Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The U.S. military killed six Islamist militants in an air strike in Somalia on Sunday in the vicinity of Dheerow Sanle, in the Lower Shabelle region, it said. “At this time we assess no civilians were injured or killed in this air strike,” the U.S. military’s Africa Command said in a statement late on Monday. “This air strike was conducted to diminish al-Shabaab’s freedom of movement and to increase pressure on the terrorist network in the area.” The U.S. and Somali militaries have stepped up air strikes against al Shabaab Islamist fighters recently. Last month, the U.S. military said it had killed 62 militants in six air attacks. The post US military says it kills six militants in an air strike in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa hoolka ay ku shiraan xildhibaanada baarlamaanka Puntland ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo musharixiin badan ay u taagan yihiin. 66 Xildhibaan ayaa ku sugan goobta doorashada waxaana dib kaga soo biiray goobta labo xildhibaan oo markii hore ka maqanaa madasha. 21 Mudane ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntland, waxaana ku jira madaxweyne Gaas oo shan sano maamulayay Puntland. Sheikh Daahir Aw Cabdulle oo kamid ah culamada Puntland oo hadal laga siiyay madasha doorashada ayaa kula dardaarmay xildhibaanada baarlamaanka inay doortaan ruux hogaamin kara Puntland. Wareega Koowaad waxaa ku wada tartamaya musharixiinta oo idil, waxaana wareega labaad u gudbaya musharixiinta ugu codadka badan. Khudbadaha dardaaranka ee culumada ayaa wali ka socda goobta doorashada, waxaana kadib xigi doono doorashada madaxweynaha. Dhamaan musharixiinta tartameysa ayaa waxay baarlamaanka hortiisa ku saxiixayaan warqad ay ku cadeynayaan inay aqbali doonaan natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha maamulka Puntland. Toos ula soco doorashada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  3. Garowe (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya inay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo inka badan 20 musharax ay ku tartamayaan. Waxaa soo baxaya in xalay aysan hurdo helin musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxaana socotay kala xodxodashada codadka xildhibaanada baarlamaanka. Waxaa durba soo shaacbaxay shaqsiyaad loo malaynayo inay noqon karaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota, waxaana dadka la hadal hayo lagu qiimeeyay awooda ay ku dhexleeyihiin baarlamaanka. Musharixiinta qaar ayaa lagu eedeynayaa inay taageero dhaqaalo ay ka heleen dowladda Soomaaliya, islamarkaana xalay ay heleen taageerada ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka Puntland. Musharixiinta ugu hadal heynta badan ayaa kala ah Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo ah ruuxa loogu saadaasha badan yahay, maadaama lagu tiirinayo inuu dhaqaalo badan ka helay dowladda Soomaaliya. Waxaa kusoo xiga Dr Saciid Deni oo ah shaqsi awood badan ku dhex baarlamaanka, waxaana u tanaasulay musharixiin badan. Sidoo kale ruux sedexaad ee loogu hadal heynta badan yahay doorashada Puntland ayaa ah Faarax Cali Shire. La soco doorashada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  4. Garowe (Caasimada Online)-Ma aha doorasho dadweyne, xildhibaanno ayaa codeynaya! Labaatan cisho kadib, markii doorasho aan aad loogu baratamin ay ka dhacday magaalada Baydhaba, halkaasoo maamulka Koonfur Galbeed uu ku yeeshay madaxwyenihii labaad tan iyo intii la dhisay ayey Garowe ka dhaceysaa doorasho laga yaabo inay loollan adag yeelato. Shantii sanaba mar ayaa la qabtaa doorashada Puntland. 21 Tartame, oo uu ku jiro madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ayaa u hanqal taagaya inay ku fariistaan kursiga ugu sarreeya maamulkaasi qaangaarka ah ee Puntland. 