-
Content Count
207,241 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal xooggan. Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle iyo ciidamo uu watay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere, waxaana ka dhashay khasaare. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka HiShabelle oo joogay koontarool laga soo galo Jowhar ay celiyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe oo doonayay in uu soo galo magaalada, islamarkaana sidaas uu dagaalku ku bilowday. Nuur Dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga magalada Jowhar, hase yeeshee loo diiday in uu magalada Jowhar gudaha u galo. Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeneey iyo nin oday ah, ayaa dagaalka ku geeriyooday. Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in weli ay is hor-fadhiyaan ciidamadii ku dagaalamay koontaroolka laga soo galo magaalada Jowhar ee ku yaalla wadadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay magaalada Jowhar iyo sababta loogu diiday Nuur Dheere inuu magaalada soo galo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ku gadaantay hotel Maka Al-Mukarama oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in hotelka uu maalmahan kulamo uga socday xubnaha xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo dowladda ay doonayso inay ka hor-tagto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in amar ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-Mukarama oo maalmahan uu ka socday simanaar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee kaadirka Xisbiga Wadajir. “Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa ay doorashada maamulku ka dhacayso. Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa dhaceysa maalinta talaadada ee berri ah. Hadalkan waxaa magaalada Garoowe kaga dhowaaqay Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo inay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta. Talloobooyinkan ayaa looga gole leeyahay in la sugo amniga, ayada oo laga cabsi qabo in weeraro ay ka dhacaan magaalada, oo kooxaha argagxisada ay fuliyaan. Hoos ka dhageyso codka taliye Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/bandow.mp3Caaismada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaladkii u horreeyo ka dhacay Baarlamanka cusub ee Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
inta badan xildhibaannada oo ka baxay xarunta Baarlamanak Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa dhaliilay qaar kamid ah xildhibaannada oo ka baxay hoolka Baarlamanka intii ay socotay dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland. “ wax 30 ka yar baa fadhiya Xildhibaanadii la rabey inay khudbadaha dhegaystaan maxaa beri ku qiimayn doontaan khudbadihii la jeediyey hadaad dareerteen” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha wakiilada mudane Cabdixakiin Dhooba-dareed. Dhinaca kale murashax madaxweyne ku xigeen Saadiq Eenow ayaa sheegay, in uu iska’ laabay warqaddii khudbaddu ugu qorneyd,kadib markuu arkay xildhibaannadii dhegaysan lahaa oo banneeyay xarunta Golaha wakiilada. Inta badan mudanayaasha Baarlamanka ayaa ka baxay xarunta, iyadoo ay socoto khudbad-jeedinta murashixiinta,lamana ganayo sababta keentay in xildhibaannadu ay banneeyaan kuraastax,xilli ay socdaan khudbadihii lagu kala saari lahaa murashixiinta. PUNTLAND POST The post Qaladkii u horreeyo ka dhacay Baarlamanka cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post. -
Hareeraha waddooyinka magaaladda Muqdisho waxaa lagu arkayaa dhalinyaro sameyso cabitaanka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo cabitaan ahaan looga iibiyo dadka, waana ganacsi si maalinle ah loogu shaqeysto shiiditaanka cabitaanka laga sameeyo khudaarta dalka ka soo go’da. Ganacsatadan yayyar ayaa isticmaala hab ka duwan qaabkii awal cabitaanka loo sameyn jiray, dadkana looga iibinjiray, qofka asaga oo taagan ayaa cabitaanka nooca khudaarta uu doonayo ayaa loo shiidayaa, ganacsadan dhalinyarada ah khudarta waxaa ay ka keenaan gobalka Shabeelaha hoose oo caan ku ah khudarta noocyadeeda kala duwana laga soo saaro. Aadan Maxamed Cali oo ka mid ah dhalinta ka ganacsata cabitaanka noocaan ah oo la hadlay Goobjoog New ayaa sheegay in cabitaanka noocan ay u sameyaan ay ka helaan faa’ido badan taas oo ay ku dabbaran noloshooda iyo midda qoyskoodaba, dadkuna ay si fiicaan ay u laqabsanayaan. ‘waxaa aan dareemayaa inuu faa’ido badan leeyahay, dadkana hadda ay laq absadeen, markii hore waan ku dhibaneyn in ay dadku fahmaan lakiin hada waxa aan dareemaynaa inaan aad u shaqeyno, shaqo ka badan intii hore, dadka ayaana hada dareemay faa’idada khudaarta waxa ayna dadku ka tagayaan isticmalka cabitaanada dibadda ka yimaada” ayuu sheegay Aadan. