Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dib gacanta dad shacab ah loogu celiyay dhukumentiyo dawladeed oo inay daabacaan la siiyay xilligii Madaxweyne Siilaanyo, balse ay xukuumadda Madaxweyne Biixi la soo noqotay sannadkan. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Oktoobar waxay gacanta dawladda ku soo celisay dhukumentiyo dawladu leedahay oo ay xukuumadii Siilaanyo dad shacab ah qandaraas ku siisay kuwaas oo kala ahaa Liisanka waddo marista gaadiidka, Xaashida waddo marista iyo cusboonaysiinta liisamada iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka, iyadoo ay wasaaradu maaliyada oo go’aanka soo saartay ay wakhtigaas daabaacadda dhukumentiyadan ku wareejisay madbacada qaranka. Hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in qandaraaska daabicista dhukumentiyadan dib loogu celiyay dad shacab ah oo iyagu hore u soo daabici jiray kuwaas oo imika ku mashquulsan diyaarinta iyo daabacadda dhukumentiyadan si sannadkan 2019 loogu shaqeeyo. Lama hubo in dad cusub lagu soo daray mashruucan iyo inuu ku koobanyahay shakhsiyaadkii hore. Si rasmi ah looma garanayo sababta iyo baahida keentay in dhukumentiyadan daabicistiisa dib loogu celiyay dadkaas shacabka ah, iyadoo ay dalka ka jirto madbacada qaranku. Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaa ka jawaabi waayay telefoonka gacanta oo aanu dhawr goor u dirnay. Geeska Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa xog dheeri ah ka bixisay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday xarunta xalane oo ay degen yihiin hay’adaha ugu badan ee Qaramada Midoobay. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan miino baarista ee Mine Action ayaa bixisay xogta dheeriga ah ee la xiriirta weerarka hoobiyaasha ah, waxaana ay sheegtay in nooca hoobiye ee la deegsaday ay ahaayeen 81mm oo ah nooc lagu sameeyo dalka UK. Waxaa kaloo hay’adda ay sheegtay inay u eg yihiin nooca M29 oo lagu farsameeyo dalka Mareykanka, kuwaasi oo sababay burburka iyo dhaawaca shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale Hay’adda Mine Action ayaa sheegtay in hoobiyaasha laga soo tuuray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib markii baaritaan dheeri ah ay sameeyeen. Waxaa qoraalka Hay’adda lagu cadeeyay in meel 4.5 KM u jirta xalane kuna beegan degmada Kaxda laga soo tuuray hoobiyaasha kadib baaritaan dheeri ah oo ay sameeyeen. Kadib baaritaan lagu sameeyay haraadiga hoobiyaasha ku dhacay xarumaha CPO iyo UNMAS ee xalane ayaa lagu ogaaday nooca hoobiyaasha iyo halka laga soo tuuray hoobiyaashaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ka tirsanaa Al Shabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho. Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo ka mid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan. Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Janaayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka. Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo hore xukuno ugu fulisay xuno ka tirsanaa Al Shabaab oo uu ugu dambeeyey kii dhawaan lagu toogtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. The post Maxkamadda CQS Oo saaka fulisay xukun dil ah appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa wajahaya culeesaad siyaasadeed oo kaga imaanaya shaqsiyaad awood ku leh dowladda dhexdeeda. Wareegtooyin uu soo saaray Eng Yariisow ayaa u muuqda kuwa aan dhaqan galin, kadib markii shaqsiyaadkii uu xilka ka qaaday ay wali kasii shaqeynayaan degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiye Yariisow ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, laakiin waxaa kadib uu ka laabtay xil ka qaadistiisa, waxaana taasi cadeyn u ah in wali guddoomiyaha degmadaasi uu wali shaqeynayo. Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu magacaabay guddoomiyaha degmada C/casiis islamarkaana uu xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaasi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay yaraatay awoodii maamul ee uu lahaa, waxaana awooda ugu badan leh guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka. Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in Eng Yariisow uu beeniyay inuu xilka ka qaaday guddoomiyaha degmada C/Casiis islamarkaana uu magacaabay Ismaaciil Oronjo oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. TOOS : Khudbad Jeedinta Musharixinta Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Puntland 07 01 2019 Slået op af SBC Somali TV i Søndag den 6. januar [...] Source
  6. Maxakamadda ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay horey u dileen nabadoon can k ahaa magaalada Muqdisho. Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan. Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Febraayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay. Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka. Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dad ka tirsanaa Alshabaab, waxaana u dambeeyey dhagar qabe dhawaan lagu toogtay Baydhabo, kadib markii lagu heley dembi ah in uu nabadoon caan ahaa dil u geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Waxaa goordhow magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ka bilowday khudbadaha murashaxiinta madaxtinnimada Puntland. Murashaxiinta u tartamaya madaxweynaha waa 21 iyo 11 u tartameysa ku-xigeennada, waxaanala filaya in midkiiba uu hadlo 15 daqiiqo. Ammaanka Garoowe ayaa la adkeeyey, waxaa meel walbo la geeyey ciidamada kala duwan sida PSF-ta , Booliiska , Daraawiishta iyo PMPF-ta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta toogatay labo kamid ah Al Shabaab, kuwaasi oo ku eedeysnaa inay horey u dileen Nabadoon Soomaaliyeed. Labada ruux ee maanta maxkamadda ay toogatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow, waxaana lagu eedeeyay inay dileen Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ay fulineysay dilalka toogashada ah ee lagu fulinayo shaqsiyaadka Al Shabaab ka tirsanaa ee horey dilalka u geystay. Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in sidoo kale dhawaan latoogan doono shaqsiyaad ka tirsan Al Shabaab. Maalmo kahor kahor ayay aheyd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay toogatay shaqsi ka tirsan Al Shabaab oo ku eedeysnaa inuu qaraxyada dhigi jiray goobaha dadweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  9. Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo ruux oo dil horay u geeystay. Maxkmada ayaa toogatay waabarigii hore ee saakay labadaan ruux oo ay sheegtay in ay dileen allaha u naxariistee Nabaddoon Hiloowle Xeefoow Xuseen oo ay ku dileen Muqdisho. Ragaasi dilka lagu fuliyay ayaa waxa ay kala yihiin Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow oo horay maxkmada ay xukun dil ah ugu riday. Falka dilka ah ayaa ka dhacay fagaaraha iskuu Buluusiya ee Muqdisho. Maxkmada ciidamada qalabka sida ayaa baryihii ugu dambeeysay xukuno dil ah ku fulineeysay dad horay dil u geeystay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkmada Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay labo ruux appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa qoraal ay soo saareen ugu horeyn waxay kusoo dhaweeyeen go’aankii Faransiiska ka qaatay ceyrintii Nicholas Haysom. Warsaxaafadeedka kasoo baxay xildhibaanada oo ay kula mideysnaayeen Xisbiyada mucaaradka qaar ayaa waxay ku sheegeen inay la dhacsan yihiin go’aanka dowladaha Faransiiska, UK iyo Germany ay ku garab istaageen xuquuqda aadanaha iyo kala sareynta sharciga. Qoraalka ayaa waxay xildhibaanada ay ku sheegeen inay kaga mahadcelinayaan Qaramada Midoobay dadaalada ay ka wado dalka Soomaaliya, waxaana lagu soo dhaweeyay go’aanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay ceyrintii Haysom. Dhinaca kale qoraalka xildhibaanada ayaa waxaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya inay soo dhaweyso una ogolaato ergayga cusub ee lasoo magacaabi doono inuu guto waajibaadkiisa shaqo. Ugu dambeyn waxay qoraalkooda ku sheegeen inay soo dhaweynayaan dadaalada Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka wadaan gudaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu isaga haro siyaasadda. Cabdi Xoosh oo bogiisa facebook soo dhigay war ay qorta Caasimada Online, oo ku saabsan Xasan Sheekh oo weeraray madaxda dowladda, ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen fursad muddo 4 Sano ah laakiin aysan mar kale siineyn maaddaama wax qabadkiisii hore uusan qancin. Xoosh waxaa uu sheegay in Xasan Sheekh ay u wanaagsan tahay in uu ku daydo Madaxweynihii uu isaga beddelay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed,kaas oo afartii sano ee uu Xasan xilka hayay aan ka daba hadlin. Cabdi Xoosh Jibriil oo qoraal ku qoray Facebook-giisa talo ku siinayay Xasan SHeekh ayaa yiri. Waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan fursad siin qofka marka 1aad si wanaagsan u gudan waaya dowladnimada loo dhiibay.
  12. Haddii waayo aan ku doodi jirnay lahaanshaha dhulalka Soomaaliyeed ee ay haystaan dowladaha Kenya iyo itoobiya, hadda fogaanta dhuleed ee aan ka hadalnaa waa ay soo gaabatay, halkii aan u hanqal taagi jirnay dib u soo celinta dhulalkaas , hadda waxa aan u xafiiltannaa waa Maamul goboleedyo kamid ah labadii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ka sameysantay ka hor 55 sano. Aragtideyda laba arrimood ayaa sabab u ah in aan maanta gobol gobol u yooyootano iyada oo weliba ciidanka haysta gobollo aan leenahayna uu illaalo naga hayo, Labadaas arrimood middood waa qabyaaladda oo heshay saad iyo sahay federal la yiraahdo oo hadda u sameysmaya hab qolol-qolada qiimo u yeelaya, oo qabiilba ku soo koobaya qaybta uu deggan yahay. Arrinta labaad ayaa ah dadka siyaasadda ee maanta na hoggaamiya oo ah hoggaamiyeyaal aad u han yar oo ku qanacsan in ay maamulaan oo madaxweynayaal u noqdaan 3 illaa 5 gobol oo kamid ah 18kii gobo lee jamhuuriyadda. Maamulada dhismaya ee qorshuhu yahay in ay kamid noqdaan jamhuuriyadda 4aad ee federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka mid ah kan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee qaatay magaca GALMUDUG. Maamulkaasi hadda waa uu dhismay qayb ahaan, balse qofka ku soo baxa hoggaanka maamulkaas waxa u yaal shaqo guri, taas oo sida uu uga soo baxo ay ku xiran tahay guusha goboladaas. Si uu u hirgalo dhismaha maamulka goboladaasi waxa si nabad illaalin ah u tegey gobolka ciidanka Itoobiya, iyada oo tegiddoodii Degmada Cadaadana ay qaadatay muddo. Haddii aad ogtahay ciidanka Itoobiya ee jooga Gobolada dhexe waxa uu si dadban u hor istaagay tegitaankii ciidanka Jamhuuriyadda Jibuuti ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxa uu qorshuhu ahaa in ciidanka Djibouti ku meleto goboladaas howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya, kadib markii ciidankaItoobiya ka biyo diiday in uu tago gobolka isaga oo fulinaya codsiga xukuumadda Soomaaliya. Itoobiya oo illaashaneysa waxa ay u taqaan Aagga danaha itoobiya (Ethiopian interest zone) ayaa hadda si layaab leh ugu jowrfaleysa awoodda nabad illaalineed oo ku timid ogolaanshaha dowladda Soomaaliya iyo go’aanka midowga Afrika ee caawinta dib u kabashada Soomaaliya. Dhulka ay u taqaan Itoobiya Aagga danaha Itoobiya waa Gobolada xadduudka la leh dhulka Soomaali galbeed oo ay ku jiraan Mudug, Galgaduud, Hiiran, Bay iyo Bakool. Taariikhda marka aan dib u fiirino Meelo kamid ah goboladaas ayay itoobiya isku dayday in ay qabsato oo ka lusho calankeeda muddo hadda laga joogo 31 sano, Sida ku qoran buugga Halgan iyo Hagardaamo ee uu qoray Ahun Gaashaanle sare Claahi Yuusuf Axmed