-
Content Count
207,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
,, Kaftanka maanta, ma iska habar magaadlaynaa ,,. Waatanoo Beeshii West Burco Clan mucaaridnimaddii garan wayday , xisbiyadii loo tiranayayna ku hakan wayday, cabasho iyo tv iska dayn wayday ,cadho iyo buuq joojin wayday , hadana iridaha madaxtooyada ka maqnaan wayday . sidaa markay tahay , waar ilmaadeerayaal , ma iska habar magaadlaynaayoo , Odaygan Muuse intaynu dhabta ku qabano siddii Cigaal aynu 1997 ula soo wareegnay ,Markuu haakah yidhaahdo Ina Cabdi dheere ma kula itaalaa , ilayn waatanoo Madaxtooyadii la inaga kari waaye . Source
-
hamaan hayaddah dalkeena somaliland, waa kuwo, howshoodu qarran gabey, waxaan idiin heeynaa cadeeymo buuxa oo muuqda. Haddaan ku bilaabo misaaniyada qarranka soo goosha ,ama aan ka falaano misnayadaha galla hayada , wassarada maaliyada iyo madaxtooyada waad yaabeeysaan waxa lacag meeshaas galla ee aan waxba lagu qaban. Waxaa jira in missaaniyada ,wasarada maaliayda somaliland ,ay tahey lacgta ku baxda { $220 MILLION USA DOLLER}. waxaaso oo lacagi meel aay qabato lama garanyo. DHanka kale waxaan doonayaa inaan idin sheegno, inney madaxtooyada somaliland iyadana aay tahey m isanayada ku baxda{ $ 15MILLION USA DOLER}. Waxaas oo lacga ee madaxtooyada somaliland galla, waxaa qaata madaxweynaha iyo famligiisa. SHaqalaha madaxtooyada ka shaqeeya iyaga wax yer oo mushaaro ah uunbaa la siiyaa. Taasina waata keentey inuu muuse biixi sacad cali shire uu ka dhigto wasiirka maliyada , waana si aay dalka u dhacaan waxaa la soo gaadhey xiligii dalka lakala boobayey, dadkeena soomaliland ee dalkii jooga wallahi waa kuwo hurda, oo qabyaalad iyo nin jacleeysi aay la hadhey, silica ugu badanina iyaguu ku dhacaa. waxaa qorey fuaad m,qawdhan. arimaha bulshada london facebook fuaad qawdhan 00447383135563 mr_qawdhan@hotmail.co.uk Source
-
Puntland waxa ka dhacaysa Doorasho u muuqata inay ka duwan tahay kuwii hore, waayo waagii hore tartanku wuxuu dhexmari jirey oo qudha dadka ku dhaqan deegaanada Qardho, garoowe iyo Kaalkacyo, haddase waxa bedelay oo culays ku soo kordhiyey Dr:Cali Ciise oo ka soo jeedda gobolka Sool. Labaatan musharax waa isku beel, halka hal musharax beel qudha tahay, taasina waxay fursad u tahay Cali Ciise oo ay badhitaarayso dawladda dhexe ee Soomaaliya oo iyadu siyaasad ka wadata. Wakhtigii hore musharaxa ay taageeraan xildhibaaanada ka soo jeeda Sool iyo Badhan ayaa guulaysan jirey, hadde xaaladu sidii hore way ka adagtay, oo musharax walba marka xildhibaanka reerkiisu u codeeyo waxa xaga wareega labaad u gudbaya hadba beesha saamiga xildhibaanada ku leeyihiin badato ama dhaqaale badan galiya. Musharaxiinta madaxweynenimo waxay badankooddu yihiin wasiiradii wakhtigii Madaxweyne Faroole, waagasi waxay ahayd wakhtigii ugu dhaqaalaha badnayd Puntland, waayo waxa jiray budhcad badeed iyo la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha ugu badana waagaasi bay heleen musharaxiintan hadda ugu awoodda badan, wayna haystaan dhaqaale ay ku kasban karaan xildhibaanadda. Sidoo kale, dhamaan musharaxiintu waxay ku midaysan yihiin sidii ay meesha uga saari lahaayeen cabdiwali Gaas, inkastoo dadka yaqaan Cabdiwali Gaas ku tilmaamaan nin bakhayl ah oo aan lacag bixin, hadaysa waxay u muuqataa inuu qasnada dawladda furo oo uu xildhibaanadda ku iibsado, waana dariiqa kaliya ee u banaan ee uu wax ku kasban karo. Caqabadaha haysta Gaas waxa kamid ah, waxa si weyn uga soo horjeedda madaxweyne Faroole oo wadda olole ka dhan ah Gaas, taas oo uu meesha kaga saari karo maadaama oo uu ka khibrad badan yahay kana siyaasisan yahay Gaas. Caqabada kale ee haysta waxa weeyi dadkiisu ma taageersana inuu soo noqdo waayo wax badan kama qaban baahiyaha dadka, waana wakhtigii ugu adkaa ee ay maraan oo gaadhay in askarta iyo shaqaalaha kalaba loo waayo mushahar la siiyo, waxa kale oo