-
Content Count
207,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Caasimada Online)-Odayaasha iyo waxgaradka Puntland ayaa ka hadlay doorashada maalin kadib ka dhaceyso magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ka digayaan in dhibaato ay ka dhacdo deegaanada Puntland gaar ahaan waqtiyada ay dhacayaan doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in doorashooyinka ka dhacaya magaalada Garowe ay u baahan tahay in sida wadajir looga wada shaqeeyo amaanka magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
The Norwegian government has said that it will donate $54.3 million to help Somali government in the rebuilding and development of the country. The government will send the grant that it mainly intends to help in security, stability and development, through different agencies that under come the World Bank. Norwegian State Minister Mr. Nikolai Astrup said that his government’s decision to help Somalia came after it assessed and confirmed the efforts made by the latter on matters of developments which are in the interest of the Somali people. Astrup added that the step implies Norway has trust in the agencies of the Somali Government. The post Norway pledges financial support to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gunmen killed a civilian in Somalia’s capital Mogadishu on Saturday night, the latest in a series of attacks in the city by Al-Shabaab militant group. Eyewitnesses confirmed to Radio Shabelle via phone that two men armed with pistols have shot and killed a young man and fled the crime scene before police arrived. The murder took place at Hosh junction in Mogadishu’s Dharkenley district and no group has claimed responsibility for the apparent assassination. Al-Shabab, an Al Qaeda ally in East Africa has been waging an insurgency in the Horn of Africa country for more than 10 years trying to oust the UN-backed Somali government. The post Gunmen kill civilian in Mogadishu amidst tight security measures appeared first on Shabelle. View the full article
-
CLICK HERE Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan degmada Afhooye ee Gobolka Sh/Hoose. Diyaargatoowga soo dhoweeynta madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota degmada Afgooye. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi gaaray ciidamo aad u farabadan oo AMISOM iyo kuwo dowlada ah. Ujeedka safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo degmada Afgooye ayaa waxaa ay qeeyb ka tahay abaabulka gobolka Sh/hoose looga saarayo Al-shabaab uu madaxweynuhu dhiiragalin u sameeyn doono ciidamada. Waxaa la xiray wadooyinka muhiimka ah ee Afgooye waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u farabadan. Dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarineeysa howlgalo culus oo Al-shabaab looga saarayo dalka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay hor gaysay Qaraar ka dhan ah dawladda Soomaaliya. Nuxurka qaraarka ayaa ah in la taageero Nicholas Haysom oo Soomaaliya eriday iyo guud ahaan shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ka qabtaan Soomaaliya. Warbixintan oo wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee AP waxa lagu sheegay in dawladda Shiinuhu golaha ka codsatay in qaraarkan maalmo la soo odoroso waxaanay xubnaha goluhu isku raaceen in dalalku maalmo soo akhristaan. Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Fransiiska ayaa bayaan ay soo saartay ku taageertay Nicholas Haysom iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay ku kalsoon tahay kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa, islamarkaana ay kalsooni ku qabto marka loo eego guulihiisii shaqooyinkii uu ka soo qabtay Qaramada Midoobay iyo dalkiisa Koonfur Afrika. Bayaankii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku aqbalay caydhinta Haysom kuna sheegay in uu mid cusub soo magacaabi doono iyo qoraallada ka soo baxay dalalka kale ayaa marka la eego siiqada ay ku qoran yihiin u muuqda in ay khaladka khilaafkan saarayaan Soomaaliya. Somalia ayaa si weyn u eedaysay Haysom oo ay sheegtay in uu dawladnimadeeda faro gelin ku hayay intii uu joogay. Source