sanaddii 1984-tii xilligii uu billowga ahaa qaran-jabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa Itoobiya oo ka faaiideysaneysa taageeradii ay siisay jabhaddii SSDF waxa ay Calankeeda surtay degmooyinka Balanbal iyo Galdogob kadib markii ciidankii XDS oo dagaal adag lagalay SSDF uu taagdareeyey taasina ay u fududysay Itoobiya in ay fuliso qorshaha qaybi oo xukunsi oo mararka qaarkood xoog la socdo. Wasiirkii arrimaha dibadda ee Itoobiya ee Xilligaas DR. Gaashaanle Sare Goshu Wolde waxa uu soosaaray Warsaxaafadeed lagu qoray af adag oo u muuqday jeesjees, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Balanballe iyo Galdogob ay kamid yihiin dhulka Itoobiya, balse ay furan tahay in laga wadahadlo iyada oo wadahadalkaasina ku kooban yahay halka ay xadduuddu ka noqoneyso degmooyinkaas. War-saxaafadeedkii Goshe Walde ee qaybta ka ahaa qorshaha dhul ballaarsiga ee Itoobiya qayb ahaan waa hirgalay oo Itoobiya waxa ay maanta qayb ka tahay awoodaha jaangooya habka ay u dhismeyso Soomaaliyada cusub ee maanta, Goshu Wolde 32 sano kaddib ayuu ku noqday Itoobiya kaddib Isbeddelka ku dhacay xukunka Itoobiya Dhammaan Gobolada xadka la leh dhulka Soomaali galbeed ee ay haysato Itoobiya hadda waa meel ay Itoobiya isha ku hayso si ay uga dhabeyso dhambaalkii Wasiirkeedii arrimaha dibadda ee 31 sano kahor. Tusaale degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxa ka dhacay bilo ka hor dagaal u dhexeeyey ururka ASW iyo ciidanka gobolka ee Dowladda federaalka ah, Illaa hadda waxa la ogyahay ayaa ah in rasaas ay leedahay Itoobiya loo adeegsaday dagaalkaas, taas oo aan la’aanteed dagaal socon Karin. Wada-hadalkii dhexmaray Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka socday dhanka ASW iyo Sarreeye Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka socday dhanka Xukuumadda Soomaaliya waxa ka soo baxay heshiis dhowr qodob ka kooban oo aan wax la sheegaa ka hirgelin. Fulin la’aantii heshiiskaas waxa ay hordseedday in ASW oo ka careysan ka bixidda heshiiskaas ee dowladda Soomaaliya ay iyana dhankeeda ka baxdo heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhigayey in qolo walba joogto oo ay ku sugnaato meesha ay maamusho, kaas oo ASW ku koobayey Guriceel, Ciidanka dowladda iyo maamula gobolkana farayey in ay joogaan Dhuusamareeb. ASW waxa ay qabsatay Dhuusamareeb, iyada oo dibadda dhigtay ciidankii dowladda iyo maamulkii gobolka, taasina waxa ay dhacday iyada oo ciidanka Itoobiya ay joogaan Dhuusamareeb, waxa ay tallaabadaasi muujisay xiriir wada-shaqeynayd oo u dhexeeya ASW iyo hoggaanka ciidanka Itoobiye ee gobolka, balse Waxa aan maqlay in Itoobiyaanku sheegeen in aanay lahayn awood ay kula dagaalaan ASW mar haddii aan loo aqoon urur argagixiso ama mucaarad diiddan jiritaanka dolwadda Federaalka ah. Itoobiya waxa ay maanta haysataa fursado ka fiican kuwii ay haysatay 31 sano kahor, fursadahaas waxa ugu weyn in xoogga dalka Soomaaliya uu ka baxay kaalintii uu uga jiray ciidanka Waddamada Afrika, mar ayuu kamid noqday xoogga dalka Soomaaliya 4ta ciidan ee ugu tayo, tiro iyo tababar fiican Qaaradda Afrika. Fursad kale ayaa ah in maanta uu hirgalay qorshihii Qaybi oo xukun oo ay dejisay xukuumaddii Mingistu Xayle Maryan, kaas oo ka billaabmay kala qaybintii jabhadihii SNM iyo SSDF oo ka mideysnaa duminta xukunkii ciidanka ee Sarreeye Gaas Jaalle Siyaad. Hadda si walba xaaladdu waa ay uga duwan tahay sidii ay ahayd 31 sano kahor, xilligaas waxa ay Soomaaliya lahayd ciidan looga cabsado haweynta ciiddeeda, hayeeshee maanta ayaa ciidan u ah Gobolada dalka qaarkood. Waxa aad u yaraa muwaadin Soomaali ah oo ku gacan siinaya dowlad kale in ay qabsato Ciidda Soomaaliya si dadban iyo si toos ahba. Hadda Itoobiya waxa ay ka waddaa Gobolada dhexe qorshe la la mid ah kii ay 31 sano ka hor ka wadday Balanballe iyo Galdogob, haddii ay beryahaas ku haysatay dalkeeda jabhado Soomaali ah oo ku caawiya in ay dumiso qaranka Soomaaliya markan waxa ay ku haystaa dalka gudihiisa, taas oo u fududeyn karta in ay qayb ahaan diiddo wixii aanay dooneyn ama ka weyso danteeda. Ciidanka Itoobiya ee jooga Galgaduud waxa ay mas’uul ka yihiin shaqada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya taas oo ah la shaqeynta xoogga dalka Soomaaliya iyo ku caawinta Dowladda Soomaaliya dejinta dalka, balse dhaqanka daneysiga siyaasadeed ah ee ay Itoobiyo ka waddo Gobolada dalka qaarkood sida Galgaduud waxa uu u muuqdaa mid qayaxan oo aan dabool saarnayn. Waa maxay sababtu? Saddexdii xukuumadood ee is xigxigay ee soo maray dalka muddada uu xilka hayo madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay raadiyeen xal iyo hab ASW uga mid noqoto nidaamka dowladnimada ee dhismihiisu weli socdo, dadaaladaas waxaa ka dhashay ballan-qaadyo badan oo aan wax badani ka fulin, taas oo ASW ka lumisay kalsoonimada iyo aaminaadda dowladda, sidaas oo kale xukuumadihii is bedbedelayey waxa aanay ku guuleysan gaaridda xal kama dambeys ah oo ASW uga mid noqoto xukuumadda. Dhowr qof oo kamid ah ASW ayaan weydiiyey waxa ugu weyn ee ay doonayana in ay xaqiijiyaan si ay dowladda qayb uga mid noqdaan, waxa ii soo baxay oo keli ah in ay doonayaan dowlad la fariisato oo u garowda, kadiba howshii adkayd ee ay qabteen uga mahadcelisa. Haddii madax kamid ah xukuumaddeenu ku fakareyso in ay ceeb ku tahay la hadlidda iyo la xaajoodka AS, aan isweydiino ceebta ka weyn in wax war lagu dhammeyn karaa ay soo jidaan dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed. Itoobiya fursad weyn oo aanay weligeed helin ayay u tahay in ay Somaliland si gaar ah ula xiriiri karto, Puntland sidaas oo kale, Gobolada hadda dhismaya sida Galmudug, Jubbalan iyo Koofur-Galbeedna iyada ayaaba u ah illaalo, haddii loo baahdana waxa ay xiriir dhow la leedahay madaxda maamusha. Aan isweydiino marka