ku tagi jirnay dhulalka dadka Soomaalida dagaan, waxaana aheyn wafdi shan xubnood ka kooban, waxa aan u nimid waxaa ugu muhiimsanaa sidii dadku nolosha ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsiga iyo isu sosocodka labada dhinac, loo xoojin lahaa kobcinta dhaqaalaha , maamulka, xasiloonida iyo ammanka in laga wada shaqeeyo, lana ilaaliyo dhinaca Soomaalida iyo dhanka kale ee dowled deegaanka oo xuduud dheer Soomaaliya la leh” ayuu sheegay Shaafi. Mr. Raabi Kaahin oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Booqashadeenu ma aheyn mid rasmi ah, waxaa ay aheyd booqasho iska caadi ah oo aan ku soo gaarnay deegaanka maadaama dadku yihiin dadkeenii iyo deegankeeniiba, in aan is xog waraysano ayuu jeedkeenu ahaa, waxaa aan la kulanay bulshada qeybaheeda kala duwan, duqowda, dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka iyo waliba rugta ganacsiga ee halkaan oo aan heshiis kala sixiixan doono” Ugu dambeyntii waxaa uu yiri “waxaan kale oo aan la kulanay maamulka oo heerar kala duduwan ah wasiirada qolyaha u qaabilsan waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaana kala hadalnay sidii ardayda waxbarasho u helilahaayeen iyo caafimaad dadku inay helaan, runtii halkaan waxaa wax kabarta arday badan oo Soomaaiyeed halka dadka kalane caafimaad u joogaan kuwana sharciyo iyo waxyaabo kale ku suganayaan ayaan islaqaadanay inaan iskaashi badan aan samayno qorsha booqashadeenu intaas ayeey aheed”. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa si buuxda isugu raacay raacay bayaan jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom. Bayaanka, oo ay soo diyaarisay Britain, ayaa lagu sheegay in golaha ammaanka uu “ka walaacsan yahay” go’aanka Soomaaliya ay ku cayrisay danjire Nicholas Haysom. Golaha ayaa bayaankiisa ku sheegay inuu rajeynayo “wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta Soomaaliya iyo QM” Bayaanka ayaa lagu sheegay in sanadka 2019 uu noqon doono “Sanad muhiim u ah Soomaaliya” , waxaana uu ku baaqay in “madaxda Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaa is-beddellada siyaasadeed iyo amni ee dalka” Bayaankan oo ay ahayd in golaha ammaanka uu jimcihii soo saaro ayaa baaqday kadib markii dowladda Shiinaha ay ka hor-timid, islamarkaana codsatay in is-beddel lagu sameeyo. Waxaa kadib bayaanka lagu soo daray qodob bayaanka ay “ku adkeeyeen xushmadda ay u hayaan madax bannaanida, sharafta dhuleed, xoriyadda siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.” Bayaanka ayaa daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu sidoo kale jimcihii soo saaray bayaan uu ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka Soomaaliya ay kusoo eriday danjire Nicholas Haysom. Guterres ayaa ka hor bayaankiisa saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu ka laabto go’aanka lagu eryey Haysom. Guterres ayaa markii ugu dambeysay oo uu Farmaajo la hadlay oo ahayd jimcihii, kuna guul darreystay inuu wax ka beddelo go’aankiisa, wuxuu ku dhaawaaqay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe) Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah aqoonyahan dhaqaalaha ku takhakhusay kana soo jeeda Gobolka Sool, dhawaana shaaciyay inuu kamid yahay murashaxiinta u taagan jagada Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa si xawli ah oo aan hore loo saadalinayn waxa u xoogaystay awoodiisa murashaxnimo. In kasta oo dadbadani saadalinayaan in Aanu jagada murashaxa Madaxweynaha ku soo bixi doonin siyaasigan Rer Sool hadana waxa hadal hayntiisu ku xoogantahay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, iyadoo warar hoose sheegayaan inay wadato Xukuumadda Soomaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Si kasta oo ay tahay waxa la ogaan doona halkay ku danbayso rajada Dr. Cali Ciise Cabdi maalmaha inagu soo aadam. Source
