Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageyso:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-07012019-w.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka. waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa. Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo Horumarinta caafimaadka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  3. Askar ka wada tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dagaallamay degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararku waxay ay sheegayaan in ciidankan ay ku dagaallameen Koontarool laga soo galo degmadaasi, waxaana la isku adeegsday rasaas xooggan. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamo ka yimid dhanka garoonka diyaaradaha Jowhar, islamarkaana la socday gaadiid Khaad siday ay rasaas kala kulmeen askar kale. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, iyadoo xaaladda weli ay tahay mid kacsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Odayaasha Dhaqanka iyo Haldoorka Beelaha West Burco Clan ayaa si weyn iskugu Khilaafay Martiqaad la sheegay inuu oday Dhaqameedka Beelahaasi u fidiyay Madaxweyanaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kaasi oo saaka ku beegan inuu ka dhaco Gudaha Xarunta Madaxtooyada Somaliland. Ergo, oday Dhaqameed u badan oo ka kala timid Goboladda Sanaag iyo Togdheer oo kasoo jeeda Beelaha West Burco Clan ayaa Shalay ku soo xerooday Magaaladda Hargeysa kuwaasi oo ka qayb galaya Kulankan martiqaadka ah ee qadada ah ee uu Madaxweyne Biixi u fidiyay kaasi oo Maanta Sagaalka Aroornimo ka furmi doona Qasriga Madaxtooyadda Somaliland dhexdeeda. Waxa ergadani Xalay loo qaybiyay Huteelada Magaaladda Hargeysa waxaanay isku diyaariyeen Kulankani oo si weyn loo naawilayo inay jilbaha isku daraan Madaxweyne Biixi iyo Oday dhaqameedka Beelaha West Burco Clan oo la sheegay inay ka kooban yihiin 30 Ardaa oo beelahaasi ah, islamarkaana tiradoodu ay kor udhaafayso 200 oo oday. Salaadiin iyo wax garad kale oo ka tirsan Beelahaasi ayaa iyagu ganafka ku dhuftay Kulankaasi iyo martiqaadkaasi uga timid dhinaca Madaxtooyada Somaliland waxaanay ku eedeeyeen Madaxweyne Muuse Biixi inuu dab kala dhexdhigayo beeshooda islamarkaana kala qayb qaybinayo. Salaadiinta oo Shalay illaa Doraad shir jaraa’id ku kala qabtay Magaalooyinka BURCO iyo HARGEYSA ayaa ku tilmaamay Martiqaadkaasi uu Madaxweyne Biixi u fidiyay mid lagu khatalayo beeshooda islamarkaana lagu kala furfrurayo waxay ugu yeedheen Midnimada Beelaha West Burco Clan. Sidoo kale Xubno ka tirsan Gudidii Shirkii Gacan libaax ee ay Beelahani Sanadkii hore ku qabsadeen buurta Gacan libaax oo Shalay warbaahinta la hadlay, islamarkaana kulankan daadafiyay ayaa waxa ay yidhaahdeen “Waxa la sheegayaa inuu Madaxweynuhu yidhi Safarkaygii aan Goboladda Bari ugu baxay West Burco Clan ha iiyimaadaan waan uga mahadnaqayaaye, Waxaanu leenahay waa arin aad u nasiibdaro ah Maxaa yeelay Safarkii uu Bari u baxay Somaliland oo dhan ayaa ku soo dhawaysay, ee West Burco Clan oo keli ah may ahayn, Sababta uu eraygadaa u soo qaadanayaana timir lafbaa kujirta oo ujeedo kale ayuu ka leeyahay,Waxaase munaasib ah haddii aad Hogaamiye Qaran tahay wixii Nusqaan ah iyo wixii faa’iido ah inaad si fiican u kala fahamtid, wuxuu ku dhacay Nusqaamihii lagu tirinayay kuwii ugu xumaa, Somaliland oo soo wada dhawaysay ayuu reer kala dhex baxay. West Burco Clan wuu shiray, Lix bilood ka hor ayuu shiray, buurtaa Gacan libaax ayuu ku shiray, Qodobo ayuu soo saaray, waa loo shaaciyay oo sideed qodob ayay ahaayeen,Maalin kamuu