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay nooca khudaarta “Khudaarta hadda aan aadka u shiidno waxaa kamid ah: Baamiyaha kaas oo leh faa’ido badan lana sheego inuu dhaliyo dheecaanada isgoysyada lafaha bini aadamka iyo khudaarta kale sida Canbaha, babeyga, liinta iyo kaarootada, waxaan ku shaqeynaa ilaa 12 qof lix malinta shaqayso iyo ku lix xiliga habeenkii shaqeyaan, dadka hadda si fiican ayey ula qabsadeen waxaana badan dalabka kala duwan ee naga soo gaarayo xaafadaha . Fahamka dadka ku nool magaaladda Muqdisho ee qiimaha khudaarta dalka ayaa keentay in macaamiil badan ay ka helaan dadka khudaarta cabitaanka ah sameeyo sida uu ku waramay Sahal Maxamed Xasan oo leh mid ka mid ah meelaha lagu sameeyo cabitaanka. ‘Meeshan shaqada aad ayey noogu kala socotaa, shaqooyin badan oo horay aan u heynay ayey nooga fiican tahy, dhalinyarada xaafadda, duqowda, ardayda iyo dadka dalabaadka ah aad ayaa loo qaata cabitaanka nuucan ah, dadkana aad ayey hadda u barteen ulana qabsadeen khudaarta, taasna waxa ay ka qeyb qaadaneysaa in aan ka joogno inaan samayno cabitaanada dibadda laga keeno, dadka khudaarta beeraana waxa ay helayaan suuq badan iyaga oon ku dhiiranaayo inuu waxbadan soo saaro. Dhanka kale macaamiisha iibsata cabitaanka khudaarta laga sameeyo ayaa aad u ammaanay, iyaga oo sheegay in cabitaanka dalka uu leeyahay dhadhan dabiici ah, oo aad u wanaagsan, faa’idana u leeyahay caafimaadka jirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Garoowe)-Tan iyo markii maamulka Puntland ay soo saareen amar ah in deegaanadeeda ay ka mamnuucday Wasiirada Dawladda dhexe iyo shaqaalaha kaleba inta ay socoto doorashada Puntland aya waxaa iminka muuqataa in taasi ay hirgahsay. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa horay loogu sheegay in madaxda federaalka laga mamnuucay inay Puntland soo galaan. Madaxda Puntland ayaa horay Shirkadaha Diyaaradaha imaanaya Puntland ugu amray inay soo gudbiyaan liiska dadka ay sidaan, inta aysan ka soo duulin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo horay BBC-da ugu sheegay in sababta looga mamnuucay mas’uuliyiinta dawladda Federaalka ah in ay soo galaan Puntland ay tahay, in faragalinta dawladda federaalka ah laga hortago. ”Sidaad ogtihiin dawladda waxa ay fara galin ba’an ku haysaa Maamul Goboleedyada,tusaale doorashadii ka dhacday maamulka koonfur galbeed marka ma dooneeyno in ay punland taasi oo kale ka dhacdo,” ayuu yiri wasiir Cabdi Xirsi Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay xireen dhamaan kontoroolada magaalada Garowe, ayn jiri doonin wax gaadid ah oo ka imaanaya gobolada kale ee dalka. Dad badan ayaa haddaba isweydiinaya sharci ahaanshaha go’aanka Puntland ee ah inay deegaanadeeda ay ka mamnuucdo saraakiisha Dowladda Federaalka. Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed ayaa go’aanka Puntland ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn dastuurka soomaaliya. ‘Dastuurka kuma qorno wax awood ah oo nocaasi oo kale ah in (Puntland) ay soo saaraan amar ah in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan tagi karin deegaanada Puntland, waxay u dhigantahay xadgudub dastuurka ka dhanka ah, wana sharci darro ”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed. Tahliil ayaa sidoo kale sheegay in Puntland xadgudub ku sameyeen dastuurrka iyo in wax sharciga uusan oggoleyn oo ah in qeyb kamid ah Soomaaliya ay dowladda ka joojiyaan. Abuukaate Tahliil ayaa mar aan wax ka weydiinay qaabka ay u wada shaqeyn karaan Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa waxaa uu yiri: ”Soomaaliya waa hal dowlad, balse waxay u kala qeybsantaa dowlad goboleedyo lagu baahiyay xukunka, xitaa awood uma lahan in dowlada shisheeye ay dalka ka celiyaan, oo awoodaasi waxaa iska leh dowladda dhexe, qof Soomaali shacab ah oo meel kale ku dhashay gobol Soomaaliyeed looma diidi karo”. Puntland ayaa lagu wadaa in 8-da bisha Janaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana laga