-
Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya baaritaano maanta ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ay baaritaanka ka sameeyeen xaafadaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo bilowday salaadii subax ee saaka kadib. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay guryaha qaar gudaha u galeen, iyaga oo ka baaraya xubnaha Al Shabaab ka tirsan ee ku dhuumaalaysan karo, iyadoo shaqsiyaad qaar gacanta ku dhigeen. Sababta ka dambeysa baaritaankaan adag ayaa la sheegay inay tahay in masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan ay tagi doonaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda ugu sareyso dalka ay tagi doonaan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sidoo kale baaritaanka laga sameeyay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Magaalada. La soco waxii kasoo kordhaa wararka Afgooye Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay ka maamulaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in maamulkooda ka go’an tahay sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegananada ay hadda ku sugan yihiin. Waxa uu Madoobe u sheegay ciidamada Jubbaland in howlgalkaan ay kaligood ku yihiin oo aanay jiri doonin ciidamo AMISOM ah oo xilligan u diyaar ah iney howlgalladan ka qeybgalaan. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in diyaar u yihiin iney dhaqaaqaan ayna soo dhoweyn doonaan cid walbo oo caawisa sida AMISOM iyo sidoo kale dowladda federaalka ah. Jubbaland ayaa bartilmaameedkeeda ugu horreeya wuxuu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Bu’aale ee caasimadda maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diiwaan-gelinta murashixiinta doorashada madaxtinimada Puntland ayaa ka socota xarunta Golaha waliikada ee magaalada Garoowe. Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay duhurnimadii shalay oo Sabti ahayd ayaa ku eg gelinka dambe ee maanta oo Axad ah,sida ku xusan habraaca guddiga doorashada Puntland. Guddiga ayaa ilaa iyo haatan diiwaan-geliyay murashixiin ay kamid yihiin; Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere), Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame iyo Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano). Tan iyo shalay markii lagu dhawaaqay shuruudaha iyo habraaca doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray 8 murashax oo sheegay in ay u tanaasuleen murashixiin kale. Doorashada waxaa ka harsan mudda laba maalmood ah,waxaana Isniinta berri ah bilaabanaya khudbad jeedinta murashixiinta,iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo oo keliyah,sida ku cad habraaca doorashada ee shalay la soo saaray. Maalinta talaadada ee ku beegan 08/01/2019 ayaa doorashadu dhacaysaa,iyadoo wareega kuwaad ay ka soo gudbayaan saddexda murashax ee ugu codka badan,halka wareega saddexaad uu noqon doono cod dheeri,sida ay guddigu sheegeen. PUNTLAND POST The post Ilaa iyo haatan murashixiin la diiwaan-geliyay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa maanta waxa ay howlgallo ka wadaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howlgalkan ayeey ciidanku ku raadinayaan rag la sheegay in ay xalay Bam ku weerareen hoyga ay magaaladaasi ka deggan tahay guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay, Muraayo Ibraahim Madeer. Waxaa howlgalkan si gaar ah u wada ciidamada Booliiska Magaalada Baydhabo, welina lama sheegin cid lagu soo qabtay. Baydhabo waxaa