jawaabin, Sanadkaasi uu Muuse Biixi Dalka Hogaaminayay Xaalad Khatar ah ayuu kujiray,Maamulkii Dawladnimo iyo Hogaamintii Dawladnimo intuu ku fashilmay Muuse Inuu West Burco Clan ku dhex meeraystaa Waa Nusqaan weyn”.ayaa hadaladooda ka mid ahaa. Lama garanayo ujeeddada dhabta ah ee ka dambaysa Kulankan iyo Martiqaadkan balse sida ay WARGEYSKA FOORE u sheegeen Xubno ka tirsan Martida Maanta tagaysa Madaxtooyadda oo ka soo kicintintay Gobolka Sanaag, waxa uu kulankani ka yimid Dhinaca Madaxweynaha waxaanu ujeedadiisu tahay inuu beelaha West Burco Clan uga mahadnaqo sidii wanaagsanayd ee ay Safarkiisii uu bishii Noverber ee sanadkii hore ku tagay Gobolada Bariga ugu soo dhaweeyeen. Iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu intaasi ka qoto dheer yahay kulankani. Source
  5. Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa Qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay hoolka Baarlamaanka Puntland oo ay ka socotay dhagaysiga Qudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa [...] Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sida la sheegay mar kale siminaar tababar ah u furaya Golihiisa Xukuumadda wakhti uu laba todobaad ka hor siminaar laba cisho qaatay uu u soo xidhay Xubnaha Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha dalka ee kale duwan. Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi Mar kale qorsheeyay inuu todobaadkan siminaar tababar ah u furo Xubnaha kujira Golihiisa Wasiiradda, isagoo sanadkii hore bilawgiisiina Siminaar kani oo kale ah oo aqoon korodhsi ah u furay Golihiisa Xukuumadda wakhtigaasi oo ay cusbayd Xukuumaddiisu. Waxa uu sidoo kale laba todobaad ka hor siminaar tababar ah oo dhamaadkii bishii hore u soo xidhay uu u qabtay Xubnaha Agaasimayaasha Guud ee Dalka kuwaasi oo muddo laba cisho ah aqoon korodh ku soo qaatay huteel Galbeedka Caasimadda Hargeysa kuyaala halkaasi oo ay casharo shaqadooda ku saabsan ugu soo laqimeen Macalimiin ama khabiiro jaamacadaha dalka wax dhigaa. Marjiro war rasmi ah oo arintani xaqiijinaya oo naga soo gaadhay dhinaca Madaxtooyadda balse illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Qaar ka tirsan Xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa noo xaqiijiyay arintani, waxaanay sidoo kale noo sheegeen in maalinta salaasada ah, oo maalinta bari ah ku beegan in la filayo inuu siminaarkani u furmo ama la xereeyo,iyagoo noo sheegay inuu sidoo kale socon doono Muddo laba cisho ah oo ay ku soo qaadan doonaan Casharo la xidhiidha Dhinaca shaqooda iyo dardar galinta Hawlaha ay qaranka u hayaan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa Wakhti ay Bulshadu u dhegtaagayso isku shaandhayn iyo wax kabadel uu Madaxweyne Biixi ku sameeyo Golihiisa Xukuumadda, iyadoo dhinaca kalena suuqyada Siyaasadda ay maalmahan kujirtay inuu Madaxweynuhu damacsan yahay inuu dib u habayn ku sameeyo Xukuumaddiisa isagoo xubno ka saaraya, xubno Cusubna Xukuumadiisa ku soo daraya si uu u dardargaliyo islamarkaana boodhka uga jafo oo uu u gufeeyo God-daloolooyinka ka jira Xukuumaddiisa, ugana jawaabo Saluuga Bulshada uga imanayay sanadkaasi ay jirtay Xukuumaddiisu. Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa u Muuqda inuu jilayo Filim Uu Indhaha Bulshada iyo Fadhi ku dirrirka uga jeedinayo Hanaankiisa shaqo,Iyo inaan waxba la ogaan wax ka badelada uu ku samanayo Xukuumadiisa iyo waliba Shaqsiyaadka uu ku soo darayo,kana saarayo Xukuumaddiisa, waxaanu u muuqdaa inuu aad u qarsaday sirtii laga heli jiray Dhinaca madaxtooyada ee ku saabsanaa xubnaha uu xilka ka eryayo iyo shaqsiyaadka uu Xukuumadiisa ku soo darayo ee ku soo biiraya taasi oo ay aad u adag tahay in si dhib yar lagu ogaado tan iyo intii uu Xilka qabtay. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Maxkmadda Degmada Hargeysa Oo Soo Bandhigtay Kiisaskii Ugu Layaabka Badnaa Sannadkii 2018-kii, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Garoowe)-Tartanka doorashada Madaxtooyada Maamul-goboleedka Puntland ayaa maraya halkii ugu sarraysay iyada oo Murashaxiinta ku loollamaya mansabka Madaxweynuhu saacadihii la soo dhaafay laban laabeen kaambaynkooda siyaasadeed oo meel xasaasi ah maraya halka Madaxweynaha wakhtigan xilku ka dhammaanayo oo isla Musharax ahi sutida u hayo furin kale oo ku bannaan maadaama uu diiddan yahay in ay maamulkaasi soo cago-dhigtaan Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Ah ee Fadhigeedu yahay Muqdisho oo uu u arko in ay fara-galinayaan doorashada oo ay waliba isaga ka soo hor jeedaan. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gaashaanka ku dhuftay oo diiday inay Magaalada Garoowe soo cago dhigato diyaarad sidday xubno wasiirro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dawladda Muqdisho kuwaasi oo intooda badani ka soo jeedeen Maamul-Goboleedkan Puntland oo diyaaraddii soo qaadi lahayd lagu amray in aanay Garoowe ka soo degi Karin. Tartanka ayaa meel adag maraya iyada oo doorashadani dhawr arrimood kaga duwan tahay doorashooyinkii hore oo inta badan Musharaxiinta Madaxweynuhu ay kaliya ka soo jeedeen Beesha Majeerteen oo ah aqlabiyadda Beelaha dhistay Maamulkaasi, waxaana doorkan xaaladda waji kale u yeelay Murashax Dr. Cali Siciid Cabdi oo isagu ka soo jeeda Beelaha Gobolka Sool kaasi oo si lama filaan ah saaxadda illaa hadda uga soo muuqda balse wax waliba waxa ay dhinac u dhici doonaa maalinta kaambaynka iyo xuuraanka ugu dambaysay oo ah maanta. Kaltanka beelaha Puntland ee dhinaca awood qaybsiga ayaa waxa ay iyana saamayn weyn doorkan ku leedahay doorashada iyo sida ay u dhici karto iyada oo beesha Cismaan Maxamuud doonayso in ay doorkan Madaxweynaha hesho waxaana illaa hadda Murashaxiinta beeshaasi ka soo jeeda ugu cad cad Siciid Cabdilaahi Deni iyo Asad Cismaan Cabdullaahi. Inkasta oo ay adag tahay marka la eego hannaanka awood-qaybsi ee beelaha Puntland haddana Dr. Cali Ciise Cabdi oo Sool clan ahi waxa uu doonayaa in uu dhawr arrimood ka faa’iidaysto si uu Murashaxiinta Beelaha Majeerteen uga dhex qaado kursiga balse waa mid u muuqata mid aad u adag sida ay u xaqiiqowdaa. Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu isku hallaynayaa 17 Xildhibaan oo deegaanka Sool ah oo ka mid ah xildhibaanada Wakiilada ee codaynaya. Doorashooyinkii hore Xildhibaanada Gobolka Sool kasoo jeedaa waxa ay ahaayeen kuwa codkooda lagu kala baxo balse sannadkan maadaama murashax Madaxweyne ay wataan intooda badani waxa ay doonayaan in ay meel wada maraan. Arrinka labaad ee Dr. Cali Ciise Cabdi fursad u arkaa waa Murashaxiinta beelaha Majeerteen oo aad u badan codkooduna baahi karo halka uu sidoo kale taageero weyn ka haysto dawladda Muqdisho fadhida ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Dr. Cali Ciise Cabdi Waa guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee Soomaaliya, waxaase dhibaato ka qabsanaysaa in beesha Majeerteen u araagto nin wax ku lahaa aasaaska kooxda Khaatumo oo aan laga jeclayn beelaha Majeerteen. Dhinaca kale Beesha Cismaan Maxamuud oo isu dhigaysa in ay doorkan u leeyihiin xilka Madaxtinimo ee Puntland waxa sida aan soo sheegnay ugu cadcad laba nin oo ay labadaba isku