11 kalena, midkiiba waxa uu doonayaa inuu noqdo madaxweyne ku xigeen. Kuna darso 32 ka tartame midna dumar ma aha! Doorashada madaxtooyada waxaa ka horreyay tan wakiillada, 66 xildhibaan oo todobaadkii hore la dhaariyay ayaa doortay guddoon. Waxa ayna isu diyaarinayaan inay kala xushaan mas’uuliyiintaas oo dhamaan Isniintii hadal-jeedin sameeyay si ay u bandhigaan qorshahooda waxqabad, laakin shaki kuma jiro in aan lagu kala dooraneyn kaliya sida ay u khudbeeyeen. Waa qasab in olole la sii sameyay, lala shiray cod-bixiyeyaasha, loona gudbiyay dalab faro dufaneysan uu wehliyo. Awood-qeybsiga aan Dastuuriga ahayn Puntland oo 20 jir ah, taarikhiyan waxa ay soo yeelatay Afar madaxweyne oo ka soo kala jeeda Bari, Nugaal iyo Mudug-(2 madaxweyne?). Taasi macnaheeda waxa weeye in haatanna ay waajib tahay inuu soo baxo murashax u nasab-sheegta saddexdaasi gobol, maxaa yeelay guddoonka baarlamaanka ee la doortay Jumcadii waxa uu ka soo jeedaa deegaan ka baxsan saddexda gobol, waxa ay taasi yareysay rajadii ay qabeen murashixiinta ay isku heybta yihiin. Inkastoo ay saadaal tahay, hadana waxaa laga yaabaa in Asad Diyaana, Cali Xaaji Warsame, Cabdi-wali Gaas, Cabdi Faarax {JUXA}, Saciid Dani iyo Injineer Maxamuud Khaliif {JABIYE} ay yihiin kuwa hadal-heynta u badan tahay. Saciid Dani iyo Maxamuud Khaliif ayaa suuragal loo arkaa inay galaan loollaka ugu dambeeya, sababtuna waxa ay tahay labaduba waxa ay ka yimaadaan magaalada Qardho. Maxaa yeelay labadii xilli doorasho ee u dambeysay kuma soo bixin murashax ay isku heyb yihiin. Dhinacyada kala taageeraya ayaa sidoo kale ka dhigeysa inay isu soo haraan, balse wax walba ayaa la filan karaa. Eedaha Faragelinta Dowladda federaalka Maadaama aysan dowladda federaalka ah isku wanaagsaneyn madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday oo gudoomiye u noqday gole iskaashi oo ay leeyihiin dowlad-goboleedyada, kaasoo xiriirka u jaray maamulayaasha Muqdisho, ayey taasi sare u qaadday cabsida uu ka qabay in la farageliyo. Dowladda federaalka ah laftrikeeda waxaa la aaminsan yahay inay hoos u dhigeyso awoodda maamullada aan adeecsaneyn. Tusaale ahaan doorashadii 19-kii, bishii Disembar ka dhacday Baydhaba, oo sabab u noqotay in uu shaqadiisa ku waayay wakiilkii QM ee Soomaliya, waxaa ku soo baxay murashaxii ay dooneysay. Si looga fogaado in madaxda federaalka ay galaangal u yeeshaan, ayey shir ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay soo saareen 7 qodob oo ku saabsan Amniga xilliga doorashada Madaxweynaha. War-Saxaafadeed ay Guddiga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga,waxana qodobada ku jira ka mid ahaa in Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka. Waxaase sharci-yaqaannada sheegeen inaysan xaq u lahayn maamulayaasha Puntland tallabaadaasi oo dhaqangal noqotay. Si kastase waxa ay bidhaamisay in madaxda talada heysa iyo kuwa aan bahda la ahayn dowladda federaalka ay baqdin ka qabeen in la wiiqo, si aysan u soo bixin. Waxaa kale oo jira warar sheegay inay dowladda riixeyso murashax Maxamud Khaliif {JABIYE} walow wasiirka arrimaha dibadda oo hadlay uu ku gacan seyray inay taageero maaliyadeed murashax gaar ah siinayaan, balse uu carrabka ku dhuftay inay dabiici tahay in qofka uu qof kale taageero. Kaalinta Baraha Bulshada {SOCIAL MEDIA} Ka sokow, warbaahinta oo toos isha ugu heysa una soo tabineysa dhacdooyinka ku xeeran doorashada, hadana waxaa door muuqda leh baraha bulshada. Waxa ay u egtahay in lacag badan laga macaashayo marka ay timaado olalaha loo sameynayo murashaxiinta. Waxa kale oo aragtiyo ku wadaagaya dadka daneynaya doorashada, iyadoo mararka qaar la isku weeraryo fikradaha la kala aaminsan yahay. Dagaalka baraha bulshada loo adeegsado oo Soomaaliya ku soo xoogeystay 23-kii bilood ee u dambeysay ayaa sidoo kale xamaasad u yeelaya, iyadoo dhaqdhaqaaqyadooda iyo aragtidooda ay murashaxiinta ku soo gidnbinayaan ama la wadaagayaan taageerayashooda si ay xayeysiin ugu sii sameeyaan. Balse waxaas oo dhan waxaa asal u ah sida loo xod-xoto xildhibaannada. Khilaafka dowladda federaalka ah iyo DG Dowladda federaalka ah oo billowgeediba wajahday dagaal siyaasadeed oo ay la gashay dowlad-goboleedyada oo ay u arkeysay inay daacad u ahaayeen madaxdii ka horreysay ayaa ku guuleysatay inay dhufaanto. Waxa ay ku guuleysatay inay meesha ka baxaan saddex madaxweyne oo ka kala arriminayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo madaxweyneheedi ku qasabanaaday inuusan tartamin, walow aysan wali rabbaayada ka dhigan maamulka Galmudug hadana waxaa lagu eedeeyaa kal qeybsanaanta heysata iyo inay ka qaadiyaan taageeradooda. Puntland oo ka fac weyn dowladda dhisan ayaa dhegaha ka fureysata dhambaallada ka yimaada Muqdisho. Taasina waxa ay keenta in haba yaraatee aysan wax xiriir ah la lahayn dowladda federaalka ah, taasina waxa ay keeneysa xiisaha ku saabsan haddii