kusoo kordhay dilalka qorsheysan iyo sidoo kale Bambooyinka lagu tuuro guryaha ay deggan yihiin mas’uuliyiinta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowla goboleedka Puntland ayaa si aad ah u adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Ciidamo badan oo maamulkaasi ah ayaa lagu soo daabulay gudaha magaalada Garoowe si ay amniga u adkeeyaan maalmaha doorashada. Sideedda bishan ayaa lagu wadaa in Garoowe ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee Puntland oo ay u taagan yihiin musharraxiin aad u badan. Dhanka kale, Garoowe waxaa ku sugan ciidamo badan oo ay kala wataan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Howlgalladan ayaa ah kuwo qorsheysan oo ciidamada waxaa la sheegay in xaafadaha qaar ay diideen isku socodka dadweynaha. Wariyaheenna Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidanka howlgalka wada ay yihiin kuwii dhowaan ay dowladda federaalka ka dirtey magaalada Muqdisho. Ammaanka degmada Afgooye ayaa ahaa mid maalmihii dambe faraha kasii baxay, hase ahaatee howlgalladan ayaa la doonayaa in dib loogu soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Magaalada Garowe waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo maalin kadib ka dhici doonto magaalada Garowe. Doorashadaasi waxaa u taagnaa inka badan 25 Musharax, kuwaasi oo horey u doonayay inay qabtaan xilka madaxweynaha maamulka Puntland, balse waxaa hadda bilowday inay musharixiinta qaar ka tanaasulaan hamigoodii. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in seddex arin ay sababtay in musharixiin badan ay ka haraan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo hadda u muuqata in musharixiin kooban ay soo harayaan. Arinta ugu horeyso ayaa ah inay bateen Musharixiinta isku reerka ah ee u tartamayay madaxweynaha maamulka Puntland, taasi oo keentay in musharixiin badan ku tashadaan inay midka ugu magacweyn u tanaasulaan. Arinta Labaad ayaa ah inuu qabtay mid kamid ah qodobadii shalay ay soo saareen guddiga doorashooyinka ee Puntland, kaasi oo ahaa in musharaxa labadii sano ee ugu dambeysay uu ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana xusid mudan in musharixiinta ugu badan ay ka maqnaayeen deegaanada maamulkaasi. Qodobka seddexaad ayaa lagu sheegay inuu yahay dhaqaalaha tirada badan ee laga doonayo musharixiinta xilkaasi u tartamaysa, taasi oo keentay in isbaheysi ay sameeyaan halkaasi iyaga dhan laga qaadi lahaa 20,000 kun oo doolar. Amaanka deegaanada Puntland ayaa aad loo adkeeyay waxaana doorashada maalin kadib ay ka dhaceysa magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Buug la magac baxay DHAXAL ABWAAN oo laga qoray xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin oo Ku magac dheer (DHEEG) ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargaysa gaar ahaan hoolka xafladaha ee AMBASSADOR, habeenimadii sabtida oo ay taariikhdu ahayd 5/01/2019. Buuggan oo lagu soo ururiyey suugaantii uu tiriyey xildhibaan Dheeg waxa ku qoran gabayo cay ah oo uu tiriyey isagu , gabayadaas oo uu si xun ugu aflagaadeeyey qabiillo iyo shakhsiyaad magac weyn leh oo ka mid ah bulshada reer Somaliland. Buuggaas oo loo bixiyey DHAXAL ABWAAN oo laga qoray xildhibaan DHEEG laga bilaabo bogga 130 aad ilaa bogga 138 aad ee buuggiisa wax Ku qoran cutub hal-ku-dheggiisu yahay SILSILADDII GUUYOOBE IYO BAHO-DUKHSI, cutubkaas hoos marka aad ugu daadegto isla markaba waxa ay indhahaagu qabanayaan labo gabay oo uu tiriyey xildhibaan DHEEG oo uu si fool xun ugu caayey beelo ka mid ah bulshada reer Somaliland, beelahaas oo waliba ka soo jeeda deegaanka uu wakiilka ugu yahay jagada xildhibaanimada ee goloha guurtida Somaliland. Gabayadaasi may ahayn silsilad dhex martay labada ardaa ee walaalaha ah ee GUUYOOBE iyo BAHA-DUKHSI mana jirto horrayso iyo dambayso wax colaad