wanaagsan yihiin dawladda Federaalka ah. Waa Siciid Cabdullaahi Deni oo hore usoo noqday Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya iyo Asad Cismaan Cabdullaahi oo ah nin dhallinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay dahwr iyo soddon jir kaasi oo tan iyo sannadkii 2010-kii soo ahaa taliyaha ciidanka la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano PSF, waana Murashaxa ugu da’da yar. Musharaxan ayaa laga cabsi qabaa in uu ku hadho qodob ka mid ah shuruudaha tartanka oo dhigaya in aanu qofka isa soo sharraxayaa ka yaraan 40 sano jir sida uu qabo dasturka Maamulka Puntland. Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye ayaa isna ka mid ah ragga ugu cadcad Musharaxiinta Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Lix ka mid ah Murashaxiinta tartankan u taagnaa ayaa Garoowe kaga dhawaaqay in ay u tanaasuleen xubno uu ka mid yahay Siciid Cabdullaahi Deni kuwaasi oo sheegay in ay tartanka uga hadheen sidii ay codkooda ugu biirin lahaayeen xubno is baddal doon ah oo ay ku dadaali doonaan sidii aanu talada ugu soo laabteen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Shalay gelinkii dambe ayaa lasoo gabogabeeyey Liiska kama dambaysta ah ee Murashaxiinta Madaxweyne ee Maamulkaasi oo doorashadiisa ay soo af-jari doonaan maalinta berri ah oo Bishan January tahay siddeed iyada oo ay codkooda dhiiban doonaan 66 Xildhibaanada oo Golaha Wakiilada ah, waxaana arrin xiisad weyn abuurtay noqotay Markii xubno ka mid ah bahda Garsoorka ee Maamul Goboleedka Puntland ay shalay ku baaqeen in tartanka laga reebo Murashaxa Madaxweyne ee wakhtigan sidoo kalena ah Madaxweynaha xilka haya Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas oo ay eedaymo u soo jeediyeen. Musharax waliba waxa uu shalay shubay oo laga qaaday lacag dhan $20,000 oo dollar oo kaash ah oo ka mid ahaa shuruudaha tartanka Madaxweyne u yaalla. Isku soo wada duuboo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo aanay wali ka hir gelin wax nidaam dimuquraadi ahi, codkana ay bixin doonaan oo kali ah xidlhibaano nidaam beelaysan lagu soo xulay ayaa berri oo Salaasa ah loo ballansan yahay in ay doorashadani ka dhacdo waxaana doorashadii ugu dambaysay ee maamulkaasi lagu xasuustaa halkii cod ee uu Cabdiweli Gaas kaga helay madaxweynihii xilka uga horreeyey ee C/raxman Faroole. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya xaaladda ka dhex taagan Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Muqdisho ee uu hogjoogaha ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay go’aan ku gaadhay in ay yarayso shaqaalaheedii iyo hawl-wadeenadeedii ka hawl galayay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan ayaa wargeyska Foore u sheegay in Qaramada Midoobay ayaa aad u dhimayso joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaalida, arrintaasi oo saamayn weyn oo dhaqaale iyo siyaasadeedba ku yeelan doonta dawladda Farmaajo iyada oo maalmo uun laga joogo markii maamulka Villa Soomaaliya uu dalkeeda ka caydhiyey wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha qaramada midoobay u joogay Soomaaliya Nicholas Haysam. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho, arrintan ayaa sabab looga dhigay ka saaritaankii Haysm ee Soomaaliya iyo waliba xaaladaha amni ee Magaalada Muqdisho oo faraha ka sii baxaya kadib weerarkii hoobiyayaasha loo adeegsaday ee kowdii Bishan January lagu qaaday xafiisyada iyo hoyga Qaramada Midoobay ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan dalkaasi Soomaaliya. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay halka la sheegayo in go’aankan Qaramada Midoobay ku dhimayso shaqaalaheeda iyo masuuliyiinteeda Muqdisho uu salka ku hayo amarkii ay dawladda Farmaajo dalkeeda kaga saartay Nicholas Haysom. Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho oo qorshuhu ahaa in ay shalay oo Axad ahayd ku soo laabtaan Muqdisho, iyaga oo kasoo laabtay fasax sannadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaanay tagin Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Nairobi. Go’aanka Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda iyo Masuuliyiinteeda ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho balse aanu saamayn doonin kuwii ka hawl gali jiray Jamhuuriyadda Somaliland. Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxaana uu kusoo beegmayaa xilli ay xiisad adagi ka dhex oogan tahay Qaramada Midoobay iyo dowladda beesha caalamku taageero ee Somalia, kadib markii maamulkaasi ay caydhiyeen wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hore u cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimadda dagaalada iyo qaraxyadu aafeeyeen ee Muqdisho. In ka badan Toddobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Bishan January waxaana weerarkaasi sheegtay Al Shabaab oo xustay in ay ka dambeeyeen weerarkaasi. Source
  10. (SLT-London)-Wayne Rooney ayaa la xidhay kadib markii uu sarqaan ku dhex-noqday diyaarad uu saarnaa sidaasi waxaa sheegay afhayeenkiisa. Kabtankii hore ee qaranka England iyo Manchester United ayaa 16-kii December lagu xiray gegida diyaaradaha ee Dulles ee ku taalla magaalada Virginia kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya. Rooney, oo 33 sano jir ah ayaa afartii Janaayo lagu xukumay 116 pound oo ganaax ah sida ay cadeeynayaan dukumiintiyada maxkamadda. Afhayeenkiisa ayaa waxa warbxin ku sheegay “xilligii diyaaradda Wayne waxa uu isticmaalay kaniin hurdo oo lagu qasay khamra yar, markii uu eelaboorka yimidna waa uu qasmay sidaas ayayna booliska ku qabteen. “Waa la ganaaxay wax yar kadibna waa la soo ii daayay, haatanna xaaladda waa ay iska dhamaatay. Sanadkii 2017-kii waxaa Rooney laga mamnuucay in laba sano uu kaxeeyo gaari kadib markii la qabtay isagoo cabsan oo gaaro wado. Weeraryahankan ayaa waxaa uu bishii June ee sandkii 2018-kii ku biiray kooxda DC United oo ka dhisan dalka Mareeykanka, waxa uuna saxiixay qandaraas Saddex sano iyo badh ah. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda dalkaas. Saraakiisha milatariga ayaa qabsaday raadiyaha qaranka Gabon ee magaalada caasimadda ah ee Libreville, aroortii maanta oo isniin ah. Kelly Ondo Obiang ayaa raadiyaha ka sheegay in khudbad uu dhowaan raadiyaha ka jeediyey madaxweyne Cali Bongo “ay sii xoojisay tuhunka laga qabo awoodda uu u leeyahay inuu sii wato gudashada mas’uuliyadaha xafiiskiisa” Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan dalka Morocco, isaga oo kasoo kabanaya dhiig maskaxda uga furmay. Dowladda ayaa saacado kadib isku daygaas sheegtay inay dib ula wareegtay maamulka, islamarkaana ay xirtay inta badan saraakiishii ku lugta lahaa afgambiga. Afhayeenka dowladda Guy-Bertrand Mapangou ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in deganaansho dib loo caliyey xaalduna ay tahay mid ay gacanta ku hayaan. Guy-Bertrand Mapangou ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in afar ka mid ah askartii qabsatay raadiyaha qaranka la xiray, midka shanaadna lagu raad joogo. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa shaaca ka qaaday in cayrinta Nicholas Haysom ay daah-fur u noqon doonto qorshe kaas ka ballaaran oo la filayo in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqdo. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Xidig ku sheegay “go’aanka lagu cayriyey Haysom wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan ajaaniibta dalka ka howl-gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee” Qoraal Xidig ee facebook hoos ka aqriso. Bismilaah: Laga soo bilaabo burburkii Dowladii kacaanka ee Alaha u Naxariistee Gen. Mohamed Siyad Bare hogaanka u Hayey: Dalka Soomaaliya waxaa isugu yimid Ajaaniib kala Duwan oo magacyo badan wata, dhamaantoodna ku abtirsada Sumado Heyado caalami ah , Dowlado iyo kuwo Samafal oo NGO loo yaqaano: Hadaad si dhab ah u daristo Farsamooyinka iyo xeeladaha ay adeegsadaan shakhsiyaadka ku howl gala magacyada aan kor kusoo sheegay waxaa kuu muuqanaya mushkilada soomaaliya heysata in ka badan 50% inay iyagu abuuraan AMA taageeraan: Waa hubaal inay jiraan Dowlado iyo Heyado ay dhab ka tahay taageerada Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed waxayna mudan yihin Bogaadin, Balse waxaa suuragal ah in ujeedadaas fiican ay shakhsiyaadka aan kor kusoo sheegay ay farsamooyinkooda ma dhamaatada ah u isticmaalaan: Hadaad xusuusataan Waxaan sanadkii hore Kulamadii Baarlamaanka ka jeediyay in shaqooyinka ay Qaban lahaayeen dhalinyarada soomaaliyeed ee Ajaaniibtu hada Qabato la soomaaliyeeyo oo dhalinyarada soomaaliyeed lasiiyo shaqooyinkaas: Hadaba Go,aanka Dowlada Federaalka ay Dalka kaga saartay Wakiilka Ergeyga Qaramada Midoobay wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan Ajaaniibta Dalka ka howl gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee: Anigoo ku bogaadinaya Hogaanka Dowlada Federaalka waxaan soo jeedinayaa in hoos loogu daadago halka sartu ka quruntay xididkana loo siibo kooxaha midabada iyo magacyada badan ee aan kor kusoo sheegay: Hon: Abdirashid Xidig
  13. Somali security forces have conducted a covert operation in Al-Shabab-controlled village in southern Somalia on 5th January of this new year. The National Intelligence and Security Agency [NISA] said in a statement posted on its Twitter account that its personnel destroyed a base belonging to Al-Shabab in Dugulle. NISA added that the special forces seized several militants during the night-time operation on their camp. There was no independent verification of the spy agency claims. “The security forces have carried out on 5th January of this year an operation targeting Al-Shabab bastion in Dugulle area and destroyed it,” said NISA in its statement. NISA troops have in the past months stepped up operations, against Al-Shabaab bases in the Lower Shabelle region of southern Somalia. Last week, US military said it killed militants in the latest airstrikes in the region. The post NISA says seized militants during covert operation on Al-Shabab base appeared first on Shabelle. View the full article
  14. The two al-Shabaab assassins were convicted for the murder of a traditional elder in Mogadishu. The assassins identified as Ali Hassan 25, and Abdirahman Isse Ali 22 were reportedly caught red-handed to the police after they killed elder Hilowle Heefow Hussein. Judges of Somali military court said Ali and Hassan who are members of the armed group al-Shabaab were convicted of killing Hussein in Wadajir district last year. The Deputy Chairperson of Somali military court, Mohamed Abdi Mumin who was present at the scene of an execution in Mogadishu on Monday morning said the court found sufficient evidence to support the