warsugayaa sida uu noqon doona xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland, taasi oo ku xirnaan doonta cidda guuleysata. Source: BBC Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan M/ Muqdisho ayaa xilligan ka cabanaya dhibaatooyin dhinaca nolosha ah. Barakacaayshan oo isugu jira Soomaali iyo Yemaniyiin, kuna sugan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay soo wajaheen daruufo xoogan. Qoysaskani oo tiradoodu ay gaareyso ku dhawaad labo boqol ayaa xaaladdoodu waxa ay tahay mid aad loo liidato. Sidoo kale waxa ay baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka oo ay ka dalbadeen in la caawiyo. Bilihii la soo dhaafay dadkani ma helin wax caawimaad ah, ama gargaar ah, taas oo saameyn daran ku yeelatay noloshooda. The post Barakacayaasha Muqdisho Oo ka cabanayo Nolol xumo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, ayaa haatan ku geba-gaboobay xarunta Golaha wakiilada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland ayaa tan iyo subaxnimadii hore ee saaka dhegaysanayey, khudbadaha ay jeedinayan murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland oo isu’gu jira 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeens,si ay u kala saaraan 32-da murashax ee u tartamaya 2-da jago ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Murashixiinta khudbadaha jeedinayey ayaa dhankooda ku tartamayey, kala jeedashada 66-da mudane ee codka la weydiisanayo,iyadoo maalinta berri ah ee ku beegan 8-da Jannaayo la qorsheeyay doorashada madaxtinimada Puntland. Khudbadaha ayaa u badnaa arrimaha amniga, dhaqaalaha,la’dagaallanka musuq maasuqa,hirgelinta axsaabta badan,arrimaha bulshada,shaqa-abuurka,mushaharsiinta shaqaalaha iyo ciidamada,soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland,xoojinta nidaamka dowliga ah iyo qodoba kale. PUNTLAND POST The post Puntland: Dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo geba-gabooday appeared first on Puntland Post.
-
Candidates contesting for the presidency of Puntland state have concluded their campaign speech before the state’s parliamentarians on Monday. Twenty-one candidates contesting for the speaker have presented their speeches in the presence of the 66 recently sworn in Puntland parliament members who Monday held the special session to listen to the statements of parliamentary leadership candidates. The qualified candidates who are allowed to compete in the elections were allotted 10 minutes each to present to parliament their visions for the people. Among the candidates running for the Puntland leadership is former Somali minister Interior, Ahmed Farah Saed Juha, Mohamed Abdullahi Hussein, Mohamed Saed Hirsi, Abdikadir Yasin Abdulle, who presented his speech before the members. The post Puntland candidates deliver their final speeches at parliament appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxay Xoogga Saareen Murashaxiinta Madaxtinnimada Puntland?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaala soo gabagabeeyay dhageysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha maamulka Puntland ka hor jeedinayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi. 21-musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa khudbad ka hadleysa taariikh nololeedkooda iyo waxqabadka ay la imaanayaan haddii ay xilka ku guuleystaan ka horjeediyay xildhibaanada Puntland. Khibradda mid weliba uu sheegtay marka laga soo tagto waxaa ay ka hadleen: arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska Puntland, inta badan waxaa ay xoogga saareen sidoo kale amniga sida: dib u dhiska, qalabeynta iyo wanaajinta nolosha ciidanka, la-dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish iyo xoreynta waxa ay ugu yeereen dhul maqan. Ciidanka la qorsheynayo dib u dhiskiisa waa Ciidanka Daraawiishta, waxaa qaarkood soo qaateen qarameynta ciidan beeleedyada, xoojinta ciidamada sirdoonka iyo xuuraanka, casriyeyta ciidanka booliiska iyo ciidamada kale Xiriirka dowladda federaalka ah ayaa ka mid ahaa arrimaha ay ka hadleen, intooda badan waxaa ay sheegeen in Puntland xuquuqdeeda ay lama taabtaan tahay, lana ixtiraamo dastuurka Puntland. Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka dadka, dhulka iyo badda ayaa ka mid ahaa meelaha ay xoogga saareen murashaxiinta. Berri ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland maamuli lahaa 5-ta sano ee soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Malta ( Sh. M. Network )-Laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in sanadkii tagay ee 2018 ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka yimaada Qaarada Afrika ee soo gaara Jasiiradda Malta. Ismaacil Kahin wakiilka UNHCR dalka Malta ayaa sheegay in sanadkii hore ay Jasiiraddaasi gaareen kumanaan ka mid ah dadka qaxootiga ah ee doonaya in ay galaan qaar ka mid ah dalalka Yurub. Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in Maltaay aqbashay qaabiilaada 1,182 ruux oo ka mid ahaa dadkii faraha badnaa ee naftooda halista u soo geliyay Badda Medditirean-ka. Warbixin ay dhawaan soo saartay hay,adda UNHCR ayey ku sheegtay in sanadkii tagay dad fara badan ay ku geeriyoodeen Badda u dhexeyso Talyaaniga iyo Libya. Muhaajiriinta ugu badan ee U safra qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay ka yimaadaan dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Eritrea. Midowga Yurub ayaa wada dadaallo xoogan oo uu ku doonayo in lagu dhimo qul-qulka dadka qaxootiga ah ee alaaba beegsada Qaaradda Yurub. The post Tirada Muhaajiriinta gaaraya Jasiiradda Malta Oo korortay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ka mid ahaa musharaxiinta madaxweynaha Puntland ee maanta khudbadda u jeediyey xildhibaanada ayaa ballan-qaadkiisa ugu weyn ka dhigay dagaal-gal. Morgan ayaa wacad ku maray in haddii madaxweyne loo doorto in gobol ka mid ah gobollada Puntland uusan sii maqnaan doonin oo uu dhammaantood kusoo celin doono gacanta maamulka. Mamaulka Puntland waxaa hadda ka maqan laba gobol oo ay sheegtaan oo kala ah Sool iyo Snaaag, oo xoogooda ay gacanta ku hayso Somaliland. Morgan ayaa sheegay in soo celinta gobollada ka maqan ka sokow, in haddii la doorto, aysan dhici doonin xitaa mar kale lasoo haweysto gobol kale oo Puntland ay gacanta ku hayso. Waxa uu sheegay inuu dhisi doono ciidan awood leh, oo aad looga cabsado, isaga oo isku haleynaya aqoonta uu uleeyahay ciidamada. Inta badan musharaxiinta Puntland ayaa ku olole gala inay soo celinayaan gobollada ka maqan Puntland, hase yeeshee marka ay xafiiska yimaadaan kama dhabeeyaan. Hoos ka dhageyso codka Morgan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Morgan.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Daawo Khudbadii Madaxweyne Gaas iyo Khudbadii Dr.Cali Ciise
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Source -
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa saacadihii la soo dhaafay kulamo lagu xalinayo khilaafka labada ee Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhaceen M/Muqdisho. Kulamadan oo ahaa kuwa xariir ah ayaa waxaa bilaabay guddi Xildhibaano ah oo isu xilsaaray xalinta khilaafkaasi. Ujeedka kulamada ayaa ahaa sidii dib loogu soo celin lahaa wada shaqeynta Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Illaa iyo hadda lama shaacin natiijada ka soo baxday kulamadaasi, inkastoo weli ay socdaan dadaallada loogu jiro, sidii loo soo afjari lahaa xiisadaasi siyaasadeed. Dhawaan guddoonka Aqalka Sare ayaa hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeysay Golaha Shacabka, kadib markii Golahaasi loo gudbin waayay Miisaaniyadda 2019-ka. The post Kulamo lagu xalinayo khilaafka labada Gole Ee BFS Oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amniga qeybahooda kala duwan ee ka dhisan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Hay’adaha amniga kala hadlay dardar gelinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed,xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,wxuuna sheegay madaxweynaha iney isla meel dhigeen sidii loo adkeyn lahaa nabad galyada deegaanka iyo la dagaalanka nabad diidka. Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu baaqay shacabweynaha deegaanada Koonfur Galbeed iney si hufan ula shaqeeyaan Hay’adaha amniga si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca deegaanada maamulkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada DFS iyo kuwa K/ Galbeed ayaa xoojiyay howlgallada Milatari ee ka socda gobollada Baay iyo Bakool ee K/ Soomaaliya. The post Lafta Gareen Oo la kulmay saraakiisha K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta dhageystay khudbadaha Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi. Musharraxiinta oo gaaraya illaa iyo 21 ayaa waxa uu mid kasta ka hadlay barnaamijkiisa siyaasadeed, haddii loo doorto xilka Madaxweynaha Puntland. Cabdi Faarax Saciid ( Juxa ) wasiirkii hore arrimaha gudaha Soomaaliya, haatan ah Musharrax u taagan Puntland oo ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa barmaanijkiisa waxqabad aas aas uga dhigay lix tiir oo kala ah adkeynta amniga, kobcina dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga, horumarinta adeegyada bulshada, raadinta midninmada dadka reer Puntland iyo xoojinta nidaamka federaalka ee dalka. Sidoo kale Saciid C/laahi Deni oo ka mid ahaa musharraxiinta u taagan hoggaanka Puntland ayaa sheegay in haatan caqabado badan ay heystaan maamulkaasi, loona baahan yahay isbedal adhab ah iyo Qof b ad baadin kara jiritaanka Puntland. Deni ayaa ballan qaaday haddii loo doorto xilkan in uu mudnaan gaar ah siinayo taabba-galinta Sharciga, si loo helo hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya, isuna dheeli tiran. Sidoo kalena uu dib-u-qaabeynayo hay’adaha dawliga ah ee Puntland, islamarkaana uu hir galin doono nidaamka dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sanadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Dhankiisa C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka hor hadlay Baarlamanka Puntland ayaa ka dalbaday in ay mar kale codka siiyaan, si uu dhameystiro howlaha u harsan maamulkiisa. Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan loo baahan yahan hoggaan daacad ah oo samata bixin kara maamulkaasi. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa in beri oo Talaado ah ay ka dhacdo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. The post Baarlamaanka Puntland Oo dhageystay khudbadaha musharraxiinta maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Donald Trump’s presidency has coincided with a sharp rise in US-led airstrikes in Somalia and the trend is set to continue in 2019. In a speech in December outlining the US’ Africa policy, President Trump’s National Security Adviser John Bolton said: “terrorists operating in Africa have… repeatedly targeted US citizens and interests”. He gave the impression that there would be no let up in the struggle against militant Islamist groups, such as the Somalia-based al-Shabab, which is affiliated to al-Qaeda. In March 2017, the Pentagon received White House approval to expand its fight against the militants in the Horn of Africa nation. Commanders now no longer require high-level vetting to approve strikes on al-Shabab in “areas of active hostilities” in Somalia. “It allows [us] to prosecute targets in a more rapid fashion,” said General Thomas Walhauser of US Africa Command (Africom). The move has seen increased attacks by aircraft, as well as the first public deployment of US boots on the ground since 1993 to “advise and assist” Somali government troops. Africom has now carried out at least 46 confirmed airstrikes in Somalia in 2018, following the previous record of 38 in 2017, according to the Bureau of Investigative Journalism (BIJ). Some single strikes have focused on large groups of militants. For example, about 60 were killed on 12 October around Harardere in the central Mudug region, in what was the largest airstrike of its kind in nearly a year. Other strikes focused on individuals, such as the lone militant targeted and killed six days earlier in Kunyo Barrow in southern Somalia. Compared to previous years, 2017 and 2018 marked a significant increase in US action against al-Shabab. n fact, a BIJ tally reveals that at least 538 people have been killed in these airstrikes since the beginning of 2017 – far more than the previous 10 years combined – although not every strike was recorded to have killed someone. Africom says the “airstrikes reduce al-Shabab’s ability to plot future attacks, disrupt its leadership networks, and degrade its freedom of manoeuvre within the region”. This shows that every trace of the group is considered a threat. As noted by the Long War Journal, the strikes are part of a wider pattern that has ranged from targeting top commanders to the rank and file who make up the group’s visible presence on the ground. ‘Militants adopt new tactics’ But apart from one senior al-Shabab commander, Ali Mohamed Hussein, killed in a joint US-Somalia military raid in the southern Lower Shabelle