cidda lala xiriirinayl ay ku soo bixi kartay doorashada iyo hadii kale, waxaana la leeyahay waa tijaabo kale, oo ay wajahayaan maamulayaasha Muqdisho. Maxaa dhacaya Natiijada Kadib? Bacdamaa uu maamulka Puntland 20 kii sano ee la soo dhaafay ku soo caano maalay kala dambeyn iyo wax isu ogolaasho gudahooda ah lama filanayo qalalaase ka dhasho doorashada. Murashaxii laga adkaado waxa ay u badan tahay inuu aqbalo natiijada. Waxaase jawaab u baahan waxa uu ku dambeynayo xiriirka xun ee ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland. Puntland Doorasho lagu diirsado iyo madaxweyne daacad ah ayaan u rajeyay. Abubakar Mohamed Ali, Dhaliil ama toosin igula soo wadaag abakarmah@gmail.com FG:Qoraalkaan waa aragtida ruux ku saxiixan kama Tarjumeyso aragtida Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Waxaa haatan hoolka doorashada soo wada gaadhay dhammaan murashaxiinta Puntland uu ku jiro madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana la filayaa inay doorashada bilaabato wax yar kadib. Dhanka kale, ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabey inay adkeeyaan ammaanka magaalada Garoowe, ciidamada howsha loo xilsaaray ayaa kala ah: PSF-ta , Booliiska , Daraawiishta iyo PMPF-ta. Goobta doorashada waxaa ku sugan xubno ka socda IGAD iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Korjoogayaasha doorashada Puntland waxaa ay ka fiicantahay middii ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Cabdicasis Lafta-gareen, taasi ma joogin beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Mahadaay ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saaka howlgallo xoogan ay ka wadaan nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa ay saraakiisha hoggaamineysa sheegeen in uu yahay mid lagu baadi goobayo kooxo burcad oo dhawaan Gaari ay la socdeen dad rayid ah ku rasaaseeyay duleedka degmadaasi. Sidoo kale saraakiishu waxa ay tilmaameen in howlgalladani u jeedkooda uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Maalin ka hor ayey aheyd markii Rag burcad ah Gaari Rakaab siday ay ku rasaaseeyeen agagaarka degmadaasi, kaas oo ku sii jeeday Afarta Tuulo. The post Howlgallo ballaaran Oo ka socda duleedka Mahadaay appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Garoowe ( Sh. M. Network )-Golaha wakiilada Puntland ayaa lagu wadaa in maanta Madaxweyne cusub ay ku doortaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaya illaa 21 Musharrax o daneynaya qabashada xilkaasi. Sidoo kale waxaa xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland u taagan 11 Musharrax oo ku tartami doono doorashadaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysa ee doorashadan ayaa saaka si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona gudaha Garoowe lagu arkayo Ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga doorashada iyo guud ahaan magaaladaasi. Xaaladda guud ee Puntland ayaa ah mid dagan, iyadoona si aad ah isha loogu hayo doorashadaasi. The post Doorashada Puntland Oo maanta ka dhaceysa Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Waxaa maanta lagu wadaa in Garoowe lagu doorto madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee 5-ta sano ee soo socota. Hoolka doorashada waxaa jooga korjoogayaal isugu jira dowladda federaalka ah, IGAD iyo beesha caalamka. 21 murashax madaxweynaha ah iyo 11 ku-xigeennada ah ayaa laga dooran-doonaa mid hal. Halkan Ka Akhrio, Magacyada Murashaxiinta: Source: goobjoog.com
  9. Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka dhacday halkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Baqdaad oo isku xira degmadooyinkaasi. Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay jiritaanka duqeyntaasi, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in duqeyntan lala beegsaday saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi. Illaa iyo hadda lama heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeyntaasi, basle inta badan Mareynka ayaa duqeymo ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Duqeyn diyaaradeed Oo ka dhacday deegaanka Baqdaad appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Waxaa maanta lagu wadaa in Garoowe lagu doorto madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee 5-ta sano ee soo socota. Hoolka doorashada waxaa jooga korjoogayaal isugu jira dowladda federaalka ah, IGAD iyo beesha caalamka. 