waxa u dhimman oo ay gaari lahayd, Waxa ii muuqata in Itoobiya haysato haddii wax ka badan intii ay ku hammineysay. Gorgortanka muuqda ee aanay jirin cid kula jirta ayay ku geleysaa taageero aan bannaanka ool oo ay siiso xoog la jaal ah oo jooga Gobolada dhexe. Shumaca la shido iyo feynuustu waa ay gubanayaan balse cid kale ayaa ka faaiideysaneysa sidaa ayaan maanta u muuqanaa badankeenu, Haddii aad isleedahay Itoobiya waxa ay u joogtaa Gobolada dhexe iyo guud ahaanba dalka in ay taageerto dad iyo dowlad Soomaaliyeed malahaas gabalkiisu wuu dhacay hankii Itoobiyana Waa halkiisii haddiiba ay heleyso fursad ay dhulka oo dhan ku qaadatana muddo dheer ayay dadkeeda siyaasaddu ku fakarayeen sidii ay dhammaantiis u dhaxal wareejin lahaayeen. Yooyootanka aan macnaha lahayn ee u dhexeeye Galmudugta cusub iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waa ceeb iyo dadnimo xumo soo muuqata, sidaas awgeed inta aad isku raacsan tihiin kuwada socda, inta aad isku haysaan ayay taasi ka badan tahay. Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo mar noqday Wasiirka Koowaad ee dowladihii soo maray dalku waxa uu ku barbaaray waxna ku bartay Dhuusamareeb, sidaa awgeed si qabka qabyaaladdu u jabo waxa laga filayaa in uu soo dhaafo Puntlan oo yimaado Galgaduud iyo Mudug, haddii ay wax dhisanayaan waxa ay qayb ka noqon kartaa in nabadgelyada Puntland hagaagto, isaga oo dhanka fiican ka eegaya gar iyo daw ayay maanta ku tahay in uu gacan qabto maamul Soomaaliyeed oo dhismaya, Haddii aad tihiin siyaasiyiin ogaada Waxa aad awood leedihiin inta aad xukunka joogtaan, ee uga faaiideysta in aad awood yeelataan idinka oo ka dhaadhacay xilka ama dhulka ka hooseeya, taasna waxaa sababi kara in aad ka tagtaan magac iyo Waxtar ummadeed, Ogaadana Hankii Itoobiya Weli Waa halkiisii. WQ: Axmed Ciise Guutaale Dersa Sharciga & Qaanuunka
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa soo saaray warbixin xog cusub ka bixisay tirade ciidamada milatariga Al-Shabaab, magacyada guutooyinka, xilalka amiirada iyo sida ay u shaqeeyaan. Garabka Militariga ee Al-Shabaab waxaa loo yaqaan Jabahaat (Furinta ayaa Carabiga lagu dhahaa, marka ay kali tahayna Jabha). Kooxdii ugu horreeysay waxaa la sameeyey 2005, markaas oo koox 15 ragga ah ay weerar ku qaadeen gobolka Soomaalida ee Itoobiya. 2010 oo ay heerkii ugu sarreeyey gaareen, Jabahadda waxa ay kor u dhaaftay 8000 oo nin. Jabhad walba waxa ay leedahay koox ku takhsustay miinooyinka, oo loo yaqaan Jugta Culus, waax caafimaad, warbaahin, diin faafin (Dacwa), diiwaageliyeyaal, gadiid iyo saraakiil warfaafineed. Jabhad walba waxa ay leedahy lix ciidan oo waa weyn iyo laba gaar ah: Kuwa caadiga ah waa Jubbooyinka; Gedo, Baay, Bakool; Shabeelleaha Hoose iyo Banaadir; Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud; iyo Mudug. Ciidamada gaarka ah waa kuwa Galgala iyo Kenya. Kuwa joogtada ah waxa ay ka kooban yihiin 700-1000, kuwa gaarka ah waxa ay ka badan yihiin 300. Waxaa intaas dheer, waaxda xoojinta waxa ay leedahay 500 oo nin. Tirada guud ee Jabhadaha waxa ay hadda dhan yihiin ugu yaraa 5000 oo nin. Hoos u dhocooda waxa uu tusaale u yahay cadaadiska kooxda fuulay iyo iyaga oo dagaalkii caadiga ah uga guuray mid ku dhufoo ka dhaqaaqa ah tan iyo 2011. Sida ay u kala sarreeyaan Jabhaduhu waa sida; Amiir Majmuuca: Waxa uu u taliyaa 10 nin. Amiir Fasila waxa uu u taliyaa 32 nin; Amiir siriya: Waxa uu u taliyaa 99 ilaa iyo 120 nin; Amiir Katiba waxa uu u taliyaa 300 oo nin; Amiir Jaysh – waxa uu u taliyaa ciidan gobol oo gaaraya 700-1000 nin. Naga filo warbixino faah-faahsan oo ku saabsan sida ay guuto walba u shaqeyso, Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal ooge u dhashay dalka Yemen, islamarkaana mar dhaqaalo u ururin jira Al-Qaacidda, haddana ka tirsan kooxda Daacish, ayaa shaaca laga qaaday inay maal-geliyaan Imaaraadka Carabta. Jariiradda Washington Post ayaa daaha ka qaaday arintaasi kadib markii ay baahisay wareysi ay ka qaaday Abu Al-Cabbaas oo helay dhaqaalo malaayiin dollar ah oo hub ay ku iibsadeen iyo taageeri dhaqaalo oo kaga imaanayay Imaaraatka carabta. Imaaraatka Carabta ayaa ah isbaheysiyada ugu waaweyn ee Mareykanka marka loo eego bariga dhexe, waxaana ruuxa wareysigaasi bixiyay uu kamid ah mid ka mid ah ururada ugu waaweyn ee Mareykanka uu ku daray Liiska Argagixisada. “Isbaheysa wali wuu i taageeraa” ayuu yiri Abu Al-Cabaas, laakiin wuxuu diiday inuu isaga kamid yahay argagixisada “Haddii xaqiiqdii aan argagixiso ahay, su’aal ayay isweydiin lahaayeen”ayuu yiri. Arinta kiiska uu shaaciyay Abuu Al Cabaas ayaa daah rogaysa isbaheysiga qarsoon ee ka dhisan dalka Yemen, kaasi oo dhinacyada dhan u horseeday Afar sano oo dagaal ah, waxaa kale oo ka imaanaya su’aalo la xiriira doorka Imaaraatka ku leeyahay isku dhacyada dalka Yemen. Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka oo kamid ah dalalka gacanta carabta ugu awooda badan ayaa ku lug lahaa ololaha meletariga ee dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015. Dagaalka Yemen ayaa sababay inay halis gasho nolosha caruur badan oo Yemeni ah iyo waalidiintooda, maadaama xaalado bini’aadanimo oo daran ay ka jiraan dalkaasi. Axmed Faadhil Abuu Shureyma oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bayda ee dalka Yemen ayaa isaga oo ka hadlayay isbaheysiga Al Qaacida iyo Daacish ee ka dagaalama Yemen wuxuu su’aal ka keenay inay dhiiri gelin ka helaan Imaaraatka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Dr. Saadaq Eenow oo ka mid ahaa musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland ayaa sabtidii uga dhawaaqay Garoowe in uu xilkaas ka tanaasulay oo uu waliba u bedeshay xilka Madaxweyne ku xigeen. Tallaaadan lama filaanka ahayd ayuu Dr. Saadaq ku sheegay in uu u sameeyey dhawr sababood sida in uu u