ah oo dhex Martay labadaa beelood, markaas waa gef iyo isku dir in la yidhaahdo SILSILADDA GUUYOOBE IYO BAHO-DUKHSI. Sideedaba haddii aad maqsho gabayo Silsilad ah macnaheedu waa gabayo xaraf isku mid ah ku socda sida: xarafka ‘S’ iyo ‘Sh’ arrintaasina ma jirto oo waxay ahaayeen gabayo ay isu tiriyeen niman biyo hoostood iska arkaayey oo mid waliba xaraf gooniya gabay ka soo tiriyey, mana aha gabayo tisqaaday oo ay bulshadu raali ka ahayd in la faafiyo. Haddaba xildhibaan Dheeg oo ka mid ah xildhibaanada goloha guurtidda Somaliland buugiisu wuxuu aabuurayaa colaad iyo isku dhac bulsho, lagumana kalsoonaan karo xilka culus ee uu qaranka u hayo. Sababta oo ah waxa uu dib u soo nooleeyey naxligii qabyaaladda ee laga soo gudbay, waxaanu da’yarta dib ugu xusuusinyaa boqolaal sannadood ka hor xilligii qabyaaladdu ay ahayd waxa keliya ee lagu faano. Xildhibaan Dheeg waxa buuggiisa ku qoran ereyo nasab cay ah iyo aflagaaddo qaawan oo in la faafiyo in iyo in buug lagu qoro aanay faa’iido ahi ugu jirin qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Gabayadan reeraha lagu caayey ma aha gabayo murti iyo nuxur leh ama hal muceed leh oo goleyaasha laga odhan karo, mana jirto wax baahiya oo loo qabaa gabyadii la isku caayey in bulshada buugaag loogu qoraa. Gabayadaasi waxa keliya ee ay faafinyaan waa naxli iyo xumaan, taas oo dhaxalkeedu yahay in ay isku caayaan jiilasha dambe iyo kuwa hadda nooliba. Buuggan la magac baxay DHAXAL ABWAAN waxa kale oo ku qoran bogga 246 ilaa bogga 256 gabayo uu tiriyey xildhibaan Dheeg oo uu Ku caayeyey kuna aflagaadeeyey Suldaaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir iyo Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare). Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waa Suldaanka guud ee Somaliland ilaa xilliganna waxa uu hayaa xil iyo xasaanad ummadeed in caydiisa buug lagu daabacaana waxa ay laf jab weyn ku tahay ummadda duubka u xidhay ee uu suldaanka u yahay, sidaa awgeed buuggani waxa uu meeqaan jab weyn ku yahay gaar ahaan qabiilka uu ka soo jeedo suldaanku, guud ahaanna qaranka jamhuuriyadda Somaliland (Bogga 246 ilaa bogga 250). Waxaynu ognahay golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland in ay u dhaarteeni in ay dhex u yihiin buulshada reer Somaliland, kana hortagayaan wax kasta oo wax u dhimaya qarannimada jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo aynu ognahay in ay dhawaan soo saareen go’aan ay ku sheegeen in aan buugaagta lagu qori karin gabayadii qabyaaladda ahaa ee la isu tiriyey xilliggii jahliga lagu noolaa. Sidaa darteed xildhibaan Dheeg waxa uu ku kacay qabyaalad iyo beelaysi qaawan oo keenaya cadaawad iyo colaad hor leh, waxaanu bulshada soo dhex dhigay buugga waxaasi ku qoran yihiin, isaga oo ummadda u haya xilka miisaanka weyn leh. Sidaa awgeed waa in laga xayuubiyaa xilka uu qaranka u hayo. Haddii kale geela duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad u malayn. Gebogedii buuggaas ay ku qoran yihiin qabyaladaas iyo qudhunkaasi, haddana hordhaciisa waxa ku qoran aayado Quraan ah iyo hal xadiis oo rasuulka laga weriyey N.N.K.H. oo macnihiisu yahay: Naga mid ma aha qofkii ku baaqa tollaayeey, naga mid ma aha qofkii u dagaalama tollaayey, naga mid ma aha qofkii u dhinta tollaayeey. W/Q: Dr. Yuusuf Jaamac Source
-