21 murashax madaxweynaha ah iyo 11 ku-xigeennada ah ayaa laga dooran-doonaa mid hal. Weriyeyaasha Goobjoog News ee hoolka ku sugan waxaa ay sheegayaan in ammaanka la adkeeyey, murashaxiinta ay soo galayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garowe (Caasimada Online)-Doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka bilaabaysa daqiiqado kadib magaalada Garowe, waxaana doorashada madaxweynaha isku soo sharaxay 21 musharax. Xildhibaanada Puntland oo gaaraya 66 xildhibaan ayaa dooranaya mid kamid ah musharixiinta xilkaasi isku soo taagay, waxaana madaxweynaha la doorta uu hogaamin doonaa Puntland shanta sano ee socoto. Wakiilo ka socdo beesha caalamka iyo wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kuwaasi oo korjoogto ka ah doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe. Doorashada madaxweynaha kadib waxaa ku xigo doonta doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, waxaana saacado kadib Puntland ay yeelan doontaa madaxweyne iyo ku xigeenka. Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey oo markale musharixiin ah ayaa ku sugan hoolka doorashada, sidoo kale musharixiinta la tartameysa ayaa ku sugan goobta maanta doorashada ay ka dhaceyso. Caasimada Online ayaa daqiiqad walbaa idiin soo gudbin doonta doorashada maanta Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-080119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ka socota xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garoowe. Doorashada ayaa waxaa ku loollamaya 21 murashax madaxweyn iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,waxaana codaynayaa 66-da mudane ee uu ka koobanyahay Baarlamanka Puntland. Amniga caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamada kala duwan ee Puntland ay ku sugan yihiin dhammaan waddooyinka magaalada,waxaana la xannibay isu’ socodka gaadiidka soo galaya am aka baxaya magaalada ilaa laga gaarayo 4:00pm ee Galabta. PUNTLAND POST The post Toos u daawo: Doorashada madaxtinimada Puntland oo ka socota Garoowe appeared first on Puntland Post.
  14. Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa bixiyay xog dheeri ah oo ku saabsan sababta ay u tageen magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in maalmihii ugu dambeeyay ay wadeen abaabulka dagaalka Al Shabaab looga saari lahaa degmada Bu’aale oo caasimad u ah maamulkiisa. Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in la dhameystiray dhamaan ciidamadii iyo qorshihii AL Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulka Jubbaland oo hadda ay ku sugan yihiin. Ujeedada ugu weyn ee ay ciidamada ugu badan u geeyeen degmada Afmadow ayuu ku sheegay inay tahay inay dhabarka ka weeraraan Al Shabaabka ku sugan degmada Bu’aale. “Waan ku hamineynay inaan nimaado Afmadow, ujeedada aan halkaan u nimid waxay tahay inaan dhabarka ka weerarno Degmada Bu’aale oo cadowga ay heystaan, dhawaan ayaan rajeynaynaa inaan ka saarno”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada maamulkaasi si ay Al Shabaab kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  15. Waddamada Itoobiya iyo Eriteriya oo maanta si rasmi ah isugu furay xudduudohooda+Sawirro Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eriteriya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay u wada fureen xuduuda labadaasi dal ka wadaagaan ee daagaanada Oumajir iyo Humera ee waqooyiga dalkaasi. Labada hoggaamiye ee Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ayaa waxaa munaasabadooda xad-furidda ku weliyay saraakiil sar-sare oo labada dowladood ka socda. Arrintan ayaa timid kadib dadaallo wadahadal oo si xowli ah u dhexmarayay labadan dal kaas oo uu hoggaaminteeda lahaa ra`iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Qaran News