charges leveled against the two. They were executed by firing squad. Somali military court handles terror-related cases mainly against the members of the armed group al -Shabaab. The court has previous sentenced several armed group members found guilty of murder and taking part in the attack against the government of Somalia. Last Sunday, the court sentenced ex-Somali soldier to death for murder and three other suspects to three years in jail for assembling explosive devices in Baidoa, Southwest state. Human rights group have several times urged the Somali government to cease the capital punishment and replace it with jail terms. The post Somali military court executes two Al-Shabaab militants appeared first on Shabelle. View the full article
  15. SOMALILAND HADII AANAY IYADU GUDAHEEGA IS QANCIN ADUUNYADA KALENA MA QANCIN KARAYNO !!! ==================================================================================== Somaliland mudo 28 sano oo bilo ka dhiman yihiin, oo ay jirto waxa ugu weyn ee inoo qabsoomay waxa aan odhan karaa waa nabadgalyo iyo hab maamul iyo kaladambayn oo aynu dhisanay xaga nidaamka dawladnimada walow ay shacabku wax badan qabsadeen oo horumar ah oo u baahan in lagu hambalyeeyo. Haddaba waxa muhiimadu ugu weyn ay tahay ama ay iila muuqataa waxa aynu dhiganay sidii aynu uga shaqeysiin lahayn iyo waxa inoo qabsoomay sidii aynu u sii adkayn lahayn ee waliba aduunka kale uga iibin lahayn si Somaliland u hesho aqoonsi caalimiya ama wax u dhigma in ay yihiin hawlaha ugu muhiimsan ee inoo yaalla. Iyada oo Somaliland lagu wada qanacsan yahay guud ahaan ayaa waxa iska jira in qawad hoose iyo saluugyo had iyo goor soo noqnoqda , wax inagu kali ahna maaha oo aduunka ayeynu kala simanahay, laakiin waxa inaga dhimani waa waxii ay dadku kaga bogsan lahaayeen arimahan oo aanay helin. Marka ayaan yar daraasadeeyay waxyaabaha wax ay aduunka kale kaga baxaan, waxa ka mid ah axsaabta siyaasada oo leh mabaa’dii iyo aaraa kala duwan, meelo lagu soo bandhigo aqoonta iyo rayiga oo dadku aragtidooda iyo doodahooga ka dhiibtaan kuna iibgeeyaan afkaarta gubaysa. Arimahan dhamaantood maaha qaar ku xidhan uun xukuumada kaliya ee waxa ay u yaalaan qofkasta oo reer Somaliland ah in uu kaalintiisa buuxiyo waxii uu dalkiisa tari karo ee ku biirin karona aqoon iyo awoodba uu u hagar baxo oo fadhiga laga kaco, waayo dalka inagaa ku nool wanaagiisa iyo horumar waxii u soo kordha inta aynu noolahay inagaa ku amaanan , marka aynu geeriyoonana waa la inagu xasuusan doonaa. Markaa waxa aan is leeyahay waxa ugu muhiimsani ee maanta inoo yaalaa waa in aynu inagu isqancino reer Somaliland ahaan oo doodo iyo aqoon isweydaarsiyo la sameeyo oo aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Somaliland oo dhan loo sameeyo meelihii aqoonta lagu shiili lahaa si aynu uga midho dhalino ama iyagu samaystaan. Doodaha iyo isqancintu hadii ay noqonayaan qaar arimaha bulshada sidii wax looga qaban lahaa ah iyo qaar siyaasadeed iyo qaar waliba tabashooyinka jira lagu daweynayo intaba waa aynu u baahanahay oo dhamaantood waa duruufo jira oo u baahan in reer Somaliland gudahooga isa sii qanciyaan si aynu u iibgayno wax aynu ku wada qanacsan nahay oo qurux badan. Hawlahani waa qaar ay jaamacaduhu abaabuli karaan oo sameyn karaan doodaha aqoonta iyo horumarka iyo waliba dariiqa siyaasadeed ee qaranka jamhuuriyada Somaliland u marayso aqoonsi caalamiya iyo horumar in wax la iska weydiiyo oo maanka la tuujiyo oo sida aduunku u tixgaliyo aqoonta iyo waxbarashada ay dalkeenana muhiim uga noqoto oo goobaha