Cabdusalaan Salwo Siyaasi reer Mudug ah oo lagu magacaabo Cabdusalaan Salwe ayaa la sheegayaa, in uu maanta Garoowe kaga dhawaaqayo murashax madaxweyne ku xigeenka Puntland. Mudane Salwo ayaa suxufyiinta Garoowe ku wargeliyay, in uu saacadaha soo socda shaacin doono murashaxnimadiisa xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada 8-da Jannaayo oo mudda laba maalmood ah ka harsan yihiin. Salwo ayaa la garab ah murashaxa madaxtinimada Puntland, Dr Cali Ciise Cabdi oo ah ninka keliyah ee ka sharraxan gobolka ay Puntland iyo Somaliland ku muransan yihiin ee Sool. Saadiq Eenow oo shalay ku dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen iyo Cabdusalan Salwo oo maanta shaacinaya ayaa ka soo kala jeeda; gobollada Mudug iyo Karkaar oo aan looga baran, in ay u tartamaan xilka madaxweyne ku xigeenka. Labada ninba waxaa la sheegayaa, in ay xulufo hoose la yihiin Dr Cali Ciise Cabdi oo u sharrraxan doorashada madaxweynaha Puntland,waxaana ay raadinayan xilka madaxweyne ku xigeenka. PUNTLAND POST The post Garoowe: Salwo oo ku dhawaaqaya murashax madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Falastiin)-Shan nin ayaa la xidhay kadib markii xaafiisyada shirkadda warbaahinta falastiiniyiinta la bililiqeeystay. Agab lagu qiimeeyay kumanaan doolar ayaa la burburiyay markii rag hubeysan ay soo weerareen dhismaha warbaahinta maalintii jimcaha ahayd. Warbaahinta ayaa waxaa maal galiyo maamulka Falastiiniyiinta oo ay maamulaan ururka Fatax. Shaqaalaha ayaa markii hore dhacdadaan ku eedeeyay kooxda Hamas oo maamusha Gaza, balse ururka islaamiga ah ayaa waxaa uu sheegay in ay ka caroodeen hadalka ka soo yeeray shaqaalaha warbaahinta. Shanta nin ee la xiray ayaa waxa ay la shaqeeyaan maamulka Falastiiniyiinta, kuwaasi oo goor dhawayd la naaqusay mushaarkooda, waxaa sidaa warbixin ku sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi. Kaamirooyinka iyo agabkii codadka lagu jar-jarayay ayaa dhamaantood la burburiyay. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in nimankaan ay ka dambeeyeen jabsashada warbaahinta, kuwaasi oo dhamaantood ah xubno ka tirsan maamulka Fatah. Labadaan kooxood, waa fatax iyo Hamase, cilaaqaad wanaagsan kama uusan dhaxayn tan iyo markii Hamas ay la wareegtay maamulka maagaalada Gaza. Bishii octobar ee sandkii 2017-kii ururada Fatah iyo Hamas, waxa ay kala saxiixdeen qodobo dib u heshiisiin ah oo looga gol lahaa in Hamas ay wareejiso maamulka Gaza balse khilaaf ayaa ragaadiyay heshiiskaasi in uu miro dhalo. Source
-
(SLT-Koongo)-Iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu doonayo in lagu shaaciyo natiijada doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacday, ayaa saraakiishu sheegeen in aan [maanta oo] Axad ah lagu dhawaaqayn. Gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay in sababtu tahay iyada oo kala badh in ka yar waraaqihii codadka lagu dhiibtay ay soo gaadheen xarunta. Af-hayeenkiisa ayaa BBC-da u sheegay in shir la qaban doono Axadda oo lagu lafa guri doono dib u dhaca. Kaniisadda Kaatoligga, oo kumanaan goob joogayaal ah u dirtay goobaha codbixinta, ayaa Khamiistii sheegtay in cidda guulaystay ay iska caddahay, waxaanay ku baaqday in natiijada la shaaciyo si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed. Booliiska Congo iyo taageerayaasha mucaaradka oo isku dhacay DRC Koongo oo diidday deeq loo aruurin lahaa. Hadalkaa waxa si cadho leh uga jawaabay isbahaysiga talada haya oo yidhi kaniisaddu “fal sharci darro ah bay ku tallaabsatay” waxaanu ku eedeeyey in ay “shacabka u diyaarinayso kacdoon”. Kaniisaddu waxay mucaarad cod dheer ku ahayd mudo kordhinta xukunka Madaxweyne Joseph Kabila. Waxa uu haatan xilka ka degayaa 17 sannadood oo uu xilka hayey ka dib waxaanu ballan qaaday inuu suurto galin doono nin markii ugu horraysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo xilka hab sharciga waafaqsan loola kala wareegi doono tan iyo markii ay gobanimada ka qaadatay Belgium 19960-kii. Waxa lagu waday in natiijada rasmiga ah la shaaciyo Axaddan, in kasta oo gudida doorashooyinku dhawr maalmood ka hor ku dardaar werisey in ay dib u dhic karto. Gudoomiyaha gudida doorashada, Corneille Nangaa, ayaa Sabtidii sheegay in la tiriyey in ka yar kala badh codadkii la dhiibtay. Waxaanu yidhi “suurto gal ma aha in