uu dagaal adag kula jiraa dawlada dhexe ee Soomaaliya oo isaga khatar ku haysta, sidaa darteed, fursadda uu ku soo bixi karaa way adag tahay. Musharixiinta kale ee tartamaya qaar wasiiro soo maray iyo qaar shirkado ganacsi ka shaqayn jirey oo qaarkood ururada islaamiga ah ka mid ah ayey iskugu jiraaan, in badan oo ka mid ahi waxay hore ugu guuldaraysteen tartamo hore oo madaxtinimadda puntland ah oo qaarkood markii saddexaad sharaxan yihiin, waana suurogal in sida gudoomiyaha cusub ee Baarlaamaanka oo isna saddex goor oo hore xilkan isku taagay oo maanta ku guulaystay inay iyaguna ku guulaystaan iyo in sidii lagu yiqiinay ay ku hadhaan labaduba waa suurogal. 21 musharax waxa ugu cadcad shan musharax, kuwaas oo kala ah madaxweynaha hadda 1. Cabdli Gaas, 2. musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo mar musharax madaxweyne ka noqday dawladda fadaraalka Soomaaliya balse aan guulaysan, siyaasadana ka gaadhay xildhibaan iyo wasiir. Cali Caaji Warsame oo 2014-kii musharax ka ahaa Puntland, inkastoo markii dambe codadkiisii ugu deeqay Cabdiwali oo ay isku deegaan yihiin, waa nin ganacsade ah oo maamule ka ahaa shirkada Isgaadhsiinta Golis laguna tiriyo inuu ku jira ururada islaamiga ah ee Islaax, waxaana isaga lagu tilmaamaa in taageero ka helaya dawladda dhexe ee Soomaaliya. Musharax Cali Ciise Cabdi waa nin aqoonyahan xaga dhaqaalaha ah waxaana lagu bartay markii ugu horeysay maamulkii uu Khaatumo ee ay wada sameeyeen isaga iyo Cali KHaliif, waxaanu dagaal ka dhexeeyey Puntland, waxaanu si kadis ah maalmo ka hor ugu dhowaaqay inuu musharax yahay, waa in oday ah oo dhaqaalana wata suuragal tahayna inuu wareega ugu dambaysa soo gaadho mar hadii uu deegaankiisa kaligii ka sharaxan yahay. Maxamuud Khaliif Jabiye waa nin ganacsade ah oo qurbo joogna ah, siyaasada caan kuma aanu ahayn, balse waa nin lacagtiisa u huraya inuu galiyo sidii uu ku soo bixi lahaa. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
-
(SLT-Garoowe) Iyadoo Maalinta bari ah ay Baarlamaanka Maamul Goboleedka Dalkaasi Soomaliya dooranayaan Madaxweyne ayaa caawa suuqa kala iibsiga Xildhibaanada 66-ka wuxuu suuqoodu gaadhay halkii u saraysay. Codka halkii Xildhibaan ayaa caawa Garoowe ka maraayaa 190,000$ . Waa lacag aad u badan Boqol iyo sagaashan kun oo Doollae. Cidda lacagta ku soo baxda iyo siday doorashadu u dhacdo kala soco Insha allah Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com Source
-
(SLT-Qahira)Madaxwaynaha Masar Cabdulfatax Al-Sisi ayaa xarigga ka jaray kaniisada ugu wayn ee laga dhiso bariga dhexe oo laga dhisay magaalada Qaahira. Sisi oo isku tilmaama inuu yahay nin ka difaaca Masiixiyiinta kooxaha xagjirka ah ayaa u sheegay dadkii isugu yimid furitaanka Kaniisadan in hal mar la wada furo masaajidka Al-Fatax Al-Aliim iyo kaniisadan ay tahay fariin nabadeed. Ammaanka xafladda lagu furayay Kaniisadan cusub ayaa aad loo xoojiyey, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala oo ciidamo ku hubeysan gaadiid gaashaaman. “Waxaa nahay hal waxaana sii ahaan doonnaa kuwa wadajira,” ayuu yiri Sisi markii uu xarigga ka jarayay kaniisadda cusub oo markiiba qaadi karta 8 kun oo qof. Hirgalinta kaniisadan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka dib markii qarax lala beegsaday meel u dhaw kaniisad ay leeyihiin dadka heysta diinta masiixiga dalkaas ee Qibdhiyiinta loo yaqaano. Qibdiyiinta ayaa dalka Masar ka ah 10% isla markana dadka reer Masar aqlabiyadooda waa Muslimiin. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-Wararka-070119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