-
(SLT-Muqdisho)Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay wado caburin iyo cabsi gelin, isagoo ku baaqay in wax laga bedelo hab dhaqanka siyaasadda iyo sida ay hadda wax u socdaan. Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu furiyay xarun uu yeelan doono Xisbiga uu hoggaamiyo ee UDP ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha uu dalka marayo iyo caqabadaha ay wajaheyso dowladda Federaalka. “Haddii labada aqal ee sharci dejinta ay leeyihiin sidaan kuma wada shaqeyn karno, haddii dowlad goboleedyadii xubinta ka ah dowladda federaalka ay leeyihiin sidaan kulama shaqeyn karno dowladda dhexe, haddii xisbiyada qaarkood ay ka cabanayaan in la caburinayo, lana baal marayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, sow ma haboona in habdhaqanka siyaasadda iyo sida wax u socdaan wax laga bedelo”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado xaalado kala dhantaalaya cilaaqaadka dowladda iyo shacabka, isla markaana luminaya waqtiga qaaliga ah. Waa eedeyntii u horeysay ee Xasan Sheekh uu meel fagaare ah ugu soo jeediyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isla markaana Hoggaamiye ka noqday Xisbi siyaasadeed ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-050119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Murashixiin ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ilaa lix ka tirsan murashixiinta xilka madaxweymaha Puntland ayaa haatan ku dhawaaqay in ay tartanka doorashada ka tanaasuleen. Murashixiinta ayaa kala ah;Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) ,Cali Axmed Gamuuti,Cabdixakiim Cabdi Xaashi, Maxamed Salaad Qoryoolay,Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre,waxaana ay sheegeen in ay u tanaasuleen saddexda murashax ee kala ah; Siciid Cabdullaahi Deni, Cabdisamad Maxamed Galan iyo Daahir Mire Jibriil. Waxay sheegeen in ay cududooda u midaynayaan sidii is-beddel looga taabba-gelin lahaa Puntland,islamarkaana looga hortagi lahaa faragelina ay xukuumadda Federaalka ku sameyso doorashada madaxtinimada Puntland ee muddaysan 8-da bishan Jannaayo oo mudda saddex maalmood ah ka harsan yihiin. Murashixiinta tan iyo saaka tanaasulay ayaa gaaraya ilaa 8 murashax,iyadoo Saadiq Eenow iyo Siciid Qurbaawi ay maanta sheegeen in ay u tanaasuleen Dr Cali Ciise Cabdi,inkastoo Saadiq Eenow uu mar dambe ku dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen. PUNTLAND POST The post Murashixiin ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Puntland appeared first on Puntland Post. -