natiijada la shaaciyo Axadda. Hawshu way socotaa laakiin weli codadkii oo dhami nama ay soo gaadhin”. Image captionJoseph Kabila Kabila waxa uu xilka la wareegay markii aabihii Laurent Kabila la dilay 2001-dii waxaanu doorasho ku guulaystay sanadkii 2006, mar kale ayuu hadana doorasho muran ka dhashay ku guulaystay 2011-kii. Dastuurka dalka ayaan u ogolayn in uu mar kale isku sharraxo xilka, waxaanay ahayd inuu talada wareejiyo laba sano ka hor, hase yeeshee doorashada ayaa dib u dhacday ka dib markii gudida doorashooyinku sheegay in wakhti ay cod bixiyeyaasha ku diiwaan geliyaan u baahanyihiin. Go’aankaas ayaa waxa uu dhaliyey qalalaase iyo isku dhacyo, oo waxay mucaaradku ku eedeeyeen Kabila in uu doonayo in uu xukunka ku sii dheganaado. Source
-
London (Caasimada Online) – Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar ayaa guul siyaasadeed weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia ku tilmaamay go’aankii lagu cayriyey ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Raage Oomaar ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in Villa Somalia ay bah-dishay xoghayaha guud ee QM Antoni Guterres iyo QM, kadib markii ay cayrisay Haysom Qoraalka Raage ayaa u dhignaa sidan: “Guul weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia oo bah-dishay Guterres iyo QM. Dowladda Somalia waxay cayrisay wakiilkii gaarka ahaa ee QM ee Soomaalia Nicholas Haysom. QM waxay sheegtay in taasi aan la ogoleyn. Hase yeeshee waa ay is-dhiibtay waxayna sheegtay inay beddeli doonto” Huge win for @TheVillaSomalia who humiliates @antonioguterres & @UN. Somali gov expels UN Special rep @NicholasHaysom. UN says this isn’t allowed. But caves in & says it’ll replaces him.”The U.N. chief regrets Somalia envoy expulsion, will send replacement https://t.co/m8jq399axV — Rageh Omaar (@ragehomaar) January 4, 2019 Qoraal kale oo Raage uu ugu jawaabay agaasimaha mashruucda hay’adda ICG ee Geeska Afrika, rashiid Cabdi ayuu ku sheegay in dowladda Somalia ay qaadatay go’aan siyaasadeed ay ogtahay inuu guul siyaasadeed uga horseedi doono xagga shacabka. Waxa uu yiri “Dowlad kasta waxay ay cayrsan doontaa siyaasaddii u shaqeeneysaa islamarkaana ah guul siyaasadeed. Tani waxay guul dhameystiran u tahay Villa Somalia iyo “waddaniyiinta fog”, sida aad ugu yeerto, waxay muujiyeen in naceybka darran ee shaqada QM uu shaqeeyo, UNSomalia-na waa ay is dhiibtay” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Telefishinka CBS ee uu fadhigiisu yahay waddanka Mareykanka ayaa sheegay inuu ku gacan seyray codsi uga yimid dowladda Masar, oo dooneysa inuusan hawada galin wareysi ay ka qaadeen madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi. Codsigaas ayaa waxaa mas’uuliyiinta Telefishinka gaarsiiyay danjiraha Masar u fadhiya dalka Mareykanka. Wareysigaas oo 60 daqiiqo soconaya ayaa lagu soo warramay in Mr Sisi uu ku xaqiijiyay wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Masar iyo kuwa Israa’iil, si ay isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Jihaad doonka ah ee ku sugan gacanka Sinai. Waxa uu sidoo kale dafiray in dowladdiisu ay xabsiga ku heyso dad siyaasiyiin ah, wuxuuna difaacay howlgalkii dhimashada badnaa ee lagu wajahay mudaharaadyadii sannadkii 2013-kii. Mas’uuliyiinta warbaahinta la iska arko ee CBS ayaa sheegay in laga codsaday ineysan wareysigaas hawada ka sii deynin wakhti dhow, laakiin iyagu ay ka dhaga fureysteen dalabkaas. Ma jirto wax jawaab ah oo ay dowladda Masar ka bixisay wararka soo baxaya ee ku saabsan macluumaadka ku jira wareysiga uu bixiyay madaxweyne Sisi. Muxuu yidhi Madaxweynaha? Telefishinka CBS ayaan bixinin qormo dhammeystiran oo ku saabsan wareysiga, balse waxay mas’uuliyiintiisa sheegeen in madaxweynaha wax laga weydiiyay howlgalkii ka dhacay Masar, oo billowday