One of the biggest changes in the migratory dynamic over the course of 2018 was an increase in the arrival of migrant boats to Malta, with these having stopped completely since 2015 and 2016, the representative in Malta for the United Nations Refugee Agency Kahin Ismail said in an interview with The Malta Independent. Ismail said that this influx in boat arrivals is probably the biggest change seen this year, and noted the MV Lifeline case from last summer along with cases involving other NGO boats and recent rescues carried out by the Armed Forces of Malta as examples of this influx. Over the holiday period the AFM rescued 249 migrants in distress, whilst a further 49 migrants remain, at the time of writing, stranded outside Maltese shores onboard two NGO vessels: the Sea-Watch 3 operated by Sea-Watch and the Professor Albrecht Penck operated by Sea-Eye. Fabrizio Ellul, also from UNHCR, explains that this is in fact something of an abnormal influx of migrants considering the period of the year, but one has to consider things in a wider perspective before drawing conclusions over whether it could be indicative of an influx which could be reflected over the course of the upcoming year. However, Ellul said, one must always be prepared for any eventuality as while it’s difficult to predict increases or decreases, the likelihood is that such boat arrivals would continue. The post Increase in migrant boat arrivals to Malta biggest change to migratory dynamic in 2018 – UNHCR appeared first on Shabelle. View the full article
-
Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta dowladda si muuqata, ugu faragalin weysay doorashada ka socota Puntland. Waa weydiimo sax ah marka la fiiriyo sida ay dowladda u waajahday Koonfur Galbeed iyo sida ay ula dhaqmeyso maamulka Galmudug. Sidee lagu ogaan karaa ama bulshada inteeda badan ku dareemi kartaa doorka dowladda ee doorashada Puntland mar haddii xukumaddii laga mamnuucay tegitaanka Garowe? Go’aankan ee uu qaatay Gaas ayey dad badani u muuqatay in la’isweydiiyo su’aasha kore balse waxaa xaqiiq ah in Cabdiweli Gaas uusan horjoogsan faragalinta doorashada Puntland ee ay waliba ku dooneyso in ay isaga xididada ugu siibto. Waxaa tusaale lagu qaci karo ah, wali ma cadda shaqsiga dowladda dooneyso in uu uga soo boxo doorashada, maalin walba qof hor leh ayaa laga shakiyaa! Waa hubaal la oga! Taas oo ay jirto, dowladda waxa ay sicir barar ku riday tirada musharixiinta u taagan xilalka Madaxweyne iyo ku xigeen oo waxaa berri loolami doona 32! Gaas ma oga meesha laga xigo, musharax walba hore ayuu u soo qaatay jiscinkiisa, ama isagu ha wato ama haka helo Nabad iyo Nolol! Garowe waxaa ku sugan Faroole oo aan la tusin Gaas, uga awood badan magaalada! Kuma dhaco in uu is hortaago haddii uu BILYAN DOOR maalin cad ku qeybiyo barxadda Garowe! Tan kale, go’aanka uu Wasiirada ugu diiday Garowe waxa uu soo baxay xilli uu gaaray musharaxa ugu maqcuulsan ee looga shakin karo dowladda – Dr. Cali Ciise Cabdi! Ogow, waa suurtagal in musharaxan isaga loogu been guuray oo ay rag kale xilli hore adeegteen! Dhammaan qodobadaas waxa ay kuu caddeyayaan in Cabdiweli Gaas is hortaagin faragalinta dowladda dhexe, awoodna u lahayn balse uu laadkiisii ugu dambeeyey darbo ku dhufta! Yacni cidna wax yeelin in ay isaga uun magac xumo u soo jiiday mooyee! W/Q: Xuseen Muuse Guuleed Nairobi, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
UK Defence Secretary, Gavin Williamson’s twitter post on his recent visit to Somaliland, shows a fellow among friends. Mr. Williamson who had a chance to meet Somaliland’s President Muse Bihi Abdi, Defense Minister, Army Commander and other officials, even had time to sample the cuisine at the Officer’s Mess in Hargeisa! Qaran News
-