  16. London (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga UK, Gavin Williamson, ayaa tiray qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu Somaliland ugu yeeray dal, wuxuuna soo dhigay qoraal kale. Wasiirka oo axaddii booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay Isniintii qoraal uu ku yiri “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland” Si kastaba saddex saac kadib wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sameeyey is-beddel wuxuuna ka saaray meeshii uu ku yiri labadeena waddan. Qoraalka cusub ee wasiirka ayaa u dhignaa sidan “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”, waxaana uu ka rebay intan “si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan” Qoraalka markii hore abuuray tuhun ku saabsan in UK ay Somaliland dal ahaan u aqoonsatay, ayaa waxaa hadda muuqata inuu ahaa qalad xagga faham la’aanta xaaladda taagan ah. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  17. War-weyn:Qiimihii ugu sareeyay ee codadka xildhibaanada Puntland+ Murashaxa ugu lacagta badan Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ay warbaahintu ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in loolankii ugu adkaa uu caawa ka dhacay hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada dooran doona subaxnimadaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland. Loolanka murashaxiinta ayaa loo adeegsanayaa dhaqaale iyo sumcad, waxaana suuqa kala xod-xodashada uu gaadhay heerkii ugu sareeyay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa heerka suuqa muraxashiinta iyo xildhibaanada kala gaadheen. Murashaxa Maxamud Khaliif Jabiye ayaa suuqa xildhibaanada la wareegay caawa, wuxuuna beecii ugu sareeyay halkii cod uu gaadhsiiyay 100,000 oo dollar, taasoo keentay in xildhibaano badan ay u jabaan dhankiisa. Waxaa rikoodh cusub dhigay oo haddii sumcad lagu dooranayo madaxweynaha Puntland waxaa kusoo bixi doona Cali Ciise Cabdi oo soo xidhay albaabada masuqmaasuqa iyo laaluush wax ku doorashada, isagoo xildhibaanadii ugu danbeeyay u sheegay in isagoo 70 sano jir ah mudo 30 sano ah uu la dagaalamayay faqriga, iyo masuq maasuqa, isagoona yidhi “Maanta ma horseedayo mustaqbalkeyga iyo aakhiradeyda inaan laaluush bixiyo, si aan ummad dhan hoggaamiye ugu noqdo”. Marka laga soo tago murashaxa ugu lacagta badan waxaa isna soo labeeya murashax Faarax Cali Shire oo suuqa soo geliyay lacag dhan 50 ilaa 80 inta u dhaxaysa murashaxii. Murashax Asad Cismaan Diyaano, ayaa isna suuqa soo sadaxeeya, waxaanuu xildhibaankiiba uu ku dirqiyayaa lacag u dhaxaysa 40 ilaa 60 kun dollar, isagoo adeegsanaaya siyaasiyiin magac ku leh Puntland.. Murashaxa ugu cad-cadaa ee Saciid Dani oo maalmihii lasoo dhaafay suuqa haystay ayaa xildhibaanada kasoo kala dareereen caawa, kadib markii uu xildhibaanada u balan qaaday midkiiba 40 kun, kana dalbaday inay u dhaartaan, hase ahaatee waxay door dibeen inay ka qulqulaan. C/weli Gaas ayaa isna xildhibaano badan ay u jabeen, markii uu bilaabay inuu 40 xildhibaan shir la qaatay, miiskana uu soo saaray 30 kun dollar, hase ahaatee xildhibaanada ayaa u arka in dhaqaalahaasi ay yihiin hantidii shacabka hadeysan u coddeyna aysan godob laheyn. Cabdi Faarax Juxaa oo wasiirka arrimaha gudaha kasoo noqday dowladda federaalka Somalia ayaa saameyn aad u weyn laheyn, maadaama dhaqaale ahaan uu aad u liito. Dhanka kale, tiro xildhibaano ah oo muran ku jiro tiradooda ayaa lagu soo waramayaa inay guri isku uruursadeen, kuwaasi oo sheegay inaysan wax lacag ah qaadan doonin, codkoodana ay siin doonaan cida ay is yidhaahdaan way ugu haboon tahay wadanka, dhibka jirase waxay tahay tiradooda si rasmi ah looma yaqaan. Si rasmi ah looma saadaalin karo shaqsiga hannan doono xilka madaxweynenimo ee Puntland oo murashaxiinta juhdi kala duwan ay ku bixinayaan, waxaase la ogaan doonaa xaqiiqda 12-duhurnimo ee maanta ama wixii ka danbeeya. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay ishor istaagii lagu sameeyay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in xiligan aan la joojin waqtigii awooda ciidan loo adeegsan jiray caburinta siyaasiyiinta. Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:- Soomaaliya waa soo dhaaftay xiligii lagu maamuli jiray caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina! SIMINAAR SIYAASADEED oo waxa ugu badan ee kasoo bixi kara ay yihiin in dadka kasoo qayb galay ay isku sheegaan wax umaddu wada ogtahay oo ah ”marxalada maanta dalkeenu marayo iyo marin habaabinta ku dhacday majaraha siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo kooxdiisu higsanayaan” in waxaas oo awood ciidan ah la iskugu geeyo si loo baajiyo waxay daliil cad u tahay MUSTAQBALKA MADOW ee dalkeena kusoo foolka leh. Waxaa kale oo nasiib daro aad u weyn ah in ciidamadii qaranka ee u xilsaarnaa difaacida dalka, ilaalinta shuruucda dalka iyo dhowrista sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsado caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed. Arintaani waxay wadada u sii xaaraysaa in aan dalkaan doorasho laga qaban doonin 2020 ee la doonayo in xoog ciidan iyo xukun marooqsigii Baydhabo oo kale lagu haysto! Horay ayaa Soomaali uga dhiidhisay caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan oo wax lagu maamulo. Waxayna na dhaxalsiiyay dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyadeed, qabyaalad iyo qabqable ma naxariiste ah, qowlaysato shaar diimeed inta noo soo xirta dadka shacabka ah qarax ku gumaada iyo quwado shisheeye oo masiirkeena ku amar ku taagleeya! Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa sidaan xukun aad ku nagaataan kuma imaanayo ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin dardaaran ah u diray xildhibaanada baarlamaanka Puntland. Xildhibaan Fiqi ayaa ugu baaqay xildhibaanada Puntland inay ka faa’ideystaan waqtiga yar ee u haray, waxaana uu kula dardaarmay inay shacabka Puntaland usoo dooraan ruux kala yaqaana deegaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada Puntland looga baahan yahay inay shacabka deegaanadooda usoo xulaan ruux aan taageerin dowladda Soomaaliya “Qowsaar u aheyn qole kale”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Xildhibaanada Puntland waqtiga yar ee u haray, waxay heystaan fursad ay deegaankooda iyo Soomaaliba ugu doori karaan hogaamiye aqoon & khibrad leh, dadka iyo deegaanka yaqaana, qolo kalena aan qawsaar u ahayn! Tawfiiqda In ilaahay idin waafujiyo ayaan idinkugu ducaynaynaa.”ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa saacado kadib galaya doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi inka badan 20 musharax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Maanta oo ah 8-da Janaayo, Puntland waxaa u dhammeystirmaya doorashadii u soo bilaabatay dhawr bilood kahor. Eebe haku dhammeeyee, waxa ay u egtahay in doorasho nabdoon ka dhici doonto halkaas, sidii awalba loogu bartay. Hase ahaatee, bulshada Soomaaliyeed waxa ay is weydiinayaan, maxay dowladda u faragalin weysay Puntland maadama ay sidaas ku sameysay Koonfur Galbeed? Su’aashaas waxaa looga jawaabi karaa qodobada soo socda marka la’isla eego- 1- Puntland 20 sano ayey jirtaa – Koonfur Galbeed 4 sano 2 –Puntland haykal dowladnimo oo dhammeystiran ayaa ka jira – Koonfur Galbeed xataa Madaxweyne ku xigeen ma lahayn 3 –Xuduuda Puntlad waxaa gacanta ku haya maamulkeeda –Koonfur Galbeed waxaa Baydhabo oo ay joogto ku haya Amisom Qodobadaas iyo kuwo kale oo badan waxa ay si fudud kuugu muujin doonaan in marka horeba labada maamul aan la’is barbardhigi Karin. Arrinta Labaad – Dowladda waxaa hubaal ah in ay hal ajande ka wada leedahay dhammaan maamulada. Doorashadii ugu horreeysay tan iyo markii ay isku dheceen maamulada waxa uu ku soo aaday Koonfur Galbeed, dowladda waxa ay u martay xeelad awood sheegasho weyna ku fushatay ujeedkeedii. Puntland ayaa ku soo xigtay – iyada xoog suurtagal u noqon meyso laba qodob dartood; 1 – Iyada oo ka soo kabatay fowdo siyaasadeed oo heer mooshin Madaxweyne gaartay iiyo dhacdadii Michael Haysom ma isku furi karto dagaal kale oo muuqda, 2 – Awoodda Puntland u leedahay in ay iska caabiso. Qodobadaas oo jira, dowladda waxa ay raacday waddo kale oo uga halis yar oo waxa ay adeegsaneysaa DHAQAALE xoog leh iyo wakiilo Garowe u fadhiya oo aan la dareemeen . Jubbaland ayaa iyana ku xigta -! Walow aysan caddeyn qaabka ay u wajihi doonto, hadana waxaa hubaal ah in ay faraglin doonto . Galmudug iyo waxaa raaci doona Hirshabeelle, iyaguna kama badalnaan doonaa kuwii hore. Hadaba, waxaan qoraaljeyga ku soo koobanayaa in dowladda ay hal hadaf ka wada leedahay dhammaan maamulada balse ay qabaab kala duwan (Different Approaches) u mareyso si ay siyaasaddeeda uga fushato. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Nin laalush qaatay ha ka sugin, inuu isagoo qof madax-bannaan ah codeeyo! Waa BEEEeeeN! Ma aha qaacida jirta! Guddoomiyaha cusub Cabdi-Xakiim Max’ed Axmed (DHoobo Daareed) inta aan oghay labo xilli oo hore ayuu u soo tartamay xilka loo doortay, taasi macnaheeda waxaa weeye inuu geliyay dadaal dheeri ah oo uu ku mintiday siduu mar u noqon lahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Puntland, waxaana laysa weydiin karaa muxuu ku arkay?!