tanaasulay shacabka Gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn oo uu sheegay in ay hagardaamooyin siyaasadeed, mid amni iyo dhaqaale ka soo gaartay maamulada Somaliland, Puntland iyo dowladda dhexe. Siyaasiga oo ka soo jeeda gobolka Karkaar ee ay xarunta u tahay Qardho ayaa cadeeyey in ay isku siyaasad yihiin Dr. Cali Ciise Cabdi oo uu u tanaasulay, diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo. Dr. Saadaq Enow oo hore xukumadda Cabdiweli Gaas uga soo ahaa Wasiirka Caadimaadka ayaa lagu tirinayey musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxweyne balse go’aanka uu qaatay ayaa laba falcelin dhaliyey, qaar soo dhaweeyey iyo kuwo ka xumaa. Go’aanka Dr. Eenow waxa uu saameyn weyn ku yeelan doonaa ol’olaha doorashada Puntland maadama uu sii xoojiyey rejadii Dr. Cali Ciise Cabdi. Tallaabadaas sidoo kale waxa ay xujo ku noqoneysaa baarlamaanka Puntland oo dhawr iyo sodon tahay da’yar maadama ay ku adkaan doonto in ay ka leexdaan labada Diktoor oo is wata, doonaya in ay hoggaamiyaan Puntland. Shaqsiyad ahaan iyo aqoon ahaan, Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Dr. Saadaq Eenow waa laba musharax ee ugu sarreeya. W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac Laascaanood, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Peace was the concept Somaliland people grew to accustom for 27 years, mostly meaning that maintaining peace and stability were the only credible conditions that could convince the world to recognize Somaliland as a separate state. Of course besides peace and stability, there are other strategies more critical for Somaliland recognition than peace and stability. Good governance and growing democracy are the testimonies of how critically a country’s ruling elites are skilled to centre their focus, dedication and devotion on the cause of their own country. Somaliland governments, specially Kulmiye administrations, showed no sign of good governance and growing political democracy, leave alone trials to improve ruling behavior since the year 2010, which is what really disappointed and discouraged the international communities. The credibility of the quality of governance does not necessarily come from peace and stability. Peace is the glue of tranquility. And tranquility disappears in times of conflicts and clashes over privilege and power. A struggle for power and privilege leads man towards arrogance. Arrogance corrupts man’s mind. It makes man immoral. Even the sense to know the difference between fair and unfair sounds invalid when arrogance affects human mind. Resultantly the beauty of life, which is the tranquility, starts to fade away. And that is when most mistakes that lead communities into distrust and discomfort begin. Guess what follows formation of mistakes in human minds. Actions and reactions: Isn’t it? All actions come from the mind. And actions are either right or wrong. A wrong action ends in a wrong result and a right action ends in a right result. An action is not reaped in the field of action unless a thought is sowed in the mind. We all act on what our driving desire is. A desire is what satisfies our want, what we like to make, have or achieve. And as is our desire, so is our will. As is our will, so is our act. As is our act, so is our destiny. Desires mostly determine the choices that human beings make when they make plans in their life. Thus the destiny of human beings is mostly the result of their choices. If Somaliland people learnt more of the truth of their own past choices, they would perhaps have fewer problems today. Recalling what it is like to know where we are now and where we want to be is vital to our growth, socially, intellectually, economically and politically. One way to get a sense of why an abyss of politicall despair always exists in Somaliland is that most of us never seem to recognize what is worth knowing and understanding. Of course knowing and understanding help us make changes in our life and build on our areas of strength as well as identify areas where we would like to make improvements. In other words, being fully aware of what we are good at while acknowledging what we still have to learn and more importantly where our choices politically lead us to is extremely important. To elaborate the point, we owe our history to how we ought to ensure that the way we handle our affairs remains resilient and realitistic with what is right and wrong, or more accurately, what we ought to know is if what was right two decades ago continues to remain equally right today. If we cannot identify what has gone wrong and what mistakes we made, we will never discover how to set wrong things right. It is natural for nations to grow and develop and if they are not growing, there comes a time to know why. What is constant is the core essence of who we are. Who we have become is a question that invites us to look deeper into what we are and where we stand now as a nation. Are we happy with where we are as a nation? If not, what aspects would we change and will this result in the nation we want to be? Are we proud of the democracy we seem to embrace and obsess with? Can our current political democracy deliver even a small portion of our desired goals? Do we, as Somaliland citizens, honestly observe the pillars that democracy requires? How can we feel anything but ashamed when we look at what we have become? These are questions to answer because they require thoughtful examination. What makes a system of government more desirable is what it promotes and preserves. A government system is a home where the dignity of all people is being protected and celebrated as an elinghtened system. Our democratic system can have a cause for celebration when we observe