markii ciidamada Milatariga oo uu xilligaas hoggaaminayay Sisi ay af gambiyeen xukuumaddii Maxamed Mursi, bishii Luulyo ee sanadkii 2013-kii. In ka badan 900 oo ruux, oo u badnaa taageerayaasha xisbigii Maxamed Mursi ee Ikhwaanul Muslimiinka, oo hadda mamnuuc ka ah dalkaas, ayaa la dilay, iyadoo ciidamada amaanka ay 14-kii bishii Agoosto ee 2013-kii dadka ka bixiyeen labada fagaare ee kala ah Raabica al-Cadawiya iyo Nahda, oo ku wada yaalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira. 120 ruux oo kale ayaa 2 maalmood ka dib ku dhimatay fagaaraha Ramses. Mr Sisi, oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaan dhigga ee Masar, ayaa wareysiga CBS lagu weydiiyay su’aal ku saabsaneyd inuu isaga bixiyay amarkii rasaasta loogu furayay dadkii mudaharaadeyaasha ahaa ee ku sugnaa fagaaraha Raabica al-Cadawiya. Wuxuuna ku jawaabay: “waxaa jiray kumannaan qof oo hubeysan oo ku jiray halkaas muddo ka badan 40 maalmood. Waxaan isku daynay hab kasta oo nabadeed oo aan uga saari karno meeshaas”. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dad kooban ay hubeysnaayeen. CBS ayaa sheegay in madaxweynaha uu sidoo kale “xaqiijiyay in Milatarigiisu ay la shaqeynayeen Israel, si ay uga gacan sarreeyaan kooxaha argagixisada lagu tilmaamay ee ku sugan Waqooyiga gacanka Sinai”, halkaasoo weerarro ay geysanayeen xoogag daacad u ah ururka Daacish ay ku dhinteen boqollaal askari iyo dad shacab ah. Mar la weydiiyay Mr Sisi in wada shaqeynta dhex martay Israa’iil ay ahayd “tii ugu dhoweyd abid”, ayuu ku cel celiyay : “Waa sax waa sidaas… waxaan Israa’iil la leenahay xiriir wada shaqeyn oo aad u baaxad weyn”. Source
-
Duqa caasimadda Garoowe,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa Axadda maanta ah heshiis la saxiixan doona shirkadda laamiyada dhista ee TTN oo laga leeyahay dalka Turkiga. Mudane Axmed Barre ayaa qoraal uu Facebook-giisa soo geliyay ku sheegay, in uu maanta heshiis la saxiixanayo shirkadda TTN,si ay dhisto 4 laami oo cusub,kuwaasoo laga hirgelinayo caasimadda Puntland ee Garoowe. Laamiyada cusub ayaa la saarayaa waddooyinka kala ah; 1: wadada Alnasaar 2: Jidcadaha Global 3:wadada u baxda xaafadda Jillab iyo 4: wadada Ely Hutel ilaa Shaariqa,waxaana mashruucan ku deeqay World Bank. PUNTLAND POST The post Heshiis dhisme 4 laami oo maanta Garoowe lagu saxiixayo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Garoowe)-lix musharax oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweyne ee Puntland ayaa shir jiraa’id oo ay xalay ku qabteen magaalada Garoowe waxa ay uga dhawaaqay in ay ka tanaasuleen tartanka doorashada madaxweyne ee Puntland. Musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in markii ay arkeen duruufaha adag ee dalka uu marayo iyo faragelin ay sheegeen in lagu hayo doorashada ay sababtay in ay ka tanaasulaan tartanka doorashada isla markaana ay codkooda ay ku biirayaan musharixiin kale oo sadex ah kuwaas oo kala ah Cabdisamad Maxamed Gallan,Siciid Cabdulaahi Deni iyo Daahir Mire Jibriil. Cabdirisaaq Jaamac Janagale oo u hadlayay musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in ay codkooda iyo cududooda u midaynayaan sidii isbedel la taaban karo uu uga dhici lahaa Puntland islamarkaana looga gaashaaman lahaa in markale xukunka uu kusoo laabto madaxweynaha iminka musharaxa ah Cabdiweli Gaas iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa faragelin ay xukuumadda Federaalka ku sameyso doorashada madaxweyne ee Puntland taas oo la filayo in ay dhacdo 8-da bishan January. Hadaba Murashixiinta sheegay in ay tanaasuleen ayaa kala ah:- Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) Cali Axmed Gamuuti Cabdixakiim Cabdi Xaashi. Maxamed Salaad Qoryoolay Cabdullaahi Jaamac Saalax Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre. Source