…laakiin taas waxaan jawaabteeda kaga qancay sida ay isku raaceen dadka isaga yaqaan intooda badan inuusan ahayn nin looga baqayo inuu khatar geliyo Puntland, isla markaasna muddadii dheereyd ee uu ku soo jiray golaha shacabka Puntland uu ahaa nin ku caan baxay dhaqan iyo anshax wanaagsan, waxaana in badan oo dadkaas ah ay isku raaceen inuu ka saari karo Puntland habacsanaanta soo jiitantay ee xag dhaqan, siyaasadeed, dhaqaale, uu maamulka hadda xilkiisu dhammaday uga tegay , siiba musuqmaasuqa qaawan ee 5tii sano ee u dambaysay dhaqanka u noqday golahii shacabka ee Puntland. Waxa ugu horeeya ee DHoobo-Daareed iyo golaha u hoggaaminayo laga sugayo waxay tahay si ay u ilaaliyaan ku dhaqanka iyo jirtaanka dastuurka iyo habka federalism-ka ah ee ummaddu ku heshiisay inay soo doortaan ninka ay ka filayaan ama ay ka arkeen dhaqankiisa iyo taariikhdiisa wax-qabasho inuu u hoggaansamayo qawaaniinta maamulka u hoggaaminayo iyo dalka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna aan ka shaqaynayn ama gacan ku siinayn dadka la dagaalamaya xeerarka iyo waxyaabaha ay ummaddu ku heshiisay, ee qorshayniya inay dumiyaan maamul goboleeddada iyo nidaamka federal-ka ah ee dadka Soomaaliyeed ay ku soo heshiiyeen…waxaa kaloo looga fadhiyaa, xil-dhibaannada inay ku shaqeeyaan dareen!… Oo waxa ku meeran dhaqso ay urin karaan, u maqli karaan, una arki karaan, iayadoo wali aysan dad-weynaha soo cabana ma qaylo ka imaan…iyo caqli markiiba garta wax la dareemay, iyo kaskii ay go’aan degdeg ah uga qaadan lahaayeen dhibta ay dareemeen iyadoo aan qaynuunka la baal marayn!… Waxaa iyadana rajo weyn laga muujiyay in xil-dhibaannada cusub oo tiro ku dhowaad 50 xubnood, oo ka mid ah 66ka xubnood ay yihiin dhallin-yaro ay ka dhab tahay inay dib u soo celiyaan ilaalinta dhaqanka suuban ee ummadda (Diinta Islaamka) iyo xeerarka ay ummaddu ku heshiisay. Waxaa sidoo kale soo baxaya in xubno badan oo ka mid ah xil-dhibaannada cusub ay rumaysanyihiin in madax-weynaha ay soo dooranayaan iyo xukuumadda imaanaysa iyo golaha shacabka isla xisaabtankooda uu ku dhisanyahay hannaanka wanaagsan ee dowladnimmada, taasina ay tahay midda dowladnimmada iyo maamulka Puntland shantii sano ee la soo dhaafay waysay. Waxaa sidoo kale ay xil-dhibaannada cusub ee Puntland ku soo beegmeen xilli adag oo dowladda dhexe ee federal-ka ay duulaan qaawan ay ku soo qaaday maamul-goboleeddada, taasoo sida muuqata salka ku haysa sababo qarsoon oo la xiriira heshiisyada qarsoon ee ay wada gaareen Abiy Axmed Cali iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waana sababta qasabta in ciidammada Itoobiya ay si bareer ah maalin cad shacabkii reer Koonfur-Galbeed ugu laayeen magaallada Baydhabo si loo soo doorto Lafta-Gareen! Xil-DHibaannadii hore gefkii ay ka galeen dastuurka (Ummadda) wax ma ka qaban doonaan?!… SHaqooyinka ugu adag ee hor yaala DHoobo-Daareed iyo golaha uu guddoominayo waxay tahay inay doorashada beritoo dhacaysaa indho furan kula socdaan, inay tartanka ka reebaan cid kasta oo murashaxiinta ka mid ah oo lagu cadeeyo inay laaluush bixinaysay! Laakiin hawsha xooggeeda iyo culayska u weyn ee xil-dhibaannada dooranay madax-weynaha Puntland saaran wuxuu yahay inay ka digtoonaadaan oo ay ka feejignaadaan qof kasta oo ay ku tuhmayaan inuu khatar ku yahay jiritaanka iyo maamul-goboleeddada kale! Waxaana si gaar ah fart loogu fiiqi karaa Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isaga aan wali cadayn inuu bedelay mowqifkiisii colaaddii uu uga soo hor jeeday Puntland, isla markaasna dad badan oo la socday dhaqdhaqaaqiisa ay sheegayaan in Dr. Cali Ciise uusan wali waxba ka bedelin taas laakiin hadda uu qorshihiisu yahay inuu gudaha u soo galo kana faa’idaysto colaadda u dhexeysa Puntland (Maamul-Goboleeddada) iyo dowladda dhexe ee federal-ka, wuxuuna Farmaajo iyo KHeyre ugu jiraa kaalintii uu Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen u joogay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed. DHanka kale, waxaa hor yaala DHoobo-Daareed iyo xil-dhibaannada cusub inay dib u fiirin ku sameeyaan heshiisyada qarsoodiga ah ee lala galay shirkadaha iyo dalalka shisheeyaha ah, gaar ahaan kii dekedda Boosaaso ee lala galay DP, shirkadda Midowga Immaaradaha Carabta, isla markaasna ah gacanta ka dambeysa heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo iyo Abiy Axmed, waxaana looga baahanyahay inay ku dhiirradaan oo si cad sugnaanshaha lahaanshaha dekedda Boosaaso ee Soomaaliya, iyo waliba inaysan ahayn hanta uu lagula heshiin karo ama laga iibsan karo madax-weyne, ama waziir! Ama qof gaar!