its guiding principles that promote and protect moral responsibility, work ethics, merits of service, quality of education, justice, transparency, and accountability. These observations leave us embracing a truth for which we have nothing else other than to learn, know and own constant awareness as a way of life and join in building social and political evironment that will carve a new future for our hopes to become a reality. No system can eliminate crime. Nor saints be able to eradicate human errors and ignorance. The remarkable thing is, humans have a choice (a decision) to select one thing over another. What really occured is that Somaliland people have let their ruling policies and plans kidnapped by people with an improvished sense of what the collective good might be. A core problem with Somaliland democracy is the love of power and privileges. Perhaps the motive is simple: “You argue instead of talking sense only when you have nothing to say to convince the public.” To confuse the people and keep them in kraals is one way of how blind leadership begins. It is how bad governance was and is seeded in the minds of the gullible people and how it worked and still continues to work for few who gained power and privileges. A governing system begins to slip long before it falls. If the slip becomes consistent, the system of government will end in a wicked state, as history is our guide. The governing system of Kulmiye party leaked in one direction in the first phase of decline. Kulmiye party ran in the direction that always leaning on tribalism since 2010 and this shows that Kulmiye’s loyalty to this country is questionable. The situation demands that Kulmiye foibles should not evaporate without raising some questions about credibility. National vision is a vital concern; but no one has exclusive claims on honesty. Vision without action is just fantasy. To fulfil vision, people must be able to effectively work together, and their experiences must be captured to create a source of shared learning that improves future sense. The world knows that Kulmiye politicians always ignore what really works for their country, sow dissension among society to pull communities apart and keep them divided, steal public property to make the nation poor, lead the nation with lies to lead the country to hell, and govern the nation without vision to keep the people in suspense and darkness, because they work for themselves and not for the country. Deniability of the impactive problems that always hinder Somaliland progress include tribal politics, limitless greed, unrestrained corruption, nepotism, bribery, abuse of power for personal gains, lack of knowledge, and lack of implementing and enforcing the rule of law that can punish the wrongdoers. Why these hurting problems remain unaddressed and still excessively continue to work, let alone trying to mitigate their impacts? Things could be different if we were wiser. Because reality is far more complex than the simplistic single approach we grew to accustom, which is “let things-shape-themselves attitude.” It is not worth living in an unexamined governing system. It is sad why Somaliland people have not yet come to understand that they live in a system that does not have a function of check and challenge. There is no functional strategy more crucial and critical for good governing system than consistent reform and resilience. Another way nations might be able to improve the ability to manage problems is by replacing what does not work well with what works well for the nation. When people deny and hide their weakness, and fail to admit their mistakes, they do not know that their development is virtually arrested. Which is typically what has been lagging Somaliland behind since the year 2010. If we don’t make time to examine in how we are ruled and led socially and politically, it may catch up to us, as we see today. Why? The answer is Kulmiye political leaders are dictated by their unconscious desires instead of being led by their conscious choices. They have a habit of reacting to their own personal interests instead of responding to the demands, needs and requirements of the people they represent. The reasons of why Somaliland is internationally isolated is the world has witnessed that Kulmiye party never seem to learn, know and form a kind of an inclusive administration whose national ambition is to create a self-correcting system in which elements of check and challenge and balance are the operating keys. The international community learned that Kulmiye political strategy has just been a mere business that only puts money into a politician’s pocket, and that the manners in which Kulmiye administrations work is always meant to build policies and plans to amass opulent wealth, no more, no less. Independence is not only when you liberate yourself from oppression, but it is when you free your mind from the influence of those who insult your intelligence. Somaliland people need to liberate themselves from the system that is being built by few individuals who, by abusing public mandate, gained power and privileges. A bad governing system is like a flat tire; we cannot go anywhere until we change it. It is sad when your choice becomes the chain that keeps you chained to ground. Two wrongs don’t make a right, the collaboration of bad choice and bad leadership. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-06012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Dano sheegad Djibouti ma noo maqantahay mise waa nagu maqantahay Waxaa hadda cadaatay in Djibouti Somaliland: KU MAQANTAHAY EE AANAY U MAQNAYN.) (هل جزاء ألأحسان ألا ألأحسان) Baahintii ugu horraysay: 2006 Bahintii ku xigtay : 2008 aahintii Saddexaad : 06.01.2019 (2) Dadweynaha reer Djiboutow Wixii cadaw duulimaad Walaal Dumar iyo Caruur“ Dul iyo hoos iigu dhigay Da’roon Somaliland Dalkaba weydaariyo Gobooyoo noo da’weyniyo Dagaal duurka ha galee Dir iyo Daarood dhamaan Diloo boobo dhac iyo Dacwiyo dood baan qabnaa wixii dabar goyn ihilay Walaal derisbaynnu nahay Dawaadda arday leh iyo wuxuu dilay duub caddii Dabkaynnu kala qaadanaa Dulbuuxii laygu dhigay Dunbaysugu keen xidhnayd waxaan kaa doonayiyo waxaan kaa damacsanaa Daruurtiyo daad baladhan Dubaaxdii kaama helin Degaankiyo doogga baxa Dulqaadkeedaan lahaa Duunyadu daaqbay u tahay Dagaal iyo Dirir Qadhaadh Dukaanlay kulay ku tahay Dab iyo naar la isku shiday Dadkuna waa wada degaa Ayaan doobiga u cushoo Haasaawaha diirraniyo Duuflaal cadawgii ku diray Barjaa lagu wada dekayn Anoo diifaysanoo Aduun weligii ma dego Bukaan Daran yay sanoo Daqaabo lagama waayee Duleedkaaga fadhiya Haddii aan wax kuu dednayn Labaatan ku dhaw dednaa Intii duniduba dhisnayd Adoo dawadii hayana Difaacaagaan ahaa ii diiday daryeelidii Doraadbaa ugu dambaysay Duunyana xoolaan lahaa Haddaad dockaleba diiddo Dux iyo kawl ii ahaa Walaal waa diintaiyo Intii dabar igu xidhnaa Intaa derisnimo wanaag Kuwiina dareesatoo Ha yeeshee daacad l’I Dalaalimo kuu hadhsade Dareen ahbaba I galay Ddistoor iyo Dawladnimo Markii calankii dulbaxay Markay timi Daaha fura Dunidu haydin daawatee Dabool Dekadaydi saartay. (3) Aqoonsiga iigu deeqa Dagaal iigama ekee Nabsaa kugu deyranoo Maxaad ii duudsidaa Nabsaan kugu deynaya Xunbuli dooyaysanoo Qalbigu ii diidayaa Aduun weligii ma dego markuu dabarkiisa goosto Xaqayga u deedafayn Danqaabo lagama waayo Cidii uu damasanyahay Dagaalkii dawladnimo Haddii aan wax kuu dednayn daqiiqad ma daaya oo Xorriyad doondoonistii Intii duniduba dhisnayd Dawaar buu marin yaqaan Waxaan daafaha adduun Difaacaagaan ahaa Nabsigu waa dabadoo Dinah-yee-yee-ya –yaan Darraataa ugu dambaysay sidii diinkuu socdaa Daluumaha hoose iyo Haddaad doc kaleba diiddo Dabaylii caad rogiyo Daruuraha kuugu koray Walaal waa diinta iyo Daaraha mowjado dulbaxa Wuxuu Dumar Duunyo huray Intaa derisnimo wanaag Duufaanbuu noqonkaraa Waxay dahab iibiyeen Ha yeeshee daacad li’ Dadkii xalay doobyayee Dantoodii uga tageen dareen ahba baa igalay Nicmada daacdaacayee Dalaaqana ay dhaceen Dastoor iyo Dawladnimo Daf iyo midhiqdaa ahaa Durbaan iyo Daramal Dhacay markii calankii dulbaxay Dayaanku haddii u dhaco Adduun weligii ma dego markay timi Daaha fura Digiyo Dambas bay noqdaan Danqaabo lagama waayee Dunidu ha idin eegatee Dabeed daasaday gurtaan Haddii aan wax kuu dednayn Maxaad ii duudsidaa Ceeyoon baa loo dawari Intii duniduba dhisnayd Qalbigu ii DIIDAYAA Walaaloow waa digniin Dafaacaagaan ahaa Xaqayga u deedafayn walaaloow dardaaran Doraabaa ugu dambaysay Dul waayeel waa wada indhoo walaaloow waa dulxaadis Haddii aad duckaleba diiddo Wadada dib u raaciyiyo Dubii weynaa ma dhicin Walaal waa diintaiyo Dantii Xamar bay jirtaa Ogoobay waa duriyad Intaa deresnimo wanaag Waxaad dacar qooshtay iyo Doodkii saadada ka baxay Ha yeeshee daacad li’ Waxaad dabin ii dhigtaba Dulmaa laga galay da’weyn Dareen ahba baa I galay Duqayn hoosaad waddoo Ducay sacabada wadheen Distoor iyo dawladnimo Ilaahay iga dulqaad Cirkay daalacanhayaan Markuu calankii dulbaxay Darxumo waa iga dulhaadday dareen qu***** direen Marka timi daaha fura Diyaafado aan dhigiyo ALLOW DAAYIMOW ALLOW Dunidu ha idin eegatee Damaashaad lagu dikriyo WALAAL II DARAN DAWEE Aqoonsiga iigu deeqa Dabaal-deggi way diyaar DAWEEYO HADDANA DAWEE Maxaad ii duudsidaa HADDUU DIIDANA DULLEE Qalbigu ii diidayaa NIN KUU DIGAY KUU DANEE Xaqayga u deedafayn ADAA DEYN QABEE BAL DAYO OO YAAN DOORKAA KU SEEGIN By: H. I. Bayle mona.said.kl@gmail.com Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa xadiiday joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalida, siday ay ogaatay Caasimada Online. Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, arrintan ayaa sabab looga dhigay weerarkii hoobiyaasha ee kowdii January lagu qaaday xarunta QM ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha QM. Qaar ka mid ah shaqaalaha QM ee Muqdisho, oo qorshuhu ahaa in maanta ay u safraan Muqdisho, ayaga oo kasoo laabtay fasax sanadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaysan tagin Muqdisho oo ay joogaan Nairobi. Go’aanka QM ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda Muqdisho. Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay QM, waxaana uu kusoo aaday xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay QM iyo dowladda Somalia, kadib markii Somalia ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Janaayo. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Waxaan qaybtii koowaad ku soo sheegay in Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobkiisa 19aad iyo qodabkiisa 24aad uu tilmaamayo in dowladdu ay masuul ka tahay caafimaadka, horumarka, waxbarashada hooyadda, ilmaha iyo naafadda aan haysan cid daryeesha. Haddaba Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 ayaa tilmaamaya xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Shaqo-Galinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska waana sidan:- 0.0001pt 0.25in; text-align: justify; line- 150%; font-size: 11pt; font-family: Calibri,sans-serif;”> 1) Dejinta iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee kuwajahan daryeelka, xanaanaynta iyo waxbarashada naafada, hooyada, dhalaanka iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaala qaadata. 2) Taakulaynta iyo ilaalinta dumarka, caruurta iyo dhammaan dadkanugul. 3) Gacan ku heynta xarumaha dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta. 4) Xidhiidhinta/horumarinta hay’adaha ka hawl gala adeega bulshada iyo dabagalka xilgudashadooda shaqo si looglu warbixinyo waxaa ay wadanka ka qabtaan. 