Hargeisa,(Qaran news)- United Kingdom Defence Secretary Gavin Williamson paid a visit to Somaliland to discuss areas of mutual interest between the two parties. Mr. Williamson was met with the usual protocol and paid a courtesy call to Somaliland President Muse Bihi Abdi. The meeting which took place at the presidency lasted for several hours and was by all accounts mutually beneficial to both the United Kingdom and Somaliland. As we are all aware, Somaliland and the United Kingdom share historic ties dating back at least two centuries. When Somaliland gained independence on the 26th of June, it was against the advice of the then protectorate power to form a non-negotiated union with Italian Somaliland. The desire for a “Greater Somalia” consisting of Somaliland, Somalia, Djibouti, the Northern Frontier district of Kenya and the Hawd and Ogaden region of Ethiopia was the driving force behind the hasty decision to form the union. The new entity, the Somali Republic is now defunct and Somaliland restored its independence on the 18th of May, 1991. The fall out from the union is well documented and but it is a reminder of the past. Suffice to say, Somaliland and its people paid a heavy price during the thirty year union and even a, if it is at all possible, bigger price to withdraw. The destruction of Hargeisa and Burao, the use of mercenaries to bomb the cities and its population, the land mines buried everywhere, and the exodus to Hawd region are all undisputed facts. In fact, the whole of Somalia paid a heavy price during the union, and especially, during the late death throes of the Barre regime. So, it comes as no surprise, that the recent events in Baidoa, Somalia, the arrest and slaughter of protesting civilians, which has led to the expulsion of the UN Representative for Somalia and Somaliland, Mr. Nicholas Haysom, for having the “temerity” to offer constructive criticism and demand an explanation for these deplorable actions, were committed under the “leadership” of Siyad Barre’s distant nephew, Mr. Farmajo, the head of the federal entity in Mogadishu. I suppose it is true, the apple does not fall too far from the tree. After billions of dollars, thousands of staff, countless hours of toil and all the support imaginable to help the people of Somalia, the United Nations finally received its answer, their eminent representative was banished unceremoniously, and their compound was mortared!. We have often said, Somaliland is Africa’s best kept secret. We have different way of doing things. We use dialogue, discussion and consensus to reach our goals. We welcome constructive criticism from both at home and abroad. Defense Secretary Williamson’s visit to Somaliland could be seen by some as a pointed reminder to the weak federal entity in Mogadishu, that the world is more than happy to do business with Somaliland on a de-jure basis. Somaliland is already engaged by the international community on a de-facto status, but, if the need be, all options are available. As the UK prepares to exit the European Union, it is beginning to broaden its horizon, vis-a-vis future military relations with other nations. Secretary Williamson, who even had time to have lunch at the Officer’s Mess at Army Headquarters in Hargeisa, is more than welcome to see Somaliland as a future partner. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay ishor istaagii lagu sameeyay siminaar uu maalintii seddexaad maanta ku qaban rabay Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa si adag kaga hadlay waxyaabaha keenay in ciidamada booliska hor istaagaan siminaarka uu u qabanayay magaalada Muqdisho. Isaga oo ka hadlay xisbiga ayuu sheegay in Xisbiga Wadajir uu yahay mid ka diiwaangashan dhanka dowladda Soomaaliya, laakiin siminaarkii maanta uu yahay mid si awood ah looga joojiyay. Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Mr Warsame ayaa ka dalbaday guddiga doorashooyinka qaranka inay arimahaasi soo farageliyaan, maadaama xisbiga ay iyaga diiwaan geliyeen. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in xafiiska madaxweynaha Soomaaliya laga soo bixiyay amarka maanta looga hor istaagay siminaarkii uu ku qaban lahaa hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Cabdiraxmaan-Cabdi-Shakuur.