…maxaa qarsoon?!! Waa inay dadka Soomaaliyeed u cadeeyaan… Ee ma aha in sidii laga soo maray xil-dhibaannadii hore oo iyagoo wali malabsanaya….iyagoo wali haabhaabanay… iyagoo wali qofkii soo ag maraba qooraansanaya…! “ Waziiradaan xilkoodii bay gudan waayeen…Astaghfurullaah!…sidaas kama wadin waa waziiro fiican, oo waliba si fiican u soo shanlaystay! Maya waxaan ka wadaa…” Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Puntland Axmed Cali Xaashi… “ Ceebi yeey wax yeeshaa?!…Ihi! ixi! Hahahah!…Ceeb waa laba af maroojis!…” Xil-DHibaannadii hore ee Puntland. Doorashada beri, waa xil aad u weyn, waana xilka mar kasta lagu eedeeyo in xil-dhibaannadu ay dadkooda ku dulmiyeen, dadkooda ay codkooda wakiilka ka yihiin iyagoo aan u dhiiban, hadday tahay madax-weyne dowladeed, iyo hadday tahay mid maamul-goboleed!…Beri codkiina waxaad ku go’aaminaysaan qayb weyn oo ka mid ah aayaha ummadda, dalka, iyo waliba si gaar ah ilmahaaga iyo faca dambe!…Ha ku fududaan waa go’aan weyn oo aadan hubin inuu mar kale gacanaatada ku soo laabanayo! Hanka laydin qabo iyo waxa laydinka fili karo beri bay kala caddaan!…Waxaanse hubaa mujtamac quus gaaray shantii sano ee la soo dhaafay rajadii u soo bidhaantay inaad tihiin!…Xil-DHibaannada Cusub ee Puntland wax weyn baa laga filayaa! W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ay Caasimadda Online ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in loolankii ugu adkaa uu caawa ka dhacay hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada dooran doona subaxnimadaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland. Loolanka murashaxiinta ayaa loo adeegsanayaa dhaqaala iyo sumcad, waxaana suuqa kala xod-xodashada uu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa heerka suuqa muraxashiinta iyo xildhibaanada kala gaareen. Murashaxa Maxamud Khaliif Jabiye ayaa suuqa xildhibaanada la wareegay caawa, wuxuuna beecii ugu sareeyay halkii cod uu gaarsiiyay 100,000 oo dollar, taasoo keentay in xildhibaano badan ay u jabaan dhankiisa. Waxaa rikoor cusub dhigay oo haddii sumcad iyo masuq maasuq la dagaalan lagu dooranayo madaxweynaha Puntland waxaa kusoo bixi doona Cali Ciise Cabdi oo soo xiray albaabada masuqmaasuqa iyo laaluush wax ku doorashada, isagoona xildhibaanadii ugu danbeeyay u sheegay in isagoo 70 sano jir ah mudo 30 sano ah uu la dagaalamayay faqriga, iyo masuq maasuqa, isagoona yiri “Maanta ma horseedayo mustaqbalkeyga iyo aakhiradeyda inaan laaluush bixiyo, si aan ummad dhan hoggaamiye ugu noqdo”. Marka laga soo tag murashaxa ugu lacagta badan waxaa isna soo labeeya murashax Faarax Cali Shire oo suuqa soo geliyay lacag dhan 50 ilaa 80 inta u dhaxaysa murashaxii. Murashax Asad Cismaan Diyaano, ayaa isna suuqa soo sadaxeeyo, waxaana xildhibaankiiba uu ku kasbanayaa lacag u dhaxaysa 40 ilaa 60 kun dollar, isagoona adeegsanaaya siyaasiyiin magac ku leh Puntland.. Murashaxa ugu cad-cadaa ee Saciid Dani oo maalmihii lasoo dhaafay suuqa haystay ayaa xildhibaanada kasoo kala dareereen caawa, kadib markii uu xildhibaanada u balan qaaday midkiiba 40 kun, kana dalbaday inay u dhaartaan, hase ahaatee waxay door dibeen inay ka qulqulaan. C/weli Gaas ayaa isna xildhibaano badan ay u jabeen, markii uu bilaabay inuu 40 xildhibaan shir la qaatay, miiskana uu soo saaray 30 kun dollar, hase ahaatee xildhibaanada ayaa u arka in dhaqaalahaasi ay yihiin hantidii shacabka hadeysan u coddeyna aysan godob laheyn. Cabdi Faarax Juxaa oo wasiirka arrimaha gudaha kasoo noqday dowladda federaalka ayaa saameyn aad u weyn laheyn, maadaama dhaqaale ahaan aad u liido. Dhanka kale, tiro xildhibaano ah oo muran ku jiro tiradooda ayaa lagu soo waramayaa inay guri isku aruursadeen, kuwaasi oo sheegay inaysn wax lacag ah qaadan doonin, codkoodana ay siin doonaan cida ay is yiraahdaan way ugu haboon tahay wadanka, dhibka jirase waxay tahay tiradooda si rasmi ah loom yaqaan. Si rasmi ah looma saadaalin karo shaqsiga hannan doono xilka madaxweynenimo ee Puntland oo murashaxiinta juhdi kala duwan ay ku bixinayaan, waxaase la ogaan doonaa xaqiiqda 12-duhurnimo ee tallaadada ama wixii ka danbeeya. Cali Muxiyadddiin Aruurinta Xogta Xafiiska Caasimada London