waxbarashada iyo cilmi baadhistu noqdaan kuwa qaranka iyo bulshada laga hagayo. Waxa iyaguna sameyn kara machadada aqoonta, nabada iyo cilmi baadhisyada siyaasadaha ee Somaliland iyo aqoonyahan iskood isku abaabulay oo soo bandhigi kara arimahan iyo qaar kale oo u baahan in Somaliland la dardar galiyo arimaheega gudaha iyo kuwa dibadaba si aynu u gaadhno guulo wax ku ool ah. Somaliland waxa ay leedahay oo ilaahay swt siiyey khayraad dabiici ah , xoolo nool , beero iyo bad bedkeedu dheer yahay oo u baahan ka faaiideysi , waxa intaa u sii dheer in aynu maanta leenahay aqoonyahano badan oo hore iyo aqoonyahano dhalinyaro ah oo dalkau soo kacaya oo u baahan in laga faaiideysto. Haddaba Somaliland waa dal xoriyada hadalka uu habdhaqan nololeed u ahaa, wadatashiga iyo rayiga oo la isweydiiyo ayey ku soo caano maashay oo aynu dalal badan oo aduunka ah dheerayn markeena horeba, haseyeeshee waxa inagu soo badatay saluuga iyo isqancin la’aan iyo tabashooyin badan. Dhamaantood waxa ay u baahan yihiin in la helo oo la horumariyo waxkasta oo reer Somaliland isku qancin karaan oo ay isaga raali yihiin iyada oo u baahan in loo dhigo nidaam la jaanqaadaya ka ay dadka aduunka inagula nooli maanta isticmaalaan oo aynu dadkeena u bislayno dawladnimada. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
  16. Qaramada Midoobay ayaa shaaca kaqaadey in shaqaalohooda ay ka rarayaan Muqdisho oo ay u celinayaan Nairobi halkaasna ay shaqadooda kasii wadayaan,sidii xiliyadii Kumaalgaarka ay ahayd [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kadib markii laga warhelay in gaadiid qaraxyo ah magaalada ay soo galeen. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay heleen xog ah in xalay gaari nooca raaxada ah uu soo galay magaalada kaasi oo lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, taasina ay keentay in feejignaan ay galaan ciidamada amaanka. Baaritaano adag ayaa ka socdo degmooyinka ku hareereysan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamada booliska AMISOM ee kusugan magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa baaritaanka ugu adag waxay ka wadaan hareeraha madaxtooyada gaar ahaan degmada Boondheere ilaa taalada Daljirka Dahsoon iyo xarumo kale, halkaasi oo gaadiidka hal hal loo baarayo. Eeyaha sida gaarka ah u tababaran ee ciidamada AMISOM iyo booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baaritaanka qeyb ka ah, waxaana gaadiidka laga dajinayaa dhamaan dadka saaran, iyadoo kadib baaris lagula dhaqaaqayo. Goobta sida aadka ah loo baarayo ayaa ah halkii dhamaadkii sanadkii hore ay ka dhaceen qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Mudanayaasha cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa Isniinta saaka ah dhegaysanayaa khudbadaha ay jeedinayan murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland. Murashixiinta oo ka kooban 21 murashax madaxweyne 11 murashax madaxweyne ku xigeen ayaa maanta jeedinaya khudbadaha waxqabadkooda iyo ballanqaadyadooda si ay u soo jiitan xildhibaannada codaynaya. Xarunta Baarlamanka ayaa waxa haatan ka soocta dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo bilaabatay saacadihii hore ee saaka oo Isniin ah. Maalinta berri ah oo ku beegan Talaada 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo,waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan,halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri,sida ku xusan habraaca doorashada. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dhegaysanaya khudbadaha murashixiinta appeared first on Puntland Post.