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay isku rasaaseeyeen ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya. Isku-dhaca ayaa la sheegay inay ka dambeeyay markii cutubyo kamid ah xooga dalka oo la socday gaari ay rasaas ku fureen ciidamo kale. Lama ogga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay is-rasaaseyntaasi, inkasta oo mas’uuliyiinta ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan. Inta badan dhacdooyinka noocaan ah ayaa laga soo wariyaa gobolka dalka, iyadda oo ay xitaa mararka qaar ay ka dhacaan magaalada Muqdisho. The post Ciidamo ka tirsan DFS oo isku-rasaaseeyay Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta is-hortaag ku sameeyay siminaar uu bixinayay xisbiga Wadajr oo ka mid ah xiisbiyada siyaasadeed ee dalka uuna hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, CC Warsame oo warbiaainta la hadlay ayaa ku tilmaamay talalabada ay dowladdu ku diiday siminaarka ay bixinayeen mid ka hor-imaanaysa xorriyadda axsaabta siyaasadeed iyo dimuquraadiyad uu sheegay inuu dalku galay. “Xisbiga Wadajir ayaa gaar loo beegsanayaan, waayo siminnaarka aanu bixinaynay waa mid aan ku tababaranay dhallinyarada Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan,” ayuu yiri CC Warsame Sidoo kale, CC Warsame ayaa sheegay in amrka lagu jooiyay siminaarkii ay bixinayeen laga soo bixiyay madaxtooyada, wuxuuna xusay inuu la yaaban yahay sababta xisbi dalka ka jira oo ogolaasho haysta loogu diidayo inuu ka sameeyo dalka tababarro iyo dhaqdhaqaaqayo kale oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeegayo. Ciidamo fara badan ayaa hoteelka gudaha u galay iyagoo amar ku bixiyay in la joojiyo siminnaarka u socday xisbiga Wadajir oo ay ahayd in maanta lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo aanay jirin cid waxyeello loo geystay. “Amarka lagu joojiyay tababarka wuxuu kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Tababarka aan bixinaynayna wuxuu ahaa mid kor loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee kaadirka Xisbiga Wadajir,” ayuu mar kale yiri CC Warsame oo warbaahinta si kooban ula hadlay markii lasoo xiray tababarkooda. CC Warsame ayaa hadalkiisa ku daray. “Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala-galay inay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhawraan ayaa waxaa loo adeegsanayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis ay shaqsiyaad gaar ahi wadaan.” Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan ka jawaabin eedeynta uu jeediyay CC Warsame ee ku aaddan in xiritaanka tababarkoda laga soo amaray Villa Somalia, inkastoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo la beegsado xisbiga Wadajir. PUNTLAND POST The post Dwladda Somalia oo joojisay kulan Xisbiga Wadajir uga Socday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Tirsiga taariikhdu marka ay ku beegantahay 14 bisha November ayaa ah maalinta loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta macaanlayda aduunka maadama uu dhashay ninkii u horeeyey ee soo saaray irbada ama dawada lagu dabiibo kaadi macaanka oo magaciisa la odhan jiray Frederick Banting oo ay ka wada shaqeeyeen ninka isna la odhan jiray Charles Best, waxaanay soo saareen dawada sanadkii 1922-kii haddaba waxa jira waxyaabo lagaga hortago macaanka inta aanu ku haleelinba inkastoo oo aanu isagu dawo rasmiya lahayn inaad marka hore is ilaaliso mooyaane. 1. Quraacda haka tegin Waxa lagugula talinayaa inaad ku dedaasho QURAACDA oo ah cunto muhiim u ah habsami socodka sonkorta jidhkaaga! iyo sidoo kale in aad jimicsiga noocyadiisa kala duwan waxkamida ku dedaasho. 