Induhu way gubanayaan Qalbigu wuu qiraysaan yahay Caqligu dulmi bu arka. Xadhiga Sheekh Aadan Cabdiraxman Warsame (Sheekh Adaan Sunne) waa mid bal marsaan cadaladda oo saalka ku haya ku tagli faal awood dawladeed waxa caddeyn kugu filan in madaxweyne Musse Bihi Cabdi uu Cafis u fidiyaay Sheekha laba bilood ka hor,hataana haba yartee Xoriyaddisi lo celin sidina ugu dul maan yahay Xukumadda talada haysa. Waxa jirtaay Ashkhaas hore oo lagu eedeyaay dembi inay ka galeen qaranka oo uu ka mid aha Boqoor Buurmadow,caafis Madaxweyne aya lagu dayaay. Hadaba su’asha is weydinta Mudan waxa weyi waa maxay sababta Caafis Madaxweyne u gaban wayay sheekha madama una dhiig da’din ? Mise tolow cid gar ayu uu xidhan yahay,ila intay yaaku fasaxayaan ama awooda gacantoda ka baxayaso aya la sugayaa ? Somaliland lawada leyahay aya ina deeqda dhamanten,lkn haddi la heli waayo waxan uu baqayaa in qaranimadenu si jiri karin! Allah Mahadleh Hussein Daher Haliye Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta magacaabay qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka xisbiga. Xisbiga oo mudd 6 bil oo KMG ah guddoomiye u doortay Xasan Sheekh, ayaa maanta magacaabay xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga. Arrintan ayaa waxaa qoraal uu facebook soo dhigay ku faah-faahiyey xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah aas-aasayaasha xisbiga. Qoraalka xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Munaasabadda Daahfurka Xarunta dhexe ee xisbiga qaran ee Midowga Nabadda & Horumarka (UPD Party) ayaa galabtay ka dhacday xarunta cusub ee xisbiga, magaalada Muqdisho. Xildhibaanno labada aqal ee Barlamaanka federaalka, mas’uuliyiin xisbiyada dalka ka jira ka kala socota, xildhibaanno barlamaanada dawlad goboleedyada, iyo xubnaha qeybaha kala duwan ee xisbiga ayaa goobta ku sugnaa, waxaana xarig-jarka ka dib la jeediyey khudbado taabanayey himilada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalku waqtigaan marayo. Waxaa goobta looga dhawaaqay maamulka kumeelgaarka ee xisbigu yeelanayo mudada soo socota, oo ay ka mid yihiin afar guddoomiye ku xigeen oo loo kala magacaabay: 1. Xil. Dr. C.fataax Ismaaciil Daahir – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo istaratejiyadda. 2. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha xubnaha, bulshada iyo wacyigalinta. 3. Xil. Sacdiyo Salaad Samatar – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Qorshaynta iyo horumarinta xisbiga. 4. Senator C/hi Sheekh Ismaaciil Fartaag – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Dowlad Goboleedyada.Iyo 5. xubno kale oo golaha fulinta qaarkood. Waxaa la joogaa waqtigii ay caddaan lahaeyd jihada caafimaadka qabta ee siyaasadda dalka loo wado, wadada kaliya ee furanna waa nidaamka xisbiyada iyo hanaanka dimuqraadiga ah, mana dhici karto in dalku noqdo mid la mid ah kubadda gacanta ee qofku kaligiis la ordo illaa meesha tabari geysaba, dalka mustaqbalkiisa siyaasadeed waa mid ka wada dhexeeya dadka Soomaaliyeed oo ay horkacayaan xisbiyadoodu. Xisbi Siyaasadeed marka la maqlo waxaa soo xirmaya albaabka nidaamkii qabiilka siyaasadaysan iyo kali-talisnimada, waana maskax duug ah iyo afkaar fuunto kuwa dhiiragalinaya ama ku fakaraya in caburis, caga-juglayn iyo laaluush in dalka lagu haysan karo. Xisbiga UPD asagoo dhaqangalinaya himiladiisa Isla markaana cuskanaya dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaallaa, wuxuu ka hawlgali doonaa dalka oo dhan, wuaxaana si weyn hawlihiisa looga dareemi doonaa waqtiyada dhow caasimadda dalka insta Allaah. UPD albaabadiisu waa furan yihiin dhammaan inta danaynaysa in ay xubno ka noqdaan.