5) La dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta sida tacadiyada galmada ee haweenka loo gaysto. 6) ka hortiga takoorida dadka nugul, ka hortiga iyo la dagaalanka tacadiyada jinsiga ah iyo shaqaalayntq caruuurta. Intii aan xog ogaal u noqonayey xaalada carruurta darbi jiifka waxaan arkayey in wadankan ku soo badanayeen balwadaha kale ee maanka dooriya oo aan hore u jiri jirin sida xashiishada ,xabagta, marjuwaanaha ,kookiinta iyo kiininkaba waxayna dhalintu u isticmaashaa habab kala duwan qaar sida sigaarka ayaa loo nuugaa ,mid sankaa laga qaataa ,mid waa la calaliyaa sida xanjada iyo mid laysku mudo oo ah mid si fudud looga heli karo wadankeena waana maandooriyaal midba mida kale ay ka culustahay aanan miisaanayn , Markii hore anigan dadka uunbaan la mid ahaa oo sida dadka kale u dareemaan uun baan u dareemi jiray oo aan isaga dhaafi jiray laakiin wakhti ilaa mudo laba sano ah ayaan is waydiiyey maxay carruurtani dadkoodii u qaban waayeen ? su’aashaasi ayaa igu soo dhacday ,hadana waxaa maskaxdayda ku soo dhacday ,dadkoodii haday qaban karayaan ,way hayn lahaayeen . Waxaan is idhi carruurta sidan oo kale hadaanan dadkoodii hayn Karin yaa ka masuula ? Markaa waxaa maskaxdayda ku soo dhacday cida kalee ka masuula inay tahay cida umada hogaamisa ee masuuliyada ummadu saaran tahay . Deedna halkaa waxaa iiga soo baxay wax badan inaan waligeed ba cida ummada hogaamisaa iyo waxgaradka ummadan midna aanu carruurtan hoos u eegin oo aanay ku baraarugin . Maalintaa wixii ka dambeeyey ayaan bilaabay inaan ka shaqeeyo daryeelka carruurta ,Maansa hore ayaa tidhi:- dadkan waa yuhu haysto ee waxyeeladu gaadhay ee waayey xuquuqdoodii ee habeenkii wareega ee akteena ka wiiwle horta yaa ka masuula ? Su’aasha hada taagan waxa weeye bal horta dadkani yaa ka wakiila? bal cida ka wakiilka ah kow ha is waydiiso? marka xigtana xilkeeda ha gudato? la soco Q3aad………………… shaamcade2015@gmail.com Source
  21. The minister of defense of the United Kingdom visits Somaliland Hargeisa,(Qaran news)-The defense minister of of the United Kingdom visited Somaliland republic today . He was received by President Muse Bihi Abdi and other head of Somaliland defense ministry as well as other high ranking Somaliland officials. This is the first time that such a high ranking minister visited Somaliland. Somaliland gained independence from Great Britain on June 26, 1960 and joined Somalia on the 1st of July 1960. The country seceded from Somalia on May 18 1991 after the union failed and tens of thousands of people from Somaliland were killed by the regime of the late Siyad Barre during the civil war. Qarannews Qaran News
  22. ku dayashadu allaaba ma keento guul. Ruux marka uu ka dhex mudho khayrkii; dad baa hiigsadda halkaa uu gaadhay cagta in ay dhigaan. Tartanka baaskiilka lagu ordo – RAAM – ee lagu qabto Maraykanka waxa jiray nin la odhan jiray Jure Robic oo shan jeer hantiyay abaal-marinta tartankaas. Robic waxa uu sameeyey dhacdooyin door ah oo indhaha caalamka soo jiitay, sida: In uu maalin badhkeed ka horeeyey ninkii kaalinta labaad galay iyo in uu seexday 8 saacadood kaliya sideed maalmood. Robic ma dheerayn tartamayaashii kale karti iyo ayaan balse Robic waxa aakhirkii la ogaaday in aannu maskaxiyan fayoobayn. Sidaa daradeedna daal iyo xanuunka ay dareemayaan raga kale isagu aanu la waddaagin. Xanuunku waa culays ku yimaada dadka; kaas oo sababa nasasho qofka ku qasabta hurdo. Daalka waxa jira dad aan dareemin. Jure Robic kor baynu ku xusnay. waxa jira oo kale dad iyagu aan lahayn dareenka keena xanuunka. Ashlyn Blocker ayaa ka mida dadka ku dhashay sifaadda la yidhaa – Congenital intensitivity to pain with anhidrosis CIPA – sida ay soo warisay Justin Heckert, Ashlyn waalidkeed ayaa u sheegay in ay canqawga ka jabtay intii iyadu aysan ogaan in ay laf ka jabtay! Dadka aan dareemin xumadda waxa jidhkooda lagu arkaa nabaro laxaad leh. Dhaawaca ma dareemaan! Waana sababta keensata dadkan qaba CIPA hore in ay ka wajahaan geeridda. Haddii aad isku daydid in aad bareejaysid qof jimsi ahaan kaa duwan, waxa aad ku jirtaa dagaal aadan guul ka keenayn. Sweden waxa jirta maahmaah tidhaahda caruurtu waa ubaxa la yidhaa ‘dandelions’ balse in kooban baa ah ‘orchids’. Dandelions’ku waa ubax meel kasta ka baxa. Kuwa kale ‘orchids’ku waa ubax u baahan daryeel; haddii ay hellaan xanaano waa ay wacnaanayaan haddii ay wayaan waa ay xumanayaan. Dadka intiisa badan waxa ay wataan hidde sidde la yidhaa DRD4 balse dadka qaar ayaa wata hidde sidahaas oo muqaal kale leh: DRD4-7R. Dadka wata 7R’ka oo u eeg caruurta lagu masaalay ubaxa ‘orchids’ka waa kuwo u dhexeeya wanaag iyo xummaan. Haddii uu hidde-sidahaasi hello deegaan daryeel leh dadkaasi waxa ay noqdaan geesiyaal haddii deegaanku ka xumadanna, waxa ay noqdaan ********. John Stuart Mill nin la odhan jiray ayaa laga soo xigtay in uu yidhi: Dad kooban ayaa maanta ku adkaysta gadisnaantooda toggan, isku dayashadda ummadda oo dhan rabto in ay isu eekadaan waa musiibadda muuqata maanta. Gadisnaantada ku gaarka ah in aad ogaatid oo maalgashatid waa guul gacantaada ku jirta. Malcolm Gladwell waxa uu buunbuuniyey baadhitaan uu soo saaray K. Anderson Ericsson oo ahaa: Waxa aad khabiir noqonaysaa, marka aad shay ku celcelisid 10kun oo saacadood. Wakhtigaas waa saa’id qofna 10kun oo saac kuma celcelin karo shay. Sirtu waxa ay tahay qofku shayga uu ku wanaagsan yahay wakhti kooban ayuu qabatimi karaa umana baahna saacaddo badan. Shayga aad ku wacantahay lasoo bax. Cid ku tilmaanta ugu yaraan doono amaba qiimee 5tii sanno ee u dambaysay halka ay naftu ku jiidanaysay. Jihadaa naftu ku wadato, haddii ay tahay mid la falgali karta dhaqankaaga, ka daba gee dadaalkaaga. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Source