2. Diiri jidhkaaga subaxdii Ugu yaraan markaad soo toosto subaxii yara diiri jidhkaaga macnaha yara jimicso si uu u kululaado jidhkaagu. adigoo jiifa furaashkaaga ayaad lugaha kor usoo qaadi kartaa adigoo sidaa wadaaya muddo ilaa 10 daqiiqo ah ama daraarada ama deyrka gurigaaga carar ilaa 5 daqiiqo subaxwalba adigo guclaynaaya ama talaabo degdega qaadaya tani waxay kaa caawinaysaa inaad gubto sonkorta jidhkaaga ku jirta taasoo hadii aan la isticmaalin sababta xanuuno uu kow ka yahay xanuunka MACAANKU. 3. Isticmaal biyaha liin dhanaanta Waxaa liin dhanaanta ku jirta maado loo yaqaano bioflvonoid waana maadada midabka huruuda ah u samaysay liinta dhanaanta. Bioflovonoid waxay kor u qaadaa maadada la yidhaahdo INSULIN oo ah maadada hoos u dhigta sonkorta soo gasha jidhka taasoo hadii la ay daciifto aynu nidhaa qofkaa macaanbuu leeyahay. sidaa daraadeed qof macaanka leh waxa haboon inuu hal xabo ama jeex liina ku tuujiyo biyo diiran subaxdii inta uuna wax kale afka galina uu cabo. Qofka aan lahayna waxay u noqonaysaa ka hortag buuxa oo macaanka aha. 4. Biyo badan cab. Cabitaanka biyo badan maalintii waxay milayaan sonkorta ka timaada cuntooyinka sonkortu Ku badan tahay kelyahana waxay uga shaqaysiinayaan si aad u saraysa. Waxa la ogaaday oo cilmi baadhis lagu sameeyey cabitaanka biyaha iyo cudurka macaanka xidhiidhka ka dhaxeeya, waxaan la ogaaday in dadka caba maalintii wax ka badan 2 littir oo biyo ah ay 90% aanu haleelin cudurka macaanku markaa khubaradu waxay Ku boorinayaan dadka in la cabo biyo badan waxay ka mid tahay hababka ugu fudud ee looga hortago cudurka macaanka. 5. Xakawada iyo macmacaanka. Waxaa aad looga dayrinayaa shayga loo yaqaano xalwada oo noqotay shayga ugu halista badan ee bani aadamku xanuun ka qaado sababtoo qofkuu wuxuu cunayaa xadi aanu jidhkiisii ama amateedkiisu ka cuni kareen hadii sonkor iyo saliid ahaan loogu diyaariyo oo la yidhaa cun. Qofku wuxuu cunayaa 0.5kg ama 0.25kg oo xalwad ah oo la macno ah 0.35kg sonkor ah qof cunaaya waana waxyaabaha ay dadka reer yurub ugu sheegaan ama ugu magac bixiyeen (POISON FOOD) oo macnaheedu yahay cuntadii sunta ahayd lkn dadkeenuu waxa ay u haystaan inay yahay wax heersare ah oo u fiican nafta waxaana la ogaaday qofka maalmo isku xiga Cuba isagoo aan wax awood kicina uga baahnayn inay xaqiiqtay inuu haleelayo cudurka Macaanka iyo Cudurka beersubagu Fadlan ka dheerow cunada xalwada gabi ahaanba iyo waxyaabaha la midka ah. Lasoco…… Qalinkii Cabdi Cawiye Phone +252634115877 Qaran News
-
Center for Policy Analysis: Briefing on the Disagreement of the Political Parties January 2019 The Center for Policy Analysis (CPA) closely observes the political developments and setbacks as well as the democratization process of Somaliland. CPA is cognizant of the current political tension regarding a conflict over the fate of the members of the National Electoral Commission and the upcoming parliamentary and local governments elections, in which the three political parties failed to resolve. Considering the challenges facing Somaliland which has been self-reliant unrecognized country dealing with political, economic and security threats, it is of paramount importance the political leadership of Somaliland to take into account the broader surroundings. Therefore, the political parties need to take into account the following issues: Somaliland has been a democratic country in the last 16 years. The power has been in the hands of the people. The democracy of Somaliland has created a political puzzle for the many undemocratic countries of the region, who look from a distance the progress Somaliland has made without international recognition. Hence the internal political activities of Somaliland have a regional dimension. The Horn of Africa is undergoing a massive change ignited by the sudden appointment of Abiy Ahmed as the prime minister of Ethiopia. Ahmed introduced a reform based on Pan Africanism, forgiveness and economic integration in the region and in the continent of Africa. His initiative resulted in