region in August 2017, few have been significant enough to be named by the US since Mr Trump approved the expansion of military operations in Somalia. Al-Shabab militants, like other jihadist groups, are well aware of the threat from the skies. According to a senior regional security official, the fighters now avoid congregating in large groups. They move in units of three or four and only converge to carry out attacks, including on bases of African Union troops and Somali government forces. Despite the increased strikes, al-Shabab’s core capabilities remain solid. The group has not lost control of territory in central and southern parts of Somalia, where it is trying to set up its own administration, including raising taxes from the local population. These are vast areas – far larger than the urban centres that the federal government controls in the same regions. Bill Roggio and Alexandra Gutowski of the Long War Journal conclude that this reflects al-Shabab’s primary goal, adopted from al-Qaeda, which is “to overthrow local governments and create emirates which will eventually coalesce into an Islamic caliphate”. US ‘adheres’ to laws of conflict The jihadist group has displayed its confidence through attacks such as the ambush last June on a combined force of Somali, Kenyan and American troops in Jamame town in southern Somalia, in which a US special forces soldier was killed. Despite the insistence of the Somali government and Amisom that the group has been eliminated from the capital, Mogadishu, one of its leaders, Ali Dhere, was recently photographed hosting a charity event near the city. Al-Shabab still mounts occasional forays into neighbouring Kenya’s border regions carrying out ambushes and explosive attacks on security forces, and it often publishes videos documenting these incidents as part of its media operation. The group sometimes responds to Ethiopian, Kenyan and US airstrikes by claiming that the casualties were innocent civilians, but from the US action over the past two years, there are no independent records of civilians killed. Meanwhile, at least 32 have been injured in areas held by the militants, according to BIJ statistics. In a statement to the BBC, Africom spokeswoman Becky Farmer noted that the US military command for Africa “has not discovered or assessed any civilian casualties resulting from our operations over the last two years”. She added: “In fact, [we go] to extraordinary lengths to reduce the likelihood of civilian casualties, exercising restraint as a matter of policy that regularly exceeds the restrictions of the law of armed conflict.” There are still vivid memories of America’s disastrous exit during its last major military action in Somalia in 1994. At the time, two US Black Hawk helicopters were shot down in Mogadishu. In the ensuing battle, hundreds of Somalis were estimated to have died. Some 18 Americans and two UN soldiers were killed. However, the Pentagon would consider the option of airstrikes today to be far less risky to US troops and possibly more effective in taking out targets. As a result, the campaign is unlikely to be affected by the recent announcement of an impending reduction of US troops in Africa. So far, the increased airstrikes have not given the US, the Somali government and AU troops the upper hand. Al-Shabab will be content to retain its vast geographical control. Even if its commanders are taken out in targeted strikes, the group has established a system to replace them and to continue the conflict for the foreseeable future. The post US attacks on Somalia’s al-Shabab increase under Trump appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waddooyinka Muqdisho waxaa kusoo kordhaya dhallinyarada cabitaanka ka sameeye qudaarta dalka, kuwaasi oo noloshooda ku maareeya. Waxay tani shaqo abuur u noqotay dhallinyaro badan, iyadoo cabitaannada ay sameeyaanna ay dadku aad u daneeyaan. Qaar ka mid ah dhallinyaradan oo la hadlay Goojoog ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay hadda usoo jeesteen iney cabitaan ahaan u cabaan qudaarta oo qofka isaga oo taagan loo shiidayo. Halkii mehrad ee lagu shiido cabitaankan waxaa ka shaqeysa ku dhowaad 10 qof oo dhallinyaro ah kuwaasi oo maalin iyo habeenba halkaasi ka shaqeysta. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com