-
Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya C/icasiis Lafta-gareen ayaa magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya rabshadihii dhiiggu ku daatay ee Baydhabo ka dhacay. Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay todobbo xubnood oo midi ay haween tahay oo baara Tacaddiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow. Rabshadihii Magaalada Baydhaba ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaray 15-qof oo shacab ah, kuwaasoo uu ku jiray xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ee dhawaan soo doortay madaxweyne Lafta-gareen. Rabshadihii ka dhacay Baydhbao ayaa waxaa ku lug lahaa ciidammo badan oo ay Dowladda Somalia u dirtay magaaladaas, waxaana baaritaan kasta oo dhab ah oo dhacdadan lagu sameeyo ay lugaha la gali doontaa ayaga. Sidoo kale, Waxaa xusid mudan in Dowladda Somalia weli aysan ka hadal, cambaareyn oo aysan weliba ka tacsiyeyn dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo intii u dhexeysay 13-kii illaa 15-kii Bishii December ee sannadkii hore. Dhanka kale, Wakiilkii QM ee Somalia, Nicholas Haysom ayaa Somalia laga cayriyay kaddib markii Dowladda Somalia uu ka dalbaday inay sharaxaad ka bixiso wixii dhacay Baydhabo oo ay ugu waaweynaaayeen xarigii Rooboow iyo dadkii shacabka ah ee lagu dilay. Ugu dambeyn, Waxaan cadeyn in Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ay dhab ka tahay baaritaanka uu dalbaday iyo tani ay tahay maaweelo Siyaasadeed oo uu kusoo jiidanayo shacabka Koonfur-galbeed oo ku tirinaya nin laga soo diray Muqdisho oo aan lahayn go’aan siyaasadeed madax-banaan. Haddaba, AKHRISO: Wareegtada lagu magacabaay Guddiga Baarista; PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed oo Magacaabay Guddi Baaritaan Sameynaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ka hadlay munaasabadda furitaanka xarunta xisbigiisa UPD, ayaa si kulul u weeraray dowladda madaxweyne Farmaajo uu hogaaminayo oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin badan dalka u horseeday. Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in baarlamaanka, maamul goboleedyada, Xisbiyada kala duwan ee dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ay caqabado adag kala kulmeen dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay caburin ay kala kulmeen dowladda. Wuxuu tusaale usoo qaatay culeesyada ay dareemayaan xildhibaanada baarlamaanka iyo maamul goboleedyada dalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay talaabo ka qaataan arintaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladda hadda dalka uu ku jiro inay tahay cabsi iyo Cariiri soo wajahay siyaasiyiinta iyo xubnaha dowladda Soomaaliya, taasina ay dhibaato kale keeni doonto. “Ciriiriga iyo xabsida kaliya ma saameyneyso siyaasiyiinta oo kaliya oo waxay sidoo kale saameyneysa shacabka, Tii wadada dhinaceeda Shaaxa ku gadeysay, kii gaari gacan ku shaqeynayay iyo kuwa baabuurka wax ku daabula ayaa caqabad la kulmay”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Culeesaadka siyaasadeed ee dalka ka jira ayuu sidoo kale sheegay inay saameysay hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho, maadaama loo diiday inay siyaasiyiinta ku shiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka uu Xoghayaha guud ee UN-ka António Guterres, ku bedalayo wakiilkiisa dalka laga eryay ee Nicholas Haysom. Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekadaha iyo Badda ee xukuumada Federaalka ah, Cusmaan Maxamed Cabdi [Daallo] ayaa ku tilmaamay talaabada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Qab usoo jiiday dalka. “Soomaalidu waligeed Qab way lahayd, waana guuleysaneynaa,” ayuu Wasiir Daallo ka sheegay isu-soo bax lagu taageerayay dowladda oo galabnimadii Sabtida ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho. Horaantii bishaan Janaayo 2019 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Haysom inuu dalka isaga baxo, markii ay ku eedaysay inuu ku xad-gudbay madax-banaanida iyo qaranimada dalka. The post XFS oo soo dhaweysay go’aanka lagu bedalayo Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru dawlaha, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xisaabiyaha guud. Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul wasarahu faray in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda si dalka looga caafiyo daymaha lagu leeyahay. Dhinaca kale, Khayre oo kormeeray dekadda Muqdisho ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, Gudaha furdada ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo maamulka sare ee dekadda. Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun musuq-maasuq iyo maamul xumumo, waxa uuna bogaadiyay horumarrada ka socda dekadda eekeenay in dekadda ay kusoo xirtaan maraakiib ay leeyihiin shirkado caaalami ah. Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay wasaaradda maaliyadda iyo dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaan iyo daah-furnaan. The post RW Khayre oo kormeeray W/maaliyada iyo dekadda Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-050119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxtooyadda Somaliland ayaa qaban-qaabinaysa kulan la filayo in uu toddobaadkan dhex-maro Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madax-dhaqameedka beelaha West Burco Clan. Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu muhiimad gaar ah siinaya kulan uu doonayo in uu la yeesho Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka kala duwan ee beesha West Burco Clan. Warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid dadkii la doonayay in lagu casuumo kulankaasi ay ka cudur-daarteen, walow la sheegayo ay jiraan Madax-dhaqameed caan ah oo ogolaaday inay ka soo qayb-galaan casuumadaasi, waxaana la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu qorsheeyay in uu casuumad u fidiyo ku dhawaad illaa 200 oo ka mid waxgaradka beeshaasi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa la sheegay in uu waxgaradkan iyo Madax-dhaqameedkan kala hadli doono arrimo dhawr ah oo ay ka mid ah tahay sidii ay ula shaqayn lahaayeen oo ay dadka deegaannadooda-na ugu qancin lahaayeen inay la shaqeeyaan xukuumaddiisa. Madax-dhaqameedka, Xildhibaanno iyo waxgarad kale oo maanta shir ku qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyeen in uu faro-galin qaawan ka dhex wado beeshooda oo uu kala qaybinayo. Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed iyo labadiisa ku xigeen. Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa markale hambalyo u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka, waxaana ay ka wada hadleen howlaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhacaya magaalada Garowe. Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadnaqay hambalyada, dhiirigelinta iyo dedaalka uu ugu jiro qabsoomidda doorashada Puntland. Kulanka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweyne Gaas kadib waxaa madaxweynaha Puntland uu guddoonka baarlamaana kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan cadaalada iyo hufnaanta doorashada madaxweynaha maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacab Puntland. Ugu dambeyn madaxweyne Gaas ayaa shacabka deegaanada Puntland kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan ka hor taga wax walbaa oo carqaladeyn kara doorashooyinka taariiqiga ah ee ka dhacaya Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Soomaalidu iyadoo han iyo hawaba Ka midowday oo hiigsigeedu hawadaa marayo ,waatii afwayne good aan la mahadin loosoo direy ,qori caaradii iyo xoog baan Ku wadayaana waatii laga Kari waayay ,aakhirkii waatii noqotay in soomaaliyi isku birjabto. Mar kale iyadoo soomaaliya kasoo kabanaysa daaduunkii gaadhay ,mar kale wiilkan farmaajo ee jaanta fududi soomaaliya jid baas buu la maray ,ninkii mukhtaar roobay waa xidhay ,galmudugna fiintaa Ka qaylisay , puntland waata tidhi carkee ,axmed madoobane maanta laandheere banaan degay iyo nin uu yahay buu isu dhigay, cudud milateri ,tikniko iyo ciidana wuxuu soo bandhigay maraykan ayaabad moodaa ,waa halkii abwaankii soomaaliyeede halkuu kurusku dhaameel Ka baxay dhaafi waa hilib? Axmednuur Guruje Source
-
Somaliland Dawladnimo ka bilaabantay waa layna xasuuqay kuna dhisan waa kuwaa kuwii na-xasuuqay; sidan ayayba ku cimri dheeraatay. Ujeedada ugu weyn ee dowladi u taagan tahay ayaa ah in ay hubiso, ka shaqeeyso sidoo kalana keento in bulshada ay’ u taliso ee dowlada u tahay ay nolol wanaagsan u keento kana ilaaliso nolosha xun ee dhibka badan. style=”font-size:16px;”>Somaliland 9 Sannadood ka hor kiishka bariiska ahi wauxuu ahaa tobbaneeyo dollar maantana cirKa ayuu marayaa, suuqa dunidu waa isla kii oo quutal-daruurigu waa waxa aan cidna ka suurtagelin inuu kor u kaco, taas bedelkeeda Somaliland waxaa Faan ay ka dhigataa in miisaaniyad sannadeedkeedu gaadhay $ 400 milyan oo dollar. Shacab daldalan oo xadhig qoorta lagaga xidhay kadib laga dhaliyey $400 milyan, marka loo khudbadaynayo’na la leeyahay waa tii lay na xasuuqay iyo kuwaas baa ina xasuuqay haddii aynu dawlad ku sii ahaan karno oo weliba Illaahayna Ictiraaf kaga sugayno iyaba waa nacasnimo la-kor*****. Source