the unforeseen dialogue and cooperation of the leaders of Somalia, Ethiopia and Eritrea, who were in decades in direct and proxy wars. Therefore, Somaliland has to rethink and come up with a new strategy to deal with the change and to foster internal cohesion. The democratization of Somaliland has attracted friends who do support the electoral process and implement developmental projects. Such support is a golden opportunity for the country to realize achievements and gain international recognition. Nevertheless, if the political parties do not consider and invest augmentation of the political system, particularly the democratic values and principles, the Somaliland friends may get disappointed, and as a result weaken the foreign policy, the economy and solitary of the people. The security and political stability facilitated the attraction of international investment such as the DP World investment in Berbera Port, oil exploration activities and the Somaliland Development Fund. If political stability based on democracy and security decline, it will lead to bad governance, poverty and fragmentation of the society. Therefore, the politicians, the leaders of the political parties and the national leadership has to prioritize political stability and security. CPA urges all the leaders of the political parties and the national leadership to broaden their scope of analysis and make a decision on the controversial issues of the National Electoral Commission and the upcoming elections. At the same, they need to be mindful the negative consequences of a failure to reach meaningful agreement. Failure to resolve disagreement could harm the economy, and create international isolation, and internal friction that can damage national cohesion. CPA suggests the following recommendations: The political parties should have a meaningful discussion on their differences on the current members of the National Electoral Commission (NEC) and the composition and procedure of selection of future NEC members. The President should take leadership and active role in finding out a solution for the seat allocation of the House of Representatives, and conduct inclusive and consultative process; All political parties should stop the divisive and contentious approach, and instead act towards cooperation and solidarity; The elections of the House of Representatives and Local Councils should take place within 2019, and all obstacles should be removed upon an agreement reached by the relevant stakeholders; The institutions should duly fulfil their constitutional responsibilities for the sake of the national interest and should refrain from delay tactics. Contact: Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland. Email:Contact@centerforpolicy.net. Web: www.centerforpolicy.net Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-070119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa abuurtay shaki ku saabsan in Somaliland ay u aqoonsatay dal ka madax banaan Soomaaliya, kadib tallaabo uu qaaday wasiirka gaashaandhigga dalkaas, Gavin Williamson. Wasiirka oo shalay booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal yaab leh oo uu Somaliland ugu yeeray inay tahay dal. Waxa uu yiri Williamson “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland” Lama yaqaan waxa uu Gavin Williamson ula jeedo inuu Somaliland ugu yeero dal. Waxaan sidoo kale caddeyn, in qoraalkan uu yahay mid isaga ku gaar ah iyo inay la wadaagto dowladdiisa. Xiriirka Soomaaliya iyo UK ayaa dhowaanahan xumaa, ayada oo Britain ay ka carrootay in Soomaaliya ay cayrisay ergeygii QM, Nicholas Haysom. Ayada oo taas ka jawaabeysa ayaa Britain waxa ay qortay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka QM oo sabtidii lagu sheegay in golaha uu ka xun yahay tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya. Si kastaba, khilaaf yar oo dhacay uma muuqato in UK uu ku hogaamin karo inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay sharaxaad ka dalbato xukuumadda London. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Berri waxaa Garowe, xarunta maamul gobolleedka Puntland ka dhici doonta doorashada Madaxweyne iyo ku xigeen ee maamulkaas. Diyaar garowga iyo loolankii adkaa ee ay mudada bilaha ah soo wadeen musharixiinta 30-ka badan ee berri baratami doona waxaa hareer socday ol’oleyaal iska soo horjeedda oo ka baxsanaa maamulkaas balse quseeyey. Dowladda dhexe, kooxaha mucaaradka ah, Imaaraadka iyo Qatar oo kala taabacsan ayaa ku dagaalamayey garoonka berri abbaare 12-ka duhurimo lagu kala dareeri doono oo ay ciddi libinta la hooyan doonto. Taas oo ay jirto, waxaa si cad bannaaka u yimi laba wajiileynta kooxaha mucaaradka ah marka ay timaado waxyaabaha ay ku dhaliilaan oo ay qalalaasaha aan loo baahneyn u galiyaan dowladda dhexe. Maxaa ka mid ah? Ku eedeynta dowladda faragalinta doorashooyinka maamulada! Waxaa hadda laga soo kabtay fowdadii ka dhalatay farogalintii ay dowladda ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed taas oo ay mucaaradka aad uga qeyliyeen xilli ay abuureen jawi colaadeed maadama ay hadallo kicin ah iyo iska horkeenidda dowladda iyo shacaka Koonfur Galbeed ay aad ugu dadaaleen. Dhibta arrintaas ka dhalatay waxa ay gaartay heer rabshado ka dhacaan Baydhabo iyo Wasiir caro darted isu casila. Kicintii iyo durbaan tuhunkii mucaaradka haddii ay markaas u muuqdeen samo ka talis, soo ma ahayn in go’aankoodii ku taagnaadaan oo ay Puntland-na difaacaan? Walow Puntland muujisay isku filnaan, iska dhicisay dowladda ugu yaraan faragalinta muuqata, hadana awood u ma laha in ay faragalinta dadban iska caabiso, tusaale, waxaa Garowe loo diiday Wasiirada, laakiin waxaa joogaa xildhibaanno aan ka saameyn yareyn kuwa la diiday sida; Jangeli, Cali Xoosh, Da’uud iyo Waaberi! Dulucda qormadeyda waxa weeye, isla mucaaradkii shalay ka qeylinayey faragalintii Baydhaba ayaa maanta dowladda ku dhaliilaya maxay Garowe u faragalin weysay! Siyaasiyiin mucaarad ah oo aad loo yaqaan ayaa kaga khudbadeeyey xafladdii uu Xasan Sheekh ugu daahfurayey xisbigiisa xaruntiisa cusub ayaa uga khudbadeeyey in siyaasadda dowladda ee ku wajahan Koonfur Galbeed iyo Puntland muuqato – mid qabsaneyso doorasho xor ah midna la qasbay! Senetor ka mid ah Aqalka Sare ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in ay u caddaatay Puntland awoodeeda balse Garowe aysan ahayn Baydhabo! Sentor-ka waa reer Koonfur Galbeed! Mucaaradka waxaa la rabaa in ay ka jawaabaan, haddii faragalintii Baydhabo xaaraan ahayd, maxaad ugu durbaan tumeysaan faragalinta Garowe ee xalaaleeyey!? Waxaa halkaas ka cad! Laba wajiilenimda mucaaradka!. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal xooggan. Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle iyo ciidamo uu watay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere, waxaana ka dhashay khasaare. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka HiShabelle oo joogay koontarool laga soo galo Jowhar ay celiyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe oo doonayay in uu soo galo magaalada, islamarkaana sidaas uu dagaalku ku bilowday. Nuur Dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga magalada Jowhar, hase yeeshee loo diiday in uu magalada Jowhar gudaha u galo. Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeneey iyo nin oday ah, ayaa dagaalka ku geeriyooday. Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in weli ay is hor-fadhiyaan ciidamadii ku dagaalamay koontaroolka laga soo galo magaalada Jowhar ee ku yaalla wadadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay magaalada Jowhar iyo sababta loogu diiday Nuur Dheere inuu magaalada soo galo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com